Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-15032020.mp3 View the full article
  2. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta waxay gaareen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha waxaa halkaas [...] Source
  3. (SLT- Kuwait)-Masuuliyiinta Dawladda Kuwait ayaa si ku meel-gaadh ah u Albaabada ugu laabay Masaajiddada, waxayna wax ka beddeleen sidii loo Aadaami jiray. Dawladda Kuwait ayaa xidhay Masaajiddadii ay Dadweynuhu Salaadda ku wada tukan jireen, waxaana xilliyada Salaadda Sameecadaha Masaajiddada ka baxa Aadaan la duubay, kaasi oo isaga laftiisa wax laga beddelay. Kalmadaha Aadaanku ka kooban yahay ayaa lagu soo daray ‘Guryihiina ku tukada’, sida uu daabacay Wargeyska Middle East Eye. Tallaabadan ayaa Dawladda Kuwait u qaadday si looga digtoonaado Caabuqa faraha baas ku haya Dalalka Caalamka ee Coronavirus. Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ee Dalka Kuwait ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqay in la joojiyey Shantii Salaadood ee Masaajiddada lagu wada tukan jiray, laakiin dadweynuhu ay guryahooda ku tukadaan, si looga baaqsado Cudurka Coronavirus. Muuqaallo lagu baahiyey Baraha Bulshadu waxay muujinayaan Masaajiddada Kuwait oo ka baxayaan Aadaan ay kalmadiisa ka mid yihiin in aanay dadweynuhu Masaajiddada iman ee ay Guryahooda ku tukadaan. Kuwait oo illaa hadda 100 Qof lagu arkay Cudurka Coronavirus ayaa iska joojisay duulimaadyada Ganacsi ee dalkaa iman jiray, taasi oo qayb ka ah dedaallada lagaga hor-tagayo Coronavirus. Illaa hadda lama sheegin Cid uu Coronavirus ku dilay Dalka Kuwait. Source
  4. Janaale (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay faarujiyay degmada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose kadib markii ay ku soo dhawaadeen ciidamada Milateriga Soomaaliya. Ciidankaan oo ka baxay Awdheegle ayaa ku sugan nawaaxiga Janaale, waxaana la sheegay in saacadaha soo socda ay suurtagal tahay in ay gudaha u galaan degmadaasi oo ay muddo dheer maamulayeen Al-Shabaab. Ma cadda in Al-Shabaab ay toos uga baxeen aagga, iyo inay joogaan tuulooyinka ku hareereysan, oo tani ay xeelad tahay. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidanka howlgalkaan wada ay yihiin kuwii laga qaaday Muqdisho ee Koofiya Cas, waxaana hogaaminaya saraakiil ay ku jiraan kuwii Marka ka qabtay Al-Shabaab. “Ma jirto awood ciidan oo na hortaagan laakiin waxaa ka cabsi qabnaa qaraxyo dhulka la geliyay si tartiib ah ayey u galayaan ciidanka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey duqeymaha ay la beegsanayaan Janaale, ayada oo toddobaadkii tagay kaliya laga fuliyey laba duqeyn, inkasta oo mid ka mid ah la sheegay inay ku dhinteen shacab. Degmada Janaale ayaa ka tirsan degmooyinka ay mudada dheer maalayaan Al-Shabaab waana degmada saddexaad oo ay gobalkaas ka joogaan. Al-Shabaab hadii ay gacantooda ka baxdo Janaale waxay ku hari doonaan Sablaale iyo Kuntuwaarey oo ka tirsan degmooyinka ay hadda maamulaan ee gobalka Shabeellada Hoose.
