-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Soomaalidu waa Dad dhaqan oo Dabar go’aaya Q2 Siddii qaybtii 1aad ku sheeganayd qoomiyada Soomaalidu iyaga oo dhaqan Ummad weeye Dabar go’aysa, ulama jeedo waa Ummad aduunka ka dhamaanaysa ama ka idlaanaysa se waa Qoomiyad waxay ku ahaayeen qoomiyada ay ka sii suulayso. Horta Qoomiyad waa Ummad isir, Af, magacyo, jinsi, dhaqan, caado, agab iyo astaan wada leh ay ku soocmaan kuna suntamaan oo lagu garto looguna soo hagaago, iyada oo qoomiyadnimadu taa tahay Soomaaliduna tahay Qoomiyad jirta oo dhaqan Maxaa u sabab ah inay Dabar go’aan iyagoo dhaqan??. Waxa sabab u ah ama keenaysa in Qoomiyada Soomaalida ahi iyaga oo dhaqan oo aduunka ku guud noon inay Dabar go’aan ama doorsoomaan ba waa isbedel ku yimid shan tiir oo kamid ah tiirarka ay ku Taagnayd Soomaali-nimadu ee ay qoomiyada ku ahaayeen oo kasii suulaya kana sii tirtirmaaya qoomiyada Soomaalida kuwaas oo kala ah :- 1-hidihii ay ku Dhaqmayeen 2-Afkii ay ku hadlayeen 3-Magacyadii ay labaxayeen 4-Caadooyinkii ay caadaysteen 5-Jinsiyadii ay lahaayeen Shantan arimood ee isbedalku kuyimi amaba sii masaxmayaa waxa ayaandaro ah in aanay dhaadahayn qoomiyada Soomaalidu in wixii ay ku ahaayeen qoomiyada uu siddii maro Midab baxaysa oo kale ay u fasaqmayaan una doorsoomayaan iyaga oo istabahayn. Haddaba Shantan arimood inkastoo ay wada sameeyeen Soomaalida Guud ahaantood hadana deegaamada Soomaalida ama dalalka shanta Soomaaliyeed ayaad moodaa inaanay isku si u wada taaban ama u aafayn. Intaynaan is dultaagin waxay isku sidda u saamayn waayeen dalalka Soomaalida, Bal marka hore aynu midhomidhaysano Shantan arimood ee Soomaalidu la doorsoomayso ama doorinaaya kow……..Lasoco Qaybta danbe. Wixii Dayacmaa ileen Doorsooma!! Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Mandhera (Caasimada Online) – Tan iyo markii maalma kahor ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Jubaland ay ku dagaalameen magaalada Beld Xaawo ayaa waxaa la isweydiinaya halka ay ku sugan yihiin ciidanka Jubaland ee isaga soo baxay halkii ay ku sugnaayeen. Madaxweyne Ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayiid oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uu ku sugan yahay xadka u dhaxeeya labada waddan, gaar ahaan magaalooyinka xuduudda Mandheera iyo Beled Xaawo. “Waxaan ku sugannahay xaduuda u dhaxeyso Mandheera iyo Beled Xaawo oo ah dhulka la yiraahdo No man’s land, waxaan kusoo boqday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland oo aaggaas joogaa”, ayuu yiri Maxamuud Sayid. Wuxuu intaa raaciyay in ciidankii Jubaland ee dhawaan halkaas dagaal ku galay ay ka guureen xeradii ay markii hore deganaayeen, waxaana uu yiri: “waxaan u guurnay xero kale oo isla halkii ah maadaama kii hore uu ahaa goob ay deganaayeen dad rayid ah, kan hadda aan degannahayna waa mid goobaha shacabka ka fog oo haddii nala soo weeraro aan isku difaaci karno”. Waxaa kale oo uu sheegay in khilaaf walba oo ku saleysan doorashada Jubaland ay ahayd in lagu xalliyo hab siyaasadeed, balse aanan ciidan lagu dabaqin. Mar wax laga weydiiyay xiriirka kala dhaxeeya ciidanka Kenya ayuu sheegay inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo keliya, waxaana uu beeniyay eedeyn uga timid dhanka kale ee Beled Xaawo oo sheegay in ciidanka Kenya ay gacan siiyeen xoogagga Jubaland. Sababta ciidankooda ay uga dagaalamayeen dhanka Mandheera ayuu sheegay “in ciidanka Jubaland iyo ciidanka Kenya ee jooga dhanka xuduudda uu ka dhaxeeyo iskaashi xagga farsamada, ayna tahay wax caadi ah oo muddo soo jiray”. “Xoog iyo qori waxba kuma saxmayaan, xalka waxaa laga sugayaa cidda deegaankaas si khaldan ciidamo u keentay, ciidamadanna u jaheyso dagaalka Al Shabaab”. Xigasho: BBC Somali
