-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Ummad Yahay Tiraa Kaa Gedmane Wax Isu Geygeyso Yaa Yidhi Wadahadal Baa Jira? Ma jiro wax wadahdal ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Somalia. Wadahadaldii xiligii Axmed Silanyo bilaabmay kii ugu dambeeyay wuxu ku burburay dalka Turkiga, intii aanu Farmaajoba Somaliya ka noqon Madaxwayne. Kulankii Turkigu sidii uu u burburay ee loogu kala kacay dib la isuguma soo noqonin. Hadana Somaliland intaa waxa lagu muransan yahay oo la isku haystaa wadahadalo aan jirin weliba laga yaabo in aanay jiri doonin mustaqbalka dhaw. Hadiiba wadahadaladii dib loo bilaabayo waxa muuqata tijaabadii hore ee fashilantay in labadii dhinac aanay xataa wax casharo ah ka baranin oo kuwa dambe hadiiba ay dhacaan aanay waxba ka duwanaan doonin kuwii fashilay waxa natiijo ahna aan laga gaadhi doonin, arinkuna sidii hore middi middi ku taag iyo I jiid aan ku jiido iyo gacmo daalis uu noqdo. Laba dhinac ee leh waanu wada hadlaynaa xataa heshiis kuma ahayn: horta adigu kumaad tahay aniguna kumaan ahay. Siyaasiyiinta Muqdisho waxay taagan yihiin anagu dawladdii Soomaaliyeed (Smalia iyo Somalilandna) ayaanu u taagan nahay idinkuna goboladii waqooyi oo cadho ku maqan baa tihiine aynu wada hadalo wixii aad tirsanaysaan diyaar baanu u nahay in aanu ka garwno, nabaradii hore bogsiino qaranimadii soomaaliyeed ee burburtayna la’aantiin lama soo celin karo eh aynu soo wada celinno. Ka dib dawladdii sadexaad oo ka duwan labadii hore aynu wada dhisno qayb libaaxna weliba idinku yeelataan waayo waxanu idiin ogolaanaynaa wax kasta oo aan ahayn kala go’. Haye, dhinaca kale ee Hargeysi iyaguna saw maaha idinku Somalia-dii Talyaaniga ayaa tihiin anaguna tii Ingiriiska, ka dib midnimadii lixdankii markii ay burburtay 1991kii waxanu dib ula soo noqonay madaxbanaanidii aanu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska 26June 1960kii. Markaa laba dawladood oo siman ayaynu kala nahaye sidaa aqbala gooni-isu-taagga Somaliland gorgortan ma laha eh. Labadaasi marka hore hadii aanay heshiis ku ahayn kumaad tahay aniguna kumaan ahay bal yaa ii sheegi kara waxa kale ee ay ku heshiis karaan? Ma jirto Ayaan filayaa cid garanaysa oo ii sheegi kartaa. Hadaba waxan ay Somaliland isku haystaa ee salaadiintana lagu haystaa miyaanay noqonay wadahadlo aan jirin oo been ah iyo dayaxu wuu kabashkabash leeyahay, hadduu kabashkabash leeyahay ma kabaad u toli,hadaan u tolo maadigaa kala bixi. Ugu dambaystii Somaliland siyaasiyiin, Salaadiin, iyo waxgaradkeedu maaha inay isku mashquuliyaan ama ku murmaan wadahadalada Somaliya xiligan waayo wax badan oo ka muhiimsan ayaa jira oo mudan in laga hadlo oo ah dhibaatooyinka xiligan ka jira gudaha oo laga yaabo haddii si toos ah oo run ah loo wajihin, looga wada hadlin, talo midaysanna aan laga wada yeelan laga yaabo in xaaladda Somaliland ay heer xun gaadhi karto oo aan laga soo waaqsan karin, halisna gelin karta wadajirka iyo midnimada, iyo weliba qaranimada ay Somaliland sheeganayso, waayo Somaliland waxay ku jirtaa xili ay baylahdeedu badan tahay dagnaansho badan oo cadawgeedu ka faaiidaysan karaana ay jiraan.” Source
-
Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin doonayey inuu isku qarxiyo magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa Shabelle u sheegay in ay u suurta-gashay inay ninkaasi qabtaan, kaas oo haatan ku xiran xabsiga Dhuusamareeb. Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in ninkaasi laga soo diray degmada Ceelbuur, islamarkaana uu qaab sahmin ahaan ah u joogay gudaha magaalada Dhuusmareeb Ciidamada Danab ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qarxiyaan waxyaabo qarxa oo la sheegay in ninkaasi uu doonayey inuu ku weeraro xarunta maamulka Galmudug. Sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidamada maamulka Galmudug, gaar ahaan kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ay gacanta ugu dhigeen nin doonayey in qarax is-miidaamin ah uu ka geysto degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo ay tahay 12-ka bisha April ayaa ku beegan sanad guurada 60-aad ee aas-aaska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoona la baajiyey munaasabadda xuska maalintaasi, sababo la xariira Coronavirus. Sanad weliba maanta oo kale ayey ciidamada Xoogga dalka xusi jireen sanad guurada aas-aaskooda, waxaana ka qeyb-geli jiray madaxda dowladda Soomaaliya. Ciidamada Xoogga oo ka kooban ciidanka Dhulka, ciidanka Cirka iyo ciidanka Badda, ayaa waxaa lagu aas-aasan tiro kooban, maadaama waqtigaas ay ku asteesneyd xorriyaddii dalka. Sababta ugu weyn ee loo qaban waayey xuska ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu sheegay amarka lagu joojiyey isu imaatinka bulshada, cabsi laga qabo darteed faafida Corona. Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya oo war ka soo soo saaray sanad guurada 60-aad ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga. “Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka argagixisada iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadkeenna. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go’an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabkeenna birima-geydada ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga. “Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka argagixisada iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadkeenna. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go’an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabkeenna birima-geydada ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed. Dhammaad View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-120420.mp3 View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmiya mushaharkii uga joojisay shaqaale ka howl-gali jiray gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport, ee ay maamusho xukuumada Muuse Biixi. Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa shaqaalahan ka howl-gali jiray Madaarka Hargeysa uga jartay mushaharkii sabab ay ku sheegtay ‘dhaqaalo xumo soo food saartay oo ka dhalatay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus’, sida lagu sheegay waraaq loo diray shaqaalahaasi oo nuqul kamid ah uu soo gaadhay Somalilandtoday. Shaqaalaha dowladda federaalku ay ka jartay mushaharka ayaa xili hore laga caydhiyay Madaarka Hargeysa, kadib markii ay xukuumada Somaliland la xidhiidheysay dowladda Soomaaliya oo mushahar ka qaadan jireen. Shaqaalahan ayaa muddooyinkii dambe qaadanayey mushaharkooda, iyaga oo aan wax shaqo ah ka qaban Madaarka Hargeysa, maadama ay xukuumadda Somaliland ka cayrisay shaqadii ay ka hayeen madaarka, balse ay lacagtooda ka helayeen dowladda federaalka, iyagoo ku sugan gudaha magaalada Hargeysa. “Maamulka duulista rayidka ah ee Soomaaliya (SCAA) ayaa waajahaya dhibaato dhaqaale oo daran iyadoo dakhliga Muqdisho FIR uu hoos u dhacay cudurka Coronavirus awgii. Tani wax saameyn ah kuma yeelan dakhliga SCAA oo kaliya, laakiin sidoo kale waxa uu meesha ka saaray 75-milyan oo shaqooyin oo xaga duulista iyo dalxiiska ah ee daafaha dunida oo dhan” ayaa lagu yidh Waraaqdaasi oo uu ku saxeexna Agaasimaha Hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan. Waraaqdaasi ka soo baxday Agaasime Axmed Macalin ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in Hay’addu ay sameysay waxkasta oo suuro-gal ah sidii ay shaqada ugu sii jiri lahaayeen Shaqaalahaasi laga cayriyey madaarka Hargeysa, xili ayna wax shaqo ah ka qaban karin Madaarkaa Hargeysa ee Somaliland. Shaqaalahan ay dowladda Soomaaliya ka joojisay lacagtii ayaa hore uga mid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), ee dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay maamulka hawada. Shaqaalahan ayaa tiradoodu dhantahay 42-shaqaale oo Madaarka Hargeysa ka kala qaban jiray shan shaqo inta ayna xukuumadda Biixi caydhin, kuwaasi oo iskugu jiray; Maamulka macluumaadka hawada, Saadaasha Hawada, Hagidda diyaaradaha, Parking-garaynta diyaaradaha iyo Dab-damiska. Source
-
Libya has deported 236 illegal immigrants of African nationalities to their countries of origin, the eastern-based Libyan authorities said on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Jamaame (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Raadiyaha ciidamada ayaa sheegay in horjoogaha lagu dilay duqeyntan, oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, lagu magacaabay Cabaas Maxamed Xaaji, islamarkaana uu horey usoo noqday horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Buurdhuubo. Saraakiil la tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Idaacada Ciidamada u sheegay in duqeynta lagu dilay Cabaas, ay sidoo kale ku dhinteen 9 xubnood oo kale oo Al-Shabaab ah. Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Jubbada Hoose, lagu dilay xubno Shabaab ah, balse ma magacaabin cidna. Waxay sidoo kale sheegeen inaysan duqeynta wax ku noqon shacab. Si kastaba, warbaahinta Al-Shabaab ayaa werisay in Cabaas, oo shalay la aasay, uusan ahayn Al-Shabaab, balse uu ahaa Suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka, sida ay hadalka u dhigeen. Warbaahinta Shabaab ayaa sidoo kale kasoo xigatay qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Jareerweyne ee Jubbooyinka inay dhalleeceeyeen dilka Cabaas oo ay ku qeexeen “fal dambiyeed.” Ma jirto cid xaqiijin karta xaqiiqda waxa uu ahaa Cabaas, waana mid ka mid ah muranada ay xambaarsan yihiin duqeymaha Mareykanka ee ka dhaca Soomaaliya. Waa suurta-gal in Cabaas ahaa shacab, sidoo kalena waa macquul inuu ahaa Shabaab, oo kooxda Al-Shabaab ay hadda isku dayeyso inay dilkiisa u weeciso si kale, si ay shacabka ugu kiciso. Way adag tahay in la xaqiijiyo. Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday eedeymaha la xiriira in duqeymaha qaar lagu dilo shacab. AFRICOM waxay sheegtay inay hayaan xog sirdoon oo dadka caadiga ah aysan ka war-hayn, taas oo macnaheedu yahay in dad shacab loo haysto ay ku ogyihiin ficillo kale.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dr C/raxmaan C/laahi Baadiyow ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay dooda ka taagan wada-hadalada fadhiidka noqday ee Somaliland iyo Soomaaliya, isagoona su’aal cajiib ah hor-dhigay reer Somaliland. Dr Baadiyow ayaa Madaxda iyo bulshada reer Somaliland ee kasoo horjeeda inay furmaan wada-hadaladaasi si toos ah u weydiiyey ‘Arrinta ay Dowladda federaalku ay ka rabto Somaliland?’, maadama lala xiriiriyo in Koonfurtu ay si gaar ah u daneyso wada-hadalada labada dhinac. “Dadka kasoo jeeda Somaliland oo kasoo horjeeda wada-hadalka waxaan weydiinayaa, maxaad umaleysaan oo koonfurtu idinka rabtaa? Su’aasha kasoo jawaaba, hana ila meereysana ee jawaab toos ah bixiya?” ayey u dhigneyd su’aasha Dr. Baadiyow uu ka dalbanayey inay si toos ah uga jawaaban reer Somaliland. Dr C/raxmaan Baadiyow ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay dadka kasoo horjeeda inay wada-hadlaan Soomaaliya iyo Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan oo aan weli helin aqoonsi caalami ah. Baadiyow ayaa tooshka ku ifiyay ictiraafka ay muddada 30-ka sanno ah baadi-goobeyso Somaliland ee weli la’dahay iyo awood darada dowladda dhexe ee ka badan labaatameeyinka sanno. Waxa kale oo uu dalbaday Baadiyow in laga dhur sugo wada-hadalada labada dhinac wixii ka soo baxa, maadama ay Madaxda labada dhinac ogolyihiin waad-hadaladaasi, ayna hor-yaalan arrimo masiiri ah oo maslaxad u ah umadda. Dr Baadiyow ayaa sidoo kale ka dalbaday dadka Farmaajo iyo Kheyre ku colaadinaya wada-hadalada labada dhinac inay si qoto dheer uga fikiraan qaddiyad hortaala oo aysan shaqsiyeyn wada-hadaladaasi. “Waxaa la yaab leh dadka kasoo horjeeda in DFS iyo Somaliland wada hadlaan. Somaliland 30-sano Ictiraaf waa keeni waysay. DFS waa kici la’dahay 20-sano, laga bilaabo 2000. Wada-hadalada wixii kasoo baxa aan sugno, kheyrna urajeeno” ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyow. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Madaxda labada dhinac waa ku heshiiyeen wada-hadalka. Waxaana horyaalla waa qadiyad umadeeda, waana maslaxadda ruux kasta. Si weyn ha ufikireen kuwa raba inay shaqsiyeeyaan qadiyadda. Wada-hadal ayaa soo socda sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi, diyaarna u tahay DFS. Yaan tareenku kaa tegin ee la qabso!”. Muddooyinkii dambe ayaa waxa si weyn isku soo tarayey baaqyada kala gedisan ee lagu dalbanayey in dib loo furo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo badan hakad ku jira, iyada oo dhowaana ay soo if-baxday qorshe cusub oo uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu isaguna ku wajahayo wada-hadaladaasi, isagoona si gaar ah cadaadis ugu saaraya Madaxda labada dhinac inay furmaan wada-hadalo midho dhala. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dar-darta cusub ee ka muuqata dib u furista wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxay dabo socotaa qorshe cusub oo lagu rabo midnimada Soomaaliya, xili ay xubno ka tirsan Somaliland ay muujiyeen rabitaankooda ku aadan umadd mideysan, midaasi oo gebi ahaanba wiiqeysa dadaaladii ay Xukuumadaha Somaliland ku baadi-goobayeen ictiraafka iyo sheegashadii madax-banaanida.
-
