-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Geneva (Caasimada Online) – Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa si adag u difaacay sida hay’addiisa ay ula tacaashay faafitaanka cudurka Coronavirus, isaga oo ka jawaabaya eedeynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in laga yaabo inuu maal-gelinta ka jaro ururka. Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta “siyaasadeynta” xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan “hoggaan daacadnimo ah”. Tedrso ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mareykanka uu sii wado taageerada uu siiyo ururka. Trump iyo maamulkiisa ayaa Arbacadii sii waday dhalleeceynta ka dhanka ah ururka. Xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Washington ay qiimeyneyso lacagta ay ku taageerto ururka, isaga oo sheegay in hay’adaha caalamiga ah ee hela lacagta canshuur bixiyayaasha Mareykanka looga baahan yahay inay kasoo baxaan hadafyadooda. Si kastaba, Pompeo ayaa diiday is-beddel iminka lagu sameeyo hoggaanka WHO. Mareykanka ayaa sanaddii 2019 siiyey WHO lacag ka badan 400 oo milyan oo dollar, taasi oo laba goor ka badan tan dalka labaad ee kusoo xiga. Shiinaha ayaa bixiyey kaliya 44 milyan. Trump ayaa sheegay in lacagta Shiinaha ay bixiyaan ay aad uga yar tahay tan Mareykanka, taasina “aysan ahayn caddaalad.” Trump ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas, isagoo ku eedeeyey WHO inay ka caawiso Shiinaha inay qariyaan. Hase yeeshee, Tedros ayaa ku adkeystay in WHO ay dunida “la socod siisay xogta, akhbaarta iyo caddeymaha” cudurka markii uu kasoo shaac-baxay Shiinaha, December 2019. Tedros, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Shiinaha, waxa uu sidoo kale diiday eedeymaha Trump ee ah in WHO ay tahay hay’ad ay “China saldhig u tahay”, wuxuuna sheegay “inay ku dhow yihiin dal kasta.” REUTERS + VOA
-
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu dalka soo gaaray waxa uuna tilmaamay in dad uu garanayo ay xanuunka u geeriyoodeen kuwaas oo uu shaaciyay inaysan ka imaan dibadda oo ay ku ku sugnaayeen dalka. Waxa uu hoosta ka xariiqay guddoomiyaha in dadkaas u geeriyooday COVID-19 qaarkood la aasay halka qaarka kalane aan wali la aasin sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna yiri “Cudurkaas waa uu soo gaaray dalka dad badan ayaa u ila daran qaarna wey u dhinteen aan anigu garanayo oo aan dibad ka imaan oo dalkooda jooga ayaa ku dhintay oo qaar hadda la aasay qaarna aan wali la aasin” Dhanka kale guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay halista uu leeyahay cudurkaan isaga oo sheegay in si fudud loo kala qaadi karo cudurkaan, waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee loo jeedinayo. “Arrintaas waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo sidaa darted talloyinka la didin siinayo waa in sida uu yahay loo qaato” ayuu hadalkiisa ku sii daray duqa Muqdisho Cumar Filish. Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay sheegtay in muwaadin Soomaaliyeed oo aan dibad ka imaan oo 58-sanno jira ahaa uu magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka COVID-19, waxaana korortay tirade guud ee Corona ee laga diiwaan galiyay Soomaaliya taas oo gaartay 12 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Deegaanka qayib iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid, waana kuwa loogu talagalay iney hawlgallo ammaanka lagu sugayo ka sameeyaan gobolka. Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa isaga baxay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, waxaana la ogyahay in kooxaha Islaamiyiinta ah ay halkaas ku lahaayeen awood buuxda ka hor inta aysan isaga guurin maadaama ay ka war heleen ciidamada kusoo foolka leh halkaas. Dadka ku sugan deegaanadaas oo xogo siiyay warbaahinta gudaha ayaa qiray in kooxahii gacanta ku hayay deegaanka ay isaga baxeen iyadoo aysan jirin wax dirir ah oo ay la galeen ciidamada Dowladda ee soo gaaray deegaanka. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa carabka ku dhuftay in Ciidamada ay hawlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano ay ka mid yahiin Cadakibir, balse ma jiraan wax hadal ah oo kasoo yeeray saraakiisha hawlgalka hogaamineysay ee la wareegay deegaanka Qaayib. Deegaano ka tirsan Gobolka Galdaduud ayaa waxaa ku sugan oo gacanta ku hayo kooxda Al-Shabaab, waxaana jiro qorsho uu Maamulka Galmudug ku doonayo in lagu xoreeyo deegaanadaas. Ciidamo tiro badan ayaa waxaa tababar loogu soo gabagabeeyey meel u dhow Dhuusamareeb, waana ciidamada loogu talagalay in lagu weeraro meelo ay kamid tahay Ceelbuur iyo deegaano badan oo hoos tago.
