Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin walba waxaa tiro ka badan laba qof laga helayaa cudurka coronavoirus oo hadda u muuqda inuu si deg deg ah ugu faafayo gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Qaar ka mid ah dhaqaatiirta wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in taro dad ah oo qaba Coronavirus ay aaminsan yihiin in ay ku nool yihiin Muqdisho, kuwaas oo aan u imaanin wasaaradda islamarkaana guryahooda ay iska joogaan. “Si xowli ah ayuu ugu sii faafayaa Muqdisho waxaana ka cabsi qabnaa inuu gaaro xaalad ka baxsan awooda dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Laba dhaqtar oo ka howlgala Isbitaalada Digfeer iyo Aadan Cade ayaa shalay baraha Bulshada ku soo daabacay in laga helay cudurka Coronavirus ayna isku karantiileen guryahooda. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba la xiray Isbitaalka Digfeer oo ahaa Isbitaalka ugu weyn ee ku yaala gobalka Banaadir. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada dadka qaba cudurkaan ay sii kordhayaan islamarkaana kuwa hadda qaba laba kamid ah ay xaaladooda aad u liidato. Qofkii labaad ayaa maanta cudurka ugu geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa wasiiru dowlaha cadaaladda maamulka HirShabelle Khaliif Muumin. Saraakiisha caafimaadka ayaa qaba in shacab badan oo qaba cudurkaan aysan la soo xariirin wasaaradda ayna isku karantiileen guryahooda, amay noloshooda caadiga iska wataan, taasina ay sababi karto in qatarta intaan ka badato. Wasaaradda caafimaadka ayaa la filayaa in maanta ama berri ay warbixin kale oo cusub kasoo saarto xaaladda cudurka ee dalka.
  2. Somalia:Wasiir u geeriyooday Xanuunka Coronavirus Wasiiru dowlihii Wasaaradda cadaaladda Maamulka Hirshabeelle Khaliif Muumin ayaa maanta xanuunka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho. Dhimashadiisa ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Maamulka madaxtooyada Hirshabeelle Marxuumka ayaa kamid ahaa labo bukaan oo ay wasaaradda caafimaadka Somalia sheegtay inay xaaladooda aad u liidato. Dhowr maalmood kahor ayaa la dhigay isbitaalka, isagoo kamid ahaa 9 qof oo cudurka laga helay. Waxaase isagu cudurkaan uu ku haleelay magaalada Jowhar. Waa qofkii ugu horeeyay oo masuulintii Somalia ka mid ah oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Soomaaliya. Sidoo kale waa bukaanki labaad oo cudurka u dhinta. Qaran News
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-120420-ww.mp3 View the full article
  4. Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay gacanta ku hayaan ayaa sheegaya In Madaxweyne Farmaajo uu la hadlay Gudiga Doorashada Ee Dowlada Federaalka waxayna isla meel [...] Source
  5. Sawirradii Dunida ugu soo jiidashada & Saameynta Badnaa Todobaadkan Kal-kaaliso caruurta markaasi dhalatay u xireyso qalabka difaaca wajiga ee ka hor tagga coronavirus iyadoo ku sugan isbitaalka Princ ee Thailand. Dad xiran maskaraatiga afka lagu duubto oo ka shaqeeynaya shikadda gawaarida sameysa ee Honda Waxay usoo baxeen iney mada-daaliyaan caruurta Falastiiniyiinta ee guryaha ugu jira cabsida laga qabo xanuunka Corona awgeed Farriin qoraal ah oo lagu dhajiyay Xarunta CHURCHIL, taas oo ah ”Si dhakhsiya u soo caafimaad” Farriinta ayaa la daabacay ka dib markii raysal wadsaaraha UK Boris Johnson loo gudbiyay xarunta lagula tacaallo dadka uu aadka u soo ritay fayraska Corona. Qaraabada dadkii ku le’day magaalada Guayaquil oo ah magaalada uu aadka u saameeyay dalkaasi Ecuador. Ilaa 24 milyan oo qof ayaa daawaneysay markii boqoradda Ingiriiska Elizabeth II ay qaranka khudbad u jeedineysay. Waa iftiinka ka soo baxaya qolalka hoteelka Bogor, Indonesia, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu dhiirageliyo shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya xanuunka Covid-19. Qaran News
