Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada badda dowladda Kenya oo howgallo roonda ah ka waday xeebta Lamu ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen labo doomood oo qaad u siday magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada ay meel fagaara ah ku gubeen qadkaasi oo la sheegay in lacag gaaraysa rubuc million doolar uu ku qiimaysnaa. Doomahaan siday qaadka oo gaarayay laba doon ayaa la sheegay in lagu qabtay meel xeebta Lamu u jirta 100-KM, sida uu xaqiijiyay Irungu Macharia oo ah wakiilka Kenya u qaabilsan gobalka Lamu. Ciidamada ayaa sheegay in goobta la yiraahdo Barakuda ay ku gubeen qaadkaasi habeenkii Taladada, doomahaas ayaana damacsanaa in xeebta Jasiiro ay ka soo dajiyaan qaadkaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in dalka la keeno qaadka maadaama xayiraad dhinaca duulimaadyada ah la saaray dalka, waxaana dadka ka ganacsada qaadka ay doonayaan si dhuumaalaysi ah ay ku soo galiyaan, iyada oo marar badan qaad la keenay Soomaaliya lagu gubay qeybo ka mid ah magaalooyinka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay gubay Qaad la doonayey in loo soo gudbiyo gudaha Soomaaliya. Jaadka oo lagu siday labo Doomood ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Badda Kenya ee ka howlgala gobolka Lamu, gaar ahaan biyaha Badweynta Hindiya. Sarkaalka dowladda Kenya uga wakiilka ah gobolkaasi oo lagu magacaabo Irungu Macharia ayaa sharraxaad ka bixiyey, sida lagu qaabtay Qaadkaasi. “Dambiilayaashu waxa ay sheegteen in Magaalada Kiunga oo ku taal Soohdinta Lamu ee Soomaaliya ay u wadaan Geedaha la isku daaweeyo, balse waxa aan ka warqabnay Ganacsigooda Qarsoodiga ah ee Soomaaliya ay usoo gudbiyaan” ayuu yiri Macharia. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in taallabada ay tahay mid lagu dhaqan-gelinayo go’aankii lagu mamnuucday isu gudubka dalalka, sababo la xiriira Corona. “Dadku waa ay ogyihiin oo waa ay la socdaan in Dowladdu mamnuucday isu gudubka Dalalka, sababtu waa go’aanka lagu xakameynayo Faafidda Xannuunka Coronavirus, sidaas oo ay tahay waxa aan xadideynaa dhaq-dhaqaaqyada nuuc waliba si go’aanka uu dhaqangalo”. ayuu markale yiri Irungu Macharia. Sida ay ogaatay Caasimada Online Qaadka la gubay ayaa wuxuu ku kacayey lacag dhan shan iyo laabatan milyan oo shilinka Kenya ah, una dhiganta $234,802. Soomaaliya ayaa inta aysan mamnuucin duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha wuxuu Qaad fara badan maalin-walba uga imaan jiray dalka Kenya, balse waxaa la joojiyey markii kiisas ka mid ah Coronavirus laga helay gudaha magaalada Muqdisho.