-
Mogadishu (PP) — The less physical money in circulation in Somalia proves a blessing in disguise. Cash changing hands turned out to be a transmission source of Covid-19 in many countries. In London the daughter of a taxi driver, who died of complications from Covid-19, said her father “contracted the illness as a result of handling cash from customers”. China had to withdraw a lot of cash from usage to contain spread of Covid-19. Many Somalis are wondering how they would cope with the voluntary lockdown had the ubiquitous mobile money services not been available in the Horn of Africa country. People would be using cash and unwittingly increase the rate of infections in a country with inadequate health services. “Mobile money services play a significant role in containing the spread of Covid-19 because a fewer people will handle cash” says Faisal Jama, the owner of a convenience store in Bosaso. “Still people must apply preventive measures such as social distancing, washing hands with soap for 30 seconds, and self-isolation in case one has cold and symptoms of Covid-19” Jama added. The Federal Government of Somalia has a plan to print Somali Shillings. The global health emergency could put the plan to print Somali Shillings on hold. © Puntland Post, 2020 The post SOMALIA: MOBILE MONEY USAGE REDUCES SPREAD OF COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kala dhex galay Labo Malleeshiyo Beeleed oo ku dagaallamay degaanka Balli-cad oo dhaca xadka gobalka Galgaduud uu la wadaago dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa booqday degaannada lagu diriray, markii ay Ciidamada Qaranku la wareegeen degaannada lagysku hayo, waxaana la filayaa in ay goobta gaaraan Odaasha dhaqanka ee Beelaha ay dirirtu dhex martay si loo kala qaado Malleeshiyaadkii dagaallamay. Dagaal Maalin ka hor ka dhacay Balli-cad ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 15 Qof oo ka tirsan Labada djinac, iyadoo tira intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen. Waa markii ugu horaysay oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya halkaas gaaraan tan iyo wixii ka dambeeyay 1983-dii, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen Odayaasha degaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Helsinki (Caasimadda Online) – Tirada dadka Soomaaliyeed ee u dhimanaya xanuunka COVID-19 ayaa sii kordhaysa, iyadoo 24 saac ee la soo dhaafay ilaa sadex qof u geeriyoodeen cudurka. Shalay, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday oday 58 sano jir ah oo la oran jirey Shariif Maxamed, kaas oo noqday qofkii ugu horeeyay oo xanuunkaas ugu geeriyooday gudaha dalka. Dalka Finland waxaa ku geeriyooday Sheekh Wacdi Aw-Aadan. Waxaa uu ahaa Sheekh weyn oo aad loogu yaqaanno fidinta diinta iyo heshiisiinta Soomaalida ku nool dalalka Yurub gaar ahaan Finland. Xalay ayuu cudurka COVID-19 ugu geeriyooday dalkaas, jaaliyadda dalka Finland ku dhaqan ayaa si weyn ugu murugooday geerida Sheekhaas, Allah u naxariistee. Dalalka UK iyo Sweden ayaa ah labada dal oo ay ku dhinteen Soomaalida ugu badan oo xanuunka safmareenka ah uu haleeley. Dhaka kale Kiisaska Xanuunka Covid-19 ayaa hada gaaray 1.5 millyan adduunka oo dhan guud ahaan iyadoo Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ay ku dhintaan tirada ugu badan ee dhimashada hal maalin tan iyo markii uu cudurka dillaacay. Laakiin dalal ay ka mid yihiin Kuuriyada Koofurta iyo New Zealand, waxaa jira caddeyn muujineysa in bandowga, tijaabada, la socoshada iyo karantiilista bulshada ay gacan ka geysan karto yareynta faafitaanka viruska. Xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins University waxa ay muujineysaa in 1.5 milyan oo qof oo qaba COVID-19, ku dhawaad 330,000 ayaa ka soo kabsaday. In kabadan 88,500 oo qof ayaa ku dhintey iyadoo Mareykanku warbixintiisa ku sheegay 1,850 dhimasho Arbacadii, iyo Boqortooyada Ingiriiska, 938 waana tiradii ugu badneed oo hal maalin tan iyo markii cudurku ka dilaacay Shiinaha dabayaaqadii sanadkii 20-kii.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Magaalada Muqdisho kusoo rogto go’aan adag oo hor leh oo looga hortagayo cudurka COVID19 oo kusoo badanayo Magaalada Muqdisho. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin oo ah xubin ka mid ah guddiga heer federaal ee ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa tilmaamay inay Muqdisho u baahan tahay go’an adag iyadoo la iska ilaalinayo in cabsi lagu abuuro dadka Shacabka ah. Waxaa la filayaa in la mamnuuco isu imaatinka dadweynaha, sidoo kalana waxaa go’aamada ka mid noqon doono in Salaada Jimcaha soo socoto aan lagu dukan Masaajida, waxaana laga yaabaa in guud ahaan la xiro Masaajidda. “Xitaa hadii ay noqoto in naf la badbaadiyo waxaa haboon in awood ciidan la adeegsado si loo dhaqan-geliyo go’aanada adag,” ayuu yiri Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin Dhanka kale Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin ayaa sheegay in la qiyaasayo in Magaalada Muqdisho uu si weyn ugu faafi doono cudurkaan todobaadyada soo socdo. “Muqdisho waxey wajahi doontaa isbuucyo xanuun badan, dad badan buu soo ridan doonaa Corona, wasaarada Caafimaad shaqaalaheeda badankooda baaritaan baa la marsiiyey maadama laba naga mid ah laga helay, natiijadana waan arkeynaa,” ayuu tilmaamay Dr Cabdirisaaq. Howlwadeenada la baarayo waxaa kamid ah isla Jamaaludiin maadaama uu kamid ahaa shaqsiyaadkii la shaqeeyay saraakiisha qaadey caabuqa, balse wuxuu ka gaabsaday in ay wasiir Fowziya Abiikar Nuur kamid tahay. “Annaga ma xamili karno in aan karan-tiilno dad badan, laakiin xalka ugu wanaagsan waa dadka in ay iyaga is-karan-tiilaan, ayna xoojiyaan difaacooda oo ay cabaan biyo badan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. waxaa Soomaaliya laga xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus. Wasiirka Caafimaadka oo ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa arrintan xaqiijisay. Waxay wasiiraddu sidoo kale shaacisay afar kiis oo hor leh oo coronavirus ah. Isku darka tirada kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda noqoneysa 12.