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay hay’adaha u xilsaaran dhammeystirka Dastuurka KMG, oo maanta soo gaaray Magaalada Dhusamareb. Munaasabaddan casho sharafta ah oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada, Waxaa goobjoog ahaa; Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Guddoonka Golaha Barlamaanka, iyo xubana kamid labada Gole ee DGGM. Munaasabadaan oo si hufan loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galay; Wasiirka Wasaaradda Dastuur JFS, Guddoomiyaha Guddiga la socodka, dib-u- eegista iyo hirgelinta dastuurka, iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib u eegista dastuurka. Hay’adaha Dastuurka ayaa Maalmaha ay joogaan Dhuusamareeb, la tashi la yeelan doona hay’adaha dowliga ah iyo laamaha kala duwan ee bulshada iyagoo ka dhageysan doona taladooda iyo aragtidooda ku aadan dib u eegista dastuurka qabyadaha ah. View the full article
-
Barlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyay codsi ka yimid Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland kaas oo ah in muddo kordhin labo bilood ah loo siiyo madaxwaynaha si uu soo dhiso golahiisa wasiirada cusub ee Jubbaland. Dhammaan xildhibaanadii soo xaadirtay kulanka ayaa u codeeyay in muddo kordhin la sameeyo mana jirin cid ka aamustay sidaas darteed waxaa halkaas lagu ansixiyay muddo kordhintii uu soo codsaday Madaxweynaha Jubbaland. Kulanka xildhibaanada kadib waxaa warkaas Saxaafadda u xaqiijiyay guddoomiyaha habdhoorka baarlamaanka Jubbaland mudane Shugri Wayrax Kaariye. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Jubaland oo mudda kordhin u sameeyay soo magacaabista Wasiirada Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Kenya and Somalia have agreed to resolve tensions between the two countries by appointing respective teams to solve the issues. President Uhuru Kenyatta and his Somalia counterpart Mohamed Abdullahi Farmajo agreed in a phone conversation to appoint committees to look into several matters including border security. Tensions between Nairobi and Mogadishu simmered Monday after heavy fighting broke out between Somalia’s forces and militia allied to a fugitive regional security minister near the Mandera border. On Wednesday, President Kenyatta accused Somalia of “flagrant breach” of Kenya’s territorial integrity. In the latest step in their strained relations, the President, who chaired a National Security Council meeting, said he had noted Somalia’s National Army soldiers had fought on Kenyan land, causing tension and harassing residents of Mandera. The President’s spokesperson, Kanze Dena-Moraro, stopped short of saying Kenya had been invaded by foreign soldiers but accused Somalia of breaching international law on military battles. View the full article
-
Qaxootigii Giriigga ee Dagaalkii labaad u cararay Suuriya,Magantay siisay+Abaal-la’aanta & is-hortaaga Maanta Qaxootigii Giriigga ee u cararay Suuriya Iyadoo kumannaan qaxooti Suuriyiin u badan laga hortaagan yahay inay galaan dalka Giriigga si ay uga sii gudbaan qeybaha kale ee Yurub, ayaa waxaa jirta in hadda ka hor shacab Giriigga u dhashay oo ka barakacy dagaalkii labaad ee dunida si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Suuriya. Intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka, ciidamadii Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa qabsaday dalka Giriigga, waxaana waddankaasi ka barakacay tobanaan kun oo qof oo qaarkood ay qaxooti ku noqdeen dalal ay ka mid tahay Suuriya. Giriiggii u qaxay Xaleb Qaar kamid ah qaxootiga ka barakacay ciidamadii Naziga ayaa gaaray dalka Suuriya. Dadkaasi ayaa intooda badan ka cararay jasiiradda Chios ee u dhaw xeebaha Turkiga. “Ciidamada Jarmalka ayaa jasiiradda qabsaday, gaajo xun ayaana na haysay. Qoyskeennu waxa uu ka koobnaa saddex qof,” ayay xusuusataa Marianthi Andreadi oo intaa ku dartay “waxaan si sharci darro ah ku galnay Turkiga, kadibna tareen ayaan u raacnay xerada qaxootiga ee Al Nayrab oo ku tiillay Xaleb (Suuriya).” Professor Iakovos Michailidis oo taariikhda ka dhiga jaamacadda Aristotle ee magaalada Thessaloniki ayaa sheegay in xerada Al Nayrab ay ahayd mid si kumeelgaar ah loogu hayo qaxootiga ka soo cararay dagaalkii labaad ee dunida, kuwaasoo markii dambe la geeyay dalalka kale ee Bariga Dhexe iyo xitaa Afrika. Marianthi Andreadi ayaa muddo ku nooleyd xeradii Al Nayrab ee Xaleb, Suuriya. Ioannis Stekas ayaa kamid ahaa Giriiggii u qaxay Bariga Dhexe kadibna la geeyay Afrika. Waxa uu sharraxay sida uu aabihii u iibiyay hantidii ay lahayaeen kadib isaga, walaalkii iyo hooyadii uu ugu diray dibedda. “Aaabahay waxa uu rabay in isaga iyo walaashey oo 10 jir ahayd ay naga daba yimaadaan, balse ciidamadii Jarmalka ayaa joojiyay in dadku u qaxaan Turkiga.” ayuu yiri Ioannis Ioannis oo markaa lix jir ahaa iyo hooyadii ayaa gaaray qaaradda Afrika, waxaana ay markiii dambe ka gudbeen xeebaha Masar iyagoo gaaray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. Xaaladda haatan Tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Suuriya horraantii 2011, malaayiin qof oo dalkaasi dhashay ayaa magangelyo u doontay qaaradda Yurub, marinkooda ugu weynna waxa uu ahaa Giriigga. Dabayaaqadii Febraayo ayay ahayd markii uu Turkiga dabciyay xayiraadda uu ku hayay qaxootiga Suuriyiinta u badan ee doonaya inay ka tallaabaan xuduudda Giriigga. Turkiga ayaa ka caraysan in Midowga Yurub uu ka taageeri waayay dagaalka uu ka wada gobolka Idlib ee ka dhanka ah ciidamada Bashar Al-Asad. Tan iyo xilligaasi, kumannaan qaxooti Suuriyiin u badan ayaa ku xanniban xuduudda Giriigga, iyagoo loo diiddan yahay inay u gudbaan dalalka kale ee Yurub. Qaran News
-
Beledweyne (SMN) – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa war kasoo saarey dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan, bartamaha dalka. Iska hor-imaadka oo u dhaxeeyay ciidamada Macawiisley iyo Al-Shabaab ayaa sababay khasaaro kala duwan. Isku dhaca ayaa laga soo kala wariyey degaanada Biitaale iyo Ceel-cali oo hoostaga gobolka ay xaruntiisu tahay Beledwayne. Ugu horeyn, abaanduulaha qeybta 27aad ee ciidamadda xooga, Saalax Yacquub, ayaa sheegay in ay guulo kasoo hooyeen dagaalka. Askarta lagu weeraray Biitaale ayuu xusay in ay gurmad u ahaayeen Macawiisleyda Al-Shabaab kula dagaalantay Ceel-cali. Saddex qori AK 47 iyo Hal saban ayuu sheegay in ay kasoo hurteen, isla markaana ay ka dileen tirro dagaalameyaal uusan cayimin. Dhankooda ayuu xusay in ay dhaawacyo kasoo gaareen saddex askari, kuwaasoo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo haatan. Dhanka kale, Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalka ayaa guulo ka sheegatay, waxayna xustay in ay dishay xubno badan iyo askar. Gobolka Hiiraan waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday dagaalo dhexmarayay ciidamadda Al-Shabaab iyo Macawiisleyda, oo iskood isku xilqaamay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Kadib markii uu horey magaalada Garoowe u gaaray hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud ayaa waxaa lagu soo warramayaa in sidoo kale ay maanta halkaas gaareen madaxdii kale ee kooxdaas. Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Shaakir, iyo Cabdisamad Macallin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahu-Sunna, ay maanta tageen Garoowe. Safarka ayaa waxaa ku wehliya xildhibaano ka tirsan baarlamanka Galmudug, oo ka mid ah 20-kii xildhibaan ee kooxdaas ay horey ugu darsatay baarlamanka. Sida aan xogta ku helnay, wafdiga oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay saaka safar dhulka ah kaga kallaxeen kuna gaareen Garoowe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud Sheekh Xassan, oo maalmahan ku sugnaa Garoowe, ayaa la hadal hayey inuu ku wajahnaa magaalada Jeddah. Si kastaba, Sacuudi Carabiya oo hadda soo rogtay xayiraado la xiriira dadka ajnabiga ah ee imanaya dalkaas, sababo la xiriira cudurka Coronavirus ayey suurtagal ay tahay inay baajisay socdaalkii Macallin Maxamuud. Hoggaanka ururka Ahlu-Sunna oo in ka badan 12 sannadood ka talinayey gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan isu dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-05032020.mp3 View the full article
-
Somalia and Kenya will cooperate on border security and regional stability following phone talks between the two leaders. In a statement by Villa Somalia, Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has phoned his Kenyan counterpart, Uhuru Kenyatta barely a day after Kenyan called on Somalia to stop provocation. The leaders discussed wide range issues including cooperation on enhancing security border. President Mohamed Abdullahi Farmajo and President Uhuru Kenyatta (of Kenya) have held talks over the phone to discuss the importance of border security as well as regional stability,” the statement by Villa Somalia reads in part. The leaders have stressed that the security of both countries is paramount and that countries should refrain from anything which could misunderstanding. According to the statement, both presidents agreed to establish a joint committee to work on means to strengthen the diplomatic relation of the countries. The talks come less than a day after Kenya accused Somalia of an “unwarranted attack” on the frontier town of Mandera during heavy fighting between government and regional forces. In a statement issued on Wednesday, Uhuru Kenyatta issued a stern warning to Somalia against what he termed as “violations of Kenya’s territorial integrity” Uhuru said that the Somali National Army had violated the country’s sovereignty by launching a heavy attack on Mandera town on Kenya’s border with Somalia. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco, Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse,ayaa ka hadlay Shirka labada Beelood ee Barriga iyo Galbeedka Burco, ee filayo inuu bishan badhtankeeda dhaco, waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu Shirkani ku dhammaado wanaag, kana soo baxaan qodobo muhiim ah. Suldaanka guud ee Beesha East Burco Clan Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey Shirkan iyo sababta wakhtigan ku soo beegtay ayaa ku jawaabay “Sida aad maqasheen aniguna aan sheegay Shirkani wuu jira, waana Shir dhexmari doona labada Beelood ee walaalaha ah, waa Shir caadiya, oo labada Beelood danahooda ayey kaga hadlayaan, Shir khayr qaba, oo qodobo muhiimi ka soo