Fayruus corona! Maxay ka kala yidhahdeen Culimada Somaliland iyo Culimada Caalamku Waxa soo diyaariyey Dr. Saeed Sheikh Mohamed Culimad Somaliland inkastoo ay aqoon badan u leeyihiin culuumta diiniga ah waxay fatwoodeen inaanay jirin xaalad caafimaad oo loo xidhaa masaajidada Somaliland. Sida aan arrimaha diinta cidkale oo aan culimada ahayn wax looga weydiin karin, ayaan culimada diintana looga daba fadhisan Karin wixii ka baxsan arrimaha diinta. Cidda qudha ee cudur iyo caafimaad ka hadli karta, qiimayn karta, qaraarna ka soo sari kartaa, waa dhakhtarada ku takhasusay fayruuska, iyo hay’adaha caalamiga ah mayshay doonaan ha joogeene ee ku howlan caafimaadka iyo feyo dhawrka dunida. Hay’adaha caafimaad ee dalkeenuna si toos ah iyo si dadbanba wey ula shaqeeyaan. Culimda Somaliland waxay gees iskaga baydhiyeen fatwooyinka ay soo saareen fadhiyada culimaada waawayn ee Islaamka ee wadanada muslimkah oo dhami uga dambeeyaan arrimaha fatwada. Shantan fadhi culimo ee hoos ku quran waxay soo saareen fatwooyin isku mid ah oo banaynaayah in masaajidada la xidho inta cudurka fayruus corona uu jiro, khatarna ku yahay dadka oo idil. هيئة كبار العلماء بالازهر الشريف الاتحاد العالمي لعلماء المسلمين فتوى مجمع الفقه الدولي بجدة هيئة كبار العلماء بالمملكة العربية دار الإفتاء المصرية Halkana waxan idiinku soo gudbinayaa waxa ay fadhiyada ka yidhaahdeen fayruuska corono iyo salaad wadareedka فتاوى من المجامع الفقهية المعتمدة عن فيروس كورونا وتأثيره على الشعائر الدينية اولا. هيئة كبار العلماء بالازهر الشريف القاهرة – “رأي اليوم” – محمود القيعي: أصدرت هيئة كبار العلماء بالأزهر بيانا اليوم جاء فية: “ في ضوء ما تسفر عنه التقارير الصحية المتتابعة من سرعة انتشار فيروس_كورونا – كوفيد 19 وتحوُّله إلى وباء عالمي، ومع تواتر المعلومات الطبية من أن الخطر الحقيقي للفيروس هو في سهولة وسرعة انتشاره، وأن المصاب به قد لا تظهر عليه أعراضه، ولا يَعْلم أنه مصاب به، وهو بذلك ينشر العدوى في كل مكان ينتقل إليه. ولما كان من أعظم مقاصد شريعة الإسلام حفظُ النفوس وحمايتها ووقايتها من كل الأخطار والأضرار. فإنَّ هيئة كبار العلماء – انطلاقًا من مسؤوليتها الشرعية – تحيط المسؤولين في كافة الأرجاء علمًا بأنه يجوز شرعًا إيقاف الجُمَعِ والجماعات في البلاد؛ خوفًا من تفشِّي الفيروس وانتشاره والفتك بالبلاد والعباد.”. وتابع بيان الهيئة: “كما يتعيَّن وجوبًا على المرضى وكبار السن البقاء في منازلهم، والالتزام بالإجراءات الاحترازية التي تُعلن عنها السلطات المختصة في كل دولة، وعدم الخروج لصلاة الجمعة أو الجماعة؛ بعد ما تقرر طبيًّا، وثبت من الإحصاءات الرسمية انتشار هذا المرض وتسبُّبه في وفيات الكثيرين في العالم، ويكفي في تقدير خطر هذا الوباء غلبة الظن والشواهد: كارتفاع نسبة المصابين، واحتمال العدوى، وتطور الفيروس. هذا، ويجب على المسؤولين في كل دولةٍ بذل كل الجهود الممكنة، واتخاذ الأساليب الاحترازية والوقائية لمنع انتشار الفيروس؛ فالمحققون من العلماء متفقون على أنَّ المتوقَّعَ القريبَ كالواقع، وأن ما يقاربُ الشيءَ يأخذُ حكمَه، وأنَّ صحة الأبدان من أعظم المقاصد والأهداف في الشريعة الإسلامية.”. وقال بيان الهيئة إن الدليل على مشروعيَّة تعطيل صلاة الجمعة والجماعات وإيقافهما؛ تلافيًا لانتشار الوباء: ما روي في الصحيحين: «أن عَبْدَ اللهِ بْنَ عَبَّاسٍ قال لِمُؤَذِّنِهِ فِي يَوْمٍ مَطِيرٍ: إِذَا قُلْتَ: أَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، فَلاَ تَقُلْ حَيّ عَلَى الصَّلاَةِ، قُلْ: صَلُّوا فِي بُيُوتِكُمْ، فَكَأَنَّ النَّاسَ اسْتَنْكَرُوا، قَالَ: فَعَلَهُ مَنْ هُوَ خَيْرٌ مِنِّي، إِنَّ الْجُمُعَةَ عَزْمَةٌ، وَإِنِّي كَرِهْتُ أَنْ أُحْرِجَكُمْ، فَتَمْشُونَ فِي الطِّينِ وَالدَّحَضِ». فقد دل الحديث على الأمر بترك الجماعات تفاديًا للمشقة الحاصلة بسبب المطر، ولا شك أن خطر الفيروس أعظم من مشقَّة الذهاب للصلاة مع المطر، فالترخُّص بترك صلاة الجمعة في المساجد عند حلول الوباء، ووقوعه أمر شرعي ومُسلَّم به عقلًا وفقهًا، والبديل الشرعي عنها أربع ركعات ظهرًا في البيوت، أو في أي مكان غير مزدحم. هذا وقد انتهى الفقهاء إلى أنَّ الخوف على النفس أو المال أو الأهل أعذارٌ تُبيح ترك الجمعة أو الجماعة؛ لما رواه أبو داود عن ابن عباس من قول النبي صلى الله عليه وسلم: «مَنْ سَمِعَ المنادِيَ فَلَمْ يَمْنَعْهُ مِنَ اتِّبَاعِهِ، عُذْرٌ»، قَالُوا: وَمَا الْعُذْرُ؟ قَالَ: «خَوْفٌ أَوْ مَرَضٌ، لَمْ تُقْبَلْ مِنْهُ الصَّلَاةُ الَّتِي صَلَّى». وما أخرجه الشيخان في صحيحهما من حديث عبد الرحمن بن عوف أنه سمع النبي صلى الله عليه وسلم «إِذَا سَمِعْتُمْ بِهِ بِأَرْض فَلاَ تَقْدَمُوا عَلَيْهِ، وَإِذَا وَقَعَ بِأَرْضٍ وَأَنْتُمْ بِهَا فَلاَ تَخْرُجُوا فِرَارًا مِنْهُ». وقد نهى النبي صلى الله عليه وسلم مَن له رائحة كريهة تُؤذي الناس أن يُصلي في المسجد؛ منعًا للإضرار بالناس، فقد أخرج البخاري عن جابر بن عبد الله رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «من أكل ثومًا أو بصلًا، فليعتزلنا – أو قال: فليعتزل مسجدنا – وليقعد في بيته». وما ورد في الحديث ضررٌ محدود، سرعان ما يزول بالفراغ من الصلاة، فما بالنا بوباءٍ يَسهُل انتشاره! ويتسبَّب في حدوث كارثةٍ قد تخرج عن حدِّ السيطرة عليها، ونعوذ بالله من ذلك. و تابع بيان الهيئة: “والخوف الآن حاصلٌ بسبب