  3. ISTANBUL (AFP) - President Recep Tayyip Erdogan has stepped up measures to stem rapidly growing coronavirus cases in Turkey but his refusal to impose a full lockdown to keep the economy afloat is drawing criticism. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Hargeysa)-Hay’adaha Caafimaadka ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa xuduudka Wajaale ee dhinaca Itoobiya shalay ka qaaday haweenay u dhalatay qoomiyada Oromada oo lagu arkay astaamaha xanuunka Covid_19. Sahra Maxamed oo da’deeda lagu sheegay 45 jir ayaa ka timid magaalada Burco, waxaana la sheegay in markii ay u talowday xuduudka dalkeeda Itoobiya lagu arkay astaamaha xanuunkan, waxaana lagu qaaday gaadhi ambalaas ah iyadoo la geeyay magaalada Jigjiga si loogu sameeyo baadhis dheeraad ah. Xoggo uu wargeyska Geeska Afrika ka helay xafiiska caafimaadka ee magaalada Jigjiga ayaa sheegay in gabadha oo ka timid Burco, ay shalay isu martay Burco ilaa wajaale. Gabadha ayuu naqasku si deg-deg ah u qabtay iyadoo ku jirta mid ka mid ah bangiyada Itoobiya ee ku yaaLla Wajaale, waxaana qabatay xumad saa’id ah. Markaas ayaa loo qaaday cisitaal ku yaalLa magaalada Jigjiga. Waxa ay dhakhaatiirta Jigjiga qaar ka mid ahi Geeska Afrika u sheegeen in haweenaydu leedahay astaamo muujinaya in xanuunku hayo sida qufac, xumad joogto ah iyo naqaska oo qabanaya, waxaana xalay lagu xidhay Oxygen. Haweenaydan ayaa la filayaa in isla maanta dhiigeeda lagu sameeyo baadhis buuxda, iyadoo magaalada Jgijiga la keenay qalabka shabyaadhka ee xanuunkan. Warbaahinta baraha bulshada ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa aad u baahiyay warkan, waxaanay sheegeen in haweenaydan lagu xareeyay goob loogu tallo galay dadka xanuunkan looga shakiyo. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu mar kale isugu yeedho Xildhibaannada Golaha Wakiillada, si loo hor-geeyo labadii Xubnood ee xisbiyada WADDANI iyo UCID u Matalaya Komiishanka cusub ee Qaranka oo ay goluhu hore u diideen. Ma jiro war rasmiya oo ka soo Xafiiska Madaxweynaha iyo dhinacyada Arrintani khusayso, balse Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu uu isugu yeedhayo Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, si mar kale loo hor-keeno Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah u matalaya Komiishanka, si loo ansixiyo. Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Maalmihii u dambeeyay yeelanayey kulamo xidhiidh ah, kuwaasi oo lagaga wada-hadlayey sidii golaha wakiilada looga hawlgeli lahaa si ay u ansixiyaan labada xubnood. Fadhiga aan Caadiga ahayn ee la sheegay in Madaxweynuhu isugu yeedhayo Wakiillada, ayaa qayb ka ah waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabtu kaga wada-hadleen kulamada ay yeesheen. Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo WADDANI u soo Magacaabay inuu u matalo Komiishanka cusub ee doorashooyinka iyo Cabdifataax Ibraahim Xasan oo UCID soo Magcaabay ayaa hore loo hor-geeyay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, balse midkoodna ma helin Codadkii uu ku ansixi lahaa, balse Madaxweyne Biixi ayaa wakhtigaa sheegay inuu dib ugu celinayo Golaha Wakiillada. Source
  6. London (PP ) — The legendary Somali oud player and song writer Ahmed Ismail Hussein ( Hudeidi) passed away today in London, aged 92. Born in Aden in 1928, Hudeidi arrived in Somalia early 1960s to continue an artistic endeavour he had started in Aden, then known as the Crown Colony. Hudeidi with the novelist Nadifa Mohamed in Hargeisa His signature oud style enriched the songs of countless singers, deservedly earning him the appellation Boqorka Cuudka (The King of Oud). His contemporaries include the late Abdullahi Qarshe whom Hudeidi, in a 1993 interview, credited with “teaching me how to play the lute”. The last concert in honour of Hudeidi In February 2020 Ayan Mohamoud MBE organised an event to honour Hudeidi for his artistic contribution to the Somali culture. The concert featured songs, speeches and anecdotes about Hudeidi, some of whose students at the event vowed to carry on promotion of the Somali culture. Prominent Somali singers including Fadumo Abdllahi Kahin, Khadija Qalanjo, Sir Mohmud, and Murtiile attended the event. Hudeidi wrote many patriotic songs. Somaliland President Mr Muse Bihi Abdi and the Chairman of Waddani Party have sent a message of condolence to the family of Hudeidi. © Puntland Post, 2020 The post THE KING OF OUD PASSES AWAY IN LONDON appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 07/08/2020, dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay fanka iyo suuganta oo uu ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay fankii hore iyo kan casriga ahba, isagoo ku soo galay da’da 18 sanno jir, kana bilaabay magaalada Cadan ee dalka Yemen, maantana uu da’a 92 sanno jir ku hoyday, waxaanu ka mid ahaa dad fara-ku-tiris ahaa oo ay ka mid ahaayeen, abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed) abwaan Cabdilaahi Qarshe, iyo macalinkiisi Cabdi Xandule Shanle oo wax ka bedelay kagana tegay taariikh suugaanta, gaar ahaan dhinaca cuudka. Waaxaanu ku dhashay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, 1928-kii, waxaanu door weyn kulahaa halgankii xornimo doonka ee 1960 ay Somaliland maxmiyadii boqortooyada ingiriiska kaga qaadatay xornimadeeda, isagoo ku suntan taariikho badan oo ma guuraan ah marxuumku. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  8. Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aano Cusub oo ku aadan Waxbarashada sannad dugsiyeedka 2019/2020. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa lagu shaaciyay in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc; Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday lagu qiimeyn doono heerkii ay daruusta ka marayeen xiligii lagu dhawaaqayay xeritaanka dugsiyada. Wasaaradda waxbarashada ayaa ku wargelisay ardayda iyo macalimiinta xilliga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare sanad dugsiyeedka 2019/2020, waqtiga la qaadayo, xilliga la qaadayo, xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaanka in dib laga soo sheegi doono. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Coronavirus awgiis u joojisay Casharradii sanad-dugsiyeedka 2019/20 appeared first on Puntland Post.