-
Qareenadii u doodayay xisbiga Himilo Qaran ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in dacwaddii ay ka gudbiyeen hey’adda duulista ay iyagu ku guuleyteen islamarkaana loo xukmiyay in lacag magdhaw ah waxaaana sidoo kale ay tilmaameen in maxkamaddu go’aamisay in hey’addaasi ay ku qaldanayd in ay is hor istaag ku sameeyaan wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Qareenada ayaa intaas waxa ay ku dareen in waxyaabihii loo go’aamiyay ay ugu waa weynaayeen labadan qodob. In ay qalad aheyd go’aanka lagu hor istaagay safarka madaxdii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed loona baahan yahay in ay si deg deg ah raali gelin uga bixiso hay’adda duulista Soomaaliya. in hay’adda duulista rayidka ay shubto qarashkii ay galeen mas’uuliyiinta safarka ku wajahnaa, kaas oo ay ka midyihiin hoteelo la kireeyay, gaadiid iyo duulimaadka oo qarash ku baxay islamarkaana iyagoo aan safrin ay waajib ku noqotay in laga qaado. Dhanka kale Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee Himilo qaran ayaa waxa uu soo dhoweeyay go’aanka ay ka maxkamadda sare ka soo saartay dacdii ay ka gudbiyeen xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan hey’adda duulista rayidka. Qoraal kooban oo ka soo baxay xisbiga ayaa lagu yiri sidan “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Maxkaamadda sare ee dalka ka qaadatay dacwaddi laanta fulinta laga gudbiyay gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada” Sidoo kale xisbiga waxa uu sheegay in faahfaahin rasmi ah ay ka bixin doonaan sida ay u dhacday dacwaddaasi “Xisbiga wuxuu faahfaahin doonaa sida dacwadda kiiskaas loo qaaday iyo go’aanka Maxkamadda”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa amar dul-dhigay maleeyshiyaadka ku hubeysan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha Guutada 7aad, Cumar Cabdiraxmaan Abuukar, ayaa faray saraakiisha gobolka in ay hub ka dhigis ku sameeyaan maleeyshiyaadka. Isagoo hadalkiisa sii wata, Gaashaanle Dhexe Cumar ayaa tilmaamay in hubka ku jira gacanta rayidka ay sababeen dagaaladii ka dhacay degmada Wanlweyn. Hogaanka ciidamada ayuu hoosta ka xariiqay in uusan u dulqaadan doonin wixii haatan ka dambeeya in hub ay wataan maleeyshiyaadka. Tobanaan ruux ayaa lagu dilay dagaal beeleedyo todobaadyaddii lasoo dhaafay ka dhacay Wanlaweyn, iyaddoo colaada ay salka ku haysa aanooyin qabiil iyo loolan siyaasadeed. View the full article
-
Cadaado (SMN) – Xaalada degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo ayaa lagu waramay in ay ka jirto deganaanshiyo. Degaanadda ay xasiloonida laga soo sheegayo ayaa kala ah; Dhabad iyo Foron-tiyeer oo u dhaxeeya degmada Cadaado iyo magaaladda Caabudwaaq. Ciidamadda Xoogga ee ka howlgala halkaas ayaa lagu soo waramay in ay ku guuleysteen in ay kala dhex-galaan dhinacyadda dagaalamay. Dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyey in ay sababeen isku-dhacyadda oo salka ku hayey aanooyin qabiil oo beelaha dhexmartay. Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa horey ugu baaqay joojinta colaada isla markaana wuxuu faray ciidamadda in ay qaboojiyaan dagaal beeleedyada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu baarayo qof kasta oo ku dhinta magaalada Muqdisho, si loo hubiyo inuu u geeriyooday coronavirus. Sababta loo soo saaray amarradan cusub ayaa lagu sheegay inay tahay si looga feejignaado xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo horayba kiisas ka mid ah looga soo tabiyay Soomaaliya. “Waxaan dooneynaa in dadka la aasayo aan ka ogaanno xanuunnada ay u geeriyoodeen, si loo hubiyo inay leeyihiin yihiin astaamaha cudurka coronavirus, markaas haddii ay dhacdo inuu qofkaas u dhintay xanuunkaas, waxaan amarradan ugu talagalnay isidii loo xakameyn lahaa inuusan sii faafin cudurkaas”. ayey tiri Basmo Caamir Axmed, oo ah Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada ee gobolka Banaadir. Hase ahaatee waxaa la is weydiinayaa sida uu ku suura geli karo amarkan, maadaama ay jiraan dad ku geeriyooda meelo aan aheyn Isbitaalada, sida guryaha iyo meelo ka baxsan Muqdisho. Guddoomiye Basmo ayaa sheegtay in maamulka gobolka uu awood u leeyahay inuu gaaro meel kasta oo ka mid ah gobolka Banaadir, iyadoo beenisay in ay jiraan meelo aysan shaqaalaha caafimaadka u tagi karin sababo amni darro awgood. “Dowladda meel aysan tagi karin ma jiro. Degmooyinka gobolka Banaadir meel maanta naga xiran oo aannaan gaari karin inay jirto uma maleynayo”, ayey tiri. Waxay Basmo hoosta ka xarriiqday in amarka kasoo baxay maamulka uusan micnihiisu ahayn “lama aasi karo qof meyd ah”. waxaa Soomaaliya laga xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus. Wasiirka Caafimaadka oo ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa arrintan xaqiijisay. Waxay wasiiraddu sidoo kale shaacisay afar kiis oo hor leh oo coronavirus ah. Isku darka tirada kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda noqoneysa 12.