-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed [Xajaar], ayaa ku amray wadayaasha gaadiidka dadweynaha in aysan qaadi karin rakaab badan. Mr Xajaar ayaa tilmaamay in gaadiidleyda looga baahan yahay in hadii ay qaadi jireen 30 hadda ay muhiim tahay in ay qaadaan 15 qof. Talaabadaan ayuu ka dhawaajiyey in ay qeyb ka tahay dedaalada lagu xakameynayo faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Corona. Hadalkaan ayuu taliyaha ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaala madaxda waddanka ee Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd. Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaaraya 286, waxaana aad looga cabsi qabaa in ay intaas kasii bataan maadaama shacabka aysan u hogaansamin talooyinka caafimaad. View the full article
-
Allaha u naxariistee waxaa dalka Jabuuti ku geeriyooday xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Marxuumka ayaa la tilmaamay in maalmihii dambe uu ku xanuunsanayay gudaha jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana geerida xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye ka tacsiyadeeyay guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya. “Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeyeh mudooyinkii dambe ayuu ku xanuunsanaa Dalka Jabuuti waxa uuna ku geeriyooday Dalkaasi jabuuti Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayuu ka tirsanaa rabi naxriistii jano haka waraabiyo Anaga iyo ehelkiisana samir iyo iimaan illaahey ha inaga wada siiyo” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa xildhibaankii labaad uu todobaad gudihiis ka geeriyooda golaha shacabka iyada oo 18-kii bishaan uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Aadan Xasan Cali “Jamhuuriya”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cape Town (SMN) – Dhowr goobo ganacsi oo Soomaalida ku leedahay dalka Koonfur Afrika ayaa lagula kacay boob, sidda ay wararku sheegayaan. Burcad u dhalatay waddankaas ayaa lagu waramay in ay ka dambeeyeen falkaas isla markaana ay qaateen agabyo kala duwan. Lama soo warin khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaas. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkaan ooo kasoo baxay laamaha amniga. Falalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Koonfur Afrika ay ku jirto xaalad go’doon ah isla markaana laga cabsi qabo faafitaanka Coronavirus. Soomaalida ayaa kamid ah ajaaniibta ganacsatadda ah ee ku dhiban Koonfur Afrika maadaama ay si joogto ah ula kulmaan weeraro bilaliqo ah. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna. Dowladda Turkiga ayaa mar walba oo dhibaato ay ka dhacdo Soomaaliya waxa ay u muujisaa garab istaag iyada oo haatan dowladda federaalka ay la daala dhaceyso xanuunka safmarka ah ee Coronavirus. Tirada guud ee xanuunka COVID-19 ee laga diiwaan galiyay gudaha Soomaaliya ayaa haatan cagacageynaysa 300 oo kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The World Health Organization on Wednesday warned that the coronavirus crisis will not end any time soon, with many countries only in the early stages of the fight, as the global death toll surpassed 180,000. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay digniin adag u direen gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya Muqdisho gudaheeda. Iyadoo ay jirto xaaladda ka hortagga faafitaanka Coronavirus, islamarkaana si wayn looga feejigan yahay xanuunkaan, ayaa digniintaan soo baxday. Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inuu kaga digaayo wadayaasha gaadiidka dadweynaha inay qaadaan dad aad u fara badan. Waxa uu ku sheegay sababta inay tahay, iyadoo laga feejigan yahay faafitaanka Caabuqa Coronavirus, islamarkaana loo baahan yahay wadayaasha gaadiidka dadweynaha inay qaadaan tiro ka yar intii hore ee ay qaadi jireen. Taliyaha Booliska ayaa sidoo kale sheegay haddii awaamiirtaasi ay fulin waayaan wadayaasha gaadiidka dadweynaha dowladda inay ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan. Maalmahan dambe waxaa sii kordhaya awaamiirta kala duwan ee ku saabsan in laga hortagga Coronavirus, islamarkaana ay soo saareyso dowladda Federalka Somaliya.