  5. Inkastoo aan wali la shaacin laakiin Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa waxay sheegayaan in La xiray Xarunta Xalane ee ay Muqdisho ka [...] Source
  6. Garowe (PPM) — Four years ago Puntland State Government awarded a contract to create a Human Resource Data Management System to an IT expert. The project under the World Bank Capacity Injection Project was completed and handed over to Puntland State Government nearly two years ago. A person familiar with the project told Puntland Post that the Ministry of Labour, Youth and Sports had raised questions about the quality of the Human Resource Data Management system. A senior official of Puntland Labour Ministry questioned the project quality and compatibility with tasks involving recording of civil service personnel data. The senior officer doubts that the system was designed in line with agreed specifications. Puntland Post has not been able to get hold of Human Resource Data Management System specifications but understands the IT expert in question still works for Puntland State Government in a different capacity. “If Puntland State Government signed off the project and sent end-of-project report to the World Bank it will be fairly assumed the IT expert met his/her contractual obligations” says a London-based contract law lecturer. President Said Deni has not ordered investigation into the controversy Puntland State Government uses the personnel data system whose alleged inadequacies the Labour Ministry retrospectively views as a breach of a contract. The contractual controversy will get more complicated if periodic maintenance of the system by the contractor had not been not specified in the contract. A maintenance clause in the contract could enable Puntland Government to fix any flaws in the Human Resource Data Management system. The system requires training of the staff that will use it. Without proper training the staff will not grasp features of the personnel data system to use it effectively and efficiently. “Records management officers have also been recruited and trained. There is a huge gap of public sector institutions not linked to the new government records management system because it is outside the scope of this project” the World Bank wrote about the project, which was separately implemented by Puntland State Government and the Federal Government of Somalia. In a paper published in Journal of Financial Crime Abdinur Abdirizak Sofe “found that governmental and non-governmental actors [in Puntland] are involved in the humanitarian corruption such as project managers and support staffs in addition to line ministries, parliament and community representatives.” © Puntland Post Monthly, 2020 The post Contractual Controversy Dogs Human Resource Data Management System appeared first on Puntland Post.
  7. Wasiirka Arimaha Dibada Wasiirka Shaqada Wasiirka Beeraha Kuwan iyo ku la midka ah ee Puntland ku matala Federaalka Somaaliya waa Shakhsiyaad aan Somaali iyo Puntlanba [...] Source
  8. Gaarisa (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyey seddax qof ayaa ku geeriyootay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii gaari Ambalaas ah oo ay weteen uu dul maray miino la aaminsanyahay in Al-Shabaab ay goobta ku aaseen. Qof ku sugan deegaanka uu ku qarxay gaarigaasi ee u dhaw Gaarisa ayaa wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya u sheegay in la aaminsanyahay qaraxaas inay ka dambeeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo qaraxyo iyo weerarro toos ah ka fuliya gudaha Kenya. “Gaari Ambalaas ah oo ka imaanayey deegaanka Sangailu Dispensary kuna sii jeeday Gaarisa ayaa waxaa saarnaa afar qof oo kala ahaa darawalkii haweeney iyo laba wiil. Markii ay gaareen meesha loo yaqaano Qurachindi, waxaa gaariga ku qaraxday miino uu dul maray” ayuu yiri Mr Ndalana. Waxa uu sheegay in haweeneydii, darawalkii gaariga iyo hal wiil ay ku dhinteen goobta, isla markaana dhaawaca hal wiil oo kale loola cararay cisbitaalka magaalada Gaarisa. Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyo iyo weerarro ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka ay Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari, halkaas oo inta badan ay wadada u galaan gaadiidka dadweynaha, iyagoo mararka qaar dadka safarka ah kala dega kadibna dila.
  9. Cabdinuur Sheikh Maxamed Galabta oo Axad ah, kuna beegan 15-Mar-2020 saacaddu markii ay ahayd 5:00pm, ayaa guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland si rasmiya ugu dhawaaqay, in uu xirmay hannaanka diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland. Af-hayeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Cabdinuur Sheikh Maxamed, ayaa sheegay in habka diiwaan-gelinta ururada siyaasadda oo soo bilowday 15-Dec-2019 uu soo xirmay Galabta oo ku beegan 15-Mar-2020, saacaddu markii ay ahayd 5:00pm Galabnimo. Mudane Cabdinuur Sheikh Maxamed ayaa sidoo kale sheegay hannaanka diiwaan-gelinta ururada siyaasadda Puntland oo socday mudda saddex bilood ah uu ku soo dhammaaday si guul ah, islamarkaana wixii tafaasiil ah maalmaha soo socda uu guddigu shaacin doono. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beelaha East Burco Clan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo si rasmi ah u furay shirka beelah Habar-jeclo Iyo West Burco Clan, waxaanu halkaa ka jeediyay khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka shirka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo xirtay nin Muqdisho ku lahaa goob lagu duubo muuqaallo anshax xumo ah, oo dhowaanahan aad looga hadal hayey baraha bulshada. Ninka ay NISA xirtay, oo ay soo qabteen taliska hay’adda ee Muqdisho, ayaa lagu magacaabaa Maxamed Mooge Maxamed (Walaal Goolaa). Ninkan ayaa wuxuu ku caan-baxay inuu soo duubo isaga iyo gabdho sameynaya muuqaallo ka hadlaya ama muujinaya sida la isgu galmoodo, iyo kuwa ay ku jiraan gabdho ka hadlaya rabitaankooda galmo, oo wiilal ku dheg-dhegaya. Muuqaalladaas ayaa kadib lasoo dhigaa Channel YouTube ah, si daawashada muuqaalladaas kadib lacag looga sameeyo, halka mararka qaarna ay dad kasoo qaada YouTube kusii baahiyaan facebook. Sida aan xogta ku helnay, hay’adda NISA ayaa sidoo kale ku raad joogta koox isaga la shaqaynaysay oo isugu jira wiilal iyo gabdho, si loo soo afjaro shabakaddan anshax xumada ku faafinaysay baraha bulshada. Tallaabada ay NISA ku xirtay ninkan ayaa mudan in la bogaadiyo, waana qeyb ka mid ah dadaallada ay hay’adda ku ilaalineyso, kuna bad-baadineyso shacabka. Bilihii dhowaa waxaa aad u batay Soomaalida soo dhigeysa YouTube muuqaallo qaarkood aan habooneyn, si ay ugu helaan daawasho badan, kadib markii la ogaaday in daawashada YouTube laga sameeyo lacag badan.