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa xalay dib ugu laabtey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kadib markii habeen ka hor uu safar deg deg ah ku tegay Magaalada Gaalkacyo. Xaaf oo sheegay in uu u tanaasuley Shacabka Galmudug ayaa maalmo ka hor waxaa uu tegay Magaalada dhuusamareeb, isaga oo kulan la qaatey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. War Kooban oo kasoo baxey Xafiiska Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay in safarka deg dega ahaa ee uu ku tegay Magaalada Gaalkacyo uu ahaa mid isaga u gaar ah,hayeeshee uu dib ugu laabtey Dhuusamareeb. “Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u dhigay safarka Madaxweynaha balse waxaanu u cadeyneyna in arimo gaar u ah isaga uu u baxay Madaxweynuhu dibna ugu soo laabtay Caasimada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxey Xaaf. Maalmaha soo socda ayaa la filaya in Xaflad kooban lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isla markaana uu xilka sirasmi ah ugu wareejiyo Madaxweynaha la doortey ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ku guuleysay inuu la heshiiyo dhinacyada siyaasadda ee kasoo jeedo deegaanada Galmudug, waxaana Magaalada Dhuusamareeb ku sugan inta badan xildhibaanadii sida weyn uga soo horjeeday doorashadiisa. Axmed Qoor Qoor ayaa muujiyey dabacsanaan siyaasadeed, wuxuuna juhdi badan ku bixinayaa sidii uu u sharciyeysan lahaa kursiga uu ku fadhiyo oo muran badan ka dhashay.
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay inay hayaan laba Qof oo looga shakisan yahay inuu hayo Xanuunka Dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19. Labadan Qof oo dumar ah ayaa lagu hayaa Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawladda deegaanka Soomaalida, waxaana laga qaaday dheecaano si loo hubiyo in Xanuunka hayo iyo kale. Sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, Dr. Yuusuf Maxamed oo Shalay Saxaafadda la hadlay, waxaanu sheegay in labada Dumarka ah ee laga shakiyey midkood ka timid Magaalada Burco oo Somaliland ah, Xaaladdeedana lagu ogaaday Magaalada Wajaale oo ay safar ku tagtay. Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xaruntii aanu diyaarinay waxa jooga laba Gabdhood, mid waxay ka timid Diridhaba da’deeduna waa 24 jir, taas oo looga shakisan yahay Cudurka, Gabadh kale oo 45 jir ahina waxay ka timid Burco oo ay gaadhay, wayna ka soo noqotay, waxaana laga soo gudbiyey Wajaale, dhiiggagii looga baahnaa waanu ka qaadnay, natiijadana Addis Ababa ayaanu ka sugaynaa..” Source
-
Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waa arrin si weyn u taabanaysa dareenka Masiiriga ah ee shacabka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay marka la soo hadal qaado xadanto iyo xaalad hor leh ku abuurayaan Muwaadiniin badan oo sida xaqiiqdu tahay xaasaasiyad iyo xumad ka qaba magaca Soomaaliya gabi ahaantiiba. Waxa kale oo iyaduna hubaal ah in aanay ahayn arrimo sahlan oo si’ dhayal ah looga dooddi karo amma la wadaagi karo masuuliyadahooda iyo ku metelaada Qaranka JSL, taasoo ahayd sababtii wax ka bedelka loogu sameeyey 5-tii Feb 2012-kii xeerkii hore loogu mamnuucay arrimaha Soomaaliya ee ay goleyaasha Xeer-dejintu soo saareen 2003-dii, kaasoo tirsigiisu ahaa JSL/GB/01/10/2003. Fadhi wada-jir ah oo labada gole ee baarlamanku yeesheen taariikhda kor ku xusan ee sanadkii 2012, ayaa waxa ay xukuumadda si buuxda awood ugu siiyeen ka qayb galka shirarka loo arko in ay dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland, taasoo shacabka iyo qaybaha kale ee bulshada ka reebaysa in ay door ku yeeshaan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Labada qodob oo lagu daray Xeerkaasi iyadoo aan waxba laga bedelin qaab-dhismeedkii, luuqadii iyo ujeeddooyinkii loo sameeyey kolkii hore, ayaa kala ahaa sidan; 1.In Xukuumadu ka qayb