Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sidda gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde. Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO. Waa gargaarkii ugu horreeyey ee uu Imaaraadku soo gaarsiiyo Muqdisho , tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajijyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland. Soomaaliya ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurkaan oo marba marka ka dameysa soo ridanayo dad hor leh, waxaana tirada haatan ay mareysaa illaa 60 kiis.
  2. Mogadishu (HOL) - A former member of parliament has raised alarms about the capacity of staff at Martini hospital after the death of a state minister on Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. Qarax miino oo u muuqdey mid laga hagayay Ramuut Kantarool ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho kasoo Dad Shacab ah ay ku dhawacmeen. Xiliga Qaruxu [...] Source
  4. Dhawaan waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ka dhici doona doorashada kursiga xaafada 6aad ee Soomaalidu dagto, waxaana boobkaas dhawaan baneeyay Abdi Warsame oo muddo 7 sano ah ku fadhiyay kursigaas. Inkastoo ilaa 7 musharax oo Soomaali ah ay usoo istaageen kursigaan, hase ahaatee musharaxiinta ugu cadcad waxaa ka mid ah wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Suud Colaad. Hadaba haddii aadan Suut aqoon u lahayn ama aadan fikrad ka haysan, waxaan kuu tilmaamaynaa illaa 7 qodob oo Suud Colaad gaar u ah. Wuxuu astaan u yahay dhalinyarada ka timid Qaxootiga Dhadhaab Iyo Ifo, kuwaasi oo doonaya in ay aduunka baraan wajiga fiican ee Soomaaliya, dhiig cusub-na ku shubaan midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Suud waa shaqsi isku kalsoon, aan isla weynayn, ku faanaa taariikhdiisii hore, iyo tan haddaba. Wax dambi ah aan ka galin dalka Maraykana, dadkuna aad u xurmeeyaan. Waa shaqsi ka dhisan caqiidada, dhaqanka iyo aqoonta. Waxaana intaas u dheer in uu yahay Murashax Ololihiisa ay xudun u tahay Soomaalinimo, Africaanimo, Iyo Muslinimo. Waa shaqsi lasoo shaqeeyay dadyawga ajaaniibta ah ee Minneapolis Minnesota. Leh hal abuur, la hadli kara oo qancin kara dadyow kala diin ah, kala dhaqan ah, kala afkaar iyo kala luuqad-ba ah. Suud Colaad ma’ahan shaqsi lagu bartay qabyaalad, nacayb, takoor, dagaal, iwm. Taas badelkeed, waa shaqsi ay ushooda u dhiiban karaan dadka reer Minneapolis. Taariikhdiisuna aysan lahayn bar-madoow. Suud Colaad waa shaqsi lagu bartay in uu dadka aan codka lahayn u qareemo had iyo goor, wuxuuna waqti badan galiyay intii uu Maraykan joogay u adeehida jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota. Inta Badan dhalinyarada Qaxootiga markay tagaan Maraykanka waxay ku mashquulaan riyooyinkooda, balse Suud waa shaqsiga kaliya ee bilaabay markii Maraykan tagay in uu u doodo xaquuqaha dadkii uu uga soo tagay Ifo iyo Dhadhaab. Kuwaasi oo uu marar kale duwan kusoo laabtay, la sheekeystay, indha caalamkana kusoo jeediyay. Ugu dambeyntii 7daas sifo oo Suud Colaad u gaarka ah ayay u badan tahay in uu noqdo qofkii 2aad ee badali lahaa kursigii uu baneeyay Cabdi Warsame ee xaafada 6aad. (Ward 6). W/Q: Mahad Axmed Cabdullaahi Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaarad ka timid dalka Imaaraadka Carabta oo sidday deeq caafimaad taas oo lagu caawinayo ummadda Soomaaliyeed. Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay qalabkaan caafimaad oo loogu tala galay sidii looga hortagi lahaa xanuunka COVID-19 oo kiisas gaaraya 60 laga diiwaan galiyay guud ahaan Soomaaliya. Deeqdan ka timid dowladda Imaaraadka ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay soo diraan tan iyo markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta sanadkii 2018-kii. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in cudurka Corona uu si tartiib tartiib ah ugu fidayo bulsha weynta Soomaaliyeed waxaana talooyin caafimaad loo jeediyay bulshada qeybaheeda kala duwan, iyada oo ay sidoo kale xusid mudan tahay in bandhow habeen dambe bilaabanaya ay soo rogeen taliska booliska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Somalia has announced 35 new COVID-19 cases in the country, taking the total confirmed cases in the country to 60. Health Minister Fowsiya Abikar said 32 of the new cases were registered in the capital, Mogadishu, while Hargeisa and Borama cities in the breakaway region of Somaliland recorded two cases and one case respectively. The minister revealed that 52 of the patients were in stable conditions and are in self-isolation in their homes, two are being treated in Martini hospital in Mogadishu while another is under the care of a facility at Halane UN camp in the capital. The huge spike in the COVID-19 infections is worrying for the Horn of Africa nation due to its weak healthcare system. Minister Fowsiya called on the public to observe social distancing and stay in their homes unless they are going out for a very important reason. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen Caasimada Online. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi Bile oo ku socdaalayey waddada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee defmada Kaaraan. Sida ay ogaatay Caasimada Online bartilmaameedka qaraxa ayaa wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Saney Cabdulle Gaab, kaas oo ay galbinayeen ciidamadu, waxaana la sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaas, islamarkaana uu dhacay waxyar kadib markii uu gudbay gaarigii uu saarnaa. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in waxyeelada ugu badan ay soo gaartay dad shacab ah oo ka agdhowaan galkaasi. Ugu yaraan illaa afar qof oo rayid ahaa ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo miino ahaa, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wuxuu burbur soo gaaray mootooyin nooca Bajaajta ah oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah la beegsata ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala gooshaya gudaha magaalada Muqdisho.
  8. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur) oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay dadka laga helay xanuunka Coronavirus ee Wasiirka Caafimaadku shalay sheegay, waxaanu ku taliyey in aad looga feejignaado taxadir badana la sameeyo. Siyaasi Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay geerida ku timid Guddoomiyihii Duruqsi, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xanuunkii Coronavirus,wuxuu noqday xanuun saamayn ku yeeshay wax walba, xanuunkana lama mid ah xanuunada kale ee hore u jiray, ee khatartiisa ayuu leeyahay, sida loo kala qaadayana waa si aad iyo aad u fudud, ee ILLAAHAY ayaa awood u leh inuu inaga hayo, ee waxaynu ka baryeynaa inuu inaga qabto, hore waxaa loo sheegay in laba qof oo kala jooga Berbara iyo Burco laga helay, shalayna waxaa la sheegay in laga helay saddex qof oo laba ka mid ahi ay Hargeysa joogaan, halka qofka kalena uu Boorama joogo, haddii uu sidaas inoogu sii fido waa khatar, ee dadku ha qaatan wacyigelinta oo dadka aad ha loo wacyigeliyo.” Mar uu ka hadlayey duruufaha ka jira Somaliland iyo xanuunka Coronavirus saamaynta uu ku yeelan karo ayaa yidhi “Dadkeenu waxay u badan yihiin dad danyar ah, oo dhaqaalahoodu yar yahay, oo maalintii wax ka yar hal doolar ku nool, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in dadkeena dan yarta ah aynu caawino, oo aynu wax tarno, oo waliba la sameeyo meelo lagu kaydiyo raashinka iyo cuntooyinka, oo degmo walba iyo xaafad walba waa inay sidaas samaysaa oo la sameeyaa Guddiyo arintan qaabilsan, cid kasta oo wax haystana waa inay cidda jaarka la’ tahay ee danyarta ah ay caawisa, maxaa yeelay maceeshadiina qaali bay noqonaysaa, duruufo adagani way jiraan, ee dadkeena danyarta ah aynu caawino”. Mr. Daamur oo ka hadlayey xanuunka Coronavirus iyo siyaasadda ayaa yidhi “Wakhtiga adag ayeynu maanta ku jirnaa, ee wakhti la is dhaleecayo iyo wakhti la is dhaliilo kuma jirno, ee daruufaha taagan inaynu is wada jir ah ugu gudubno ayaa la inooga baahan yahay”. Dhinaca kale, wuxuu Tacsi u diray Guddoomiyihii Duruqsi oo ku geeriyooday Magaalada Burco, waxaanu ALLE uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo eheliisa, asaxaabtiisa iyo umadda reer Somaliland ee uu ka baxay. Source
