Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT- Koonfur Afrika)-Wadaad ka mid ah kuwa Kiristaanka ee Dalka Koonfur Afrika ayaa Dad ugu yimid Kiniisadda uu Maamulo wuxuu waraabiyey Dariiraha loo yaqaano Dettol, taasina waxay sababtay Geerida 59 ka mid ah Dadkii cabbay. Rufus Phala oo ah Baadari ayaa 63 Qof Waraabiyey Dettol, waxaana u Geeriyooday 59 Qof, halka Afartii kalena ay ku jiraan Xaalad khatar ah. Wargeyska Kenya Today oo Warkan qoray ayaa sheegay in Rufus Phala uu Dadka u sheegay in Dareeraha Dettol oo sida Caadiga ah loo isticmaalo Nadaafaddu uu ka difaacayo Caabuqa Coronavirus, ka dibna ay cabbeen, taasina sababtay inay dhintaan 59 Qof, afar kalena ay galaan khatar Caafimaad-darro. Booliska oo warkan xaqiijiyey ayaa wada baadhitaan Arrintan la xidhiidha, sida Wargeysku sheegay. Dhacdadan naxdinta leh, ayaa ka mid ah kuwa ugu khatarta badan ee Adduunka ka dhacay intii uu dilaacay Caabuqa Coronavirus. Source
  2. MOGADISHU (HOL) - The flight ban on international flights to Somalia took effect Thursday cutting off major traffic at Mogadishu’s Aden Adde Airport as the government aims to reduce import of the novel corona virus into the country. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Guddiga Farsamada Madaxa Banaan ee soo xulsita Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta soo saaray Liiska Xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed. Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Koofur Galbeed ayaa ka kooban 95 Xildhibaan, kaasoo ka yar Baarlamaankii hore ee Koofur Galbeed, kaasoo tiradiisa boqol ka badnaa. Hoos ka akhriso magacyadda View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Diyaaradaha Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines ayaan Khamiista Maanta soo cago-dhiganin Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay qorshaysnaayeen duulimaadyadii caadiga ahaa ee ay ku iman jireen. Diyaaradahan ayaa duulimaadyo maalinle ah ku yimaadda Garoonka Cigaal ee Hargeysa, ayaa baaqday Saaka, sidaana xaqiijiyey Dad ka mid ah Rakaabkii diyaaradahaa Hargeysa ka raaci lahaa oo lagu War-geliyey in Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines aanay iman doonin Hargeysa. Illaa hadda lama oga Sababta baajisay Safarkii Diyaaradahaasi ku iman lahaayeen Hargeysa, hase-ahaatee baaqashadooda ayaa ku soo beegmaysa 19-ka bisha March oo ku beegan Maalinta ay bilaabmayso Xayiraad dhanka ah Diyaaradaha oo Dawladda Federaalka Soomaaliya u soo rogtay sababo la xidhiidha Caabuqa Dunida ku faafaya ee Coronavirus. Maamulka Shirkadahani kama hadal baaqashada diyaaradahooda, balse Ergayga Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in Diyaaradda Fly Dubai oo ku soo waajahan Garoonka Hargeysa ay amar siisay Dawladda Soomaaliya, taasina sababtay inay iyadoo Rakaabkii sita dib u noqoto. Safiirku wuxuu sheegay in arrintaasi tahay dagaal ay Soomaaliya iclaamisay oo ka dhan Somaliland, Somaliland-na ka jawaabi doonto. Source
  5. China on Thursday marked a major milestone in its battle against the coronavirus pandemic as it recorded zero domestic infections for the first time since the outbreak emerged, but a spike in imported cases threatened its progress. Source: Hiiraan Online
  6. Wadamada Caalamku waxay ku dadaalayaan inay Muwaadiniintooda Ku kala maqan Dalka Dibadiisa ay Si deg deg ah Dalka ugu soo Daad gureeyaan, Wadamo badan waxay [...] Source
  7. Is-barbardhig Awoodaha milateri ee Itoobiya iyo Masar Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka weyn ee ay xukuumadda Addis Ababa ka dhisayo webiga Blue Nile ayaa maalmihii dambe sii xoogeystay. Itoobiya ayaa 26-kii February si ku meel gaar ah u hakisay ka qeyb galka wadahadallo uu Maraykanka garwadeen ka ahaa oo ku aaddanaa buuxinta iyo maamulka biya-xireenkaasi, waxaana ay codsatay in muddo dheeraad ah la siiyo si ay uga soo tashato heshiiska hordhaca ah. Iyadoo boqolkiiba toddobaatan(70%) la dhammeystiray dhismaha biyo-xireenka ayaa waxaa la filayaa in bisha July la billaabo buuxintiisa, waxaana aad usii yaraanaya waqtiga lagu dhammeystiri karo wadahadallada. Itoobiya ayaa u aragta in Mareykanka aanu dhexdhexaad ka ahayn wadaxaajoodka, uuna la safan yahay dalka Masar, sida ay sheegtay jariiradda Foreign Policy. Addis Ababa ayaa dhowr jeer ku gooddisay inay difaacan doonto biyo-xireenka ayna xaq u leedahay ka faa’iideysiga biyaha webiga. Arrintan ayaa timid kaddib markii Mareykanka uu sheegay in dhismaha biyo-xireenka aanan la dhammeystiri karin ilaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaarayo. Haseyeeshee, dowladda Masar ayaa ku doodeysa in haddii Itoobiya ay dhammeystirto biyaxireenkaasi uu saameyn ku yeelan karo biyaha ay masar ka hesho webiga. Haddaba milateri ahaan yaa awood badan Masar iyo Itoobiya? Marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar waxaa lagu qiimeeyay in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga. Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkan 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida. Awoodda milateri ee Masar Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas. Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof. Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba. Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya. Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316. Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaarada, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta. Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso. Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka. Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara. Awoodda milateri ee Itoobiya Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux. Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari. Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya. Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska. Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaarad oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya. Itoobiya ma lahan wax ciidan bad ah, maadaama aysan lahayn bad. Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sanadkii hore kusoo warramay in dowladda Faraniiska ay Itoobiya ka caawineyso dib u dhiska ciidanka badda oo la kala diray sannadkii 1991-kii, ka dib markii Eritrea ay ka madaxbanaanaatay Itoobiya, halkaas oo saladhig u ahayd ciidanka badda ee Itoobiya. Inkastoo Dowladda Itoobiya aysan si rasmi ah u shaacinin halka uu noqonayo saldhigga ciidamadooda badda, haddana sannadihii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegayay in saldhig looga dhigi doono dalalka Eritrea, Jabouti ama Sudan, iyadoo dadka qaarna ay hadal hayeen Soomaaliya. Wargeyska oo soo xiganaya ilo dowladda ah ayaa sheegay in Itoobiya ay go’aansatay in saldhigga ciidanka badda laga dhiso dalka Jabuuti. Sida uu wargeyskaas qoray arrintan waxaa lagaga hadlay kulankii ugu dambeeyay ee uu Abiy Axmed ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Hasayeeshee, wararkaas waxaa beeniyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax, oo yiri: “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah,” ayuu yiri. Maxamed Idiris Faarax ayaa intaas ku daray: “Ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen, haddii ay noqoto in heshiis la gaarana wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, jabuuti iyo Itoobiya”. Qaran News
  8. Qodobada barnaamij wareedka galabnimo ee GoobjoogFM ugu doorka roon ayaa waxa ay kala yihiin: Liiska Xildhibaanada Cusub Ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo La Soo Saaray AkhrisoMaxkamadda Ciidamada oo Sii Deysay Masuuliyiin Loo Heystay Dilka Guddoomiye Ka Tirsanaa Maamulka Shabeellaha Hoose faahfaahino ka soo baxaya dil loo geystay guddoomiyihii deegaakaanka Goofgaduud buureey ee gobalka Baay Amarkii Dowladda ee Duulimaadyada oo Dhaqan Galay iyo Diyaarad Laga Celiyay Hargeysa Howlaggalo ay ciidanka dowladda ka sameeyeen qeybo ka mid ah Sabiib iyo Caanoole Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Yuusuf Cabdulaahi Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-19-03-2020.mp3-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Somalia today will implement suspension on all international flights for 15 days, move aiming to prevent the spread of Coronavirus in the country. Ministry of civil aviation this week announced that the country will ban all flights from other countries following the confirmation of the first Coronavirus case in the country Aviation Minister Abdullahi Salad Omaar last Monday said the government imposes suspension on all international flights arriving or leaving the country for two weeks. The ban aimed at curbing the virus’s spread will be effective beginning today March 18. The ban will affect international carriers including airlines from Turkey, Qatar, Kenya, Ethiopia and Uganda that operate international routes to and from Somalia. Somalia on Monday confirmed its first case of Covid-19 in the country. The Ministry of Health said on its Twitter handle that the man, a Somali citizen, flew in from China. View the full article
