Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamul goboleedka HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus oo ku dhacay. Khaliif Muumin ayaa ka mid ahaa 9 qof oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay Jimcihii shaaca ka qaadday in laga helay cudurka Coronavirus. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle oo dhowr ah, kuwaas oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay geerida Khaliif Muumin. Xildhibaan Khaliif ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday magaalada Jowhar, laguna arkay astaamaha lagu garto cudurka Coronavirus. Waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee inta la ogyahay gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda cudurka Coronavirus. Khaliif ayaa cudurka ku qaaday gudaha dalka, mana jirin wax safar dibadeed ah oo uu dhowaanahan galay. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu billowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhaxdeeda (community spread), waxaana laga cabsi in cudurka uu gaaray dad badan oo ku sugan gudaha magaalada. Waxaa jirta cabsi xooggan oo la xiriira inay jiraan dad aan laga war-hayn oo cudurka uu gaaray ama u dhintay ayaga oo aan la diiwaan-gelin. Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa werinaya dad dhintay oo lagu arkay caalamadaha cudurkan balse ma jirto cid xaqiijin karto maadaama aan tijaabo la marin.
  2. (SLT-Hargeysa)-Taliyihii hore ee sirdoonka qaranka JSL General Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa beeniyay warar laga baahiyay oo sheegaya in xil looga dhiibay saldhiga weyn ee ay dawladda Turkigu ku leedahay magaalada Muqdisho. Wararkan oo lagu faafiyay shabakadaha wararka, ayaa wuxuu General Bootaan ku tilmaamay kuwo la been abuuray. Taliyihii hore oo isagoo dalka dibadiisa ku sugan shalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yidhi “Anigoo ah Jeneral Jaamac Maxamed Bootaan, oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka qaranka JSL, waxaan cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka la qoray ee sheegaya inaan shaqo sare ka helay xarunta saldhiga ciidamada ee Turkiga ee Muqdisho ku yaala oo aan qaatay dhalasho Turki ah. Waxaan beeninayaa wararkaas.” Taliyihii hore ee Sirdoonka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waar waxaan idin leeyahay Xamarna maan tagin, xilna umaan doonan, dhalasho Turki ahna maan qaadan. Markaas waxaan halkan ku cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararkaas balse ay yihiin kuwo been abuur ah, ciddii samaysay wararkaasna waa lala xisaabtami doonaa oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa. Maanta maaha maalin shaqo la doonto ee waa maalin uu qof waliba sidiisa mashquul ugu yahay sidii uu uga feejignaan lahaa xanuunka COVID_19.” Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Markaas waxaan mar kale umadda u cadaynayaa inaanay wararkaas waxba ka jirin, balse ay yihiin kuwo la been abuuray oo ujeedo gaar ah laga leeyahay.” Madaxweyne Biixi ayaa bishii march ee kal hore xilka ka qaaday taliye Jaamac Maxamed Bootaan. Source
  3. MOGADISHU (HOL) - Two COVID19 patients at Mogadishu’s De-Martini hospital are in critical condition, the Ministry of Health has said warning of ‘gradually spread’ of the disease in the country. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta labo nin oo hubeysnaa ay ku dhaawaceen aagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in raggaasi oo watay gaari nooca raaxada ah ay ka biyo-diideen inay ka soo dagaan baabuurka, kadibna ciidamadu ay ku rasaaseeyeen. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in iyaga oo dhaawac ah markii dambe ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ee jooga halkaasi. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo Caasimada Online ay xariirtay ayaa sheegay in raggaasi ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda, laakiin waxaa la filayaa in warbaahinta ay la hadlaan saraakiisha amniga, si ay uga warbixiyaan dhacddaasi. Todobaadkii hore ayey aheyd markii ciidamada dowladda rag hubeysnaa ay ku toogteen gudaha suuqa Bakaaraha, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Sacuudiga ayaa sheegaya in qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah uu cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dalkaasi. Amran Xuseen oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u xaqiijisay in qofkaasi saacadihii la soo dhaafay uu cudurka ugu dhintay gudaha magaalada Jidah. Tirada dhimashada Corona ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa haatan kor dhaaftay in ka badan 50 ruux, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi. Sidoo kale wasaaradda ayaa tirada guud dadka uu soo ritay ku sheegtay 40,33 qof, halka 720 ruuxna ay sheegtay inay ka caafimaadeen xanuunka. Dowladda ayaa sidoo kale xirtay wadooyinka waa weyn, goobaha lagu cibaadeysto oo xaramka ugu horreeyo, si loo yareeyo faafida cudurka Coronavirus. Caalamka oo dhan ayaa dagaal kula jira xakameyna cudurkaan oo markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha, kuna sii baahay wadamo badan oo ku yaal adduunka.