  9. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ka hadlayey dagaalkii jabahadda ONLF ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen halgankaasi ay dileen dad badan oo shacab ahaa. Cagjar ayaa ka dalbaday hoggaanka sare ee ururkaasi oo haatan soo af-meeray dagaalkii uu waday inay raalli-gelin iyo garowshiyo buuxda ka bixiyaan ‘xasuuq’ uu sheegay inay geysteen, xilligii ay dagaalka ku jireen, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxda ururka ONLF waa in ay ka xishoodaan shacabka, waa in aysan dadku u sheegin in dagaalka uu ahaa mid ehel, balse ay dadka u caddeeyaan in dagaalkooda halganka ee gumeysi diidka lagu laynayayay rayidka.” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in hoggaanka ONLF ay horyimadaan shacanka, una cadeeyaan khaladaadkii ay horay uga galeen. “Hoggaanka ONLF waa in ay shacabka hor yimaadaan oo ay u caddeeyaan dagaalka, looma baahno in xiligaan dadka murugsan dib loo dhaawaco maskaxdooda, dadka gubanayo ee ehelkooda la dilay waxa kaliya ay u baahan yihiin waa in raalli gelin buuxda lasiiyo” ayuu markale yiri Madaxweynaha is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya. ONLF oo muddo dheer dagaal dhiig badan uu ka daatay ka waday dhulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sanadkii 2018-kii heshiis la gashay Ra’iisul wasaaraha wadankaasi, Dr. Abiy Axmed oo isbedallo ballaaran sameeyey, tan iyo markii uu talada la wareegay.
  10. Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ciidamo geysay xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya sababo la xariiro xanuunka Coronavirus, ciidamada la geeyey xadka ayaa isugu jiro Milatari iyo Boolis kuwaas oo loogu talo galay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya waxa soo gali iyo ka baxi. Ciidamada oo laga qaaday xerada 27-aad ee taliska xoogga dalka ayaa waxaa hoggaaminayey goddomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, ujeedka guddoomiyaha ee tagitaankiisa xadka ayaa lagu sheegay fulinta amar maalinimadii shalay ka soo baxay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo lagu sheegay in la xiro gabi’ahaan. Ciidamada xadka gobolka Hiiraan ee dalka Itoobiya la geeyey ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo horay mas’uuliyiinta Hirshabeelle u sheegeen in xadka uu ka soo gudbo Qaadka iyadoo ay jirto cabsida laga muujinaayo caabuqa Corona ee Hirshabeelle oo dhowaan wasiiru dowlihii cadaaladda uu u geeriyooday xanuunka Coronavirus . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Saraakiisha taliska qaybta 7aad ee ciidamadda qaranka Somaliland ayaa soo dhaweeyay maleeshiyaad tirro badan oo ka soo goostay jabhadda SSC oo fadhigeedu yahay magaaladda Buuhoodle. Maleeshiyaadkan oo lagu soo dhaweeyay deegaanka Yeyle, oo ka tirsan gobolka Sool waxaa u soo gelbiyay dhinaca fadhiisinka ciidamadda qaranka Somaliland maayarka degmadda Buuhoodle iyo maayarka degmadda Ceegaag. Abaan-duulaha qaybta 7aad ee ciidamadda qaranka Somaliland gaashaanle dhexe Ibraahim Ashkir, ayaa ku boogaadiyay jabhadan ka soo goostay maleeshiyadda SSC go’aankoodda. Geesta kale taliyihii hogaaminayay maleeshiyaadkan soo goostay ayaa ka hadlay sidii ay ku soo baxeen iyo sababaha ku kalifay in ay isku soo dhiibaan taliska qaybta 7aad ee ciidamadda qaranka Somaliland. Halkan Ka Daawo Hadaladii Saraakiisha iyo Maleeshiyaadka Soo Goostay: Source
  12. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sare u qaadeen afduubka ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, inta badana ay beegsadeen shaqaalaha gargaarka ee ka howlgala qeybo kamid ah dalkaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Booliska ayaa tilmaamay in deegaanada ugu badan ee Al-Shabaab ay ka geysteen afduubka ay hoos yimaadaan degmada Mandera ee gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa sanadkii la soo dhaafay oo kaliya 11 ruux ku afduubtay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi. Si kastaba ha’ahaatee afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa maalin ka hor sheegay in dowladda Kenya ay ku raad joogto xogta dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo sanad ka hor Al-Shabaab ay ka afduubteen deegaano ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