baxaan, ayaan rajaynayaa ALLE idimkii inuu inoo dhaco, inuu Shirku inoogu bilawdo si khayr badan, inooguna dhammaado si khayr badan, ayeyna ALLE ka baryeynaa”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Toddoba maalmood ayaa laga jooga maalintii ay Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradku kala saxeexdeen heshiiska ay ka gaadheen khilaafkii siyaasadeed kaas oo uu ka soo shaqeeyay ergayga Midowga Yurub. Heshiiska oo ay sharci yaqaanadu ku tilmaameen mid ka baxsan sharciga dalka, ayaa ka kooban 7 qodob ayaa waxaana ugu muhiimsan inay doorashooyinka deegaanka iyo wakiiladu qabsoomaan sannadkan 2020 iyo inay guddiga doorashada ee jirta oo ay xisbiyada mucaaradku ku soo dari doonaan labadooda xubnood ay la shaqayn doonaan guddigii hore ee doorashooyinka oo loo bixiyay Technical election management UNIT (TEMU), kuwaas oo qabanaya inta badan shaqada guddiga doorashooyinka qaranka. Waxa guddigan hore ee loo bixiyay guddiga farsamo sidoo kale ka mid ah 3 xubnood oo ajaanib ah. Toddobaadaas maalmood ee laga joogo saxeexii heshiiska ma muuqdo wax horumar ah oo ay labada dhinac sameeyeen, marka laga tago inay saxeexeen heshiiska, waxase ay muddadaas toddobaadkan ah hoos u dhigeen eedaymihii kala duwanaa ee ay warbaahinta isu marin jireen. Waxa aamusan oo aan weli mawqifkooda rasmiga ah la haynin guddiga doorashooyinka ee xilka haya oo uu Madaxweyne Biixi la kulmay habeenimadii heshiiska la saxeexayay, una bandhigay nuxurka heshiiska. Guddigii hore ee doorashooyinka oo hadda ah guddi farsamo ayaan iyagana mawqifkooda si rasmi ah loo haynin, waxase la sheegay inay salaasadii kulan la yeesheen wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxaana la filayaa inay maanta kulan la yeeshaan Madaxweyne Biixi. Labada xisbi mucaarad ayaan iyaguna weli soo magacaabin labadii xubnood ee ay ku lahaayeen guddiga doorashooyinka oo uu heshiisku dhigayo inay soo magacaabaan. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in labada xisbi mucaarad eegayaan xaalada uu ku dambeeyo heshiisku oo ay ku go’aan qaadan doonaan. Geesta kale madaxda labada xisbi mucaarad ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, waxaana la sheegay in kulankaas oo albaabadu u xidhnaayeen ay labada dhinac kaga wada hadleen sii ambo qaadka heshiiskii khamiistii hore la saxeexay. Source
-
Baardheere (Caasimadda Online) – Xalay saqdii dhaxe ayaa duqeymo iyo dagaal toos ah waxaa lagu qaaday xarumo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin degmooyinka Jilib, Bu’aale iyo Saakow ee gobalka Jubada Dhexe. Sida ay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda u sheegeen Caasimada Online, duqeymaha ayaa waxaa barbar socday dagaalo toos ah oo ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyadoo nolosha lagu qabtay xubno Al-Shabaab ah. Sida ay sheegeen saraakiisha, goobaha la duqeeyay ayaa ahaa xarumo ay dagan yihiin Al-Shabaab waxaana mid ka mid ah ku diyaarsanaa ciidamo ay Al-Shabaab u diyaariyeen in ay ku qabsadaan degmada Baardheere ee gobalka Gedo. Sidoo kale, xarun duqeyn iyo dagaal toos ah laga fuliyay oo ku taalla Bu’aale, ayaa la sheegay in lagu soo qabtay xubno Al-Shabaab ah. Si rasmi ah looma oga khasaaraha balse waxay saraakiishu sheegeen in ay ku dileen tobaneeyo Al-Shabaab ah qaarna ay nolasha ku soo qabteen. Dadka degaanka ayaa sheegay in ay xalay maqlayeen dhawaaqa madaafiic culus iyo rasaas toos ah. Weli Al-Shaabab arintaan kama hadlin, hase yeeshee waxaa muddooyinkaan si joogto ah ay duqeymo uga dhacayeen goobaha ay joogaan Al-Shabaab.
