-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Beesha Caalamka ayaa qoraal cusub oo ay kasoo saareen xaaladda Soomaaliya waxay dalab muhiim ah ugu jeediyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo sidoo kale kooxda Al-Shabaab. Qoraalka ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayey ugu horey dowladda Soomaaliya ku bogaadiyeen dedaallada ay ku dooneyso iney ku xakameyso in cudurka COVID-19 uu ku baaho dalka. “Waxaan ognahay in faafista coronavirus uu yahay caqabad caalami ah, waana mid ay tahay inaan dhammaanteen si wadajir ah u waajahno. Jawaabtaasi waa mid u baahan midnimo iyo in colaadda iyo rabshadaha aan meel iska dhigno,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamku ay soo saareen. Waxaa ay intaa ku dareen in ay ayidsan yihiin baaqii ka soo baxay xogahayaha uud ee QM ee dalbanayay xabad joojin dunida oo dhan ah. Waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in looga baahan yahay dhammaan kooxaha ku lug leh colaadda Soomaaliya in ay joojiyaan rabshadaha. “Waxaan ugu baaqeynaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale iney joojiyaan rabshadaha, iyo ficillada argagixinimo si loo suurtogeliyo in gargaarku uu gaaro kuwa u baahan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhanka kale, beesha caalamka ayaa ku baaqday in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka coronavirus ee Soomaaliya. Waxaa ay soo jeediyeen in lagu dhammeeyo khilaafaadka jira qaab midnimo ah islamarkaana ay haddii laga fursan waayo in kulamada dowladda, kuwa maamulada gobollada iyo shirarka baarlamaankaba ay noqdaan kuwa qaab digital ah loo qabto. Ugu danbeyntii, saaxiibada Soomaaliya ayaa qoraalkooda ku sheegay in xilligan adag ee cudurka coronavirus uu bulshada caalamka culeesyo badan ku keenay ay tahay in mas’uuliyiinta Soomaalida iyo milkiilayaasha dhulka ay barakaceyaashu deggan yihiin ay gabi ahaanba joojiyaan in dadkaasi laga saaro xeryaha ay deggan tihiin mudada lagu jiro dagaalka ka dhan ah faafitaanka cudurka COVID-19.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageysta Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Sidoo kale, Kulankan oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo xubnahan uu la kulmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah. View the full article
-
It is hard to find the words to express my debt to the NHS for saving my life. The efforts of millions of people across this country to stay home are worth it. Together we will overcome this challenge, as we have overcome so many challenges in the past. #StayHomeSaveLives pic.twitter.com/HK7Ch8BMB5 — Boris Johnson #StayHomeSaveLives (@BorisJohnson) April 12, 2020 Qaran News
-
Soomaaligii ugu horreeyey oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Sacuudiga Wararka ka imaanaya Sacuudiga ayaa sheegaya in qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah uu cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dalkaasi. Amran Xuseen oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u xaqiijisay in qofkaasi saacadihii la soo dhaafay uu cudurka ugu dhintay gudaha magaalada Jidah. Tirada dhimashada Corona ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa haatan kor dhaaftay in ka badan 50 ruux, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi. Sidoo kale wasaaradda ayaa tirada guud dadka uu soo ritay ku sheegtay 40,33 qof, halka 720 ruuxna ay sheegtay inay ka caafimaadeen xanuunka. Dowladda ayaa sidoo kale xirtay wadooyinka waa weyn, goobaha lagu cibaadeysto oo xaramka ugu horreeyo, si loo yareeyo faafida cudurka Coronavirus. Caalamka oo dhan ayaa dagaal kula jira xakameyna cudurkaan oo markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha, kuna sii baahay wadamo badan oo ku yaal adduunka. Qaran News
-
