Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah xiray qaar kamid ah masaajidda magaalada Muqdisho, si looga feejignaado faafidda cudurka Coronavirus, kadib kiisas laga helay Muqdisho. Culimaa’udiinka ayaa Booliisku ku amray in ay xiraan masaajidda, halka dadka salaadda soo aadayna lagu wargelinayay in ay iskaga tagaan Masaajidka, si loo yareeyo isu-imaatinada, maadaama kiisas COVID-19 ah laga helay Muqdisho. Masaajidada qaarkood ayay Jameecada iyo Askarta fulinaysay amrkaas Isku dhaceen,waxaana la xiray badi Masaajidadii maanta ay tageen ciidanka Booliiska dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa maanta xirnaa qaar kamid ah xarumaha ganacsiga ee ku yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho, iyadoo ka jirin isu-socodka gaadiidka dadweynaha. PUNTLAND POST The post Booliiska Soomaaliya oo COVID-19 dartiis u xiray masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Magaalada Muqdisho waxa maanta ka dhaqan-galay ay bandow maalinimo oo dowladdu ku soo rogtay gadiidka dadweynaha sida gawaarida Caasiga iyo mooto Bajaajka waxaa sidoo kale la xiray goobaha ganacsiga qaar kood. Go’aankaas ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in loo qaatay si looga gaashaanto cudurka Coronavirus oo kiisas dhawr ah laga helay gudaha magaalada Muqdisho. Goobaha Ganacsiga ee la xiray waxaa ka mid wadada maka’al mukarama oo ah halka ay ku yaalan goobaha ganacsiga iyo sidoo kale meelaha dadweynaha ay isugu yimaadaan. Waxaa haatan cabsi laga muujinayaa faafidda xanuunka COVID-19 iyadoo hal ruux uu dhawaan ugu geeriyooday gudaha dalka sidoo kalena laga helay sargaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka. Guud ahaan dalka waxaa ilaa iyo haatan laga diwaan geliyay 12 kiis oo ah Cudurka Coronavirus oo loo yaqaano Covid-19. PUNTLAND POST The post Bandow maalinimo oo ka dhaqan-galay Muqdisho Coronavirus awgiis appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Salaadda Jimcaha ayaan maanta laga oogin qaar ka mid ah masaajiddada ku yaalla magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada booliska ay billaabeen howl-gallo aan horey loo shaacin oo dad badan ka yaabiyey. Degmooyinka aan maanta salaadii Jimcaha laga dukan ayaa waxaa ka mid ah Wadajir, Xamarweyne, Hodan, Howl-Wadaag, Bondheere iyo degmooyin kale, waxaana la sheegay in imaamyada masaajidyada lagu wargeliyey in la xiro si looga hortago faafitaanka cudurka coronavirus. Masaajiddada qaar ayaa dadkii loo diidey inay ku tukadaan waxaa ay ka sameeyeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan in masaajiddada la xiro, iyaga oo sheegayay inaysan aqbaleyn. Wasaaradda awqiifta iyo diinta ee xukuumadda Soomaaliya weli sooma saarin war rasmi ah oo ku aadan in la xiro masaajiddada, marka laga reebo inay horey u amartay in la xiro dugsiyada qur’aanka iyo goobaha diinta lagu barto sida mowlacyada. Dhinaca kalana, warar soo baxaya, balse aan weli la xaqiijin, ayaa sheegaya in la amray milkiilayaasha maqaayadaha in ay xiraan goobahooda ganacsi, iyada oo laga baqdin qabo in dadku si fudud ay ku kala qaadaan cudurka Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa Arbacadii shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka Coronavirus ee caalamka ku faafaya. Qofkaas ayaa ahaa qof aan dibedda dalka aadin, oo cudurka ku qaaday gudaha. Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in afar qof oo ku sugan Muqdisho oo aan dalka ka bixin laga helay cudurka, ayada oo ku dhowaaqday in faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community spread) uu billowday, taasi oo soo rogi doonto halis caafimaad oo xoogan.
