Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo gaystay mid kamid ah Nabaddoonada Muqdisho. Dableey Bastoolado ku hubaysan ayaa fiidnimadii xalay gudaha gegmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay oday Nabaddoon ah oo lagu magacaabi jiray Xaaji Shaahid Kheyrdoon sida laga soo xigtay goob-joogalayaal. Dilkaas ayaa ka dhacay Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka gaysatay ka hor inta aysan halkaasi gaarin ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya oo hawlgallo ka sameeyay aagga dilkaas ka dhacay. Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda dilka Nabaddoonka inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab looga bartay in ay weerarada noocaas oo kale ah ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa Nabaddoon lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Marxuum Cismaan Farey Sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda laanta Puntland ayaa caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) oo ahaa madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaraha Gaalkacyo ayaa isagoo salaadii maqrib weesaysanaya lagu dilay masjidka Hudda xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida maamulka gobolka Mudug ay u xaqiijiyeen warbaahinta Puntland Post. Dilka waxaa geystay sida la sheegay dabley hubaysan oo aan haybtooda la garan, kuwaas ka baxsaday goobta dilku ka dhacay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Marxuum Cismaan Faray. Ciidamada amniga Pumtland ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay falkaas. Sanadii u dambeeyay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay ugaarsi lagu hayo masuuliyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Puntland, iyadoo lagu dilay dad badan oo magac ku lahaa gobolkaas. PUNTLAND POST The post Madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaraha Gaalkacyo oo la dilay appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay duqeyn la beegsadeen dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xilli ay dagaal kula jireen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, oo ay weerar ku qaadeen. Qoraal kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu yiri “AFRICOM waxay weerar is-difaac ah la beegsatay argagixisada Al-Shabaab oo dagaal kula jiray Ciidamada Danab iyo Ciidamada Amniga Jubaland, meel u dhow degaanka Kobon ee Jubbada Hoose, 9-kii April.” AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in weerar labaad ay ka fulisay magaalada Jilib, maanta oo ah 10-ka April. Duqeynta dhacday 9-ka April, ayey AFRICOM sheegtay in lagu dilay 10 ka mid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, halka duqeyntii maanta dhacday lagu dilay hal dagaal-yahan. AFRICOM waxay sheegtay in labada duqeynba aysan shacab wax ku noqon. AFRICOM ayaa bilihii dhowaa aad u kordhisay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana agaasime ku-xigeenka howl-gallada Army Brig. Gen. Miguel Castellanos uu sheegay in duqeymaha ay saameyn xooggan ku yeesheen shabakadda argagixisada ee Al-Shabaab. AFRICOM ayaa 7-dii bishan April shaaca ka qaaday inay xaqiijiyeen, in qof ka mid ah saddex qof oo lagu dilay duqeyn ay Soomaaliya ka fuliyeen labadii April, uu ahaa Yuusuf Jiis, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab, islamarkaana agaasimay weeraro badan oo kooxda ay ka fulisay Soomaaliya iyo dalalka Bariga Africa qaarkood.
  4. ​Faafidda Cudurka corona,Calaamadihiisa inta laga og yahay ilaa hadda ,ka hortagga iyo La tacaalidda qofka uu haleelo. Cudurka dilaaga ah ee dunida ku habsaday, macluumaadkiisa waa lasoo kordhinayaa (ogaansho cusub), xogaha ugu badan waxaa laga helay cilmibaadhisaha kala duwan ee la sameeyey,iyo dadkii uu haleeyey oo wax badan iftiimiyey. aqoonta cudurkan weli wax badan lagama oga,meel uu ku dambayn doonana Allaahu aclam,waxaa lagu jiraa dadaal badan ilaa iyo hadana rajo yar ayaa la qabaa,waxaa muhiima in dadaalka iyo taxadirka la badiyo ducadana la laasimo. Xaqiiqda marka laga hadlayo cudurkani waa Ciqaab iyo cajsi gelin. Aadanuhu mar kasta oo uu kibro oo wax is moodo waxaa la tusaa itaalkiisa si uu u garto in awood ka sarraysaa jirto oo uu isu dhul dhigo una toobad keeno,ayaad fara badan ayaa Rabbi ku xusay,umadihii inaga horeeyey mid kastaaba markay kibirto waxaa lagu qaban jiray nooc ama noocyo badan oo ciqaaba,kuwa kusii adkastana waa la halaagi jiray,Reer Caad xoog ayey is bideen waxaa lagu halaagay dabayl dhulka la dhacday,xoogoodii hawada la neefsanayo ayaa baabah ka dhigtay,qoladii ka dambaysay oo xarfaanta ku ahayd farsamada waxay isku dayeen inay ka taxadiraan dabayshii saaxiibadooda heshay, dhagxaanta buuraha ayey xordi jireen oo dhufaysyo iyo aqalo aan dabayshu geli karin ka dhigeen,iyagana qaylo daran ayaa lagu furay oo lagu halaagay ,kuwo kale dagaalo,abaaro, xanuuno,duufaano,noolayaan, dhulko oo lala jaro iyo wax yaabo kaloo badan ayaa lagu halaagay,intani waa hordhac aan uga jeedo in aan fahano xaggee laynooga yihi. Faafidda cudurkan waxaa ilaa iyo hadda loga ogaaday in uu ku faafayo qufaca iyo hindhisada oo weliba dhawr mitir soconayo oo hawada dabaalano ama dhulka u dhacayo oo weliba muddo ku noolaanayo,(12.saac) waxaa kalo uu ku gudbi karaa taabashada