Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. U.S. forces in Africa have killed two terrorists in a pair of airstrikes in Somalia on Friday, according to an initial assessment of the strikes provided to American Military News. U.S. Africa Command (AFRICOM), working in coordination with the Federal Government of Somalia, has carried out the strikes targeting Al Qaeda-affiliated Al-Shabaab terrorists near Kunyo Barrow, Somalia. AFRICOM’s initial assessment concludes the pair of airstrikes killed two Al-Shabaab members and resulted in no additional civilian casualties. “The support the U.S. provides to our partners in our cooperative efforts to enhance security throughout Africa is unmatched by our competitors and is vital to not only East African security but to protecting the American forces on the continent and abroad,” said U.S. Army Brig. Gen. Gregory Hadfield, AFRICOM’s deputy director of intelligence. The Friday strike is one in a recent string of AFRICOM-led operations against the terror group. On Feb. 19, U.S. airstrikes took out three Al-Shabaab fighters in another airstrike. Another U.S. strike destroyed an Al-Shabaab compound and wounded three more of the group’s fighters. On Monday AFRICOM reported its ninth airstrike on Al-Shabaab in total for the month of February and Friday’s latest strike now marks at least ten by U.S. forces against the terror group. “Al-Shabaab attacks range from unsophisticated to complex operations, and include assassinations, IEDs and vehicle-borne IED attacks, among other brutal tactics,” Hadfield said in a prior AFRICOM statement. “Removing even one of these terrorists from the field supports our partners on the ground and prevents that individual terrorist from planning or executing future attacks on Africans and Americans.” Hadfield said Somalia remains an important part of the U.S. efforts in the East African region. View the full article
  2. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay u tanaasuleen shacabka ka dib shaqaaqooyin ka dhacay qeybo ka mid ah Galmudug. “Waxaan halkan ka cadeynaynaa in dhibaatooyinkii ka dhacay caasimadan in aan go’aansanay in aan soo afjarno oo dadka shacabka ah aan u turno oo aan ilaalino taas daraadeed ayaan waxaan u sameynay tanaasulay aan u tanaasulnay shacabkeena” ayuu yiri Sheekh Shaakir. Dhanka kale Sheekh Maxamed Shaakir ayaa hoosta ka xariiqay in ciidankii ku sugnaa xarunta Inji ay ku wareejiyeen Generaal Mascuud oo ah taliya taliska 15-aad ee qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga, waxa uuna tilmaamay in amaankooda iyo wixii kale oo ay u baahdaan uu damaanad qaaday taliye Mascuud. “Generaal Macuud in uu la wareego ciidankii halkan joogay kabacdina masuuliyadda amniga dadka masuuliyiinta ah oo mashaa’ikhda ah uu masuul ka yahay oo uu ilaalinayo matalanba ilaalinta amnigooda ha noqoto ama ha noqoto wixii kale oo ay dadka u fulin jireen” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shaakir. Hadalka Sheekh Shaakir ayaa ku soo aadaya xilli shaqaaqo ay ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu sunna ku dhexmartay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. The top leaders of Somalia’s Sufi sect, Ahlu Sunna have finally surrendered themselves to the Federal Government of Somalia a day after a deadly battle in Dhusamareb town. Mo’alim Mohamud, the founder of the group and his right-hand man, Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan both are reportedly in custody with their headquarters retaken by SNA. The latest reports say that SNA troops are now in full control of the city, which has been hosting the newly elected Galmudug president Qoor-Qoor since his election last month. At least 10 people were reported to have died and dozens were wounded in Friday’s clashes between government troops and Ahu Sunna fighters in Dhusamareb and Guri’el towns. View the full article
  4. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa hadlay xaaladda magaaladaasi iyo guud ahaan tan Galmudug. Ugu horreyn Shaakir ayaa sheegay in amnigooda iyo guud ahaan kan Galmudug ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in u tanaasuleen shacabka Galmudug, si looga gudbo caqabadaha haatan ka jira deegaanada maamulkaasi. “Waxa aan u tanaasulnay shacabka, dhibaatooyinkii ka dhacay Caasimadaan waxa aan go’aansanay in aan soo afjarno, marka aan aragtay in dhib badan uu soo wajahan yahay, kana badan kii dhacay, horay waxaa amniga ugu dhiibnay dowladda, waxaana markale caddeynayaa in aan ku wareejinayay amniga Galmudug oo dhan, waana in ay mas’uuliyadda qaadaan, iyada ayaanna ku ognahay si ay usii hagaajiso” ayuu yiri Shaakir. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku dagaalameen magaalada Dhuusamareeb, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba. View the full article