  4. A team of scientists at Puntland State University (PSU) School of Medicine have succeeded in producing a locally-made hand sanitizer, spurred by the restrictions on imports due to the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  5. Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Wasaarada Ambiga DF ayaa sheegaya in kulan ka socda Villa Soomaaliya uu kasoo baxay Amar lagu [...] Source
  6. Kismaayo (SMN) – Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan kuwa Jubaland, ayaa Al-Shabaab waxa ay kala wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgaladaas ay qeyb ka yihiin dedaalada xoreynta goboladda waddanka. Iyagoo hadalkooda sii wata, waxay intaas raaciyeen in ay sii wadayaan dhaqdhaqaaqyadda ay wadaan. Balse, ma aysan kala caddeyn hadii ay dagaal ku qabsadeen ama in ay faarujiyeen xubnaha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa wali ku xoogan oo maamula deegaano iyo degmooyin dhaca qaar ka tirsan maamul goboleedyadda dalka, wallow ay socdaan qorsheyaal looga saarayo halkaas. View the full article
  7. Jowhar (SMN) – Tirro dad ah ayaa lagu waramay in lagu soo qabtay howlgalo ay ciidamadda booliska ka sameeyeen magaalada Jowhar. Taliska Bileyska ayaa ka gaabsaday in uu fahfaahin ka bixiyo tirada dadka ay soo qabteen iyo waxay ay ka yeelayaan. Balse, macluumaadyo horudhac ah ayaa qeexaya in ay marayaan baaritaano, ciddii wax lagu waayana lasii deyn doono. Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay markii bam-gacmeed lagu weeraray Hotel Safa oo ku yaala waqoyga caasimada HirShabelle. Ismaaciil Warsame, gudoomiye ku xigeenka maaliyada Jowhar, ayaa ku dhaawacmay falkaas, oo aysan jirin koox sheegatay. Magaalada Jowhar ayaa todobaadyaddii u dambeeyay martigelisay qaraxyo sababa waxyeelo inta badan soo gaara dadka shacabka ah ee halkaas ku nool. View the full article
  8. Guriceel (SMN) – Taliska Booliska Guriceel ayaa maanta soo rogay amarro cusub oo la sheegay in lagu xoojinayo nabad-gelyadda. Daahir Faarax, taliyaha bileyska degmadaas oo u waramay warbaahinta, ayaa sheegay in go’aanada ay yihiin kuwa fulin doono. Wuxuu tilmaamay in amarada ay soo rogeen ay qeyb ka tahay in aysan dadka u safri karin degaanada ay maamusho Al-Shabaab. Intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in hadii dadka ay aadaan muhiim tahay in ay soo gudbiyaan. Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in qofka looga baahan yahay inuu soo ogeysiiso maamulka marka uu dib ugu soo laabanayo Guriceel. Cid walba oo u hogaan-sami weyda talaabadaas ayuu hoosta ka xariiqay in ay ka qaadi doonan talaabo sharciga waafaqsa. Hoos ka dhageyso codka taliyaha https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Guriceel.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa albaabada u laabay qaar kamid ah Masaajida iyo Xarumaha Ganacsiga ee Muqdisho. Masaajida illaa iyo haatan la xiray ayaa lagu waramay in ay ku yaalaan degmooyinka; Warta Nabada, Waaberi iyo Xamar-wayne. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa, balse waxaa lagu sheegay in ay la xiriirto ka hortagga faafitaanka Coronavirus. Nabadoon Warsame Jaamac, oo degan Warta Nabada una waramay Shabelle, ayaa xaqiijiyey in xiritaanka Masaajida uu ahaa amar dowladeed. Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa xili kiisaska Covid-19 ee caasimadda ay gaareen 12 isla markaana lagu waramay in ay dad badan u geeriyoodeen. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Ismaaciil Macalin Muuse, gudoomiyaha guddiga dib-u-heshiisiinta Qaranka oo ka qeybgalayey barnaamijka Dooda Jimcaha ee ka baxa Shabelle, ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay dagaal-beeleedyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kasoo daaleen dagaal beeleedyadda isla markaana gacan ka hadal ka hadalka ay ka wanaagsan tahay in la wadahadalo, isagoo sheegay in wax-garadka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo shacabka ay ka walwalsan yihiin saameynta colaadaha u dhaxeeya dad uu tilmaamay in ay u dhaxeyso xiriir dhaqan iyo mid wada-dhalasho. Dhinaca kale, nabadoon Cali Aadan Nuur, oo isaguna qeyb ka