shay uu taabatay qof cudurka qaba,dabdeed cid kasta oo taabata wuu raacayaa haday afka iyo sanka ama indhaha gaadhsiiyaana waa is deberayaa wixii dambe cunaha ayuu fadhisanayaa muddo,sambabada ayuu u gudbayaa qufac ayuu keenayaa intaa wixii ka dabeeya naqaska ayaa qofka ku yaraanaya,wadna xanuun ayuu keenayaa,calaamadihiisa waxaa ka mida xummad dadka qaar qabata,urta iyo dhadhanka oo ka taga qofka,xamaag isu bedesha qufac,shuban iyo matagna waa la heegay. Dhayalsiga cudurkan dawlado badan ayaa ku dagmay oo ku qoslayey china marku dhex jibaaxayey,laakiin markii uu ka dhex toosay ee weliba muddo ku dhex jiray oo dadkii soo daateen ayaa qayladu isu baxday,Somaalidu waa dadka ugu dhegaha adag bulshooyinka,taxadir badana ma sameeyaan, wadamada ,Sweden,Norwey iyo uk, safka hore ayey kaga jiraan dhimashada,waxaa inala gudboon in taxadarka la badiyo oo la qaato tilmaahaha la bixinayo faraxalku ugu horreeyo,faraha markaad maydho qasabada ama kildhiga halkaad taabatay si xeeladaysan u maydh,haddii kale waad isku cel-celisay uun, waxaa iyana loo baahan yahay kala fogaanka (keeping distance) qofkii cidla ama miyi tegi karaya sidii uu sheegay Dr. gaboose waa wax fiican.qofkii qol gooni ah heli karaya yaan cid kale u soo gelin ,cuntada qof qof haloo qaato hana loo cuno,wixii qalab la xidhan karo iyana waa muhiin. Hadaad iska shakidid talaabadda kowaad waa inaad dadka kale iska basrisid (kala fogansho),iska ilaali dawooyinka xanuun baabi’iyaha marka laga reebo paracetemol(4 saac mar laq/cab),isticmaalka dhirta dabiiciga ah ayaa waxtar weyn laga dareemay iyagana waa inaad si qiyaasa u isticmaashid,qaarkood haddii la isku badiyo waa halis,cid taqaana la tasho mar kasta,qolyaha acshaabta bartay waa la weydiin karaa, haddii aqoontooda la hubo. Biyaha iyo dareerayaasha la cabbi karo wax weyn ayey ka taraan la tacaalidda xanuunkan,wer-wer iyo naxdin iska ilaali culays bay keeni kartaa,gaajadana iska ilaali. Haddii qofku kasoo daro waa inuu la xidhiidho meeshii ugu dhow hospital. by Adan Nokia Qaran News
  5. Go’aankii Taariikhiga ahaa ee Somaliland ka Badbaadiyay Sharka Salaadiinta 01/10/2003 ! Asalaamu Calaykum Waxay ahayd xilli ay Somaliland la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin aad u waaweyn, waxaana laga soo kabanayay dagaaladii kala danbeeyay ee ka dhacay magaalooyin badan oo Somaliland ka mid ah. Hadaba duruufahaas qadhaadhaa ee Dalka ka jiray waxaa qayb ka ahaa kooxo Salaadiin ah iyo Siyaasiyiin si dhuumaalaysi iyo muuqashoba leh dhinaca Xamar ugu janjeedhay oo iyagu aaminsanaa fikrado Somaliweyn ah. Si looga hor tago Fawdo iyo Fidnadii Salaadiinta ayaa Golayaasha Xeer dejintu ay soo saareen Xeerar dabarka loogu xidhayo Salaadiintaas iyo cid kasta oo la aragti ahayd. Hadaba Go’aan ay fadhi wadajir wada yeesheen labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland bishii Oktoobar ee Sanadkii 2003, oo ay Sumadiisu ahayd JSL/GB/O1/10/2003 -11/10/2003 ayaa waxa uu u dhignaa sidan: Ujeedo: Soo gudbin Go’aan Baarlamaan Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada oo ay kaga doodayeen xaaladaha siyaasadeed, iyo saamaynta hindisayaasha ay Salaadiintu ku yeelan karaan Somaliland iyo siyaabaha looga hor tagi karo dhibaato kasta oo ka iman karta Fadhiyada Wada Jirka Ah oo socday mudadii u dhaxaysay 8 ilaa 11-kii bishii 10aad 2003, waxay golayaasha Baarlamaanku ka soo saareen go’aankan halkan ku lifaaqan 1. In cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawlad, shicib, Afraad, Ururro, Axsaab, NGO-yada, Aqoon yahanada, Madax-dhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo dhamaanba noocyada ururrada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali karin shir kasta iyo arrin kasta oo lagaga hadlayo Hindisayaasha Somalia ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha Soomaaliya ama iyagoo isku dhanba. 2. In cid alaale iyo cidii ku abtirsada Somaliland ee ka qayb gasha shirarkaas ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta Qawl, Ficil iyo Qoraalba kaga qaybgasha wada-hadalada Somalia ee qodobkaa 1aad tilmaamayo loo aqoonsado Dambiile Khiyaamo Qaran, taas oo waajib ay ku tahay dhamaanba hay’adaha ku shaqada leh inay hor keenaan Maxkamadaha awooda u leh iyadoo la raacayo xeerarka uu tilmaamay Dastuurku ee Qodobka 130aad farqdiisa 5aad. . 3. Gaadiidka cir, dhul iyo badba ee loo adeegsado ama qaada hawlgalkaas waxa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ee ganacsiga ama tan gaar ahaaneedba. . 4. Waxa lagula dhaqmayaa Xeerkan cid alaale iyo cidii isku dayda inay abuurto urur bulsho ama nooc kasta oo ururrada rayidka ah oo u shaqaynaya sidii ay Somaliland u minjo xaabin lahaayeen. 5. Waxa dhamaan Warbaahinta Somaliland, tan Xukuumada iyo tan madaxa banaanba ka reeban inay baahiyaan wararka iyo macluumaadka lidiga ku ah waxna loogu dhimayo ama lagu wiiqayo jiritaanka Somaliland. . 6. Dalka waxa sharci ahaan ka jira saddex Gole Qaran oo kaliya sida ku tilmaaman distoorka, waxa reeban in cidina sheegato gole kale oo aan ahayn kuwa distoorku uu tilmaamay, waxa lagu fulin doonaa talaabooyinka sharci ee u yaala sheegasho wax aanay ahayn. . 