-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Abuuja, wuxuu ahaa Tifaftirihii Idaacada Hiigsi ee Muqdisho Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja oo muudo bil ka badan ku xirnaa magaalada Muqdisho loo haysto ka mid ahaanshaha kooxda Al-shabaab. War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laamaha amaanka dalka ay sheegeen in Maxamed Cabdiwahaab Abuuja loo haysto ka mid ahaanshaha kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Abuuja loo haysto in uu qeyb ka ahaa dil 06/03/2019 degmada Boondheere loogu geystay marxuumad Baxsaneey Booleey. Wasaaradda Warfaafinta waxay sheegtay in hay’adaha amniga ay Wariye Abuuja gal-dacwadeedkiisa u gudbiyeen hay’adaha garsoorka. Arrintan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo maalmihii la soo dhaafay bahda saxaafadda iyo dadka u ololeeya xorriyada hadlka ay dowladda Federaalka ah ka codsanayeen in xoriyadiisa la siiyo Wariye Abuuja. PUNTLAND POST The post DFS oo Wariye ku xiran Muqdisho ku eedeysay A-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay war ka soo saartay xariga Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja oo ku xiran magaalada Muqdisho. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in wariye Abuuja loo heysto eedeymo la xariiro Al-Shabaabnimo iyo sidoo kale dil ka dhacay degmada Boondheere. Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedkaan lagu sheegay in gal dacwadeedka eedeysanaha loo gudbinayo hay’adaha garsoorka dalka. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-22042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay kiiska weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja, oo magaalada Muqdisho ku xiran tan iyo 29-kii Febraayo. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in sababta loo hayo Abuuja ay tahay “inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab” loona haysto inuu ku lug lahaa dil ka dhacay Muqdisho “Ha’yaddaha amniga ayaa gacanta ku haya Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo ku eedaysan inuu ka tirsanyahay Argagixisada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Eedaysane Abuuja ayaa loo haystaa inuu qayb ka ahaa fal danbiyeed la xiriira dil loo gaystay Marxuumad Baxsaneey Booleey, dilkaas oo ka dhacay Degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd 06/03/2019.” Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray in Ha’yadaha amniga ay eedaysanaha gal dacwadeed-kiisa u gudbinayaan Ha’yadaha Garsoorka ee ku shaqada leh. Warka kasoo baxay dowladda ayaa imanaya ayada oo maalmihii dhowaa ay aad u xoogeysteen baaqyada la xiriira in weriye Abuuja, oo ahaa tifaftiraha idaacadda Hiigsi, xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda warfaafinta
-
Hargeysa ( PP News Desk) — The Chairman of the second opposition party in Somaliland (UCID) Mr Faisal Ali Warabe yesterday held a press conference in Hargeysa. “Somaliland is at a dangerous crossroads. It has become the norm to exploit clans under the pretext of forming an economic committee to wage a war. This situation reflects the extent to which Somaliland government organisations have become ineffectual” Faysal said. Chairman Faisal: Somaliland government organisations are ineffectual UCID leader said that no cabinet member “maintains close links with his/her constituency”. Faisal’s comments come in the wake of renewed hostilities in Sanaag and violent dissent in Awdal. “Some people in our midst are working to undermine Somaliland” the UCID Chairman said. UCID is one of the three Somaliland parties that participated in the first one person, one vote elections in Somaliland in 2003. UCID garnered 4% of votes cast during 2017 Somaliland presidential elections, less than 10% of the votes the party gained during 2010 presidential elections. UCID has lost a massive chunk of national votes. This trend might be repeated during the planned parliamentary elections in Somaliland if President Muse Bihi Abdi shelves his government’s plan to allow for the establishment of political associations that will contest for a party status. Somaliland Constitution stipulates three parties. © Puntland Post , 2020 The post UCID leader deplores poor leadership in Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Six people have died in the last 24 hours out of COVID-19 as 49 others test positive in Somalia bringing to 286 the national tally. Source: Hiiraan Online
-
Sucuudiga oo dil ku fuliyay dadkii ugu badnaa Abid Sacuudiga ayaa fuliyay dilal gaadhaya 184 qof sanadkii la soo dhaafay, waa tiradii ugu badanayd, iyada oo horayna looga digay, waxaa sidaas sheegay Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International. Sidoo kale Ciraaq tirada dadka dilka lagu fuliyey ayaa laba jibaarmatay sanadkii la soo dhaafay. Hase yeeshe, tirada guud ee dunida ayaa hoos u dhacday afartii sano ee la soo dhaafay. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 16-aad ee Danab ayaa la wareegay deegaano ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay saaka ku qaadeen howlgal qorsheysnaa. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik oo u warramaya Idaacada Codka Ciidamada ayaa sheegay inay gaareen deegaanada Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marko oo ay horay ugu sunaayeen kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in ay si nabadoon ku qabsadeen deegaanadaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi iyo sidoo kale dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda K/Soomaaliya.