سرعة انتشار الفيروس، وقوَّة فتكه، وعدم الوصول إلى علاج ناجع له حتى الآن، ومن ثَمَّ فالمسلمُ معذورٌ في التخلُّف عن الجمعة أو الجماعة.” وانتهت هيئة كبار العلماء بالأزهر إلى القول بأنه يجوز شرعًا للدولة متى رأت أن التجمُّع لأداء صلاة الجمعة أو الجماعة سوف يُؤدِّي إلى انتشار هذا الفيروس الخطير أن تُوقفهما مؤقتًا. وذكّرت الهيئة بثلاثة أمور: الأول: وجوب رفع الأذان لكل صلاة بالمساجد، في حالة إيقاف الجمعة والجماعات، ويجوز أن يُنادِي المؤذن مع كل أذان: (صلوا في بيوتكم). الثاني: لأهل كل بيت يعيشون معًا أداءُ الصلاة مع بعضهم بعضًا في جماعة؛ إذ لا يلزم أن تكون الجماعة في مسجد حتى إعلان زوال حالة الخطر بإذن الله وفرجه. الثالث: يجب شرعًا على جميع المواطنين الالتزام بالتعليمات والإرشادات الصادرة عن الجهات الصحية للحدِّ من انتشار الفيروس والقضاء عليه، واستقاء المعلومات من المصادر الرسمية المختصة، وتجنُّب ترويج الشائعات التي تُروِّعُ الناس، وتوقعهم في بلبلة وحيرة من أمرهم. ودعت هيئة كبار العلماء المسلمين في مشارق الأرض ومغاربها إلى المحافظة على الصلاة والتضرع إلى الله -تعالى- بالدعاء، ودعم المرضى ومساعدتهم، والإكثار من أعمال البر والخير؛ من أجل أن يرفع الله البلاء عن العالم، وأن يحفظ بلادنا والناس جميعًا من هذا الوباء، ومن جميع الأمراض والأسقام، إنه خير مسؤول، وأعظم مأمول فَاللَّهُ خَيْرٌ حَافِظًا وَهُوَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ ثانيا. الاتحاد العالمي لعلماء المسلمين أفتى الأمين العام للاتحاد العالمي لعلماء المسلمين علي القره داغي الأحد الماضي بجواز منع أداء مناسك العمرة والحج مؤقتا في حال انتشر وباء كورونا بشكل قاطع وغلب الظن أن الحجاج أو بعضهم قد يصيبهم الوباء بسبب الازدحام. وجاء في الفتوى: فيما يتعلق بمنع العمرة والحج “الراجح أنه إذا انتشر الوباء قطعا أو تحقق غلبة الظن -من خلال الخبراء المختصين- أن الحجاج أو بعضهم قد يصيبهم هذا الوباء بسبب الازدحام فيجوز منع العمرة أو الحج مؤقتا بمقدار ما يدرأ به المفسدة”. ضاف أن الفقهاء اتفقوا على جواز ترك الحج عند خوف الطريق، بل إن الاستطاعة (لأداء الحج) لن تتحقق إلا مع الأمن والأمان، ولذلك فإن الأمراض الوبائية تعد من الأعذار المبيحة لترك الحج والعمرة بشرط أن يكون الخوف قائما على غلبة الظن بوجود المرض أو انتشاره بسبب الحج والعمرة. وشدد القره داغي على أن الخوف من انتشار المرض بسبب الحج والعمرة يقدره أهل الاختصاص من الأطباء، ويصدر بشأنه قرار من السعودية.وأشار إلى أنه في حال إبقاء باب العمرة أو الحج مفتوحا فحينئذ يعود التقدير للدولة التي ظهر فيها الوباء بمنع مواطنيها من أدائهما خوفا من نقل الوباء إلى الحجيج والمعتمرين. وبشأن ترك صلاة الجمعة، قال القره داغي إنه يجوز ترك الجمعة والجماعة عند انتشار الأوبئة لأنها مخيفة، ولكن ذلك مشروط بأن يكون الخوف محققا وليس مجرد وهم. وبين أنه لا يجوز إغلاق الجوامع إلا إذا انتشر الوباء، موضحا أنه عند صدور أوامر حكومية أو صحية بإغلاق المدارس والجامعات فيجوز إغلاق المساجد. وعلى الصعيد ذاته، قال الأمين العام للاتحاد العالمي لعلماء المسلمين إن الإسلام يوجب الأخذ بأسباب الوقاية من الوباء والعلاج والحجر الصحي كما تفرضه الجهات الصحية المختصة. ثالثا. فتوى مجمع الفقه الدولي بجدة حيث أصدر مجمع الفقه الإسلامي الدولي ومقره بجدة بالمملكة العربية السعودية بيانا يوم السبت، التاسع والعشرين من فبراير 2020م يجيز فيه إيقاف أداء مناسك العمرة بمكة المكرمة وزيارة المسجد النبوي بالمدينة المنورة، ويشيد بالإجراءات الاحترازية التي اتخذتها سلطات المملكة العربية السعودية في هذا. وقد بنى مجمع الفقه الإسلامي الدولي حكمه بجواز إيقاف أداء العمرة بمكة المكرمة على ما يلي : . مقصد حفظ النفس1 حيث رأى مجمع الفقه الدولي أن منع أداء العمرة فيه ” حماية لأبناء الوطن والمقيمين والمسلمين جميعا”، وهو مما حث عليه الشارع من حماية النفس، وعدم تعريضها للأذى قاعدة: ما لا يتم الواجب إلا به فهو واجب .2 كما استند المجمع على القاعدة الفقهية : ” ما لا يتم الواجب إلا به فهو واجب”، وهو: ” الواجب الشرعي الذي يحرص عليه القائمون على الأمر في المملكة العربية السعودية حماية لحياتهم وأمنهم واستقرارهم وما يؤيده ما اسْتقرَّ في شرع الله سبحانه وتعالى من اتخاذ كل ما يمكن اتخاذه لتحقيق هذا الغرض” تحقيق مقاصد الشريع .3 فالشريعة تدعو إلى منع كل ما يؤدي إلى أذى الإنسان، فالقول بمنع أداء العمرة وزيارة المسجد النبوي يمثل: ” قياماً بالواجب الذي تدعو إليه مقاصد الشريعة التي تحرص على منع كل ما يؤدي إلى العدوى بالأمراض السارية والإضرار بالناس”. الإرشاد النبوي من السنة النبوية .4 كما استندت الفتوى إلى نصوص من السنة النبوية التي ترشد إلى (الحجر الصحي) والوقاية من الوقوع في الأمراض، ” فقد ورد عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قوله: (فِرَّ من المَجْذومِ كما تفرُّ من الأسدِ)، والحديث الصحيح الآخر الوارد عن النبي صلى الله عليه وسلم قوله: (إذا سمعتم بالطاعونِ بأرضٍ فلا تدخلوها، وإذا وقعَ بأرضٍ وأنتم فيها فلا تَخرجوا)، وأكد هذا المعنى أيضاً ما ورد في الحديث الصحيح من قول النبي صلى الله عليه وسلم: (لا يُورِدَنَّ مُمْرِضٌ علَى مُصِحٍ وجوب طاعة ولاة الأمور .5 كما بنى