7. Qofkii loo qabto inuu ku kacay qodobadan kor ku xusan waxa la cafin karaa xukun maxkamadeed ka dib. Dhaqan galka qodobadan waxa loo adeegsanayaa sida ku cad distoorka qodobka 130aad farqadiisa 5aad. Go’aankaasi Taariikhiga ahaa waxa uu xirsi-xidh iyo xijaab uu u noqday Somaliland, waxaana uu dabar adag u noqday Salaadiintii iyo cid kasta oo uu hunguri kaga jiray inay u dusto ama u bootaalaysato dhanka Soomaaaliya, waxaana go’aankaasi uu aad u xoojiyay Jiritaanka Somaliland, waxaanuu ka hor tagay in Tafaraaruq lagu furo bulshada sida maanta muuqata. Go’aankaas xayndaabka u ahaa Qaranimada Somaliland waxa ay labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladu ay wax ka bedel ku sameeyeen taariikhdu markay ahayd 05/02/2012 iyagoo ku daray labadan Qodob ee hoose: 1. In Xukuumadu ay ka qayb gali karto shirarka loo arko in dani ay ku jirto, ee aan ka hor imanaynin Jiritaanka Qaranimada iyo Dastuurka Somaliland. 2. Maadaama Xukuumadu ay ka codsatay in labada Gole ay ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada gole ay ku taageereen. Markii Go’aankaas wax ka bedelka lagu sameeyay waxa ay Somaliland ka qayb gashay Shirkii Maamulada Soomaalida loogu qabtay Magaalada London 23 February 2012. Waxaana shirkaasi London uu ibo-fur u noqday kulankii u horreeyay ee ay muddo Labaatan Sanadood ku siman ay si fool ka fool ah ay isu soo hor fadhiistaan Somaliland iyo Soomaaliya iyagoo 18kii bishii June 2012 ku kulmay Xaruntav Chevering House oo ku taalla deegaanka Kent oo u dhow magaalada London, nasiib darro wax faaiido ah oo la taaban karo oo ay Somaliland ka faaiiday wadahadalada Soomaalita lama hayo. Faaiido ay Somaliland ka hesho ha joogtee waxaa ku dhlntay oo hoos ay u riday Sumcadii iyo Haybadii ay Somaliland lahayd, waagii hore Dunida iyo Soomaaliya waxay baryi jireen oo ay daba carari jireen Somaliland oo ay ka baryi jireen in Somaliland ay Soomaaliya la hadasho, nasiib darro maanta Somaliland iyadaa Soomaaliya daba cararta oo ka tuugta inay la hadasho. Waxaa kale oo iimika inoo muuqda in ay mar kale Madaxa la soo kaceen Salaadiintii iyo Madax-dhaqameedkii jinni boqorka ahaa oo ay ku hamiyayaan inay barbar cararaan Xukuumada kuna qabsadaan Masuuliyada ay Xukuumadu u xil saaran tahay. Waxaana muuqata in Salaadiinta iyo Ururro kale iyo Askhaasiba ay isku deyayaan inay Dalka khalkhal siyaasadeed ka abuuraan. Waxaa Xukuumada Somaliland looga fadhiyaa inay shaqadeeda qabsato oo ay Talaabooyin degdeg ah ku dhaqaaqdo si ay Dalka Somaliland uga badbaadiso khalkhal iyo jaha-wareer siyaasadeed oo ka dhaca oo ay hormuud u yihiin Salaadiin ku sheega jinni boqorka ah ee aan cidnaba ka wakiilka ahayn. Hadii ay Xukuumadu ku daawato waxa ay dalka ka wadaan kooxaha sheegta Madax-dhaqameedka iyo kooxaha qarsooni waxaa dhici doona waxyeellooyin waaweyn, waxaanay gaadhi doontaa XAYD MALA ILOOBAY ! Ummad yahay Tiraa kaa gedmene wax isu geygeyso. Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK kaysar@diplomats.com Qaran News
  6. Bismillah – Jimco wanaagsan! Maalmahaan waxaan ka fekeraayay AUN Nur Cadde iyo dhaxalkii uu uga tagay sooyaalka siyaasadda Soomaaliya 16-kii bilood ee uu R/Wasaare ahaa. Maadaama aan inta badan la qorin taariikhda masuuliyiinta dalkeenna soo maray, waxaan goostay inaan soo bandhigo casharrada laga baran karo habdhaqankii siyaasadeed ee Nur Cadde, anigoo ku saleynaya saddex goor oo aan si gaar kula kulmay Rome, London iyo Muqdisho (Sawirka waa Rome 2013-dii). Waxaan kaloo 10kii maalmood ee lasoo dhaafay daawaday/dhageystay wareysiyo aad u fara badan oo laga qaaday. 1. Mabdi’iisa siyaasadeed waxaa gundhig u ahaa dibu heshiisiin, tanaasul iyo xurmo. Maalmo kaddib markii uu xilka qabtay, wuxuu joojiyey inuu ‘argagixiso’ ugu yeero xoogaggii iska caabbinta duullaankii Itoobiya, wuxuuna la furay wadahadal toos ah oo kama danbeystiina mira dhalay. 2. Wuxuu ka dhabeeyay hadalkii nabiga NNKH ee ahaa: لا طاعة لمخلوقن في معصية الخالق (bani’aadam laguma adeeci karo wax kasoo horjeeda daacada Allah). Wuxuu iska diiday amarkii Madaxweynihiisii ee ahaa in xoog lagu muquuniyo dadkii kasoo horjeeday. 3. Wuxuu u damqaday dadka Muqdisho oo ay si gaar ah ugu aafoobay duullaankii Itoobiya (16000 oo qof oo rayid ah ayaa colaaddaas ku dhimatay 2007/2008 sida ay qortay HRW). Wuxuu ku guuleystay inuu Suuqa Bakaaraha, oo ah halbowlaha ganacsi ee dalka, inuu noqdo goob ka caaggan ciidankii Itoobiya, isagoo ku beddelay ilaalo ay ganacsatadu sameysteen, isagoo sidaas ku badbaadiyey nafta, hantida iyo sharafka ummadda. 4. Doorashadii February 2009, wuxuu oggolaaday inuu ka dhex tartamo gole uu 50% soo xushay Isbaheysigii Dibu Xoreynta, taasina waxay astaan xooggan u tahay kalsoonida xooggan ee uu isku qabay, iyo siday uga go’oneyd inuu rogo baalkii madoobaa ee 2007/2008, xitaa haddii uu isagu ku waynayo xilkiisa. 5. Doorashada kaddib, wuxuu aqbalay inuu danjire u noqdo ninkii doorashada uga adkaaday, halkaasna kasii wado adeegga dalkiisa iyo dadkiisa. Allaha u naxariistee sooyaalka Nur Cadde laguma soo koobi karo intaas, balse wuxuu baal dahabi ah kaga jiraa taariikhda dalkeenna, waxaana lala barbar dhigi karaa AUN Aden Cadde iyo C/rashiid Sharmarke. Wabillahi Towfiiq Cabdiraxmaan Caynte – Waa wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya iyo suxufi horey ula soo shaqeeyay warbaahinta VOA, BBC iyo Al Jazeera.