  5. Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan, oo ka tirsan Hoggaanka sare ee Ahlusunna, ayaa si rasmiya u shaaciyay in ay isu dhiibeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb. Hoggaamiyaha oo saaka warbaahinta la hadlay, kadib markii dowladda Federaalku uga adkaatay dagaalkii Dhuusamareeb, ayaa sheegay in ay hubkoodii iyo ciidankoodii ku wareejiyeen dowladda. Sheikh Shaakir, ayaa sidoo kale sheegay, in Amniga Hoggaanka sare ee Ahlusunna lagu wareejiyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay ogolaadeen in mas’uuliyadda Galmudug oo dhan dowladdu la wareegto. Isdhiibidda Hoggaanka Ahlusunna, ayaa ku soo beegmay kadib markii looga adkaaday dagaallo culus oo tan iyo Khamiistii halkaasi dhexmarayay malayshiyaadkooda iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka. Halkaan ka daawo hadalka Sheikh Shaakir PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo si rasmiya ugu dhawaaqay in ay isu dhiibeen dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna ee isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan dagaalladii ugu dambeeyey ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Ugu horreyn Shaakir ayaa sheegay in amnigooda, tii magaalada Dhuusamareeb, masuuliyada hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan, General Mascuud Maxamed Warsame oo ah taliyaha guutada 15-aad ee eaybta 21-aad, kaas oo horay uga tirsanaa Ahlu Sunna. Shaakir ayaa sidoo kale sheegay inay u tanaasuleen shacabka, si loo soo afjaro dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug “Waxa aan u tanaasulnay shacabka, dhibaatooyinkii ka dhacay Caasimadaan waxa aan go’aansanay in aan soo afjarno, marka aan aragtay in dhib badan uu soo wajahan yahay, kana badan kii dhacay, horay waxaa amniga ugu dhiibnay dowladda, waxaana markale caddeynayaa in aan ku wareejinayay amniga Galmudug oo dhan, waana in ay mas’uuliyadda qaadaan, iyada ayaanna ku ognahay si ay usii hagaajiso” ayuu yiri Shaakir. Genaral Mascuud ayaa hadda gacanta ku haya Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Ashcari) iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed oo saacadihii la soo dhaafay is dhiibay. Sidoo kale taliye Mascuud ayaa uga mahadceliyey Sheekh Shaakir, sida uu mas’uuliyadda ugu wareejiyey, isagoo tilmaamay inuu qaaday tallaabo muhiim ah. Xaaladda Dhuusamareeb ayaa hadda degan, kadib markii ay saacadihii la soo dhaafay ku dagaaalameen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa dowladda oo ugu dambeyn la wareegay xarunta INJI oo ay daganaayeen hoggaanka sare ee ururkaasi. Dhinaca kale warar heleyso Caasimada Online ayaa sheegaya inuu haatan socdo dadaallo ay wadaan saraakiisha ciidamada oo la doonayo in lagu kulan siiyo hoggaanka Ahlu Sunna iyo madaxweynaha Galmudug garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Galmudug oo muddo uu ku jirtay is jiid jiid ayaa hadda yeelatay weji kale oo dagaal, iyadoo siyaabo kala duwan looga fal-celiyay xiisada ka soo cusboonaatay maamulkaasi. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Shaakir.mp4
  7. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gacan ka helaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxa ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose oo ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al shabaab. Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa loona yaqaan AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Kuuno barrow 28-kii bishan lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al shabaab oo deegaankaasi ku sugnaa. AFRICOM qoraalkooda waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen 2 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab, waxaana Mareykanku uu tilmaamay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah inta ay howlgalka ku guda jireen. Boga lagu taageero Al shabaab ayaa waxaa lagu daabacay in duqeynta Mareykanka uu ka fuliyay Kuunyo barrow ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah. Mareykanka ayaa sanadkan 2020 waxa uu kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Koonfurta Soomaaliya oo ku suganyihiin dagaalyahanada Al shabaab, waxaana Mareykanka uu muddooyinkii dambe duqeymo isdaba jooga ka geysanayay gobalka Jubbada dhexe oo si buuxda gacanta ugu hayaan Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay dil ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wuxuu ka dhacay gudaha degmada Dharkenley, iyadoona loo geystay nin lagu magacaabi jiray, Cabdiwaaxid Muxumed Yarow. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka laga toogtay qeybaha sare ee jirka, islamarkaana uu isla goobta ku geeriyooday, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa meesha gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahisay Internet-ka. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay Cabdiwaaxid uu ka tirsanaa shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaar kood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.