  10. A heavily fortified compound in Somalia’s capital Mogadishu was attacked by al-Shabaab militants on Wednesday, local media reported. Local broadcaster Dalsan Radio said mortar shells were fired at the Halane compound, which houses UN, EU, and African Union facilities, as well as embassies of countries including the U.S. and U.K. Bashir Ahmed Ali, a police officer in Mogadishu, confirmed the attack to Anadolu Agency but did not provide details on any casualties. The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) also tweeted a confirmation later but said the “mortar rounds landed in the vicinity” of the compound. “Following standard procedures, security personnel are in the process of assessing any potential damage or injuries. We will communicate more details as they become available,” UNSOM said in the tweet. In a statement online, al-Shabaab took responsibility for the attack, claiming it fired five mortar shells at the compound and there were several casualties. The Somalia-based al-Shabaab, which is affiliated with al-Qaeda, also attacked the Halane compound in February. The group had claimed there were casualties, but none were reported by the institutions located inside the protected zone. View the full article
  11. Washington (Caasimada Online) – Laba xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Arbacadii noqday labadii qof ee ugu horreeyey ee ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo laga helay cudurka Coronavirus. Xafiiska Mario Diaz-Balart ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “in waqti dhow ka hor lagu war-geliyey in laga helay cudurka Coronavirus.” Mario oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto magaalada Miami ayaa ku biiray duqa magaaladaas Francis Suarez, oo toddobaadkii tegay shaaca ka qaaday in laga helay Coronavirus. Ka-helitaanka Mario ee cudurka ayaa hogaamisay in ninka labaad ee ugu sarreeya Congress-ka Steve Scalise, oo Jamhuuri ah uu ku dhowaaqo inuu si iskiis ah isku karantiilayo, maadaama uu la kulmay toddobaadkii tegay. “Nasiib wanaag, iskuma arko wax astaamo ah, waxaana sii wadi doonaa inaan guriga kasoo shaqeeyo, aniga oo joogteenaya xiriirka maamulka Trump,” ayuu Scalise ku yiri bayaan uu soo saaray. Sidoo kale, Ben McAdams, oo isna ah Dimoqraadi laga soo doorto gobolka Utah, ayaa noqday qofkii labaad ee ka tirsan Aqalka Wakiilada oo ku dhowaaqa in laga helay Coronavirus. “Kadib markii aan isku arkay hargab habeenkii sabtida markii aan kasoo laabtay Washington, astaamahayga ayaa kasii daray, waxaana dareemay qandho, qufac qalalan, iyo neefta oo i dhibtay kadibna si iskey ah ayaan isku karantiilay,” ayuu yiri McAdams. McAdam ayaa baaritaan lagu sameeyey Talaadadii, waxaana lagu war-geliyey Arbacadii in laga helay Coronavirus. Bayaan ay soo saartay afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ayey ku sheegtay in Diaz-Balart iyo McAdams ayey “xaaladdoodu wanaagsan tahay.” AFP + VOA
  12. Muqdisho (SMN) – Ismaaciil Aadan Cadow, Cabbdikariim Nuur Maxamuud, Cabdi Jaamac Cabdi iyo Daahir Cali Cabdi ayaa loo soo xiray in ay ku lug la haayeen Qarax ka dhacay gurigii uu deganaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi kaasi oo sababay Dhimashada Marxuumka Lixdii November sanadkii tegay. Hey’adaha Ammaanka ayaa soo kala xiray Afarta tuhunsane xilliya kala duwan, waxa ayna ku kala wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida bartimihii December iyo dabayaaqadii January. Ismaaciil Aadan Cadow, ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Cabbdikariim Nuur Maxamuud ayaa ahaa beeraley halka Daahir Cali Cabdi uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka “Minishiibiyo”. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeyay Afarta ruux in ay ka mid yihiin Alshabaab iyo in ay ka dambeeyeen Qarax uu ku geeriyooday Allaha Unaxariiste Cumar Maxamuud Cilmi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose. Mid kamid ah Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheega in aysan jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii gobalka Shabeellada hoose, sidaas darteedna ay u cosadeen inaan loo ciqaabin natiijada tuhun aan buuxin shuruudaha eedda. Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xur yihiin hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamad Qalabka Sida. View the full article
