Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Agaasime ku-xigeenkii Goobjoog Media Group Cabdicasiis Gurbiye ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe, ee magaalada Muqdisho iyada aysan dhicin garmaqalka dacwaddiisa markii qareenadiisa ay gudbiyeen gal dacwadeedkiisa. Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaana ayaana dacwadiisa dib loo dhigay waxaana Maalintii Labaad ku xiran yahay amarka xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya lamana shaacin sababta uu u xiran yahay Cabdicasiis Gurbiye. Maaaamulka Goobjoog Media Group oo war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen xarigga wariyaha oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo soo marin sifo sharci ah. Dhanka kale ururrada u dooda saxaafadda madaxa bannaan ayaa siyaabooyin isku mid ah u cambaareeyey xarigga wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalinkii labaad u xiran dowladda Soomaaliya. Dowladda haatan jirta ayaa lagu dhaliilaa inay inta badan cabburiso saxaafadda xorta ah iyo xorriyatul qowlka. Wariye Cabdi Casiis ayaa maalinimadii shalay laga wacay degmada Hodan iyadoo ka dib la xiray oo laga qaaday xoriyadiisa waxaana uu caawa habeenkii labaad uu ku hoyanayaa xabsi aan sharci aheyn marka laga reebo inuu u xiran yahay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. The body of a popular Somali singer and guitarist Omar Abdulle Sholi who died in Mogadishu on Tuesday night has been laid to rest on Wednesday. Sholi died in a hospital in the capital Mogadishu on Tuesday night where he has been ill for the last two months. The late singer was a notable member of the famous Waberi national band. Somali Education Minister Abdullahi Godah Barre was among many who sent their condolences to the family and friends of Omar Sholi. He said Sholi was a great singer who played a huge role in promoting Somalia’s art. View the full article
  3. Gudiga ka hortaga Corona Virus ee Jubbaland ayaa Bulshada ugudbiyey Talooyinka Muhiimka u ah ka hortaga Corona Virus, sida muuqatana Dhacabku Way u hogaansameen. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Khabiir Michael Rubin oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute ee dalka Maraykanka, ayaa warbixin uu ku daabacay Warbaahinta Maraykanka kaga hadlay sida Dawladaha Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan la aqoonsani ay ula tacaalayaan Xannuunka COVID 19. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Michael Rubin oo sheegay in danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto uu kaalmooyinkii iyo deeqihii oo dhan u duway dawladda itaalka daran ee Soomaaliya, taasi oo uga gol leeyahay inay ku qabsato deegaanno badan, hase ahaatee, wuxuu Khabiirku hindisahaasi uu ku sifeeyey mid gebi ahaanba khaldan, iyadoo ay masaafo aad u yar ka taliso dawladda Farmaajo. Michael Rubin wuxuu tilmaamay in Soomaaliya 16kii sannadood ee u dambeeyey ay kaalinta koowaad kaga jirtay dalalka guul-daraystay ee caalamka, taasina ay nusqaan ku tahay in la siiyo kaalmo xad dhaaf ah. Waxa kaloo uu intaas ku daray in markii Soomaaliya laga helay Coronavirus ay caalamka ka yaboohsatay dhaqaale gaadhaya $240 Milyan oo doolar oo dheeraad ah, xilli uu Maayarka Muqdisho ku eedeeyey dawladaas inay buunbuuninayso xannuunkan. Michael Rubin wuxuu ku eedeeyey dawladda Muqdisho iyo danjiraha Maraykanka inay deeqaha caalamku siiyo Soomaalida ay u diidaan inay Somaliland qaadato qaybteeda. Waxaanu Somaliland ku tilmaamay dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo dimuqraadiyadi ka jirtay tan iyo sannadkii 1991kii. Michael Rubin waxa uu Somaliland ku ammaanay inay $15 Milyan oo doolar ay cashuuraheeda uga jartay inay kaga hawlgasho xakameynta Xannuunka Coronavirus. Waxaanu ku dooday inay Somaliland si wax ku ool ah kaga horreyso Soomaaliya dhinaca daahfurnaanta iyo Hantidhawrka. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta lagu dilay toogasho, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hooose ee duleedka Muqdisho. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa labo askari oo ka tirsanaa milatariga Soomaaliya ku dilay halkaasi, Ragga dilka geystay oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay rasaas xoogan ooda kaga qaadeen labada askari, iyagoo ka toogtay qeybaha sare ee jirka, waxaana wararku ay sheegayaan inay ku geeriyoodeen isla goobta. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi, iyadoona sidoo kale ay meesha gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo baaritaano kooban ka sameeyey deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku dila askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gudaha caasimada iyo deegaanada ku dhow-dhow, kuwaas oo marka leego, si aad ah u soo badaneyey muddooyinkii dambe.