  6. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has today praised Somali national army for fighting terrorism and supporting civil authorities in the maintenance of peace and security In a statement, Farmajo congratulated all members of the Somali National Army and their families on the 60th anniversary of the formation of the National Army. “The Armed Forces are our national symbol and stands for defending national sovereignty. We are still not where we wanted to be, but as a government, we embarked on a plan to reform and rebuild our army”, President Farmajo said in a statement. The President pointed out that a strong and effective army is vital to nationhood and the regeneration of the country saying his government has taken a decisive step towards the reform of the Armed Forces. He said SNA Forces have reduced al Shabaab’s capacity to launch attacks in Somalia. The president noted that soldiers who lost their lives in the line of duty made sacrifices for country’s greater good. SNA was established in 12th April in 1960 after Somalia got its full independence. Under Siyad Barre’s rule, Somalia once possessed a formidable military in the continent. The army which disintegrated when the civil war 1990s was re-established during the former transitional Somali government. View the full article
  7. (SLT-Muqdisho)-Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamul gobolleedka HirShabelle ee Soomaaliya Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus. Khaliif Muumin ayaa ka mid ahaa 9 qof oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay Jimcihii shaaca ka qaadday in laga helay cudurka Coronavirus. Xildhibaan Khaliif ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday magaalada Jowhar, laguna arkay astaamaha lagu garto cudurka Coronavirus. Waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee inta la ogyahay gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda cudurka Coronavirus. Khaliif ayaa cudurka ku qaaday gudaha dalka, mana jirin wax safar dibadeed ah oo uu dhowaanahan galay. Waxaa jirta cabsi xooggan oo la xidhiidha inay jiraan dad aan laga war-hayn oo cudurka uu gaaray ama u dhintay iyaga oo aan la diiwaan-gelin. Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa werinaya dad dhintay oo lagu arkay caalamadaha cudurkan balse ma jirto cid xaqiijin karto maadaama aan tijaabo la marin Source
  8. Somalia’s international partners* express their solidarity with the Somali people and government at all levels in facing the global pandemic of the coronavirus (COVID-19). They commend the Somali authorities for the measures they have taken to date to contain the spread of the virus, including awareness-raising, quarantine measures, and social distancing. They note that the spread of the virus is a universal challenge and one that must be faced together. They underscore that this is a time to unite to confront this unprecedented challenge. The response will require unity, and for conflict and violence to be set aside. The partners recall the appeal of the United Nations Secretary-General for a global ceasefire and lend their strong support to this call. They strongly encourage all parties and communities to end the conflict. They call on al-Shabaab and other groups to cease acts of violence and terrorism and to enable assistance to reach all communities in need. The partners urge the FGS and all FMS leaders to resume without further delay in constructive collaboration to advance national priorities and to collaborate to mitigate the threat of the virus. They noted that legitimate political differences will require dialogue and the willingness to forge consensus. All Somalia’s leaders, in the federal government, federal member states and Parliament must continue their important work, using web-based meeting options if necessary. The virus requires unity not only within countries but between neighbors and the region. The partners encourage Somalia and the countries of the region to reduce infection, reinforce health systems, and strengthen community resilience, as well as to keep key trade routes open, and