  7. MOGADISHU (HOL) - The number of COVID-19 cases in Somalia has risen to 21 after nine more cases were announced Friday. Source: Hiiraan Online
  8. JOWHAR (HOL) - HirShabelle state minister Khalif Mumin Toho who has been hailing in Jowhar town has tested positive for COVID-19 amid fears other ministers could have been exposed to the virus since he attended a cabinet meeting three weeks ago. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la xaqiijiyey sagaal qof oo hor leh oo ku sugan magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ku dhacay cudurka halista badan ee Coronavirus. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda. Sida lagu xusay qoraalka wasaaradda ka soo baxay, 6 ka mid ah dadka laga helay cudurka ayaa ah “dad horey xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horey cudurka looga helay.” Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa waxaa ku jira laba sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar qof. Tirada cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda ah illaa 21 ruux, iyadoona qof ka mid ah dadkaas uu geeriyooday Arbacadii la soo dhaafay Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-10042020.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in ay magaalada Muqdisho ka diiwaan gelisay 9 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah. Qoraalka kasoo baxay wasaaradda, oo lagu xaqiijinayo sagaalka xaaladooda ee cusub, ayaa lagu sheegay in dadkaan ay dhamaantood yihiin dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin. Sida ay sheegtay wasaaradda, 6 kamid ah dadkan ayaa ah dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay. Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimadka ee uu saameeyay cudurku afar (4), sida lagu sheegay qoraalka. Sagaalka kiis ee cusub ee maanta la diiwaan-geliyey ayaa tirada guud ee dadka cudurka Coronavirus laga helay ee Soomaaliya waxay ka dhigeysaa 21 qof. Wasaaradda ayaa sheegtay in tani ay muujineyso in xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayo buslshada dhexdeeda, waxyanta ku talisay in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.
  12. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa haatan shaacisay in maanta oo keliya 9 qof oo horleh laga helay cudurka Coronavirus. Wasaaradda ayaa sheegtay in dadka maanta oo Jimce ah laga helay xanuunka ay dhamaantood Ku sugan yihiin magaalada Muqdisho islamarkaana aysan dhowaan wax safar ah gelin. 6 kamid ah dadka cudurka laga helay ayaa iyagu xiriir la sameeyay qof ka mid ah dadkii horay loo xaqiijiyay in COVID-19 haleelay sida Wasaaraddu sheegtay. Sidoo kale dadka maanta laga helay cudurka waxaa kamid ah laba sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay xanuunku 4 qof. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegaysa in hadda tirada guud ee cudurka laga helay gudaha dalka ay gaarayaan 21 ruux. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in maanta oo keliya 9 KIIS oo COVID-19 ah laga helay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Jowhar (SMN) – Mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa laga helay fayruska Corona, sidda ay xaqiijiyeen xubno kala duwan. Khaliif Muumin Tooxow ayaa ah wasiiru dowlaha cadaaladda iyo mudane ka tirsan baarlamaanka maamulkaas. Tooxow ayaa la sheegay in uu haatan ku jiro Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Tani ayaa ka dhigan in tirada kiiska ay gaartay 13, kuwaas oo laba kamid ah ay ajaaniib u shaqeysa Qaramada Midoobay yihiin. Shaacinta kiiskaan cusub ayaa walaaca iyo walbahaarka kusii kordhineysa dadweynaha, oo loogu baaqay in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad. View the full article
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Inta badan dalalka caalamka aya aalaga soo saaray amarro lagu xirayo masaajidyada, si loo yareeyo faafitaanka cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee coronavirus. Laakiin Soomaaliya ayaan wali laga xirin masaajidyada, inkastoo cudurkan uu gaaray goor hore. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in dad badan oo Soomaali ah ay kasoo horjeedaan xiritaanka masjidyada. Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, oo ka mid ah meelaha ay Soomaalida badan ku nool yihiin, ayaan salaadda jimcaha laga tukanin isbuucii afaraad oo xiriir ah, iyadoo dhammaan masaajidyada aysan jameeco ka soconin. Inta badan dalalka Islaamka, waxaa la baddalay aadaankii salaadda, waxaana dadka lagu boorrinayaa in qof walba uu ku tukado meesha uu ku sugan yahay. Laakiin dadka badankood su’aalaha ay isweydiinayaan waxaa ka mid ah inay bannaan tahay in laga tago khudbada salaadda Jimcaha ee waajibka ah. Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegay in masaajidyada laga hakan karo haddii ay jiraan sababo keeni kara arrintaas. “Waxa la eegayo ma aha tirada inta jimco ee laga baaqanayo masaajidka, waxa ugu muhiimsan waa sababta keeneysa. Jimcadu waxay wax badan la wadaagtaa jameecooyinka kae, waayo waxaa la isugu imaanayaa masaajidka, waxa loo imanayana waa cibaado iyo kheyr in lala yimaado”. Sheekha ayaa sharraxay waxa keeni kara in masjidka aan la aadin. “Sababo badan buu sharcigu u banneeyay in laga haro jimcaha iyo jamaacada, sababahaasna waxaa ka mid ah in qofku uu xanuunsan yahay ama uu xanuun ka baqayo. Sidaas darteed shareecadu nafta ilaalinteeda iyo caafimaadkeeda ayey ka hormarisaa in qofka uu masaajidka iyo jameecada tago. Waxaa la oggol yahay inuu qofku jimcada ka haro – haddey doonto cid timaadaba ha la waayee – inuu ama isagu xanuunsanayo ama uu xanuun ka baqayo”, ayuu yiri Sheekh Shibli. Dhinaca kale wuxuu Sheekh Shibil tusaale usoo qaatay habkii uu nabiga ula dhaqmi jiray dadka qaba cudurrada faafa. “Nabigeenna CSW talooyinkii uu bixiyay waxaa ka mid ahaa inaan la isku darin dad caafimaad qaba iyo dad xanuunsan. Markii uu soo islaamo nin qaba cudurrada faafi kara, sida juudaanka, ee uu doonayo inuu bayco(ballan) la galo rasuulka, wuxuu dhihi jiray meeshaada joog halkaaga ayaan beycada kugula galay”. “IMar kalena nabigu wuxuu cudurrada noocaasoo kale ah, oo uu tusaale usoo qaatay juudaanka ku taliyay in la isaga ilaaliyo sida libaaxa la isaga ilaaliyo oo kale. Intaasoo dhan waxay muujinayaan in jimcada iyo jamaacadu aysan waajib ku ahayn imaam iyo ma’muum toona haddii ay xanuun naftooda uga baqayaan”, ayuu yiri. ‘Horay way u dhacday in cudurro dartood loo tagi waayo masaajidyada’ Sheekh Shibli oo taariikhda islaamka dib u eegaya ayaa soo qaatay xaalado soo maray dadka muslimiinta ah, xilli ay fidayeen cudurro halis ah. Wuxuu magacaabay qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka CSW oo ay noloshooda galaafteen cudurradaas. “Cudurrada faafa, sida daacuunka iyo kuwa la midka ah ee dilaaga ah ee faafa marar badan bay soo dhaceen, dhulka Shaam la dhihi jiray ee falastiin, lubnaan iyo Suuriya rag badan oo saxaabo ah ayaa ku dhintay oo ay ka mid yihiin Abuu cubeyda, Mucaad Ibnu Jabal iyo rag badan oo saxaabo ah ayaa ku baaba’ay. Dhulkii Andulus oo ah Spain iyo burtaqiiska waxay dhimashu gaartay heer sida ay u badan tahay masaajidyadii la tagi waayay, oo dadkii ay noqdeen kuwo meydadka aasiddooda ku mashquulay iyo kuwo cabsaday”. Wuxuu Sheekha intaas ku daray in dadka muslimiinta ah ay la mid yihiin bani’aadanka kale ee caadiga ah, isagoo sheegay in “dhiigga muslimiinta uusan waxba ka duwaneyn kan dadka caadiga ah”. Isha: BBC Somali
  15. Mogadishu (PP News Desk) — The Somali Police Force in Mogadishu began today to enforce preventive measures that preclude worshippers from conducting the Friday congregation prayers in the capital. The Federal Government of Somalia has issued enforceable instructions to prevent spread of Covid-19 in the capital. The police clashed with members of the congregation at one of Mogadishu mosques. Yesterday, Mogadishu Mayor Mr Omar Mohamud raised the alarm over increasing Covid-19 infections as a result of community transmission. More than two persons have died of Covid-19 in Mogadishu. Widespread flu in parts of Mogadishu created increased fears of being unable to distinguish the symptoms of the flu and the pandemic. In a mosque the social distancing cannot be practised, which makes spread of Covid-19 easier if one of worshippers unknowingly has symptoms of the disease. The Federal Government is expected to cooperate with the ulema (religious leaders) to ensure that mosques do not become a source of transmission for Covid-19. © Puntland Post, 2020 The post SOMALI POLICE ENFORCES PREVENTIVE MEASURES AT MOSQUES appeared first on Puntland Post.
  16. Garowe (PP) — The Transitional Puntland Electoral Commission has extended the period for meeting the criteria to become a fully registered political association. In March TPEC publicised names seventeen political associations that have temporarily met the criteria to become a registered political organisation in Puntland. TPEC urged political organisations to fulfill the rest of the criteria by the end of April. TPEC: Political organisations should not hold meetings with the public In a statement shared with the media yesterday, TPEC extended the deadline to the end of June 2020 in response to health emergency caused by Covid-19. TPEC instructed political organisations not to hold meetings with the public. Public meetings facilitate spread of Covid-19. TPEC’s statement backs up calls from Puntland health authorities to make the public aware of actions that increase likelihood of becoming infected with the Covid-19. © Puntland Post, 2020 The post TPEC extends deadline for political associations appeared first on Puntland Post.
