-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa inay ka hortageen weeraro ay dgaalyahannada Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka geystaan qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool. Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka war hayeen xogta weeraradaasi, islamarkaana inta aan la fulin ay fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in dagaalyahannada Al-Shabaab ay doonayeen in weeraradaasi ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in lala damacsanaa weeraradaan deegaanada Buur-Eyle, Walag iyo Xawaal Barbaar. “Al-Shabaab waxa ay isku dayeen in ay soo wareeraan saldhigyo aynu ku leenahay deegaanno ay kamid tahay Buur Eeylo, dad shacab ah ayay ku dhibaateynayeen, waxaana ka qabsanay Xoolo ay dad kasoo qaadeen oo ay doonayeen in ay dad kale siiyaan, waxaana u celinay dadkii lahaa.” taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ay sare u qaadeen dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Taliyaha-qeybta-60aad.mp3
-
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo uu ka qeyb-geli doono caleema-saarka madaxweynaha cusub ee maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo dhowaan ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb. Weriyaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo weriyay in guddoomiyaha guddiga caleema-saarka Qoor Qoor oo Gaalkacyo ku booqday Ex. Madaxweyne Xaaf uu ku soo qanciyay in uu ka qeyb-gelo caleema-saarka madaxweynaha cusub. Weriyaashu waxay sheegayaan in aysan weli faahfaahin ka helin arrimaha lagu qanciyay Ex madaxweyne Xaaf iyo haddii uu jiro Heshiis laga gaaray khilaafkii labada dhinac ee doorashada ka dhashay balse waxay xaqiijiyeen in Xaaf uu ka qeyb-geli doono Caleema-saarka Qoor Qoor. Sidoo kale guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay in uu la kulmay madaxweynihii hore ee maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Guddoomiye Yuusuf Garaad Cumar oo qaban-qaabinaya xafladda Caleema-saarka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu Gaalkacyo ku booqday madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle. Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale tilmaamay in isaga iyo madaxweyne Xaaf ay isla soo qaadeen sheekooyin dhinacyo badan oo isu’gu jira dhacdooyin hore kuwa hadda taagan iyo Mustaqbalka Galmudug Yuusuf Garaad ayaa maalmahaan socdaal la xariira caleema saarka madaxweynaha Galmudug ku marayay degmooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud isagoo la kulmayey bulshada qeybaheeda kala duwan. PUNTLAND POST The post Xaaf oo la sheegay in uu ka qeyb-geli doono Caleema-saarka Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda XFS, Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo haatan ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii hore ee maamulkaasi. Kulanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa Yuusuf Garaad wuxuu sheegay inay uga wada hadleen isaga iyo Xaaf sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka Gamudug. “Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka”. ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar. Dhowaan ayaa lagu wadaa in la caleema saaro madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku soo baxay doorashadii Dhuusamareeb. View the full article
-
Qalab Caafimaad oo isugu jira sariiraha bukaanka loogu talo galay iyo agab kale ayaa waxaa Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ku soo hagaajiyay Hey’adda Tawakal oo ay soo wakiisheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Germany, kuwaasi oo qalabkani ugu talogalay in looga faa’iideeyo bukaanada ku jira isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir. Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa qalabkan kala wareegay Hey’adda Tawakal, waxAyna dhankooda ku sii wareejiyeyn maamulka isbitaalka Banaadir, si loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed. Gudoomiyaha Hey’adda la soo wakiishay ee Tawakal Xasan Xuseen Rooble ayaa sharaxay intauu ka koobanyahay qalabkaasi. Agaasimaha Waaxda Qalabka iyo Daaweynta Dr Abdulkadir Wehliye ayaa uga mahadceliyay dadkii soo dhiibay qalabkan iyo intii gacanta ka geystay, wuxuuna jaaliyadaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii qalab dhameystiran loogu heli lahaa isbitaalada Dalka ee bulshada loogu adeego. View the full article