Dhakhtar Somaliaya oo soo bandhigay siduu u qaaday Xanuunka Coronavirus oo weli haya Hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa dhawaan ka digtay in shaqaalaha caafimaadka ee daweynaya bukaanada qaba Coronavirus ay khatar ugu jiraan inuu ku dhaca cudurka haddii aysan qaadin tallaabooyin ay isaga ilaalinayaan caabuqa. Dhakhaatiir ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya aoo ku hawlanaa la tacaaliida xanuunka ayaa laga helay xanunka. Waxaa ka mid ah Dr Maxamed Cismaan Maxamed (Nasiim). Waxa uu ka mid yahay guddiga Soomaaliya u qaabilsan la tacaalidda xanuunka Covid-19. Waxa uu sheegay iney haatan xaaladdiisu wanaagsantahay oo ay ka yaraadeen calaamadihii uu horay isugu arkay sida qufaca iyo neefatii ku dhageysay. ”Ma garanayo sida aan ku qaaday xanuunkan iyo qofka aan ka qaaday balse waxaan u maleynayaa iney yihiin dadkii uu haleeyay fayraska ee aan la tacaaleynay”, ayuu yiri Dr Maxamed. Dhakhtarka oo ka warramayay khibraddiisa intii uu haleelay xanuunka ayaa sheegay iney aad u adag tahay in qofka uu ku nagaado guriga. ”Way adagtahay fadhiga guriga sababtoo ah qof u bartay inuu subixii kaco oo u shaqa tago lama qabsan karo nolasha guru joogga ah”, Sidoo kale Dr Maxamed Cismaan ayaa Bulshada Soomaalida u jeediyay talooyin muhiim ah oo la xiriira coronavirus. ”Talada ugu horreysa ee aan bulshada siinaya ayaa ah, waa iney raacaan farrimaha iyo wacyigelinta kaga imanaeysa Wasaaraddda Caafimaadka, midda labaad waa iney nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan”. Talooyinka kale ee bulshada siinaya waxaa ka mid ah: Haddii aad isku aragto calaamada fayraska Corono , fadlan, fadlan gurigaaga joog kana fogow dadka kuugula nool guria, ka dibna la xiriir bahda caafimaadka adigoo si hufan u raacaya talooyinka ay ku siiyaan”. Ayuu yiri Dr Maxamed Cismaan. Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka ee waddanka Soomaaliya, Dr Fawziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ay ka soo raynayso xaaladda caafimaad ee bukaannada uu cudurkan ku soo ritay gudaha waddanka Soomaaliya. Dr Fawziya ayaa markale ku celisay in cudurkan uu weli ku faafayo bulshada dhexdeed, taasna ay walwal iyo walaac ku hayso. Dowladda Soomaaliya ayaa xarun lagu Karantiio Dadka qaba Cudurka Corona ka hirgelisay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho, waxanay howl-wadeennada goobtan ku boorrinayaan Bulshada in ay u dhega nuglaadaan talooyinka iyo wacyi-gelinta hay’adaha Caafimaadka ee Dalka. Dr Maxamed Cismaan Waa iney dadku nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan” Dr Maxamed Cismaan Wasaaradda Caafimaadka Xanuunka coronavirus ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii guud ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyadii waxbarshada oo hakad galay. Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo inuu cudurkan ku faafo dalka. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la xiray dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan waddanka. Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo. Balse Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ilaa iyo amar dambe ay sii xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, isagoona dhinaca kale carrabka ku dhuftay iney lagama maarmaan tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo in sare loo qaado foojignaanta fayraska Corona. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo go’aankan shaaciyay ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta fayraska Corona, waxa uuna dhanka kale ganacsatad ugu baaqay inaysan sare u qaadin sicirka raashinka daruuriga ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Maxamed Cismaan Maxamed oo loo yaqaano (Nasiim), islamarkaana ka mid ah guddiga Soomaaliya u qaabilsan la tacaalida Covid-19 ayaa ka sheekeeyey, sida uu ugu dhacay xanuunka, kadib markii dhowaan laga helay. Dr Nasiim oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, wuxuuna tilmaamay inuu cudurka ka qaaday bukaanadii uu la tacaalayey, balse uusan garaneyn sida uu ugu dhacay iyo qofka uu ka qaaday. ”Ma garanayo sida aan ku qaaday xanuunkan iyo qofka aan ka qaaday balse waxaan u maleynayaa iney yihiin dadkii uu haleeyay fayraska ee aan la tacaaleynay.” ayuu yiri Dr Maxamed. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inay aad u adag tahay in qofka uu joogo guriga ama goob gaar ah ‘Way adagtahay fadhiga guriga sababtoo ah qof u bartay inuu subixii kaco oo u shaqa tago lama qabsan karo nolasha guru joogga ah”, Dhaqtar Nasiim oo hada ka soo kabanaya xanuunka ayaa ugu damveyn fariin u dirtay dadka Soomaaluyeed, wuxuun ugu baaqay inay qaatan talooyinka caafimaadka ee la siinayo. ”Talada ugu horreysa ee aan bulshada siinaya ayaa ah, waa iney raacaan farrimaha iyo wacyigelinta kaga imanaeysa Wasaaraddda Caafimaadka, midda labaad waa iney nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan”. ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Dr Dr Maxamed Cismaan. Xaaladda cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeysa ka sii dareysa, iyadoona haatan tirada dadka laga helay ay kor u dhaafeyso illaa 20 qof oo labo ka mid ah ay xanuunka ugu geeriyoodeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
