Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boorama (Caasimada Online) – Faah faahino dheeriya ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe abaaro 1:30-AM lagu qaaday hoyga uu degan-yahay Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo rasaas huwiyey guriga uu Boorama ka deganaa Mas’uulkaasi, xilli ay ku sugnaayeen qoyskiisa. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray askar ilaalo ka aheyd hoyga iyo kooxda weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsatay. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta labada dhinac, sidoo kale xubnaha qoyskiisa ayey waxba ka soo gaarin weerarkaasi oo bad-qaba, sida ay Caasimada Online u sheegen dad deegaanka ah. Weerarkaasi ayaa waxyeelo u geystay guriga Mas’uulka oo rasaas daran-doori ah ay ku fureen Raggii soo weeraray, midaasi oo si cad u muujinayaan Sawirro laga soo qaaday Guriga duqa ee xalay la weeraray. Iyada oo isla saakaba ay tageen goobtaasi Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland, islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan weerarka lagu soo qaaday guriga Maayirka. Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in xiliga xalay saqdii dhexe lagu soo qaadayey weerarka guriga Duqa Boorama, uusan joogin Maayir Saleebaan, midaasi oo gebi ahaanba ka bad-baadisay shirqool lagu rabay in lagu khaarajiyo. Dableyda weerarka soo qaaday ayaa Caasimada Online loo sheegay inay ahaayeen Beel kamida ah kuwo dhowaan ku dagaalamay bariga magaalada Boorama, kuwaasi oo Maayirka Boorama ka tirsanayey in uu eex qabiil garab ugu muujiyey beesha kale ee ay is-hayaan. Caasimada Online oo isku deyday inay xiriir la sameyso Maayirka magaalada Boorama, Saleebaan Xasan Xaddi ayeysan u suurta-galin kadib markii aanu ku weynay khadka telefoonka. Ilaa iyo haddana majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Somaliland, oo la xiriira Weerarkaaasi oo u muuqday shirqool fashilmay oo lagu dili rabay Maayirka Boorama. Deegaanada Somaliland ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta Jabhado hubeysan oo qaab beeleysan u dhisan, inkasta oo aysan weli jirin cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaasi xalay lagu qaaday guriga Duqa Boorama ayaa haddana sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu salka ku hayaa muran dhuleed maalmihii dambe ka taagnaa magaalada Boorama.
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo ayaa ka dooday mooshin muddo kordhin loogu sameynayey madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), si la’isku waafajiyo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen illaa 87 Mudane ayaa waxa ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen mooshinkaasi, iyaga ogolaaday in muddo 1-sano ah loogu daro madaxweynaha. Arrintaan ayaa ka dhigeysa in xilheynta madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamanka la’isla ekeysiiyey, islamarkaana ay ku eg-tahay sanakda 2024-ka. Tallaabada ay qaadeen xildhibaanada labaad ee Koonfur Galbeed ayaa fursad cusub siineysa Madaxweyne Lafta Gareen oo haatan xafiiska jooga sanad iyo dhowr bilood.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdixaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay Kal-fadhiga 7-aad ee labadaasi gole. Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada guddoomiye ayaa waxaa lagu sheegay inay qaateen go’aankaasi, si loo ilaaliyo bad-qabka xildhibaanada iyo senatorada. Sidoo kale labada guddoomiye oo haatan ku xayiran dalka Turkiga ayaa qoraalkooda waxay ku shaaciyeen in markii ay xaalada caadi ku soo noqoto la furi doono kulamada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kal-fadhiga 7-aad ee labada gole ayaa waxaa lagu waday in la furo 20-ka bishaan April ee sanadkaan 2020-ka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla. Dib u dhac ku yimid furitaanka fadhiyada labada aqal ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo xileedka baarlamaanka uu gabagabo yahay, si loo aado doorashada 2020/201-ka Halkaan hoose ka aqriso:-
  4. (SLT-Hargeysa)-Khabiirro Caafimaad oo ka socda ha’yadda Caafimaadka ee WHO ayaa soo gaadhay magaalada hargeysa kuwaasi oo tababar siin doona shaqaalaha ku shaqaynay mashiinka lagu baadho fayraska COVID-19. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in khabiirradan ay muddo laba bilooda dalka joogayaan iyaga oo tababar siin doona da’ yarta lagu talo galay in ay ku shaqeeya mashiinka lagu baadhayo dadka qaba fayraska dunida kusii fidaaya ee COVID-19. “Waxa nasoo gaadhay khubarro ka socota ha’yadda WHO , kuwaasi oo rakibaad ka shaqaysiin ku samayna mashiinkii la odhan jiray PCR ee hore inosoo gaadhay waxanay bilaabeen in ay ka rakibaan oo ka shaqaysiiyaan mashiinka iyaga oo inala joogi doona muddo laba bilood ah, tobabarna siin doona shaqalaheena shaybaadhka ilaa inta ay ka hanannayaan mashiinka sida loogu shaqeeyo “ ayuu yidhi Source