-
Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay fashiliyeen weeraro ay Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka geystaan deegaano ka tirsan gobollada Baay & Bakool. Janaraal Maxamed ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay damacsanaayeen in weeraradaasi ay ka fuliyaan deegaanada, Buur-Eyle, Walag iyo Xawaal Barbaar. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka hortageen ciidanka Xoogga dalka oo ka war hayey weeraradaasi, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Taliyaha-qeybta-60aad.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-24032020.mp3 View the full article
-
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay saacadihii la soo dhaafay weeraro kala duwan ka fulisay degaanka Jannaale iyo nawaaxigiisa kuwaasi oo lagu bartil-maameedsaday Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degaankaas. Al-shabaab waxay sheegtay in ay qarax miino la beegsatay ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo marayay inta u dhexaysa degaanka Jannaale iyo Buufow halkaasna ay ku dhinteen 7 askari oo saarnaa gaariga qaraxa lala beegsaday. Sidoo kale Al-shabaab waxay tilmaantay in gaarigii qaraxa lala beegsaday uu gebi ahaanba burburay islamarkaana askartii saarnaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay sida ay hadalka u dhigeen Al-shabaab. Dhinaca kale Al-shabaab waxay shaaciyeen in ay weerar culus oo duqeyn ah ku qaadeen Saldhiga ciidamada Federaalka iyo AMISOM ee ku yaalla gudaha degaanka Jannaale halkaasna ay la beegsadeen in ka badan 40 madaafiic ah. Duqeyntaas Al-shabaab waxay sheegtay in ay gebi ahaanba ku gubeen kaydkii hubka ciidamada iyo Teendhooyin u dhisnaa balse wax khasaare nafeed ah ma sheegin. Marka laga reebo sheegashada Al-shabaab ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaas sidoo kale Taliska ciidamada dowladda iyo AMISOM midna kama hadal sheegashadaas. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay weerar culus ka fuliyeen degaanka Jannaale appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo u warramay Idaacadda Mustaqbal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug. Xildhibaanka ayaa wareysigaan ku sheegay in marxalado adag laga soo maray dhismaha Galmudug, islamarkaana loo baahan yahay in la adkeeyo midnimadeeda. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in weli deegaanada Galmudug uu yaallo hub iyo gaadiid fara badan, dadkuna aysan ka gaarin heshiis dhameystiran. “Galmudug waa deegaan hub iyo gaadiid badan uu yaallo, dadkiisu heshiis dhameystiran kama gaarin dhismaha Maamul ay ku mideysan yihiin si ay wax isugu darsadaan, duruufta dhaqaale oo intaa u dheereed waxa ay sababtay in uusan shaqeyn Maamulka.“ xildhibaan sare Cabdixakiin Macalin Axmed oo door firfircoon ku lahaa dhismaha Galmudugta cusub. Dhanka kale wuxuu ku baaqay in aan la carqaladeyn maamulka curdunka ah ee hadda jira, oo uu tilmaamay in la wada taageersan yahay, sida uu hadalka u dhigay. “Marxaladda cusub ee ah Galmudug isla socoto oo inta badan dadku wada taageersan yihiin waa horumar la gaaray, haddii maamulka uusan ku tiirsaneen Dowladda dhexe ama Beesha Caalamka ma dhaqaaqi karo, waxaana aaminsanahay in dadka ay ugu faaiideeyaan fursadda wanaagsan ee Dowladaha akteeda yaalla” ayuu markale yiri xildhibaanka Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan la filayo in si rasmi ah loo caleema saaro madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).