  12. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo maanta khudbad ka jeediyay Shirka Wada-tashiga Puntland, ayaa mas’uuliyiinta u sarraysa Puntland ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan hadallada xanafta leh ee mar kasta wax u dhimaya wadajirka iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Wasiirka Cawad, ayaa madaxda Puntland ka codsaday in ay joojiyaan dhaliilaha iyo raja-xumada ay mar kasta muujiyaan hoggaanka sare ee dowladda Soomaaliya, islamarkaana wuxuu ka dalbaday in tabashooyinka jira si hoose loo xalliyo, halkii mar walba warbaahinta laga sheegi lahaa hadallo dadka sii kala fogaynaya. Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa tilmaamay, in dalka Soomaaliya uu ka soo kabanayo marxalad burbur ah oo u baahan in dadka rajo loo abuuro, si loo soo celiyo kalsoonidoodii burburtay, taasina lagu gaari karo wada-tashi iyo isu’ tanaasul. Wasiirka ayaa ku cel-celiyay in dowladda Soomaaliya ay mar kasta diyaar u tahay in la xalliyo, haddii ay jiraan tabashooyin Puntland ka qabto madaxda Federaalka, isagoo ku baaqay in wada-hadal iyo isu’ tanaasul lagu dhammeeyo khilaafaadka labada dhinac ee Puntland iyo dowladda Soomaaliya. Wasiir Cawad ayaa sidoo kale caddeeyay, in madaxda dowladda Federaalku aysan marnaba doonayn, in ay burburiyaan hannaanka Federaalka ee dalka, maadaama iyaga lagu doortay. Hadalka Wasiir Axmed Ciise Cawad, ayaa daba socday khudbad madaxweyne Deni isla shirka ka jeediyay oo uu dhaliilo culus u mariyay dowladda Soomaaliya, isagoo madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in ay burbur ku wadaan nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo Puntland ka codsaday in aysan raja-xumo ku abuurin dadka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay shirka burco uga furmay beelaha Habar-jeclo iyo West Burco Clan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. London (Caasimada Online) – Kadib sanado badan, Kooxda Daacish ee ka dagaalanto qeybo kamid ah dunida ayaa bilowday inay dagaalyahanadeeda ku booriso inaysan u jihaad tagin magaalooyinka waaweyn ee Yurub, iyadoo taas sabab uga dhigtay feejignaan ku aadan xanuunka Coronavirus Kooxda Daacish ayaa ugu baaqday Jihaadi kasta oo ka tirsan kooxdaan ee Yurub joogo inuu halkaas ku sugnaado, isla markaasna waxaa loo sheegay in kaliya uu cudurkaan ku dhacayo gaalada, sida ay qortay Jariirada Sunday Times ee London kasoo baxdo oo soo xiganeyso Joornaalka Al-Naba ee kooxda Daacish. “Qof kasta oo kooxda Daacish ka tirsan ee Caafimaad qabo waa inuusan gelin wadamada uu cudurka ku faafayo, sidoo kalana kuwa uu cudurka ku dhacay waa inaysan kasoo tagin wadamada ay hadda ku sugan yihiin” ayaa lagu yiri warbixinta uu qoray Wargeyska Al-Naba ee Kooxda Daacish. Kooxda ISIS ayaa sheegtay in cudurkaan uu yahay Cadaab uu Allah soo diray oo loogu talagalay in lagu ciqaabo gaalada. Dalka Ciraaq oo ah halka ugu badan oo ay ku sugan tahay kooxda Daacish ayaa waxaa lasoo sheegayaa in laga helay 110 kiis oo cudurka Coronavirus, iyadoo 10 kamid ah dadkii cudurkaan laga helay ay dhinteen, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University ee dalka Mareykanka. In ka badan 156,000 oo kiis oo la xiriira Coronavirus ayaa laga xaqiijiyey caalamka, hase yeeshee markay noqoto waxaa ugu darran dalka Talyaaniga oo laga diiwaan-geliyey in ka badan 21,000 iyo dhimashada dad ku dhow 1,500.
