Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa mar kale ka hadlay xaaladihii u dambeeyey cudurka Coronavirus oo ay u dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed, isagoo sii adkeeyey amarradii looga hor tegayey cudurkaas ee horay uga soo baxay dowladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehellada dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee u geeriyooday xanuunada cudurka Coronavirus oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo Arbacadii maanta ku geeriyooday UK. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in awoodda dowladnimo ay iskugu geyn doonaan ka hor tagga cudurkan sida fudud ugu faafay dunida oo dhan, waxuuna dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay u hogaansamaan talooyinka caafiimaadka ee loo soo jeedinayo. Kheyre ayaa sheegay in illaa amar dambey ay sii xirnaa doonaan goobaha waxbarashada dalka iyo duullimaadyada diyaaradaha gudaha iyo dibadaba, waxuu kaloo sheegay inay lagama maarmaan tahay in la joojiyo isku imaatinka, isagoo ku taliyey in qofkii awooda uusan kasoo bixin gurigiisa. Sidoo kale isgaarsiinta dalka ayuu ka dalbaday in waqtigooda ugu badan ay geliyaan waxyi gelinta dadweynaha, si looga hor tago khataraha cudurkan, halka ganacsatada Soomaaliyeed-na uu ugu baaqay in aysan kordhin sicirka raashinka iyo waxyaabaha kale ee qutul duruuriga ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wasaaradda maaliyadda faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuurta cuntada daruuriga ah iyo daawooyinka inta dhibaatada cudurkan ay jirto. Ugu dameyntii Ganacsatada iyo dheeq bixiyaasha caalamka ayuu sheegay in xukuumadiisu ay kula jirto wadaxaajood, si loo kabo saameynta dhaqaale ee xayiraadaha cudurkani ay ku yeeshaan dalka. Halkan ka Daawo
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka jawaabay eedeyn ka timid Xisbiga Himilo Qaran, taas oo la xariirtay in galabta askar wadatay gaari ay ku buufsantahay astaanta booliska Soomaaliya ay rasaas ku fureen difaaca hore ee guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Xeer Ilaaliyaha oo goor dhaw qoraal uu arintan uga hadlaayo soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in askarta riday rasaasta ay ka tirsan tahay ilaaladiisa. Waxa uu sheegay Xeer Ilaaliye Suleymaan in aysan jirin cid rasaas ku furtay ama weerartay guriga madaxweynaha, balse waxa dhacay ay aheyd hal xabo, taas oo askartu ay ku riday laba wiil oo gawaari ay wateen wadada ku jaray, isla markaana wadada ku dhex sheekeysanayey. “Gaariga la sheegay in uu Xaabad huwiyay ilaalada Madaxdwaynihii hore Mudane Sheekh Shariif, waa gaari Police ah oo ilaaladayda saarnaynd. Labo gaari oo yaryar oo wadada ku sheekaysanayay wadadana xirtay kadibna gaarigii Police sanka u soo galiyay gawaaridooda ayaa keentay halka xabo ee dhacday. Waxaa caddaynayaa wax intaas ka wayn in aysan jirinin cid weerartay ilaalada Madaxwayne Sheekh Shariifna aysan jirinin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka Suleymaan. Xoghayaha dhanka maaliyadda Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran Cabdinasir Maxamed Sheekh Nuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa tilmaan ka bixiyey nuuca uu ahaa gaariga ay wateen askarta rasaasta ku furtay difaaca hore ee guriga Sheekh Shariif. Cabdinasir ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii ilaalada ka hayey guriga la rasaaseeyey ee Sheekh Shariif aysan bixin wax jawaab ah, isal markaana ay mas’uuliyad muujiyeen, sida uu hadalka u dhigay “Gaari ay lee yihiin ciidanka Pilice ka oo numberkiisu yahay :POl 318 ayaa xabado ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ciidamada ilaalada ka ahaa guriga waxay Muujiyeen masuuliyad” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdinasir Maxamed Sheekh Nuur.
