Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa caawa gacanta ku soo dhigay, nin watay waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlagkaas. Ciidamada ayaa ninkaas kusoo qabtay howgallo ay ka sameeyeen inta badan xaafadaha magaalada, waxaana la sheegay in durbadiiba laga helay xogta in uu qorsheynayey sidii magaalada uu kusoo gelin lahaa qarax u yiilay deegaan 30 KM u jira Dhuusamareeb, waa Bulacle. Intaas kadib waxaa la sheegay in ninkaas loo qaaday halkii uu ugu keydsanaa qaraxaas oo aheyd deegaanka Bulacle oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Ciidamada Danab ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guuleystay in ay soo qarxiyaan waxyaabihii u diyaarsanaa ninkaas, waxaana isagii lagu xiray saldhigga Dhuusamareeb. Saraakiishu ma shaacin macaga ruuxan lagu soo qabtay falkaas, balse waxay sheegeen in laga soo diray degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Ciidamada ayaa sii xoojiyey baaritaanada dhanka ammaanka ah ee ka socday magaalada Dhuusamareeb, wixii ka dambeeyey markii la helay xogta ninkan lasoo qabtay, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada loo baarayaa guri-guri.
  2. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19 ayaa ku baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon. Madaxweynaha ayaa dul-istaagay duruufaha ku xeeran awooddeena dowladnimada, hannaanka nolosha dadkeenna ee ku dhisan maalinlaha iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada socda ee lagaga hortagayo cudurkan safmarka ah. “Dowlad ahaan waxa aynu nahayd dal hadda soo kabanaya dhinac kasta, dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka ma gaarsiisana heerka aan dadkeenna ugu qaban lahayn waxbadan oo ay ahayd in aan ku wajahno marxaladdan adag, sidaas oo ay tahay waxaan xoogga saareyna ka hortagga cudurkan maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay isu gurmadaan oo ay isgarab siiyaan, gaar ahaan ganacsatada oo masuuliyad adag ay saaran tahay wakhtigan iyada oo loo baahan yahay in ay u naxaan dadkooda dhibaateysan, uguna dhibriyaan sicirka badeecadaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyey dhammaan bukaannada uu haleelay cudurka COVID-19, Allena waxa uu naxariis u weydiiyey muwaadinkii dalka ugu geeriyooday cudurkan. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo cudurka CoronaVirus / COVID19. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisulwasaaraha XFS, dhaqaatiir Iyo hay’adaha Amniga. Waxaa la isla gorfeeyay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo faafitaanka cudurkan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna. Dood iyo aragti is-dhaafsi ka dib waxaa wasaaradda iyo culimadu isla garteen: In Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee Covid19. In la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan. Guddi ka kooban Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada ayaa qiimeyn doona oo go’aan ka gaari doona waxa laga yeelayo arrinta masaajidda kadib marka cilmi baaris diini iyo mid caafimaad ah la sameeyo. Waxaa mar kale la farayaa ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)– Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shacabka kula wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon. “Dowlad ahaan waxa aynu nahayd dal hadda soo kabanaya dhinac kasta, dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka ma gaarsiisana heerka aan dadkeenna ugu qaban lahayn waxbadan oo ay ahayd in aan ku wajahno marxaladdan adag, sidaas oo ay tahay waxaan xoogga saareyna ka hortagga cudurkan maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan,” ayuu yiri madaxweynaha. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay isu gurmadaan oo ay isgarab siiyaan, gaar ahaan ganacsatada oo masuuliyad adag ay saaran tahay wakhtigan, iyada oo loo baahan yahay in ay u naxaan dadkooda dhibaateysan, uguna dhibriyaan sicirka badeecadaha, sida lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa caafimaad u rajeeyey dhammaan bukaannada uu haleelay cudurka COVID-19. “Allena waxa uu naxariis u weydiiyey muwaadinkii dalka ugu geeriyooday cudurkan.” Khatarta cudurka Coronavirus ayaa dalka si weyn looga dareemayaa kadib markii ay korortay tirada dadka uu soo ritay, waxayna haatan mareysaa tirada dadka la shaaciyey ee uu ku dhacay gudaha dalka 21 ruux oo mid u dhintay, midna ka caafimaaday, halka inta kale lagu dabiibayo goobo loo asteeyey.