  6. Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in haatan maalkaasi ay halis weyn uga imaaneyso dalka Itoobiya oo xad Soomaaliya kala leh dhanka gobolka Hiiraan. Sheekh Cismaan oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inuu weli furan yahay xadka labada dal, islamarkaana maalin weliba laga soo galiyo Qaad fara badan, isaga oo tilmaamay inay halkaasi ka imaan kato halis caafimaad, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in madaxda HirShabelle ay ka aamuseen inay ka hadlaan ama wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi, si looga hortaga cudurka Coronavirus. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabele oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay xirto dhaq dhaqaaqa deegaanada ku yaalla xadka. “Halista ugu weeyn ee ku soo socota dadka Hiiraan waxaay uga imaaneeysaa dhinaca dalka aan dariska nahay ee Ethiopia oo xadkiisu nagu furanyahay, madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle waay ka aamuseen inaay ka hadlaan, waxaan baaq adag u dirayaa hay’ada socdaalka iyo madaxda qaranka inaay naga xeraan xadka dhanka Itoobiya, ciidanka qaranka iyo AMISOM ee jooga Hiiraan waay ka gaabiyeen inaay wax ka qabtaan halista caafimaad ee kusoo wajahan dadka, xiligaan oo laga baqaayo Karoona faayris ma ahan in aan furano xaduudaha” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre Maxamed. Hadalkaan ayaa imaanaya, iyadoo maalin walba magaalada Beledweyne ay soo galaan gaadiid badan oo sida Qaad ka yimaada dhinaca dalka Itoobiya, islamarkaana si caadi loogu iibiyo magaaladaasi oo ay ka howlgallaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
  7. Dowlada Puntland ayaa Qoraal kasoo saari doonta Doorashada Doomaaliya ee bilaaban doonta Bisha Decembar danadkaan. Dowlada Puntland waxay hoosta ka xariiqaysaa in aysan dhici Karin [...] Source
  8. Somalia faces an unprecedented humanitarian crisis as a result of the fall out from the COVID-19 pandemic. We could be looking at the loss of all progress made in the rebuilding of our nation since the civil war. Source: Hiiraan Online
  9. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa lagu magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ka kooban 13 xubnood. Warqada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Qoor-Qoor ayaa waxaa lagu xusay in guddiga looga fadhiyo in 90 cisho ah ay ku soo dhisaan golaha deegaanka degmadaasi. Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha qeybta ka ah guddiga aysan isku sharixi karin golaha deegaanka degmada Gaalkacyo. Halkaan hoose ka aqriso: QOOR View the full article
  10. Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab oo shir jaraa’id qabtay khamiistii 9-ka bishan ayaa sheegay in iyada oo la fulinayo go’aan hore oo ay wasaaradda cayaaraha ka qaadatay Goobjoog Media Group, laga mamnuucay hawlaha cayaaraha dalka isaga oo yiri “Waxaa muhiim ah innaga oo tixgelineyna haddii aan nahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta wareegtadii horay uga soo baxday wasiirka wasaaradda cayaaraha shaqo joojin lagu sameeyey bahda Goobjoog Group oo ahayd in garoomada ay wasaaradda ka hakisay, kubbadda cagta iyo garoomada kalaba xiriirka waxaa uu fulinayaa wareegtada wasaaradda”. Amarka wasaaradda cayaaraha ee garoomada loogu diiday wariyaasha Goobjoog oo ay soo-saartay wasiirka wasaaradda Khadiijo Diiriye bishii August 2019 laguma sheegin sababta, sidoo kale war-saxaafadeedkii khamiista ee xiriirka kubbadda cagtana isgana laguma sheegin sababta. Arrinkaan Goobjoog waxay u aragtay mid meel kaga dhacaya shuruucda dalka, xadgudubna ku ah xorriyadda hadalka, laguna hor istaagayo helidda xogta dadweynaha, uuna yahay cabburin warbaahinta madaxabannaan ka dhan ah. Cadaadiska ay wasiir Khadiijo Diiriye ku hayso Goobjoog Media Group ma aha wax cusub, oo sannad ka badan ayuu jiray, iyada oo jagada wasiirnimada uga faa’iideysatay inay meel fagaare ah ku hor istaagto