gasho shirarka loo arko in dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland. 2.Maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan. Waa Maxay sirta ka dambeysa durbaanka Madaxdhaqameedka iyo Siyaasiyiinta ee ku wajahan wada-hadallada? Haddaba, iyadoo uu sidaasi xaalku yahay sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba, waxna aanay iska bedelin qadiyada jamhuuriyada, ayaa waxa todobaadkii la soo dhaafay qalabka warbaahinta ka soo muuqday xubno isugu jira Madaxdhaqameed iyo Siyaasiyiin u ololleynaya wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo afar sannadood ku dhow sababo siyaasi ah iyo kuwo farsamo hakad u galay, in dib loo bilaabo iyo in Madaxdhaqameedka Somaliland laga talo-geliyo, isla markaana golaha dhaqanku door ku yeesho ergada ka qaybgelaysa. Maba xuma haddii uu jiro amma taagan yahay mowduuc ku saabsan arrintaasi oo ay fooshiisu muuqataaye, madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiintan oo ay qaarkood kamid ahaayeen raggii dalka u soo halgmay, ayaa waxa hadalladooda laga dareemayey in ay qadiyada wada-hadallada uga faa’idaysanayeen ujeedooyin siyaasi ah amma ay si ula-kas ah cadaadis ugu saarayaan xukuumadda in ay si debecsan oo aan ka fiirsasho lahayn u waajahdo wada-xaajoodka Soomaaliya u dhexeeya. Dareenkan fasirraadeed oo laba sabab-boodba ku imanaya. 1. In aan mowduucaasi wakhtigan taagnayn, sabab loo hilaadiyaana jirin. 2. In xubnaha hadlay luuqadooda laga dareemayey in aanu wanaagsanayn xidhiidhka ka dhexeeya xukuumaddu, taasina ay sabab u tahay in ay u arkaan meelaha xukuumaddu ka damqanayso. Xubno kamida Isimadu waxa ay, sidoo kale isticmaaleen kelmado ay ku jirto “Soomaali ma kala maaranto”oo ah weedh ay inta badan isticmaalaan Siyaasiyiinta Soomaaliya marka ay beer-laxowsanayaan Shacabka Somaliland, isla markaana ay adeegsadaan dadka u jan-jeedha dhanka midnimo-doonka ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Hadalka madaxdhaqameedka iyo Siyaasiyiinta ka hadlay wada-hadalladu, waxa uu furay dood iyo muran aan xilligoodii la joogin oo ay daraf kale oo ka soo horjeedaana uga fal-celiyeen si aragtidooda ku lidi ah, taasoo ka dhigan in uu curiyeen muran iyo tirtirsi aan meesha oolin oo aan xataa dareenka bulshadu qaadi karin xaalada adag ee lagu jiro wakhtigan. Geesta kale, waxa ay dareen ku abuurtay dooddaasi Hay’addaha Dawladda, gaar ahaan kuwa xukuumadda u qaabilsan siyaasadda dibada oo u arkay qorshe lagu soo gacan-togaleeyey shaqadooda iyo in sida runtu tahay Odayaasha dhaqanku ka soo gudbeen xayndaabka. Labadaas qodob oo daw ku ah in lagaga jawaab celiyo durbaanka ay Salaadiinta iyo isimada kale u tumeen wada-hadallada u dhexeeya labada dawladdood ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa dhinac kale marka laga joogsado waxa ay weedhaamintoodu saameynaysaa warbaahinta sida xil-kasnimada iyo xirfadnimada ka madhan u tebinayey oo ay lafteeda muuqato in ay Olollaha aan ujeedadiisu caddayn qayb ka yihiin. Si kastaba ha ahaatee, Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta hadalka ku badhi-taaray-ba iyagoo xushmad iyo qadarin inaga mudan, ma sarrifi karno sababta iyo ujeeddada ku keliftay in ay ilaa heer saloolshaan qadiyadaha xaasaasiga ah ee Mustaqbalka qaranka iyo masiirka umadda oo dhan taabanaya, iyaga oo u buha-buhaynaya sidii xaajo dhaqan oo geed iyo gole taalla amma lagu kala-tagsan yahay ka-tashigeeda iyo toobiyaha lagu xalillayo. Hase yeeshee, Waxa dhici karta oo xaqiiqo ah, in dadka qaar maleeyaan in odayaasha ay ka hadliyeen gacmo-siyaasaddeed oo si uun uga shidaal-qaadanaya caddowga Jamhuuriyada Somaliland, taasoo haddii lays-tuso amma uu yimaado shaki noocaas ah, iyada qudheedu halis ku ah is-aaminnaada iyo kalsoonida qaranka, wallow aanay ahayn iminka xujjo iyo xan cid ku lug leh si cad farta loogu fiiqay,noqon-na karta jirto in laga waantoobaana ku suurto-geli karto maslaxad iyo muquunin sharci oo la sababsaday. Maxaa la gudboon madaxdhaqameedka, Siyaasiyiinta iyo Saxaafadda? Sidaasi darteed, Madaxdhaqameedka mid-baa la gudboon ah, in aanay nusqaamin kaalinta dhaqan ee ay bulshada iyo qaranka ugu jiraan, isla markaana aanay mindi-roortayn iyo jahawareer gelin arrimaha masiiriga ah ee Dalka, hagaajiyaana wada-shaqaynta iyo kalsoonida Dawladda ka dhaxaysa, sidoo kalena ay masuuliyadaha dastuuriga ah uga dambeeyaan Hay’addaha shacabku u igmaday ee fulin, xeer-dejin iyo