ahaa barnaamijka Dooda Jimcaha Shabelle, ayaa ku dhaliilay Dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka gaabisay doorkii ay ku lahayd xalinta colaad beeleedyadda. Prof Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah mudaneyaasha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka ah ku booriyey in xalka dagaal beeleedyadda ay ka qeyb-geliso dada ku haboon si loo sameeyo dib-u-heshiisiin dhab ah, isagoo si gaar ah ugu baaqay dowladda in muhiimada koowaad ay siiso dadka degaanka. Hadalheynta ugu badan ee Soomaaliya ayaa noqotay dagaal beeleedyo walwal badan ku abuuray bulshadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka dhasheen natiijooyin ay wanaagsaneyn sidda; gubid iyo gowrac sii kala fogeynaya beelaha walaalaha ah, iyaddoo sidoo kale ay jiraan qoysas ku barakacay dagaaladaasi. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-100420.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka hadashay suurta-galnimada ah in hal qof ka badan uu cudurka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wasaaradda ayaa Arbacadii shaacisay in muwaadin 58 jir uu noqday qofkii ugu horreeyey ee gudaha Soomaaliya ugu dhintay cudurka, hase yeeshee warar ay warbaahinta qaar werisay ayaa lagu sheegay in qof labaad oo lagu arkay calaamadaha cudurka uu ku dhintay Muqdisho. Bukaan jiifay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho kaas oo looga shakiyay Covid-19 ayaa la geeyay isbitaal Martiini, taasi oo lasheegay in wasaarada caafimaadka ay awood buuxda u yeelan weysay in ay ku xirto oksijiin kadibna dib loogu soo celiyay Isbitaalkii hore, halkaas oo kadibna uu dhintay. Isaga oo la hadlayey Taleefishinka Shabelle ee Muqdisho, ayaa wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Saciid waxa uu sheegay inay jiro karto suurta-galnimada arrintaas balse uusan xaqiijin karin. Waxa uu sheegay in aysan baarin qofka la tilmaamay in uu ku geeriyooday Muqdisho, sidaas darteedna aysan hubin wasaarad ahaan. “Waa jiri karaan, dad badan oo xanuunsan ayaa jooga Isbitaallada waddanka. Qofka siyaabo badan baa loo heyn karaa, calaamado calaamadahaan lamid ahna wuu yeelan karaa, waxa kaliya oo aan ku kala caddeyno waxay tahay annagoo dheecaanada qaadna sheybaarka la geeyo la ogaado,” ayuu yiri. Wuxuu raaciyey: “Annaga kiiska nooma diiwaan-gishana, oo laab ahaan ma aanan caddeynin. Taa macnaheedu ma ahan in uusan u dhiman ma dhihi karno, ilaahey baa og. Laakiin, xaqiiqda jirtaa waxay tahay cudurka, sidaas aragteen wuu ka jirtaa waddanka, waa laga yaabaa. Dhanka kale, wasiir ku-xigeenka ayaa qiray inay hooseyso awooda uu Isbitaalka Martiini, oo loo asteeyay goobta karantiilka, u leeyahay in uu qaabilo bukaano badan.
  13. Laaaakiin Waxaan jamcayaasha soo socda ilaa laga gaarayo Ogoosto aan idin xasuusineynaa Xuska 1 Ogoosto. Stay home , Joog gurigaaga, una hogaansan Talooyinka laamaha Caafimaadka [...] Source
  14. Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxay tacsi la wadaagaynaa Bulshada Soomaaliyeed khaasatan Ardeydii 1970 taneeyadii 1980 tameeyadii iyo 1990 Sagaashameedyadii , geeridii ku timid Allan naxariistii Jano ha [...] Source
  15. The International Air Transport Association has released new analysis showing that some 25 million jobs are at risk of disappearing with plummeting demand for air travel amid the COVID-19 crisis. Source: Hiiraan Online
  16. Wanlaweyn (SMN) – Dabley ayaa lagu waramay in ay degaanka Yaaq-bira-wayne ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen “nin nabadoon ahaa”. Marxuumka ayaa magaciisa lagu sheegay Ciise Fara-cadde Diiriye. Wuxuu caan ka ahaa degaanada gobolkaas. Ma cadda sababta loo beegsaday iyo cidda xaqiiqo ahaan ka dambeysa toogashadda lagula kacay ee noloshiisa lagu dhaafiyey. Hase ahaatee, xubin ka tirsan ehelkiisa oo u waramay Shabelle ayaa tilmaamay in ay dileen garab kamid ah maleeyshiyaadka isku haya Wanlaweyn. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in nabadoonka uusan wax lug ah ku lahayn isku dhacyadda qabaa’ilka ee ka jira degmadaas. Wareysiga gaarka ah ee Radio Shabelle uu siiyey ayuu cod dheer ku soo jeediyey in ay cadaalad u helaan qofkaas qoyskooda ka tirsanaa. Ku dhowaad 20 qof oo shacab u badan ayaa ku geeriyooday dagaal beeleedka ka dhacay Wanlaweyn, iyaddoo la baadigoobayo dhinacyada ku lugta lahaa. View the full article