-
Deeply concerned by renewed violence in Fadhigaab. Call on all sides to exercise restraint and honour December’s #CeelAfweyn peace agreement. Further conflict will only claim more lives, hinder the development of the region and undermine #Somaliland’s #COVID19 response. https://t.co/Sv8VC6sRkI — Stuart Brown (@StuartBrownFCO) April 21, 2020 Qaran News
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa amarro lagu dul dhigay masaajidda lagu oogo salaadda si looga hortago xanuunka COVID-19. Wasaaradda ayaa fartay culumada masaajidda inay badiyaan Alle bariga, quraan akhriska iyo in dhamaan masaajidda lagu qunuudo shanta salaadood. Sidoo kale waxaa loogu baaqay qofkii isaga shakiya Coronavirus in uusan tagin masaajidda haddii uu tagana ay noqonaysa xaaraan, waxaana dadka nugul ee qaba cudurada daaha la faray inay guryahooda ku dukadaan. Dadka haya masuuliyadda masaajidda waxaa iyagana loo jeediyay inay sio joogta ah uga shaqeeyaan nadaafadda masaajidda islamarkaana dadka ay guryahooda ka soo weysa qaataan. Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka wasaaradda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The United Nations is calling for increased funding to help its humanitarian agencies scale up their efforts in countries that are most at risk of the coronavirus pandemic. The heads of all the UN’s humanitarian agencies issued an appeal yesterday for $350 million (Sh37.4 billion) to help the World Food Programme (WFP) set up a logistics system to move health workers and critical equipment and cargo to areas where the movement has been affected by cancelled flights and disrupted supply routes. The WFP manages the United Nations Humanitarian Response Depot where consignments of personal protective equipment are stored and dispatched. “All elements of the Global Humanitarian Response Plan are crucial and need continued funding, but without these logistics common services, the global response could stutter to a halt,” the agency heads, among them World Health Organisation (WHO) Director-General Dr Tedros Ghebreyesus, said in a letter yesterday. The UN expects that the funding will help the construction of treatment centres in countries that desperately need them, as well as manage medical evacuation services for front-line workers. The open letter signed by the 15 heads of humanitarian agencies communicated concern that cancelled flights and disrupted supply routes had disproportionately affected countries where humanitarian aid and supplies are essential to beat back the pandemic. “In this race against an invisible enemy, all countries must fight back, but not all begin from the same starting line. It is in everyone’s interest to stop the virus from spreading unchecked, destroying lives and economies, and continuing to circle around the world,” they said. The letter is signed by the heads of the World Food Programme, World Health Organisation, United Nations Children’s Fund, UN Refugee Agency and International Organisation for Migration, United Nations Population Fund, United Nations Development Programme, Food and Agriculture Organisation among others. They said they were inadequately funded to get relief to countries such as South Sudan and Somalia, which are ravaged by war, poverty and climate change and now face the coronavirus pandemic with weaker health systems. The appeal comes as US President Donald Trump said his country would halt funding for WHO, for apparently mismanaging the coronavirus pandemic. At the same time, the UN agencies said a $2 billion global humanitarian response plan launched by Secretary-General António Guterres to fund the fight against Covid-19 in the world’s poorest countries had received pledges worth $550 million. “The Central Emergency Response Fund (CERF) has also released $95 million to kick-start the Covid-19 response, help contain the spread of the virus, maintain supply chains, and provide assistance and protection to the most vulnerable people, including women and girls, refugees and internally displaced persons. But more needs to be done.”The funding appeal follows ongoing attempts to raise funds by UNHCR- Kenya which is asking for donations via an M-Pesa pay bill number. View the full article