-
Muqdisho (SMN) – Qaar kamid ah nabadoonada Soomaaliyeed ayaa ka hor-yimid go’aanka ay Dowladda kusoo horumarisay bandowga habeenkii ee Muqdisho. Caaqil Warsame ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in bandowga wax laga bedelo si dadka fursad ugu helaan in ay soo adeegtaan habeenkii. Nabadoon Xasan Kacaan ayaa tilmaamay in Muslimiinta uu dhaqdhaqaaqooda badan yahay habeenkii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. Dowladda ayuu ku booriyey in ay bandowga gaarsiiso illaa iyo saddexda habeenimo si loo oogo Salaada Taraawiixda iyo cibaadooyinka kale. Hadalka nabadoonada ayaa kusoo aadaya xilli taliska Booliska uu ku dhawaaqay in bandowga uu bilaaban doono inta Soonka lagu jira kowda fiidnimo ama hal saac. View the full article
-
The President of the Somali regional state Mustefa Omer has demanded an apology from officials of the Tigray Peoples Liberation Front (TPLF) for the “mass killings” that took place in various parts of the state during the TPLF-led Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front (EPRDF) rule. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Degmooyinka kala ah; Wadajir iyo Dharkenley ayaa la filayaa in ay caawa daahfuraan tartan aqooneedka bisha Ramadan ee Shabakada Warbaahinta Shabelle. Labadan degmo ee ka tirsan gobolka Banaadir ayaa isku beegmay kadib isku aadkii shalay lagu sameeyay xarunta ee SMN ee magaaladda Muqdisho. Xubnaha labada degmo ayaa diyaar-garowgii ugu dambeeyay ku jira, iyaddoo mid walba ay dooneyso in ay guusha dhankeeda marto. Tartan aqooneed oo si toos ah looga baahin doono Raadiyaha iyo Telefishinka Shabelle waxaa sanadkan ka qeybgalaya degmooyinka Banaadir iyo qaar kale oo gobolada dalka ah. Shabakadda Wabaahinta Shabelle ayaa ah warbaahintii ugu horeysay ee geyiga Soomaaliya ka bilowday tartan noocaan ah, waxaana uga daysaday saxaafadda gudaha iyo dibadda. View the full article
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: Comments from Minister Goffin regarding EU Foreign Affairs Council The focus is on Central Africa, the Maghreb countries and the Balkan countries BRUSSELS, Belgium, April 23, 2020/ — Minister of Foreign Affairs and Defence, Philippe Goffin, today took part in the EU Foreign Affairs Council. Two important issues were addressed by Belgium and its partners: the response to the COVID-19 crisis and the situation in Ukraine. Minister Philippe Goffin first of all underlined the joint efforts made at European level to bring back nationals. “Concerning the COVID-19 situation, the joint effort led by the member states and the institutions has enabled the return of 500,000 European citizens, i.e. 90% of those who were temporarily stranded abroad. Belgium participated intensively in this operation. The European coordination that has been set up during this crisis demonstrates the capacity of Member States to jointly find solutions to major problems.” Minister Goffin also reaffirmed his support for the WHO. “Belgium believes that the WHO is doing good and crucial work. In the midst of this pandemic, our country considers that it is more important than ever to support the organisation as well as possible and to work side by side to face this crisis. Our country will be considering, in consultation with the WHO in the coming weeks, how to shape our additional support”. The European Foreign Ministers also discussed the Team Europe programme launched by the EU on 8 April. This €20 billion support