-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii diiday inuu aqbalo is-casilaadda wasiirkiisa arrimaha gudaha oo ka dhalatay xanibaad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay taasi oo hogaamisay in dadku ku cararaan dukaamada ayagoo argagaxsan. Wasiir Suleyman Soylu ayaa la kulmay cambaareyn xooggan kadib markii bandow 48 saacadood ah oo looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus lagu dhoawaaqay Jimcihii, ayada oo shacabka la siiyey kaliya ogeysiis laba saac ah. Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay inay ku cararaan suuqyada, taasi oo jebisay xeerkii kala fogaanshaha bulshada. Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada, bankiyada iyo goobo kale. Isaga oo ka jawaabaya jahwareerka arrintan ka dhashay, ayaa Soylu waxa uu sheegay in go’aanka lagu joojiyey dhaq-dhaqaaqa dadka uu “amray” madaxweynaha. Hase yeeshee, wasiirkan arrimaha gudaha ee awoodda badan islamarkaana 50 jirka ah ayaa Axaddii aqbalay “mas’uuliyadda buuxda ee fulinta amarkan” taasi oo uu sheegay in si daacad ah loo fuliyey. Si kastaba, Erodgan ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda Soylu. “Wuxuu sii wadi doonaa howlihiisa,” ayuu yidhi. Kadib jahwareerkii hore ee ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay, waxaana u hogaansamay inta badan shacabka. Dalka Turkiga ayaa waxaa laga xaqijiyey 57,000 kiis oo COVID-19 ah, ayada oo ay u dhinteen 1,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka. AFP Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-130420.mp3 View the full article
-
Madaxweyne Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa guddoomiyaha gobolka Nugaal lagu magacaabay Cawil Axmed Maxamed halka ku xigeenkiisa kowaad loo magacaabay Qaasim Maxamed Cabdi. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka ayaa loo magacaabay Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed sida ku xusan dikreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland. Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhowaan qarax lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) islamarkaana uu weli socdo baaritaanka la xiriira cidda ku lug lahayd qaraxaas. Hoos ka akhriso dikreetada magacaabista Garoowe : 13 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa. Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal. Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post. -
NAIROBI (HOL) - A Somali businessman in Nairobi’s Eastleigh area which is predominantly occupied by Somalis has died of COVID19 after he was admitted at a city hospital. Source: Hiiraan Online
-
Turkish air defense system shoots down Russian-made chopper
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Turkish air defense system managed to shoot down a Russian-made chopper in the northern region of Libya on Sunday, the Libyan National Army (LNA) confirmed. Source: Hiiraan Online -
The newly elected President of Galmudug state, Ahmed Abdi Kariye has officially taken over power from the regional leader, Ahmed Daule Gelle Haf in a ceremony held at the administrative capital on Sunday. The brief ceremony held in Dhusamareeb was attended by lawmakers from both the federal parliament and the Galmudug regional assembly. Speaking during the ceremony, the former leader, Gelle Haf stressed the significance of concession and resolution of differences within the political spectrum in order to move forward as far as the development of the region is concerned. On his part, the new regional leader Ahmed Ali Kariiye alias Qorqor said he will now embark on the state-building efforts since the reconciliation pillar was successful. President Kariye Qorqor is expected to unveil his new line-up of the cabinet which was previously postponed due to the political standoff in the region backed by the Coronavirus health crisis. He emerged the winner in the February elections which its outcome was rejected by the former leader, Gelle Haf and several opposition candidates who later withdraw from the race. View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka iyo hornarinta Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas hor leh oo ku aadan xanuunka Coronavirus, ka dib markii baaritaan lagu sameeyey, iyadoo maalinimadii shalay Somaliland lagu wareejiyey Mashiinka lagu baaro xanuunka Coronavirus. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Cumar Cali Cabdullaahi Bade ayaa sheegay in maanta la helay ilaa sedex kiis oo hor leh kuwaas oo laga helay caabuqa COVID-19, waxuuna intaas uu ku daray in kiisaska laga diiwaan geliyey magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Somaliland iyo gobolka Togdheer . Sedexda kiis ee maanta laga helay ayaa waxaa ay ku biirayaan labo kiis oo horay looga diiwaan geliyey Somaliland wadarta guud ayaana ka dhigeysa ilaa 5 kiis , sidoo kale waxaana xusid mudan in dowladda federaalka Soomaaliya horay magaalada Muqdisho uga diiwaan gelisay 27 kiis oo xanuunka Coronavirus ah iyadoo labo ka mid ah ay dhinteen waxaana macquul ah in ay kiisas cusub soo kordhaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boorama (Caasimada Online) – Wararka aanu hadda ka helayno magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in bariga magaaladaasi uu saaka ka qarxay dagaal xoogan. Dagaalkan oo saaka ku soo waa-bariisteen dadka reer Boorama, ayaa waxa uu ka dhex qarxay labo beel oo wada degta deegaanka bariga Boorama, sida ay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Labada dhinac ayaa isku adeegsanayey hub kala duwan, iyada oo dhawaaqa rasaasta oo xoogani la maqlayey. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dagaalkan ayaa salka ku haya dhul-beereed ku yaala bariga magaalada Boorama, kaasi oo ay si weyn ugu muransanaayen labada dhinac ee uu saaka ka dhex qarxay dagaalku. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo saacado socda, maadama uu weli uusan joogsan oo ay labada dhinac is weydaarsanayaan hub kala duwan. Mana jirro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Awdal oo ku aadan dagaalkaasi saaka ka qarxay magaalada Boorama ee ila hadda ka socda iyo ciidamo ku baxayba deminta xiisadaasi. Wixii kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online
-
MUQDISHO, Soomaaliya, 12 Abriil 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay go’aanka ay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada uga mamnuucday Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha, ayna dhaqangeliyeen Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliyeed 9 Abriil 2020. Ammarka ayaa ka mamnuucaya warbaahinta Goobjoog iyo shaqaalaheeda tegista garoomada lagu ciyaaro. Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada, oo nuqul ka mid ahna ay heshay SJS ayaan lagu caddeynin sababta mamnuucista lagu soo rogay Warbaahinta Goobjoog. Shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Siciid Carab, 9-kii bishan ayaa ku sheegay in Xiriirku uu u hoggaasanamayo ammarka Wasaaradda oo ay soo saartay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye. Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud ayaa SJS u sheegay in Xiriirka Kubbadda Cagta uu ku wargeliyay in warbaahinta Goobjoog iyo warfidiyeenadeedaba aan loo oggolaan doonin in ay soo galaan garoomada kubbadda, uuna ku tilmaamay ammarkaas mid lagu wiiqayo siyaasadooda tifaftireed. Go’aankan ayaa Warbaahinta Goobjoog geliyay welwel iyo cabsi ay u baqayaan amniga warfidiyeenadooda. “Amarka Wasiirka wuxuu soo sidoo kale faray saraakiisha hay’adaha kale ee Dowladda iyo laamaha amniga inay dhaqan-geliyaan, taasina waxay keentay in aan awoodi weyno in aan shaqaaleheena u dirno goobahaasi sababo amnigooda la xiriira darteed. Waxaan kaloo ka cabsi qabnaa in amarkan uu saameeyo qeybaha kale ee hay’adaha dowladda,” Xasan Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog ayaa sidaa u sheegay SJS. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa uu cambaareynaya go’aanka Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada oo ah fal lagu doonayo in lagu wiiqo xorriyadda saxaafadda, laguna cabsi gelinaayo warbaahinta madaxa-bannaan, iyadoo lagu horjoogsanayo xaqa helista xogta oo ah mid dastuuri ah. “Aad ayaan uga wel-welsanahay ammarka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada ee lagu bartilmaameedsanayo Warbaahinta Goobjoog, kaasoo xadgudub weyn ku ah shaqada warbaahinta madaxa-bannaan, khatarna gelinaya amniga warfidiyeenada,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri isagoo ugu baaqay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada in ay la noqoto mamnuucistan, una oggolaato Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha si is-hor-taag la’aan ah. 29-kii Maarso ayay ahayd markii afar warfidiyeen oo u shaqeynayey warbaahinta