Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Federal government of Somalia has announced Thursday it donated one million USD to help the flood-hit Somali families in Qardo town under Puntland state. Somali PM Hassan Ali Khaire said in a tweet: “The government of Somalia has delivered $1M to Puntland as humanitarian aid for flood victims in Qardo.” The donation came after Puntland President Said Abdullahi Deni who visited the town following the flash floods has appealed for immediate aid for the local residents. At least six people lost their lives in the flooding in Qardo district after many houses and commercial buildings were destroyed by the heavy downpour. View the full article
  2. Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan malateriga Soomaaliya ay isbaarooyin hor leh dhigteen degaano badan oo ku yaalla gobolkaas, kuwaasi oo isku xira Muqdisho iyo gobolkaas. Nabadoon Cumar Cabdi Maxamuud oo kamid ah wxgaradka gobolkaasi islamarkaana ku socdaalay wadooyin badan oo ku yaaala Gobolka oo la hadlay Shabelle ayaaa sheegay in Ciidamada Dowlada isbaarooyin hor leh ay dhigteen Mmeelo kala duwan, taas oo uu sheegay in saameyn xoogan ay ku yeesheen dadka shacabka iyo Gadiidley wadooyinka. Ilaa Afar jidgooyo cusub ayaa lasoo wariyey in Ciidanka Dowlada ay dhigteen inta u dhaxeysa degaanaka Lambar 60 iyo Muuri kuwasi oo la sheegay in Dad shacab ah lagu dhibaateeyo. Taliska Ciidamadda Xoogga Dalka ayaa horey uga digay Isboorooyinka sharci daradda ah, waxaana uu daboolka ka qaadey in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarigii ama sarkaalkii lagu soo qabto barahaasi. View the full article
  3. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda bini aadantinimo ee la soo gudboonaatay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii uu ku fatahay wabiga Jubba. Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag. “Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.” Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Baardheere gurmadka ay u sameeyeen dadka magaalada, waxa uuna tilmaamay in is-garab istaagga iyo iskaalmeynta reer Baardheere ay ka hortagtay in dhibaatadu ay sii ballaarato. Sidoo kale, Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadantinimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyada oo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro deegaannada dhibaateysan. Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne. Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga. View the full article
  4. Dadkii ugu badnaa ayaa ka barakacay fatahaadihii ku rogmaday Baardheere ee gobolka Gedo iyo tuulooyinka u hareereysan kadib markii uu fatahaad uu sameeyay Webiga Jubba. Maxamed Cabdiraxiin, oo ah gudoomiyaha iskaashatada Baaraleyda Baardheere, ayaa Raadiyaha Shabelle u sheegay in uu jiro bakarac aad u fara badan oo ay sameeyeen dadka ku nool nawaaxiga Baardheere, kuwaas oo u badan Beeraley. Isagoo hadalkiisa sii wata, Maxamed Cabdiraxiin ayaa sheegay in 130 tuulo oo dhinaca ku haya webiga in laga barakacay, waxaana uu intaasi ku daray in fatahaaduhu ay sababeen khasaaro hantiyadeed oo u badan burbur soo gaarey dalaga Beeraha. Qaar ka tirsan degaanada hoostaga Jubaland ayaa waxaa fatahaadyo ku sameeyay Webiga Jubba, taas oo sababtay in dad badan ay guriyahooda ka barakacaan, waxaana isa soo taraya baaqyadda ku aadan in gurmad lala gaaro dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. View the full article