المجمع فتواه على طاعة ولاة الأمور فيما فيه مصلحة الناس، و” لذلك يدعو مجمع الفقه الإسلامي الدولي إلى الالتزام بكل التعليمات التي يصدرها أولو الأمر المعنيون بهذه الشؤون الملحة، وأن يلتزموا بها، ويحرصوا عليها حرصاً شديداً، يقول الله سبحانه وتعالى في كتابه العزيز: (فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ وَاسْمَعُوا وَأَطِيعُوا وَأَنفِقُوا خَيْرًا لِّأَنفُسِكُمْ ۗ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ)(التغابن الآية ١٦)، وقال تعالى: (وَجَاهِدُوا فِي اللَّهِ حَقَّ جِهَادِهِ هُوَ اجْتَبَاكُمْ وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ )(الحج الآية ٧٨) رابعا. هيئة كبار العلماء بالمملكة العربية أشادت الأمانة العامة لهيئة كبار العلماء في السعودية، أمس، بالإجراءات الاحترازية التي اتخذتها الحكومة ضد فيروس كورونا الجديد. وأكدت هيئة كبار العلماء في بيان، أن ذلك يأتي “انطلاقاً من مسؤولية السعودية التي شرّفها الله عز وجل بخدمة الحرمين الشريفين، والعمل على كل ما من شأنه المحافظة على أمن وسلامة قاصدي الحرمين الشريفين خامسا. دار الإفتاء المصرية أكّدت ” دار الإفتاء المصرية” أن “قرار سلطات المملكة العربية السعودية بالتعليق المؤقت لمنح تأشيرات العمرة وزيارة الحرم النبوي الشريف لمواجهة انتشار فيروس (كورونا) يتفق مع أحكام الشريعة الإسلامية، للحفاظ على أرواح وسلامة المعتمرين وضيوف الرحمن. وأنها تؤيد وتدعم بكل قوة مواقف المملكة وحرصها الشديد على أمن واستقرار المشاعر الدينية وكل ما تتخذه من إجراءات لضمان تحقيق ذلك، وسعيها الدؤوب للحفاظ على أرواح المعتمرين وقد بنت دار الإفتاء المصرية فتواها على مايلي” حفظ النفس البشرية من آثار ذلك الفيروس الذي قد يفتك بحياة المعتمرين .1 إعمالا لقاعدة سد الذرائع، وأن درء المفسدة مقدم على جلب المصلحة.2 الحفاظ على أمن واستقرار المشاعرالمقدسة، لما لها من أهمية كبرى في حياة المسلمين والله من وراء القصد وهو يهدي السبيل Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmiya mushaharkii uga joojisay shaqaale ka howl-gali jiray gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport, ee ay maamusho xukuumada Muuse Biixi. Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa shaqaalahan ka howl-gali jiray Madaarka Hargeysa uga jaratay mushaharkii sabab ay ku sheegtay ‘dhaqaalo xumo soo food saartay oo ka dhalatay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus’, sida lagu sheegay waraaq loo diray shaqaalahaasi oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shaqaalaha dowladda federaalku ay ka jaratay mushaharka ayaa xili hore laga cayriyay Madaarka Hargeysa, kadib markii ay xukuumada Biixi la xiriireysay dowladda Soomaaliya oo mushahar ka qaadan jireen. Shaqaalahan ayaa muddooyinkii dambe qaadanayey mushaharkooda, iyaga oo aan wax shaqo ah ka qaban Madaarka Hargeysa, maadama ay xukuumada Biixi ka cayrisay shaqadii ay ka hayeen madaarka, balse ay lacagtooda ka helayeen dowladda federaalka, iyagoo ku sugan gudaha magaalada Hargeysa. “Maamulka duulista rayidka ah ee Soomaaliya (SCAA) ayaa wajahaya dhibaato dhaqaale oo daran iyadoo dakhliga Muqdisho FIR uu hoos u dhacay cudurka Coronavirus awgii. Tani wax saameyn ah kuma yeelan dakhliga SCAA oo kaliya, laakiin sidoo kale waxa uu meesha ka saaray 75-milyan oo shaqooyin oo xaga duulista iyo dalxiiska ah ee daafaha dunida oo dhan” ayaa lagu yiri Waraaqdaasi oo uu ku saxiixna Agaasimaha Hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan. Waraaqdaasi ka soo baxday Agaasime Axmed Macalin ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in Hay’addu ay sameysay waxkasta oo suuro-gal ah sidii ay shaqada ugu sii jiri lahaayeen Shaqaalahaasi laga cayriyey madaarka Hargeysa, xili aysan wax shaqo ah ka qaban karin Madaarkaa Hargeysa ee Somaliland. Shaqaalahan ay dowladdu ka joojisay lacagtii ayaa hore uga mid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), ee dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay maamulka hawada dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, shaqaalahan ayaa tiradoodu dhantahay 42-shaqaale oo Madaarka Hargeysa ka kala qaban jiray shan shaqo inta aysan xukuumada Biixi cayrin, kuwaasi oo iskugu jiray; Maamulka macluumaadka hawada, Saadaasha Hawada, Hagidda diyaaradaha, Parking-garaynta diyaaradaha iyo Dab-damiska. Mushahar joojinta ay dowladda federaalku ku sameysay Shaqaalahaasi ayaa dhaqan-gali doonta 1-da bisha May,2020, sida lagu sheegay waraaqda war-gelinta aheyd ee loo kala direy shaqaalahaasi. Mana cadda in sababta dhabta ah ee dowladdu ay Mushaharka uga joojisay shaqaalahaasi ay tahay saameynta Coronavirus, maadama ay ahaayeen shaqaale aan wax shaqo ah ka qaban jirin Madaarka Hargeysa oo iska qaadan jirey mushaharkooda.