goobjoog iyo darwalkooda oo ku jiray howl saxaafadeed ay si kooban u xireen ciidamo ka tiran sirdoonka Qaranka iyagoo muddo kooban ka dib sii daayey iyagoo aan wax dambi ah ku soo oogin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, Xasan Macallin Cumar ayaa ciidamada milatariga Soomaaliya ku eedeeyey kufsi dhowaan ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Xasan Macalin oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay Jannaale kufsi ugu geysteen gabar yar oo 13-sano jir ah iyo haweeney Xaamilo ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale guddoomiyihii hore ee Marka ayaa carabka ku dhufay in haatan xaaladda caafimaad ee gabadha yar ay aad u liidato, islamarkaana loo geystay kufsi ba’an. Mr Xasan Macalin Cumar ayaa intaasi ku daray in haweeneyda xaamilada ah ciidamadu ay kala dageen gaari ay la socotay, kadibna ay kula dhaqaaqeen kufsi fool xun. Eedeynta loo jeediyey ciidamada dowladda ee qabtay Janaale ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe dhibaatooyin laga soo warinayey deegaankaasi. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii kufsi arxan darro ahaa gabdho da’yar ah loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has today called on the Federal Government of Somalia to classify the media as essential service and open up the operating space for the media during the impending curfew imposed on Mogadishu. In a press conference held in Mogadishu on Sunday, 12 April 2020, Somalia’s Police Commissioner-General Abdi Hassan Mohamed (Hajar) said: “considering the urgency to minimize the spread of the disease (coronavirus) within the community, the federal government of Somalia announces that a dusk-to-dawn curfew (8 pm-5 am) would be enforced to Mogadishu from the evening April 15, 2020, until further notice”. The police chief further added that “the curfew will affect all businesses, public, and transport movement except health centers and places offering essential food services”, and ordered the people in Mogadishu to adhere to the curfew and to go their homes ahead of the designated times of the curfew. “In the fight against COVID-19 pandemic, we wish to appeal to the federal government to classify medias as essential services so that media houses are open during the curfew and working journalists are able to pursue their professional duties to discharge a vital public interest mission of keeping citizens informed in line with their right to access to information through provision of current news and enlightening information” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. NUSOJ acknowledges the bold decision and subsequent actions by the Federal Government to prevent and curb the spread of the coronavirus despite evident challenges, and assures the government of the union’s support towards national efforts to curb the spread of the virus. “The media is unquestionably a critical component in the fight against this global pandemic. Actually, health services, security forces and the media should play a complementary function in this regard, whereby journalists’ movements and work should not be constrained,” added Osman. Access to information is constitutional right as specified by article 32 of the Provisional Constitution which also guarantees and promotes freedom of expression and opinion. If unhampered, the media can play its vibrant role of providing relevant and timely information and education to the public on the current pandemic as well as the measures that the government and citizens can take to curb and prevent infections and spread of COVID-19 pandemic. NUSOJ urges the news medias to be professional in conducting their legitimate journalistic duties and ethical responsibilities as this will go a long way in ensuring that people access accurate, trustworthy, verifiable and valuable information about the epidemic and how they can restrain and stop contamination and its spread in the society. View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka iyo hormarinta Somaliland ayaa sheegay in lagu guulaystay in Somaliland la keeno Meshiinka lagu baaro xanuunka Coronavirus oo dhowaan kiisas ku aadan xanuunkaas laga diiwaan geliyey magaalada Hargeysa. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Cumar Cabdullaahi Bade ayaa xusay in in qalabkaan uu ka soo gaaray Hay’adda caafimaadka Adduunka WHO waxaana uu intaas ku daray in markii hore adkeyd helitaanka jawaabta baaritaanka dadka looga shakiyo xanuunka Coronavirus loona diri jiray adanka Kenya lana sugijiray maalmo. “Waxaannu la soo wareegnay Mashiinkii lagu baadhaayay Xanuunka Coronavirus , waad ogaydeen dhibaataddii innaga haysatay shaybaadhka oo marka aynu hubbino aynu u dirri jirnay dalka Kenya oo uu maalmo ku maqnaan jirey. ayuu yiri wasiir Bade. Wasiirka caafimaadka iyo hormarinta Somaliland oo sii hadlayo ayaa sheegay in hey’adda caafimaadka u soo dirayso Khabiir tabar siiyo kaaliyaasha caafimaadka ee ka shaqeynayo la tacaalidda dadka qabo xanuunka COVID-19 waxaana uu sharaxay awooda uu leeyahay Mashiinka. “Tababarkiinna waxa uu bilaabmayaa labada cisho ee innagu soo socda oo qof khabiirka ah ayaa WHO ka keennaysaa dalka Ethiopia, marka uu Mashiinkaasi shaqadda bilaabo 12-kii saacba waxa uu baadhi karraa ilaa 500 oo ruux, taasinna waxa ay sarre u qaaddaysaa tallooyinkii ay soo jeeddisay Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO oo ku talisay in ruuxa looga shakiyo markabba lagu sameeyo shaybaadh.”ayuu yiri wasiirka caafimaadka. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay maanta furreen Xafiis cusub oo ay ugu talo-galleen in ruuxii xaaladdiisa ka shakiyaa uu soo wici karro ama soo garaaci karro telefoonka 988. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shaqaalaha Dowladda waxaa lagu qaadan karaa oo keli ah hab tartan ah oo waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda; Sharciga Shaqada 1972 (Labour Code) iyo mabaadii’da guud ee #Dastuurka KMG ah. Sidoo kale in shaqo bannaan la xayeysiiyo & in qofka lagu xiro shahaado jaamacad waa arrin waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka, Sharciga Shaqada iyo mabaadii’da guud ee Dastuurka KMG (Eeg Qod.3aad ee Xeerka Shaqada, Qoddobada 5aad, 9aad, 10aad, 11aad & 12aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka & Qod.118aad ee Dastuurka KMG ah). Balse Sharcigu ma ogola in gabar & wiil midna lagu xiro da’. Maxaa yeelay taas waxa ay ka hor imaanaysa Qod.5aad & Qod.9aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka oo xeerinaya in qof kasta oo haysta shahaado jaamacadeed uu la tartamayo dadka dhiggiisa ah ee u soo tartamay isla jagadaas. Qod.3aad ee Sharciga Shaqada 1972 wuxuu farayaa in qof kasta uu helo fursad loo siman yahay iyada oo aan cidna la takoorin. Da’na laguma xiri karo shaqaalaha rayidka oo aan ka ahayd da’da qaangaarka(18). Eeg Qod. 5aad(2) ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka & Qod. 29aad(8) ee Dastuurka KMG ah. Sharcigu ma ogola in astaamo jireed (dherer, qurux iwm) lagu faquuqo muwaadin gaar ah, taas oo ka hor-imaanaysa u-sinnaanta fursada shaqada. Eeg Qod.11aad (3) & Qod.118aad (5) ee Dastuurka, Qod.3aad ee Sharciga Shaqada 1972, & Qoddobada 5aad, 9aad, 10aad, 11aad & 12aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka. Sidaas darteed, Hay’adaha Dowladda waa in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara faquuq iyo kala sooc lagu sameeyo qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed marka ay qaadanayaan shaqaale cusub isla markaasna waa in ay maraan habraaca sharci ee shaqo qorista. W/Q: Senator Abshir Maxamed Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare ee BFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey in saddex xaaladood oo horleh, oo Covid-19 ah laga helay degaano kamid ah Somaliland. Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa maanta shaagay in saddex bukaan laga helay xannuunka Covid-19, kuwaas oo labo kamid ah ay ku noolyihiin magaalada Hargeysa, halka kankale uu ku sugan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Wasiir Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa xusay in saddexdan qof oo kamid ahaa afar iyo labaatan qof oo baaritaan loo diray, ay hadda xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay. Somaliland ayaa horey u sheegtay in ay hayso labo xaaladood oo Covid-19 ah, waxayna hadda tirada guud ee dadka xannnuunkaas laga helay noqonaysaa Somaliland shan qof oo mid kamid ah yahay Ajnabi. Guud ahaan Soomaaliya ayaa xannuunka Covid-19 laga helay dad ku dhow soddon qof oo intooda badan ku sugan Koofurta Soomaaliya, waxaana u geeriyooday labo kamid ah oo mid yahay Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Gudaha Soomaaliya wali laguma baaro