  9. The immediate former president of Galmudug state Ahmed Dualle Geelle Haaf has returned to Galkayo city following a short trip to Dhusamareb this week. Sources say Haaf’s return came after talks with his successor Qoor-Qoor ended in fruitless as the Somali state is trying to open a new page for its history after a long political dispute. There have been efforts to convince Haaf to hand over the power smoothly to the newly elected president, who is now based in Dhusamareb where is expected to be inaugurated. Galmudug has been beset by political rivalry since its establishment due to the deep divisions among the stakeholders and the continued interference from Mogadishu. View the full article
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saaka garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ka degtay diyaarad siday gargaar oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta. Diyaarada oo caga-dhigatay garoonka caalamiga ee Cigaal ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay siday gargaar caafimaad oo uu Imaaraadka ugu deeqay Somaliland. Gargaarka ayaa isugu jira daawooyin iyo agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo la wareegtay deeqda ayaa u mahad-celisay dowladda Imaaraadka Carabta gargaarkaas u soo dirtay. Somaliland ayaa illaa iyo hadda xaqiijisay labo kiis oo ka mid ah cudurka COVID-19 oo weli fara ba’an ku haya wadamo badan oo ku yaalla caalamka.
  11. Legendary Somali artist and music composer, Ahmed Ismail Hussein alias “Hudeydi” has passed away in London on Wednesday. The 92-year-old famously known as the King of Oud succumbed to coronavirus after he was admitted to London hospital four days ago. He was born in Berbera in 1928 and rose to become of the most celebrated artist and music composer in the Somali speaking nation. Hudeydi rose to fame and played in Somalia during the 1950s and 1960s. He moved to the United Kingdom in 1973 where he performed at private functions such as family weddings and taught others the instrument. One of the most popular songs of the late king of Oud is Ur Hooyo or my mother’s womb dedicated to his brother in 1968. The late artist will be buried in London. Messages of condolences and tribute have poured in the social media for Hudeydi. View the full article
  12. Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Isbadal heer Gobol iyo heer Degma ah lagu samaynayo Maamulka Gaalkacyo. Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Dhabancad ayaa ku [...] Source
  13. Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado cidkasta oo wixii haatan ka dambeeya dhibaato ka geysata degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo salka ku haya aanooyin qabiil. Guddoomiye Shuute oo saraakiisha ciidanka DANAB siiyay amar maxkamadeed ayaa faray in ay nolol iyo geeri ku keenaan cidkasta oo wixii haatan ka dambeeya muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo hantidiisa dhibaato u geysata isaga oo intaas ku daray in dadkaasina uu dhiigoodu noqonayo mid bannaan sida uu hadalka u dhigay. “Saraakiisha ciidamada DANAB waxa ay amar maxkamadeed u haystaan qofkii muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo hantidiisa dhibaateeya wixii maanta ka dambeeya inay isaga iyo cidda difaacaysa nolol iyo geeri toona ku keenaan, waxaan balanqaadaynaa xitaa hadaad geeri ku keentaan in aan ku dul aqrino in dhiigiisu hadur ahaa oo isagu dhibaatada waday” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dadkii dhibaatada u geystay dad aan waxba galabsan oo aan ku jirin dagaaladii ka dhacayay Wanlaweyn ay marsiin doonaan ciqaabta ay mudan yihiin. Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaal beeleedyo aad u qaraar waxa uu degmada wanlaweyn ku dhexmarayay labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega waxaana dagaalkasi uu sababay in dad masaakiin ah la gubo, hadalka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan gali doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Mr President, after warm Greetings from the suburbs in Nairobi, where you have spent most of your time in your struggle to fight against the ugly regime in the Region, I would like to bring to your Source: Hiiraan Online