  9. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in hubkii ciidanka Gaashaan ee loogu tala galay in lagula dagaallamo Al Shabaab ay gaysay magaalada Dhuusamareeb oo ay dagaal ka abuurtay. “Waxaa ilo xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab dawlada federaalka ah Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag dhaco” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaa uu sheegay in ay tahay nasiib darro wayn in maanta hubkii dalka lagaga xorayn lahaa kooxaha argagixsada ah ay dawladdu ku weerarto magaalo Soomaaliyeed oo nabdoon. “Hubkaas iyo wiilashii ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Alshabab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo taliyaha nabadsugida. Waa in la ogaado in xasuuqii xalay Dhuusamareeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay”. Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay haddii khilaaf ka dhexeeyay dowladda Federaalka iyo Ahlusunna in loo baahnaa wada-hadal iyo waan-waan in lagu dhammeeyo balse aysan marnaba wax la qaadan karo ahayn in dagaal iyo awood ciidan la doorbido. PUNTLAND POST The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Xasuuqa Dhuusamareeb ka dhacay waa danbi dagaal appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Ka dib markii ay Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland isla eegeen halista Cudurka Corona Virus (Karona-fayras-ka) (Covic19) oo dunida si xawli ah ugu faafaya iyo wacyigelinta Bulsho ee loo baahan yahay in la sameeyo, ayuu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed Culimada dalka u soo jeediyey inay Bulshada ka wacyigeliyaan khatarta cudurkaas, maaddaama oo uu yahay mid Alle-ka cabsi uun lagaga badbaadi karo. Sidaa daraaddeed, Culimada oo Ajiibtay, fulisayna Farriinta Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ayaa inta badan Masaajiddada magaalooyinka Somaliland Khudbaddii Jimcaha ee shalay waxay ku soo qaateen, isla markaana ku qaadaa dhigeen Corona Virus. Magaalada Hargeysa Culimada Khudbadihii Jimcaha kaga hadlay Xanuunkaas, waxa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo Khaddiib ka ah Masjidka Rusheeye iyo Sidoo kale Sheekh Maxamed Aadan oo Khadiib ka ah Masjidka Cali Mataan, waxaanay sheegeen inuu cudurkani u muuqdo cadho Illaahay iyo wax ay keeneen fasahaadka dunida ka jira, mar haddii awood-sheegashadii dowladda Shiinaha iyo dhibta ay ku haysay Muslimiinta ay aad u badnayd, iyaga laftooduna ay garawsadeen in culayskii ay Muslimiinta dalkooda saareen Allaah ugaga aar-gudayo cudurkan aan xuduudka lahayn. Sidoo kale, Masjid Jaamaca Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayuu Khudbad uu ka jeediyey Sheekh Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Maxamuud kaga hadlay xanuunkaas, waxaanu u mahad-celiyey Wasiirka iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland baraarujinta ay Culimada ku baraarujiyeen inay bulshada ka wacyigeliyaan cudurkaas. Masjidka Al-huda oo ka mid ah Masaajiddada ugu waaweyn magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa Khudbadda Jimcaha ka jeediyey Sheekh Cabdiweli Maxamed Cali, waxaanu yidhi, waxaanu soo jeediyey in loo baahan yahay inay dowladdu doorkeeda qaadato oo ka hor-tag badan iyo xaddidaad dhaqdhaqaaqa dibedda ah la sameeyo. Sheekh Cilmi Sheekh Ismaaciil Sheekh Axmed, ayaa isna Khudbadda Jimcaha oo uu ka jeediyey Masjid Jaamica magaalada Boorama, ayaa sheegay in wax kasta oo xaaraan ah laga dheeraado, maaddaama oo waxyaabaha Allaah cunistooda xaaraantimeeyey ay aad u cunaan Dadka Shiinuhu. Masaajiddada Ceerigaabo, Berbera iyo magaalooyinka kale ee dalka, ayey Culimadu