  13. The country becomes the fourth nation in the Cecafa region to take drastic measures after confirming their first case of coronavirus early in the week. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (SMN) – Qoraal kooban uu soo saaray xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday xarunta xalane ee magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weerarkaasi madaafiicda ah ee lagu qaaday xeyn daabka xalane uusan hoos u dhigi doonin taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Xafiiska UNSOM ayaa horay u xaqiijisay in dhowr madfac lala beegsaday xeyn daabka xalane ee nawaaxiga Muqdisho,waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in baaritaanka weerarkaasi ay u xil saareen saraakiil dhanka amaanka ah. Si kastaba ha’ahaatee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay faah faahin ka bixin doonaan weerarkaasi madaafiicda ah,isla markaana ay soo sheegi doonaan hadii ay jiraan qasaaro ay geysteen madaafiicdaasi marka uu soo dhamaado baaritaanka ka dhanka ah weerarkaasi. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa barahooda Internetka ku sheegay in weerarkaasi madaafiicda ah ay ka danbeeyeen,isla markaana ay hoobiyayaal la beegsadeen gudaha xarunta xalane. Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in xarunta xalane ay la beegsadeen ilaa shan hoobiyayaal,isla markaana ay jiraan qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida Al-shabaab ay ku sheegeen barahooda internetka. Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar madaafiic ah lagu qaaday xeyn daabka xalane ee nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,balse inta badan weeraradada madaafiicda ah ee lagu qaado xarunta xalane ayaa waxaa dusha u rita dagaalyahanada Al-shabaab. View the full article
  15. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu dhawaan soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ka dib casuumaad uu ka helay Dowladda Faderaalka Soomaaliya. Deni ayaa ku dhawaaqay go’aankan booqashada Muqdisho kadib kulankii gollaha wasiiradda Puntland ee maanta ka dhacay Garoowe, kaasoo sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo kamid yahay Coronavirus. Booqashada Deni ee Muqdisho ayaa ku timid heshiis cusub, oo dawladda Puntland la gashay wafdiga dawladda Federaalka Soomaaliya, ee ku sugan Garoowe kaasoo ka qeybgalay shirkii wadatashiga Puntland. Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay inuu booqan doono magaalo madaxyada dawlad goboleeyada kale ee dalka Soomaaliya, iyadoo safarkan u noqon doono midkiisii ugu ballaarnaa tan iyo doorashadiisii sanadkii tagey. Puntland ayaa waxaa wali ku sugan wafdi ka socda Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad. Dhanka kale, Kulanka Deni iyo Wasiirada Xukuumadda, ayaa lagu go’aamiyay in wax ka beddel lagu sameeyo war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Garoowe, kaasi oo haatan dib loo saxay laba qodob oo ay ka biya-diideen wasiirada heer Federaal. War-murtiyeedka ayaa laga saaray qodob sheegayay, in Puntland ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii ay dowladda Soomaaliya aysan tix-gelin go’aannada Puntland ka soo saartay khilaafka labada dhinac. Sidoo kale, waxaa dib u sixid lagu sameeyay qodobka sheegaya in Puntland ay shir ku casuuntay Saamileeyda Siyaasadda Soomaaliya, taasina waxaa lagu beddelay in Puntland ay shir ku casuuntay dowadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.
  16. Muqdisho (SMN) – Xili magaalada garoowe uu kusoo idlaaday shirkii wadatashiga ee Puntland islamarkaana ay kasoo bexeen qodobo la xiriira siyaasadaha guud ee dalka iyo saameeynta Puntland ay kul eedahay meel marinta iyo kashaqeyntooda ayaa waxaa soo ifbaxaya dhaliilo ku aadan arintaasi oo ay jeedinayaan qaar kamid ah Waxgardka Soomaaliyeed. Waxgaradkan ayaa ku dhaliilay Puntland in ay faragalin ku hayso nidaamka shaqo ee daowlada dhexe islamarkaana ay kasoo gudubtay xeendaabkii sharcigu uu u siinayay in ay kula tacaamusho dowlada dhexe ee dalka. Cabdicasiis Cumar Daad Bayle, oo la hadlayay Shabelle, ayaa sheegay in dowlada dhexe masuuliyad gaar ah ay ka saaran tahay hogaaminta siyaasada guud ee dalka hadii ay ahaan lahayd qabsoomida doorashooyinka dalka iyo la tacaamulka wadamada dibada, isagoo hoosta ka xariiqay in Puntland looga baahanyahay in ay ka tanaashuso wax walba oo wax u dhimaya qarannimada Ummadda Soomaaliyeed. Dhowaan ayay ahayD markii shirkii wada tashiga puntland laga soo saaray go’aano qaarkood quseeya arimaha doorashooyinka dalka oo ay Puntaland ku tilmaamtay in ay tahay mid aan la aqbali Karin qodoboda qaar ee ku xusan hindisa sharciyeedka doorashooyinka ay meelmariyeen Xildhibaanada baarlamaanka baarlamaanka isla markaana uu saxiixay Farmaajo. View the full article