  5. Afhayeenka ciidamada difaaca dowlada Uganda sareeye guuto Richard Karemire oo la hadlay wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in cudurka Coronavirus laga helay askari kamid ah ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM. Sareeye guuto Richard Karemire afhayeenka ciidamada difaaca Uganda ayaa sheegay in askarigaasi lagu arkay qaar kamid ah astaamaha safmarka COVID-19,kadib markii baaritaan lagu sameeyanaya laga helay cudurka Coronavirus oo Soomaaliya ka jira. Sidoo kale afhayeenka ciidamada difaaca Uganda ayaa tilmaamay in askarigaasi kamid ah howlgalka AMISOM markii laga helay cudurka lagu karantiilay goob gaar ah halkaasina looga dabiibayo cudurka safmarka ah ee Coronavirus,haatana ay xaaladiisu wanaagsantahay. Si kastaba ha’ahaatee dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 6 kun oo askari,kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM,waxaana askarigan u dhashay Uganda ee laga helay cudurka COVDI-19 uu kamid noqonyaa dad badan oo ajaanib kuwaas oo iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho laga helay safmarka Coronavirus. Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada bariga Africa ee saameynta xoogan uu ku yeeshay cudurka Coronavirus,waxaana socda dedaalo caalami ah oo ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya,kuwaas oo lagu xakameenayo in faafitan dheeraad uu sameeyo safmarka Coronavirus oo aafo caalami ah loo aqoonsaday. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-300420.mp3 View the full article
  7. Washington (Caasimada Online) – Sarkaalka ugu sarreeya ee Mareykanka u qaabilsan ka hor-tagga cudurka caabuqa ayaa sheegay in dawada Remdesivir ee lagula dagaalo fayruska, oo ay sameyso shirkadda Gilead, ay noqon doonta dawada guud ee lagula tacaalo cudurka COVID-19. Hadalka Dr. Anthony Fauci ayaa yimid kadib markii natiijo horudhac oo laga helay tijaabo la sameeyey ay muujisay in dawada ay bukaanada ka caawiso inay si dhaqso ah uga soo bogsadaan xanuunkan uu sababo coronavirus. Dr. Fauci ayaa sheegay in natiijada horudhaca ee tijaabada dowladda Mareykanka ay muujineyso in bukaanadii la siiyey dawada Remdesivir ay kasoo kabasho deg deg badnaayeen kuwa aan la siin 31%, taasi oo uu ku qeexay “mid muhiim ah.” “Tani xaqiiqdii waa muhiim,” ayuu Fauci ugu sheegay weriyayaasha Aqalka Cad, isaga oo la meel-dhigay sanaddii 1986-kii, markaasi oo uu yiri “waxaan la xarbineynay inaan dawo u helno HIV, waxbana ma hayn.” “Tani waxay noqon doontaa dawada guud ee lagula tacaalo dadka,” ayuu yiri isaga oo intaas ku daray “Hay’adda maamusha dawooyinka ee FDA ayaa kala shaqeyneysa Gilead hababka dawada ay ku heli karaan dadka u baahan.” Shirkadda Gilead ayaa Arbacadii soo bandhigtay xog wanaagsan oo muujineysa in dawada ay si wanaagsan u shaqeyso marka bukaanada la siiyo xilli hore. Machadka Qaran ee Caafimaadka ayaa sheegay in natiijada horudhaca ah ee 1,063 oo bukaan ay muujineyso in bukaanada la siiyey Remdesivir ay cudurka Coronavirus uga soo kabteen cel-celis ahaa muddo 11 maalmood ah. Ma jirto illaa iyo hadda dawo si rasmi ah loo ansixiyey oo lagu daweeyo Coronavirus, taasi oo dhaqaatiirta ku qasabtay inay tijaabiyaan dawooyin kala duwan. Weli Remdesivir laguma qeexin inay dawo u tahay cudurka, hase yeeshee waxaa bukaanada ka caawisaa inay deg deg uga kacaan cudurka marka loo eego kuwa aan la siin, waxaana jiri doona tijaabooyin kale oo dheeri ah oo lagu sameyn doono. REUTERS + VOA
  8. (SLT-Washington)-Sarkaalka ugu sarreeya ee Mareykanka u qaabilsan ka hor-tagga cudurka caabuqa ayaa sheegay in dawada Remdesivir ee lagula dagaalamo fayruska, oo ay sameyso shirkadda Gilead, ay noqon doonta dawada guud ee lagula tacaalo cudurka COVID-19. Hadalka Dr. Anthony Fauci ayaa yimid kadib markii natiijo horudhac oo laga helay tijaabo la sameeyey ay muujisay in dawada ay bukaanada ka caawiso inay si dhaqso ah uga soo bogsadaan xanuunkan uu sababo coronavirus. Dr. Fauci ayaa sheegay in natiijada horudhaca ee tijaabada dowladda Mareykanka ay muujineyso in bukaanadii la siiyey dawada Remdesivir ay kasoo kabasho deg deg badnaayeen kuwa aan la siin 31%, taasi oo uu ku qeexay “mid muhiim ah.” “Tani xaqiiqdii waa muhiim,” ayuu Fauci ugu sheegay weriyayaasha Aqalka Cad, isaga oo la meel-dhigay sanaddii 1986-kii, markaasi oo uu yidhi “waxaanu la xarbineynay inaan dawo