-
Ciidamada Booliiska Puntland ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen Degaanka Ceeldaahir ee gobolka Bari waxay ku soo qabteen Xirmooyin Qaad ah oo la doonayay in si Qarsoodiya loo soo geliya gudaha Puntland. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa jaadkaas xirmooyinka ah ku gubay fagaare ku yaalla Degaanka Ceeldaahir kadib markii Booliisku ay ku soo qabteen hawlgal ay Degaankaas ka fuliyeen. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha jaadkaas lagu gubay ayaa digniin adag u jeediyay dadka weli ku hawllan in ay jebiyaan Amarka dowladda kuwaas oo qaadka si sharci-darro ah ku soo geliya gudaha Puntland. G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto iyagoo si dhuumasho ah Qaad ku soo geliyana Degaannada Puntland. Sidoo kale wuxuu digniin taas lamid ah u diray ciidamada ku sugan Kantaroollada waxaana uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono askarigii lagu helo in uu fududeeyay soo gelinta iyo kala-gudbinta Qaadka sharci-darrada ah. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo Xirmooyin Qaad ah ku gubay Degaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Senator Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa diyaariyey sharci ciidamada Mareykanka looga soo saarayo dalka Sacuudiga, kadib carro ka dhalatay qiimo dhaca ay Riyadh ku sameysay suuqa saliidda caalamka. Sharcigan oo uu diyaariyey Senator Bill Cassidy, oo laga soo doorto gobolka saliidda soo saara ee Louisiana, ayaa ciidamada Mareykanka muddo 30 maalmood ah uga soo saaraya Sacuudiga marka la ansixiyo kadib. Faafitaanka cudurka Coronavirus ayaa dhaawac xooggan gaarsiiyey dalabkii saliida cayriin ee suuqyada caalamka, hase yeeshee waxaa uga sii daray saliid xad dhaaf ah oo Sacuudiga ay soo saarayaan, taasi oo qiimaha saliida gaysay heerkii ugu hooseeyey muddo 18 sano ah. Cassidy ayaa sheegay in saliidda dheeriga ah ee ay soo saarayaan Sacuudiga ay wax aan suurta-gal ahayn ka dhigtay in shirkadaha saliidda Mareykanka ay kula loolamaan suuqyada. “In lasoo saaro ciidamadii loo diray inay dad kale difaacaan waxay muujineysaa in saaxiibtinimadu tahay mid laba dhinac ah,” ayuu yiri Cassidy. Sharcigan ayaa wajahaya dagaal xooggan si uu u dhaqan-galo, sababtoo ah wuxuu u baahan yahay ansixinta Aqalka Wakiilada, Aqalka Senate-ka iyo saxiixa madaxweyne Trump. Si kastaba, waa astaan muujineysa in Congress-ka Mareykanka uu diyaar u yahay inuu qaado tallaabo ka dhan ah Sacuudiga, haddii aysan dhimin wax soo saarkooda saliidda. Sharciga ayaa sidoo kale canshuur dheeri ah dul saaraya saliidda laga soo dhoofiyo Sacuudiga ee la keeno Mareykanka, 10 maalmood kadib marka la ansixiyo. Canshuurtaas ayaa xaqiijin doonta in saliidda laga keeno Sacuudiga aysan qiimaheedu ka yaraan 40 dollar barmiilkii. Madaxweyne Trump ayaa horey ugu hanjabay canshuur ka dhan ah Sacuudiga iyo Russia, hase yeeshee weli ma dul-saarin kadib cadaadis ka yimid kooxaha u ololeeya danaha Sacuudiga ee dalka Mareykanka. Congress-ka Mareykanka ayaa fasax ku jira illaa 20-ka bishan April sababo la xiriira Coronavirus, waxaana suurta-gal ah in fasaxa uu intaas ka dheeraado.
-
Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmajo could legally use the coronavirus pandemic to postpone elections planned for December this year and February 2021. The country continues to face security challenges and now a new threat from the outbreak. President Farmajo’s term is due to end by February 2021 while the Somalia bicameral House should wind up by December this year. Somalia on Friday confirmed 9 more Covid-19 cases raising the national tally to 21. “They are all in (the capital) Mogadishu,” the ministry of health said in a statement. “ Six of the new positive cases had contacts with a person previously found positive,” added the statement. The threat of community spread hang over the country even after Mogadishu banned international flights, banned public gatherings and is instilling strict hygiene standards. Some observers think the law could back President Farmajo should he decide to postpone elections. “Of course if the president does not postpone today, and the virus scales down, he will have no excuse. So if he was to do it, it must be now,” said Abdalla Ibrahim, a political analyst at the East African Centre for Research and Strategic Studies. “Now he has two reasons to postpone: The security situation, which doesn’t permit free and fair elections, and the Covid-19 pandemic, which bans any public gatherings,” he told The EastAfrican. Spark conflicts However, there are those who think a postponement would lead to further conflicts in the country. “The possible postponement is deeply worrying as it offers an opportunity for conflict, undermining the long anticipated transition to multi-party systems,” said Idd Bedel Mohamed, a former Somali diplomat, who has indicated he would be contesting for presidency. “There is no legal provision to permit postponement. There has been no declaration of emergency and the delay of elections can’t be done by Villa Somalia,” he told The EastAfrican, referring to the official residence of the president. Mr Mohamed argues that any postponement would need backing from all stakeholders and challenged President Farmajo to confirm that there won’t be delays. Before the coronavirus pandemic, Somali donors had called for timely elections. UN Secretary-General’s Representative to Somalia James Swan had said scheduled elections should be held to ensure Somalia does not veer off its rebuilding track. —Additional report by Abdulkadir Khalif