  13. Madasha xisbiyada qaran ee dalka ayaa war ka soo saartay xanuunka Coronavirus kaas oo ka dilaacay dalka lagana diiwaan geliyey kiisas dhowr ah, oo isugu jiro dhimasho iyo kuwo uu soo ritay xanuunka, isagoo sameyey korar 24-kii saac ee ugu dambeyey. Warsaxaafadeedka soo baxay madasha ayaa lagu sheegay in loo bahan yahay in wixii tabar tacaal ah la isugu geeyo sidii loo samatabin lahaa dadka uu soo ridanayo xanuunka, guddoomiye Shariif Sheeikh Axed oo hadlay ayaa ka digay in la siyaasadeeyo xanuunka COVID-19. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dhaqdhaaqa Al-Shabaab weeraro ay ku qaadeen qeybo ka mid ah deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle uu sheegay in tiro seddex jeer ah Al-Shabab ay weeraro ku qaadeen Janaale, islamarkaana ay ku dhinteen illaa 2 qof oo rayid ahaa. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada milatariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi. View the full article
  15. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah oo kuwa Boolis ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la geeyey xadka dheer ee ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo xakameeyo cudurka Coronavirus. Wararka ayaa lagu sheegaya in ciidamadaasi ay fulin doonaan amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle, kaas oo ahaa in la xiro xadka labada dal. Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaamanayo ayaa booqasho ku tegay deegaanada dhaca xadka, isagoona u kuur galaya xaaladda guud iyo sida ay u howlgalayaan ciidamada Booliska la geeyey halkaasi. Sidoo kale Jeyte ayaa shaaciyey in haatan wixii ka dambeeya la hakiyey dhaq dhaqaaqa xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, si bulshada looga bad-baadiyo Fayruska Corona. Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay qeylo dhaan ka soo yeereysay madaxda HirShabelle, kuwaas oo ka cabanayey furnaashaha xuduuda labada dowladood oo maalmihii u dambeeyey laga soo gudbinayey Qaad fara badan. Dowladda dgexe ee Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu xakameynayo cudurka saf-marka ee Coronavirus, iyadoona horay u xirtay xadka ay dhanka gobolka Gedo kala wadaagto Kenya, sidoo kalena joojisay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah intaba.
  16. Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19, ayaa looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale. Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay ayaa faray wasiirrada Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo. Guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo dadaal xooggan ugu jira ka guuleysiga cudurka dunida dhibaatada badan ku haya, ayaa ku guuleystay fulinta qorshayaal badan oo qayb ka qaadanaya yareynta faafitaanka cudurka. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-14042020.mp3 View the full article
  18. Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka Coronavirus ayaa xaqiijiyay in shalay gudaha Puntland lagu karantiilay laba ruux oo looga shakiyay cudurka COVID-19 inkastoo aysan shaacin halka labadaas ruux ku sugan yihiin. Qoraal xalay ka soo baxay guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa lagu sheegay in guddigu ay Isniintii shalay karantiileen laba qof oo lagu arkay caalamadaha xanuunka COVID-19 kuwaas oo looga shakiyay in ay xanuunka qabaan. Qoraalka guddiga ayaa sidoo kale lagu xusay in labadaasi qof baaritaan lagu sameeyay si loo xaqiijiyo haddii ay qabaan xanuunka islamarkaana baaritaankaas oo isla shalay la qaaday ay guddigu sugayaan natiijada ka soo baxda. Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta ee Puntland ayaa horay u karantiilay shan ruux oo looga shakiyay xanuunka COVID-19 balse baaritaan kadib dhammaantood waa laga waayay xanuunka sida ay guddiga sheegeen. PUNTLAND POST The post Puntland: Dad looga shakiyay Coronavirus oo la karantiilay appeared first on Puntland Post.