u helno HIV, waxbana ma hayn.” “Tani waxay noqon doontaa dawada guud ee lagula tacaalo dadka,” ayuu yidhi isaga oo intaas ku daray “Hay’adda maamusha dawooyinka ee FDA ayaa kala shaqeyneysa Gilead hababka dawada ay ku heli karaan dadka u baahan.” Shirkadda Gilead ayaa Arbacadii soo bandhigtay xog wanaagsan oo muujineysa in dawada ay si wanaagsan u shaqeyso marka bukaanada la siiyo xilli hore. Machadka Qaran ee Caafimaadka ayaa sheegay in natiijada horudhaca ah ee 1,063 oo bukaan ay muujineyso in bukaanada la siiyey Remdesivir ay cudurka Coronavirus uga soo kabteen cel-celis ahaa muddo 11 maalmood ah. Ma jirto illaa iyo hadda dawo si rasmi ah loo ansixiyey oo lagu daweeyo Coronavirus, taasi oo dhaqaatiirta ku qasabtay inay tijaabiyaan dawooyin kala duwan. Weli Remdesivir laguma qeexin inay dawo u tahay cudurka, hase yeeshee waxaa bukaanada ka caawisaa inay deg deg uga kacaan cudurka marka loo eego kuwa aan la siin, waxaana jiri doona tijaabooyin kale oo dheeri ah oo lagu sameyn doono. REUTERS Source
  9. Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 48 new cases of coronavirus, bringing the total number of infections to 548. Fawziya Abikar, Health Minister of Somalia said two patients succumbed to the deadly virus in the latest cases, bringing the total number of fatalities to 28. She said five people recovered from the deadly virus, raising the total number of recoveries to 19. According to the minister, 31 of the latest cases are males while 17 are female patients. She said 41 of the cases were detected in Banadir, an administration area that covers the capital Mogadishu, three in regional Jubaland state and four in Southwest State. The majority of the cases, including the first fatality, have no travel history, signifying local transmission of COVID-19. The World Health Organization (WHO) has warned that further transmission of the virus can be expected. The WHO and the United Nations Population Fund (UNFPA) said Tuesday they have provided specialized capacity for testing coronavirus cases in the semi-autonomous region of Somalia. The WHO and the UNFPA are also working together to enable laboratory capacity to be in place in Garowe under the leadership of the Ministry of Health to ensure needed testing capacity for COVID-19. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
  10. Habeynkii Talaadada 28 April 2020 Waxay Reer Qardho u ahayd maalin Illaahay ka badbaadshey Dadkii kusoo ragmadey Magaalada xili Habeyn ah . Shacabkuvwaxay maalmihii lasoo [...] Source
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tiraba labo jeer qalab caafimaad oo loogu tala-galay ka hortaga cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay ee Coronavirus ugu deeqday maamul goboleedka Hirshabeelle. Dowladda ayaa agabkaasi caafimaad ka dejisay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaasi, iyada oo ay kasoo baxayaan xogo ku saabsan in agabkaasi caafimaad iyo kharashka ku baxay safarka diyaarada ka dejisay agabkaasi ay aad u kala badan-yihiin, midaasi oo ka dhigan in kharashka lagu soo kireeyay diyaaradu uu ilaa xad ka badan yahay agabka caafimaad ee la gaadhsiiyay. Arrinta la yaabka leh ayaa noqotay in diyaarada siday agabka caafimaad ay labo jeer ka degtay magaalada Jowhar, iyada oo sida agab yar oo caafimaad, midaasi oo sarre u sii qaaday kharashka kirada diyaarada. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa iyagu laftigeedu arrinkaasi ku noqday mid layaab leh maadama agabka diyaaradu ay labada jeer ay ka dejisay magaalada Jowhar ay soo qaadi kartay halmar, maadama uusan aheyn agab badan oo caafimaad. Agabka caafimaad ee dowladda federaalku ay ka dejisay Jowhar, ayaa la aaminsan yahay inuusan wax badan ka tari doonin dagaalka uu maamulkaasi kula jiro cudurka Coronavirus, oo uu maamulkaasi kaga geeriyooday Mas’uul sarre oo ka tirsanaa golaha wasiirada. Waxaana xusid mudan in diyaarada markii labaad ee ay geysay qalabka caafimaada magaalada Jowhar ay siday xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo lagu eedeyo inay la wareegen shaqadii wasaarada caafimaadka Soomaaliya. Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa todobaadkii hore ku shubtay qasnada maamulka Hirshabeelle lacag dhan 500-kun oo dollar oo qeyb ka ah 1-Milyan oo dowladu ugu deeqday maamul goboleedyada si ay ula tacaalan cudurka Coronaha, midaasi oo dhowaan dhalisay in magaalada Jowhar uu ka dhasho guux siyaasadeed oo is-khilaafsan. Waxaana magaaladaasi ka bilowday mooshino xil ka qaadis ah oo iska soo horjeeda, kuwaasi oo laga kala keenay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, midaasi oo dhalisay shaki weyn oo laga qabo in lacagtaasi loo isticmaalayo arrimo siyaasadeeda, taasi oo baalmarsan ujeedka maamulka Hirshabeelle loogu deeqay lacagtaasi. Inkasta oo saacadihii lasoo dhaafay ay magaalada Jowhar ka bilaabatay waan-waan iyo isku soo jiid ka dhan ah xubnaha ka wada tirsan maamulka ee uu khilaafka siyaasadeed soo kala dhex-galay, hadana waxa weli taagan xiisada dabada ku haysa maareynta lacagta ay dowladda federaalku ugu talo-gashay la dagalaanka Coronavirus.
  12. Sanatar Cabdirsaaq Jurile iyo Madaxweynayaashii hore ee Puntland DR.Faroole iyo Prof.Gaas oo si Wadajir ah Magaalada Garowe kula hadlay Saxaafada ayaa waxay hoosta ka xariiqeen [...] Source
  13. A Ugandan peacekeeper serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has tested positive for COVID-19 in the Somalian capital of Mogadishu, a military spokesperson said here on Thursday. “He is doing well and receiving great medical attention. Thanks to the UPDF (Uganda People’s Defense Forces) health officers that have gained practical experience through their support to the national anti-COVID-19 campaign,” said Richard Karemire, Ugandan military spokesperson. “The rest of the troops are observing guidelines issued by the government of Uganda, the AMISOM leadership and, of course, the host federal government of Somalia,” he said. Those who have had recent close contact with the infected peacekeeper have been put under quarantine in Mogadishu, according to the military. Somalia’s health ministry on Wednesday confirmed 54 new COVID-19 cases, taking its total to 582. Uganda has over 6,000 troops serving under the AMISOM in the volatile East African nation. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo laba mu’waadin hore maalgashi ugu sameeyeen kadib markii xukuumaddu muddo 30 sannadood ka kiraysay. Tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin, iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’caale, ayaa ahaa labada qof ee Hotelka dhisayay. Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa ayaa xalay la geeyay ciidamo Boolis ah Qoraal wasaaradda Hawlaha guud qortay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu rasmi ahaan uga laabatay heshiiska hore loogu kireeyay Hotelka. Weli ma cadda sababta xukuumaddu xilligan heshiiska uga laabatay iyadoo Suldaan Siciid iyo wefdi xukuumadda Somaliland ka tirsani hawlo nabadayn ay u joogaan gobolka Sanaag. Dawladdii Daahir Riyaale, ayaa heshiiska gashay iyadoo xukuumadda hadda ee madaxweyne Biixi-na sii cusboonaysiisay muddo 30 sannadood ah. Source
  15. Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, oo uu weheliyo Senetor Jurile oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in xukuumadda Puntland looga dambeeyo hawlaha gurmadka Qardho. Faroole, Gaas iyo Jurile oo haatan warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe, ayaa ugu horrayn bogaadiyay dadaallada ay xukuumadda Puntland hormuudka u tahay ee loogu gurmanayo shacabka magaalada Qardho, kadib fatahaaddii khasaaraha badan dhalisay ee halkaasi ka dhacday. Saddexdooduba, Waxay cod midaysan ku sheegeen in ay madaxweynaha Puntland ku taageersan yihiin, guddiga uu u magacaabay