  6. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Tifaftiraha Goobjoog Cabdicasiis Gurbiye Oo Maalintii 2-aad U Xiran Dowladda Soomaaliya.. Maamulka Warbaahinta Goobjoog ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xarigga tifatiriha Goobjoog. Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka ka jira ayaa cambaareeyay Xarigga Tifatiraha Goobjoog oo maalintii Muqdisho ku xiran. Ururada u dooda Saxaafadda Somaliya ayaa cambaareyya xarigga Weriye Cabdicasiis Gurbiye loogu gaystay Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa canshuur dhimis ku sameysay raashinka qutul daruuriga ah ee lagama maarmanka u ah bulshada. Hooyo Soomaaliyeed Oo Ka Tirsan Ciidanka “Danab” ayaa sheegtay waxa ku dhaliyay in ay ka mid noqoto Ciidanka, iyo mustaqbalka waxa ay ka filanayso. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-waredka-galabnimo15-04-2020.mp3 Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa amar ku siisay ha’yaddaha iyo shirka gaarka loo leeyahay in fasaxaan dhammaan shaqaalaha raydka ah marka laga reebo inta looga maarmi waayo shaqada maalinlaha. ayaa lagu sheegay in sheegay in ay muhiim tahay in shirkaddaha iyo ha’yaddaha gaarka loo leeyahay ay fasaxaan shaqaalaha raydka ah ee da’doodu ka weyn tahay lixdan jirka. “In ay fasax galiyaan shaqaalaha dheeriga ah ee looga maarmi karo goobta shaqada, shaqaalaha xaalado caafimaad ku sugan iyo shaqaalaha ka weyn da’da 60 jirka iyagoo aysan waxba iska bedelayn xuquuqdoodii. Shaqaalaha kuwooda aan qaadan fasax sanadeedkoodii waxa ay qaadan karaan wakhti xaadirkan fasaxyadooda.” Ayaa lagu yidhi War-murtiyeed kasoo baxay Xafiiksa Wasiirka Wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo Qoyska , Marow Hinada Jaamac Xiris Gaani Dhinaca kale waxa shaqaalaha ajaanibka ah lagu amaray in ay u hoggaansamaan awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortaga caabuqa COVID-19 iyagoo galaya 14 Maalmood oo karantimeyn ah. “Dhammaan Shaqaalaha ajaanibka ah & kuwa haysta ruqsada shaqo ee dalka, ee ka soo laabanaya dalka dibadiisu waa in ay u hoggaansamaan awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortaga caabuqa COVID-19 iyagoo galaya 14 Maalmood oo karantimeyn ah” Source
  8. Nin sameeyay balaayiin doolar xilli Dunida la daladhacayso dhibaatada Xanuunka Coronavirus Jeff Bezos aasasaha ahna madaxa shirkadda Amazom Madaxa iyo aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa faa’ido gaareysa 24 bilyan doolar sameeyay xilliga lagu gudo jiro dhibaatooyinka ka dhashay cudurka coronavirus kaddib markii ay sare u kaceen dukaameysiga iyo dalabka Online-ka ay bixiso shirkaddiisa. Jeff Bezos wuxuu leeyahay hanti gaareysa 138 bilyan oo doolar, sida laga soo xigtay wargeyska Bloomberg, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay ninka ugu taajirsan dunida. Shirkadda Amazon waxay ka faa’ideysatay dalabyada Internetka iyo dadka qaabka online-ka ah ku adeegto xilli dadka lagu qasbay inay guryahooda joogaan si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19. Shirkadda Amazom waxay shaqaaleysiinaysaa kumanaan qof si ay u maareyso dalabyada macaamiisha. Shirkadda waxaa lagu dhaleeceeyay arrinta ah inay ka gaabisay dadaallada ah in shaqaalaheeda ay ka fekerto marka ay timaaddo ka hortaggo coronavirus. Jeff Bezos wuxuu bilaabay shirkadda Amazon sannadkii 1995-tii, wuxuu ku bilaabay 100,000 oo doolar oo ay isku darsadeen isaga iyo qoyskiisa. Qaran News
  9. Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka magaaladaasi, taas oo u dhexeyso maleeshiyaad hubeysan. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa timid, kadib markii saacadihii la soo dhaafay labo qof oo Xoolo dhaqato ahaa lagu dilay deegaanka Yaaq Jiidii ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in dilka labadaasi qof uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbalamd. View the full article