  3. Dowladda Soomaaliya ka hadashay duqeyn ay Xuutiyiinta Yemen sabtidii la soo dhaafay ka geysteen magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee dalka Sacuudiga. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimahah Dibada Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyey weeraradaas ay Xuutiyiinta Yemen u geysteen Sacuudiga, waxayna dowladda Soomaaliya tilmaantay in ay u aragto xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ee Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa aan u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda” ayaa lagu war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka si cad ugu sheegtay in ay Boqortooyada Sacuudiga ku garab taagan tahay ka hortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaranm “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada ka hortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo si kulul uga hadashay duqeyn ay Xuutiyiinta Yemen ka geysteen Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ay galabta rasaas ku fureen bar laga ilaaliyo guriga uu Muqdisho ka deganyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya xabado ku yaalla difaaca ciidanka ilaalada ka haya guriga Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waxaana la sheegay in ay soo rideen askarta ka tirsan booliska dowladda federaalka. Xoghayaha dhanka maaliyadda Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran Cabdinasir Maxamed Sheekh Nuur ayaa tilmaan ka bixiyey nuuca uu ahaa gaariga ay wateen askarta rasaasta ku furtay difaaca hore ee guriga Sheekh Shariif. Cabdinasir oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii ilaalada ka hayey guriga la rasaaseeyey ee Sheekh Shariif aysan bixin wax jawaab ah, isal markaana ay mas’uuliyad muujiyeen, sida uu hadalka u dhigay “Gaari ay lee yihiin ciidanka Pilice ka oo numberkiisu yahay :POl 318 ayaa xabado ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ciidamada ilaalada ka ahaa guriga waxay Muujiyeen masuuliyad” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdinasir Maxamed Sheekh Nuur. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo horey xisbiga Himilo Qaran u sheegeen in ciidamo la dul geeyey guriga Shariif, halka wasaaradda amniga ay taas beenisay. War-saxaafadeed 24-kii bishii dhamaatay ee Maarso kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in la isku dayey in weerar gaadmo ah oo qorsheysan lagu qaado xarunta Madasha iyo hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran. War-saxaafadeedkaas Madashu waxay ku xaqiijinaysay isku daygaasi uu dhacay habeenadii isku xigay ee taariikhdu aheyd 22-kii iyo 23-kii Maarso, iyadoo ciidamo lagu hareereeyey hoyga Sheekh Shariif, sida lagu sheegay xilligas warka Madasha, waxayna arinkaas ku tilmaameen mid xadgudub ku ah xurmada Madaxweynihii hore ee dalka. Kana soo horjeeda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada. Isla maalinkaas War kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin eedeymaha ay Madasha Xisbiyada Qaran ku sheegeen qaar ka mid ah hey’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. War-saxaafadeedkii xilligaas kasoo baxay xaafiiska wasiirka amniga waxaa lagu sheegay in labadii madaxweyne ee ka horeysay madaxweynaha haatan, ay dalkan kasoo asamata bixiyeen xaalado adag, isla markaana ay mudan yihiin tix gelin gaar ah. Sidoo kale warkaas waxaa lagu sheegay in DFS ay ka digeyso waxa ay ku tilmaantay “ficillada xun iyo wararka been abuurka ah ee ay shakhsiyaad la garanayo ku doonayaan in ay dano siyaasadeed uga maacaashaan wararka aan sal iyo raadka toona lahayn”.