-
Somalia confirmed its second death from coronavirus on Sunday. Khalif Mumin Tohow, justice minister of Hirshabelle state, succumbed to the novel coronavirus in Mogadishu’s Martini hospital a day after he tested positive in the town of Jowhar, the administrative capital of Hirshabelle. Ali Gudlawe Hussein, vice president of Hirshabelle, confirmed his death to the media. According to local media, Mumin, who was Somali British, travelled to the U.K. in February before he came back to the Horn of Africa nation. On Wednesday, Somalia confirmed its first coronavirus death. According to the Health Ministry, the country has 21 coronavirus cases, including several government employees.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey bayaankii ka soo baxay wadamada Isbaheysiga Carbeed ee uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga, kaas oo lagu taageeray xabad-joojinta ay ku dhawaaqday dowladda Yemen. Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso dhinacyada dalka Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka, si loo abuuro deganaansho. Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaacisay inay garab taagan tahay howsha ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen, si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhan yahay. Halkaan hoose ka aqqriso: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay baaq kasoo baxay Madaxda Waddamada isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April. War kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu yiri” Waxay Dowladdu ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo. Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerradeeda dhammaystiran ee Dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres. Sidoo kale Soomaaliya ayaa waxay xaqiijinaysaa Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen.
-
Dowladda Libya ayaa shaacisay in 236 ruux oo muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan ay dib ugu celin doonto dalalkooda ,kadib safari dhuumaaleysi ah oo ay ku tageen dalkaasi. Bayaan ay soo saartay hay’adda Libya u qaabilsan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah ayaa lagu sheegay in dalalkooda dib loogu celin doono muhaajiriintaasi. Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in muhaajiriinta dalalkooda dib loogu celin doono ay ka soo kala jeedaan wadamada Somalia, Sudan, Chad, Nigeria, Ghana, Mali iyo Itoobiya. Si kastaba ha’ahaatee sanad waliba dalka Libya ayaa marti galiya boqolaal kun oo muhaajiriin ah, kuwaas oo dalkaasi uga sii gudba wadamada kale ee reer Yurub. View the full article
-
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay baaq kasoo baxay Madaxda Waddamada isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April. War kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu yiri” Waxay Dowladdu ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo. Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerradeeda dhammaystiran ee Dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres. Sidoo kale Soomaaliya ayaa waxay xaqiijinaysaa Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen. View the full article
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa baaq u diray dowladda federaaka Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu xusay in Hirshabeelle ay ka jirto dhibaato iyo cabsi ku aadan Coronavirus.isaga oo intaas ku daray in dowladda federaalka ay ka gaabisay dhibaatada ka jirto maamulkaasi. “ Waxaan rabaa inaan dowladda ugu baaqo iyada ayaa dalka dowlad ka ah iyo dowlad goboleedyada, Hirshabeelle dhibaato ayaa ka jirto cid ka war heyso ma jirto, cid ka wacyi gelinaysaa xanuunka majirto, runtii aad iyo aad ayey uga gaabiyeen waxaan rabaa dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato” ayuu yiri guddoomiye Sheikh Cismaan, Guddoomiya dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay iyadoo dalka xuduudihiisa la xiray in weli xuduudka gobolka Hiiraan ee uu la wadaago dalka Itoobiya ay furan tahay aanan laga war heynin Qaadkana si joogto ah uu uga yimaado maalin weliba waxaana hadalkiisii ka mid ah guddoomiya xili uu ka hadlaayey arrinraas. “ Waxaa jirto gobol Hiiraan ama