  10. Qareennada u doodaya Weriye Cabdi casiis Gurbiye ayaa sheegay in si aan sharciga waafaqsaneyn loo maray habka xiridda Weriyaha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalintii labaad u xiran Dowladda Federaalka. Warqad Qareennada u doodaya Gurbiye ay u gubiyeen Maxkamada Gobolka Banaadir ayay ku muujiyeen sharci darrada uu ku xiran yahay Weriyaha oo hada ku xanuunsanaya xabsiga uu ku xiran yahay. Qaadista iyo dhageysiga Dacwad Ciqaab oo la xiriirta 220 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo talaabooyinka kale ee la xiriira sida soo saarista amarka qabashada iyo horkeenista ee uu jidanayo xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxa ay awoodeedu tahay maxkamadda degmada sida ay dhigayaan . Qodobaka 2aad farqaadiisa 4aad ee xeerka Nidaamka Garsoorka ee Tr. yahay Lr 1. Soo baxay 12-06-1962. Qodobada 2aad farqadiisa 2aad ee xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed ee tirsigiisu yahay Lr 1 soo baxay 1963. Qodobada 8aad farqadiisa 3aad ee Sharciga nidaamka Garsoorka ee tirsigiisu yahay Lr 34 soo baxay 11-09-1974. Hadaba waxa muuqanaysa in amarka ah soo qabashada iyo horkeenista ee ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir aysan ahayn mid awood sharci ah ku fadhida, maadama ikhtisaaskaasi ay leedahay Maxkamada iyo Garsoorka degmada uu degan yahay Cabdicasiis Gurbiye. Qareenada iyo Sharciyaqaanada ayaa dalbanaya sii deynta Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo soo qabashadiisa iyo horkeenista Maxkamadda Gobolka Banaadir ay hareer marsan tahay xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo kamid ah culimada ugu waaweyn ee Somaliland, ayaa si adag uga hor-yimid go’aanka ay xukuumada Muuse Biixi ku xidhayso Masaajidda deegaanadeeda, sababo la xiriira cudurka faafa ee Coronavirus ama Covid-19. Sheekh Maxamed Dirir ayaa ka dhawaajiyey in xiligan aysan jirin khatar weyn oo sababi karta in la xidho Masaajidda ku yaala Somaliland, xili ay weli furan yihiin Meelaha lagu qayilo, isla markaaana uu si toos ah u soo galo Qaadku. Somaliland ayaa shalay sheegtay inaysan awood ciidan u laheyn joojinta Qaadka, midaasi oo la yaab ku noqotay dad badan, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan oo awood u leh maamulida xuduudaheeda. Sheekh Dirir ayaa ku taliyay in Xukuumada Muuse Biixi ay go’aankeeda ka dhigto arrin ikhtiyaari ah oo qofkii awooda uu tagi karo Masaajidda, halka ka kalena uu ku tukan karo gurigiisa. “Tafsiir kalena wuu barbar socdaa oo dadku waxay aad noogu celcelinayaan laba meelood oo aad looga baqayo in bahalkaasi aad inooga soo galo labadiiba waa laga yara gabaday oo waa diyaaradda iyo qaadka, dayuuradiina dadbay keenaysaa, qaadkii oo juudaan, iyo baras iyo virus iyo waaliba sita isaguna wuu marayaa, dawladuna waxay tidhi kaas ma taataaban karayno” ayuu yiri Sheekh Maxamed Dirir. Wuxuuna intaas kusii daray “Jamacayaga ha taataabanin ayay dadku leeyihiin, anaga waxa qaadka nooga xaasaasisan jamaca, markaas haddii la leeyahay qaadku waa xaasaasi jamacuna waa xaasaasi ayay dadku leeyihin. Masjidkuna ma sahlana arrintiisu, taariikhda islaamka marka dib loogu noqdo mararka qaar waxa dhacayay cuduro aad u khatar badan oo shan kun ilaa toban kun dhimanaysay maalintii”. “Weligeed may dhicin in masaajid loo xidho ama xajka iyo cumarada la xidho, taariikhdu waxay leedahay buugaag lagu qoro, dadku way dhiman jireen waanay soo cumraysan jireen soona xaji jireen. Markaas inagoo ku mahadinayna guddiga iyo xukuumadda dedaalada waxay ku soo ururaysaa, Alle khatar inaguma keenee hadday khatar ka baqano iyo cudurkaasi inuu halkan ka faafi karo daniba way xidhi doontaa laakiin inta ka horaysa ikhtiyaar ha ahaado. Culimada 98% iyo dadweynaha arrinta ikhtiyaari halaga dhigo oo yaan qasab laga dhigin ayay qabaan oo qofkii doonaana gurigiisa haku tukado kii doonaan masaajidka”. Xukuumada Somaliland ayaa dhowaan soo saartay go’aan ay ku joojinayso in Masaajidda lagu tukado Salaadaha, xili ay weli deegaanadeeda uu soo galo Qaadka, oo ka yimaada dalka Itoobiya oo la daala dhacaya cudurka halista ah ee Coronavirus, iyada oo Madaarka Hargeysa ay ka soo dagto diyaarada Ethiopian Airlines oo dad kasoo qaada wadamo uu ka jiro cudurkaasi. Somaliland ayaa guud ahaan deegaanadeeda laga helay 5-kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus, iyada oo laga cabsi qabo in tiro intaasi ka badan uu haleelo cudurkaasi, maadama aysan weli xukuumadu soo saarin go’aano si dhab ah uga hortagaya faafida cudurkaasi.