  5. Dhuusamareeb (SMN) – Haweenka ku jira Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta doortay Guddoomiye, Gudoomiye ku-xigeen iyo xoghayn, waxaana doorasho lagu qabtay hoolka Baarlamaanka Galmudug oo ay soo qaban qaabisay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Faadumo Cabdi Cali. Kulanka waxaa ka qaybgalay oo goobjoog ka ahaa Mudane ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Hirshabeele iyo Ururada Haweenka Degmooyinka Dhusamareb, Caabudwaaq, Cadaado, Guriceel iyo marti sharaf kale. Ugu horayn waxaa daah furtay munaasabadda wax lagu dooranayey Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali, iyadoo haweenka ku boorisay inay ka shaqeeqaan horumarinta dalka. Intaasi ka dib waxaa la gudagalay doorashada saddexda xubnood, iyadoo ay codaynayeen Haweenka ku jira Baarlamaanka Galmudug waxaana Guddoomiye loo doortay Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble Gudoomiye ku-xigeen waxaa loo doortay Xildhibaan Fardowso Yuusuf Ciid, halka Xoghayn loo doortay Amal Axmed Cabdulle. Xubnaha la doortay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay muujyeen sida ay ugu faraxsanyihiin, waxaana ay balan qaadeen inay ka soo bixi doonaan xilalka loo doortay ee Ururka Haweenka Baarlamaanka Galmudug. Zamzam oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Tariig Ibraahim Axmed Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Hirshabeele ayaa ka hadlay madasha, waxa ayna ka hambalyeeyeen howsha maanta la qabtay. Ugu dambayn Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali ayaa waxa ay balan qaaday inay la shaqayn doonaan, loona baahan yahay in la muujiyo isku duubni joogta ah. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay Deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan oo kamid ahayd deyntii lagu lahaa dalkdeenna. Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo todobaadkii la soo dhaafay hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah (IFI’s) ay dalka ka cafiyeen $830m, taasoo isugeynta lacagta Soomaaliya laga cafiyay illaa iyo hadda ka dhigeysa 2.25b. Deynta horay loogu lahaa Soomaaliya waxay ahayd $5.2 Bilyan. Sidoo kale deeq bixiyayaasha aan xubnaha ka ahayn Naadiga ku bahoobay Paris ayaa iyana ballan qaaday in ay Soomaaliya ka cafin doonaan daytna ay Soomaaliya ku leeyihiin 67% kamid ah, taasoo kor u qaadi doonta daynta laga cafiyay dalkeenna. Waxaa kale oo ay deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in ay daymaha oo dhan ama intooda badan ay ka cafin doonaan Soomaaliya marka ay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudaha u harsan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalkan uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dadaallada ay dowladda Soomaaliya dib ugu habaynaysay nidaamkeeda maaliyadeed iyo sida ay uga qeyb qaateen xaqiijinta rajada shacabka Soomaaliyeed. “Waa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumeysa soo nooleynta Qaranimadeena, isla markaana ah guul usoo hoyatay qof walba oo Soomaali ah. Waa dadaal miro dhalay oo u baahan in la joogteeyo”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaalka ay hay’adaha dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku bixiyeen ka mira dhalinta arrintan oo ahayd halbeeggii ugu weynaa ee ay Soomaaliya ku guuleysato 30 kii sano ee la soo dhaafay. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-01042020.mp3 View the full article
  8. Ra’iisul Wasaaraha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris Soomaaliya uga cafiyeen $1.4 Bilyan oo kamid ahayd deyntii lagu lahaa dalka. Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo todobaadkii la soo dhaafay hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah (IFI’s) ay dalka ka cafiyeen $830m, taasoo isugeynta lacagta Soomaaliya laga cafiyay illaa iyo hadda ka dhigeysa 2.25b. halka deynta horay loogu lahaa Soomaaliya waxay ahayd $5.2 Bilyan. Sidoo kale deeq bixiyayaasha aan xubnaha ka ahayn Naadiga ku bahoobay Paris ayaa iyana ballan qaaday in ay Soomaaliya ka cafin doonaan daytna ay Soomaaliya ku leeyihiin 67% kamid ah, waxaa kale oo ay deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in ay daymaha oo dhan ama intooda badan ay ka cafin doonaan Soomaaliya marka ay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudaha u harsan, sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dalalkaas uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dadaallada ay dowladda Soomaaliya dib ugu habaynaysay nidaamkeeda maaliyadeed iyo sida ay uga qeyb qaateen xaqiijinta rajada shacabka Soomaaliyeed. “Waa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumeysa soo nooleynta Qaranimadeena, isla markaana ah guul usoo hoyatay qof walba oo Soomaali ah. Waa dadaal miro dhalay oo u baahan in la joogteeyo”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaalka ay hay’adaha dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku bixiyeen ka mira dhalinta arrintan oo ahayd sida uu sheegay halbeeggii ugu weynaa ee ay Soomaaliya ku guuleysato 30 kii sano ee la soo dhaafay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo dhoweeyay go’aanka Naadiga Paris ay dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) ― Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay Labadii Kiis ee Coronavirus, ee ay xalay shaacisey Somaliland in laga helay deegaanadeeda, gaar ahaan magaalooyinka Berbera iyo Burco. Dowladda ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn Labadaasi Kiis, maadama ay su’aal galisay awooda ay Somaliland ku xaqiijin karto Kiisas la xiriira Coronavirus, inkasta oo Xukuumada Muuse Biixi ay sheegtay inay u dirtay dalka Kenya dheecaanada labadaasi qof, isla markaana sidaasi lagu xaqiijiyey inay qabaan cudurkaasi. Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa si cad u sheegay inaysan kiisaskaasi u gudbineyn Hay’adda WHO, madaama aysan ku kalsooneyn awooda xaqiijinta Coronavirus ee Somaliland. Waxaana xusid mudan in hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO aysan weli ku soo darin liiska maalinlaha ah ee ay ku shaaciso tirada cudurka Coronavirus, midaasi oo loo badinayo inay qeyb ka tahay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya Somaliland ayaa xalay sheegtay in labo qof oo ku kala sugan magaalooyinka Berbera iyo Burco laga helay cudurkaasi, iyadoo xustay in mid kamid ah uu yahay muwaadin Shiineys ah, halka midka kalena ay ku sheegtay Muwaadin haysta dhalashada Ingiriiska.
  10. Muqdisho (SMN) – Gaari nuuciisu yahay qooqan laba shirrey Toyota, taariko number keedana uu yahay POL318 oo ah gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay kontaroolka laga ilaaliyo guriga Madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed. Gaarigan oo wararku sheegayaan inuu leeyahay xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa si’ bareer ah u furay rasaasta, waxaana ciidanka ilaalada Sh. Shariif la xusay in ay muujiyeen masuuliyadd wax jawaab celin ahna kama bixin falkaas oo ay ka dhalan kartay xaalad dagaal. “Masuuliyadda ay muujiyeen ilaalada Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa muujineysa wacyi gelinta ay ka heystaan hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran uu ugu horreeyo Madaxweynihi hore, waxaana tani noqoneysaa isku deygi seddexaad oo ah xaalad abuur lagu beegsaday Hoyga Madaxweynaha iyo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madasha. Xildhibaan Yusuf Hussein Gama’diid, Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa kormeeray barta kontrool ee la rasaaseeyey. View the full article
  11. Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa soo gaban gabeeyey doorashadii gudoomiye- xiigeennada baarlamaanka labaad ee maalmulka oo maanta galinkii hore Cali Siciid Fiqi u doortay gudoomiyha golaha wakiillada. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa waxaa ku loolamay Maxamed Nuur Macalin iyo Aamino Isxaaq Maxamed , waxaana ku guuleystay gudoomiye ku-xigeenka koowaad Maxamed oo helay 84 cod halka Aamino ay heshay 8 cod . Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa ku guulaystay Shamso Maxamed Yaroow oo kaligeed u taagneed xildhibaannada ayaana ugu codeeyey qaab gacantaag ah maadama uusan jirin ruux kula loolamayey tartanka. Baarlamaanka ayaa horay Cali Siciid Fiqi ugu doortay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed halka ay ku-xigeeno u noqon doonaan Maxamed Nuur Macalin koowaad iyo Shamso Maxamed Yaroow labaad afarta sano ee soo socota guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen ayaa goobta lagu dhaariyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wiil Soomaali ah oo noqday qofkii ugu da’da yaraa ee UK ugu dhintay Covid-19 Wiil 13 jir ah oo Soomaali ah, oo laga helay coronavirus ayaa geeriyooday, sida ay sheegeen maamulka isbitaal ku yaalla magaalada London. Ismaaciil Maxamed Cabdulwahab, oo qoyskiisa ay daggan yihiin xaafadda Brixton ee koonfurta London, ayaa galinkii hore ee maalintii Isniinta ku geeriyooday isbitaalka King’s College. Waxaa la aaminsan yahay inuu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee coronavirus ugu dhintay gudaha UK. Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa sheegay in dhimashada wiilkan yar loo sababeeyay saameynta xanuunka corona, laakiin wax faah-faahin dheeri ah ma uusan bixinin. In ka badan 1,790 qof ayaa UK ugu geeriyootay cudurkan loo bixiyay Covid-19. Tirakoobkii ugu dambeeyay ayaa lagu sheegay in hal maalin gudaheed ay dhimashada ku korortay 381 qof, taasoo ahayd tii ugu sarreysay ilaa hadda. Qoyska Ismaaciil oo bayaan ay so saareen uu shaaciyay qof saaxiib la ah ayaa sheegay “inay musiibo weyn ku tahay” geeridiisa. Waxay intaas ku dareen inuusan horay u qabin cudurro muuqday oo dhibaato ku ahaa caafimaadkiisa, wixii ka horreeyay maalintii Jimcada oo laga helay Covid-19. Hal maalin ka hor xilligaas ayaa isbitaalka lasii dhigay, kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad isbaddashay. “0.3% oo ka mid ah dadka ay calaamadaha cudurkan ka muuqdaan ayaa u baahan in isbitaal la dhigo, 0.006% oo ka mid ah dadkaasna way u dhintaan – marka si kale loo dhigana 2 ka mid ah 30,000 oo qof oo uu cudurkan ku dhaco iyagoo da’da wiilkaas ah kama badbaadayaan,” ayuu yiri qofka saaxiibka la ah qoyska. “Laakiin way dhacdaa, sida haddaba kiiskan murugada badan ka muuqata.” Qoyska Ismaaciil ayaa sheegay in wiilkooda ay isbitaalka geeyeen markii ay ku arkeen calaamadaha, xilligaasoo neefsashada ay dhibeysay. “Xaaladdiisu way sii xumaaneysay ilaa uu koomo ka galay, ugu dambeyntiina nasiib darro wuxuu geeriyooday subaxnimadii Isniinta,” ayey dhaheen. Falanqeyn: Maxay tahay khatarta ka dhanka ah dadka da’da yar? Waxaa diyaariyay Richard Warry, Kaaliyaha tifaftiraha qeybta caafimaadka ee BBC News Cilmibaaris la sameeyay ayaa muujisay in carruurta iyo dhalinyarada dhowr iyo toban jirka ah ay aad u yartahay inay u dhintaan Covid-19, marka loo eego dadka waaweyn. Calaamadaha cudurka ayaa si khafiifka uga soo muuqda carruurta, iyagoo u eg sida hargabka caadiga ah. Seynisyahannadu wali ma aysan kala hubsanin sababta ay arrintan u dhacday. Waxaa suurtagal ah in difaaca jirka ee carruurta uu yahay mid kan dadka waaweyn uga awood badan la dagaallanka Fayraska. Laakiin tani micnaheeda ma aha in carruurta qaba xanuunnada kale aysan waxba ku noqoneynin saameynta coronavirus. Iskoolada UK oo dhan ayaa la xiray Dr Nathalie MacDermott, oo ah macallin cilmiga caafimaadka ka dhiga King’s College London, ayaa sheegtay in dhimashada Ismaaciil “ay muujineyso muhiimadda ay noo leedahay inaan qaadno tallaabooyinka loo baahan yahay si loo yareeyo faafitaanka cudurkan ee gudaha UK iyo guud ahaan caalamka”. Waxay intaas ku dartay: “Waa lagama maarmaan in la sameeyo cilmibaaris lagu ogaanayo sababta ay cudurka ugu dhintaan dad ka baxsan kuwa la filan karo”. Qaran News
  13. Mooyaale (Caasimada Online) – Xiisad ayaa ka taagan magaalada Mooyaale ee dalka Kenya, oo ku taalla xuduudda dalkaas uu la wadaago Itoobiya, kadib markii ay is-rasaaseeyeen ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya, Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii Itoobiyaanka ay ka hor-yimaadeen qorshe ay Kenya ku xiri lahayd xuduudda, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus. Dowladda Kenya ayaa xuduudda u dirtay qandaraasleyaal, si ay uga qodaan godad, si loo joojiyo dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Kenya. Ilo-wareedyo ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in koox hubeysan oo Itoobiyaan ah ay rasaas ku fureen shaqaalaha Kenyanka, islamarkaana ay gubeen taanki