facilitate vital private financial flows. The partners commend the initiative taken by the African Union Commission Chairperson in convening an emergency ministerial meeting on COVID-19 on 22 February 2020, and the declaration of the Summit of the IGAD Heads of State and Government on 30 March 2020. The social and economic effects of COVID-19 are far reaching, and further compound the debilitating consequences of conflict, desert locust infestation, droughts and perennial flooding that impact the most vulnerable populations. The partners call on Somali authorities and private land owners to suspend evictions of displaced persons for the entire duration of the COVID-19 response. The partners welcome the development of Somalia’s COVID-19 Response Plan and appeal for all stakeholders to support it and align and coordinate their assistance with its priorities. The partners thank the Federal Government of Somalia for enabling operations and international support to continue, and reaffirm their commitment to assist Somalia to respond to the impact of COVID-19. View the full article
  9. Sida ay Goobjoog News u xaqiijisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya qofkii labaad ayaa xanuunka COVID-19 ugu geeriyoday magaalada Muqdisho oo lagu karaantiilay. Allah u naxariistee muwaadinka labaad ayaa ahaa wasiirudowle ka tirsanaa dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhowaan laga keenay magaalada Jowhar oo uu ku soo ritay xanuunka waxaana lagu magacaabijiay Khaliif Muumin. Muwaadinka maanta u geeriyooday xanuunka ayaa waxaa uu noqonayaa qofkii labaad oo xanuunka Coronavirus ugu geeriyooda dalka gudihiisa , waxaana sidoo kale wasaaraddu diiwaan gelisay ilaa 25 kiis oo la jiifa Covid-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Wasiir u Dowlihii Cadaalada ee Maamulka Hirshabeele Khaliif Muumin ayaa goordhaweyd ku geeriyooday Magaalada Muqdisho kadib markuu la xanuunsanaa Cudurka Corona Virus. Ehelada Marxuumka ayaa [...] Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamul goboleedka HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus oo ku dhacay. Khaliif Muumin ayaa ka mid ahaa 9 qof oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay Jimcihii shaaca ka qaadday in laga helay cudurka Coronavirus. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle oo dhowr ah, kuwaas oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay geerida Khaliif Muumin. Xildhibaan Khaliif ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday magaalada Jowhar, laguna arkay astaamaha lagu garto cudurka Coronavirus. Waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee inta la ogyahay gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda cudurka Coronavirus. Khaliif ayaa cudurka ku qaaday gudaha dalka, mana jirin wax safar dibadeed ah oo uu dhowaanahan galay. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu billowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhaxdeeda (community spread), waxaana laga cabsi in cudurka uu gaaray dad badan oo ku sugan gudaha magaalada. Waxaa jirta cabsi xooggan oo la xiriira inay jiraan dad aan laga war-hayn oo cudurka uu gaaray ama u dhintay ayaga oo aan la diiwaan-gelin. Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa werinaya dad dhintay oo lagu arkay caalamadaha cudurkan balse ma jirto cid xaqiijin karto maadaama aan tijaabo la marin.