-
Burco-(Qaran-news)-Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warfidiyeenka Qarannews waxaa qarka u saaran inuu fashilmo Qandaraas qaabkii loo bixiyey madmadow badani ku xeernaa oo la siiyey shirkad la yidhaahdo Cabdillaahi Aflax Store Shirkadan Cabdillaahi Aflax Stores ayaa Qanradaas Qaraabakiila lagu siiyey inay muddo todobaada ku keento Timirta bisha barakaysan ee Ramadaan la siiyo Ciidamada Somaliland. Qandaraaskan la siiyey Shirkada Cabdillaahi Aflax ayaa lagu dhawaaqey 12-ka bisha Maarso 2020-ka inay ku guulaystay tartanka keenida Timirta,ku darsoo waxaa loo qabtay oo heshiiska ku jirtay inay Muddo Todoba cisho ah ku soo wareejiso ama ku soo gaadhsiiso Timirta Ciidamada loogu talo galay Balse taasi way fashilantay oo weli maanta oo taariikhdu tahay 24-kii Maarso 2020-ka Hal teneg lagama hayo,wax soo muuqdana mooyi Yeelkeede shirkadan Cabdilaahi Aflax ee Qaraabakiilka lagu siiyey Keenista Timirta Ciidanka Somaliland ayaa xilligii ay tartanka ku jirtay shaacisey inay hayso cadadka Timirta looga baahan yahay oo ay dalka u taalo,ku darsoo waxay madasha tartanka keentay Foojaro iyo Dhukumentis sheegaya inay tartanka ku gelayaan Timir taalla Bakhaaro qaarkood Burco ku yaala oo aan ka xusi karo Tawfiiq & Al-intifaac oo ka madax banaan qandaraaslaha helay tartanka.Taas oo macnaheedu yahay inaaney shirkada Cabdillaahi Aflax timirta loo baahan yahay Gacanta ugu jirin,dalkana u oolin balse ay ku tartamayaan Timir taalla Bakhaaro gacansi oo weliba laysla dhexmaraayo inay gaboowday oo tayadeedu liidato oo sanado taaley oo la meydhaayo si loogu eekaysiiyo Timir cusub. Geesta kalena waxaa oo oogan oo soo laba kacleeyay muran ka dhex qarxay Gudida Qandaraasyada Somaliland qadiyadan timirta ee fashilantay darteed maadaba Xubno ka tirsan Gudidu Saami macaash laga siiyey qandaraaskan Timirta (Waa laaluush casriya oo inagu soo kordhay). Isku soo wada duuboo Shirkada Cabdillaahi Aflax ee sida Qaraabkiilka & Eexda ah lagu siiyey Qardaraaska timirta ciidamada Somaliland ayaan welin fulin shuruudihii ay Qandaraaska ku qaadatay,qadiyadeena u eeg tahay inay ku fashilantay maadaba waqtigii ka dhacay oo ay muddo dhaafna waxba ku keeni la’dahay!. Halkan ka daawo Ballanqaadkii Kornayl Cabdillaahi Kobra oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta oo ku hadlaaya afka Shirkada Aflax & Dardarankii Gudoomiyaha Komishanka oo ay ilmaadeer yihiin Qaran News
-
Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay in uu la kulmay madaxweynihii hore ee maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Guddoomiye Yuusuf Garaad Cumar oo qaban-qaabinaya xafladda Caleema-saarka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu Gaalkacyo ku booqday madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle. Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale tilmaamay in isaga iyo madaxweyne Xaaf ay isla soo qaadeen sheekooyin dhinacyo badan oo isu’gu jira dhacdooyin hore kuwa hadda taagan iyo Mustaqbalka Galmudug. “Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka” ayuu yiri Yuusuf Garaad Ex. Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa horay u qaaddacay doorashadii ka dhacday dowlad goboleedka Galmudug ee lagu doortay madaxweyne Qoor Qoor taasi oo uu Xaaf ku tilmaamay mid xaaraan ah oo dowladda Federaalka ku shubatay. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha guddiga caleema-saarka Qoor Qoor oo Xaaf la kulmay appeared first on Puntland Post.