-
Maamulka Cisbitaalka guud ee Degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay si ku meel-gaadh ah u xidhayaan Cisbitaalka Magaaladaasi. Agaasimaha Cisbitaalka Axmed Jibriil Cali Salaad ayaa sheegay in sababta ay u xidhayaan inay tahay Cabsi laga qabo Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19, maaddaama buu yidhi aan Shaqaalaha Caafimaadka ee Cisbitaalkaa ka hawl-galaa aanay haysan Qalabka lagaga gaashaanto Coronavirus. Agaasime Salaad wuxuu sheegay inay sidaa u yeelayaan digtooni, si loo bedbaadiyo shaqaalaha Caafimaadka iyo Dadka kaleba. Source
-
Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai, ayaa sheegtay inay masuuliyiinta Somaliland la leedahay wada hadal ku saabsan sidii ay shirkadu duulimaadyadeeda dib uga bilaabi lahayd Somaliland, ka dib markii ay Somaliland shirkadaas ka joojisay inay timaado garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Shirkadda Fly Dubai ayaa ka noqotay hawada Somaliland bishii March,iyadoo qaadatay amar ay dawladda Soomaaliya ku joojisay dulimaadyada, waxaanay Somaliland markaas ka dib shirkadda ku wargelisay in laga joojiyay duulimaadyadii ay ku iman jirtay madaarka Cigaal ee Hargeysa. Afhayeen u hadlay shirkada Fly Dubai ayaa u sheegay Warbaahinta CH-Aviation oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, inay Somaliland ka joojisay duulimadyadii balse ay kula jiraan hadda wad hadal, “Waxaanu xaqiijin karnaa inay taasi dhacday waxaan sii wadeynaa wada-hadal furan oo arrintan lagala yeesho masuuliyiinta ay khusayso,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenka shirkadda u hadlay. Sida uu sheegtay CH-Aviation, duulimaadyadii Fly Dubai ee FZ661 ee 19 March ee Hargeysa ku soo socday oo ka soo kicitimay magaalada Dubai ayaa dib ugu noqday dalka UAE, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya joojisay duulimaadyada, waana talaabada sababtay in shirkaddan laga joojiyo duulimaadyadii ay ku iman jirtay Hargeysa Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay, islamarkaana gubay shixnad Kalluun ah oo iib ahaan looga qaaday Soomaaliya. Kalluunkaan oo ka koobnaa illaa 12 tone ayey laamaha amniga Kenya waxa ay shaaciyeen in si sharci darro ah looga soo safriyey magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ee Soomaaliya, islamnarkaana lagu qabtay gobolka xeebta ee Lamu. Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay kalluunkaan oo ku jiray 761 kiish lagu qiimeeyey lacag dhan Sh5 million oo ah lacagta Kenya ah. Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay illaa 7 ruux oo waday Kalluunkaasi, kuwaas oo dhowaan la soo taagi doono maxkamad. Kalluunka oo ahaa mid qalalan ayaa lagu gubay fagaare ku yaalla deegaanka Hindi ee duleedka Lamu, waxaana goobjoog ahaa taliyaha Boliiska gobalkaasi iyo saraakiil kale. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dowladda Soomaaliya ay joojisay Qaadkii faraha badnaa ee maalin weliba laga keeni jiray dalka Kenya, sababo la xariira Coronavirus.
-