kaga hadleen Khudbadihii ay ka jeediyeen Cudurka Karonafayraska, waxaanay u Duceeyeen guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna Dadka reer Somaliland oo ay u soo jeediyeen inay Allaah ka-cabsiga, cibaadada eebbe xoojiyaan oo ay Alla-bariga badiyaan, Nadaafadda iyo Dhaqanka wanaagsan ee Islaamkana ku dedaalaan. Caabuqa Karona-fayr oo bilo ka hor ka bilaabmay dalka Shiinaha, una gudbay dhawr iyo soddon dal oo kale, ayey Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO sheegtay in dad ka badan 2,800 oo ruux ugu dhinteen Dunida, kuwaas oo kun iyo dheeraad Shiinaha ugu dhinteen cudurkaas, halka ku dhawaad 78,800 oo Qof oo kalena ay u jiifaan xanuunkaas,oo astaamihiisa ay ka mid yihiin neef-qabatoow, duuf, xumad iyo is-beddel jidhka ah. WHO warbixin ay Jimcihii shalay soo saartay ayey sidoo kale ku sheegtay in laga cabsi qabo inuu dunida oo dhan saameeyo, marka loo eego xawaaraha uu ku socdo, iyadoo maanta oo qudha ay kordheen 5 dal oo isla jimcaha shaaciyey inuu gaadhay cudurkaasi, isagoo si xooggan u sameeyey isu socodka dalalka dunida iyo sidoo kale dhaqaalaha oo hoos u dhac badani ku yimi. Nuxurka Khudbadaha Culimada Somaliland ka kala jeediyeen Magaalooyinkaas Jimcihii maanta ee ay Xanuunkaas kaga hadleen, iyaga oo maqal iyo muuqaalba ah, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- Source
  11. Wararka aan saakay ka helayno magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in dagaal qaatay in ka badan 24 saac islamarkaana u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo ciidamo taabacsanaa ururka Ahlu sunna kaasi oo geystay khasaare kala duwan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dagaalkaasi ay soo afjareen ciidanka dowladda. Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud ayaa soo sheegaya in xerada Inji oo saldhig u ahaa Ahlu sunna ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in hoggaanka ugu sareya Ahlu sunna ay dalbadeen in ay isku dhiibaan Generaal Mascuud oo ah taliyaha guutada 15-aad ee taliska qeybta 21-aad horeyna ugu tirsanaan jiray ururkaasi. Sidoo kale wararka kale oo aynu helnay ayaa sheegaya in madaxda ugu sareysa Ahlu sunna lagu wado in maanta ay kulan la qaataan madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqor, wallow warkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin. Sawirro laga soo qaaday xarunta Inji oo xalay ilaa habeen hore uu dagaalku ka socday ayaa muujinaya bur bur xooggan oo soo gaaray xaruntaasi. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii Dhuusamareeb ka dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo ay xusid mudantahay in khasaare kala duwan uu soo gaaray dhinacyadii dagaalamay. Lama oga halku uu ku dambeyn doono xaalka magaalada Dhuusamareeb oo maanta ka yara degan sidii saacadihii la soo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wararka saaka ka imaanaya Dhuusamareeb Waxay sheegayaan in EHLU looga adkaadey Dhuusamareeb lagana eareegay Masuuliyiintii ugu sareeyay. Sheikh Shaakir iyo Macalin Maxamuud labada Waa lasoo [...] Source
  13. (SLT- Dhuusamareeb)-Hoggaamiyaashii ururka Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeyntii isku dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay ciidamadoodii ay is-dhiibeen. Wadahadalo xalay oo dhan socday ayaa sababay in saaka waaberigii ay gudaha u galaan xarunta Inji oo ahayd halkii looga talinayay ururka Ahlu Sunna ciidamo uu hoggaaminayo taliyaha guutada 15aad ee qeybta 21aad General Mascuud Maxamed. Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay diiday dalabkii hore ee madaxda Ahlu Sunna oo ahaa inay isu dhiibayaan ciidammada AMISOM. Ururka Ahlu Sunna oo hore wadahadallo ula galay dowlada federalka Soomaaliya isla markaana ku wareejiyay hubkii iyo ciidamadii ay lahaayeen ayaa hadda u muuqda inuu soo gabagaboobay xilligii ay awood siyaasad ama mid ciidanba ku lahaayeen gobolka Galgaduud. Source