programme aims to support the EU’s partner countries in their fight against the COVID-19 virus and its consequences. The focus is on Central Africa, the Maghreb countries and the Balkan countries. “In the framework of COVID-19, the European High Representative, Josep Borrell, called for a humanitarian air bridge to Africa. Belgium underlined its recent efforts to that end and announced its full support for the proposal. It is in our common interest for Africa to be able to meet the challenges generated by this pandemic. Until everyone is out of the coronavirus crisis, we will all be vulnerable. Solidarity must be the answer.” Distributed by APO Group on behalf of Kingdom of Belgium – Foreign Affairs, Foreign Trade and Development Cooperation. SOURCE Kingdom of Belgium – Foreign Affairs, Foreign Trade and Development Cooperation Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-230420.mp3 View the full article
-
Garoowe ( Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagta ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay u fasaxday Maamul Goboleedyada ka jira dalka. Puntland ayaa sheegtay inaysan weli soo gaarin lacagta ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay siisay maamul Goboleedyada. Lacagta ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay u fasaxday maamul Goboleedyada ayaa ah min Hal Malyan oo Dollar, mana jiro illaa hadda hal maamul Goboleed oo xaqiijiyey helista lacagtaas. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi oo xalay u hadlay guddiga Puntland u qaabilsan COVID-19 ayaa caddeeyay in aysan jirin wax lacag ah oo uga timid dowladda Soomaaliya. Wasiirka oo Warbaahintu weydiisay in ay Puntland soo gaartay Lacagtii Federaalku sheegay in loo fasaxay dowlad goboleedyada? ayaa ku jawaabay in Lacagtaas aysan Puntland weli ka helin dowladda dhexe. Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegtay inay waxba kasoo gaarin lacagta ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay u fasaxday Maamul Goboleedyada, waxayna Puntland noqoneysaa maamulkii labaad oo si cad u sheega inaysan waxba ka helin lacagtaas. Soomaaliya oo ah dal soo koraya ayaa waxaa fara ba’an ku haya Covid-19, waxaana laga xaqiijiyey kiisas ku dhow illaa 300 oo qof oo badi ku sugan magaalada Muqdisho.
-
Waxaan dhadhamiyay sakaraadka:Qiso Haweeney Dirqi kaga kacday Xanuunka coronavirus Elizabeth waxay galeysaa xilliga soo kabashada oo ilaa lix bilood ah – Laakiin waxay dareemeysaa in fursad labaad loo siiyay nolosha Elizabeth, oo ah haweeney 49 jir ah, waxay ogtahay inay nasiib leedahay haddii ay nooshahay. Kaddib markii ay aad ula xanuunsatay cudurka Covid-19, horaantii bishan waxaa la dhigay isbitaal. Tani waa sheekadeeda, waxana mahad ballaaran u jeedisay howl-wadeennada isbitaalkii ay taallay. Markii ugu horreysay ee aan dareemay inay wax iga khaldan yihiin waxay ahayd maalintii Jimcada. Waxaan dareemay daal ka badan sidii caadiga ahayd, markii aan habeenkii sariirta tagayna daalka aan dareemayay wuxuu ahaa xad-dhaaf ah. Labadii maalmood ee xigay waxaa isoo wajahday xaalad adag. Markii la gaaray Isniinta, waxaa igu billowday lugo xanuun, oo sii sii xoogeystay. Waxaan u maleynayay inay xididdada lugaha i kabaabyoodeen, waxaana liqay kaniini xanuun baabi’iye ah. Laakiin dhakhaatiirtu waxay markii dambe ii sheegeen inuu fayraska toos iiga abbaaray murqaha. Waan qufacayay balse joogto ma ahayn, inkastoo dadka ay mid ka mid ah calaamadaha u maleeyaan qufaca joogtada ah. Muddo