Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Fadhigii 55aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin xaalada Caabuqa Coronavirus, heerka waxbarashada dalka, khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, iyo xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda oo madaxweynuhuna guddi u saaray. Ugu horayn waxa golaha warbixin ka siiyey xaalada Caabuqa Coronavirus, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo xusay in illaa hadda dalku ka nabad-qabo oo aan cidna lagu arag astaamaha xanuunkaasi lagu garto. Waxa isna golaha warbixin mugleh ka siiyey wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland heerka waxbarashada ee dalka iyo sidii deegaanada baadiyaha ah ee Magaalooyinka ka durugsan loo gaadhsiin lahaa waxbarashada. Dhinaca kale wasiirka horumarinta Beeraha ayaa ka war-bixiyey khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, sida lagu xusay war-bixinaha hay’adaha Ayaxa ku shaqada leh, isagoo wasiirku tilmaamay in ay u sii diyaar garoobeen ka wasaarad ahaan. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo fadhigan goobjoog ka ahaa ayaa dhiniciisa ka war-bixiyey xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda. War-bixintaas ka dibna waxa uu goluhu ku dheeraday dardar gelinta ku dhaqanka sharciga shaqada iyo shaqo-qorista, iyo sidii shaqo abuur loo samayn lahaa. Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland u saaray in ay ka soo tallo bixiyaan sidii xal waara loogu heli lahaa guud ahaan dhibaatada ka jirta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa muwaadiniinta Somaliland. Xubnaha Guddida: Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha guddida. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed. Wasiirka Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno). Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda JSL, Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL, Mudane Siciid Sulub Maxamed. Wasiirka Cadaaladda JSL, Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL, Dr. Sacad Cali Shire ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-12032020.mp3 View the full article
  3. Atooraha filimkii burcad badeedda Soomaalida oo uu ku dhacay Corona Tom Hanks iyo Rita Wilson Jilaaga caanka ah ee Tom Hanks iyo xaaskiisa Rita Wilson ayaa sheegay inuu ku dhacay fayraska safmarka ah ee Corona xilli ay ku sugan yihiin dalka Australia. Hanks iyo afadiisa oo labaduna 63 jir ah ayaa dhakhtarka tegay kadib markii ay isku arkeen astaamo ay ka shakiyeen sida uu atooraha ku qoray bartiisa Instagram. Waxa uu intaa ku daray inay iskood isu karantiileen. Lamaanahan Maraykanka u dhashay ayaa ku sugan magaalada Gold Coast oo uu Hanks ku duubayay filim ku saabsan noolashii heesaagii caanka ahaa ee Elvis Presley. Arbacadii ayay ahayd markii hay’adda caafimaadka adduunka ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in fayraska Corona uu yahay safmar caalami ah. Hanks ayaa Instagram-kiisa ku qoray: “Waxaan dareennay daal, sida inagoo uu qabow nagu dhacay iyo xoogaa jir cuncun ah. Sidoo kale qandho kooban,” Jilaagan oo ku guulaystay abaalmarinno muhiim ah, isla markaana atoore ka ahaa filimaan ay kamid yihiin Captain Phillips oo laga sameeyay burcad badeedda Soomaalida, Forrest Gump iyo Saving Private Ryan ayaa sheegay inuu caalamka “la socod siin doono” xaaladdooda caafimaad. Warbaahinta maxalliga ah ee Australia ayaa sheegtay in duubitaanka filimka si kumeelgaar ah loo hakiyay. In ka badan 130 kiis oo fayraska Corona ah ayaa lagu arkay dalka Australia. Fayraskan safmarka ah ayaa si weyn u saameeyay noolasha dad badan oo caalamka ku nool, waxaana gebi ahaanba bandow la geliyay dalka Talyaaniga oo ay boqolaal qof ugu dhinteen. Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa muddo 30 maalmood ah oo ka billaabmaysa Jimcaha joojiyay dhammaan dadka waddankiisa uga soo safraya qaaradda Yurub. Qaran News
  4. Waa kuma Tim Mynett, Sayga cusub ee Ilhan Cumar? Ilhan Cumar iyo seygeeda Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorta Minnesota ayaa shaacisay inay aqal gashay. Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub, Tim Mynett, iyadoo ku qortay: “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah,” Haddaba waa kuma Tim Mynett? Tim Mynett oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa la sheegay inuu dhashay sanadkii 1981, waxna ku bartay jaamacadda New York. Bartiisa LinkedIn ayuu ku xusay in sanadihii 2001 iyo 2002 uu wax ku bartay jaamacadda Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika. Waxaa uu soo bartay culuunta siyaasadda oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 2003, wixii intaa ka dambeeyayna waxaa uu lasoo shaqeeyay hey’ad la yiraahdo Alliance for Justice kahor inta usan ku biirin shirkadda E Street Group. Waxaa uu horay usoo maray guur, waxaana ay wada joogeen Beth Mynett oo ay dhawaan kala tageen. Mynet waxaa uu ka tirsan yahay E Street group oo ah shirkad inta badan ka shaqeysa istaatijiyadda ololaha doorashooyinka, dejinta qorsheyaasha musharixiinta doorashooyinka iyo shaac bixinta. Inkastoo aan la garaneynin waxaa uu shirkadaas ka yahay ayaa haddana waxaa uu la soo shaqeeyay Ilhan Cumar. Waxaa Ilhan u qaabilsanaa dhanka ololaha doorashada, waxaana hadda la sheegaa in uu yahay la-taliyaheeda arrimaha siyaasadda. Sida ku qoran barta uu ku leeyahay LinkedIn, Tim waxaa uu ku takhasusay sidii ay xubnaha Congress-ka, musharixiinta u tartamaya xilalka, hey’adaha samafalka iyo ururada siyaasadda ay u heli lahaayeen lacago tabarucaad ah. Sidoo kale shirkadda uu ka tirsan yahay ee E Street Group ayaa qabata hawlo ay kamid yihiin shaac bixinta, xayaysiinta, qaabeynta, cilmi-baarista iyo dhaqaale ururinta. Guddiga doorashooyinka heer federal ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Ilhan Cumar ay lacag dhan 230 kun oo dollar ay siisay shirkadda uu Tim ka tirsan yahay ee E Street Group tan iyo sanadkii 2018, lacagahaas oo loogu qaban jiray latalin dhanka siyaasadda iyo istaraatijiyadda ololaheeda doorashada. Mynett waxaa uu sidoo kale lasoo shaqeeyay siyaasiyiin badan oo laga soo doortay Minnesota, kuwaas oo uu kamid yahay Keith Ellison oo horay usoo qabtay xilka Ilhan ay hadda hayso. Tim Mynet iyo xaaskiisa ayaa kala tegay sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii ay sheegtay inay ku tuhmeyso in uu xiriir la leeyahay Ilhan Cumar. Warbaahinta Fox News ayaa ku warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xiriir jaceyl la leehay Ilhaan Cumar. Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay Soomaaliya. “Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan. Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen. Qaran News
  5. (SLT-Hargeysa)-Tan iyo markii dhawaan labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland (Wakiillada iyo Guurtida) ay si rasmi ah u meel mariyeen wax ka baddalka iyo Kaabista lagu sameeyey xeerka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland xeer Lr.50/2011 sidaana dabarka kaga furay isgaadhsiinta Internetka ee Kaybalka loo yaqaano oo hore xeerkaasi u jidaynayay kooto shirkad gaar ah loogu siiyay, waxa in badan dadku is waydiinayay maalmihii ugu dambeeyeyna doodaha ugu culusi ka taagnaayeen halka ay iska seegeen iyo sababta ay ku timid in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Mulkiilaha shirkadda Kootada lagala noqday Maxamed Siciid Geeddi. Iyada oo geeddi socodkii muddaysnaa ee arrintani soo martay (Road Map) ahaa mid si hoose u socday oo aanay inta badan saxaafaddu ka war qabin heerarkii ay soo martay ayaa keentay in dad badan oo dhaqaalaha iyo siyaasadda ka faaloodaa dhinacyo kala duwan ula kacaan halka xaajadani ku soo ururtay oo ugu dambayn noqotay in Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi oo ka mid ahaa ganacsatadii sida laxaadka leh u taageertay, dhaqaale mug weyna ku bixiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi markii uu KULMIYE dhexdiisa ka soo baxayay iyo markii dambe ee uu u taagnaa xilka Madxweynenimo aanay arrintan isku aragti ka noqon. Ilo-xogogaal ah oo geeddi socodkii hawshan si weyn ula socday oo wargeyska FOORE u warramay waxa ay sheegeen in shirkadda Somcable ee uu leeyahay Ganacsade Maxamed Aw Siciid markii kootada loogu xidhay kaybalka xadhiga Internetka ee Jabuuti laga keenay ay ku guulaysan wayday in ay dalka ka haqab tirto baahidii Internet ee haysay iyo sidoo kale shirkadaha kale ee isgaadhsiinta oo aan Iyana mar kali ah ka quusan in ay helaan fursad ay Internet ku keensadaan dalka ay taasi keentay in cadaadis weyn arrintan laga galo. Xukuumadduna ugu dambayn ka badheedho in ay arrinkan sidaa u galaan. Waxa kale oo ilahan xog-ogaalka ahi sheegayaan in safarradii Madaxweynuhu ku tagay Jabuuti ay qayb ka ahayd ajandayaasha ganacsiga internetka kaybalku taasi oo keentay in Jabuuti, shirkadaha ganacsiga ee isgaadhsiinta iyo Madaxweynuhuba garwaaqsadeen in aanu suuqani sii xidhnaan Karin taasina keentay in Ganacsade Maxamed Aw Siciid loo soo ban dhigo heshiisyo dhawr ah oo qaarkood la doonaay in loogu celiyo kharashaadkii hore uga galay soo jiidstii kaybalka Jabuuti laga keenay balse uu dhammaantood Ganacsuhu diiday isaga oo ku dooday in xeerka dalku isaga fursad u siiyay in uu muddo ka badan Labaatan sannadood kalidii hawshaa ku jiro baalmankuna hore taasi u meel mariyay. Arrintaasi oo aakhirkii keentay In Madaxweyne Muuse Biixi si toos ah ula hadlay dhawr jeer Ganacsade Maxamed Aw Siciid si uu ugu qanciyo in uu qaato wixii kharash ka galay oo loo qiimeeyo, wixii kale ee fursad ahna uu sheerkiisa ku yeelan karo ganacsiga Internetka ee Kaybalka sharciga dalkuna aanu marnaba dhigayn in cid gaar ahi kooto ku haysato ganacsiga Internetka balse kulamadaasi dhammaantood uu gaashaanka ku dhuftay Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi, Mulkiilaha shirkadda Somcable. Ugu dambayna arrintii ku soo biyo shubtay in Madaxweynuhu soo jeediyo in arrinkaasi ay Golayaasha sharci dejintu go’aan ka soo saaraan, isaga oo Wasiirka Isgaadhsiintu isna doorkiisa ka qaadanaya, arrinkiina noqday in kadib kaambayn culus oo shirkadaha ganacsiga iyo cid kasta oo danaynaysay ay ka gashay lagu soo gabogabeeyey in Baarlamanku jabiyo xeerkii kootada muddoda ku siinayay shirkaddaasi xadhiga Internetka oo ay hore isla iyagu u siiyeen. Isku soo duuboo lama oga halka uu ku dambayn doono xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee Madaxweynaha iyo Ganacsade Geeddi oo maalmaha qaarkood ahaa rag aanay cidi kala dhex marin balse maanta danaha iyo waayuhu isa seejiyay. Foore Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Kadib markii uu Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Doraad shaaciyay Magacyada Guddida qaban-qaabada Shir-weynaha 4-Aad ee Xisbigaasi ayaa waxa soo baxaya doodo iyo aragtiyo iska soo horjeeda oo ku saabsan muuqaalka guud ee gudidaasi iyo sida ay u arkaan siyaasiyiin kala afkaar ah oo xisbigaasi ku wada jiraa. Wargeyska Foore oo u kuur galay arintan ayaa waxaanu ku ogaanay in siyaasiyiin badan oo Xisbigaasi ka tirsani aanay la dhacsanayn gaar ahaan Xubno ka tirsan Gudidaasi islamarkaana ay u arkaan talaabo keeni karta inuu mar kale Xisbigaasi lugta la galo Muran xoogleh iyo inay garabyo siyaasideed ka go’aan Xisbiga islamarkaana ay carqalad ku tahay, lagana leexiyay hanaankii uu Xisbiga Kulmiye mudada dheer ku soo dhisnaa ee uu ku soo caano maalay. Taageerayaasha Siyaasiyiin hunguri ka hayo Gudoomiyenimadda Kulmiye Madaxweyne Muuse Dabadii ayaa laga dareemayaa sida aanay siyaasiyiintaasi ula dhacsanayn ee ay uga biyo diidsan yihiin Gudidaasi, waxaanay shirar duceedyo ay iskugu yimaadeen Saacadihii lasoo dhaafay kaga arinsanayeen talaabadii ay ka qaadan lahaayeen ee ay kaga falcelin lahaayeen talaabadani iyo qaabkii taageerayaashooda si guud ay ugu gudbin lahaayeen dareenkooda ku saabsan gudidan iyo saluugga ay ka qabaan. Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa iftiimiyay in Siyaasiyiin han leh oo Xisbiga KULMIYE Ka tirsani ay u arkaan inay magacaabista gudidani ay si toos ah uga soo fushay dhinaca Madaxweyne Muuse Biixi islamarkaana uu si ukas ah ugu daray Xubno ay siyaasadda ku coloobeen Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo u hanqal taagaya Gudoomiyenimadda Kulmiye, sidaana uu uga gol leeyahay inuu fariin ugu diro, islamarkaana uu umuujiyo inaanay waxba u oolin Xisbiga Kulmiye. Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa shirar hoose yeelanayo kadib magacaabista Gudidan. Inkasta oo la hadal hayo inuu shirkaasi dib uga dhaco wakhtiga u qoondaysan haddana waxa si gaar ah isha loogu hayaa halka uu sal dhigan doono khilaafka Huursan ee ku gadaaman Gudoomiyenimada Kulmiye Madaxweyne Muuse Dabadii. Guddida qaban-qaabada Kulmiye ee lasoo saaray ayaa waxay ka kooban yihiin 14 Qof oo kala ah:- Cabdikariin Axmed Maxamed Dr. Maxamed Cabdi Carabayte Axmed Faarax Cadarre Cali Xaamud Jibriil Cali Maxamed Cali Axmed Cabdi Kijaandhe Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye Maxamed Ibraahim Madar Axmed Nuur Faahiye Khadra Jaamac Maxamed Muuse Abees Faysal Cumar Madar Ismaaciil Jaamac Naasir Ayjeex Jaamac Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyey in wada-hadalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku yimaadeen cadaadis ay dalal kale saareen Soomaaliya. Warbaahinta caalamiga ah qaarkood ayaa weriyey in madaxweyne Farmaajo uu taleefon u diray Uhuru Kenyatta kadib markii ay sidaas ku cadaadiyeen Mareykanka iyo Itoobiya, hase yeeshee Cawad ayaa taas ku gacan seeray. “Waxba kama jiraan anaga waxaan nahay dalal xor ah. Dalal aad saaxiib tihiin waa idin wada hadalsiin karaan, laakiin go’aankii ugu dambeeyey wuxuu ka yimid madaxda labada dal, xaqiiqdii wuxuu ahaa go’aan ka yimid madaxweynaheena,” ayuu yiri Cawad. “Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya labada dhinacba waxaa dega dad Soomaali ah, marka inaga oo kheyr la jecel dadka oo dhan, haddana si gaar ah waxaan kheyr deeraad ah lasii jecelnahay dadkayaga ee dega labada dhinac ee xuduudda, sida madaxweynaha yiri, marka uma bahanin in qof uu ku dhinto macno darrio.” Cawad ayaa dhinaca kale faaf-faahin ka bixiyey kulan uu shalay Nairobi kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Raychelle Omamo. Cawad ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood. Waxa uu intaas ku daray inuu rajeynayo in wada-hadalladan ay ka bedelnaadaan kuwii hore, oo dhowr mar inta lagu heshiiyey aan haddana la dhaqan gelin. “Haddii kuwii hore ay noqon waayeen sidii aan rabnay, waxaan fileynaa in kuwan ay hir-galaan. Ma jiraan wax damaanad ah, balse kulamadii ugu dambeeyey waxay na gelinayaan rajo,” ayuu yiri. Hoos ka dhageyso codka Cawad https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Cawad.mp3
  8. A US air strike in southern Somalia killed civilians, not al-Shabab fighters as claimed by Washington, family members and a politician told Al Jazeera. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Washington)-Jilaaga Mareykanka ah ee Tom Hanks ayaa shaaca ka qaaday Arbacadii in isaga iyo xaaskiisa Rita Wilson, oo iyana ah jilaa iyo heesaa, labadaba laga helay cudurka Coronavirus. Hanks iyo Wilson ayaa ku sugan dalka Australia, halkaasi oo uu ku jilayo filim ku saabsan nolosha heesaagii caanka ahaa ee Elvis Presley. Fariin uu soo dhigay bogiisa twitter-ka ayuu Hanks ku sheegay in isaga iyo xaaskiisa “ay dareemeen daal, sida inuu hargab ku dhacay, balse jirku xanuunay, halka Wilson ay sidoo kale dareentay xumad,” Hanks ayaa intaas ku daray in markaa kadib lagu sameeyey baadhitaan kadibna laga helay Coronavirus. Hanks ayaa sheegay in isaga iyo Wilson oo labaduba ah 63 jir “lagu sameyn doono tijaabooyin kale, lagana go’doomin doono dadka kale.” Lamaanahan ayaa hadda lagu lagu karantiilayaa cisbitalka Gold Coast ee gobolka Queensland. Shirkadda filimada ee Warner Bros oo soo saareysa filimka Elvis ayaa sheegtay in la joojiyey gebi ahaan. Hanks iyo Wilson waa labadii qof ee ugu horreeyey ee dadka caanka Mareykanka ah ee uu ku dhaco Coronavirus. Source
  10. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qaatay go’aan hadal heyn badan dhaliyey kadib markii gabar Soomaali ah uu u magacaabay xubin ka tirsan golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya. Wasiirka Haweenka iyo Carruurta Itoobiya ayaa loo magacaabey Filsan Cabdullaahi Axmed oo sidii kale ah Milkiilaha Telefishinka keliya ee madaxa bannaan ee deegaanka Soomaalida oo lagu Magacaabo Nabad TV. Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa waxaa ay kamid tahay dhalinyarada ku dhashay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana ugu firfircoon, waxaana Magacaabisteeda soo dhaweeyey inta badan Soomaalida dowlad deegaanka. Filsan Cabdullaahi Axmed oo u ololeyn jirtay nabadda ayaa ka mid ahayd saddex wasiir oo cusub kuwaasoo u Xalay magaacabay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana maanta ansixiyey Baarlamanka Itoobiya. Halkaan hoose ka akhriso seddexda wasiir ee uu magacaabay Abiy Ahmed Dr Lia Tadesse – Wasiirka Caafimaadka Lake Ayalew- Wasiirka Dakhliga Filsen Abdulahi –Wasiirka Haweenka, Caruurta iyo Dhalinyaradda