  14. DHUSAMAREEB (HOL) - Ahlu-Sunna leaders in Dhusamareb town of central Somalia have turned themselves in to Somali military barely a day after heavy that saw close to ten people killed. Source: Hiiraan Online
  15. Danjiraha Soomaaliya u jooga xarunta QM, Ambassador Abuukar Daahir Cusman waxa uu hadalkaasi ka sheegay Kulan ay Golaha Ammaanka ee QM yeesheen, wuxuuna si kulul ugu eedeeyey Ciiddanka Kenyaanka ku sugan gudaha Soomaaliya inay deganaansho la’aan ka wadaan Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday QM inay tallaabo ka qaadaan Kenya. Ambassador Abuukar Daahir Cusman waxa kale oo uu tilmamaay inuu sii xumaanayo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay DFS ku daashay dhammaan wadiiqoyinka Diplomaasiyadeed, si ay Kenya u joojiso faragelinta iyo deganaansha la’aanta ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Danjiruhu waxa uu ku eedeeyey dowladda Kenya inay fargelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana ay carqaladanayso Dastuurka QM oo ay wadaan falal liddi ku ah nabadda Dhinaca kale, Danjiraha Soomaaliya u jooga xarunta QM, Ambassador Abuukar Daahir Cusman waxa uu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku difaaci doonaan xorriyadda iyo midnimadda dalka Siomaaliaa. Kenya waxaa haatan Soomaaliya ka jooga 3500 Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah ciiddanka howllgalka AMISOM oo tiradooda guud dhan tahay 20,000 oo askari oo ka kala socda dalalka Jabuuti, Ethiopia, Uganda, Burundi iyo Kenya. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay dagaalladii ciidamada dolwadda iyo kuwa Ahlu Sunna ku dhex-maray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Qoraal uu siyaasigan soo dhigay bartiisa Facebkook-ga ayaa wuxuu ku sheegay in shalay dowladda federaalka Dhuusamareeb ay ka dejisay hubkii ciidanka Gaashaan ee loogu tala galay in Al-Shabaab looga saaro marka ayu weerarada ku qabsadaan Hoteelada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in amarka lagu weeraray hoggaanka Ahlu Sunna ay si wadajir ah u bixiyeen madaxweynaha, ras’iisul wasaaraha iyo taliyaha NISA. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlu Sunna ay ku faraxsan ‘xasuuqa’ loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Al-Shabab, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka akhriso: Waxaa ilo xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab dawlada federaalka ah Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag dhaco. Hubkaas iyo wiilashii ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Alshabab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo taliyaha nabadsugida. Waa in la ogaado in xasuuqii xalay Dhuusamareeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay. Dawlada Federaalka ah iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlusunna waxay ku faraxsan yihiin xasuuqa loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Alshabab, iyo xaqiraada lagula kacay hogaankii Ahlusunna. Dawlada Federaalka ah iyadoo heli kara wado waan waan iyo wadahadal ah ayey dagaal iyo colaad ka doorbiday. Waa wado ay sedaxdii sano ee na dhaaftay ku taagnayd. Hogaanka Ahlusunna maalintii ay tabarta hayeen way tala diideen, waxayse su’aashu tahay inta kale ee maanta weli tabarta haysa, ma haleeli doonaan talo ay xasuuqa iyo xaqiraada ku soo fool leh isaga badbaadiyaan?
