Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-21032020.mp3 View the full article
  2. The U.S. military confirmed Saturday that more than 15 al-Shabab militants were killed in airstrikes in southern Somalia this week. The U.S. Africa Command (Africom) spokesman Karl Wiest said no civilians were injured or killed as a result of five airstrikes which were carried out in coordination with Somali security forces near Janale on Monday and Tuesday. The command currently assesses these airstrikes resulted in the deaths of over 15 al-Shabab militants, Wiest said in a statement. Janale town that lies about 90km south-west of Mogadishu had been the hub for militants’ operations and activities. Now, the town with about 30,000 people is currently under the full control of the joint forces — African Union Mission in Somalia and Somali National Army. View the full article
  3. MOGADISHU (HOL) - Somali government has eased the international flights ban to allow Somalis from different parts of the world to return home as many were left stranded following the 15 days suspension which came to effect Thursday. Source: Hiiraan Online
  4. Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegaya inay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ay Maanta soo caga dhigatay Diyaaradda Itoobiya Airline. Duulimaadka Diyaaradda Itoobiya Airlines ayaa imaanayo saddex maalin kaddib markii ay dhaqan gashay amarkii dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah, si looga hortago cudurka Coronavirus. Diyaaradda Itoobiya Airlines ee kasoo dagtay Hargeysa ayaa kasoo duushay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna siday rakaab tiro badan. Duulimaadka Diyaaradda Itoobiya Airlines ee Hargeysa ayaa imaanayo kadib markii diyaaradda FlyDubai oo rakaab siday, kana soo duushay Dubai markii ay hawada Soomaaliya soo gashay lagu amray inay dib u laabato oo aanay ka degi karin Hargeysa, kaddib markii qalabka isgaarsiinta ay kala hadashay Hey’adda Saadaasha Hawada. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlay diyaaradda Itoobiya ee ka dagtay Magaalada Hargeysa, inkastoo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliska Hawada ay qoraal ka soo baxay ku sheegtay in muddo labo cisho la fasaxay duulimaadyada caalamiga, si muwaadiniinta ku xaniban caalamka loo soo qaado, labo cisho kaddib la joojiyo duulimaadyada iyo in duulimaad aan aheyn xamuul sida raashin iyo daawo aanay dalka ka soo degi karin mudada 15-ka cisho.
  5. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka horyimid xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Eederaalka ayaa xalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga soo horjeedo xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan lagu dhawaaqay. Wasiiradda iyo xildhibaanada kulanka yeeshay oo kasoo jeedda degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa si cad uga soo horjeestay xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in beelahooda laga siiyay 9 mudane oo kaliay, ayna xag u leeyihiin tiro intaas ka badan. Wasiirada kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostadda iyo isgaarsiinta Eng. Canshuur, Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cali Xasan iyo Wasiir ku xigeeno ka tirsan Xukuumadda Kheyre. Waxaa la sheegay in kulanka uu diiday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo usaguna ka soo ka soojeda degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug oo la dooonayey in wax laga weydiiyo qaabka loo soo xulay xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo ka horyimid xildhinaanada cusub ee Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta qorshayaasha socda ee looga hortagayo cudurka Coronavirus oo kiis ka mid ah laga helay Muqdisho. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin guud iyo talooyinkooda ku aadan xakameynta faafitaanka cudurkaan ka dhageystay dhaqaatiirta, kadibna wuxuu uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan bad-qabka guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa kulanka goob joog aheyd wasiirka caafimaadka, Dr Fowsiyo Abiikar Nuur oo faah faah ka bixisay guulaha laga gaaray qorshayaasha xakameynta cudurka, wixii ka dambeeyey markii ay dowladdu billaawday diyaar garowga looga hortagayo. Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday xoojinta wadashaqeynta wasaaradda caafimaadka, wasaaradaha kale ee wada shaqeyntu kala dhexeyso, howl-wadeennada xafiiska ra’iisul wasaaraha ee qeybta ka ah howlaha xakameynta iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, si loogu guuleysto bad-qab iyo daryeel bulsho oo dhammeystiran. Ugu dambeyn waxaa la soo jeediyay in la adkeeyo dhaqan gelinta tallaabooyinka xakameynta ee ay ka mid ka yihiin yareynta isu imaatinta dadweynaha iyo sare u qaadidda nadaafadda, maadaama ka hortagga uu ka wanaagan yahay daaweynta. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal ballaaran oo laga gaashaamanayo faafintaanka cudurkan oo fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka ku yaalla.