-
The UN Security Council, which has not met for 12 days due to the coronavirus outbreak, is deeply divided over a proposed declaration on the crisis and holding "virtual" meetings to vote on resolutions, diplomatic sources said Monday. Source: Hiiraan Online
-
An Arizona man has died and his wife is in critical condition after they ingested chloroquine phosphate – an aquarium cleaning product similar to drugs that have been named by President Trump as potential treatments for coronavirus infection. Source: Hiiraan Online
-
Further closures to air routes may come in the next 48 hours, possibly without notice, the Foreign and Commonwealth Office warns. Source: Hiiraan Online
-
Diyaarad laba cisho dul wareegaysay gobolada Sool iyo Sanaag Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa maanta oo Isniin ah iyo khamiistii dul wareegaysay gobolka Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa. Diyaaradan oo u muuqatay mid sahan ah ayaa maalmahan dambe dul heehaabaysay gobolada Sool iyo Sanaag, taas oo aan wali la aqoonsan dalka ay diwaangashan tahay. Diyaaradan ayaa magaceedu yahay Beech 350 Super King Air, Flight Radarkeedu ma sheegayo meesha ay ka timid iyo meesha ay ku socoto iyo wadanka ay ka diwaangashan tahayba. Maanta oo sabti ah abaaro tobankii iyo badhkii subaxnimo ayey joog hoose ku dul maraysay goboladan bariga, taas oo aan wali la garan ujeedadeedda. Illaa hadda ma jiro wax wara oo ku saabsan diyaarada oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa xaqiijiyey in wafdi ka socday Masar ay Axadii lasoo dhaafay ka dageen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Dowlada Federaalka ayaanan soo bandhigin safarka wafdigaas heerka sarre ah oo uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda waddankaas Carbeed, Abuubakar Al-xifni. Cawad oo wareysi siiyey Warbaahinta Daljir ayaa qiray in ujeedka booqashadda wafdigaas uu daaranaa khilaafka Masar iyo Itoobiya ee ku aadan biyo-xireenka lagu muransan yahay ee Webiga Nile. “Haa,” ayuu ku jawaabay markii la waydiiyey xaqiiqada booqashada. “Dalalka aduunka ayay ku wareegayeen, waxay macneynayeen mowqifkooda ku aadan Webiga Niil, khilaafka iyaga iyo Itoobiya u dhaxeeya”. Al-xifni iyo wafdigiisa ayaa si gaar ah ula kulmay madaxweyne Farmaajo oo ay ka codsadeen in Soomaaliya ay garab-istaag u muujiso Masar. Socdaalkaas ayaa yimid maalmo kadib markii ururka Jaamacadda Carabta uu u coddeeyay qaraar lagu taageerayo Masar laguna cambaareynayo Itoobiya. Talaabadaas waxaa ka caroortay Addis Ababa. Warar soo baxay ayaa sheegay in Muqdisho ay taageertay qaraarkaas, balse wasiir Cawad oo meesha ka saarey warbixinadaas wuxuu hoosta ka xariiqay in ay ka qaateen go’aan dhexdhexaad ah. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo tibaaxay in “la qariyey”socdaalka wafdiga Masar, ayaa rumeysan in dowladda ay taageerada ka noqotay kadib cadaadis kaga yimid Itoobiya. Ra’iisul wasaare Khayre oo kadib u socdaalay Itoobiya ayaa dhigiisa Abiy Axmed “ku wareejiyey fariin uu ka sidday madaxweyne Farmaajo taasoo ahayd in Soomaaliya ay dhex ka tahay xiisaddaas”. Villa Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah maamulka Abiy Axmed ee haatan ka taliya Itoobiya, kaasoo lagu eedeeyay in uu qeyb ka yahay faragelinta ciidan ee dowlada Soomaaliya ku hayso maamuladda wadanka. Hoos ka daawo wareysiga Cawad oo dhan
-