  17. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay diyaaradahoodu fuliyeen laba duqeymood. Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntaasi dhanka cirka ah ay ku dileen illaa laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu xusay qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM. Sidoo kale Mareykanka wuxuu sheegay in wax khasaare ah uusan weerarkaasi ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ka agdhowaa goobaha la duqeeyay. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa tilmaamay inuu xoojin doono duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  18. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa sheegay in si wadajir ah duqeyn ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha hoose halkaasna ay ku dileen Xubno katirsan Al-Shabaab. Duqeynta waxa ay dhacday degaanka Kuunya Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose gelinkii dambe ee Jimcaha waxaana dowladda Federaalka iyo AFRICOM ay sheegteen in ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Qoraalka ka soo kala baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Howlgalada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay in aanu jirin waxyeelo gaartay dadka shacabka oo ay xaqiijiyeen. Diyaaradaha Mareykanka ee aan Duulliyaha lahayn ayaa sannadihii u dambeeyay kordhiyay weerarada duqeynta ah ee ay ka geysanayaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee lagu beegsanayo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Shabeelada Hoose appeared first on Puntland Post.
  19. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb. Dagaalkaan ayaa ka xooganaa mid kii shalay, iyadoona ciidamada dowladda ay weerareen xarunta INJI oo ay dagan yihiin hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca. Wararka ayaa sheegaya in ugu dambeyn Ahlu Sunna lagala wareegay dhismaha xaruntaasi, taas oo ku qasabtay hoggaankeeda in ay isku dhiibaan dowladda. Hoggaamiyaha Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa hadda gacanta ugu jira ciidanka dowladda, iyadoo ay warar kala duwan ka soo baxayaan xaaladooda. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay xaaladdu saaka tahay iyo khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay Dhuusamareeb. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/shardi-1.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-29022020.mp3 View the full article
  21. Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay culus oo markii dambe keenay in ay is dhiibaan Hoggaanka Ahlusunna. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka xooganaa kuwii shalay gudaha Magaalada ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, kaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Intaas kadib Ciidanka dowladda ayaa waxaa u suura-gashay inay gudaha u gaalan Xarunta Inji oo ay degan yihiin hogaanka sare ee Ahlusunna, waxaana Ciidankii Ahlusunna ay bilaabeen inay isku dhiibaan Ciidanka dowladda, iyagoona laga dhigay hubkii ay wateen. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud oo ah hogaamiyeyaasha Ahlusunna ay isku dhiibeen Ciidamada Dowlada Faderaalka. Ciidamada ayaa labada hogaamiye ka soo saaray Xarunta Inji oo shalay iyo xalay uu ka socday dagaal Culus, iyagoo la sheegay in Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud ay dalbadeen in rasaasta laga joojiyo. Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in gudaha Xarunta Inji ay guud ahaan la wareegeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxaa istaagay dagaalo saacado badan qaatay oo halkaas ka socday. PUNTLAND POST The post Hoggaanka Ahlusunna oo isu dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. President Donald Trump lashed out on Friday at the network that normally covers him so favorably over a new national poll that shows him losing hypothetical head-to-head popular vote matchups against all six of the top Democratic presidential candidates. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynayaasha dalalka Turkiga iyo Ruushka ayaa ka wada hadlaya xiisada sii kor dhaysa ee ka taagan gobolka Idlib ee waqooyi galbeed dalka Suuriya. Xiisada gobolkaasi ayaa u dhaxeesa dalalka Turkiga iyo Suuriya iyadoona ay sara usii kacday kadib markii in ka badan 30 askari ciidamada Turkiga looga dilay kadib duqeen ay fulisay dowladda Suuriya. Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay ka jawaabtay oo ay beegsatay illaa iyo 200 oo xarumood oo fariisin u ahaa kuwa Suuriya waxaana weerarkaasi Turkigu uu sheegay in ay ciidamada Suuriya kaga dileen in ka badan 300 askari. Hogaamiyaasha Turkiga iyo Ruushka oo qadka taleefanka kuwada xiriiray ayaana la sheegay in ay isku afgarteen sida wax looga qaban lahaa xiisada sii kordhaysa. PUNTLAND POST The post Dowladaha Ruushka iyo Turkiga oo ka wada-hadlaya Xaaladda Suuriya appeared first on Puntland Post.
  24. ABUJA, Nigeria - Nigerian authorities on Friday confirmed the first case of the new coronavirus in sub-Saharan Africa as the outbreak spread to a region with some of the world’s weakest health systems. Source: Hiiraan Online