  7. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo laba maalmood ah ay fasaxday Duulimaadyada Caalamiga ah oo ay hore u joojisay. Source
  8. Warbaahinta Puntlandi.com ayaa warar dheeraada ka helay sababta keentay in Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Federaalka Mudane Axmed Cawad uu qabto Shir Jaraa’id oo uu kaga [...] Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Diyaaradda Ethiopian Airline ayaa maanta ka so degtay garoonka Diyaaradaha Hargeysa. Ethiopian Airline ayaa baaqatay maalintii khamiistii ee la soo dhaafay mana ay sheegin sababta ay u baajisay safarkaasi. Wasiirrka arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo ku sugan magaalada Addis-ababa ayaa la sheegay in uu gacan ka gaystay sidii Ethiopia Airline u sii wadan lahayd shaqadeeda garoonka Hargeysa inkasta oo aan faahfaahin rasmiya soo bixin. Source
  10. War qoraala oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in muddo 2 maalin ah dib loo fasaxay duulimaadyadii caalamiga ahaa oo dhowaan dowladdu xayiraaddu ku soo rogtay, sababa la xiriira in uusan faafin cudurka Coronavirus. Qoraalka oo ay soo saartay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa waxaa lagu caddeeyay in muddo 2 maalin ah la fasaxay duulimaadyada caalamiga ah si loo soo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoomada caalamka, waxaana dowladdu sheegtay in duulimaadyadaasi ay ka soo degi doonaan garoomo cayiman. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee soo mara waddamada uu saameeyay cudurka Coronvirus ay u hoggaasamaan awaamiirta wasaaradda caafimaadka. Ugu dambeyn qoraalka waxaa lagu shaaciyay in muddada labada maalin ah ka dib la joojin doono duulimaadayda caalamiga ah islamarkaana dalka aan la soo galin Karin xamuul aan ka ahayn dawo iyo raashin. 16-kii bishan ayaa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus waxaa laga helay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay isla maalinkaas in muddo 2 todobaad ah la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa. Halkan ka akhriso qoraalka ay soo saartay dowladdu Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Kismayo (HOL)- At least 27 Al-Shabaab militants were killed in Buulo-gudud in Lower Jubba region Tuesday, Somali army said noting it also blocked an impending attack on Kismayo town. Source: Hiiraan Online
  12. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in la fasaxay duulimaadyada caalamiga mudda laba maalmood ah. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay muddadaasi fursad la siin doono muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xaniban dalka dibaddiis, kadibna uu sii socon doono go’aanka xayiraada duulimaadyada caalamiga ah, si looga hortago cudurKa COVID19. Halkaan ka akhiso War-saxaafadeedka. View the full article
  13. Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad oo ka jaaabayay Shirkii jaraa’id ee Wasiirka Arimaha Dibada Federaalka ayaa faahfaahiyay in Madaxweyne Deni uu Muqdisho u tagayo [...] Source
  14. (SLT- Norway)-Xanuunka Coronavirus oo ah mid meelo badan oo dunida ah ku faafaya, iyadoo ay sii kordhayaan dadka uu ku dhacayo ama uu soo haleelayo xanuunkaas. Cabdillaahi Xaashi Aadan waa nin Soomaali ah oo ku nool dalka Norway kaasi oo uu ku dhacay xanuunkan Coronavirus, waxaana sida uu xanuunku ugu dhacay, waxa uu dareemay iyo waliba xaaladiisu sida ay haatan tahay ka warramay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka ayaa maanta si kumeel gaar ah dib ugu fasaxday duulimaadyada caalamiga ah ee keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda ku soo laabanaya. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradaasi, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku taariikheysan maanta ayaa waxaa lagu sheegay in muddo labo maalin ah dib loo furay duulimaadyadaas, sababo la xariira cabasho ka timid muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xaniban garoomo kala duwan ee ku yaalla caalamka. Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in muwaadiniinta ka imaanaya dalalka uu ka jiro cudurka Coronavirus ay qaadan doonaan amarada wasaaradda caafimaadka dalka. Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in labo cisho kadib la joojin doono duulimaadyada caalamiga ah, illa 15-kii cisho ee uu horay u amartay dowladda dhexe. Ugu dambeyn waxaa warqadda lagu sheegay in guud ahaan dalka aan la soo galin karin wax aan ka aheyn daawo ama raashin.