hal isbuuc ka badan ayaan guriga iska joogay laakiin hal mar oo aan dibadda usoo baxay – oo aan aaday kaalin shidaal oo deegaanka ku dhex taalla – ayaan cudurka soo qaaday. Guriga waxaan ku soo laabtay anigoo qabow daran dareemaya, oo jareynaya. Xitaa markii aan cabitaan kulul cabay, labo bustena isa saaray, wali dhaxanta igama yaraanin. Kaddibna qandhadii ayaa timid. Waxaan dareemayay sidii in dab la dhex galiyay jirkeyga, madaxana aad ayuu uu kala dillaacayay. Waxba ma cuni karin, waan matagayay, dhidid ayaana ku qoynayay gogosha. Xoogaa kaddina waxaa billaabatay inay neefsashada i dhibto. Waxaan qabaa cudurka neefta, taasina waxay igu sii badisay walwalka. Maalmo yar gudahood miyir dabool ayaa igu billowday. Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha la tacaalaya bukaannada ay xaaladdoodu liidato waxay wajahayaan go’aanno adag – Sida marka ay daminayaan qalabka neefta siiya bukaannada aadka u sakaraadaya Wiilkeyga 15 jirka ah ayaa anigoo ka warqabin wacay lambarka 111 ee lagala xiriiro waaxda qaran ee caafimaadka UK ee NHS. Dhakhaatiirtii ayaa guriga timid, waxaan maqlayay shanqarta gaariga gurmadka degdegga ah ee ambalaasta. Waxaa dhagaheyga soo gaarayay codka dhakhaatiirta oo dhahaya: “xaaladdeeda way liidataa, aan gudaha galinno”. Islamarkiiba waxay igu xireen qalabka neefsashada caawiya. Mid ka mid ah carruurteyda ayaa u yeeray hooyadeey. Waxaa iigu darneyd markii aan wajigeeda arkay iyadoo dareemeysa inaysan waxba ii qaban karin. Iima soo dhawaan karto, sababtoo ah waxay qabtaa wadne xanuun, haddii ay fayraska qaaddana xaaladdeeda waxay galeysaa halista ugu weyn. Isbitaalka ayaa la i geeyay, halkaas ayaana la iigu billaabay baaritaanno iyo caawinaad daweyn ah. Afar sariir oo kaliya ayaa taallay qolkii la iga geeyay isbitaalka, qof walba oo halkaas ku jirayna wuxuu qabay Covid-19, cudurro kalena way usii wehliyeen. Labo dumar ah oo halkaas ku jiray waxay qabeen sokorow, dhowr maalmood kaddibna waxaa la keenay haweeney kale oo saddexaad. Qalabka neefsashada caawiya wuxuu muhiim u yahay bukaannada sida aadka ah ula xanuunsan cudurka Covid-19 Ma xasuusto inta badan maalmihii ugu horreeyay ee aan isbitaalka joogay. Waxaan mararka qaar arkayay kalkaalisooyin soo galaya iyo kuwo sii baxaya. Habeen ka mid ah habeennada, waxaan nin ku arkay qeybtii aan isbitaalka ka fiifay, oo loogu talagalay dumarka kaliya. Gambaleelka ayaan garaacay, waxaa ii timid kalkaaliso waxayna ii sheegtay in uu yahay wiil ay dhashay haweeney meesha nagula jirta oo xilligeedii nolosha uu soo dhammaaday. Dawooyinka ayaa waxba u tari waayay, sidaas darteed waxaa la damacsanaa in laga qamiyo qalabka neefsashada ku caawinaya, wiilkeedana sagootintii ugu dambeysay ayuu meesha u joogay. Waxaan indhaheyga ku arkay qof sariirta igu xigta jiifa oo sugaya dhimashada, daqiiqado kaddibna qalabkii ayaa laga damiyay wayna dhimatay. Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaan billaabay inaan ku qarwo dhacdooyinkii hore ee nolosheyda iyo dadkii aan lasoo sheekeysan jiray. Mararka qaar wuxuu shaki iga galayay inaan noolahay. Waxaan isdhahayay qarowgan ma wuxuu ka dhigan yahay nafta oo iga sii baxeysa?. Haddana waxaa geeriyootay haweeney kale oo taallay sariirta dhinaceyga kale ah. Waxay in muddo ah ku jirtay koomo, dibna ugama aysan soo laabanin. Haweeney jiiftay sariirta iigu sokeysay ayaan eegay, waxaan arkay inay soo fiicnaaneyso oo ay hadli karto. Waxay ii sheegtay in qolkii aan ku jirtay bukaannadiisii ay 