  19. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in loo gargaaro dadka danyarta ah ee uu saamaynta xooggan ku yeeshay xanuunka Coronavirus. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amarkaasi bixiyay, kadib markii uu shir-guddoomiyay Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga heer Federaal ee ka hortagga Covid-19, kaasi oo looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale. Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka ah. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre, ayaa faray wasiirrada Qorsheynta, Gargaarka iyo Arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul. sidoo kale, wuxuu guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo amray in Gargaar loo fidiyo Danyarta uu saameeyay COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  20. In clear terms, the Somali people expects with no excuse or delay free and fair election in 2020/2021. But, because of the federal government’s abject failure and disinterest to organize and hold free and fair elections as scheduled by the late of this year and the devastating COVID-19 Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19, ayaa looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale. Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka ah. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay ayaa faray wasiirrada Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo. Guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo dadaal xooggan ugu jira ka guuleysiga cudurka dunida dhibaatada badan ku haya, ayaa ku guuleystay fulinta qorshayaal badan oo qayb ka qaadanaya yareynta faafitaanka cudurka.
  22. Dowlad goboleedka Jubaland ayaa xalay shaaciyay in labadii kiis ee u horreeyay xanuunka Coronavirus laga helay gudaha Jubaland gaar ahaanna magaalada Kismaayo. Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa laga soo xigtay in laba ruux oo ku sugan magaalada Kismaayo laga helay cudurka COVID-19 kadib markii ay soo baxday natiijada baaritaan lagu sameeyay oo loo qaaday magaalada Muqdisho. Wasiir Darwiish oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Coronavirus ee Jubaland ayaa tilmaamay in labada qof ee laga helay cudurka lagu karantiilay isbitaalka Kismaayo halkaasna lagula tacaalayo xaaladdooda caafimaad. Sidoo kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Iyana xalay shaacisay in shalay oo keliya 32 kiis oo Coronavirus ah laga diiwaan-geliyay magaalada Muqdisho halka 2 kiis laga diiwaan-geliyay Hargeysa midna magaalada Boorama. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in wadarta guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyay dalka ay dhan yihiin 60 kiis waxaana haddii 2-da kiis ee Jubaland lagu daro ay noqonayaan 62 xaaladood. PUNTLAND POST The post Jubaland oo shaacisay in dadkii u horreeyay Kismaayo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  23. Madasha Xisbiyada Mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray talooyin la xiriira ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus si looga gaashaanto in cudurkaas uusan ku faafin dalka. Madasha ayaa soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba loo midoobo ka hortagga iyo xakamaynta faafidda xanuunka COVID-19 oo dunida dhibaato ba’an ku haya islamarkaana kiisas kamid ah laga helay gudaha dalka. Madasha Xisbiyadu waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya u soo jeediyeen in ay dalka keento agab caafimaad oo ku filan ka hortagga iyo xakamaynta cudurkaas sidoo kalena ay badiso xarumaha lagu karantiilo dadka xanuunka laga helo si loo dardar geliyo ka hortagga faafidda COVID-19. Sidoo kale Madasha Xisbiyadu waxay soo jeedisay in dhammaan hay’adaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka ay u midoobaan dadaallada lagu xakamaynayo faafidda cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada Muqdisho oo soo bandhigay talooyin la xiriira Xakamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post.