  5. (SLTSuldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo ah Suldaanka Beelaha Maroodi-jeex, Saaxil, Hawd iyo Gabiley, ayaa baaq nabaddeed u diray laba beelood oo dagaal ku dhex maray deegaanka Fadhi-gaab oo ka tirsan Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Suldaanka ayaa ugu baaqay Isimada dhaqanka, Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Gobolka Sanaag in daminta dagaalkaasi laga wada qayb-qaato, isla markaana loo istaago sidii loo baajin lahaa dhiig dambe oo qubta. Suldaan Maxamed oo goor-dhaweyd Warbaahinta soo gaadhsiiyey beyaan baaq-nabadeed ah, ayaa kula taliyey labada beelood ee dirirtu dhex martay in ay xabbada joojiyaan, isla markaana geedka wada-hadalka ee dhaqanka ku xalistaan wixii utun ah ee ka dhaxaysa, Suldaanku waxa uu fool-xumo iyo waxaan la aqbali karin ku tilmaamay colaada labada beelood ee soo noqnoqotay iyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay isu geysanayaan, waxaanu tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada dadka ku dhintay dagaalkaasi. Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan runtii uga tiiraanyeysanahay iska-hor-imaadka maanta ka dhacay deegaanka Fadhi-gaab ee sababay dhimashada iyo dhaawaca. runtii Dagaalkaasi waa arrin aad iyo aad fool-xumo u leh oo ceeb ku ah degmada Ceel-afweyn, gobolka Sanaag iyo guud ahaan qaranka Somaliland oo dhan, waxaan leeyahay waar xabbada hala joojiyo, geedka wada-hadalka hala isugu yimaado. waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, Gobolada Togdheer, Saraar, Sanaag, Sool iyo dhamaan gobolada bariga ee si’ fudud u gaadhi kara goobta lagu dagaalamay in ay arrinta gacanta ku dhigaan, xabbad joojin ku dhawaaqaan. Madaxda dhaqanka ee gobolka sanaag waxaan baaq gaar ah ugu jeedinayaa in ay si deg deg ah uga howl-galaan sidii colaada loo joojin lahaa. waxa kale oo aan aad ugu mahad-celinayaa Ciidamada qalabka sida ee maalin iyo habeen heeganka ugu jira sidii loo joojin lahaa colaadaas oo aan leeyahay alle ha idinka abaal-mariyo.” Suldaanku waxa uu farriin gaar ah u diray Labada beelood ee dirirtu dhex martay “labada beelood anigoo si gaar ah ula hadlaya waxaan leeyahay xabbada hala joojiyo. nimanyahow dhulku idiin kala go’i maayo illaahaybaa halkaa idinku wada beeray, ee in lala yimaado caqli caafimaad qaba oo colaadan aynu xididdada u saarnaa loo baahan yahaye xabbada hala joojiyo oo miiska wada hadallada cid waliba wixii ay sheeganayso hala timaado”. Xabbada dambe yey dhicin intii inaga dhimatay ayaa fool-xumo inoogu filan, waa dad qaranka Somaliland ka baxay labada dhanba, marka waxaan ugu baaqayaa labada beelood, waxgaradkooda, aqoonyahankooda, dhalinyaradooda, qurba-joogga iyo dhamaan qaybaha bulshada ee labadaas beelood in ay colaadaas joojinteeda ka qayb-qaataan, in buunbuuninta iyo in la sii shido colaadaasi laga waantoobo”ayuu yidhi. Gebgebadii Suldaan Maxamed Suldaan Axmed, waxa uu tilmaamay in qofka kasta oo colaadaasi hurinteeda ka qayb-qaataa uu ku cadaab mudan doono, kii daminteeda ka qayb-noqdaana uu xasannaad ka helayo, “waxaan ku celinayaa waar xabbada hala joojiyo, wadahadal ha la isugu yimaado, anaguna wixii nabaddeyn ah waa ka qayb-qaadanynaa”. Beelaha ay dirirtu dhex martay ayaa ka soo jeeda ardaayo hore ugu dagaalamay isla degmada Ceel-afweyn iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo muddo dheer kaddib colaadooda lagu soo afjaray madal-nabadeed oo lagu soo gunnaanaday Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa sidoo kale beelahan ugu baaqay beelahan in ay joojiyaan colaada oo ay heshiiskii nabaddeed ee hore loo galay adkeeyaan. Source
  6. MOGADISHU (HOL) - The Somalia based money transfer company Taaj has dismissed as fake a receipt published by a Kenyan newspaper alleging the company was used by an intelligence official to transfer money to the militant group Al-Shabaab and warned of legal action. Source: Hiiraan Online
  7. Erigavo ( PP News Desk ) — Reports from Erigavo indicate militias from two subclans clashed yesterday at Fadhigaab area in Sanaag region. Two people have died in the clashes. Three men sustained serious wounds. Somaliland President Muse Bihi Abdi called on the two sides to cease hostilities and solve differences peacefully. The cause of clashes has yet to established. A committee made up of traditional leaders, educators and religious leaders reconciled the two subclans several months ago. A common principle to which two sides agreed was to refer any incident to the regional authorities to prevent the area from plunging into a vicious circe of feuding. Sanaag has seen a spate of feuding over the last three weeks. “It is unfortunate that citizens have lost their lives to senseless violence at a time we are grappling with Covid-19” said Ahmed Hersi, a traditional leader in Erigavo. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Renewed hostilities in Sanaag test President Bihi’s resolve appeared first on Puntland Post.