  17. Howl-gallo aan hore loo shaacin oo dad badan ka yaabiyey oo laga billaabay Masaajiddada Muqdisho Salaadda Jimcaha ayaan maanta laga oogin qaar ka mid ah masaajiddada ku yaalla magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada booliska ay billaabeen howl-gallo aan horey loo shaacin oo dad badan ka yaabiyey. Degmooyinka aan maanta salaadii Jimcaha laga dukan ayaa waxaa ka mid ah Wadajir, Xamarweyne, Hodan, Howl-Wadaag, Bondheere iyo degmooyin kale, waxaana la sheegay in imaamyada masaajidyada lagu wargeliyey in la xiro si looga hortago faafitaanka cudurka coronavirus. Masaajiddada qaar ayaa dadkii loo diidey inay ku tukadaan waxaa ay ka sameeyeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan in masaajiddada la xiro, iyaga oo sheegayay inaysan aqbaleyn. Wasaaradda awqiifta iyo diinta ee xukuumadda Soomaaliya weli sooma saarin war rasmi ah oo ku aadan in la xiro masaajiddada, marka laga reebo inay horey u amartay in la xiro dugsiyada qur’aanka iyo goobaha diinta lagu barto sida mowlacyada. Dhinaca kalana, warar soo baxaya, balse aan weli la xaqiijin, ayaa sheegaya in la amray milkiilayaasha maqaayadaha in ay xiraan goobahooda ganacsi, iyada oo laga baqdin qabo in dadku si fudud ay ku kala qaadaan cudurka Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa Arbacadii shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka Coronavirus ee caalamka ku faafaya. Qofkaas ayaa ahaa qof aan dibedda dalka aadin, oo cudurka ku qaaday gudaha. Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in afar qof oo ku sugan Muqdisho oo aan dalka ka bixin laga helay cudurka, ayada oo ku dhowaaqday in faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community spread) uu billowday, taasi oo soo rogi doonto halis caafimaad oo xoogan. Qaran News
  18. Bujumbura (Caasimada Online) – Burundi oo horey u sheegtay in sababta uusan usoo gaarin cudurka coronavirus ay tahay “inuu Ilaah bad-baadinayey”, ayaa hadda laga helay saddexdii kiis ee ugu horreysay. Hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa ku adkeysanaya in weli ay ku sugan yihiin “bad-baadada ilaah”, oo aan loo baahneyn in la faro-geliyo nolosha dadka. Xisbiga talada haya ayaa shacabka u sheegay inaan loo baahneyn inay ka wel-welaan cudurkan ku faafaya caalamka oo dhan, ayaga oo ogolaaday in nolosha ay sideeda kusii socoto, oo xitaa qabanaya doorasho madaxweyneoo la qorsheeyey 20-ka May. “Ha cabsanina. Ilaah wuu jecel yahay Burundi. Haddii ay jiraan dad cudurka laga helay, waxaa laga yaabaa inay tahay mid ilaah uu awooddiisa ugu muujinayo Burundi,” waxaa sidaas yiri General Evariste Ndayishimiye, oo ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga talada haya ee CNDD-FDD. “Haddii saddex kiis halkan laga helay… waxaa la ii sheegay in xaaladdoodu wanaagsan tahay, ogowna coronavirus dadka ayuu ku dilayaa meelo kale,” ayuu Ndayishimiye u sheegay taageerayaashiisa. Ayada oo go’doomin lagu soo rogay dalal badan oo ka mid ah Africa ay hakisay noloshii caadiga ahayd ee dadka, ayaa baararka iyo maqaayadaha weli ay ka furan yihiin Burundi, waxaana ay mas’uuliyiinta ay meesha ka saareen inay soo rogaan amaro xayiraad ah. Xafladaha aroosyada iyo tacsiyadaha ayaa weli dhacaya, ayada oo kumanaan qofna ay si caadi ah u aadaan kaniisadaha iyo masaajidada. Xitaa waxaa weli socda horyaalka heerka labaad ee cayaaraha. Qiyaastii 80-90% dadka Burundi ayaa ah Kirishtan. Si kastaba, shacabka qaarkood ayaan dhageesaneyn dowladda, waxayna billaabeen inay qaadaan tallaabooyin gaar ah oo ay isaga ilaalinayaan cudurka. Dhinaca kale, diblomaasi ku sugan Burundi oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in tallaabooyinka dowladda ay qaadeyso ay yihiin kuwa siyaasadeed, oo aan ahayn caafimaad, sababtoo ah ayada oo ay ka go’an tahay in la qabto doorashada 20-ka may. AFP + VOA
  19. Magaalo qodaneysa xabaal-wadareedyo+Sababta keliftay Muuqaalkan ayaa muujinaya xabaal-wadareed dad lagu aasayo oo New York ah Waxaa soo baxaya sawirro ah in naxashyo lagu aasay xabaal-wadareed magaalada New York, iyadoo tirada dhimashada uu sababayo cudurka coronavirus ay sii kordhayso. Shaqaale ku labisan dharka casriga ah ayaa la arkay iyagoo jaranjaro ku galaya god ay ka buuxaan naxashyo. Goobtu waa Hart Island, waxaa loo isticmaalaa dadka reer New York oo aan lahayn xigto ama aan awoodin in ay aas sameyaan dadka ka dhinta. Gobolka New York, waxaa hadda ka jira kiisas badan oo cudurka coronavirus ah, marka loo eego waddamada kale ee caalamka, sida ka muuqatay tiradii ugu dambeysay. Tirada kiisaska cudurka Covid-19 ee laga xaqiijiyay gobolka ayaa khamiistii kor u dhaafay 10,000 illaa 159,937, kuwaasi oo 7,000 oo ka mid ah ay dhinteen. Dalka Spain ayaa laga helay kiisas gaaraya 153,000, Talyaaniga ayaa isna la sheegayaa in kiisaska ay gaarayaan 143,000, halka dalka Shiinaha oo ah meesha uu ka soo dilaacay fayraska sannadkii hore, lagu soo waramayo in uu ka jiro 82,000 oo kiisas ah. Dalka Mareykankanka ayaa diiwaan geliyay 462,000 oo kiisas ah, iyadoo in ku dhow 16,500 oo qofna ay ku dhinteen. Guud ahaan caalamka ayaa waxaa cudurkan uu ku dhacay dad gaaraya 1.6 million oo qof, waxaana u geeriyooday in ka badan 95,000 oo qof. Qiyaastii 40 mayda ayaa