  17. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyay, in uu markii u horraysay socdaal ku tegi doono magaalada Muqdisho iyo caasimadaha dowlad goboleedyada kale ee dalka. Madaxweyne Deni, ayaa magaalada Muqdisho kula soo kulmi doona madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, halka uu caasimadaha dowlad goboleedyada dalka kulamo kala duwan kula soo qaadan doono madaxweynayaasha maamul goboleedyada. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland oo hadlay kadib Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta, ayaa shaaciyay in mudda laba todobaad ah la fasaxay dhammaan goobaha Waxbarashada degaannada Puntland, islamarkaana la joojiyay kulamada iyo isu’imaatinka dadweynaha, si looga hortago cudurka Coronavirus. Hadalka madaxweyne Deni, ayaa waafaqaya go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee mudda laba todobaad ah lagu fasaxay goobaha Waxbarashada dalka, laguna joojiyay isu’imaatinada dadweynaha, si looga hortago Coronavirus. Dhinaca kale, ilo’ wareedyo ku sugan madaxtooyada Puntland, ayaa xaqiijiyay in xalay uu kulan dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad. Kulanka labada dhinac, ayaa lagu go’aamiyay in wax ka beddel lagu sameeyo war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Garoowe, kaasi oo haatan dib loo saxay laba qodob oo ay ka biya-diideen wasiirada heer Federaal. War-murtiyeedka ayaa laga saaray qodob sheegayay, in Puntland ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii ay dowladda Soomaaliya aysan tix-gelin go’aannada Puntland ka soo saartay khilaafka labada dhinac. Sidoo kale, waxaa dib u sixid lagu sameeyay qodobka sheegaya in Puntland ay shirka ku casuntay Saamileeyda Siyaasadda Soomaaliya, taasina waxaa lagu beddelay in Puntland ay shirka ku casuntay dowadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Isfahamkaasi kadib, ayaa la sheegay in wasiirada heer Federaal ay madaxweyne Deni ku qanciyeen, in uu booqasho ku tego magaalada Muqdisho iyo caasimadaha dowlad goboleedyada dalka, kadibna shir weyna wada-tashiya la isu’gu yimaado magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. PUNTLAND POST The post Qodobo laga tuuray War-murtiyeedkii Garoowe iyo madaxweyne Deni oo Muqdisho ku wajahan appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Ka Haddlay Shirkii West Burco Clan Iyo Habar-jeclo Iyo Caabuqa Karoona Fayras Iyo Fariin Uu U Diray Bulshada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-19032020.mp3 View the full article
  20. Waxaa goor dhow guddiga madaxa banana ee soo xulista baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed ay soo saareen liiska xildhibaanada cusub ee maamulkaasi oo tira ahaan gaaraya 95 mudane. Guddiga ayaa waxa uu maalmihii la soo dhaafay ku guda jiray sidii ay u soo xuli lahaayeen xildhibaanno cusub oo ay ku wada qanacsanyihii beelaha dega deegnaada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Koonfur galbeed ayaa waxaa kaalin mug leh ka qaatay odoyasha dhaqanka maamulkaasi, iyaga oo si dhow ula shaqeynayay guddiga madaxa banaan ee arrinkaasi loo xilsaaray. Waxaana xildhibaanadan la soo xulay lagu saleeyay qaab qaabiileed iyo sida loogu kala badanyahay degmooyinka iyo deegaanada Koonfur galbeed Soomaaliya. Halkan ka akhriso magacyada iyo qabiilada ay ka soo jeedaan xildhibaanada cusub ee Koonfur galbeed Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Ugaas Xasan Ugaas Daahir Ugaas Cawil oo ka mid ah waxgaradka Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyeyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi. Ugu horreyn wuxuu soo dhoweeyey dadaallada ay dowladda federaalka ka wado deegaanada Jubbaland, isagoo shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka ka soo horjeeda dowladda dhexe ay yihiin kuwa leh dano gaar ah, islamarkaana la shaqeeya dowlado shisheeye, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale Ugaas Xasan Ugaas Daahir Ugaas Cawil ayaa ka dalbaday madaxweynaha Jubbaland inuu sameeyo tanaasul, islamarkaana uu aqbalo in dib loogu celiyo doorashadii muranka badan dhalisay ee ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Hadalka Ugaas Xasan Ugaas Daahir Ugaas Cawil ayaa ku soo aadaya, iyadoo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland uu cirka isku shareeray, kadib dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo uu wato wasiir Janan iyo kuwa milatariga ee la geeyey gobolkaasi. View the full article