  11. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay maanta xukun dil ah ku ridday Maxamed Cali Maxamed oo loo heysto in uu dilay mid ka mid ah ilaalada deegaanka Xamar. Xukunsanahaan ayaa sidoo kale waxaa lagu edeeyay in uu ka tirsanaa dagaalyahanada ururka Daacish, waxaana eedeyntaasi u soo jeediyay xafiiska xeer ilaalinta. Guddoomiyaha Maxkamadda Daajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka dilka ah ee lagu riday Maxamed Cali Maxamed. Xukunsanaha ayaa heysta fursad uu racfaan ku qaadan karo muddo 30 cisho ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Donald Trump madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay joojinayaan dulimaadyada uga yimaada dalalka Yurub cabsi ay ka qabaan cudurka Coronavirus oo haatan caalamka ku sii fidiya. Khubad uu si toos ah telefishenada uga jeediyay ayuu ku sheegay in muddo 30 cisha ah la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Mareykanka uga iman jiray Yurub. Wuxuu tilmaamay in Viruska Coroona uu gudaha Maraykanka ay dad badan u dhinteen kuwo kalena uu haleelay waliba iyagoo guryahooda iska jooga, isagoo caddeeyey in tallaabadan ay ku doonayaan inay kaga hor tagaan faafitaanka caabuqa Coroon. Wadamada reer Yurub ee uu sida ba’an u saameeyay cudurka Coronavirus waxaa ka mid ah Talyaaniga oo haatan la galiyay xaalad bandow ah, waxaana Mareykanku uu markaan muujinaya cabsi aad u xooggan maadaama dhowr kiis laga helay magaalooyinka qaar ee Mareykanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Janaale (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaan wali ka hadlin duqeyn 10-kii bishan ka dhacday degmada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose islamarkaana ay ku geeriyoodeen dad shacab ah. Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in duqeyntii 10-kii bishan dhacday ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab, isaga oo iska fogeeyay in duqeyntaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah. Warbaahinta caalamka iyo tan gudaha ayaa waxa ay si aad ah u tabinayaan in duqeyntii Janaale ka dhacday ay ku geeriyoodeen 4 qof oo shacab ah, waxaana dadka duqeynta ku geeriyooday ay saarnaayeen gaari Soomaalidu u taqaan Hoomeey oo ay duqeyntu haleeshay. Sawirada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga ay duqeyntu haleeshay iyo waliba dadkii saarnaa oo dhamaantood gubtay, mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo uu dhacdadaasi uga hadlayo. Waraahinta Al-shabaab ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in duqeyntii 10-kii bishan ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo gaari saarnaa inkastoo aysan weli Al-Shabaab si toos ah uga hadlin duqeyntaas. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in duqeyntaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab balse ma aysan ka hadlin wararka soo baxay ee sheegaya in duqeyntaas lagu laayey dad shacab ah oo aan wax xiriir ah la laheyn kooxdaas. Dowladda Mareykanka ayaa inta badan marka ay duqeyn ka fuliso Soomaaliya waxay sheegtay inay la beegsatay xubno ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan shaacin magacyada iyo xilalka xubnaha ay sheegaan inay ku dileen duqeymaha dhanka cirka ah. Amnesty international ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeysay in duqeymaha ay ka fuliso Soomaaliya ay dhibaato kasoo gaarto dad shacab ah oo aan ka tirsaneyn kooxda Al-Shabaab . Tan iyo markii uu dalka Mareykanka madaxweyne ka noqday Trump, waxaa sare loo qaaday duqeymaha laga fuliyo Soomaaliya kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Mareykanka.
  14. UMMADO DAWLADNIMADA KA HARAY Waxa aynu soo sheegnay in markii laga gudbayay marxaladdii kobaad ee ugaarato-qaraabatada ay jireen dadyow aan ka gudbin oo qaabkoodii u sii noolaa imminkana caalamka laga heli karo baaqigooda. Waxaa kale oo aynu soo xusnay, in markii laga gudbayay marxaladdii labaad ee qabaliga ay jireen dad aysan dawladnimadu taaban. Waxa aynu sheegnay in ay jireen dadyow farabadan oo dhaqato ahaa laakiiin markii dambe marxaladahaan ka gudbay kadib kolkii dhulkoodii xaddaaraduhu ay salka dhigeen. Waxa aynu xusnay in dawladdii islaamku ay dadkii carbeed ka saartay mugdigii, diin la’aantii iyo jahligii, kana dhigtay ummad ilbaxa oo caalamka hoggaamisa. Nasiib darro dawladihii gayiga muslimiinta ka hanaqaaday waxa ay salka dhigeen gobalka Shaam, Ciraaq, Masar iyo Turkiya, taas oo sabab u noqotay in dhulkii Jaziiradda Carabtu aanu marnaba si qummaatiya ugaga baxin nolashii badwiga iyo qabaliga ahayd. Waana middaas waxa aynu maanta ka arkayno dawladaha ka jira gacanka carbeed ee iyaga oo qaniya haddana qabiilku uu wali nidaamkooda saldhigga u yahay. Dhanka kalana majirin dagaalo waawayn oo ka dhacay qaaradda Afrika iyo xaddaarado xoog ku qabsaday oo nidaam dawladeed ka yagleelay. Sidaas daraadeed Afrika waxa ay u badnayd qabaa’il uu xukumo xeerkii qabiilku marka laga reebo meelo kooban oo ay ka mid ahayd waqooyiga Africa, Nubia, Xabashida iyo Boqortooyadii Qana oo ah midda Maalida manta looga talin jirey. Xitaa markii uu gumaystuhu qaybsaday qaaradda Afrika uma uusan wadin dawlad iyo dawladnimo toonna ee waxa uu u socday bililiqaysi iyo boob. Waxa uu sameeyey nidaamyo isaga wakiil u ah dadkana ku dhaqa xeerarkoodii. Afrika waxa ay xorowday iyada oo wali qabaa’isheedii ah, waxa lagu dhaqaana uu yahay xeerkii qabiilka. Walow magac dawladeed, qaanuun iyo magaalooyin ba ay jiraan haddana dadku wali waa qabaa’ishii, xeerku na wali waa kii raacatada . Waxaa kale oo iyana jira meelo kale oo Asia ka mida oo wali dadku qaabkii marxalddii labaad ee qabaliga u nool