50% dhinteen 50% kalena noolaadeen, labadeennuna aan ku jirno kuwo nasiibka leh. Waxa nolosheyda badbaadiyay waxay ila tahay inay ahayd hal kalkaaliso oo igu tiri: “Haddii ay dhakhaatiirtu ku dhahaan waad roontahay ee isbitaalka ka axa – islamarkiiba bax! Ha sameynin khalad ah inaad kusii madax adeygtid joogitaanka isbitaalka adigoo doonaya inay xaaladdaada sii fiicnaato. I aamin, waxaan arkay bukaanno badan oo sidaas ku dooday, siina joogay meeshanuu cudurka xaadirka ku yahay – mid walba oo dadkaas ka mid ah dib ayuu ugu dhacay Covid-19, wayna u wada geeriyoodeen.” Islamaalintii gudaheedaba, waxay tijaabo ku sameeyeen dhiigeyga. Dhakhtarkii ayaa igu yiri: “Waad roonaatay. Waan ku faraxsanahay inaad isbitaalka ka bixi karto”. Aad baan u farxay, guriga ayaana aaday. Waxaan u mahad celinayaa dhakhaatiirta, kalkaalisayaasha iyo qof walba oo gacan ka geystay inaan dib u caafimaado. Waxaan fursad labaad u helay nolosha adduunka. Waxaa wareysiga qaaday Raffi Berg Qaran News
-
The number of people who have been arrested and placed under forced quarantine in Garissa town has now risen to 46 after 15 more were arrested Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
The presidents of Turkey and Somalia discussed the global fight against the coronavirus pandemic in a phone call Wednesday, according to an official statement. Source: Hiiraan Online
-
The presidents of Turkey and Somalia discussed the global fight against the coronavirus pandemic in a phone call Wednesday, according to an official statement. Source: Hiiraan Online
-
Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya madaxweyne Farmaajo ayaa khadka Taleefonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu xusay in labada madaxweyne ay ka wada-hadleen hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah. “Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaanna xilligaan lagu jiro la tacaalidda cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada-hadlay ka hortaga iyo xakamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz ayaa ka hadlay dhaliilaha maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku aadan, qaabka uu Turkigu u maareeyo gargaarka uu siiyo Soomaaliya. Safiirka ayaa sheegay in eedeynta maamul goboleedyada ee ku aadan qaabka uu Turkigu u bixiyo gargaarka Soomaaliya ay marar badan soo gaartay, waxuuna sharaxay sababta ay kaalmadoodu ugu badan tahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. “Eedeyntaasi waan maqalnaa marar badana waa naloo sheegay, waxaana dhihi karaa marna waa sax marna waa khalad, dhinacada saxda ah waatee? Dabcan howlaha samafal ee aan ka qabaneyno Soomaaliya xoogooda waxaan ka fulinaa Muqdisho, dhabtii waxaa jira sababo macquul ah, maxaa yeelay Muqdisho waa caasimadii, waana halka uu ka socdo dhismaha dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Mehmet Yılmaz safiirka Turkiga ee Soomaaliya. Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Markii aan bilaabeynay howlgalladeenii bini’aadanimo, Muqdisho waxa ay aheyd halka ugu baahida badan dalka Soomaaliya, nasiib darro ma aanaa helin fursad aan gobol kasta oo Soomaaliya ah uga furi karno isbitaalka Erdogan oo kale, laakiin markii aan Muqdisho ka furnay, dadka ku nool gobollada kale ee Soomaaliya, si fudud ayey ku imaan karaan oo uga faa’iideysan karaan adeegyada caafimaad ee uu bixiyo. “Marka caasimaddu waa miisaankii wax isku dheeli tirayey, hadii ay cageheeda ku istaagtana wadanka oo dhan ayaa cagihiisa ku istaagaya, sidaas darteed markii aan dhankaas ka eegno eedaha naloo soo jeediyay waa run, balse sababaha aan soo sheegay dartood kuma raacsanin eedaha naloo soo jeediyay dhamaantood, aragtida sheegeysa in gobollada kale ee Soomaaliya aanaa waxba ka qaban ma ahan mid sax ah”ayuu yiri Danjire Mehmet Yılmaz. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in howlaha samafalka ee Turkiga laga fuliyey gobollada kale ee Soomaaliya, sida Puntland iyo Somaliland oo eedeynta ugu badan ay uga timaado. “Aragtida sheegeysa in gobollada kale aanaa wax ka qaban ma ahan mid sax ah, howlaha samafalka ee Puntland iyo weliba gobollada kaleba waa la fuliyey, ha yaraato ama ha badnaato meel kasta gargaarka waan gaarsiinay, waxaana ugu dambeysay musiibadii fatahaadda ee ka dhacday Beledweyne, waxaan ka mid aheyn dalalkii markii ugu horeysay u orday wax ka qabashada arintaas oo aniga ayaa boogday Beledweyne” ayuu yiri. Sidoo kale Danjire Mehmet waxa uu sheegay in eedo dhowr ah ay uga yimaadeen Somaliland, balse Turkigu uu ka fuliyey mashaariic dhowr ah, isla markaana hey’adda Tika iyo hey’adaha kale ee Turkiga ee aan dowliga aheyn ay howlo samafal ah ka fuliyeen gobollo dhowr ah. “Waqti xaadirkan gobolka Sool, waxaan ka fulineynaa Mashruuc aan ku qodeyno seddax Ceel biyood, waxaana heer gaba-gabo ah maraya haatan tartanka qandaraasyada shirkadaha raba inay qodaan ceelasha, dabcan gobolkan Sool waxaa ka jira dhibaatooyin biyo la’aan ah oo aad u daran, dhibkaasna waxaa ka dhasha khilaaf dadka dhexdiisa ah. Mashruuca lacagta ku kaceysa waxay u dhaxeysaa 600 illaa 700 oo kun oo dollar-ka Mareykanka ah, sidaas darteed anaga gobol walba waxaan gaarsiinaa kaalmo” ayuu yiri. “Wayahaan dambena anaga oo eegeyna tabarteena ayaan isku daynay in aan xoogaa siyaadino caawimaada aan siino gobollada kale, waxaan sidoo kale dooneynaa in hey’adeheena kale ee aan dowliga aheyn ee NGO-yada aan ku jaheyno gobollada kale ee dalka, marka xaalka gargaarkeenu waa sidaa”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Mehmet Yılmaz safiirka Turkiga ee Soomaaliya.
-
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in aysan waxba ka soo gaarin lacag min hal malyan ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay u fasaxday dowlad goboleedyada ka dhisan dalka. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi oo xalay u hadlay guddiga Puntland u qaabilsan COVID-19 ayaa caddeeyay in aysan jirin wax lacag ah oo uga timid dowladda Soomaaliya. Wasiirka oo Warbaahintu weydiisay in ay Puntland soo gaartay Lacagtii Federaalku sheegay in loo fasaxay dowlad goboleedyada? ayaa ku jawaabay in Lacagtaas aysan Puntland weli ka helin dowladda dhexe. Hadalka wasiirka Puntland ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii dowlad goboleedka Jubaland ay sheegtay in aysan waxba ka soo gaarin Lacagtii dowladda Soomaaliya u fasaxday dowlad goboleedyada si loogu isticmaalo la tacaalidda COVID-19 PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in aysan soo gaarin Lacagtii dowladda Federaalku u fasaxday dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
WHO chief brushes off resignation calls, appeals for US aid
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
GENEVA (AP) — The World Health Organization chief said Wednesday he hopes the United States will reconsider its freeze in funding for his agency and vowed to keep working on “saving lives” despite calls from some U.S. lawmakers for his resignation. Source: Hiiraan Online