-
Maalmahaan waxaa Puntland kusoo qulqulaya Madaxda ugu daraystay Ehlu Suna ee loogasoo adkaadey Siyaasada Galmudug. Sheikh Shaakir oo horay u sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug [...] Source
-
Shir ay isugu yimaaddeen Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) mudadii u dhaxeysey 29ka Febraayo illaa 4ta Maarso 2020, oo ay kasoo qaybgaleen dhammaan xisbiyada xubnaha ka ah MXQ. Muddadii 5-ta casho ahayd ee shirku uu socday, waxaa ahmiyadda ugu weyn la siiyay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka ka jira oo maraya heerkii ugu adkaa taasoo horseedi karta in dawladnimadii la kobcinaayay ay wiiqanto haddii aan la helin xal degdeg ah oo ku aadan marxaladdaan. Shirka madasha xibiyada qaran ayaa waxaa laga soo saaray qodobo 13 ah kuwaasi oo ay ku heshiiyeen dhamaan xibiyadii ka soo qeyb galay madasha. Madashan ayaa waxayaabaha ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda loo asteeyay oo loo qabto hanaanka asxaabta badan. Hadaba halkan ka akhriso warmurtiyeedka ay soo saareen madasha xisbiyada qaran Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Istanbul (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midooobeen Lix Xisbi Siyaadadeed ayaa waxaa ay War-Murtiyeed ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah kasoo saareen Shir Muddo Shan Cisho uga socdey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Warmurtiyeedka oo ka kooban laba bog ayaa waxaa ay ku sheegeen in shirkooda uga hadleen caqabadaha Amni iyo midka siyaasadeed ee xilligaan dalka kajira sidii xal loga gaari lahaa,kuwaas oo wiiqi kara dowladnimada mudada la soo dhisaayey. War Murtiyeedka ayaa lagu sheegay kadib wadatashi iyo talooyin badan in ay isku raaceen inay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed. Si arrrintaas loo gaaro, war murtiyeedka ayaa lagu xusay in la magacaabay Guddiga farsamo oo howlahaan kusoo dhameystiro muddo 45 cisho gudahood. Madasha Xisiyada Qaran ayaa dalbaday in Doorashada dalka ay ku dhacdo watigii loogu talagalay aysana aqbali doonin waqti kororsi. Sidoo kale waxay dalbadeen in si shuruud la’aan ah ay isugu imaadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya si looga tashto doorashada iyo marxaladaha uu marayo dalka. Madashada Xisbiyada ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in Ciidankii iyo dhaqaalihii loogu talo galay la-dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada loo adeegsado burburinta Dowlad Goboleedyada dalka ka jira, waxaana Shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan madal dib u heshiisiineed. Ugu dambeyntii madasha ayaa sheegtay inay ka tacsiyeyneyso isla markaasna ay ka xun tahay dayac ay sheegtay in loo geystay ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose kuwaas oo dhawaan khasaaro xoog leh u geysteen Kooxda Al-Shabaab kadib markii laga qabsaday xiradii ay ku sugnaayeen lagana qaatay Gaadiid iyo Saanad Ciidan. Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran
-
Sheekh Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusunna oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka titsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Wefdiga oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay arroornimadii hore ee saaka safar dhulka ah kaga soo jarmaadeen sida ay Puntland Post u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. Imaatinkooda ayaa ku soo beegmay xilli maalmahan uu Garoowe ku suganyahay Hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna Macallin Maxamuud Sheekh Xassan islamarkaana la hadal-hayo in uu safar dibadda ah u baxayo inkastoo aan weli la xaqiijin dalka uu tegi doono. Hoggaanka ururka Ahlusunna oo in ka badan 12-sannadood ka talinayey gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan isu dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Sheekh Shaakir iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Beledxaawo (Caasimadda Online) – Warbaahinta wadanka Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay aad diirada u saareysa xiisada