yihiin. Dr Faransis Fukiyama oo ah siyaasad yaqaan u dhashay dalka Maraykanka waxa uu qabaa in meelaha ay dawladaha wanaagsani maanta ka jiraan ay yihiin meelihii ay xaddaaradda dawladnimadu xilli hore ka hirgashay. Meelaha aanay dawladnimadu ka hirgalin amaba ay xilli dambe dawlado daciif ahi ka dhismeen sida Afrika, caalamka carabta iyo koonfurta Asia waxa uu qabaa in ay yihiin meelihii aan taariikhda u lahayn dawladnimada. Meelahaan dawladahoodu maahan kuwo si qummaatiya u fulin kara himilooyinkii aasaasiga ahaa ee ay dawladi u taagantahay. In kasta oo ay dawladahaani u eg yihiin kuwo casriya oo u qaabaysan sida dawladaha casriga ah haddana xeerarka dhabtaa ee lagu daqaayi waa kii raacatada, qolo walba in ha u joogtee. Dawlado Haray laakiin Dib u Dhashay China: waxaa jirey meelo badan oo caalamka ka mida oo ay horay dawladnimo uga hirgashay laakiin xilligii baraarugga ama kacaankii warshadaha ka haray. Meelahaan waxa ka mida China oo aynu horay u xusnay in ay ahayd meelihii ugu horreeyey ee ay dawladnimadu ka hirgashay laakiin dabayaaqadii cahdigii Ming Dynasty adduunkii iska xiray taas oo sababtay in markii dambe ay quwadihii reer yurub ula dhaqmaan si xun, laguna khasbo heshiisyo lagu bahdilay. China heshiisyadaas waxa ay saxiixday ka dib markii looga adkaaday dagaalkii Daroogada (opian War) ee dhexmaray iyaga iyo ingiriiska. Qaybo ka mida heshiisyadaan China waxa ay ku waydey qayb dhulkeeda ka mida sida Honkong oo Ingiriisku boqol sano xukumayey. Turkiya: waxaa si la mida Shiinaha u haray dawladdii waynayd ee islamiga ahayd ee Cusmaaniyiinta oo aanay ka hirgalin kacaammadii isbaddaldoonka ee Yurub ka hirgalay. Daron Acemoglu iyo James Robison oo ah qorayaasha kitaabka “Why Nations Fail” waxa ay qabaan sababta reebtay dalalkaan in ay tahay nidaamyadii ka jiray oo hor istaagay isbaddaladii horumarineed cabsi ay ka qabeen awoodda in ay dhumiyaan daraadeed. Waxa ay tusaale u soo qaataan ishortaaggii Cusmaaniyiintu ishortaageen kacaankii daabacaadda. Dhaqaala-yahannadaani waxa ay ku doodaan in khaladkii Cismaaniyiintu galeen aanay kaligood u dhutin ee ay caalamkii islaamka oo dhan horomarkii iyo dawladnimadii casriga ahayad ba ka hor istaageen. Raashiya: dalaka Ruushkaayaa ahaa goob uu dib u dhac wayni ka muuqday, kolka loo eego dawladihii dariska la ahaan jirey. Waxa ay ahayd meelihii aan xaddaaradda dawladnimadu uga hirgalin sidii ay uga hirgashay Yurubtii aan ka soo sheekaynay oo kale. Raashiya waxaa labo boqol iyo konton sano gumaysanayey Tataarkii caalamka mar qabsaday, kuwaas oo dib u dhac aad u wayn u gatstay. Raashiya waxa ay dawlad sal-ballaaran noqotay qarnigii 17aad ka dib markii uu taladeeda qabtay Sar Peter The Great oo ahaa asaasihii Raashiyadii Imbaradooriyadda ahayd. Laakiin Raashiya Petar gadaashiis ( marka laga reebo xilligii gabadhii Catherine the Great) waxa ay qaaday waddadii ay Cusmaaniyiinta qaadeen oo kale, kadib markii madxdoodu iyaga oo ilaashanaya kursiga ay ka hor yimaadeen kacaamadii baraarugga cilmiga iyo dawlad dhisidda casriga ah. Cusmaaniyiintii, China iyo Raashiya waxa ay dawladihii horumarayey ee reer Yurub uga gaddisnaayeen in ay ka jireen wax loo yaqaan “Obsolut Monarchy” oo ah boqortooyooyin kaligood talada leh una eg kuwa maanta Sacuudiga iyo gacanka carbeed ka jira. Meesha dawladahii reer Yurub ee horumarayey ay ka jireen waxa uu u yaqaan Ian Morris Low End State oo ah nidaam boqorka talada lala leeyahay illaa xad. Japan: ayaa iyadu qaaday dhabbe ka gadisan midda ay qaadeen dawladahaan saddexda ah ee aynu soo xusnay. 1543-dii markii ugu horraysay ee ay reer Yurub cagta soo dhigaan dalka Japan waxa ay la kulmeen boqortooyo caalamka ka xiran uuna ka muuqdo dib udhac aad uwayni. Waxa ay u yimaadeen dal uu dagaal sokeeye ragaadiyey una kala xiran qabqablayaal dagaal. Lixdan sano ka bacdi xilligii Tokagawa, Japan waxa ay markii ugu horaysay midaysay gayigeedii kadib markii ay dawlad dhexe isugu keentay in ka badan labo boqol oo qabqable-dagaal oo dalku u kala xirxirnaa. In kasta oo nidaamkaani awoodda meel dhexe isugu keenay haddana boqorka talada wali waxaa la wadaagay qabqablayaashii oo aan suuragalin in Japan horumar dawladnimo oo la taaban karo samayso. Laakiin wax waliba waxa ay isbaddaleen markii 1853-kii kolkii raxan maraakiib dagaala oo uu Maraykanku leeyahay subax ku soo xirteen marso ka mida kuwii Japan khasab na uga dhigeen in ay saxiixaan heshiis reer galbeedka u furaya suuqa Japan. Bahdilkaan ayaa dadka reer Japan u horseeday in ay dib u dhacii ka gudbaan. Wax ay bilaabeen sidii ay u dhisan lahaayeen dawlad u daabac eg kuwii reer Yurub gaar ahaan Jarmalkii. Kacaankaan waxa hormuud ka ahaa Emperor Meiji oo isagu ka tanaasulay qaybo ka mida awoodiisii si loo helo Japan xor ka ah in la gumaysto. Wax ka yar soddon sano ayaa Japan ku hirgalisey dawlad casriya iyo horumar cilmi. Japan bilowgii qarnigii labaatanaad waxa ay ahayd awoodda keli ee ka jirtey Aasiya. Maadaama ay ahaayeen xaddaarado hore iyo dawlado horay u jiri jirey, saddexdii dawladood ee hore ee aynu ka soo sheekaynay iyo Japan ba gadaal ayay ka saxeen khaladaadkoodii. Raashiya waxaa ka hirgalay kacaankii Polshavic oo soo afjaray boqortooyadii kuna baddalay dawladdii wayneyd ee Midowgii Soofiyeeti. China, kacaankii shuuciyadda ee uu bilaabay Mo Sadong uuna soo gabagabeeyey Deng Xiaoping ayay ku gaartay halka ay maanta marayso. Turkiya, maanta waa dalka ugu awoodda badan dalalka muslimiinta waana awood caalamiya oo kobcaysa. Waxa ugu muhiimsan ee u sahlay kuwaani in ay dib usoo noqdaan waa taariikhdii dawladnimo ee ay horay u lahaayeen iyo ka gudbiddii ay dhaqanka raacatada mar hore ka gudbeen. Mohamed Ahmed Elmi La soco qaybtii 8aad. The post Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 7aad appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Hargeysa)-Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa ay dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadooda beesha caalamku si weyn ugu mashquulsanaayeen samaynta iyo diyaarinta xeerer badan oo Baarlamanka dalkaasi gacanta ku hayay kuwaasi oo qaarkood la ansixiyay kuwo kalena ay nidaamka diyaarinta ku jiraan iyada oo inta badan xeerarkaasi ay saamayn toos ah iyo kuwo dadbanba ku yeelanayaan Somaliland maadaama ay ku salaysan yihiin wixii la isku odhan jiray Soomaaliya. Xeerka haddaba qabyo qoraalka ah ee Badda gaar ahaan Maamulka Gaadiidka Badda iyo Xeebaha oo ay qaramada Midoobay kala shaqaynaysay muddoba xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee Soomaaliya ayaa gabogabo noqday sidaana ay dawladda dalkaasi doonaysaa in ay ugu gudbiso Golaha Baarlamanka oo la filayo in ay ansixiyaan. Qoraal rasmi ah oo ay soo saareen Hawlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, kuna baahiyeen barahooda Bulshada sida Twitter waxa ay ku sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay markhaati ka noqdaan dhammays tirka xeerka Maamulka Gaadiidka Badda ee ay la diyaariyeen Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dawladda Federaalka Soomaaliya, xeerkaasi oo ay UNSOM ku tilmaantay mid muhiimad ballaadhan u leh Soomaaliya. “Qaramada Midoobay waxa ay Markhaati ka tahay habaynta iyo dhammays tirka Xeerka Maamulka Gaadiidka Bada ee ay waddo wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Baduhu. Waxa uu xeerkani yahay mid fure u ah dhammays tirka xeerarka Caalamiga ah Badaha oo muhiim u ah Soomaalia sida baaqa Caalamiga ah ee Xeerka Badaha Dunida kaasi oo wax ka baddal lagu sameeyey sannadkii 1988-kii” sidaa waxa lagu yidhi qoraal ay Twitterka ku baahiyeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Qabyo qoraalka Xeerka Gaadiidka Badda ee Qaramada Midoobay ku wareejiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya ee la horgeyn doono Barlamaanka Soomaaliya, wuxuu dawladda Federaalka u ogolanayaa in ay si buuxda u maamusho gadiidka badda ee soo gala xududaha wixii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland qayb ka tahay, waxaana ku jira Badweynta Hindiya iyo Badda Cas. Arrinkani waxa uu daba socdaa shirkii lagu qabtay Sucuudiga ee lagu dhisay Xulufada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed (Red Sea, Gulf of Aden Council) oo ay ku bahoobeen 8 dawladood iyo shirkii lagu qabtay Djibouti oo lagu dhisay Guddida Farsamo ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed (Taskforce on the Red Sea and the Gulf of Aden). Waxa haddaba is waydiin leh halkee dawladda Somaliland arrin u joogaa. Shalay Maamulka Hawada ayay qaramada Mudoobay si rasmi ah ugu wareejisay Soomaaliya maantana waa Badda waxaana hubaal ah in dadaallo badan oo ka socda Villa Somaliland ay saamayn xun ku yeelan doonaan Somaliland oo xukuumaddeeda wax ajande ahi ugaba oolin arrimahan la xidhiidha shuruucda iyo xeerarka. Source
  16. For Amaal, finding out her EP Black Dove was nominated for R&B/Soul Recording of the Year at the Junos was a vindication of following her passion. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Washington)-Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay. Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa hore u ahaa lataliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda. “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka. Xidhiidhka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sannadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin. Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhanka ololaha doorashada. Warbaahinta Fox News ayaa ku soo warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xidhiidh jaceyl la la leehay Ilhaan Cumar. Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bilood kadib ku aqal galay Soomaaliya. “Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan. Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda carruur ee ay isu dhaleen. Source
  18. Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka cad ee Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay la aqal gashay Tim Mynett oo horay gacan yare ugu ahaa sida ay qortay warbaahita Fox News. Barta ay ku leedahay baraha bulshada ee Instagramka ayey soo galisay sawir ay iskula jiraan iyada iyo ninkeeda cusub ee Tim Mynett, “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka. Warbaahinta Fox News ayaa ku soo warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xiriir jaceyl la la leehay Ilhaan Cumar, taasina ay haatan soo ifbixisay aqal galka Ilhaan Cumar iyo Mynett. Ilhaan Cumar ayaa seygeedii hore Axmed Xirsi ka dalbatay furriin bishii October ee sanadkii hore, waxa ayna u heysay saddex caruur ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Addis Ababa)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Ethiopia ee magacooda loo soo gaabiyo NISS ayaa war ay soo saartay shalay ku sheegtay inay soo qabqabatay shabakad isku xidhan oo ka shaqaysa tahriibinta hubka caalamiga ah oo mas’uul ka ah inay laba koontiinar oo hub sharci darro ah soo galinayay waddanka Itoobiya hubkaasi oo ay soo mariyeen waddanka Jabuuti. Wargeyska caanka ah ee Addis Standard ee kasoo baxa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa cadadkiisii shalay waxa uu baahiyay warkan oo noqday kii loogu hadal haynta badnaa dalka Itoobiya kadib markii uu sheegay in Laamaha Sirdoonka Itoobiya ay soo qabqabteen koox hubka sharci darrada ah ka ganacsata oo hub dalkaasi Itoobiya soo galiyay kana soo gudbiyay dhinaca waddanka