shaqaalaha Goobjoog inay gutaan hawlahooda warbaahineed, hor istaagidda shaqada wariyaasha kaliya kama dhicin garoomada cayaaraha waxay amar ku siisay in qofkii la hadla wariye ka tirsan Goobjoog uu weyn doono wadashaqeynta wasaaradda. Sidoo kale mas’uuliyiinta xiriirrada cayaaraha waxa ay ku qasbanaadeen inay faafreebaan warbaahinta imaaneysa goobaha ay kaga qeyb galayaan dhacdooyinka cayaaraha iyaga oo ka bartilmaameysanaya weriyihi ay wasiir Khadiijo ugu far fiiqdo. Go’aanka wasiir Khadiijo Diiriye ay ku soo-saartay warqadda loogu mamnuucayo shaqaalaha Gooboog gelidda xarunta wasaaradda iyo tebinta ciyaaraha garoomada waxa ay salka ku haysaa dano shakhsiyeed iyo kutakrifal awood xafiis. Waxaa arrintan cadayn horudhac ah u tahay in wasiir khadijo aysan awoodin in ay haya’adaha dawlada la wadaagto eedeymaha Goobjoog si la mid ah sida ay amarkutaagleynteeda ula wadaagtay xiriirada ciyaaraha. Sooyaalka ku xad-gudubka iyo Cabburinta Wasiir Khadiija Diiriye ay ku hayso shaqada saxaafadeed ee Goobjoog iyo shaqaalaheeda: August, 08, 2019: Wasiir Khadiija Diiriye ayaa soo-saartay amar garoomada cayaaraha looga mamnuucayo shaqaalaha Goobjoog Media Group September 12, 2019: Waxaa ay wasiir Khadiijo soo ceyrisay weriyeyaal Goobjoog oo doonayey inay tebiyaan tartanka degmooyinka gobolka Banaadir. December 18, 31-2019: Waxaa Goobjoog loo diiday inay tebiso cayaaraha isdhexgalka oo ay ka qeyb galayeen dhallinyaro ka timid Yurub. April 09, 2020: Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay in Goobjoog aanay tagi karin garoomaha sabab la’aan. Marka laga soo tago cabburinta iyo caga jugleynta joogtada ah ee Goobjoog la kulanto, waxay wasiir Khadiijo cabsi gelin iyo tifaftir ku haysaa warbaahinta kale ee cayaaraha ee dalka. Haddaba, Goobjoog Media Group waxay wasaaradda cayaaraha ka dalbaneysaa inay caddeyso sida ugu dhaqsiyaha badan sababta ay u bartilmaameedsatay Goobjoog Media Group. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Maanta ciidamada xoogga dalka ee JFS waxaa ay u dabaaldegayaan sanad guurada 60-maad ee markii la aasaasay, waxaana munaasabado lagu qaban-doonaa qeybo badan oo dalka ah. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa uu ka kooban yahay illaa 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. Dalkeena waxaa uu ciidan lahaa xilligii gumeystaha, Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaa ay sameeyeen booliis, ciidanka booliiska waxaa la dhisay sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye. 1960: Ciidanka xoogga dalka waxaa la aasaasay April 12, 1960-kii kadib qoraal uu soo saaray mudane Cabdulahi Ciise Maxamud oo xitaa dhinac maray talooyin ay siiyeen saraakiishii xiligaas joogtay oo arrinkaas diidanaa sida Maxamed Abshir, Ceynaanshe iyo rag kale. Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay 8 horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari. Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis , Waxaa ka mid ahaa Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Liiqliiqato, Maxamed Ibrahim iyo rag kale iyo kuwoo Captain ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf….raggan iyo inkaloo badan waxaa laga wareejiyay ciidanka booliis-ka oo waxaa lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka. Soomaalida markii ugu horeysay oo ay arkaan ciidamada xoogga dalka waxaa ay aheyd July 1, 1960-kii, xiligaas oo ay dalka ka dhigeen dabaaldegyo ku aadan xoriyadda iyagoo la wareegay amaanka dalka iyo dadka. Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka waxaa ay sheegayaan in aasaaska ciidanka xoogga uu barbar socday qiiro iyo xamaasad waddaniyadeed oo shacab iyo dowladba leh, inta ay dadka wadaniyad ka qabaan waxaa qiimo ama percentage lagu daray cashuuraha dowladda hoose si miisaaniyad loogu abuuro ciidamada qalabka sida. Tiro ahaan ciidanka waxaa la geeyay ilaa 4000 oo ciidan kuwaas oo kala ahaa: 1000 Askari oo Talyaaniga dalka uga tagay, 2000 oo ahaa askar la qoray iyo 1000 askari oo ka yimid waqooyiga dalka oo xiligaas uu maamuli jiray gumeystaha Ingiriiska. Sida ay saraakiisha ciidanka noo sheegeen dhibaatada ugu badan waxaa ay ka timid isfahamka ciidan oo qaarkood Army la dhaho sida kuwa waqooyi ka yimid iyo Serjito oo dhinaca Talyaaniga ah. Si isfaham darridaas looga baxo waxaa uu Taliye Maxamed Ceynaanshe sameeyay afka maanta ciidanka adeegsado ee “Digtoonow”, “Joogso”, “Dib u Jeeso” iyo erayada kale ee caanka ah. Pan-Somalism(Somaliweyn): July 1, 1960: Waxaa Xoriyad qaatay dalkeena Soomaaliya, waxaa midoobey labada gobol ee koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya, maalintaas faraxdda kuma koobneen oo keliya labadii midowday. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti), waxaa ka yimid halgamaagii weynaa Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda Soomaaliyeed, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn iyo sidii gacnta Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dhulka maqan. Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aasaaskii kadib, waxaa ay tababaro, hub iyo saanad kale ka heleen midowga Soviet kadib markii 1963 ay dalka Ruushka safar ku tagay ra’isul wasaaraha dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo taliyaha ciidanka qalabka sida General Da’ud. Dalka Ruushka waxaa ay ogolaadeen in ay qalabeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tiro ahaan la sheegay in ay noqdaan ilaa 35,000, ciidankan ayaa isugu jiray ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. Markii qalabeynta lagu bilaabay ciidamada qalabka sida hadafkooda koobaad waxaa uu ahaa xoreynta dhulka ay gumeystaha ka heystaan Soomaaliya sida Soomaali galbeed iyo NFD. Dagaallada: 1964: Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidankeenna uu galo waa dagaalkii xadka ka dhacay ee 1964-tii waxaa xiligaas taliyaha ciidanka xoogga dalka ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi,, dagaalkan oo ka dhacay Wajaale iyo goobo kale, waxaa ku adkaaday ciidankeenna qalabka sida waxaa dagaalkaas ku soo caan baxay Salaad Gabeyre, waxaa dadkii halkaas ku shahiiday ka mid ahaa geesigii diiday in calankeena uu dhulka ku dhaco ee Xalane. 1977: Dagaalkan oo loo yaqaano xoreynta Soomaali galbeed waxaa ciidanka xoogga dalka lagu xasuustaa geesinnimo xad dhaaf ah, waxaa ay furumaha cadawga xabashida ay ku jiireen saacado kooban. Taliyeyaashii Soomaalida ee dagaalka hogaaminayey waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in xabashida ay si lama filaan ah u jabtay, ciidamada geesiyaasha Soomaalida waxaa ay gacanka ku dhigeen inta badan dhulka Soomaali Galbeed sida Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, waxaana qalqal galay maamulka Mengistu Haile Mariam. Dagaalkaas oo ka mid noqday dagaallada dunida ka dhacay xiligii dagaalkii Qaboobaa, Jaamacadaha la dhigo, dalalka Ruushka iyo Cuba ayaa qiyaaney dalkeena iyagoo si lama filaan ah gacan u siiyay xabashiga tiiyoo keentay in ciidanka xoogga dalka uu soo jabo. Taliyeyaashii ciidanka xoogga dalka 1991-dii Ka Hor: Ciidanka xoogga dalka waxaa hormuud ka noqday taliyeyaal badan oo magac ku lehaa ciidanka dhexdiisa. 1960-kii, Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xoogga dalka waxaa uu ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi, isaga ayaa mas’uul ka ahaa dhismaha ciidanka xoogga iyo in ciidankeeda uu ku guuleysto dagaalkii ugu horeeyay xoriyaddii kadib. Taliyeyaasha kale, waxaa ka mid ahaa: Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar, Cumar Xaaji Massalle, Maxamed Xersi Morgan iyo Aden Gabyow…. Waxaa xusid mudan in Jaalle Siyaad uu ciidanka taliye u ahaa min 1969-1991-dii. Wasiirradii Gashaandhigga: 1960-1969: Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Sheekh Cali Ismaaciil, Hilowle Macali Maxamed, Aden Isaq Axmed, Cabdiraxman Xaaji Muumin, Xaaji Yusuf Imaan Guuleed. 