shidaal ah iyo baldoosar. Ciidamada Kenya ayaa markaas kadib ka jawaabay rasaasta, waxaana kadib labada dhinac ay is-weydaarsadeen rasaas xooggan oo socotay muddo. Warbaahinta Kenya ayaa weriyey in kooxda Itoobiyaanka ay wateen dareeska ciidamada, balse warar kale ayaa sheegaya inay ahaayeen maleeshiyo. Sarkaal ka tirsan guddiga ganacsiga Kenya ayaa sheegay in koox ganacsato Itoobiyaan ah iyo ciidamada amniga dalkaas ay ka carroodeen go’aanka Kenya ay ku xireyso xuduudda Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in kooxda iska hor-imaadka ku lugta laheyd ay ahaayeen ciidamada Takabas ee booliska keydka Itoobiya, kuwaas oo wacad ku maray in xuduudda ay furnaan doonta, oo aysan Kenya xiri karin. Ilaa hadda ma cadda in dad ay wax ku noqdeen rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac.
  14. Qodobada aad ku dhageysan doontaan barnaamij wareed galabnimo waxaa ka mid noqon doono Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in uu Maanta ku geeriyoodey Magaalada london ee dalka Ingiriiska,halkaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuun sanayay. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in fashiliyeen qaraxyo laga soo abaabulay Gobolka Shabellaha hoose. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnest International ayaa Taliska Mareykanka ee qaaradda Africa kuu eedaysay dilka dad rayid ah. Wasaaradda Maaliyadda ayaa shegtay in lacag dhan Hal Bilyan oo dollar laga cafiyay Dowladda Soomaliya. Waxaana idiin Akhrin doon wariyaasha: Kala ah Hanad Cali Guuleed iyo Maariyo Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-waredka-galabnimo-01-04-2020.mp3-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Raiisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa xusay doorka weyn ee uu ka soo qaatay -Alle ha u naxariistee marxuumku- dib u soo kabashada dalka, isaga oo wakhti adag u istaagay in uu ka shaqeeyo dowladnimada iyo samata bixinta dalkeenna. “Innaga oo garoowsan dadaalka uu marxuumku ku bixiyey dalkiisa iyo dadkiisa, waxaan ku dhawaaqayaa Baroor-diiq Qaran oo saddex maalmood ah, iyadoo hoos loo dhigayo muddadaas calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aynu u siinno Raiisul Wasaare Nuur Cadde –Alle ha u naxariistee- Maamuuska Qaran ee uu naga mudan yahay.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuumka oo ahaa halyeey Qaran oo taariikhda ku galay tanaasul iyo nabadeyn, Alle u weydiiyey in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdows, eheladiisa iyo saaxiibadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan. Innaa Lillaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun. View the full article
  16. London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid – Alle ha u naxariistee – Raiisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa xusay doorka weyn ee uu Nuur Cadde – Alle ha u naxariistee – kasoo qaatay dib u soo kabashada dalka, isaga oo wakhti adag u istaagay in uu ka shaqeeyo dowladnimada iyo samata bixinta dalkeenna. “Innaga oo garoowsan dadaalka uu marxuumku ku bixiyey dalkiisa iyo dadkiisa, waxaan ku dhawaaqayaa Baroor-diiq Qaran oo saddex maalmood ah, iyadoo hoos loo dhigayo muddadaas calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aynu u siinno Raiisul Wasaare Nuur Cadde –Alle ha u naxariistee – Maamuuska Qaran ee uu naga mudan yahay.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuumka oo ahaa halyeey qaran oo taariikhda ku galay tanaasul iyo nabadeyn, Alle u weydiiyey in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdows, eheladiisa iyo saaxiibadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan. Nuur Cadde ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay November 2007 iyo Febraayo 2009. Nuur Cadde ayaa intii uu xilka hayey waxay is-khilaafeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana loolankaas oo uu ku adkaaday ay qasabtay in madaxweynaha uu xilka iska casilo 29-kii December 2008. Nuur Cadde ayaa waxaa sidoo kale lagu xusuustaa wada-hadalladii nabadeed ee uu la galay Isbaheysigii Asmara, ee uu hoggaaminayey Shariif Sheekh Axmed, taasi oo hoggaamisey shirkii Jabuuti ee madaxweyne loogu doortay Shariif bishii Janaayo 2009.