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Ministrr for Intrerior Mohamed Abdirahman Dhaban’ad spoke to the media representatives today in Galka’yo to clarify the political position of Puntland State on 2021 elections in Somalia. “We caution against the use of any pretext to delay 2021 elections. Elections are constitutional. We urge the Federal Government and Federal Member States to put their heads together to prepare the country for elections” the Minister said. Dhaban’ad: Elections should take place in Somalia on time Mr Dhaban’ad noted the health emergency Somalia is going through as a result of Covid-19 and called for Federal Members States “to follow in the footsteps of Puntland commended by WHO for preventive measures against Covid-19.” Puntland State has yet to endorse the Electoral Law passed in December by the Federal Parliament and the Upper House. The Electoral Law stipulates term extension for the presidency and legislatures in the event of unforeseen circumstances that adversely affect the electoral schedule. Covid-19 is one such circumstance that may necessitate postponement of the planned presidential elections for one or two years. Throughout Somalia there are restrictions in place on public gatherings and conferences. Puntland State President Said Abdullahi Deni has indefinitely postponed a planned visit to Mogadishu and administrative headquarters of Federal Member States. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Interior Minister: 2021 elections must take place on time appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga ka hortaga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ee Puntland, ayaa ku amray Laamaha Amniga Puntland in ay hubiyaan dhaqangalka dhammaan Awaamiirtii xukuumadda Puntland soo rogtay si looga hortago faafidda COVID-19. Guddiga ayaa Laamaha Amniga si gaar ah ugu amray in ay hubiyaan dhaqan-gelinta Awaamiirta ku saabsan isu-socodka xuduudaha iyo soo gelinta Qaadka kuwaasi oo la sheegay in aysan weli si buuxda u dhaqan-gelin. Go’aanka guddiga ayaa ku soo beegmay xilli wasiirka warfaafinta Puntland uu horay u xaqiijiyay in uusan dhaqan-gelin Amarkii Puntland ku soo rogtay xuduudka dhanka Somaliland islamarkaana weli ay gaadiidka si caadiya isaga socdaan. Sidoo kale Qaadka ayaa weli si qarsoodiya u soo gela gudaha Puntland kadib markii laga keeno dhinaca dalka Ethiopia isaga oo laga soo daaabulo degmada Gallaadi ee gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida DDS. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Amar lagu siiyay in ay dhaqan-geliyaan bandowga Xuduudaha iyo joojinta Qaadka appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - A job vacancy announcement Saturday by Somalia’s state broadcaster STNV went awry after a draft advertisement supposedly issued without official approval sought a not more than 25-year-old attractive girl with an ‘hourglass figure’ sparking sharp reactions from Somalis online. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-Shabelle-110420.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caawa ka war-bixisay xaaladda bukaanadii uu horay u soo ritay cudurka Coronavirus, kuwaas oo ay qaar ka mid ah xaaladooda wanaagsan tahay halka qaarna ay ka deyrisay. Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in laba kamid ah bukaannada uu ku dhacay xanuunka Coronavirus ay xaaladoodu aad u liidato ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah. Sidoo kale qaar ka mid ah bukaanada ayey sheegtay in lagu baxnaaninayo Isbitaalka Martini oo ah halka loo asteeyey in lagu dabiibo dadka uu soo rito cudurkaas. Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa sidoo kale sheegtay in bukaarada qaar ay xaaladooda caafimaad soo fiicnaaneyso, isla markaana loo fasaxay in ay isku karaantiilaan guryahooda. Waxay mar kale ku celisay walaacii ahaa in xanuunkan si tartiib-tartiib ah uu ugu sii faafayo bulshada Muqdisho, isla markaana dadka laga helay illaa hadda ay u badanyihiin, kuwo aan dalka ka bixin oo aan safar dibadda u aadin. “Waa muhiim in la raaco fariimaha iyo talooyinka caafimad ay ay kamid ka yihiin, in guryaha la joogo, in la kala fogaado oo labo mitir la’isu jirsado, In la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo salaanta gacan qaadka ah,” ayey tiri Fowsiya Abiikar. Wasiirka oo sidoo kale ku talisay in si gaar ah xil la isaga saaro xanaaneynta dadka da’da ah iyo dadka qaba xanuunnada daaha. “Waxaan ugu baaqayaa bulshada in qof kasta ee isku arka astaamaha lagu garto COVID-19 uu la xariiro lambarka gaaban ee 449 si loo siiyo talooyin caafimaad ama loo caawiyo”ayey tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya.” Hoos ka daawo wasiirka caafiaadka
-
Mid ka mid ah Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa raalli-galin ka bixiyey qoraal buuq dhaliyey oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in uu ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha uu ka raalli-galinayo, wixii khalad ahaa ee ku jiray qoraalkaas. Wasiir Aadan Isaaq Sidoo kale Wasiir Aadan ayaa xusay in talaabo anshax marin ah laga qaaday cidii ku lug laheyd qoraalkaas. “Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo si gaar ah Gabdhaha Soomaaliyeed uga raalli-galinayaa wixii khalad ahaa ee ku jiray warqadii sida khaldan loo geliyey Warbaahinta iyadoo aanay ogoleyn Madaxda Wasaaradda, waxaa talaabo anshax marin ah laga qaaday cidii ku lug laheyd” ayuu ku yiri qoraalka Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya. Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhaleeceyn kala kulantay qoraal xayeysiis shaqo ah oo labo wariye oo haween ah loogu rabay Telefishinka Qaranka. Laba ka mid ah shuruudaha shaqada ayaa dadku aad uga falceliyey, kuwaas oo ahaa in haweenayda loo baahan yahay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab Talefishin iyo sidoo kale in ay leedahay hub-qad wanaagsan. Kadib markii khuburo saxaafadeed iyo dad kale ay aad uga falceliyeel qoraalkaas oo loo arkay takoor ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya dib u saxsay qoraalkeedii, balse raalli-galin toos ah kama bixin, marka laga reebo hadalka Wasiir ku xigeenka. Hoos ka eeg labadii qoraal ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya PUNTLAND POST The post Wasiir raalli-galin ka bixiyey qaraal buuq dhaliyey appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dul-istaagay duruufaha ku xeeran awoodda dowladnimada, hannaanka nolosha dadka ee ku dhisan maalinlaha iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada socda ee lagaga hortagayo cudurkan safmarka ah. “Dowlad ahaan waxa aynu nahay dal hadda soo kabanaya dhinac kasta, dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka ma gaarsiisana heerka aan dadkeenna ugu qaban lahayn waxbadan oo ay ahayd in aan ku wajahno marxaladdan adag, sidaas oo ay tahay waxaan xoogga saareyna ka hortagga cudurkan maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay isu gurmadaan oo ay isgarab siiyaan, gaar ahaan ganacsatada oo masuuliyad adag ay saaran tahay wakhtigan iyada oo loo baahan yahay in ay u naxaan dadkooda dhibaateysan, uguna dhibriyaan sicirka badeecadaha. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyey dhammaan bukaannada uu haleelay cudurka COVID-19, Allena waxa uu naxariis u weydiiyey muwaadinkii dalka ugu geeriyooday cudurkan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray shacabka appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