1969-1991: Salaad Gabeyre Kadiye, Maxamed Cali Samatar, Aden Cabdulahi Nur Gabyow iyo Xuseen Cabdiraxmaan Mataan Tirada iyo Awoodda Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka waxaa uu noqday ciidanka 3-aad ee ugu awoodda badan Afrika marka laga reebo dalalka Nageria iyo Masar, waxaa uu ku bilowday 8 horin 1960-kii, dagaalkii 1964-tii ciidankeena tiradiisa waxaa ay dad xog ogaal ah ii sheegeen in uu ahaa 4000 iyo xogaa laakin 13 kadib dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed tirada ciidanka xoogga dalka waxaa ay dowladda ku sheegtay ilaa 40,000 oo askari, laakin saraakiil ka tirsan militariga waxaa ay xaqiijinayaan in ciidankeena uu u dhaxeeyay 300,000-500,000, taasi oo ku tuseysa tirada iyo tayada ciidanka. Mishaar: inkasta oo ciidanka xoogga dalka aanu qaadan jirin mushaar badan xiligii Maxamed Siyaad hadana waxaa jiray sababo badan uu ku qanco, tababaro, dalacsiin, raashiin lacag la’aan ah iyo isagoo aaminsanaa in uu difaacayo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa. 1991: Burburkii dalka waxaa dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, ciidanka xoogga gooni uma istaagin oo waxaa ay ku dhex milmeen qabaa’ilkii, waxaa meesha ka baxay heybaddii ciidanka. 2000: Wixii ka dambeeyay Madaxweyne Cabdiqasim Salaad Xasan ayaa bilaabay in uu dib la isugu yeero ciidanka xoogga dalka isagoo taliye u magacaabay Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, wixii maalintaas ka dambeeyay ciidanka xoogga dalka waxaa uu u jiraa magac ahaan laakin in uu noqdo ciidan awood leh waxaa ay u baahan tahay waqti iyo dulqaad. Awoodda Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka malaha shakhsiyaddii hore, lama yaqaano tirada rasmiga ee ciidanka, waxaa kala badan inta mishaariga ah iyo inta rasmiga u shaqeysa, wax badan ayaa isku qasan oo ay ka mid tahay”waa kuma cadawga Soomaaliya?,disibiliinka ciidanka waa arin kale oo ka hadal u baahan, waxaase hubaal ah in ay jirto meel wax laga bilaabi karo haddii la helo hogaan diyaar u ah. Waxyaabaha awoodda ciidanka hoos u dhigaya waxaa ka mid ah mishaar xumo, maamul goboleedka oo jiidanaya taliyeyaashii khibradda lahaa, cunaqateynta hubka ee dalka saaran iyo hadaf la’aanta hogaanka dalka ee ku aadan qarameynta ciidanka iyo damaanad-qaadka mishaar, tababar iyo qalabeyn joogta ah iyo cadawgii umadda sida Xabashida iyo Kenya oo Soomaaliya ku dhex jira iyagoo aan fursad u siineyn dalka in uu yeesho ciidan qaran. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Xogtan waa mid u gaar ah Goobjoog News, Lama xigan karo ogolaashiyo la’aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee la qorsheynayo in la qabto 2020 illaa 2021-ka. Dhabancad ayaa shir saxaafadeedkiisa ku sheegay in Puntland ay ka digeyso dib u dhac ku yimaada doorashada, iyadoo mar-marsiiyo looga dhiganayo xanuunka Coronavirus. Wasiirka ayaa sheegay in dib u dhaca uu sababi karo cawaaqib xumo siyaasadeed, khilaafaadyo hor leh oo soo kala dhex-gala dowladda dhexe iyo saamileyda siyaasadda. “Haddii madaxda dowladda isku daydo inay sameeyaan muddo kororsi ay sababi karto in dalka ka dhacdo xasillooni daro iyo si qabqabsi siyaasadeed, mana ogolaan doono marmarsiiyo looga dhigto Coronavirus.”ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Dhabancad. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland aysan aqbali doonin in la qaado talaabooyin aysan qeyb ka aheyn oo ku wajahan arrimaha doorashooyinka dalka. Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa ku baaqay in loo loogu diyaar-garoobo doorashada soo socota, si loogu qabto xilligii loo asteeyey. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo walaac xoogan xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta qaarkood ay ka muujinayaan sida ay dowladda federaalka uga gaabisay diyaar-garowga doorashada 2020 illaa 2021-ka oo ku soo aaday, xilli haatan dalka uu ku jiro xaalad adag oo ay ugu daran-tahay mida la dagaalanka cudurka faafa ee Coronavirus.