Jabuuti. Wargeyska Addis Standard waxa uu sheegau in warbixin ay soo saareen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dalka Itoobiya ee NISS una gudbiyeen warbaahinta Dawladda ay ku sheegeen in rarka hubka sharci darrada ah oo dhammaa laba Koontiinar uu markii hore ka yimid Dekadda Mersin, ee dalka Turkiga halkaasina uga sii gudbay dalka Jabuuti, kadibna in muddo ah labadaasi dhexdooda loo hayay in ka badan shan bilood ka hor inta aan loo tahriibin dhinaca Itoobiya. Qiyaastii 501 karaatoon oo hub ah oo ay ku jiraan in ka badan 18,000 oo xabbo oo ah baastoolado uu Turkigu farsameeyey qiimahoodana lagu sheegay in ka badan Nus Bilyan Lacagta Birta ah ee Itoobiya ayay ugu dambayn sirdoonka Itoobiya sidaa ku qabteen lana wareegeen. Hubka ayaa lala wareegey iyada oo ay la socdaan shixnado kale oo dhan 229 Sanduuqyo ah oo ay ku jiraan Agab elektaroonig ah oo loogu talagalay in lagu daboolo si loogu qariyo Hubka uu Markabku siday, ayaa lagu yidhi bayaanka sirdoonku soo saaray, iyadoo ay intaasi raacisay in NISS ay ku jirtay daba-galka shabakaddan illaa iyo markii ay heshay ilo sirdoon oo gaar ah. Hawl-galkeedii Maxalliga ahaa ee lagu joojinayay shixnaddan, Hay’adda NISS waxay sheegtay inay xidhay 24 qof oo looga shakisan yahay inay arrintan xidhiidho la lahaayeen isla markaana ay socdaan baadhitaanno kale oo dheeri ahi. Marka laga soo tago hawlgalka sirdoonka Itoobiya, Bayaanka ka soo baxay hay’addan NISS ayaa lagu sheegay in ay iskaashi la sameynayaan hay’adaha sirdoonka ee Jabuuti, Suudaan, Liibiya, Turkiga iyo Mareykanka si loo xoojiyo daba-galka xubnaha ka tirsan shabakaddan tahriibinta hubka ee adduunka oo weli ah kuwo aad u ballaadhan. Illaa iyo hadda, toddoba qof oo ajnabi ah ayaa la aqoonsaday, laakiin kaliya laba tuhmane ah oo reer Suudaan ah ayaa ku jira gacanta bilayska ka dib markii ay iskaashi la sameeyeen sirdoonka Suudaan. Raadinta tuhmanayaasha hadhay ayaa wali socda iyadoo sirdoonnada dalalkaasina ay iska kaashanayaan sidii ay arrintan xog uga keeni lahaayeen. Howl-galka laamaha sirdoonka iyo nabad sugidda Itoobiya, waxaa sidoo kale lagu qabtay iyada oo lala kaashanayo Booliska Federaalka, Komishanka Canshuuraha, Dadyow kasoo jeeda qawmiyadda Oromada iyo booliska gobolka Amxaarada iyo sidoo kale Guddiga Bilayska Addis Ababa. Intaa waxaa dheer, Hay’adda NISS waxay sheegtay in talooyinka bulshada iyo iskaashiga bulshada iyo xukuumaddu ay door muhiim ah ka qaateen joojinta shixnadaha noocan oo kale ah. Halkan hoose ka akhriso warkan uu qoray wargeysku News: NISS says it intercepts a global arms smugglers network shipping two containers of arms into Ethiopia Source
  20. New York (Caasimadda Online) – Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay. Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa horay u ahaa lataliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda. “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka. Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin. Warbaahinta Fox News ayaa ku soo warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xiriir jaceyl la la leehay Ilhaan Cumar. Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay Soomaaliya. “Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan. Waxay Ilhan sheegtay in ay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay in ay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.
  21. (SLT-Hargeysa)-Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga oo gadhwadeen ka ahaa heshiiskii ay wada saxeexdeen Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradku, ayaa dalka ka dhoofay, ka dib dhawr maalmood oo uu socdaal ku joogay Hargeysa. Ergayga oo uu weheliyay safiirka Sweden, ayaa socdaalkan ay ku yimaadeen Hargeysa wuxuu u muuqday mid culayskiisu ahaa dhinaca mashaariicda horumarinta oo uu Midowga Yurub la saxeexday wasaarado ka tirsan xukuumadda Somaliland, laakiin socdaalkiisa oo ay bulshadu isha ku haysay inuu diblomaasigani ku sii ambo qaado hawlaha qabyada ka ah heshiiskii la kala saxeexday, ayaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay xisbiyada mucaaradka iyo guddiga doorashada oo uu markii u horaysay kulan la yeeshay. Inkastoo uu ergaygu kulamo shaqo oo u muuqday inay ka baxsanyihiin arrimo siyaasadeed la yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin madaxweyne-xigeen Saylici iyo Wasiirka arrimaha gudaha, haddana waxaan doorkan war rasmi laga haynin kulan la sheegy inuu ergaygu la yeeshay madaxweyne Biixi. Inkastoo ay ergayga iyo socdaalkiisan uu ku yimid Hargeysa ay ka muuqatay niyad wanaag, haddana waxaan muuqan weli wax talaabo ah oo uu ergaygu qaaday si loo fuliyo qodobadii heshiiska. Ergayga ayaan weli soo gudbin 3 xubnood oo ay beesha caalamku ku soo dari doonto guddiga farsamo ee la shaqayn doonta guddiga doorashooyinka oo ah xubnihii guddigii hore ee doorashada. Laakiin labada xisbi mucaarad ayaa dhinacooda fuliyay qodob khuseeyay oo ahaa inay soo magacaabaan labadii xubnood ee ay guddiga doorashada ku lahaayeen Source