  17. Maxamuud Muuse Xasan (BBC) oo ka mid ah siyaasiinta xisbiga dimuquraadiga ee gobolka Minnesota, islamarkaana u dooda xuquuqda Soomaalida Maraykanka ayaa Radio Shabelle u sheegay inay sii korortay tirada dadka u geeriyoonaya Coronavirus. Mr BBC ayaa sheegay in gabi ahaan la xanibay dhaq dhaqaaqa dadka, si uusan u faafin cudurka COVID19 oo si weyn fara ba’an ugu haya dalal ku yaalla caalamka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdu ay shacabka u qorsheysay dhaqaalo looga taageerayo dhanka nolosha, maadaama la joojiyey isku socodka dadka. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/bb.mp3 View the full article
  18. Shacabka reer SL waxa aan si weyn ugu adkaynayaa in ay si buuxda ugu hoggaansamaan tilmaamaha, talooyinka iyo awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortagga cudurka COVID-19, maadaama safmareenka koroona labadii xaaladood ee ugu horteeyey laga helay dalkeena SL. Allow naga nabadgeli. pic.twitter.com/sNbXV1ozcd — Abdirahman Cirro (@CirroSL) March 31, 2020 Qaran News
  19. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dacwad loo heysto askar ka tirsan ciidamada dowladda oo loo heysto dil dhowaan gudaha magaalada Dhuusamareeb loogu geystay, marxuum Shaafici Xaaji Diiriye. Askartaan ayaa waxa ay ka mid yihiin ilaalada gaarka ah ee Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Dhageysiga dacwada ayaa waxaa goob-joog ah guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Senator Dhagey iyo ehellada labada dhinac. Halkaan hoose ka dhageyso warabixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/aa.mp3 View the full article
  20. Boqortooyada Sacuudiga oo war ka soo saartay Xajka sanadkan Masaajidka barakaysan ee Xaramka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka codsatay dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sanadkan. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Corona awgii ay tahay in Musliminta ay dib u dhigtaan qorshooyiinkooda Xajka. Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada, Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten, ayaa sheegay in Sacuudiga ay mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan islamarkana ay u adeegaan Xujeyda, balse iminka mudnaanta la siinayo badqabka qof walba. “Sacuudi Carabiya ayaa imika daryeel siinaysa 1,200 oo qof uu cumara u tagay kuwaasi oo aan dalkoodii u laaban karin, sidoo kale waxaan lacagaha u celinaynaa dadka la siiyay dal ku-galka Cumrada, balse aan cumraysan,” Benten ayaa sidaasi u sheegay telefishinka al-Ekhbariyah. Xukuumadda Sacuudiga ayaa horey u joojisay in lagu dhawaafo Xajarul Aswadka, iyada oo laga cabsi qabo faafidda caabuqa Corona. Xajka ayaa ka mid ah 5-ta tiir ee Islaamka islamarkana laga rabo qof walba oo Muslim ah oo dhaqaala ahaan awooda in uu hal mar soo Xajiyo Qaran News
  21. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday Nuur Cade- ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada London, sida uu wilkiisa u xaqiijiyay BBC-da. Maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Britain. Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa dhawaan u xaqiijiyay in aabihii uu ku jiray isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu dabiibayay, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay cudurka Covid-19. Nuur Cadde ayaa waxaa loo magacaabay Ra’isulwasaare bishii November sanadkii 2007-dii, xilliggaas oo uu dowladda fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo . Waxaa uu Ra’iisul Wasaare ahaa tan iso 2009-kii, Nuur Cadde inta aanu noqon Ra’siulwasaare waxaa uu muddo dheer madax ka ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed. Qaran News