  13. Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada doorashada 2020-2021-ka. Dhabancad ayaa sheegay in dib dhaca uu sababi karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo khilaafaadyo hor leh oo soo kala dhex-gala dowladda dhexe iyo saamileyda siyaasadda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu diyaar-garoobo doorashada soo socota, si loo qabto xilligii loo asteeyey. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/zaki-1.mp3 View the full article
  14. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Militariga iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aas’aaskooda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin Qarannimada iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalka, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga. “Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Miltariga Soomaaliya ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyeeyay sannad-guuradii 60aad ee aas’aaska Militariga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. “Ummad Yahay Tiraa Kaa Gedmane Wax Isu Geygeyso Yaa Yidhi Wadahadal Baa Jira? Ma jiro wax wadahdal ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Somalia. Wadahadaldii xiligii Axmed Silanyo bilaabmay kii ugu dambeeyay wuxu ku burburay dalka Turkiga, intii aanu Farmaajoba Somaliya ka noqon Madaxwayne. Kulankii Turkigu sidii uu u burburay ee loogu kala kacay dib la isuguma soo noqonin. Hadana Somaliland intaa waxa lagu muransan yahay oo la isku haystaa wadahadalo aan jirin weliba laga yaabo in aanay jiri doonin mustaqbalka dhaw. Hadiiba wadahadaladii dib loo bilaabayo waxa muuqata tijaabadii hore ee fashilantay in labadii dhinac aanay xataa wax casharo ah ka baranin oo kuwa dambe hadiiba ay dhacaan aanay waxba ka duwanaan doonin kuwii fashilay waxa natiijo ahna aan laga gaadhi doonin, arinkuna sidii hore middi middi ku taag iyo I jiid aan ku jiido iyo gacmo daalis uu noqdo. Laba dhinac ee leh waanu wada hadlaynaa xataa heshiis kuma ahayn: horta adigu kumaad tahay aniguna kumaan ahay. Siyaasiyiinta Muqdisho waxay taagan yihiin anagu dawladdii Soomaaliyeed (Smalia iyo Somalilandna) ayaanu u taagan nahay idinkuna goboladii waqooyi oo cadho ku maqan baa tihiine aynu wada hadalo wixii aad tirsanaysaan diyaar baanu u nahay in aanu ka garwno, nabaradii hore bogsiino qaranimadii soomaaliyeed ee burburtayna la’aantiin lama soo celin karo eh aynu soo wada celinno. Ka dib dawladdii sadexaad oo ka duwan labadii hore aynu wada dhisno qayb libaaxna weliba idinku yeelataan waayo waxanu idiin ogolaanaynaa wax kasta oo aan ahayn kala go’. Haye, dhinaca kale ee Hargeysi iyaguna saw maaha idinku Somalia-dii Talyaaniga ayaa tihiin anaguna tii Ingiriiska, ka dib midnimadii lixdankii markii ay burburtay 1991kii waxanu dib ula soo noqonay madaxbanaanidii aanu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska 26June 1960kii. Markaa laba dawladood oo siman ayaynu kala nahaye sidaa aqbala gooni-isu-taagga Somaliland gorgortan ma laha eh. Labadaasi marka hore hadii aanay heshiis ku ahayn kumaad tahay aniguna kumaan ahay bal yaa ii sheegi kara waxa kale ee ay ku heshiis karaan? Ma jirto Ayaan filayaa cid garanaysa oo ii sheegi kartaa. Hadaba waxan ay Somaliland isku haystaa ee salaadiintana lagu haystaa miyaanay noqonay wadahadlo aan jirin oo been ah iyo dayaxu wuu kabashkabash leeyahay, hadduu kabashkabash leeyahay ma kabaad u toli,hadaan u tolo maadigaa kala bixi. Ugu dambaystii Somaliland siyaasiyiin, Salaadiin, iyo waxgaradkeedu maaha inay isku mashquuliyaan ama ku murmaan wadahadalada Somaliya xiligan waayo wax badan oo ka muhiimsan ayaa jira oo mudan in laga hadlo oo ah dhibaatooyinka xiligan ka jira gudaha oo laga yaabo haddii si toos ah oo run ah loo wajihin, looga wada hadlin, talo midaysanna aan laga wada yeelan laga yaabo in xaaladda Somaliland ay heer xun gaadhi karto oo aan laga soo waaqsan karin, halisna gelin karta wadajirka iyo midnimada, iyo weliba qaranimada ay Somaliland sheeganayso, waayo Somaliland waxay ku jirtaa xili ay baylahdeedu badan tahay dagnaansho badan oo cadawgeedu ka faaiidaysan karaana ay jiraan.” Source
  16. Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin doonayey inuu isku qarxiyo magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa Shabelle u sheegay in ay u suurta-gashay inay ninkaasi qabtaan, kaas oo haatan ku xiran xabsiga Dhuusamareeb. Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in ninkaasi laga soo diray degmada Ceelbuur, islamarkaana uu qaab sahmin ahaan ah u joogay gudaha magaalada Dhuusmareeb Ciidamada Danab ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qarxiyaan waxyaabo qarxa oo la sheegay in ninkaasi uu doonayey inuu ku weeraro xarunta maamulka Galmudug. Sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidamada maamulka Galmudug, gaar ahaan kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ay gacanta ugu dhigeen nin doonayey in qarax is-miidaamin ah uu ka geysto degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo ay tahay 12-ka bisha April ayaa ku beegan sanad guurada 60-aad ee aas-aaska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoona la baajiyey munaasabadda xuska maalintaasi, sababo la xariira Coronavirus. Sanad weliba maanta oo kale ayey ciidamada Xoogga dalka xusi jireen sanad guurada aas-aaskooda, waxaana ka qeyb-geli jiray madaxda dowladda Soomaaliya. Ciidamada Xoogga oo ka kooban ciidanka Dhulka, ciidanka Cirka iyo ciidanka Badda, ayaa waxaa lagu aas-aasan tiro kooban, maadaama waqtigaas ay ku asteesneyd xorriyaddii dalka. Sababta ugu weyn ee loo qaban waayey xuska ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu sheegay amarka lagu joojiyey isu imaatinka bulshada, cabsi laga qabo darteed faafida Corona. Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya oo war ka soo soo saaray sanad guurada 60-aad ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga. “Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka argagixisada iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadkeenna. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go’an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabkeenna birima-geydada ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga. “Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka argagixisada iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadkeenna. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go’an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabkeenna birima-geydada ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed. Dhammaad View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-120420.mp3 View the full article
  20. (SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmiya mushaharkii uga joojisay shaqaale ka howl-gali jiray gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport, ee ay maamusho xukuumada Muuse Biixi. Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa shaqaalahan ka howl-gali jiray Madaarka Hargeysa uga jartay mushaharkii sabab ay ku sheegtay ‘dhaqaalo xumo soo food saartay oo ka dhalatay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus’, sida lagu sheegay waraaq loo diray shaqaalahaasi oo nuqul kamid ah uu soo gaadhay Somalilandtoday. Shaqaalaha dowladda federaalku ay ka jartay mushaharka ayaa xili hore laga caydhiyay Madaarka Hargeysa, kadib markii ay xukuumada Somaliland la xidhiidheysay dowladda Soomaaliya oo mushahar ka qaadan jireen. Shaqaalahan ayaa muddooyinkii dambe qaadanayey mushaharkooda, iyaga oo aan wax shaqo ah ka qaban Madaarka Hargeysa, maadama ay xukuumadda Somaliland ka cayrisay shaqadii ay ka hayeen madaarka, balse ay lacagtooda ka helayeen dowladda federaalka, iyagoo ku sugan gudaha magaalada Hargeysa. “Maamulka duulista rayidka ah ee Soomaaliya (SCAA) ayaa waajahaya dhibaato dhaqaale oo daran iyadoo dakhliga Muqdisho FIR uu hoos u dhacay cudurka Coronavirus awgii. Tani wax saameyn ah kuma yeelan dakhliga SCAA oo kaliya, laakiin sidoo kale waxa uu meesha ka saaray 75-milyan oo shaqooyin oo xaga duulista iyo dalxiiska ah ee daafaha dunida oo dhan” ayaa lagu yidh Waraaqdaasi oo uu ku saxeexna Agaasimaha Hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan. Waraaqdaasi ka soo baxday Agaasime Axmed Macalin ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in Hay’addu ay sameysay waxkasta oo suuro-gal ah sidii ay shaqada ugu sii jiri lahaayeen Shaqaalahaasi laga cayriyey madaarka Hargeysa, xili ayna wax shaqo ah ka qaban karin Madaarkaa Hargeysa ee Somaliland. Shaqaalahan ay dowladda Soomaaliya ka joojisay lacagtii ayaa hore uga mid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), ee dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay maamulka hawada. Shaqaalahan ayaa tiradoodu dhantahay 42-shaqaale oo Madaarka Hargeysa ka kala qaban jiray shan shaqo inta ayna xukuumadda Biixi caydhin, kuwaasi oo iskugu jiray; Maamulka macluumaadka hawada, Saadaasha Hawada, Hagidda diyaaradaha, Parking-garaynta diyaaradaha iyo Dab-damiska. Source
  21. NAIROBI (Reuters) - Several African countries have demanded that China address their concerns that Africans in Guangzhou city are being mistreated and harassed amid fears there of a potential spread of coronavirus from imported cases. Source: Hiiraan Online
  22. Laboratory facility for COVID 19 virus testing organized the Jijiga University, in Somali regional state, is launched on Saturday in the presence of the region’s acting president, Mustafa Mohammed Omar. Source: Hiiraan Online
  23. Libya has deported 236 illegal immigrants of African nationalities to their countries of origin, the eastern-based Libyan authorities said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  24. Jamaame (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Raadiyaha ciidamada ayaa sheegay in horjoogaha lagu dilay duqeyntan, oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, lagu magacaabay Cabaas Maxamed Xaaji, islamarkaana uu horey usoo noqday horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Buurdhuubo. Saraakiil la tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Idaacada Ciidamada u sheegay in duqeynta lagu dilay Cabaas, ay sidoo kale ku dhinteen 9 xubnood oo kale oo Al-Shabaab ah. Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Jubbada Hoose, lagu dilay xubno Shabaab ah, balse ma magacaabin cidna. Waxay sidoo kale sheegeen inaysan duqeynta wax ku noqon shacab. Si kastaba, warbaahinta Al-Shabaab ayaa werisay in Cabaas, oo shalay la aasay, uusan ahayn Al-Shabaab, balse uu ahaa Suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka, sida ay hadalka u dhigeen. Warbaahinta Shabaab ayaa sidoo kale kasoo xigatay qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Jareerweyne ee Jubbooyinka inay dhalleeceeyeen dilka Cabaas oo ay ku qeexeen “fal dambiyeed.” Ma jirto cid xaqiijin karta xaqiiqda waxa uu ahaa Cabaas, waana mid ka mid ah muranada ay xambaarsan yihiin duqeymaha Mareykanka ee ka dhaca Soomaaliya. Waa suurta-gal in Cabaas ahaa shacab, sidoo kalena waa macquul inuu ahaa Shabaab, oo kooxda Al-Shabaab ay hadda isku dayeyso inay dilkiisa u weeciso si kale, si ay shacabka ugu kiciso. Way adag tahay in la xaqiijiyo. Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday eedeymaha la xiriira in duqeymaha qaar lagu dilo shacab. AFRICOM waxay sheegtay inay hayaan xog sirdoon oo dadka caadiga ah aysan ka war-hayn, taas oo macnaheedu yahay in dad shacab loo haysto ay ku ogyihiin ficillo kale.