  12. Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in Muqdisho uu si rasmi ah kaga dhaqan-galo bandow dowladda dhexe ay ku soo rogtay Caasimadda, si loo xakameeyo Covid-19 Bandowgaan ayaa wuxuu saameen doonaa guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo uu istaagi doono isku socodka dadka iyo gaadiidka. Sidoo kale waxaa la hakin doonaa goobaha ay dadka ay ku kulmaan, sida maqaayadaha lagu shaaxo iyo kuwa laga cunteeyo. Koroneul Cabdi Aadan Barre oo ah khabiir dhinaca amniga ah ayaa sheegay in bandowgaan uu saameyn ku yeelan doono shacabka, marka loo eego dhaq dhaqaaqa habeenkii ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay fiicnaan laheyd in loo dhib-yareeyo shacabka oo uu tilmaamay inay u badan yihiin dad danyar ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Cod-Zakariye.mp3 View the full article
  13. MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Hassan Ali Khaire has directed the Ministry of Finance to swiftly deliver COVID-19 funds to the regional states and the Banadir Regional Administration to curb the spread of the virus. Source: Hiiraan Online
  14. African journalists are increasingly harassed or threatened by security services while reporting the news during the Covid-19 period, according to a number of media watchdogs and journalist associations that have been tracking abuse of reporters. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta cafis u fidiyey maxaabiis ku xirnaa xabsiga magaalada Baydhabo ee G/ Baay. Maxaabiista ka faa’iideystay cafiska Madaxweynaha ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay illaa 11 maxbuus, kuwaas oo ku eedeysanaa dambiyo kala duwan. Halkaan hoose ka aqriso: View the full article
  16. National Assembly Majority leader Aden Duale has dismissed a plea by President Uhuru Kenyatta to have willing civil servants, including MPs, take pay cuts to raise funds for fighting COVID-19. Source: Hiiraan Online
  17. Waxaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla Iskool Buluusiya fanaankii caanka ahaa ee Cumar Cabdulle Shooli oo xalay ku geeriyooday gudaha magaalada Muqdisho. Fanaanka oo 2-dii sano ee la soo dhaafay xanuunsanaa ayaa u geeriyooday cuduro is-biirsaday oo ay ka mid yihiin Dhiikar iyo Sokor, sida ay sheegeen caruurtiisa. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ifka uga tegay 21 ubad ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal, kuwaas oo ku kala nool, gudaha dalka iyo dibaddiisa. Aaskiisa oo aan si weyn loo maamuusin, ayaa waxaa ka qeyb galay oo kaliya dad kooban oo tegay qabuuraha Iskuul Buluusiya oo fanaanka lagu aasay. Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/WARKA-ISMACIL-TURKI-aaska.mp3 View the full article
  18. Six people including a Kenya police reservist who were killed by alleged Alshabaab militia at Khorof Harar in Wajir County have been buried with locals seeking answers from the government. Source: Hiiraan Online
  19. Terminal operator DP World has ordered eight Liebherr rubber tyred gantry cranes for its terminal in Berbera, Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. Haweenay 50 sano ka hor ogaatay June Almeida Haweeneydii ugu horeysay ee ogaatay fayraska corona ee bina’aadamka ku dhaca ayaa ahayd gabadh uu dhalay nin darawal bas ahaa oo u dhashay Ireland. Gabadhan ayaa iskuula isaga tagtay iyada oo 16 sano jira ahayd. June Almeida ayaa noqtay haweenay sheybaarka ku ogaatay sawirada fayraska waxayna aad isugu mashquulisay ogaanshiyaha cudurka saf-mareenka ah ee imika caalamka ka jira. Covid-19 ayaa hadda ah fayras, balse waa nooc ka mid ah coronavirus oo ay horey shaaca uga qaaday