Hirshabeelle xuduudka uu la wadaago dalka aan deriska nahay ee Itoobiya Qaadka laga keeno magaalada Baledweyne uu u yimaado si kheyrul caadi ah, waxaana lagu keenaa gawaari badan oo isaga goosha gobolaha ama maamulada aan dariska nahay sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed deegaannada ayuu tagaa” Hadalka ka soo yeeray dowlad goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo kiis ka mid Coronavirus lagu arkay Hirshabeelle taas ayaana keentay in maamulka ay walaac ka muujiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay baaq ka soo baxay Madaxda dalalka ku midaysan isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen, kuwaas oo ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad ah. War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka, si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay, si soo afjaro loolanka siyaasadeed iyo midka colaadeed ee gudaha yemen. Dowladda Soomaaliya, ayaa muujisay taageerradeeda dhammaystiran ee dadaalka Qaramada Midoobay iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa waxay xaqiijisay Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen, si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida dalka Yemen. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo taageertay Xabad-joojin Isbaheysiga Carbeed kaga dhawaaqeen waddanka Yemen appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada amniga ee jooga bar-koontarool oo ku taalla agagaarka Masjidka Biyamalow ee degmada Howlwadaag ayaa maanta toogasho ku dhaawacay 2 nin oo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolado, kuwaas oo la socday gaari nooca raaxada ah. Raggaan ayaa ka ‘biyo-diiday’ inay ka soo dagaan baabuurka ay saarnaayeen, si loo baaro waxaana ay sababtay in ciidamadu ay rasaaseeyaan. Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in labada nin oo dhaawac ah markii dambe ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Soomaaliya. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Howlwadaag ayaa goobta gaaray, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada ammaanka sidaan oo kale ay suuqa Bakaaraha ugu dileen rag ku hubeysnaa bistoolado oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Kaariye Qoorqooq ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada golaha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ,guddiga madaxweynaha uu magacaabay oo ka kooban 13 ayaa lagu wadaa in muddo 90-shan cisho ah ay ku soo dhisaan golaha deegaanka cusub ee magaalada Kaalkacyo. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa gubay xirmooyin Qaad ah kaas oo si sharci darro loo soo geliyey Puntland ka dib go;aanno maamulkaasi horay uga soo saaray in la keeno Qaadka ama laga ganacsado. Ciidamada Booliska oo howgallo ka sameeyey deegaanka Ceel Daahir ee gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay xirmooyinka Qaadka ah ka dib ciidamada iyo taliska booliska gobolka ayaa Qaadka ku gubay goob fagaaro ah. Taliyaha qeybta ciidamada Booliska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta lagu gubayey Qaadka ayaa digniin u jeediyey dadka weli ku howlan jabinta awwaamiirta horay looga soo saaray Qaadka in la keeno Puntland sababo la xiriira cabsi laga qabo qaabuqa Coronavirus. Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer Qaad ku gubay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Puntland ka dib markii madaxweyne Saciid Cabdillaahi Deni uu soo saaray go’aanno lagu joojinayo Qaadka la keenayey deegaannada Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa si rasmiya u xaqiijiyay geerida wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle. Marxuum Khaliif Mu’min Tooxow ayaa noqday qofkii labaad ee Soomaaliya ugu geeridooday cudurka Coronavirus islamarkaana ah mas’uulkii ugu horreeyay ee xanuunkaas ugu dhintay gudaha dalka. Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Tooxow. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa markale shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaatan fariimaha wacyigelinta si looga hortago faafidda Cudurkaas safmareenka ah. Marka laga soo tago laba ruux ee u geeriyooday xanuunka Coronavirus waxaa ilaa iyo haatan la diiwaan-geliyay ilaa 21 kiis oo dhammaantood laga helay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si rasmiya u xaqiijisay geerida Marxuum Khaliif Mu’min Tooxow appeared first on Puntland Post.