  5. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in midnimo Somaliland iyo Soomaaliya dhexmartaa ay ku xidhan tahay, haddii buu yidhi ay hormood ka noqdaan midnimadaasi Jabuuti iyo Jigjiga. Waxa uu sheegay in taasi ay horseedeyso in la helo shantii Soomaaliyeed, dhan kale waxa uu si kulul u weeraray qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Hapeen-110420-sax.mp3 View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Soomaaliya ayaa waxaa sii faafaya cudurka COVID-19 oo illaa iyo iminka la diiwaangeliyey 20 qof oo u badan bahda caafimaadka oo ah dhakhaatiir oo la xaqiijiyey in cudurkani uu soo ritay. Hal qof ayaa la xaqiijiyay in illaa iyo haatan uu COVID-19 ugu geeriyooday Soomaaliya, halkan hoose ka DAAWO warbixin Source
  8. A gathering of clan elders, government officials and military court judge Saturday resolved to bring to an end the bloodshed in Wanlaweyn which has claimed over 20 lives in the past week. Source: Hiiraan Online
  9. Wararka naga soo gaarayo gobolka Sanaag ayaa sheegayo in saakay dagaal ka bilowday deegaan lagu magacaabo Waqadariya oo dhaca galbeedka degmada Laasqoray ee gobolkaasi. Dagaalka oo bilowday saakay aroor hore ayaa dhex marayo laba beelood oo wada dega deegaanka, waxaana wararku intaas ku darayaan in labada beelood ay ka soo kala jeedaka maamulada Puntland iyo Somaliland. Waxaa jiro khasaare ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamayo dagaalamayo gobolka waxaana adag in si dhab ah loo ogodaado xogta maadaama isgaarsiinta deegaanka ay aad u liidato. Wariyaha Goobjoog Celduruus ayaa waxaa soo sheegayaa in dagaalkii hadda uu iskiis u istaagay mana aysan jirin wax ciidan ah oo kala dhex galay, waxaa la gubay goobo ku yaallo deegaanka oo Masaajid uu ka mid yahay dhaqanka gobolka Sanaag ayaa hadda raadinaya waanwaan. Dagaalaka ka dhacaya degaanka Waqadariya ayaa dhowr jeer ku la soo laalaabanayey deegaanka oo ah mid ku teedsan dhanka xeebta labada dhinac ayaan isku haayo gacan ku heynta deegaankaasi mana jiro xal lagu dhameynayo dagaalka oo in badan khasaare sababay soo kala gaaray labada dhinac ee isku hayo deegaanka. Goob joog News Source: goobjoog.com
  10. Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmajo could legally use the coronavirus pandemic to postpone elections planned for December this year and February 2021. Source: Hiiraan Online
  11. Two more people in Kenya have tested positive for the coronavirus, raising the country's total number of confirmed cases to 191. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta amniga iyo qorshayaasha lagu sugayo ammaanka. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha Amniga degaanada maamulka Galmudug ee Booliska nabad suggida iyo Milatariga. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka dalbaday Saraakiisha Amniga dardargalinta howla ha xaqiijinta Ammaanka degaannada Galmudug. Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda deegaanna da Galumug. Kulanka madaxweyne Qoo’qoor ayaa waxaa ku aadayaa iyadoo ciidamada xoogga dalka howlgallo ay ka wadaan deegaannada maamulkaasi waxaa ayna gaareen deegaanno hor leh kuwaas oo dhaca Mudud iyo Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. The Covid-19 pandemic is hindering the supply of motorised sprayers and pesticides. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo cudurka Coronavirus/COVID-19. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha, dhaqaatiir iyo hay’adaha amniga dalka. Waxaa la isla gorfeeyay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo faafitaanka cudurkan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna, waxaana dood iyo aragti is-dhaafsi ka dib waxaa wasaaradda iyo culimadu isla garteen: 1 – In Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee COVID-19. 2 – In la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan. 3 – Guddi ka kooban Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada ayaa qiimeyn doona oo go’aan ka gaari doona waxa laga yeelayo arrinta masaajidda kadib marka cilmi baaris diini iyo mid caafimaad ah la sameeyo. 4 – Waxaa mar kale la farayaa ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan. Hoos ka daawo muuqaalka Agaasimaha guud ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Cumar Faaruuq SheekhCabdicaziiz oo sharxaya waxyaabaha la isku raacay iyo sida loo fulinayo.
  15. A U.S. airstrike killed 10 al-Shabaab militants in southern Somalia on Thursday, April 9, in defense of Somali National Army troops on the ground, Africa Command said. Source: Hiiraan Online
  16. KISMAYO (HOL) - Jubbaland government has warned traders against increasing food prices in the wake of COVID-19 spread noting stern measures will be taken against those who violate the directive. Source: Hiiraan Online
  17. MOGADISHU (HOL) - Mogadishu’s largest medical facility-Erdogan Hospital has suspended operations until late May amid reports two doctors from the hospital had tested positive for COVID-19. Source: Hiiraan Online
  18. Waxaa sii badaneysa tirada dadka laga helay Coronavirus ee ku sugan Soomaaliya 15 qof oo maanta baaris loogu sameeyey isbitaalka Martiini, waxaa positive noqday oo Covid-19 laga helay 4 qof. Arrintan ayaa tirada guud ee dadka uu ku dhacay ka dhageysa 25 qof tan iyo markii uu ku bilowday Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (PP News Desk) The Somali Federal Ministry of Information is facing criticisms for job advertisement for a Somali female broadcaster. Two of the criteria have attracted comments in the social media. One criterion stated the female applicant “should be tall, have proportionally built physique and be telegenic”. The second criterion read: “the applicant must have a broadcaster’s voice and be well-dressed”. The former Somali Federal Minister of Planning and International Cooperation Abdi Aynte described the criteria as “a violation of our Islamic precepts”. Aynte called for the Ministry of Information to withdraw the job advertisement. Aynte: The job criteria violated our Islamic precepts “The criteria do not fully reflect the job of a broadcaster. Subjective a considerations such as the look of a person are discriminatory” says Ali Farah, an employment law solicitor in London. “What the Ministry of Information could do is to advertise the job and send potential applicants jobs specifications and criteria by email or make it downloadable.” No mention of the reputation of the potential applicant is made in the criteria. It is not clear if the Ministry of information will employ people with questionable journalistic career. The job is based in Mogadishu. Clarity on where interviews will take place is missing in the job advertisement. Female applications from far-away regions who apply for the job are at a disadvantage. Applicants can send application to the Director of the Somali National Television by email or through Whatisapp. A revised job advertisement The Somali Ministry of Information has since revised the job advertisement. The new advertisement that does not contain a reference to the body and height of female applicants. © Puntland Post, 2020 The post JOB CRITERIA FOR A SOMALI FEMALE BROADCASTER CAUSES UPROAR appeared first on Puntland Post.