  12. (SLT-Hargeysa)-Taliyihii hore ee sirdoonka qaranka JSL General Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa beeniyay warar laga baahiyay oo sheegaya in xil looga dhiibay saldhiga weyn ee ay dawladda Turkigu ku leedahay magaalada Muqdisho. Wararkan oo lagu faafiyay shabakadaha wararka, ayaa wuxuu General Bootaan ku tilmaamay kuwo la been abuuray. Taliyihii hore oo isagoo dalka dibadiisa ku sugan shalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yidhi “Anigoo ah Jeneral Jaamac Maxamed Bootaan, oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka qaranka JSL, waxaan cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka la qoray ee sheegaya inaan shaqo sare ka helay xarunta saldhiga ciidamada ee Turkiga ee Muqdisho ku yaala oo aan qaatay dhalasho Turki ah. Waxaan beeninayaa wararkaas.” Taliyihii hore ee Sirdoonka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waar waxaan idin leeyahay Xamarna maan tagin, xilna umaan doonan, dhalasho Turki ahna maan qaadan. Markaas waxaan halkan ku cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararkaas balse ay yihiin kuwo been abuur ah, ciddii samaysay wararkaasna waa lala xisaabtami doonaa oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa. Maanta maaha maalin shaqo la doonto ee waa maalin uu qof waliba sidiisa mashquul ugu yahay sidii uu uga feejignaan lahaa xanuunka COVID_19.” Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Markaas waxaan mar kale umadda u cadaynayaa inaanay wararkaas waxba ka jirin, balse ay yihiin kuwo la been abuuray oo ujeedo gaar ah laga leeyahay.” Madaxweyne Biixi ayaa bishii march ee kal hore xilka ka qaaday taliye Jaamac Maxamed Bootaan. Source
  13. MOGADISHU (HOL) - Two COVID19 patients at Mogadishu’s De-Martini hospital are in critical condition, the Ministry of Health has said warning of ‘gradually spread’ of the disease in the country. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta labo nin oo hubeysnaa ay ku dhaawaceen aagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in raggaasi oo watay gaari nooca raaxada ah ay ka biyo-diideen inay ka soo dagaan baabuurka, kadibna ciidamadu ay ku rasaaseeyeen. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in iyaga oo dhaawac ah markii dambe ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ee jooga halkaasi. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo Caasimada Online ay xariirtay ayaa sheegay in raggaasi ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda, laakiin waxaa la filayaa in warbaahinta ay la hadlaan saraakiisha amniga, si ay uga warbixiyaan dhacddaasi. Todobaadkii hore ayey aheyd markii ciidamada dowladda rag hubeysnaa ay ku toogteen gudaha suuqa Bakaaraha, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Sacuudiga ayaa sheegaya in qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah uu cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dalkaasi. Amran Xuseen oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u xaqiijisay in qofkaasi saacadihii la soo dhaafay uu cudurka ugu dhintay gudaha magaalada Jidah. Tirada dhimashada Corona ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa haatan kor dhaaftay in ka badan 50 ruux, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi. Sidoo kale wasaaradda ayaa tirada guud dadka uu soo ritay ku sheegtay 40,33 qof, halka 720 ruuxna ay sheegtay inay ka caafimaadeen xanuunka. Dowladda ayaa sidoo kale xirtay wadooyinka waa weyn, goobaha lagu cibaadeysto oo xaramka ugu horreeyo, si loo yareeyo faafida cudurka Coronavirus. Caalamka oo dhan ayaa dagaal kula jira xakameyna cudurkaan oo markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha, kuna sii baahay wadamo badan oo ku yaal adduunka.
  16. Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in haatan maalkaasi ay halis weyn uga imaaneyso dalka Itoobiya oo xad Soomaaliya kala leh dhanka gobolka Hiiraan. Sheekh Cismaan oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inuu weli furan yahay xadka labada dal, islamarkaana maalin weliba laga soo galiyo Qaad fara badan, isaga oo tilmaamay inay halkaasi ka imaan kato halis caafimaad, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in madaxda HirShabelle ay ka aamuseen inay ka hadlaan ama wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi, si looga hortaga cudurka Coronavirus. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabele oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay xirto dhaq dhaqaaqa deegaanada ku yaalla xadka. “Halista ugu weeyn ee ku soo socota dadka Hiiraan waxaay uga imaaneeysaa dhinaca dalka aan dariska nahay ee Ethiopia oo xadkiisu nagu furanyahay, madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle waay ka aamuseen inaay ka hadlaan, waxaan baaq adag u dirayaa hay’ada socdaalka iyo madaxda qaranka inaay naga xeraan xadka dhanka Itoobiya, ciidanka qaranka iyo AMISOM ee jooga Hiiraan waay ka gaabiyeen inaay wax ka qabtaan halista caafimaad ee kusoo wajahan dadka, xiligaan oo laga baqaayo Karoona faayris ma ahan in aan furano xaduudaha” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre Maxamed. Hadalkaan ayaa imaanaya, iyadoo maalin walba magaalada Beledweyne ay soo galaan gaadiid badan oo sida Qaad ka yimaada dhinaca dalka Itoobiya, islamarkaana si caadi loogu iibiyo magaaladaasi oo ay ka howlgallaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
  17. Dowlada Puntland ayaa Qoraal kasoo saari doonta Doorashada Doomaaliya ee bilaaban doonta Bisha Decembar danadkaan. Dowlada Puntland waxay hoosta ka xariiqaysaa in aysan dhici Karin [...] Source
  18. Somalia faces an unprecedented humanitarian crisis as a result of the fall out from the COVID-19 pandemic. We could be looking at the loss of all progress made in the rebuilding of our nation since the civil war. Source: Hiiraan Online
  19. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa lagu magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ka kooban 13 xubnood. Warqada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Qoor-Qoor ayaa waxaa lagu xusay in guddiga looga fadhiyo in 90 cisho ah ay ku soo dhisaan golaha deegaanka degmadaasi. Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha qeybta ka ah guddiga aysan isku sharixi karin golaha deegaanka degmada Gaalkacyo. Halkaan hoose ka aqriso: QOOR View the full article
  20. Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab oo shir jaraa’id qabtay khamiistii 9-ka bishan ayaa sheegay in iyada oo la fulinayo go’aan hore oo ay wasaaradda cayaaraha ka qaadatay Goobjoog Media Group, laga mamnuucay hawlaha cayaaraha dalka isaga oo yiri “Waxaa muhiim ah innaga oo tixgelineyna haddii aan nahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta wareegtadii horay uga soo baxday wasiirka wasaaradda cayaaraha shaqo joojin lagu sameeyey bahda Goobjoog Group oo ahayd in garoomada ay wasaaradda ka hakisay, kubbadda cagta iyo garoomada kalaba xiriirka waxaa uu fulinayaa wareegtada wasaaradda”. Amarka wasaaradda cayaaraha ee garoomada loogu diiday wariyaasha Goobjoog oo ay soo-saartay wasiirka wasaaradda Khadiijo Diiriye bishii August 2019 laguma sheegin sababta, sidoo kale war-saxaafadeedkii khamiista ee xiriirka kubbadda cagtana isgana laguma sheegin sababta. Arrinkaan Goobjoog waxay u aragtay mid meel kaga dhacaya shuruucda dalka, xadgudubna ku ah xorriyadda hadalka, laguna hor istaagayo helidda xogta dadweynaha, uuna yahay cabburin warbaahinta madaxabannaan ka dhan ah. Cadaadiska ay wasiir Khadiijo Diiriye ku hayso Goobjoog Media Group ma aha wax cusub, oo sannad ka badan ayuu jiray, iyada oo jagada wasiirnimada uga faa’iideysatay inay meel fagaare ah ku hor istaagto shaqaalaha Goobjoog inay gutaan hawlahooda warbaahineed, hor istaagidda shaqada wariyaasha kaliya kama dhicin garoomada cayaaraha waxay amar ku siisay in qofkii la hadla wariye ka tirsan Goobjoog uu weyn doono wadashaqeynta wasaaradda. Sidoo kale mas’uuliyiinta xiriirrada cayaaraha waxa ay ku qasbanaadeen inay faafreebaan warbaahinta imaaneysa goobaha ay kaga qeyb galayaan dhacdooyinka cayaaraha iyaga oo ka bartilmaameysanaya weriyihi ay wasiir Khadiijo ugu far fiiqdo. Go’aanka wasiir Khadiijo Diiriye ay ku soo-saartay warqadda loogu mamnuucayo shaqaalaha Gooboog gelidda xarunta wasaaradda iyo tebinta ciyaaraha garoomada waxa ay salka ku haysaa dano shakhsiyeed iyo kutakrifal awood xafiis. Waxaa arrintan cadayn horudhac ah u tahay in wasiir khadijo aysan awoodin in ay haya’adaha dawlada la wadaagto eedeymaha Goobjoog si la mid ah sida ay amarkutaagleynteeda ula wadaagtay