HORDHAC Soomaaliya waxaa helay dib u dhac saameeyay dhammaan haykalkii dawladnimo iyo hannaankii geeddi – socodka hore u marka shacabka. Siddeed sano (8) ayaa laga joogaa wakhtigii Soomaaliya ay ka baxday ku-meel gaarnimo, konton sanona waxa laga joogaa wakhtigii ugu dambeeyay ee doorasho xor ah oo xalaal ah amma qof iyo cod ah laga qabto dalka. Laga bilaabo sannadkii 1977, dalkan waxaa soo maray marxalado adag oo kala duwan oo dhaawacay midnimodii, isla markaana siyaasad ahaan, nabadgelyo ahaan iyo dhaqaale ahaanba dib u dhac weyn ku keenay. Sida la wada ogsoon yahay, Soomaaliya waxay ku taallaa gobolka Bariga Afrika, goobta ugu stratiijiksan. Waxay ka dhexaysaa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waana dalka Africa ugu xeebta dheer ee Ilaahay ku mannaystay kheyraad badan oo kala nooc ah, haddana waa dalka ugu liitaa hore u mar iyo dhaqaale ahaanba, waxaana sal u ah nabadgalyo xumo ay sabab u tahay qabyaalladda iyo kala qoqobid dhul iyo dadba. Waa dalka keli ah ee adduunka Baarlamankiisa qabyaalad lagu soo galo. Dawladaha jaarka iyo kuwa Bariga Afrika oo dhan waxay dhammaantood ku jiraan tartan hore u marineed, dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Waxaana hortabin u ah kobcinta dhaqaalaha iyo wanaajinta xiriirka debebdda si ay u helaan maalgalin shisheeye. Taas waxay ku kasbadaan xasillooni siyaasadeed oo ay qorsheyaashooda hore u marineed ku hirgaliyaan. Bisha July, 2020 waxaa la suuro galinayaa haddii Eebbe Idmo Isbahaysigii Dhaqaale ee Dawladaha Bariga Afrika oo ay ka maqan tahay Soomaaliya, sababtuna ay tahay iyadoo shuruudaha dawladaha ka midka noqonaya Isbahaysiga lagu xidho ay ugu horrayso xasillooni siyasadeed iyo doorasho xor ah oo xalaal ah oo shacabku wax doorto, si loo helo kalsoonida maalgaliyeyaasha. Muddo dheer waxaa Soomaaliya lagu hagayay siyaasad fashilan oo ku salaysan 4.5 oo qabyaalad iyo musuq-maasuq la sharciyeeyay lagu maamulo.Taasoo ka reebtay tallaabo kasta oo hore u marineed. Waxaa xaqoodii siyaasadeed, shaqo iyo kii hore u marineed la duudsiyay oo laga hor joogaa dhallinyaradii oo ah mustaqbalkii dalka. Waxa Iyana xuquuqdooda siyaasaddeed aan heli karin haweenkii oo aan Oday dhaqameedyadu waxba u ogolayn. Nasiib darro nidaamkaas 4.5 oo u gaara Soomaaliya, wuxu ku keenay dhibaato ah in qabyaaladdii xooggaysato oo dadkii wada deggana ee iskumidka ahaa ay colaad isu qaadaan oo kala fogaadaan, isla markaana wuxu ku keenay dib u dhac weyn oo kala irdhayeeyay qabaa’ilka waaweyn, jifooyinka hoose iyo dadkii wada dhashay. Taasi waxay sababtay xasilooni la’aan siyaasaddeed, caddaalad darro iyo nabad gelyo la’aan ragaadisay qaybo badan oo dalka kamid ah. Qaar kamid ah Dawllad Goboleedyadii iyo Dawladdii Dhexe weli kama heshiinin arrimo badan oo masiiri ah. Heshiis la’antaasi waxay siisay argagixisada inay helaan fursad ay weli kusii wataan hawlahooda argagixisonimo iyo inay dhaqaale ku uruursadaan. Waxaa haddaba nasiib darro ah in wakhtigan la joogo ay weli dadka qaar aaminsan yihiin in 4.5 uu yahay xalka kali ah. Umadda Soomaaliyeed soddon sannadood oo colaad, burbur bulsho, burbur dhaqaale, barokac iyo qaxootinnimo kaddib, waxay u baahan tahay in dib u dhis dhaba, midayn dhaba, hore u mar dhaqaalle iyo mid siyaasaddeedba la gaadhsiiyo. Taasina waxaa gaadhsiin karta dawllad ku dhalata doorasho xor ah oo xalaal ah oo xisbiyo ku dhisan, si caalamku u aamino dawllad shacabku soo doortay, isla markaana maalgalin iyo mucaawino hore u marineed loo helo. Sidaynu u wada ogsoonnahay doorashooyinka xorta ahi waxay kalsooni siiyaan maalgashadeyaasha. Waxaa haddaba geed ka go’an ah amma aad loogu baahan yahay in sida ugu muddan, ugu fudud xagga nabad-gelyada, ugu musuq-maasuq yar, uguna kharashyar loo diyaariyo doorasho caddaalad ah oo aan keenin murug iyo kalsooni xumo midna, Iyadoo awoodda la saarayo inay noqoto mid dadka Soomaaliyeed ku kalsoon yihiin. Taas oo noqon doonta mid loo aayo oo dalka u horseedda nabad waarta, xasillooni siyaasaddeed iyo hore u mar isla makaana, dawladaha jaarka ah iyo kuwa saaxiibka la ah Soomaaliyaba kalsooni buuxda galisa. Waxaa suuroobi la’ inay sii socdaan guulihii siyaasaddeed ee la gaadhay laga bilabo sannadkii 2010 