Garsoorba dheeli-tiran. Waxa kale, oo Madaxdhaqameedka looga baahan yahay in aanay ku dhex-milmin asxaabta siyaasadda iyo kooxaha ku kala abtirsada Mucaaridka iyo muxaafidka, balse ay taasi bedelkeeda noqdaan Odayaal loogu soo hagaaggo horumarinta danta guud ee umadda, ka-talinta ayaaha wanaagsan ee bulshooyinka ay dhaqanka u yihiin iyo astaanta geedka nabada iyo samaha umaddaha. Geesta kale, Siyaasiyiinta oo ay ugu horeeyaan hogaamiyeyaasha asxaabta Qaranka muxaafid iyo mucaarid midkay doonaan ha noqdeene iyo jileyaasha sida caadadda noqotay la kala safta labadaas dhinac, waxa quman in ay fahmaan masuuliyadda guud ee ka dhaxaysaa in ay tahay hogaaminta afkaarta bulshada oo dhan, taasoo micnaheedu yahay in uu daraf waliba xambaarsan yahay fikirka qayb kamida Bulshada oo taageersan, oo ku ayidaya talaabo kasta iyo tallo kasta oo uu soo jeediyo sax iyo khalad midkay tahayba. Waa hogaamiyeyaasha Siyaasadda’e, waxa dhab ahaan looga baahan yahay in ay u dhaqmaan si waafaqaysa kaalinta hogaamineed ee ay qaranka ku leeyihiin, kana dheeraadaan in ay horseed u noqdaan kala-qaybsanaan Jamhuuriyada Somaliland mar kale sollansiisa in ay qaado dariqii ay ku luntay 1960-kii gobanimadii la qaatay. Dhinaca kale, Suxufiyiinta da’da yar iyo kuwa garaada-gooyey ee dalka iyo dadkaba tacabka badan u soo huray, innaga oo dareensan duruufaha ay ku shaqeeyaan iyo caqabaha ku gedaaman waxa aynu kula talinaynaa in ay xakameeyaan dareennada ceebta u soo jiidaya mihnadooda iyo in aanay falanqeynta arrimaha masiiriga ah uga wacaal doonin dad aan ehel u ahayn oo haddana dhegaha bulshada saameyn ku leh. Haddii aan si’ kale u dhigno Wariyeyaashu waa in aanay abla-ablaynta Siyaasadda ka raadin Isin dhaqan oo huwan sharaf iyo Karaamo dadkiisu ku maamusay. sidoo kalena waa in aan qalabka Warbaahintu iyadoo geel loo heesayo aanay gorayo u heesaan, sida ay muujinayso doodda iminka bilaabantay ee ku saabsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya , xilli ay dalalka adduunku la-tacaalayaan caafimaadka iyo maaraynta nololsha Dadkooda, iskana laabeen dhamaan barmaamujyadii kale ee ay dawladdaha iyo dunida kala dhexeyeey, Somaliland-na dhawaaqa iyo qaylo-dhaanta qudha ee dhegaha bulshada u furani ay tahay xakameynta Cudurka Corona Virus ee caalamka ku faafay. Wariyeyaasha iyo Warbaahinta, waxa ku waajib ah in ay dedaalka iyo diirada xirfadooda geliyaan wakhtigan sidii ay kaalintooda uga ciyaari lahaayeen samato-bixinta dadka iyo dalka, oo ay xataa yeeshaan door ay bulshada ku hogaaminayaan qaab kasta oo aynu kaga badbaadi karno sadhada caafimaad ee socota “alle ha inaga badbaadiyee isagaa awood u lehe” Ugu dambeyn, durbaanka wada-hadalladu yaanu qaranka ku noqon Corona-virus labaad, dhamaanteena aynu mideyno awooddeena dad-deed, aqoonteena iyo itaalkeena dhaqaale si aynu kufka iminka iyo kabashada dambeba u maarayno innaga oo Qaran ah. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) Hargeysa/Somaliland Email: curad1986@hotmail.com Source
-
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa walaac xooggan ka muujisay faafidda cudurka Coronavirus oo laga cabsi qabo in uu si xawliya ugu faafo magaalada Muqdisho. Dr. jalaaludiin Yuusuf Axmed oo ka tirsan saraakiisha sare ee Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka oo wareysi siiyay warbaahinta lagu magacaabo DALSAN, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay wajihi doonto todobaadyo xanuun badan oo cudurka Coronavirus uu dad badan soo rito “Muqdisho waxey wajahi doontaa todobaadyo xanuun badan dad badan buu so ridan doonaa Carona wasaarada Caafimaad shaqaalaheeda badankood baaritaan baa la marsiiyey maadama 2 naga mid ah laga helay Natiijada wa arkeynaa “ ayuu yiri Dr. jalaaludiin. Sarkaalkaas ayaa tilmaamay in dowladdu ay soo rogi doonto go’aanno adag oo lagu xakamaynayo faafidda deg deg ah ee COVID-19, kuwaas oo ay kamid noqon karaan in dhammaan la mamnuuco isu-imaatinada dadweynaha, islamarkaana albaabada loo laabo masaajidda iyo goobaha cibaadada. Hadalka Dr. jalaaludiin ayaa ku soo beegmay, xilli shalay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay in qofkii u horreeyay Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus, iyadoo isla shalay afar kiis oo horleh laga helay gudaha Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan in Coronavirus si deg deg ah muqdisho ugu faafo appeared first on Puntland Post.