-
Alle ha u naxariistee, waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiiru dowlihii Caddaaladda Hirshabeelle, ahaana xildhibaan ka tirsan maamulkaas Khaliif Mu’min Tooxow. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay geerida marxuumka, waxaana uu tacsi u diray dhammaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo guud ahaan shacabka Hirshabeelle. Marxuumka geeriyooday, oo mudda ku xanuunsanayey hotel ku yaalla gudaha magaalada Jowhar, ayaa maalmo ka hor laga helay cudurka Coronavirus, kadib markii baaritaan loo geeyay magaalada Muqdisho. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa jimcihii la soo dhaafay xaqiijisay in cudurka Coronavirus laga helay 9 qof oo uu kamid yahay marxuumkaas geeriyooday ee Khaliif Mu’min Tooxow. MarxuumTooxow, wuxuu noqonayaa qofkii labaad ee dalka Soomaliya ugu geeriyooday xanuunka COVID-19, islamarkaana waa mas’uulkii u horreeyay ee Soomaaliya gudaheeda cudurka laga helay haddana u dhintay. PUNTLAND POST The post Wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle oo u geeriyooday Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayay ku sheegeen in ay ku bogaadinayaan dowladda Soomaaliya dedaallada ay ku dooneyso iney ku xakameyso in cudurka COVID-19 uu ku baaho dalka. “Waxaan ognahay in faafista viruska corona uu yahay caqabad caalami ah, waana mid ay tahay inaan dhammaanteen si wadajir ah u waajahno. Jawaabtaasi waa mid u baahan midnimo iyo in colaadda iyo rabshadaha aan meel iska dhigno,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamku ay soo saareen. Waxaa ay intaa ku dareen in ay ayyidsan yihiin baaqii ka soo baxay xogahayaha uud ee QM ee dalbanayay xabad joojin dunida oo dhan ah. Waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in looga baahan yahay dhammaan kooxaha ku lug leh colaadda Soomaaliya in ay joojiyaan rabshadaha. “Waxaan ugu baaqeynaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale iney joojiyaan rabshadaha, iyo ficillada argagixinimo si loo suurtogeliyo in gargaarku uu gaaro kuwa u baahan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhanka kale, beesha caalamka ayaa ku baaqday in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka coronavirus ee Soomaaliya. Waxaa ay soo jeediyeen in lagu dhammeeyo khilaafaadka jira qaab midnimo ah islamarkaana ay haddii laga fursan waayo in kulamada dowladda, kuwa maamulada gobollada iyo shirarka baarlamaankaba ay noqdaan kuwa qaab digital ah loo qabto. Ugu danbeyntii, saaxiibada Soomaaliya ayaa qoraalkooda ku sheegay in xilligan adag ee cudurka coronavirus uu bulshada caalamka culeesyo badan ku keenay ay tahay in mas’uuliyiinta Soomaalida iyo milkiilayaasha dhulka ay barakaceyaashu deggan yihiin ay gabi ahaanba joojiyaan in dadkaasi laga saaro xeryaha ay deggan tihiin mudada lagu jiro dagaalka ka dhan ah faafitaanka cudurka COVID-19. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Deeqbixiyeyaasha oo ku baaqay midnimo ay Soomaalidu kula tacaalaan COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlayey aas-aaska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta ku beegan ayaa sheegay in ciidamada dowladda federaalka au guulo is-daba joog ah ka soo hooyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boggaadiyey ciidamada xoogga, sida ay mar-weliba uga go’an tahay difaaca dalkooda. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay kor u qaadi doonto tayada iyo aqoonta saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Far.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - The minister of Justice Minister for HirShabelle State Khalif Mumin has died of COVID-19 in Mogadishu barely a week after he was transferred from Jowhar town. Source: Hiiraan Online
-
Allaha u naxariistii waxaa maanta isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda Cadaalada Hirshabelle, Xildhibaan Khaliif Muumin, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay la xanuunsanaa cudurka Coronavirus. Geerida ku timid mas’uulkaasi ayaa waxaa Shabelle uga warbixiyey, wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka HirShabelle, Mudane Muxudiin Mukhtaar Macalin. Marxuumka ayaa noqonaya qofkii labaad ee cudurka Coronavirus ugu geeriyooda gudaha magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cod.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