ilaa 2015kii, wakhtigaas oo ay Soomaaliya gaadhay suurto gelinta doorashooyinkii kala duwanaa, dhisidda dawlad Goboleedyada iyo soo celinta kalsoonida siyaasaddeed ee ummadda Soomaaliyeed intaba. Waxaana curyaamintaas sal u ah nidaamka aan dastuuriga ahayn ee colaad kobciyaha ah ee 4.5 oo dadka rajo la’aan iyo kalsooni xumo ku riday. Sannadkii 2012 waxaa lagu heshiiyay in doorashadii 2012 ay ahaato tii ugu dambaysa ee 4.5 lagu galo, iyadoo loo arkayay xal. Whakhtigaas waxaa la go’aamiyay in nidaamka “Hal Cod iyo Hal Qof” wax lagu doorto tartanka iyo doorashada 2016, hase yeeshee, waxaa jirtay in shirar la galay 2015 lagu goáamiyay in 2016kii la qabto doorasho dadban oo isugu jirtay Oday dhaqameed iyo 50 qof oo cod bixiyeyaal ah. Sida la wada ogsoon yahay doorashadaasi waxay ahayd tii ugu musuq-maasuqa badnayd ee keentay in reer-reer iyo qoys-qoys loo colloobo, dadna ku dhinteen. Waxay doorashadaasi abuurtay murug badan iyo iska-hor imaadyo saameeyay gobollada oo dhan. Nasiib darro waxaa jirta in weli dadka qaarkiis ay ku dhaggan yihiin nidaamka 4.5 ee Odayaasha oo keli ahi wax soo xulayeen, qaar kalena ay rabaan nidaamkii doorashadii dadbanayd ee 2016. Doorashadaas dadban sida la wada ogsoon yahay waxaa lagu soo diyaariyay Nairobi, waxaana keenay dad aan duruufaha iyo xaaladda amni ee dalka aanay marnaba muhiim u ahayn, laakiin dano kale fushanayay. Waxa iyana xusid muddan in markale bishii March 6-10, 2020, Nairobi lagu soo hindisay nidaam kale oo doorasho dadban ah oo ku salaysan 4.5 oo 101 codbixiye ay Oday Dhaqameedyo soo xulayaan. Nidamkan oo ay keeneen isla dadkii soo hindisay kii 2016kii waa mid aad u murugsan oo ku keeni kara dalka amni-darro, colaad iyo jahawareer ka badan kuwii 2016. Waxaa aad u muhiim ah in la isweydiiyo sidee doorasho Dastuurka waafaqsan, oo sahlan, isla markaana colaad ka saliim ah, uguna musuq-maasuq yar oo Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Raisal Wasaaraha lagu doorto, lagu qaban karaa 2020/2021? Nidaamyada baraha bulshada lagaga dooddo iyo saamaynta ay ku yeelan karaan mustaqbalka umadda waxay kala yihiin: Nidaamka Kor u Qaadista Xalaalleynta Doorshada (Enhanced Legitimacy ) amma Doorashada dadban” Nidaamkan Doorashada Dadban waxay Dawladda Federaalku ku dhawaaqday 28kii bishii Jannaayo, 2016, Iyadoo fulinaysa go’aankii “Muqdishu Declaration” ee 16kii Diisambar, 2015 oo Madashii Qaranku ku go’aamiyeen in doorashadii 2016 ay noqoto mid lagu fuliyo nidaamkaa loo bixiyay Doorashada Dadban. Nidamkaasi wuxuu ku salaysnaa in Odayaal Dhaqameed soo qoraan 27,500 oo qof oo xildhibaannada soo kala doorta, waxaana soo baxday in xildhibaanno badan kuraasta loogu iibiyay si musuq-maasuq ah. Waxaa iyana si weyn uga faa’idaystay nidaamkaas Madax- Dhaqameedyadii oo ka helay halkaas fursad ay kaga ganacsadaan kuraastii loo tartamayay, iyadoo taasi u noqotay mashruuc dhaqaale. Nidaamkaas waxaa wax dooranayay 27,500 oo la soo xuley. Madax-dhaqameedyada wax soo xulay waxay ka koobnaayeen 135 nin oo hore loo diiwaangeliyay si ay hawshaas u fuliyaan, hase yeeshee tiro kooban ayaa ahayd Salaadiin amma Cuqaal dhaba. Waxay badi ahaayeen dad suuqa laga soo qoray oo la yidhi qabiillada tartamaya ayaad masalaysaan. Nidaamkaa Doorasha Dadban wuxu keenay: In Oday dhaqameedyo aan aqoon dawladnimo iyo mid caalami midna aan lahayn ay Xeer Dajiyeyaashii Qaranka iyagu soo xulaan, iyagoon eegin yaa u qalma iyo yaa wax qaban kara midna, laakiin u arkay fursad dhaqaale oo kali ah; Wuxu nidaamkaasi keenay jahawareer iyo musuq-maasuq aan xad lahayn; Dib u dhac hore leh iyo qabyaalad sii xoogaysata; Wuxuu nidaamkaasi keenay in 27,500 codbixiye la kala iibsado oo meelo lagu kala xareeyo, oo goobahu ay noqdeen sida sayladaha lacagaha; Waxaa dhacday in jifooyinkii si fudud ugu heshiin waayeen dadka noqonaya xildhibaano