-
Wanlaweyn (SMN) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgallo qorsheysan ka wada Degmada Wanlaweyn iyo deegaanno ku dhaw dhaw oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah. Sargaal ka tirsan ciidamada DANAB ayaa sheegay in ciidamada ku guuleesteen in ay xoog ku qaadaan isbaarooyin yaalay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn oo u yiilay ciidamo ka tirsan milatariga iyo maleeshiyaad hubeesan. Waxa uu sheegay sargaalkan in sidoo kale kahor tageen weerar maleeshiyo beeleed ku soo qaadeen tuulooyin hoos taga degmada Wanlaweyn, waxa uuna tilmaamay in ay wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo . Sargaalkan ka tirsan DANAB ayaa sheegay in ay fulinayaan amarka kasoo baxay Maxkamada ciidamada qalabka sida ee lagu baadi goobayo dadka hurinaya iyo kuwa ku lugta leh dagaal beeleedyada ka socda degmada Wanlaweyn. Ciidamada DANAB ayaa degmada Wanlaweyn iyo deegaannada ku dhaw dhaw loo geeyay in ay joojiyaan colaada u dhaxeysa labo beelood oo walaalo ah iyo in sidoo kale qaadaan isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus uu ku dhacay laba sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda. Warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday warkan ka soo xigatay ayaa sheegaya in mid ka mid ah labadaas qof uu ku jiray xubno ka socday wasaaradda oo toddobaayo ka hor xafiiskiisa kula kulmay raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay sheegaya in kulanka xubnahan iyo ra’iisul wasaare Kheyre uu dhacay badhtamihii bishii March, mana cadda in xilligaas uu qabay cudurka qofka laga helay. Si kastaba, xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in anu xilligaas qabin cudurka, maadaama hadda laga joogo in ka badan saddex toddobaad, islamarkaana wasaaradda ay shalay un shaacisay in laga helay cudurka. Wasaaradda ma shaacin goorta la baadhay labadan qof ee ka mid ah shaqaalaheeda iyo goorta laga helay cudurka, taasi oo wax badan ka caawin lahayd in la ogaado in la-kulankooda uu khatar gelin karo raysal wasaare Khayre. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-090420.mp3 View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Qiyaastii 150 xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inuu saameeyey cudurka Coronavirus, lix toddobaad kadib markii boqortooyada ay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyey, waxaa sidaas qoray wargeyska caanka ah New York Times. Iyada oo heerka faafitaanka cudurka ee boqortooyada uu kasii darayo, ayaa 500 oo sariirood waxaa lagu diyaariyey isbitaallada ugu wanaagsan dalka, kuwaas oo loogu talo-galay xubnaha boqortooyada. Sida uu qoray New York Times, Amiir Faisal bin Bandar bin Abdulaziz Al Saud, oo ah badhasaabka gobolka Riyadh, islamarkaana uu adeer u yahay boqor Salmaan, ayaa ka mid ah xubnaha uu cudurka ku dhacay, wuxuuna ku sugan yahay xaalad deg deg ah. Boqor Salman, oo 84 jir ah, ayaa isku go’doomooiyey jasiirad ku taalla meel u dhow magaalada Jeddah. Sidoo kale, dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohmaed Bin Salman, oo ah 34 jirka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga, ayaa joojiyey la-kulankii wasiirada, wuxuuna ku nool yahay guri ku yaalla xeebta Jeddah, meel u dhow halka laga dhisayo magaalada mustaqbalka ee Neom. Illaa iyo hadda ma cadda heerka uu gaadhsiisan yahay iyo sida uu cudurka ugu dhex-faafay boqortooyada. Sacuudiga ayaa billowgii hore awoodday kaliya inay sameyso tijaabooyin xaddidan oo cudurka ah, taasi oo ay suurta-gal tahay inay sahashay in ayada oo aan la ogeyn uu cudrka ku dhex-faafo boqortooyada. 2,900 oo kiis oo cudurka ah ayaa laga xaqiijiyey guud ahaan Sacuudiga, iyada oo 41 qof ay u dhinteen Source
-
Booliiska dowlad goboleedka Galmudug, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa xalay ilaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud. Hawlgalkaas, ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo Amniga degmada Baxdo iyo tuulooyinka hoosyimaada, si looga hortago dadka dhibaatada iyo Amni-darrada ka wada degaanka, sida laga soo xigtay saraakiil hoggaaminaysa hawlgalkaas. Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in hawlgalka uu xalay ilaa saaka ka socdo gudaha Kaxda iyo tuulooyinka ku xeeran, islamarkaana uu saamayn ku yeeshay isu-socodka degaanka. Dhinaca kale, Saraakiisha Booliiska Galmudug iyo hay’adda Nabad sugidda NISA, weli war kama soo saarin haddii ay jiraan dad hawlgalkaas lagu soo qabtay. PUNTLAND POST The post Booliiska Galmudug iyo NISA oo hawlgal wadajir ah ka wada gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