ka aloolsan xadka uu dalkooda la leeyahay Soomaaliya. Xaaladda ayaa meel xun gaartay markii ciidamo kala taabacsan Jubaland iyo Dowlada Soomaaliya ay ku dagaalameen magaalada Beledxaawo, inkastoo uu kusii fiday degmada Mandera. Wargeyska afka dheer ee The Star ayaa warbixin uu qoray wuxuu Janan ku tilmaamay xil ka duwan midka uu hayo. Janan rasmi ahaan waa Wasiirka Amniga Jubaland, balse jaraa’idka wuxuu ku sifeeyay Wasiirka Difaaca maamulkaas. Wasiir Janan oo baxsad ka ah gacanta Dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Magaalada Mandheera, inkastoo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan goobta uu kaga suganyahay huteel, guri kirro ah ama saldhig ciidan. Kenya ayaa u diyaar garowday in ciidankeeda ay dagaalka ka caawiyaan kuwa Jubaland islamarkaana Wasiir Janan loo qabto degmada Beladxaawo oo ku taala xaduuda labada dal, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in hadalkii madaxweynaha Kenya ee ahaa in Soomaaliya ay ku soo xadgudubtay xaduudda Kenya uu ahaa mid lagu baneysanayo howlgal ay ka qeyb qaataan ciidanka Kenya, si Wasiir Janan gudaha dalkiisa loogu sameeyo degaan laguna ilaaliyo, taas oo meesha ka saari karta qeyla dhaanta Xildhibaanada Kenya. Labadii bishaan ayaa dagaal culus waxa uu ka dhacay Beladxaawo waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayada oo markii dambe lagu jebiyey ciidanka Cabdirashiid Janan oo u cararay dhanka Mandhera.
-
War ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidaamada sida gaarka ah u tababaran ay howlgal qorsheysan ku dileen dagaalamayaal ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab. Howlagalka oo la tilmaamay in uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan yaa dowladdu waxa ay sheegatay in ilaa iyo 8 dagaalame ay weerarkaasi ku dileen, sida uu sheegay Generaal Saalax Yacquub oo la hadlay warbaahinta dowladda. Sidoo kale sarkaalkan ayaa xusay in ciidamo horin ah ay fuliyeen howlgalkaasi waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi uu si gaara uga dhacay meel qiyaastii 27km kaga began magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Saraakiisha ciidanka ee howgalkan hoggaaminaysay ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ujeedadiisa la gaaray. Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay Al shabaab oo ay kaga hadlayaan in dowladda federaalka ay dagaalamayaal uga dishay qeybo ka mid ah gobalkaasi Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa yeeshay wada hadal khadka Telefoonka ah, kadib dhaleecayn ay maalmihii la soo dhaafay warbaahinta u sumarinayeen labada dal. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay khadka telefoonka ku wada hadleen, isla markaana isla garteen in si wadajir ah labada dal ay uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in labada Madaxweyne isku afgarteen in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dowladda Kenya oo looga hadlay wada hadalka la sheegay in ay yeesheen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta. Madaxtooyada Kenya ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya ay ku xadgudubtay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideeda. Ma ahan markii ugu horeysay oo Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay heshiis ka gaaraan khilaafka diblomaasiyadeed ee soo noqnoqda, waxaana muuqata in xiriirka labada dowladood uusan wali sal adag lahayn. Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya yaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii uu soo cusboonaaday muranka badda. PUNTLAND POST The post Maxay khadka Telefoonka kaga wada hadleen Farmaajo iyo Uhuru? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka kuwa wada hadlay ayaa isla gartay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha. Farmaajo iyo Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xidhan, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham-darro. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yidhi: “Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya. DHAMMAAD” Source