oo marar badan xoog iyo ciidan la isu adeegsaday; Waxaa doorashadaas ka dhacay geeri iyo dhaawacyo intaba; Nidaamkan oo ay qoreen dad aan dhaqanka Soomaaliyeed aqoon u lahayn amma aan xeerinayn, wuxuu noqday mid gundhig u noqday xasillooni la’aan iyo fawdo hor leh oo soo wajahday dalka; Wuxu ahaa nidaamka musuq-maasuqa gaarsiyay heerkii ugu sarreeyay; Nidaamka Metelaadda Kuraasta Baarlamaanka ee Aqlibiyadda ah (Majoritarian System) Oo loo yaqaan Horreeya Guulaysta (First Past The Post-FPTP) Nidaamkan Metelaadda Kuraasta Baarlamaanka ee Aqlibiyadda ah (Majoritarian System). Oo loo yaqaan Horreeya Guulaysta (FPTP) waa nidaamkii Baarlamaanka JFS aqlibiyad ku ansixiyay. Wuxuna ku salaysan yahay in tartan halkii kursiba gaarkiisa loo dooranayo (Single Member Plurality-SMP). Waxaa nidaamkan isticmaala dalalka hore u maray ee Europe iyo dalalka aan dagaalladu ka jirin. Waa nidaam aan ka shaqayn karin Soomaaliya oo waliba lagu dhex soohay 4.5. Nidaamkani waa nidaam aad u murugsan oo runtii keeni doona colaadihii dhacay 2016kii kuwo ka xun. Waa nidaam ka horjeedaa Dastuurka Qaranka, oo aan qabsoomi karin, dalkana halis ku ah, Sharcigani wuxuu ka horjeedaa dhammaan Cutubka Labaad ee Dastuurka Jamhuuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya (Chapter Two Of the Constitution) qodobadiisa 10, 11, 12, 13, 14, 15, 16, 18, 22 iyo 33; iyo Cutubka Afraad, qodobka 46. Dhammaan qodobadaasi waxay si cad u qeexayaan xuquuqda siyaasaddeed, sinnaanta iyo ta bani-aadamnimo ee muwaadinka Soomaaliyeed. Sharcigan qodobkiisa 12 (3) waxa si cad loogu qeexay in la ilaaliyo hannaankii awood qaybsiga ee hore loogu heshiiyay oo micnaheedu yahay in kursi walba ay leedahay jifodii hore loo siiyay oo ku salaysan 4.5. Laakiin haddana ay cidwaliba u codaynayso. Waxaa intaas dheer in kuraasta la gayn doono deegaan doorashooyinka jifooyinka kuraastaasi lihi ay kasoo jeedaan. Hadii ay haddaba jifo leedahay kursiga, side loogu wada codaynayaa amma loogu wada heshiin doonaa? Sharcigani wuxuu u baahanay in kursi kasta yeesho deegaan doorasho (Constituency) laga soo doorto xildhibaan kasta, taasina waxay u baahanaysa waxa loo yaqaanno kala xaddaynta deegaan doorashooyinka (electoral boundary delimitation) oo iyaduna u baahan dariiq dheer, wadatashi, aqoon, kana dhalan karaan khilaafaad – maadaama dalka loo baahan yahay in loo qaybiyo 275 deegaan doorasho, sidee laysku waafajinayaa juqraafiga iyo qabiilka maadaama nidaamka 4.5 uu kursiga siinayo qabiil? Isla markaas, sidee ayaa qabiilkii loogu helayaa deegaan u gaar ah? W\Q: Xildhibaan Fawzia Yusuf X. Adam Guddoomiyaha Isbahaysiga Xisbiyada ee HIIGSI Iyo Gudoomiyaha Xisbiga NDP Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ka kooban illaa 24 qodob ku socda dhammaan Masaajidda dalka, lana xiriiro cudurka faafa ee Coronavirus. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa talooyin muhiim ah loogu jeediyey Imaamyada Masaajidda iyo dadka ku tukanaya ama ku cibaadeysanaya. Qodobada ayaa waxaa ugu muhiimsan in Masaajida loogu deeqo qalabka lagu baaro heer kulka qandhada qofka, lana baaro dadka galaya, in la badiyo Qur’aan aqriska, in qofka Muslimka ah uu ku tukan karo gurigiisa marxaladaan oo kale. Sidoo kale wasaarada ayaa shaacisay inay xaaran tahay in qof qaba cudurka ama isaga shakiyey inuu tago Masjidka. Ugu dambeyn Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta ayaa martay in la xero goobaha weysaqaadka iyo musqulaha ama suuliyada. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go’aano adag oo lagu xakameynayo faafitaan cudurka Coronavirus, iyadoo mamnuucay isu imaatika dadka. Halkaan hoose ka aqriso qodobada oo dhameystiran:-
-
Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Cali Xasan ayaa waxa uu digniin adag u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed isaga oo uga digay inay kordhiyaan qiimaha maciishadda inta lagu guda jiro xaaladaha adag sida cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Cabdulaahi Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii isku dayda inay faa’iido ka raadiso maciishada inta lagu guda jiro xaaladaha adag maadaama dhowaan ganacsatada loo sameeyay qiima dhimis iyo canshuur dhaaf badeecadaha qaar. Dhanka kale wasiirka ayaa ganacsatada u sheegay in looga baahan yahay in xilligaan oo kale ay u turaan shacabkooda islmarkaana ay garab istaagaan dadkooda maadaama dalka uu wajahayo xaalad aad u adag oo ku aaddan COVID-19, isaga oo sidoo kale ganacsatada ku booriyay inay xoogga saaraan maal gashiga wax soo ssarka dalkooda. Wasaaradda maaliyadda ayaa kal hore ka dhawaajisay qiima dhimis iyo canshuur dhaaf badeecadaha qaar ah iyada oo sheegtay in badeecadaha qaar canshuurtii laga dhaafay 100% halka qaarka kalane laga dhaafay 50%. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee maamulka Puntaland ayaa waxa ay sheegeen in shaqsi dhowaan looga shakiyay in uu qabo cudurka Coronavirus uu xalay ku geeriyooday deegaannada maamulkaasi. Qoraal ka soo baxay guddigga ayaa lagu sheegay in shaqsi geeriyooday aan wali la helin natiijada baaritaankii lagu sameeyay mana uusan guddigu shaacin magaalada uu qofkaasi ku geeriyooday. Dhanka guddiga ayaa qoraalkooda waxa ay kaga dhawaajiyeen in 9 ruux shalay loo karaantiilay COVID-19 ka dib markii looga shakiyay xanuunka waxaana ay intaas ku dareen in sagaalkaasi qof laga baari doono cudurka. Ugu dambeyn waxaa bukaaada loogu baaqay inaysan guryahooda ka soo bixin inta xaaladooda caafimaad ay ka soo hagaagayso si bulshada kale ee bad qabta uusan ugu faafin xanuunka. Halkaan ka akhriso qoraalka guddiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo ka hadlay hadallo ka soo kala baxay madaxweynaha maamulka Pntland iyo guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga walaacsanyahay xiisadda dhinaca dhaqaale ee ay haatan wajahayaan labadaasi dhinac. Wasiir Goodax ayaa nasiib darro ku tilmaamay in masuuliyiinta Puntland ay cunaqabateyn dhanka raashinka daruuriga ah ay saarraan deegaanada isticmaala dekadda Boosaaso. “Waxaan aad uga walaacsanahay xiisadda dhaqaale dirirka ee Puntland iyo Hiiraan, waa nasiib darro in masuuliyiinta Puntland ay cunaqabateen dhanka raashinka duruuriga ah ay saareen deegaanada isticmaalo Dekedda Boosaaso” ayuu yiri Wasiir Goodax Cabdulaahi Goodax Barre oo sii hadlayay ayaa tilmaamay tallaabada ay qaaday Puntland ay ka dhalan karto cunaqabateyn dhaqaale oo soo food saarta labadaasi dhinac taasi oo uu sheegay in marka dambana ay cuuryaamin doonto nolosha muwaadiniinta, isaga oo hoosta ka xariiqay in cuuryaaminta ugu badan ay wajihi doonaan dadka reer Puntland. “Talaabadan Puntland qaaday waxaa ka dhalan kara cunaqabateen dhaqaale ee goboladu isku soo rogaan, taas oo ugu danbeyntii cuuryaamin doonta nolosha muwaadiniinta, haba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo Dowlad Goboleedka Puntland” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya. Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda Puntland inay ka fiirsadaan tallaabadaasi inta ganacsatada reer Hiiraan aysan ilo kale sahansan isaga oo yiri “Waxaa ila haboon in Dowladda Puntland ay dib uga fiirsato, inta ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ila kale iyo inta maamulka Hiiraan aysan dul dhigin cunaqabateen dhaqaale” Shalay ayey ahayd markii guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan uu sheegay in haddii Puntland aysan ka laaban hadalkii ka soo yeeray ee ahaa in raashinka yaalla deegaanada Puntland aan meel kale loo iib geyn Karin ay iyaguna tallaabo kale qaadi doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sida ay shaacisay wasaaradda cafimaadka Soomaaliya waxaa gudaha Soomaaliya xanuunka COVID-19 ugu geeriyootay 6 ruux waana tiradii ugu badnayd ee dhimasho ah ooh al maalin la diiwaan galiyay. 