Isbahaysiga Sucuudiga ee Yemen ka dagaallama oo xabbad joojin ku dhawaaqay Qaramada Midoobay ayaa labada qoloba ugu baaqday, inay xabbad joojin sameeyaan, coronaha aawadii. Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga ee la dagaallamaya xoogagga Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku dhawaaqay xabad joojin, sida ay sheegeen saraakiishoodu. Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in xabbad-joojinta ay dhaqangelayso Khamiista, iyada oo lagu taageerayo dedaallada Qaramada Midoobay ee lagu soo afjarayo dagaalkan shan sano jirsaday. Isbahaysiga, oo ay taageerayaan quwadaha millatariga ee reer Galbeedka, ayaa la dagaallamayay xoogagga Xuutiyiinta ee isbahaysiga la ah Iran ilaa iyo bishii Maarso 2015. Ma cadda in ciidamada Xuutiyiinta ay sidoo kale samayn doonaan xabbad joojin, dhankooda ah. Bishii hore Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu ugu yeedhay dadka ku nool Yemen inay joojiyaan dagaalka oo ay kor u qaadaan dadaallada looga hortagayo suurtagalnimada in cudurka Coronavirus uu saameeyo. Wuxuu ugu yeedhay xisbiyada dalka in ay la shaqeeyaan ergeygiisa gaarka ah Martin Griffiths si loo gaardho xasillooni dalka oo dhan ah. Arbacadii, Mr Griffiths wuxuu soo dhaweeyey warka xabbad joojinta. Waxa uu yidhi: “Dhinacyadu waa inay hadda ka faa iidaystaan fursaddan oo ay si dhakhso leh u joojiyaan colaadaha oo dhan sida ugu dhaqsaha badan.” Labada dhinac ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shir dhanka muuqaalka ah ah oo ay uga wada hadlayaan xabbad joojinta. Hindisaha ayaa ku baaqaya in la joojiyo dhammaan weerrarada hawada, dhulka iyo baddaba. Qoraal ka soo baxay ciidamada isbahaysiga ayaa lagu yiri: “Munaasabadda qabashada iyo guuleysiga dadaallada ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen iyo in la yareeyo dhibaatada dadka walaalaha ah ee reer Yaman iyo in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa musiibada Corona iyo ka hortagga faafitaankiisa, isbahaysigu waxa uu ku dhawaaqayaa xabad joojin dhameystiran muddo labo toddobaad ah, oo ka bilaabaneysa Khamiista. ” Xaaladda Yemen ayaa muddo dheer lagu tilmaamaa inay tahay dhibaatada ugu daran ee bina-aadamnimo ee dunida. Dagaalku waxaa ku naf waayey nolosha dad badan oo rayid ah wuxuuna waddanka ku sii dhowaaday qarka u dumidda. Qaramada Midoobay ayaa jebisay wadahadaladii hore, laakiin tani waxay noqonaysaa tii ugu horraysay ee isbahaysigu ku dhawaaqo xabbad-joojin waddanka oo dhan ah. Tallaabo muhiim ah Tani waa tallaabada ugu weyn ee Sacuudigu isugu dayayo in uu ka baxo olalaha Military ee gudaha dalka Yeman . Bayaanka isbahaysiga ayaa lagu sheegay in xabbad joojintu aan shuruudda lahayn hase yeeshee ay ku dhalisay arrintaan halista dhabta ah ee Fayrsaka corona ku hayo dalka oo nidaamkiisa caafimaadna aanu si caadi ah u shaqeyneyn. Sacuudiga ayaa wareejiyay qalab, iyaga oo wadahadallo qarsoodi ah la yeeshay saraakiil sare sare oo ka tirsan fallaagada Xuutiyiinta si ay u sugaan amniga xuduuddooda ugana joojiyaan gantaallada ka imaanaya Xuutiyiinta isla markaana isugu dayaan in ay ka saaraan Iran. Balse bilihii la soo dhaafay, ciidammada Xuutiyiinta aya sii waday horumar Militari, oo ay gaadheen. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hoggaamiyaasha sare sare ee Xuutiyiinta ay taageersan yihiin in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda. Waxase muuqanaysa in hadii xittaa Qaramada midoobey ay bilowdo wadahadalo in talaabadaas ay qaadan doonto waqti dheer in xal laga gaadho xaaladda qallafsan ee dalka Yeman . Qaran News
-
More than six weeks after Saudi Arabia reported its first case, the coronavirus is striking at the heart of the kingdom’s sprawling royal family. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