xanuunkan, waxaana bukaanada looga shakiyo dhacaankooda loo diraa dalka dibadiisa. PUNTLAND POST The post Somaliland oo laga helay kiisas horleh oo ah Covid-19 appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka arrimaha gudaha waddanka Turkiga Suleyman Soylu ayaa Axaddii shalay is-casilaaddiisa u gudbiyay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan kadib markii uu cambaarayn xooggan kala kulmay bandow uu soo rogay si looga hortago faafidda COVID-19. Balse madaxweynaha Turkiga Reccep Erdogan ayaa diiday in uu aqbalo iscasilaadda wasiirka ee ka dhalatay xannibaada degdega ah ee uu ku soo rogay dalka taasi oo keentay in dadku guryahooda ku yaacaan kadib markii ay dareemeen cabsi iyo argagax la xiriira Coronavirus. Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay in ay ku cararaan suuqyada islamarkaana is dhex yaacaan taasi meesha ka saartay xeerkii kala fogaanshaha bulshada. Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada bankiyada iyo goobaha kale. Kadib jaahwareerkii ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay waxaana u hogaansamay inta badan shacabka. Dalka Turkiga waxaa laga xaqijiyay 57,000 kiis oo COVID-19 ah waxaana u dhintay 1,200 oo qof sida ay sheegtay dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo diiday iscasilaadda Wasiirkiisi arrimaha gudaha appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa goordhoweyd shaacisay in deegaanadeeda laga helay dad hor leh oo qaba cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus ama Covid-19. Somaliland ayaa xaqiijisay in maanta laga helay saddex qof cudurkaasi, kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama. Xukuumada ayaa sheegtay in labo kiis ay yihiin caasimada magaalada Hargeysa, halka midka kalena uu yahay magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Tirada kiisaska cudurkaasi ee Somaliland ayaa noqoneysa 5-Kiis, xilli tirada guud ee dalkuna ay noqoneysa 28-Kiis, midaasi oo cadeyn u ah xawliga uu gudaha dalka ugu dhex faafayo cudurkaasi. Somaliland ayaa muddooyinkii dambe aad looga cabsi qabay in cudurku si weyn u dhex-qaado, maadama hore looga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco, oo ay xukuumaduna ay soo saarin awaamiir adag oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa dadka. Cudurka Coronavirus ayaa u muuqda mid halistiisu ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya, xili ay magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen Labo ruux, oo midkood ahaa Mas’uul ka tirsan maamulka Hir-Shabelle.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iskaraantiilay sababo la xariiro caabuqa Coronavirus oo kiis ka mid wasiiru dowle ka tirsanaa Hirshabeelle ugu geeriyooday Muqdisho oo lagu baxnaaninayey xaaladiisa. Madaxweynaha oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in hadda xaaladiisa ay fiican tahay lakiin uu doortay in si shaqsi ah uu si karaantiilo asbuucii la soo dhaafay waxaana uu xusay in ay tahay taxadar. Karaantiilka uu is geliyey madaxwenaha ayaa ku soo aadayo iyadoo wasiiru dowlihii cadaaladda dowlad goboleedka Hirshabeelle Khaliif Muumin Tooxoow uu u geeriyooday caabuqa COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntand, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo xalay warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dhismaha ciidamada Xoogga dalka. Deni ayaa marka hore ka digay in la siyaasadeeyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida Soomaaliya, iyadoo loo adeegsanayo dano gaar ah ama kuwa kooxeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in ay la yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma, sida uu hadalka u dhigay. “Waan ka digeynaa in ciidamadda qaranka la siyaasadeeyo, la qabiileeyo, la kooxeeyo, dano gaar ah lagu fushado, waan u rajeyneynaa saraakiisha hogaamisa ciidamadu in ay sifadaas ku sifoobaan, oo a ku yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Deni. Ugu dambeyn wuxuu qiray in ciidamadu ay ku soo shaqeeyeen daruufu adag, islamarkaana ay soo muujiyeen dhabar adeeg mudan in lagu xormeeyo, laguna taageero. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ay ku beegneyd 60-sanad guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Xoogga dalka oo ka kooban ciidanka Dhulka, ciidanka Cirka iyo ciidanka Badda, walow aan la xusin maalintaan, sababo la xariira Coronavirus.
-
Popular Contributors