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaanadii la sameeyay waxaa lagu shaaciyay kiisas cusub oo la xiriira caabuqa Coronavirus ka dib markii la diiwaan galiyay 49-kiis ooh or leh, waxaana wasaaradda caafimaadku ay sheegtay in xanuunka ay ka bogsadeen 3 qof. Tirada guud ee Soomaaliya xanuunkaan saf marka ah ayaa haatan gaaratay 286-kiis, waxaana haatan wasaaradda caafimaadka ay walaac xooggan ka muujinaysaa in cudurkaan uu si tartib-tartiib ah ugu faafo bulshada qeybaheeda kala duwan. Dadka ayaa loo jeedinayaa wacyi galin ku aaddan sidii ay uga hortagi lahaayeen COVID-19 oo adduunka si adag u saameeyay kala xirayna isku furnaanshiyaha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia, Nicolas Berlanga ayaa beeniyey warar ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland oo sheegaya in ‘27 Milyan oo Euro oo Midawga Yurub ugu deeqay Soomaalida in laga qadiyay Somaliland iyo Aamusnaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi’ Ambassador Berlanga, oo ka jawaabayey warkaasi, isla markaana qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hor imaado warkaasi, waxaanu yidhi “Waan ku faraxsanahay inaan ka hor imaado macluumaadka warkan. Dawladuhu horeba way u ogaayeen khadadka uu maro gargaarka Midawga Yurub ee tagaya Somaliland, oo ay ka mid yihiin Wacyigelinta/ ololaha wacyigelinta, qalabka hoos taga WHO, iyo suurtagalnimada Taageerada Miisaaniyadda.” Ayuu qoraalka uu soo dhigay Twitter-ka Nicolas Berlanga uu ku yidhi. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa sannadkii dhamaaday ee 2019-kii Qisaastay 184 Qof, taasi oo noqonaysa Tiradii ugu badnayd ee Boqortooyadu Dil ku fuliso, sida ay sheegtay Hay’adda u doodda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International. Iraaqna, sannadkii hore Tirada Dadka Dawladdu dilka Toogashada ah ku fulisay ayaa laba Jibbaarantay, waxayna gaadhay 100 sida Hay’addu sheegtay. Laakiin, illaa hadda waxa kaalinta labaad ee dilalka Dadka haysata IRAN oo ku xigta Shiinaha, taasi oo sannadkii hore dishay 251 Ruux. Si Kastaba ha ahaatee, Dunida oo dhan Dilku hoos ayuu u dhacay 5%, Afartii Sannadood ee isku xigay, waxaanu dunida oo dhan marayaa 657 Qof. Tani waa Tiradii ugu yarayd ee la diwaangeliyey Tobankii sanadood ee u dambeeyay, sida ay sheegayso Amnesty. Hay’adaha u doodda xuquuqda Aadamaha ayaa aaminsan in Dadka dilka lagu fuliyey ee Shiinuhu noqon karto kumanaan, maaddaama oo Dawladdu wax qariso. Sidoo kale, Dawladaha IRAN, Waqooyiga Kuuriya iyo Vietnam xog rasmi ah kama bixiyaan Tirada Dadka ku xukuman Dilka Toogashada ah, waxaana Xadidan sida xogta looga heli karo. Sannadkii 2019-kii, Dawladda Boqortooyada Sucuudigu waxay dil toogasho ku fulisay 178 Rag ah iyo 6 Dumar ah, kala badh Dadkaasi waxay ahaayeen Ajaanib aan u dhalan Sucuudiga. Dunida oo dhan, 106 dal ayaa joojiyey Ciqaabta dilka ah ee Dadka lagu fuliyo, halka 142 dalna ay Sharcigoodaba ka saareen. Halkan Hoose ka Eeg Jaantuuska Tirada Dilalka Sannadkii hore la fuliyey/Dalalka fuliyey Source
-
Guddiga ka hortagga Coronavirus ee Puntland ayaa shaaciyey in qof looga shakisnaa cudurka, islamarkaana ku jiray karantiil uu ku dhintay deegaanada maamulkasi. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in qofkaasi uu geeriyooday, inta aysan soo bixin jawaabta baaritaanka lagu sameeyey. Sidoo kale guddiga ayaa tilmaamay in 9 qof oo kale la karantiilay, kuwaas oo lagu sameyn baaritaano dheeraad ah. Tirada dadka uu soo ritay cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa sii kordheyso marba marka ka dambeysa, iyadoona haatan kiisaska ay gaarayaan ku dhowaad 300 oo ruux. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