  15. Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xassan Cali Nuur Shuute, oo warbaahinta kula hadlay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa halkaasi ka shaaciyay go’aanno ay Maxkamaddu soo rogtay, si loo xakameeyo colaad beeleedda wanlaweyn ka aloosan. Guddoomiye Shuute, ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha DANAB ay amar Maxkamadeed u qabaan, in ay Nolol ama geeri ku keenaan qofkii maanta kaddib dhibaateeya muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo maalkiisa, isagoo xusay in cidii isku daydo in ay difaacdana ay la mid tahay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii Walanweyn ka dhacay ay ahaayeen wax ka fog Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed islamarkaana dadkii ka dambeeyay dhibaatadaas ay mari doonaan ciqaabta ay mudanyihiin. Hadalkaas ayuu jeediyay, kadib kulan degmada Wanlaweyn ku dhexmaray Odayaasha Degaanka iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada oo looga arrinsaday Mashaqadii Degmada ka dhacday. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Caddaaladda Koofur galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur galbeed. PUNTLAND POST The post Shuute oo amray in Nolol iyo Geeri mid lagu keeno Dadkii ka dambeeyay wixii ka dhacay Wanlaweyn appeared first on Puntland Post.
  16. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maamulka degmada Beled-xaawo uu joojiyey isku socdka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha xadka wadamada Soomaaliya & Kenya. Guddoomiyaha degmadaasi, Mudane Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aankaan uu yahay mid ay uga hortagayaan cudurka Coronavirus oo laba Kiis oo ka mid ah laga helay magaalada Mandera oo ku taal xadka. Axmed Barre ayaa tilmaamay inay walaac xoogan ka qabaan kiisaskaasi, maadaama labada magaallo ay xiriir wada leeyihiin. Sidoo kale wuxuu shacabka ku dhaqan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ugu baaqay inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah. Kenya oo daris la’ah Soomaaliya ayaa waxaa fara ba’an ku haya Fayruska Corona, iyadoona magaalooyinka dalkaasi la xadiiday dhaq dhaqaaq guud ee dadka. Soomaaliya ayuu sidoo kale cudurkaan soo gaaray, waxaana dowladda federaalka ay saacadihii la soo dhaafay xaqiijisay kiiskii 8-aad oo laga helay qof ku sugan Muqdisho. Dowladda dhexe ayaa horay u qaaday tallaabo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka, iyadoo joojisay dhammaan duulimaadyada, sidoo kalena xirtay goobaha waxbarshada
  17. Waxaa faahfaahinno laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir ku dishay Allaha u naxariistee dhaqtar Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xasan xaayoow. Dilka dhaqtarka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Suuq bacaad, waxaana kooxda dilka fulisay ay ku hubeysnaayeen Qoryo kuwaa oo markii ay falka geysteen ka dib goobta isaga baxsaday sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Marxuumka ayaa waxa uu ahaa dhaqtar si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in dilka dhaqtar Xasan Xaayoow uu salka ku hayo aano qabiil. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, ganacsato, odayaal iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana ciidamada amaanka ay kaliya sameeyaan falalka ka dib baaritaano aysan ka soo bixin natiijo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgal ka sameeyey Boosaaso, kadib markii gudaha magaaladaasi uu ka dhacay qarax miino oo khasaare geystay. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ee maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadan lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo lagu tuhamayo qaraxaasi oo uu khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray dad rayid ah. Ma jiro weli wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha ammaanka Boosaaso ay ka bixiyeen howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada maamul goboleedka Puntland ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan. View the full article