Qalab Caafimaad oo isugu jira sariiraha bukaanka loogu talo galay iyo agab kale ayaa Hey’adda Tawakal oo ay soo wakiisheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Germany, waxay ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka dowlada Federaalka Soomaaliya. Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa qalabkan kala wareegay Hey’adda Tawakal, waxaana dhankooda ku sii wareejiyeyn maamulka isbitaalka Banaadir, si loogu fuliyo adeegyada caafimaadka Agaasimaha Waaxda Qalabka iyo Daaweynta Dr Abdulkadir Wehliye ayaa uga mahadceliyay dadkii soo dhiibay qalabkan iyo intii gacanta ka geystay, wuxuuna jaaliyadaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii qalab dhameystiran loogu heli lahaa isbitaalada Dalka ee bulshada loogu adeego. PUNTLAND POST The post Isbitaalka Banaadir oo lagu wareejiyay Agab Caafimaad oo kala duwan appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay sheegay inay Soomaaliya dhex-dhexaad ka tahay khilaafka xoogan ee u dhexeeya labadaasi dal. “Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Nile Soomaaliya waxay ka taagan tahay dhex dhexaad, haddii loo baahdo Soomaaliya waxay ka gacan geysaneysaa xalka khilaafkaas loo heli lahaa, iyo isu soo dhowaanshaha, kaalinteeda waxa weeye dhex dhexaadnimo iyo suurta gelin in khilaafkaas soo afjarmo,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad. Hadalka Cawad ayaa yimid kadib markii Jaamacadda Carabta, oo ay ku mideysan yihiin dalalka Carbeed ay dhawaan soo saartay qaraar ay ku cambaareyneyso dowladda Itoobiya oo ku gacan seyrtay dhexdhexaadinta uu Mareykanka ka muranka biyo xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso qeyb ka mid ah Wabiga Nile. Professor Afyare Cabdi Cilmi oo culuunta amniga ka dhiga Jaamacadda Qatar, ayaa BBC-da u sheegay in hadda taageerada ay Masar ka heli jirtay gobolka Geeska Afrika ay sidii hore iska baddaleyso. “Marka si guud loo qiimeeyo arrinta waxaa soo baxeysa natiijo ah in uu isbaddalay wajiga uu lahaan jiray murankii mudadada dheer u dhaxeeyay Masar iyo Itoobiya. Hadda waxaa muuqata in ay isbaddaleen mowqifyada dalalkii ay Masar maalgashiga ku sameysan jirtay ama taageerada ka kasban jirtay ee gobolka, gaar ahaan dalalka muslimiinta ah ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan. Sababtu ha noqoto noocey doonto, laakiin waxaad mooddaa in Masar hadda looga adkaanayo Geeska Afrika,” ayuu yiri Afyare. Mar uu sharraxaad ka bixinayay waxa uu ka dhigan yahay hadalka Soomaaliya ayuu yiri: “Xogta dhabta ah ee la xiriirta sababta ay dowladda Soomaaliya u baddashay go’aankeedii hore ee ay ku garab taagnaan jirtay Masar iyo waxa ay dalkaas ku qoonsatay, ama ay Itoobiya kaga baddalaneyso go’aanka noocaas ah, waxaa la weydiinayaa madaxda dowladda. Laakiin marka si guud loo indha-indheeyo waxaa ii muuqda in Masar ay dabacday oo ay lumisay saameyntii ay ku lahayd gobolka iyo dalalka ku teedsan badda Cas, caalamka Islaamka oo ay markii hore Sacuudiga kula tartami jirtayna waxaa uga awood roonaaday dalal kale”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ayaa gacanta waxa ay ku soo dhigeen Shabakad Al-Shabaab u sameeya Documentiyo been abuur ah, kuwaasi oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. NISA ayaa waxa ay sheegtay xogo ay ka heleen shacabka Somaliyed in lagu soo ogaaday dadkaan warqadaha been abuurka u sameyn jiray Al-Shabaab. Raggaan ayaanan la sheegin rasmi ahaan meesha laga soo qabtay, balse wararka waxa ay sheegayaan in xubnahan laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha oo warqadaha Been abuurka ay ku sameyn jireen. Raggaan oo Saddex nin ah ayaa waxaa gacanta ku haayo Nabad Suggida Somaliya, waxaana ay ku xiran yihiin godka Jilacow. Al-Shabaab ayaa dadka ku nool Magaalada Muqdisho waxa ay ku sameeyaan falal hanjabaad ah oo ku aadan inay u hoggaansamaan awaamiirtooda ama inay tallaabo ka qaadi doonaan. Hay’adda NISA ayaa bilihii dhowaa xoojisay beegsiga shabakadaha Al-Shabaab ee Muqdisho, taasi oo yareysay qaraxyadii iyo weeraradii ay kooxdan ka fulin jirtay magaalada Muqdisho.