  15. Mogadishu (HOL) - A military officer who forced two civilians to work on his farm and later killed one following a scuffle has been sentenced to death by a military court in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  16. War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda duulista rayidka ayaa waxaa Soomaaliya looga mamnuucay inay yimaadaan muwaadiniinta illaa afar dal. Dalalka laga mamnuucay Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin Shiinaha, Koonfur-Kuuriya, Taliyaaniga iyo Iiraan oo uu dhammaantood fara ba’an uu ku hayo Coronavirus. Sidookale hay’adaha ka shaqeeya duulimaadyada iyo dhamaan shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa lagu amray in ay la soo wadaagaan hay’ada duulista rayidka Soomaaliya, hadii ay rakaabka ugu shakiyaan caabuqa Corona. Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta ka hortaga xanuunka Corona, kadib markii dalalka Kenya iyo Itoobiya laga helay kiisas la xariira cudurkaasi. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
  17. Somalia’s government has announced that it will not allow entry for passengers originating from the Islamic Republic of Iran, China, Republic of Korea and Italy in its country. The ban also affects travelers who transited one of the affected countries for the last 14 days. The move follows several measures taken by the Ministry of Health to prevent the possible spread of the coronavirus in the country. The Ministry of Health has recommended to Transport and Aviation officials to suspend flights from most affected countries including China and Italy as precaution measures. Citizens were also urged to limit social gatherings and uphold a high stand of hygiene. According to Somali immigration health officials, four people who arrived in the country last week from coronavirus affected destinations were quarantined at Aden Abdulle International Airport to determine their status. Emergency health centers were established at main entry points such as airports and ports to deal with the pandemic. Neighboring countries of Kenya and Ethiopia have reported their first coronavirus cases which puts Somalia on high alert. View the full article
  18. A military tribunal in Somalia sentenced a military officer to death Sunday for killing a civilian outside Somali capital, Mogadishu. Abdirahman Abdulle Hilowle, a military constable had killed Hussein Ahmed Abdulle and injured Yasin Gedow Hussein following a heated dispute. Hilowle reportedly tried to force the victims to work on his farm forcefully, prompting quarrel which left one of the victim’s death. According to the verdict read out by the judge, Colonel Hassan Shuute, Hilowle was captured by the military and handed him over to the prosecution department of the army. Shute said the court found Hilowle guilty of killing and wounding of two citizens and sentenced him to death. The convict has 30 days option to file an appeal. View the full article
  19. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Muxumed Cali Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey weerar gaadma ah oo saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen duleedka waqooyi ee magaaladaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarkaan lagu dilay illaa saddex qof oo beeraley ahaa, islamarkaana ay baxsadeen kooxdii dishay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ku raad-joogaan maleeshiyaadkaasi, islamarkaana ciidamada ammaanku ay wadaan baaritaano dheeraad ah. Inta badan waxaa Hiiraan dhibaatooyin kala duwan ka geysta kooxo qooleysato ah oo jidka u gala dadka shacabka ah ee isaga kala goosha waddooyinka gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/hhh.mp3 View the full article
  20. Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Africa, Ismail Chergui. James Swan iyo guddoomiyaha guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Africa ayaa ugu horreyn ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto sanadka 2021-ka. Labada mas’uul ayaa sidoo kale boggaadiyey dadaallada ay wado dowladda federaalka iyo horumarka laga gaaray dhinaca siyaasadda. Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa dowladda federaalka ka taageera dhinacyo kala duwan oo muhiim ah, sida dib u dhiska ciidamada iyo ammaanka. View the full article