xiriirada ciyaaraha. Sooyaalka ku xad-gudubka iyo Cabburinta Wasiir Khadiija Diiriye ay ku hayso shaqada saxaafadeed ee Goobjoog iyo shaqaalaheeda: August, 08, 2019: Wasiir Khadiija Diiriye ayaa soo-saartay amar garoomada cayaaraha looga mamnuucayo shaqaalaha Goobjoog Media Group September 12, 2019: Waxaa ay wasiir Khadiijo soo ceyrisay weriyeyaal Goobjoog oo doonayey inay tebiyaan tartanka degmooyinka gobolka Banaadir. December 18, 31-2019: Waxaa Goobjoog loo diiday inay tebiso cayaaraha isdhexgalka oo ay ka qeyb galayeen dhallinyaro ka timid Yurub. April 09, 2020: Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay in Goobjoog aanay tagi karin garoomaha sabab la’aan. Marka laga soo tago cabburinta iyo caga jugleynta joogtada ah ee Goobjoog la kulanto, waxay wasiir Khadiijo cabsi gelin iyo tifaftir ku haysaa warbaahinta kale ee cayaaraha ee dalka. Haddaba, Goobjoog Media Group waxay wasaaradda cayaaraha ka dalbaneysaa inay caddeyso sida ugu dhaqsiyaha badan sababta ay u bartilmaameedsatay Goobjoog Media Group. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Maanta ciidamada xoogga dalka ee JFS waxaa ay u dabaaldegayaan sanad guurada 60-maad ee markii la aasaasay, waxaana munaasabado lagu qaban-doonaa qeybo badan oo dalka ah. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa uu ka kooban yahay illaa 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. Dalkeena waxaa uu ciidan lahaa xilligii gumeystaha, Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaa ay sameeyeen booliis, ciidanka booliiska waxaa la dhisay sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye. 1960: Ciidanka xoogga dalka waxaa la aasaasay April 12, 1960-kii kadib qoraal uu soo saaray mudane Cabdulahi Ciise Maxamud oo xitaa dhinac maray talooyin ay siiyeen saraakiishii xiligaas joogtay oo arrinkaas diidanaa sida Maxamed Abshir, Ceynaanshe iyo rag kale. Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay 8 horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari. Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis , Waxaa ka mid ahaa Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Liiqliiqato, Maxamed Ibrahim iyo rag kale iyo kuwoo Captain ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf….raggan iyo inkaloo badan waxaa laga wareejiyay ciidanka booliis-ka oo waxaa lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka. Soomaalida markii ugu horeysay oo ay arkaan ciidamada xoogga dalka waxaa ay aheyd July 1, 1960-kii, xiligaas oo ay dalka ka dhigeen dabaaldegyo ku aadan xoriyadda iyagoo la wareegay amaanka dalka iyo dadka. Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka waxaa ay sheegayaan in aasaaska ciidanka xoogga uu barbar socday qiiro iyo xamaasad waddaniyadeed oo shacab iyo dowladba leh, inta ay dadka wadaniyad ka qabaan waxaa qiimo ama percentage lagu daray cashuuraha dowladda hoose si miisaaniyad loogu abuuro ciidamada qalabka sida. Tiro ahaan ciidanka waxaa la geeyay ilaa 4000 oo ciidan kuwaas oo kala ahaa: 1000 Askari oo Talyaaniga dalka uga tagay, 2000 oo ahaa askar la qoray iyo 1000 askari oo ka yimid waqooyiga dalka oo xiligaas uu maamuli jiray gumeystaha Ingiriiska. Sida ay saraakiisha ciidanka noo sheegeen dhibaatada ugu badan waxaa ay ka timid isfahamka ciidan oo qaarkood Army la dhaho sida kuwa waqooyi ka yimid iyo Serjito oo dhinaca Talyaaniga ah. Si isfaham darridaas looga baxo waxaa uu Taliye Maxamed Ceynaanshe sameeyay afka maanta ciidanka adeegsado ee “Digtoonow”, “Joogso”, “Dib u Jeeso” iyo erayada kale ee caanka ah. Pan-Somalism(Somaliweyn): July 1, 1960: Waxaa Xoriyad qaatay dalkeena Soomaaliya, waxaa midoobey labada gobol ee koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya, maalintaas faraxdda kuma koobneen oo keliya labadii midowday. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti), waxaa ka yimid halgamaagii weynaa Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda Soomaaliyeed, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn iyo sidii gacnta Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dhulka maqan. Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aasaaskii kadib, waxaa ay tababaro, hub iyo saanad kale ka heleen midowga Soviet kadib markii 1963 ay dalka Ruushka safar ku tagay ra’isul wasaaraha dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo taliyaha ciidanka qalabka sida General Da’ud. Dalka Ruushka waxaa ay ogolaadeen in ay qalabeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tiro ahaan la sheegay in ay noqdaan ilaa 35,000, ciidankan ayaa isugu jiray ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. Markii qalabeynta lagu bilaabay ciidamada qalabka sida hadafkooda koobaad waxaa uu ahaa xoreynta dhulka ay gumeystaha ka heystaan Soomaaliya sida Soomaali galbeed iyo NFD. Dagaallada: 1964: Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidankeenna uu galo waa dagaalkii xadka ka dhacay ee 1964-tii waxaa xiligaas taliyaha ciidanka xoogga dalka ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi,, dagaalkan oo ka dhacay Wajaale iyo goobo kale, waxaa ku adkaaday ciidankeenna qalabka sida waxaa dagaalkaas ku soo caan baxay Salaad Gabeyre, waxaa dadkii halkaas ku shahiiday ka mid ahaa geesigii diiday in calankeena uu dhulka ku dhaco ee Xalane. 1977: Dagaalkan oo loo yaqaano xoreynta Soomaali galbeed waxaa ciidanka xoogga dalka lagu xasuustaa geesinnimo xad dhaaf ah, waxaa ay furumaha cadawga xabashida ay ku jiireen saacado kooban. Taliyeyaashii Soomaalida ee dagaalka hogaaminayey waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in xabashida ay si lama filaan ah u jabtay, ciidamada geesiyaasha Soomaalida waxaa ay gacanka ku dhigeen inta badan dhulka Soomaali Galbeed sida Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, waxaana qalqal galay maamulka Mengistu Haile Mariam. Dagaalkaas oo ka mid noqday dagaallada dunida ka dhacay xiligii dagaalkii Qaboobaa, Jaamacadaha la dhigo, dalalka Ruushka iyo Cuba ayaa qiyaaney dalkeena iyagoo si lama filaan ah gacan u siiyay xabashiga tiiyoo keentay in ciidanka xoogga dalka uu soo jabo. Taliyeyaashii ciidanka xoogga dalka 1991-dii Ka Hor: Ciidanka xoogga dalka waxaa hormuud ka noqday taliyeyaal badan oo magac ku lehaa ciidanka dhexdiisa. 1960-kii, Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xoogga dalka waxaa uu ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi, isaga ayaa mas’uul ka ahaa dhismaha ciidanka xoogga iyo in ciidankeeda uu ku guuleysto dagaalkii ugu horeeyay xoriyaddii kadib. Taliyeyaasha kale, waxaa ka mid ahaa: Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali Samatar, Cumar Xaaji Massalle, Maxamed Xersi Morgan iyo Aden Gabyow…. Waxaa xusid mudan in Jaalle Siyaad uu ciidanka taliye u ahaa min 1969-1991-dii. Wasiirradii Gashaandhigga: 1960-1969: Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Sheekh Cali Ismaaciil, Hilowle Macali Maxamed, Aden Isaq Axmed, Cabdiraxman Xaaji Muumin, Xaaji Yusuf Imaan Guuleed. 1969-1991: Salaad Gabeyre Kadiye, Maxamed Cali Samatar, Aden Cabdulahi Nur Gabyow iyo Xuseen Cabdiraxmaan Mataan Tirada iyo Awoodda Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka waxaa uu noqday ciidanka 3-aad ee ugu awoodda badan Afrika marka laga reebo dalalka Nageria iyo Masar, waxaa uu ku bilowday 8 horin 1960-kii, dagaalkii 1964-tii ciidankeena tiradiisa waxaa ay dad xog ogaal ah ii sheegeen in uu ahaa 4000 iyo xogaa laakin 13 kadib dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed tirada ciidanka xoogga dalka waxaa ay dowladda ku sheegtay ilaa 40,000 oo askari, laakin saraakiil ka tirsan militariga waxaa ay xaqiijinayaan in ciidankeena uu u dhaxeeyay 300,000-500,000, taasi oo ku tuseysa tirada iyo tayada ciidanka. Mishaar: inkasta oo ciidanka xoogga dalka aanu qaadan jirin mushaar badan xiligii Maxamed Siyaad hadana waxaa jiray sababo badan uu ku qanco, tababaro, dalacsiin, raashiin lacag la’aan ah iyo isagoo aaminsanaa in uu difaacayo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa. 1991: Burburkii dalka waxaa dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, ciidanka xoogga gooni uma istaagin oo waxaa ay ku dhex milmeen qabaa’ilkii, waxaa meesha ka baxay heybaddii ciidanka. 