Khamiisti hal goob la iskula aasay Waa macquul in qaar badan oo ka mid ah naxashyada ay yihiin dhibbanayaasha coronavirus, balse weli lama cadeyn taas. Sida ay sheegtay waaxda xaqiijinta, holaha aaska ee goobkan ayaa sare aad ugu kacay tan iyo markii uu fayraskan safmarka ah uu bilowday. Markii hore isbuucii hal mar ayaa dad lagu aasi jiray, balse hadda maalin kasta ayaa maydad badan lagu aasaa. Maxaabiista ka soo jeeda Rikers Island, oo ah xabsiga ugu weyn ee magaalada New York, badanaa waxay qabtaan shaqada, balse howshaas ayaa dhawaan waxaa la wareegay qandaraaslayaal. Duqa Magaalada New York, Bill de Blasio, ayaa horraantii todobaadkan tilmaamay in “aaska ku meelgaarka ah” laga yaabo in ay lagama maarmaan noqoto illaa inta xiisaddan dhamaaneyso. “Sida iska cad halka aan taariikh ahaan u isticmaalnay waa Hart Island,” ayuu yiri. Tirada dhimashada fayraska corona ee gobolka New York ayaa sare u kacday oo gaartay 799 maalintii arbacada, taas oo ah middii ugu badnbayd, sedax maalmood oo isku xigay. Laakiin Maayarka Gobolka, Andrew Cuomo, wuxuu dhab ahaan u qaatay xaqiiqda ah in tirada bukaannada Covid-19 ee la dhigo cusbitaalada New York ay hoos u dhacday maalintii labaad, illaa 200 oo qof. Wuxuu sheegay in taasi ay calaamad u tahay in kala fogaanshaha shacabka ay shaqeyneyso. Wuxuu ku tilmaamay faafitaanka cudurkan “qarax aamusan oo hoosta ka guraya shacabka, kaas oo ka xun dhibaatadii aan aragnay 9/11”. Khamiista waxaa la shaaciyay rajo kale oo ifeysa, iyada oo saadaasha rasmiga ah ee dhimashada tirada guud ee dalka Mareykanka ay hoos u dhacday. Dr Anthony Fauci, oo xubin muhiim ka ah guddiga u qaabilsan coronavirus ee Aqalka Cad, ayaa u sheegay NBC News; “Maanta waxay muujineysaa tirada ugu dambeysa ee Mareykanka ee u dhiman doonta Covid-19 marka uu faafo, waxayna u muuqataa in ka badan 60,000 oo qof”. Dabayaaqadii bishii hore ee March, Dr Fauci ayaa qiyaas ahaan sheegay in ay cudurkan u dhiman karaan inta u dhaxeysa 100,000 illaa 200,000- oo qof oo Mareykan ah”. Dad barooranaya ayaa isugu tagay aaskii Brooklyn, New York, iyadoo tirada u dhimaneysa fayraska corona ee Magaalada ay gaartay meeshii ugu sareysay Saadaasha ah 60,000 waxay la mid tahay qiyaasta sare ee guud ee dhimashada hargabka ee Mareykanka intii u dhaxaysa Oktoobar 2019 illaa Maarso 2020, sida lagu sheegay xogta dowladda. Balse madaxweyne ku xigeenka dalka Mike Pence ayaa carabka ku adkeeyay, khamiistii, in fayraska Covid-19 uu seddex jeer u eg yahay hargabka faafa.Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka waxaa horey looga soo xigtay in qiyaastii 2.2 milyan oo qpof ay u dhiman karaan coironavirus, haddii aan la qaadin tallaabo haboon. Amarrada illaa iyo hadda la soo rogay waxaa ka mid ah in illaa muddo la xiro ganacsiyada aan muhiimka ahayn ee 42 gobol, iyadoo si aan caadi ahayn uu hoos ugu dhacayo dhaqaalaha mareykanka. Macluumaad cusub oo Khamiistii la baahiyay ayaa lagu xusay in heerka shaqa la’aanta Mareykanka ay gaartay 6 milyan oo qof, isbuucii labaad oo isku xiga. Taas micneheedu wuxuu yahay in seddaxdii isbuuc ee la soo dhaafay ay shaqo la’aan noqdeen 16.8 milyan oo qof oo Ameerikaan ah. Gobolka Chicago waxaa lagu soo rogay bandow lagu xakameynayo in dad badan ay meel iskugu yimaadaan. Tallaabadaas oo soconeysa illaa 30ka April, waxay ku soo aaday ka dib markii saraakiisha caafimaadka ay sheegeen in kala bar dadka madow ee gobolkaas Chicago iyo magaalada Illinois ay boqolkiiba 70% ka yihiin kiisaska dhimashada coronavirus, in kastoo 30% ay bulshada ka yihiin. Sidoo kale, tirada gobollada Louisiana, Mississippi, Michigan, Wisconsin iyo New York, waxay muujinayaan in dadka madow ay u badan yihiin kuwa uu saameeyay coronavirus. Musharaxa u ordaya tikitka xisbiga Dimuquraadiga, Joe Biden, ayaa ku biiray siyaasiyiinta ku baaqaya in warbixin buuxda laga bixiyo sida ay bulshooyiinka ugu kala badan yihiin saameynta fayraskan safmarka ah. Qaran News
  20. Sheekh shaaciyey in Jamaca Salaada ee Masaajidada la iska dhaafi karo haddii xanuun laga baqayo Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli Inta badan dalalka caalamka aya aalaga soo saaray amarro lagu xirayo masaajidyada, si loo yareeyo faafitaanka cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee coronavirus. Laakiin Soomaaliya ayaan wali laga xirin masaajidyada, inkastoo cudurkan uu gaaray goor hore. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in dad badan oo Soomaali ah ay kasoo horjeedaan xiritaanka masjidyada. Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, oo ka mid ah meelaha ay Soomaalida badan ku nool yihiin, ayaan salaadda jimcaha laga tukanin isbuucii afaraad oo xiriir ah, iyadoo dhammaan masaajidyada aysan jameeco ka soconin. Inta badan dalalka Islaamka, waxaa la baddalay aadaankii salaadda, waxaana dadka lagu boorrinayaa in qof walba uu ku tukado meesha uu ku sugan yahay. Laakiin dadka badankood su’aalaha ay isweydiinayaan waxaa ka mid ah inay bannaan tahay in laga tago khudbada salaadda Jimcaha ee waajibka ah. Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegay in masaajidyada laga hakan karo haddii ay jiraan sababo keeni kara arrintaas. “Waxa la eegayo ma aha tirada inta jimco ee laga baaqanayo masaajidka, waxa ugu muhiimsan waa sababta keeneysa. Jimcadu waxay wax badan la wadaagtaa jameecooyinka kae, waayo waxaa la isugu imaanayaa masaajidka, waxa loo imanayana waa cibaado iyo kheyr in lala yimaado”. Sheekha ayaa sharraxay waxa keeni kara in masjidka aan la aadin. “Sababo badan buu sharcigu u banneeyay in laga haro jimcaha iyo jamaacada, sababahaasna waxaa ka mid ah in qofku uu xanuunsan yahay ama uu xanuun ka baqayo. Sidaas darteed shareecadu nafta ilaalinteeda iyo caafimaadkeeda ayey ka hormarisaa in qofka uu masaajidka iyo jameecada tago. Waxaa la oggol yahay inuu qofku jimcada ka haro – haddey doonto cid timaadaba ha la waayee – inuu ama isagu xanuunsanayo ama uu xanuun ka baqayo”, ayuu yiri Sheekh Shibli. Dhinaca kale wuxuu Sheekh Shibil tusaale usoo qaatay habkii uu nabiga ula dhaqmi jiray dadka qaba cudurrada faafa. “Nabigeenna CSW talooyinkii uu bixiyay waxaa ka mid ahaa inaan la isku darin dad caafimaad qaba iyo dad xanuunsan. Markii uu soo islaamo nin qaba cudurrada faafi kara, sida juudaanka, ee uu doonayo inuu bayco(ballan) la galo rasuulka, wuxuu dhihi jiray meeshaada joog halkaaga ayaan beycada kugula galay”. “IMar kalena nabigu wuxuu cudurrada noocaasoo kale ah, oo uu tusaale usoo qaatay juudaanka ku taliyay in la isaga ilaaliyo sida libaaxa la isaga ilaaliyo oo kale. Intaasoo dhan waxay muujinayaan in jimcada iyo jamaacadu aysan waajib ku ahayn imaam iyo ma’muum toona haddii ay xanuun naftooda uga baqayaan”, ayuu yiri. ‘Horay way u dhacday in cudurro dartood loo tagi waayo masaajidyada’ SHEEKH SHIBLI Sheekh Shibli oo taariikhda islaamka dib u eegaya ayaa soo qaatay xaalado soo maray dadka muslimiinta ah, xilli ay fidayeen cudurro halis ah. Wuxuu magacaabay qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka CSW oo ay noloshooda galaafteen cudurradaas. “Cudurrada faafa, sida daacuunka iyo kuwa la midka ah ee dilaaga ah ee faafa marar badan bay soo dhaceen, dhulka Shaam la dhihi jiray ee falastiin, lubnaan iyo Suuriya rag badan oo saxaabo ah ayaa ku dhintay oo ay ka mid yihiin Abuu cubeyda, Mucaad Ibnu Jabal iyo rag badan oo saxaabo ah ayaa ku baaba’ay. Dhulkii Andulus oo ah Spain iyo burtaqiiska waxay dhimashu gaartay heer sida ay u badan tahay masaajidyadii la tagi waayay, oo dadkii ay noqdeen kuwo meydadka aasiddooda ku mashquulay iyo kuwo cabsaday”. Wuxuu Sheekha intaas ku daray in dadka muslimiinta ah ay la mid yihiin bani’aadanka kale ee caadiga ah, isagoo sheegay in “dhiigga muslimiinta uusan waxba ka duwaneyn kan dadka caadiga ah”. Qaran News
  21. ANKARA U.K. Foreign Secretary Dominic Raab thanked Turkey on Wednesday for sending medical supplies to help it deal with the coronavirus pandemic, according to diplomatic sources. Raab spoke via telephone to Turkey’s Foreign Minister Mevlut Cavusoglu and said the supplies is an “indication of strong friendship between the two countries.” He also thanked Turkey’s President Recep Tayyip Erdogan for wishes for a speedy recovery to U.K. Prime Minister Boris Johnson. Johnson was admitted to intensive care Monday as his condition deteriorated since being infected with the virus nearly two weeks ago. The premier asked Raab to take his place when necessary. Kosovar also appreciated Turkey’s gesture for support. “We thank #Turkey for their support during this difficult time. Only through solidarity we can overcome this pandemic,” Kosovo’s Foreign Minister Glauk Konjufca said on Twitter. Cavusoglu responded on Twitter saying: “In good times&hard times standing by our Kosovar brothers&sisters.” Since the virus known as COVID-19 emerged last December in China’s Wuhan city, it has spread to at least 184 countries and regions. There are more than 1.45 million confirmed cases worldwide, with more than 83,600 deaths, and 308,700 recoveries, according to data compiled by U.S.-based Johns Hopkins University. *Writing by Faruk Zorlu Source aa.co.tr Qaran News
  22. Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay in wasiiru-dowlaha Cadaaladda Hirshabeelle laga helay cudurka Coronavirus kadib baaritaan lagu sameeyay. Wasiirka xanuunka laga helay oo sidoo kale ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa magaciisa lagu sheegay Khaliif Muumin Tooxow sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed. Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle ayaa sidoo kale laga soo xigtay in kadib baaritaan lagu sameeyay bukaanka oo haatan natiijadiisu soo baxday lagu xaqiijiyay in Wasiiru-dowle Khaliif Muumin Tooxow uu haleelay COVID-19. Wasiirka cudurka laga helay ayaa mudda ku xanuunsanaa hotel ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle taasi oo abuurtay walaac la xiriira in cudurkaas uu ku faafo magaalada Jowhar. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN) – Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka dhaqan galay Bandow ay ciidamadu fuliyeen, balse aan horay loo sii sheegin. Wararka qaar waxay sheegayaan in amar madaxda ah lagu fulinayo bandowga kadib markii ay korortay qatarta cudurka Karoona. Kiisaska Covid-19 ee wasaaradda xaqiijisay ayaa gaaraya 12, oo ay ku jiraan laba shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka. Hoos ka daawo sawirada View the full article