gurmadka shacabka Qardho, ee waxyeelladu ka soo gaartay daadadkii ku rogmaday degmadaasi. Sidoo kale, waxay sheegeen in aan marnaba la aqbali Karin, in guddiyo kale laga dhinac sameeyo guddiga gurmadka Qardho ee dowladdu magacowday, sidaas darteedna cid kasta oo wax bixinaysa ay ku hagaajiso guddiga dowladda Puntland. Ugu dambyentii, waxay u mahad-celiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo si deg deg ah uga soo jawaabtay gurmadka Qardho, islamarkaana Puntland soo gaarsiisay lacag dhan hal milyan oo Dollar. PUNTLAND POST The post Faroole, Gaas iyo Jurile oo ku baaqay in xukuumadda Puntland looga dambeeyo gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
  16. Sida lagasoo xigtay culumada Hawada saadaalisa waxaaPuntland kusoo wajahan Roobab xoogan oo ma joogaan ah, waxaana laga cabsi qabaa Daadad hor leh iyo dabaylo. Magaalada [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay daadad ku dhuftay deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland, isaga oo ku baaqay in loo gurmado. Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah loo sameeyo dadkii ay saameeyeen fatahaadaha wabiyada iyo daadadka ka dhashay roobabka, isla markaana la iska kaashado sidii kaalmo bani’aadanimiyo loo gaarsiin lahaa dadkaas. “Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa, Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo”ayuu yiri Sheekh Shariif. Wabiga Jubba ayaa waxaa uu fatahaad ka sameeyey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana ka barakacay dad farabadan.
  18. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda bini aadantinimo ee la soo gudboonaatay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii uu ku fatahay wabiga Jubba. Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag. “Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.” Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Baardheere gurmadka ay u sameeyeen dadka magaalada, waxa uuna tilmaamay in is-garab istaagga iyo iskaalmeynta reer Baardheere ay ka hortagtay in dhibaatadu ay sii ballaarato. Sidoo kale, Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadantinimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyada oo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro deegaannada dhibaateysan. Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne. Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan shire ayaa sheegay in Koontada Dowlada Puntland ay soo gaartay Lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo ay soo dirtay Dowlada [...] Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xidhay guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Awdal’ Maxamed Adan Suldaan. Xadhiga guddoomiyaha waxa xaqiijiyay Afhayeenka xisbiga Barkhad Batuun. Sababta loo xidhay weli xukuumaddu kama hadal. Source
  21. Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya dad isku qoys ahaa oo ay biriq ku dishay deegaan duleedka ka ah magaalada Dhuusamareeb ka dib markii halkaasi saacadihii la soo dhaafay ay ka da’ayeen roobab xooggan. Qoyaskaan oo ka koobnaa 5 qof ayaa lagu soo waramayaa in 4 ka mid ah ay geeriyoodeen ka dib markii ay haleeshay biriq, waxaana sidoo kale la tilmaamayaa inay jiraan dhaawcyo ka dhashay biriqdaasi ku dhacday deegaan lagu magacaabo Innamid oo qiyaastii 35 KM dhanka kaga began caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Wali ma jirto masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo gaaray halka ay dhibaatadu ka dhacday iyo cid ka hadashay dhacdadaasi waxaana cabsi xooggan ay soo foodsaartay dadka reer guuraaga ah ee deegaankaasi ku sugan. Saacadihii la soo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ka da’ayay roobab mahiigaan kuwaas oo dadku ay ku diirsadeen wallow ay roobabku mararka qaarkood ay geytaan waxyeelo sidaan oo kale ah waxaana haatan lagu guda jiraa xilli roobaadkii gu’ga. Goobjoog News Source: goobjoog.com