2000: Wixii ka dambeeyay Madaxweyne Cabdiqasim Salaad Xasan ayaa bilaabay in uu dib la isugu yeero ciidanka xoogga dalka isagoo taliye u magacaabay Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, wixii maalintaas ka dambeeyay ciidanka xoogga dalka waxaa uu u jiraa magac ahaan laakin in uu noqdo ciidan awood leh waxaa ay u baahan tahay waqti iyo dulqaad. Awoodda Ciidanka: Ciidanka xoogga dalka malaha shakhsiyaddii hore, lama yaqaano tirada rasmiga ee ciidanka, waxaa kala badan inta mishaariga ah iyo inta rasmiga u shaqeysa, wax badan ayaa isku qasan oo ay ka mid tahay”waa kuma cadawga Soomaaliya?,disibiliinka ciidanka waa arin kale oo ka hadal u baahan, waxaase hubaal ah in ay jirto meel wax laga bilaabi karo haddii la helo hogaan diyaar u ah. Waxyaabaha awoodda ciidanka hoos u dhigaya waxaa ka mid ah mishaar xumo, maamul goboleedka oo jiidanaya taliyeyaashii khibradda lahaa, cunaqateynta hubka ee dalka saaran iyo hadaf la’aanta hogaanka dalka ee ku aadan qarameynta ciidanka iyo damaanad-qaadka mishaar, tababar iyo qalabeyn joogta ah iyo cadawgii umadda sida Xabashida iyo Kenya oo Soomaaliya ku dhex jira iyagoo aan fursad u siineyn dalka in uu yeesho ciidan qaran. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Xogtan waa mid u gaar ah Goobjoog News, Lama xigan karo ogolaashiyo la’aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee la qorsheynayo in la qabto 2020 illaa 2021-ka. Dhabancad ayaa shir saxaafadeedkiisa ku sheegay in Puntland ay ka digeyso dib u dhac ku yimaada doorashada, iyadoo mar-marsiiyo looga dhiganayo xanuunka Coronavirus. Wasiirka ayaa sheegay in dib u dhaca uu sababi karo cawaaqib xumo siyaasadeed, khilaafaadyo hor leh oo soo kala dhex-gala dowladda dhexe iyo saamileyda siyaasadda. “Haddii madaxda dowladda isku daydo inay sameeyaan muddo kororsi ay sababi karto in dalka ka dhacdo xasillooni daro iyo si qabqabsi siyaasadeed, mana ogolaan doono marmarsiiyo looga dhigto Coronavirus.”ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Dhabancad. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland aysan aqbali doonin in la qaado talaabooyin aysan qeyb ka aheyn oo ku wajahan arrimaha doorashooyinka dalka. Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa ku baaqay in loo loogu diyaar-garoobo doorashada soo socota, si loogu qabto xilligii loo asteeyey. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo walaac xoogan xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta qaarkood ay ka muujinayaan sida ay dowladda federaalka uga gaabisay diyaar-garowga doorashada 2020 illaa 2021-ka oo ku soo aaday, xilli haatan dalka uu ku jiro xaalad adag oo ay ugu daran-tahay mida la dagaalanka cudurka faafa ee Coronavirus.
  23. Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada doorashada 2020-2021-ka. Dhabancad ayaa sheegay in dib dhaca uu sababi karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo khilaafaadyo hor leh oo soo kala dhex-gala dowladda dhexe iyo saamileyda siyaasadda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu diyaar-garoobo doorashada soo socota, si loo qabto xilligii loo asteeyey. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/zaki-1.mp3 View the full article
  24. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Militariga iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aas’aaskooda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin Qarannimada iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalka, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga. “Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Miltariga Soomaaliya ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyeeyay sannad-guuradii 60aad ee aas’aaska Militariga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.