  19. Ganacsade Dareen Muwaadinimo leh: Gudoomiyaha Shirkada Faraska Ganacsade Faysal Cismaan Faras. Waxaan halkan hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa, Gudoomiyaha Shirkada Faraska Ganacsade Faysal Cismaan Faras, oo dareenka qalbiga iyo dhagaha bulshada ku kasbaday hadalkii qiimaha badnaa ee uu kasoojeediyey kulankii dhawaan ay ku yeesheen qasriga madaxtooyada gudida ka hortaga Covid19 ee JSL iyo ganacsatada qaadka keenta dalka. Ganacsade Faysal Faras, oo ku hadlaayey afka ganacsatada qaadka ayaa mar qudha dareenkiii iyo jawigii kulanka bedelay kadib markii uu madasha kasoojeediyey khudbad mugle oo qambaarsan qodobo dhawra, kuwaas aanay meeshaba ma filahayn xubnihii gudida Covid19 iyo guud ahaan bulshada Somaliland, qodobadan oo aan hore looga baran guud ahaan ganacsatada dalka oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay kusii yaraanaysay damqadashada bulshada iyo dareenka muwaadinimoba. Aan u gundo dago qodobadii Ganacsade Faysal Cismaan Faras, madasha kasoojeediyeye, markii uu hadalka qaatay salaan kadib ayaa waxa uu yidhi “Gudida waxaan leeyey markasta waxaan maqlaa iyadoo la leeyahay, dheecaan baa la qaadayaa oo dibadaa lagu soo baadhayaa, waxaan odhan lahaa tijaarta Somaliland waa bad, markaa waxaan soojeedinayaa in kharashka lagu soo iibinaayo qalabkaas lagu baadhayo loo qaybiyo, taasi oo aan anigu kow ka noqonaayo bixintiisa, si aynu uga bad-baadno kolba dheecaankan la qaadayo.” Ganacsade Faysal Faras, kuma uu joojin intaase hadana waa uu sii waday hadalkiisa oo hadana waxa uu raaciyey “Anigu rayi ahaan waxaan odhan lahaa qaadka hala joojiyo, taana anigu ka koobaad baan ka noqonayaa, waayo waxa la badbaadinayaa waa bulshadii, hadii la is yidhaa yareeya waa fayraskii uun, laakiin hadii la joojiyo waxan aaminsanay in wax badani yaraanayaan, oo ururkii bulshadu baaba’aayo oo fadhiisigii bulshadu baaba’aayo oo wax badan baaba’ayaan ayaan aaminsanay anigu.” Markii ay Ganacsade Faysal Faras afkiisa kasoo dhamaatay intaasi, waxaa wajiyada Gudida Covid19 oo uu hogaaminaayey Madaxweyne kuxigeenka JSL laga dareemaayey khajilaad mugle, waayo dareenka muwaadinimo ee Ganacsade Faysal iyo dhiiranaantiisa uu qaranka naf iyo maalba ugu huraayo ayaa aad fajiciso ugu noqotay, waxaanay ku noqotay u qaadan-waa. Ganacsade Faysal Faras oo sida hadalkiisa ka muuqata ku sifoobay ganacsade kalfuran oo dadkiisa iyo dalkiisa u diirnaxaaya, dantiisa ganacsina ka horeysiinaaya danta guud ee bulshada ayaa markii ay bulshadu ka daawatay warbaahinta waxa ay u qireen inuu yahay muwaadin qalbigiisa ay ku wayn tahay badbaadinta qaranku isla markaana waxa ay bulshada tustay in wali ay sii jiraan ganacsato wadaniyiin ah oo u damqanaaya bulshada. Guntii iyo gunaanadkii qormadaydan kooban, mar labaad waxaan halkan hambalyo, bogaadin iyo dhiirigalin uga dirayaa Ganacsade Faysal Faras iyi guud ahaanba ganacsatada qaadka ee Somaliland, sidoo kale waxaan halkan baaq uga dirayaa ganacsatada kala duwan ee dalku inay ku daydaan sidaa Ganacsade Faysal Faras, iyo guud ahaan ganacsatada qaadku muujisay inay qarankooda u damqadaan oo kaalintooda kaga aadan ka qaataan daryeelka bulshada iyo badbaadinta qarankaba. Cabdixakiin C Xasan cabdixakiinrays@gmail.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