  25. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dr C/raxmaan C/laahi Baadiyow ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay dooda ka taagan wada-hadalada fadhiidka noqday ee Somaliland iyo Soomaaliya, isagoona su’aal cajiib ah hor-dhigay reer Somaliland. Dr Baadiyow ayaa Madaxda iyo bulshada reer Somaliland ee kasoo horjeeda inay furmaan wada-hadaladaasi si toos ah u weydiiyey ‘Arrinta ay Dowladda federaalku ay ka rabto Somaliland?’, maadama lala xiriiriyo in Koonfurtu ay si gaar ah u daneyso wada-hadalada labada dhinac. “Dadka kasoo jeeda Somaliland oo kasoo horjeeda wada-hadalka waxaan weydiinayaa, maxaad umaleysaan oo koonfurtu idinka rabtaa? Su’aasha kasoo jawaaba, hana ila meereysana ee jawaab toos ah bixiya?” ayey u dhigneyd su’aasha Dr. Baadiyow uu ka dalbanayey inay si toos ah uga jawaaban reer Somaliland. Dr C/raxmaan Baadiyow ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay dadka kasoo horjeeda inay wada-hadlaan Soomaaliya iyo Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan oo aan weli helin aqoonsi caalami ah. Baadiyow ayaa tooshka ku ifiyay ictiraafka ay muddada 30-ka sanno ah baadi-goobeyso Somaliland ee weli la’dahay iyo awood darada dowladda dhexe ee ka badan labaatameeyinka sanno. Waxa kale oo uu dalbaday Baadiyow in laga dhur sugo wada-hadalada labada dhinac wixii ka soo baxa, maadama ay Madaxda labada dhinac ogolyihiin waad-hadaladaasi, ayna hor-yaalan arrimo masiiri ah oo maslaxad u ah umadda. Dr Baadiyow ayaa sidoo kale ka dalbaday dadka Farmaajo iyo Kheyre ku colaadinaya wada-hadalada labada dhinac inay si qoto dheer uga fikiraan qaddiyad hortaala oo aysan shaqsiyeyn wada-hadaladaasi. “Waxaa la yaab leh dadka kasoo horjeeda in DFS iyo Somaliland wada hadlaan. Somaliland 30-sano Ictiraaf waa keeni waysay. DFS waa kici la’dahay 20-sano, laga bilaabo 2000. Wada-hadalada wixii kasoo baxa aan sugno, kheyrna urajeeno” ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyow. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Madaxda labada dhinac waa ku heshiiyeen wada-hadalka. Waxaana horyaalla waa qadiyad umadeeda, waana maslaxadda ruux kasta. Si weyn ha ufikireen kuwa raba inay shaqsiyeeyaan qadiyadda. Wada-hadal ayaa soo socda sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi, diyaarna u tahay DFS. Yaan tareenku kaa tegin ee la qabso!”. Muddooyinkii dambe ayaa waxa si weyn isku soo tarayey baaqyada kala gedisan ee lagu dalbanayey in dib loo furo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo badan hakad ku jira, iyada oo dhowaana ay soo if-baxday qorshe cusub oo uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu isaguna ku wajahayo wada-hadaladaasi, isagoona si gaar ah cadaadis ugu saaraya Madaxda labada dhinac inay furmaan wada-hadalo midho dhala. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dar-darta cusub ee ka muuqata dib u furista wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxay dabo socotaa qorshe cusub oo lagu rabo midnimada Soomaaliya, xili ay xubno ka tirsan Somaliland ay muujiyeen rabitaankooda ku aadan umadd mideysan, midaasi oo gebi ahaanba wiiqeysa dadaaladii ay Xukuumadaha Somaliland ku baadi-goobayeen ictiraafka iyo sheegashadii madax-banaanida.