  16. (SLT-Hargeysa)-Imaanyada Masaajiddada ku yaalla Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa ayaa dhaqan-geliyey Awaamiirtii ka soo baxday Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Caabuqa Corona-virus. Guddiga uu Madaxweynaha Somaliland u Magacaabay u diyaar-garowga ka hor-tagga Coronavirus ayaa toddobaadkii hore u soo jeediyey Imaanyada Masaajiddada Dalka inay soo koobaan xilliga la fadhiyo Masaajiddada ee la sugo Salaadaa ama inta u dhaxaysa Aadaanka iyo Gelidda Salaadaha, si looga digtoonaado Cudurka Coronavirus, taasi oo dhaqan gashay. Shalay oo kale, Imaamyada Masaajiddada Caasimaddu waxay soo koobeen Khudbadihii Salaadda Jimcaha, halkii ay awal hore ka dheerayn jireen, taasi oo qayb ka ah dedaallada lagaga hor tagayo Caabuqa Coronavirus oo faro-baas ku haya dunida, sida la sheegayna soo gaadhay Dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya oo ay xuduud wadaagaan Somaliland. Culimadu waxa kale oo ay bilaabeen inay Shacabka ku wacyi-geliyaan Nadaafadda, taasi oo qayb ka ah ka hor-tagga Coronavirus “Arrimaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah inaynu nadaafadda ilaalino, imika waxa la yidhi Saabuun iyo biyo ku faro-xasha, Islaamkuna wuxuu innagu yidhi Mar walba is nadiifiya, Waysadeenu waa nadaafad, Cadayashadeenu waa nadiif, Jidh maydhashadu waa nadiif, Masaajiddada iyo Jidadka Nadiifiya ayaa la innagu yidhi, Maaha Maanta uun weligeedba nadiifiya ayaa la yidhi. Markaa nadaafadda inaynu ilaalinaa waa waajib.” ayuu yidhi, Sheekh Maxamed Aadan oo ah Khadiibka Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa. Waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee Culimadu sameeyeen waxa ka mid ah inay joojiyeen isku imaanshiyihii Dadweynaha. Tusaale ahaan, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa joojiyey Casharkii Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, taasina waxay qayb ka tahay Dedaallada lagaga hor-tagayo cudurka Coronavirus oo Dad badan dunida ku dilay Afartii bilood ee u dambeeyay. Source
  17. Somali Special Forces have arrested a senior figure of the militant group Al-Shabaab near the recently-captured southern town of Janale. A joint Gorgor and Danab special forces arrested senior Al-Shabaab figure, Mohamud Yussuf Mansur, in an operation they carried out in villages near Janale. Mansur was reportedly responsible for tax collection for the group in the agricultural town of Janale. Somali Special Forces traied by Turkey and the US have been conducting combing operations in viallges near Janale to flush out the Al-Qaeda-linked militants from the region and hunt down their leaders. Speaking to the Somali National Army Radio, Commander of Somalia’s Ground Forces, Brig-Gen Dirir, said that the operations will continue in the region. The Somali army captured the strategic town of Janale in Lower Shabelle Region from Al-Shabaab last Monday. Janale had been under the group’s control for the last 10 years. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Shacabka u soo jeediyey inay ku baraarugsanaadaan Khatarta Coronavirus, isla-markaana dabaqayaan Farriimaha Wacyi-gelineed ee Wasaaradda Caafimaadka. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa isaguna Shacabka u soo jeediyey inay u dhego-nuglaadaan Wacyigelinta loo jeedinayo isla-markaana badsadaan baryada Allaah SW. Agaasimaha oo Arrimahaa ka hadlaayana wuxuu yidhi “‘Madaxweynaha Jahmuuriyadda Somaliland muddane Muuse Biixi Cabdi, wuxuu dhawaan magacaabayo Guddi heer qaran ah oo ka hortaga halista iyo khatarta xanuunka Coronavirus, ee Caalamka sida xawliga ah ugu faafay, Guddidaasoo markiiba bilawday dadaalo aad u badan oo ay kaga hortagayso in xanuunkan halista badan inuu dalkeena soo galo, Wasaarad ahaan si joogto ah ayaanu umadda u siina wacyigelin ku waajahan halista Coronavirus, sidaas darteed umaddu inay aad isku ilaaliso oo ay feejignaan dheeraad ah sameeyaan ayaa laga doonayaa, Coronavirus go’doon buu ku kala riday wadamadii Caalamka, isku socodkii baa meesha ka baxay, baqashadiisa ayaanu leeyahay, si xawliya ayuu u fidiya, ee aynu ALLE bariyadiisa badsano, oo ducooyinka uu Rasuulkeenu akhrisan jiray aynu akhirsano, oo dadkeenu aad u baruurugsanadaan, oo nadaafada aynu aad u ilaalino, wacyigelinta aanu wadnana ha la qaato” Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadku wuxuu sheegay in aanu illaa hadda jirin hal Kiis oo Coronavirus ah oo lagu arkay Somaliland “Haba-yaraatee wax Kiis Coronavirus oo ah oo Dalkeena lagu arkay ma jiro..” Source