  22. Dowladda Mareykanka ayaan wali ka hadlin duqeyn 10-kii bishan ka dhacday degmada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose islamarkaana ay ku geeriyoodeen dad shacab ah. Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in duqeyntii 10-kii bishan dhacday ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab, isaga oo iska fogeeyay in duqeyntaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah. Warbaahinta caalamka iyo tan gudaha ayaa waxa ay si aad ah u tabinayaan in duqeyntii Janaale ka dhacday ay ku geeriyoodeen 4 qof oo shacab ah, waxaana dadka duqeynta ku geeriyooday ay saarnaayeen gaari Soomaalidu u taqaan Hoomeey oo ay duqeyntu haleeshay. Sawirada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga ay duqeyntu haleeshay iyo waliba dadkii saarnaa oo dhamaantood gubtay, mana jirto ilaa iyo hadda wax wara oo ka soo baxay Mareykanka oo uu dhacdadaasi uga hadlayo. Al shabaab ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in duqeyntii 10-kii bishan ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo gaari saarnaa, waxa ayna iska fogeeyeen in qaar ka mid ah dagaalyahanadooda ay halkaasi ku geeriyoodeen. Sidoo kale dowladda Farmaajo kama aysan hadlin duqeyntan lagu laayay dadka shacabka ah, balse dhinaceeda war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Mareykanka ayaa marka uu gudaha Soomaaliya ka fuliyo duqeymo, kaliya waxa uu sheegaa in tiro ka tirsan Al shabaab uu dilay, balse ma xuso xubnaha la dilay magacyadooda iyo xilalka ay haayeen. Horay hey’adaha u dooda xuquuqul aadanaha sida Amnesty international ayaa waxa ay Mareykanka ku eedeysay in duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya mararka qaar ay waxyeelo ba’an ka soo gaarto dad rayid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xayiraad dhanka socdaalka ah uu kusoo rogay dadka dalkiisa uga imaanaya qaaradda Yurub. Arrintan ayuu madaxweynaha ku sababeeyay sidii looga gaashaaman lahaa faafidda xanuunka Corona. Khubad uu si toos ah telefishenada uga jeediyay ayuu ku sheegay in muddo 30 cisha ah la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Mareykanka uga iman jiray Yurub. Xayiraadaas ayuu Trump ku sheegay inay tahay “mid adag balse loo baahan yahay”, wuxuuna intaa raaciyay in aysan ku ekeyn oo keliya dalka Britain oo xanuunka fara ba’an ku hayo, balse dhammaan dalalka kale ee Yurub. Dalka Mareykanka, 1,135 kiis oo xanuunka corona ayaa la xaqiijiyay, halka 38 qofna ay u dhinteen. “Si loo joojiyo in kiisas cusub ay dalkeena soo galaan, waxaan hakinay dhammaan duulimaadyada inooga yimaada Yurub,” ayuu yiri Mr Trump. Xayiraadan ayuu sheegay inay dhaqangeli doonta habeenka jimcaha. Madaxweyne Trump waxaa dalalka midowga Yurub uu ku eedeeyay “inay ku guul dareysteen inay qaadaan tallaabooyin looga gaashaaman karo xanuunka”, si lamid ah Mareykanka. Waxaa uu hadalkan jeediyay saacado un kadib markii dalka Talyaaniga oo ah dalka ugu badan ee uu xanuunka saameeyay Yurub marka laga so tago Shiinaha uu ku dhawaaqay tallaabooyin dheeraad ah oo wax lagaga qabanayo xanuunka. Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in la xirayo dhammaan dukaamada wax laga iibsado, marka laga reebo kuwa raashiinka iyo dawooyinka. Mareykanka waxaa kale oo uu sheegay in xayiraadda ay sidoo kale saameyn doonta ganacsiga iyo badeecadaha Mareykanka uga yimaada Yurub. Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay lacago amaah ah oo la siinayo ganacsatada yaryar ee uu saameeyay xanuunka, waxaana aqalka Kongreska uu ugu baaqay inay meel mariyaan qorshe canshuur dhaaf ah inta lagu guda jira saameynta xanuunka.
  24. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Afhayeenka Cusub ee Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa madaxdii hore ee Ahlu Sunna ee looga adkaaday dagaalkii Dhuusamareeb ku eedeeyey inay ahaayeen Shaqsiyaad dano gaar ah leh oo aan laheyn wax hadaf ah Taardhuleed ayaa Shacabka Galmudug ugu baaqay inay la qabsadaan nidaamka cusub ee ka dhashay Galmudug isla markaasna ay iska iloobaan maamulkii hore ee Ahlu Sunna si loo gaaro horumarka Galmudug sida uu hadalka u dhigay. Afhayeenka ayaa ku hanjabay inaysan aqbali doonin wax banaanbax ah ama waxyaabo keeni karo ammni darro balse wuxuu sheegay inay dadka Shacabka ah u madax banaan yihiin cidda ay taageerayaan. Mar uu ka hadlayey hadal heynta ku saabsan in ka bixintaanka madaxda Ahlu Sunna ee Dhuusamareeb uu keeni karo inay Al-Shabaab weeraro kusoo qaadaan ayuu sheegay in weli ciidamada ku sugan Dhuusamareeb illaa Matabaan ay yihiin kuwii Ahlu Sunna. “Waxaan idaacadaha ka maqlay haddii ay Hoggaankii Ahlu Sunna meesha ka baxeen in Shabaab imaanayaan, waxaas wax la aqbali karo ma ahan, waxaana idiin sheegayaan in dhammaan Ciidamada Jooga Galmudug illaa Matabaan ay yihiin Ahlu Sunna, dadkana laga doonayo inay iyaga tashadaan” ayuu yiri Afhayeenka. Dhanka kale, Afhayeenka Galmudug oo ka hadlayey tagitaankii madaxda Ahlu Sunna ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay inuusan isaga ka xumeyn soo dhaweyntii loo sameeyey hoggaanka Ahlu Sunna balse wuxuu tilmaamay in Puntland aysan marnaba raali ka aheyn dhismaha Galmudug loo dhan yahay sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn, wuxuu uga digay Puntland inay faragelin ku sameyso Arrimaha Galmudug, isaga oo sheegay haddii ay joojin waayaan ay dadka Reer Galmudug Puntland ka tashan doonaan.
  25. Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni inaugurated yesterday an educational IT project known as IFIYE (Illuminator). Puntland State Government, Puntland Diaspora and citizens collaborated on the project aimed at providing each pupil with a laptop. Ten thousand pupils will benefit from the scheme The first phase of the project will see the distribution of laptops to eighteen primary and secondary schools in Puntland. President Deni lauded efforts of all people who made IFIYE a reality. He underscored the importance of laptops as an educational resource for children in this age of the Internet. Puntland President lauded efforts of IFIYE founders Puntland Education Minister, Puntland State Representative in USA Mulki Abdisamad Hussein, former Puntland President Abdirahman Farole, Abdirisak Jurile, a Senator, attended the event. © Puntland Post , 2020 The post PUNTLAND PRESIDENT INAUGRATES IFIYE PROJECT appeared first on Puntland Post.