  17. Baydhabo (SMN) – Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa amar horleh kasoo saarey Coronavirus. Amarada ayaa si gaar ah quseeya dhanka iibinta Qaadka oo magaalooyin ay kamid tahay Baydhabo si furan loogu kala iibsado. Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedkaas ayaa sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin dadkaas. Saraakiisha ayaa caddeeyay in la gubi doono Qaadkii la qabta. Waxay raaciyeen la ganaaxi doono ganacsatadii lagu soo xiro. “Sababtoo ah waa jebinta amar dowladeed maadaama la joojiyey duulimaadyada iyo Qaadka,” ayay hoosta ka xariiqeen. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili ay jiraan warar sheegaya in Qaadka uu Baydhabo kasoo galo dhanka Itoobiya iyo maamul goboleedka Judbaland. View the full article
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey, oo saxaafadda u akhriyay warbixinta guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan-geli waayay amarkii Puntland ku xirtay xuduudka dhanka Somaliland iyo Ethiopia. Wasiirka ayaa sheegay in laamiga dheer ee isku xira degaannada Puntland iyo Somaliland uu si caadiya u furanyahay, islamarkaana gaadiidka kala duwan ay maalinle u maraan, taasina uu isagu indhihiisa ku soo arkay kadib socdaal uu dhowaan ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sool. Mudane Sabareey, ayaa ku baaqay in Puntland ay ciidamo gaar ah u samayso, dhaqan-gelinta bandowgii lagu soo rogay xuduudka dhanka Somaliland, maadaama uu socon waayay amarkii hore ee lagu xiray isu-socodka labada dhinac. Warar ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in xuduudka Puntland la wadaagto dhanka Ethiopia uu isna weli furanyahay oo uusan ka dhaqan-gelin amarkii xukuumadda Puntland ku xirtay xuduudka, si looga hortago faafidda COVID-19.
  19. The Somalia Trademarks Office resumed its operations at the end of 2019, when Ministerial Decree 1/2019 was issued by the Ministry of Commerce and Industry, stipulating that trademark registrations are once again possible in this former Italian colony and British Protectorate. Source: Hiiraan Online
  20. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey, oo xalay Saxaafadda u akhriyay warbixinta guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan-geli waayay amarkii dowladda Puntland ku xirtay xuduudka dhanka Somaliland iyo Ethiopia. Wasiirka ayaa sheegay in laamiga dheer ee isku xira degaannada Puntland iyo Somaliland uu si caadiya u furanyahay, islamarkaana gaadiidka kala duwan ay maalinle u maraan, taasina uu isagu indhihiisa ku soo arkay kadib socdaal uu dhowaan ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sool. Mudane Sabareey, ayaa ku baaqay in Puntland ay ciidamo gaar ah u samayso, dhaqan-gelinta bandowgii lagu soo rogay xuduudka dhanka Somaliland, maadaama uu socon waayay amarkii hore ee lagu xiray isu-socodka labada dhinac. Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya, in xuduudka Puntland la wadaagto dhanka Ethiopia uu isna weli furanyahay oo uusan ka dhaqan-gelin amarkii xukuumadda Puntland ku xirtay xuduudka, si looga hortago faafidda COVID-19. Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, oo ka yimaada degmada Gallaadi ee gobolka Doollo ee dowlad degaanka Somaalida DDS, ayaa sida la sheegayo maalmihii u dambeeyay ka soo gudbayay xuduudka dhanka degmada Galdogob ee gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo xaqiijisay in uu dhaqan-geli waayay amarkii ay ku xirtay xuduudka Somaliland iyo Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Mar warbaahinta Shabelle ay wax ka waydiisay wasiir ku xigeenka wasaarada Soomaaliya, Maxamed Saciid, jiritaanka qof labaad oo u dhintay Coronavirus, wuxuu adkeeyay suurtagalnimadda, balse ma uusan xaqiijin. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu caddeeyay in aysan baarin qofka la tilmaamay in uu ku geeriyooday Muqdisho, sidaas darteedna aysan hubin. Dhanka kale, awooda uu Isbitaalka Martiini oo loo asteeyay goobta karantiilka u leeyahay in uu qaabilo bukaano badan ayuu qiray in ay hooseyso. Dadweynaha ayuu ku waaniyey in ay raacaan dhamaan tilmaamaha caafimaad ee ay kaga badbaadi karaan fayruska safmareenka ah. Bukaan jiifay mid kamid ah isbitaalada ku yaala Muqdisho kaas oo looga shakiyay caabuqa Covid-19 ayaa la geeyay isbitaal Martiini taasi oo lasheegay in wasaarada caafimaadka ay awood buuxda u yeelan weysay in ay ku xirto oksijiin kadibna dib loogu soo celiyay Isbitaalka, kadibna uu dhintay. Wasaarada caafimaadka xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in xanuunka Covid 19 uu bilaabay inuu ku dhex-faafo bulshada dhexdeeda maadaama sida ay sheegtay wasaarada laga helay dad degan gudaha magaalada oo aanan dibada u safrin. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Meydka wada bajaajle ah ayaa saakay lagu arkay wadada u dhexeysa isgoysyadda Soobe iyo Danwadaagaha, iyadoo ay si weyn uga argagexeen dadkii goobta soo gaaray. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijinin sababta ka dambeesay geerida wadaha bajaajla ahaa ayaa hadana wararka qaar waxa ay sheegayaan in lagu dilay toorey ama mindi. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta lagu arkay meydka, kuwaasi oo baaritaan ka sameeyay agagaarkaas. Ma jirto wax war ah oo illaa iyo haatan ay hay’addaha nabad-gelyadda kasoo saareen dhacdadaas. Ma ahan markii ugu horeysay oo meyd lagu arko qeybo kamid ah magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Beegsiga Bajaajleyda waxaa looga bartay Ciidamadda Dowladda marka ay murmaan. View the full article
  23. Jowhar (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya qarax xalay lagu weeraray Safa Hotel, oo ku yaala waqoyga caasimada HirShabelle ee Jowhar. Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay weerarka oo ka dhashay bam-gacmeed, sidda ay sheegeen illo wareedyo. Qofka dhaawacmay ayaa lagu sheegay Ismaaciil Warsame Faarax, gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda degmadda Jowhar. Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in aysan jirin waxyeelo kale oo ka dhashay dhacdadaas, oo laamaha ammaanka aysan wali ka hadlin. Todobaadkii hore ayay ahayd markii qarax Miino oo ka dhacday maqaaxi ay fariistaan madaxda HirShabelle ay ka dhasheen khasaaro. Inta badan dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegta falalka noocaan ah ee laga soo wariyo degaanada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sawirro hoteelka la weeraray View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-10042020.mp3 View the full article
  25. Jilib (Caasimada Online) – Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cali Maxamuud Bagmadow oo la hadlay ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey dagaalkii Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Jilib Arbacadii. Sida ay Caasimada Online ogaatay, dagaalka ayaa dhaxmaray ciidamada Xisbada iyo kuwa Jabhadaha ee Malitariga, waxa uuna dagaalkooda salka ku hayaa khilaaf ku saabsan ajaaniib ku eedeysan basaasnimo. Jeneral Bagmadow oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay kooxda Al-Shabaab ay dagaalka dhaxdeeda ah isaga dileen 12 xubnood oo iskugu jira horjogayaal iyo maleyshiyaad. Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in ajaaniibta ku eedeysan basaasnimada ay ka badan yihiin 2 qof ayna u dhasheen laba dal oo kala duwan. Xubnaha qaar ayaa doonaya in la toogto halka qaarkood ay qabaan in aan la dilin sababo badan aawgeed. Al-Shabaab ayaa hore u dilay dad badan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaaniib kuwaas oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Dadka basaasnimada loo dilay waxaa ku jira caruur iyo dumar. Dagaalkan ayaa imanaya ayada oo horey sirdoonka Soomaaliya ay u sheegeen inuu jiray khilaaf u dhaxeeyey hoggaanka sare ee kooxda.10-kii March ayay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye). Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey xiligaas ku sheegtay “in Muuse Macallin lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.