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka jawaabay eedeyntii ay dhowaan maamulkaasi u jeediyeen wasiirada dowladda federaalka ee ka qeyb galay shirkii lagu soo xiray Garoowe. Wasiiradaan oo uu ka mid ahaa midka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in wasiirada dowladda federaalka ka socday aysan wax door ku laheyn shirweynahaasi oo ahaa mid wadatashi ah, islamarkaana u jeedkiisa uu ahaa mid looga hadlayey aayaha guud ee maamulkaasi. Sidoo kale Dhabancad ayaa waxaa laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeeray wasiiradaasi oo qodobada shirka saluug ka muujiyey. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday safarka la filayo in magaalada Muqdisho uu ku yimaado madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), isaga oo carabka ku dhuftay inuu socdaalkaasi kaliya gogol xaar u yahay shirka ay guud ee ay iclaamisay Puntland. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa ugu dambeyn hoosta ka xariiqay in madaxweyne Deni uusan xilligan wax wadahadal ah la geli doonin dowladda dhexe. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay wasiirada ku jira xukuumadda Soomaaliya ee ka soo jeeda maamulkaasi ay dhaliileen qodobada qaar ee ku jiray shiirka Garoowe. =
  20. (SLT-Borama)-Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxa ka da’ay Roob lagu qabowsaday, kaasi kaw u noqonaya Curashada Roobka gu’ga ee sannadkan. Roobka oo Dadweynuhu ku farxeen ayaa da’ay Galabnimadii Jimcaha Maanta iyo Fiidnimadii Caawa, sida ay Geeska Afrika u sheegeen Dad ku sugan Magaaladaasi. Curashada Roobka Gu’ga ee ka bilaabmay Magaalada Boorama ayaa ku soo beegmay xilli Goobo ka mid ah Somaliland laga soo sheegayo biyo yaraan, sida Gobollada bariga Somaliland. Roobkan ayaa sidoo da’ay xilli ay Dadweynuhu ka cabanayaan kulayl, inkasta oo lagu jiro bisha March oo Cimilada Geeska Afrika isku beddesho kulayl, maaddaama oo Cirku tusan yahay. Source
  21. Puntland ayaa ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeeray masuuliyiintii dowladda Federaalka Soomaaliya ee qeyb galay shirkii wadatshiga Puntland. Wasiiro ka tirsan Puntland oo maanta la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in shirkii wadatashiga Puntland qodobadiisa ka sooo baxay aysan wax raada ah ama saameyn ah ku laheyn Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wasiiradda Puntland ayaa xusay in Madaxweyne Deni uusan Muqdisho u tagayn wada hadal uu la galo madaxda Federaalka, basle uu tagayo u gogol xaarka shirka ay Puntland ugu baaqday dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Wasiirada Puntlad ee u jawaabay Federaalka waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Duulista Hawada. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland oo shalay hadlay ayaa sheegay in ay diiddan yihiin qodoba kamid ah war-murtiyeedka Shirkaas oo eedaymo culus loogu jeediyay madaxda dowladda Federaalka, islamarkaana ay ka xun yihiin ereyo ilhaano ku ahaa dowlad goboleedyada kale oo ku qornaa warmurtiyeedkaas. Sidoo kale waxay sheegeen masuuliyiinta Federaalku in ay soo dhoweeyey booqashada madaxweyne Deni ku tegi doono magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Puntland: Safarka Deni ee Muqdisho maahan safar wada hadal appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Jabuuti ayaa saaka xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland. Dad doonayay in ay labada dhinac isaga gudbaan ayaa ku xaniban magaalada Law-yacaddo oo inta badan ay maran dadka iyo Ganacsiga dhulka ee labada dhinac. Inkasta oo aan si rasmiya dawladda Jabuuti uga hadal sababta haddana waxa loo malaynayaa in ka hortagga cudurka Corona awgii ay u xidhay xadka. Source
  23. Somali commandos have foiled suicide attacks following security operations on the outskirts of Kismayo town. The forces seized two lorries laden with improvised explosive devices near Bulo-gaduud village, according to Ismail Abdimalik, the commander of the 16th division of Somali commandos. Speaking to the media, Abdimalik said the forces succeeded to wrest the two vehicles which purportedly heading Kismayo town. “The vehicles were intercepted following a tip-off and there is no alarm, we have also cleared the way from al-Shabaab,” he said. The commander noted that during the operations, the forces killed several Al-Shabaab fighters following the confrontation. “The forces killed a number of terrorists who attempted to resist, we have secured the main supply route,” the commander stated. It is not clear if the drivers of the vehicles were captured. Somali forces have recently stepped up operations against al-Shabaab fighters in Lower Jubba and Shabelle regions. Dozens of al-Shabaab fighters were eliminated during operations by Somali and African Union Mission In Somalia (AMISOM) in these regions. Al-Shabaab lost control of many towns in the south and central Somalia after their fighters were defeated in battlefields. The group opted hit and run tactics to attack forces while they use IEDs in the major towns of the country. View the full article
  24. Ra’iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Xafiiskiisa ku qaabbilay rugta ganacsiga Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda caabuqa COVID-19. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay inaysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada. Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dedaallada looga hortagayo faafidda caabuqa COVID-19. Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo COVID-19. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article