-
Seynisyahan Soomaali ah oo uu ku dhacay Caabuqa Coronavirus Xasan Cabdi Dhoorre waa Seynisyahan Soomaali ah oo uu ku dhacay coronavirus Xasan Cabdi Dhoorre waa Seynisyahan ka mid ah khubarada loo xil-saaray baaritaanka cudurka coronavirus ee dalka Ingiriiska, balse isagii ayuuba ku dhacay, walow hadda uu ka fiicnaaday. Wuxuuna sharraxay sidii uu uga caafdimaaday Coronavirus, isagoo wareysi siinayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da. “Anigoo shaqada jooga ayuu xanuunku i qabtay, kaddibna waxaa la iisoo diray guriga. Ma jirto meel xaqiiqo ah oo aan dhihi karo cudurka halkaas ayuu iga soo raacay, laakiin waxaan raacayay tareennada ay dadka badan saaran yihiin iyo basaska”, ayuu yiri. Markii uu cuedurka ku dhacay wuxuu aad ugu sii xanuunsaday gurigiisa, halkaasoo uu isku karantiilayay. “Xanuunkan wuxuu leeyahay qufac qallalan oo aysan waxba soo raaceynin. islamarkii aan guriga tagayba waxaa igu billowday qufacaas iyo qandho kulul, sidoo kalena waxaa i dhibayay naqaska”, ayuu yiri Xasan Cabdi Dhoorre. Muxuu isticmaalay Seynisyahanka, kaddib markii uu cudurka ku dhacay? Seynisyahankan wuxuu ku takhasusay baaritaanka cudurrada faafa Dhoorre oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: “Horta wali ma jirto daawo soo baxday oo uu cudurkan leeyahay, sababtoo ah waa xanuun adduunka ku cusub. Aniga waxaan qaadanayay dawooyin kaalmaati ah, sida qandho jabiyaha loo yaqaanno barastimoolka, kaasoo aan labo xabo ka cunayay markiiba, sidoo kalena waxaan cabayay biyo badan”, Hadda wuu ka caafimaaday xanuunka, wuxuuna dadka Soomaalida ah ku boorriyay inay aaminaan jiritaanka cudurkan, ayna aad uga taxadaraan. Wuxuu seynisyahankan sheegay in dawada coronavirus sameynteeda ay qaadan karto wax ka badan hal sano, xilli xanuunkan uu faro ba’an ku hayo inta badan dalalka caalamka. Seynisyahan Xasan Cabdi Dhoorre Dowladda Britain waxa ay shaacisay inay hawsha kala wareegtay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maamula tareennada dalkaasi. Shirkaddaha ayaa laga codsaday inay aqbalaan heshiis degdeg ah oo looga gol leeyahay la dagaalanka cudurka saf-marka ah. Shirkaddii diiddo heshiiska ayaa waxaa si khasab ah looga qaadan doonaa shatiga iyo tareennada ay maamushaba. Dhanka kale dowladda ayaa laga filayaa tallaabooyin dheeraad ah oo ay uga hortagayso cudurka Covid-19. 281 oo qof ayaa ilaa hadda UK gudaheeda ugu dhintay coronavurus, halka dad gaaraya 5,683 qofna uu ku dhacay. Muxuu yahay Coronavirus? Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nooc caabuq ah oo ka mid ah bahda Fayraska ee loo yaqaanno coronavirus, kaasoo aan horay loogu arkin bani’aadanka. Markii ugu horreysay wuxuu ka dillaacay magaalada Wuhan, oo ku taalla bartamaha gobolka Hubei ee dalka Shiinaha. Wararka qaar waxay sheegeen in cudurkan oo ka abuurmay xayawaanka uu markii hore kasoo ifbaxay suuqa hilibka xayawaannada badda ee magaalada wuhan. Khubarada waxay sheegeen in uu calaamado ahaan u dhoo yahay cudurka Sars, oo ah caabuq aad u xun oo neef mareenka ku dhaca ayaa ku dhawaad 800 oo ruux ku dilay caalamka horaantii sanadihii ka dambeeyay 2000, wuxuuna qudhiisa qeyb ka ahaa cudurka coronavirus. Maxaa ugu dambeeyay? Qaaradda Yurub ayaa hadda saldhig u ah cronavirus, inkastoo markii ugu horreysay uu ka dillaacay Shiinaha. Waddanka ay dadka ugu badan ku dhinteen waa Talyaaniga, oo wali dagaal culus kula jira cudurkan. Guud ahaan dunida 350,000 oo qof ayuu ku dhacay Coronavirus, tan iyo markii uu soo ifbaxay. 15,000 oo ka mid ah dadkaas ayaa u geeriyootay, halka ku dhawaad 100,000 oo ruuxna ay ka caafimaadeen. Qaran News
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Gedo ee hoosyimaada Dowladda Federaalka ayaa is bedel ku sameeyay Gudoomiye-yaashii Degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled Xaawo ee Gobolkaasi Gedo. Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) ayaa sheegay in uu isagu is bedelkan ku sameeyay Maamuladii Degmooyinkaasi. Gudoomiye Kuxigeenka oo ka amarqaata Dowladda Federaalka ayaa sheegay in fekradaha bulshada ku dhaqan saddexdaasi degmo, ay ku saleeyeen is bedelkan. Waxa kaloo uu sheegay in is bedelka uu ku dhisan yahay waxa uu ugu yeeray Nidaamka Dowliga ah, isla-markaana uu is bedelku yahay mid sharci ah. Cismaan Nuur Xaaji oo u waramay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa xusay in Gudoomiye-yaashii hore ee degmooyinkaasi, ay ku soo bedeleen Gudoomiye-yaal kaloo cusub, inkastoo aanu magacyadoodu sheegan kuwa cusub. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyay in Gobolka Gedo ay ka go’doomineyso Jubbaland inteeda kale. Hoos ka akhriso mas’uliyiinta la magacaabey
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo saaray go’aanno hor leh oo looga hortagayo faafitaanka cudurka halista badan ee Coronavirus, kaas oo saameyn ku yeeshay caalamka. Kaahin ayaa sheegay in beri wixii ka dambeeya Marfishyada ama goobaha ay dadka isugu yimaadaan aan lagu cuni karin Jaad amaba Qaad, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah ay dhigi doonaan bartamaha Hargeysa, islamarkaana tallaabo adag laga qaadi ciddii jabisa amarka ay soo rogeen. “Ma ogolaan doono in dadka ay si koox koox ah Jaadka ama Qaadka ugu cunaan meelaha lagu kulmo amaba Marfishyada.’ ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay isha ku heyn doonaan suuqyada iyo sicirka, si aan shacabka loogu kordhin badeecadaha. Somaliland ayaa horay u soo saartay go’aano ay uga hortageyso faafitaanka cudurka Corona oo haatan dalal badan oo caalamka ku yaalla ay la tacaalayaan ka hortagiisa.
-
Popular Contributors