Dr Almeida sannaddii 1964, taasi oo ay ku ogaatay sheybaarkeeda St Thomas oo ku yaalla magaalada London. Haweenaydan ku taqasustay cudurada fayraska ah ee faafa waxay dhalatay bishii June sannadkii 1930, waxayna ku kortay meel u dhaw Alexandra Park oo ku taalla waqooyiga-bari ee magaalada Glasgow. Coronaviruses waa koox fayrasyo ah kuwaas oo leh wax u eg koofida boqorka marka lagu eego qalabka shaybaarka. Iskuulka ayay isaga baxday, mana aysan lahayn waxbarasho aasaasi ah, balse waxay shaqo ka heshay sheybaar lagu magacaabo Glasgow Royal Infirmary. Markii dambe waxay u wareegtay magaalada London oo ay waxbarsho dheeraad ah ka heshay. Waxa ay guursatay sannadii 1954-tii nin u dhashay dalka Venezuela oo lagu agacaabay Enriques Almeida, oo farshaxanka sameeyay. Cilmi-baaridda Hargabka Lammaanahan iyo gabadhooda yar waxay u wareegeen magaalada Toronto ee dalka Canada waana halkaas meesha ay ku soo bandhigtay xirfaddeedii aadka u sareysay ee culuumta shaybaarka, sida uu sheegay George Winter, oo wax ka qora cilmiga caafimaadka. Waxay soo bandhigtay qaabka ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo sawirka fayraska iyada oo la adeegsanayo shaybaaro casri ah. Winter ayaa BBC u sheegay in hibadeeda laga aqoonsaday dalka Britain, sannadii 1964 oo ay ka shaqaynaysay isbataalka St Thomas’s oo ku yaalla magaalada London, kaas oo ah isbataalka hadda lagula tacaalayo fayraska Covid-19, laguna daweeyay ra’isul wasaaraha Britain Boris Johnson. Waxaa ay sidoo kale la shaqaysay Dr David Tyrrell, oo sameynayay cilmi-baarid ku saabsan hargabka ama duriga. Dr Almeida ayaa sheegtay in ay jiraan feyrisyo la mid ah hargabka. Dhaqaatiirta waxay ka mid yihiin dadka halista ugu jira in ay qaadaan fayraska corona. Waxay farta ku fiiqday wax noqday Feyriskii ugu horeeyay ee coronavirus. June Almeida ayaa geeriyootay 2007, iyada oo ay da’deedu ahayd 77. 13 sano ka dib geerideedii waxay helaysa aqoonsi ku saabsan in ay tahay qofkii ka shaqeeyay in la fahmo fayraska hadda ku faafay caalamka oo dhan. Qaran News
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-150420.mp3 View the full article
  22. Qaahira (Caasimada Online) – Sarkaal boolis ah iyo toddoba la tuhunsan yahay inay yihiin mintidiin ayaa habeenkii Talaadada ee xalay lagu dilay is-rasaaseyn dhex martay kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ay heshay xogta weerar la rabay in lagu qaado Kirishtanka Kaniisadda Coptic, sida ay wasaaradda sheegtay. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in saddex boolis oo kale lagu dhaawacay iska hor-imaadka. Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in akhbaarta ay heshay ay muujineysay in koox Takfiiri ah oo ku sugan bariga magaalada Qaahira ay qorsheyneysay howl-gal argagixiso oo lagu beegsanayo Kirishtanka Coptic, inta lagu guda jiro toddobaadka ay u dabaal-degaan ciidda Easter Sunday. Kirishtanka Kaniisadda Coptic, oo ah 10% shacabka Masar ee 100-ka milyan ah, ayaa ah bulshada Kirishtanka ee ugu badan Bariga Dhexe. Waxay maalinta Easter Sunday u dabaal-degaan 19-ka April. Masar ayaa ereyga Takfiiri u adegesata inay ku qeexdo Mintidiinta Islaamiga ah ee dalkaas. Hub iyo rasaas ayaa laga helay goobta uu iska hor-imaadka ka dhacay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha. Dacwad-oogaha Masar ayaa sheegay in koox baarayaal ah loo diray goobta uu iska horimaadka ka dhacay oo ku taalla degmada Al-Amiriya ee magaalada caasimadda ah. REUTERS + VOA
  23. Cramped living conditions, adverse socio-economic backgrounds, and poor language skills have been suggested as the reason for immigrants' over-representation. Source: Hiiraan Online