  20. Sannadkii 1928 ayuu Axmed Ismaaciil Xudeydi ku dhashay magaalada Berbara. Xudeydi wuxuu hana-qaadkiisii nolosha ku qaatay magaalada Cadan ee dalka Yemen ka hor intii uusan kusoo laaban Soomaliya isagoo aad u yar halkaas oo uu isbeddel weyn ku sameeyey muusigga. Sannadihii kontomeeyadii iyo lixdameeyadii ayuu si aad ah uga soo dhex-muuqday fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed isagoo noqday nin miraha curiya muusiggana garaaca waana xilli dalku ku jiray halgan la isaga dulqaadayey gumeysi. Muddo gaaban kaddib codkii iyo muusiggii Xudeydi waxay xoog u noqdeen halgankii xornimo doonka ahaa ee lagu raadinayey madax-bannaanida. Sannadihii todobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii markii muusigga Soomaaliya uu gaaray heerka ugu sarreeysa magaca Xudeyda wuxuu ka tallaabay dalka uu u dhashay ee Soomaaliya isagoo safarro caalami ah galay wuxuuna hantay oo lagu sharfay magaca “King of uod” ama boqorka cuudka ama kabanka. Xudeydi wuxuu ahaa mid ka mid ah aabbeyaashii muusigga casriga ah ee Soomaaliyeed. Axmed Ismaaciil Xudeydi wuxuu u guuray magaalada London horraantii sagaashameeyadii markii ay dagaallada sokeeye qarxeen waxaana gurigiisa magaalada London uu noqday goob lagu dhiso dhaqanka iyo muusigga Soomaalida iyadoo ay isugu imaan jireen fannaaniin iyo dad muusigga jecel si ay wax uga bartaan Xudeydi. Xudeydi wuxuu siin jiray jiilka ku cusub fanka cashirro ku saabsan cuudka waxaana sidoo kale gurigiisu ahaa meel ay ku kulmaan jiilkiisii iyo asxaabtii uu ku lahaa fanka si ay dib ugu xusuustaan maalmihii dahabiga ahaa ee soo maray dibna u soo celiyaan xiriirkooda. Dhaxal faneed oo xooggan oo mideeyey ummadda Soomaaliyeed ayuu lahaa Axmed isagoo soo galay halgan dheer oo xornimo doon ah. Hubka uu Axmed adeegsanayey wuxuu ahaa cuudkiisa iyo codka kabanka. Qaab faneedkiisii loo yaqiin ‘Qaraamka” ayaa qeyb ka noqday heesaha Soomaalida. Axmed Ismaaciil Xudeydi oo xalay ku dhintay Isbitaal ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa xusuus weyn uga tagey ummadda Soomaaliyeed wuxuuna noqon doonaa shaqsi baaqi ku sii ahaada xusuusaha aan la hilmaamin oo dadka Soomaaliyeed ay taariikhda u leeyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay geerida naxdinta leh marxuun Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada London. Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yidhi : “Geerida Boqorkii Cuud-ka ayay sheegayaan gacal ha waayaane! Ilaahay ha u naxariisto Axmed Ismaaciil Xuseen [Xudeydi] 1928-2020 oo xalay xaqii ugu yimid London, Xudeydi waxa uu ahaa shakhsiyad Qowmiyadda Soomaalida dhexdeeda karaamo iyo sharaf ku dhex lahaa, dhaxalna uga tegay isla markaana Fanka Soomaalida abaal weyn gashaday, Ilaahay ha ku casumo Jannatul Firdowsa, qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo umadda Soomaalidana Samir iyo iimaan haka siiyo.” Source
  22. Waxaa warar dheeraada laga helayaa qarax sababay khasaare kala duwan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, iyada oo wararka qaraxaas la xiriirana ay yihiin kuwa isi soo taraya. Qaraxa oo ahaa miino islamarkaana ka dhacay bosteejo gaadiidka laga raaco ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay lahaayeen booliska puntland, waxaana la sheegay in marka marka qaraxa lala bartilmaameedsanayay gaariga booliska ay ciidanku wadeen howlgallo ay ku xaqiijinayeen bandowgii dhowaan ay soo rogeen madaxda Puntland. Sida laga soo xigtay dadka deegaanka qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacantay ugu yaraan 10 qof oo sagaal ka mid ah ay yihiin dad shacab ah halka hal askari uu ku dhaawacmay qaraxaasi kaas oo ka mid ahaa ciidanka booliska maamulka Puntland. Xalay ilaa saakay waxaa magaalada Boosaaso ka socoda baaritaano kala duwan oo ay wadaan ciidanka amaanka Puntland kuwaas oo ku raad jooga dadkii ka dambeeyay falkii qaraxa ahaa ee ka dhacay magaaladaasi. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi, waxaana maalmihii la soo dhaafay Boosaaso ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geysanayay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com