  8. Several mortar shells landed at the heavily fortified Halane base camp which houses AU forces headquarters in Mogadishu on Sunday evening. A source within the facility told Radio Shabelle the shelling hit the facility and that there were a number of casualties. The militant group Al-Shabaab claimed responsibility noting it fired 9 mortar shells. The attack comes barely two weeks after a similar one in March. A foreign national was reportedly injured in the shelling. View the full article
  9. Somalia has confirmed 29 more COVID-19 cases, bringing the total Coronavirus infections in the country to 164. Somalia’s Ministry of Health and Social Services has so far announced seven Coronavirus deaths in the country. The ministry reiterated its call to the public to follow the directives of the health authorities in a bid to curb the spread of the deadly virus. Meanwhile, the semi-autonomous region of Puntland has confirmed its first COVID-19 case. Authorities there said the patient is a resident who had no travel history and that several other suspected cases were in quarantine. View the full article
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 16-aad Ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab ayaa lagu soo warramayaa in howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo qayaastii 50 KM u jira magaallo xeebeedka Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab oo horay ugu sugnaaa deegaanadaasi ay isaga baxeen, ka hor inta ay gaarin ciidamada dowladda. Saraakiisha horkaceysa howlgalladaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka gudaha u galeen Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ay soo dhoweeyn dadka shacabka ah. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay fariisimo cusub ay ka sameysteen halkaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana gobolka Jubbada Hoose laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac. Jubbooyinka oo ay aad ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa muddooyinkii dambe howlgallo ka waday ciidamada huwanta ee jooga gobolladaasi.
  11. Hargeysa ( PP News Desk ) — The President of Somaliland Government Muse Bihi Abdi launched today a Fund to combat Covid-19 in Somaliland. President Bihi publicised the Fund in a tweet. Somaliland Government will commit 3 million Dollars to the Fund. The Government of Somaliland expects international donors and businesess to pitch in. President Bihi has come under fire for not taking the threat of Covid-19 seriously. The former Somaliland Minister for Interior Mohammed Abdi Gabose faulted Somaliland Government for not banning importation of Khat from Ethiopia. Khat is viewed as a main source of of transmission for Covud-19. Khat chewing is a form of socialising for Somali men. Unless antibacterial soap is used to wash a bundle of Khat there is a fear that the leaves of the plant can host deadly microorganisms. Through Covid-19 Fund the Somaliland Government will support poorly equipped hospitals in Somaliland to cope with possible increase of the number of people affected by Covid-19. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Somaliland Government launches a fund to fight Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaa Bandow lagu soo rogay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug oo ay isla maamulaan Puntland iyo Galmudug, waxaana lagu soo waramayaa in bandowga lagu rogay magaaladaasi la filayo in uu dhaqan galo. Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah magaalada Gaalkacyo ugu qabteen guddoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo wadajir shir ugu qabtay ayaa sheegay in xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Gaalkacyo maadaama laga cabsi qabo aafitaanka COVID-19. Amarkan la xiriira xaalada deg-dega ee ku soo korortay Galmudug iyo Puntland ayaa timid kadib markii deegaannada Puntland laga helay Kiis cusub oo cudurka Covid 19 ah, bandawgaan ayaa saameynaya goobaha la isugu yimaado inkastoo aan faahfaahin laga bixin, iyadoo ujeedadana ay tahay si looga fagaado cudurka COVID 19. Shirkooda ayay ku sheegeen in magaalada Gaalkacyo bandow lagu soo rogayo shacabkuna u hogaansamaan amarada ka soo baxay madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayna fulinayaan maamulada gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Guutada 16-aad ururka 5-naad ee kumaandooska Danab ayaa howlgal ka fuliyay tuulooyinka Cabdi Dhore iyo Beerxaani oo qayaasti 50 (KM)dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose. Ciidanka xoogga ayaa khasaaro u geystay dagaalamayaasha Al-shabab oo iyagu muddo maamulayay qeybo ka mid ah gobalka Jubbada hoose, waxaana la sheegay in howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ay sii wadi doonaan inta Al shabaab ay ku suganyihiin deegaanadaasi sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee SONNA. Dhanka kale bulshada deegaanadaasi ayaa si weyn u soo dhoweeyay ciidanka DANAB oo la wareegay gacan kuhaynta Cabdi Dhoore iyo beerxaani oo dhamaantood hoos yimaada maamulka Jubbaland. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa siyaabooyin kala duwan waxa ay muddooyinkii la soo dhaafay howlgallo uga sameynayeen deegaanno hoos yimaada gobalada Jubbooyinka oo deegaanno muhiim ah ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ku sugnaaa labo maqaaxi ku taalla gudaha degmadaasi. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay qaraxyadaasi oo saddex ka mid ah ay yihiin dad shacab ah, halka ruuxa kale uu ahaa askari. Sidoo kale waxaa wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada dowladda. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxyadaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta weerarada iyo qaraxyada ka dhaca gobolkaasi, walow aysan weli ka hadlin miinooyinka ka dhacay degmada Awdheegle ee Sh/Hoose. View the full article
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saaka qaraxyo nooca miinada ah ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Qaraxyada oo labo ahaa ka kala dhacay labo maqaaxi oo ku taalla degmadaasi, xilli ay ku sugnaayeen ciidamo Boolis ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadaasi ku dhintay ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin dad shacab ah, halka ruuxa kale uu ahaa askari. Sidoo kale waxaa wararku ay sheegayaan in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada dowladda. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay weeraradaasi qaraxyada ah ayaa sheegay inay wadaan haatan baaritaano ku aadan, sida ay wax u dhaceen. Awdheegle oo ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada ayaa ka mid ah meelihii u dameebeeyey ee ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Inta badan Al-Shabaab ayaase weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.
  16. Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi qaraxyo lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, qaraxyadaan ayaa ahaa labo miino oo dhulka lagu aasay kuwaas oo lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka dowladda waxaana qaraxyadaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyada ku geeriyooday labo qof oo mid ka mid ah uu yahay askari, halka saddex qof oo kale ay dhaawacmeen. Ciidamo ka tirsan dowladda oo soo gaaray goobta ayaa bilaabay baaritaano kala duwan iyaga oo waqti kooban hakad galiyay isku socodka degmada Awdheegle wallow markii dambe ay xaaladdu si caadi ah ku soo laabtay. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaan iyada oo inta badan dagaalamayaasha Al shabaab looga bartay inay sheegtaan qaraxyada nuucaan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Boorama (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe lagu qaaday hoyga uu degan yahay Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo rasaas huwiyey guriga mas’uuliyiinkaasi, xilli ay ku sugnaayeen isaga iyo qoyskiisa. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray askar ilaalo ka aheyd hoyga iyo kooxda weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsatay. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta labada dhinac, sidoo kale guddoomiyaha iyo xubnaha qoyskiisa ayaa bad-qaba, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Sawirro laga soo qaaday guriga ayaa muujinaya waxyeelo ay rasaasta lagu furay u geysatay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland saaka ay tageen halkaasi, islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah. Illaa iyo hadda wax faah faahin mas’uulka la weeraray iyo laamaha amniga Somaliland kama bixin dhacdadaasi. Deegaanada Somaliland ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta jabhado hubeysan oo ku xoogan maamulkaasi, inkastoo aysan weli jirin cid sheegatay weerarkaasi xalay lagu qaaday guriga Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi.
  18. (SLT-Boorama)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday Guriga uu degan yahay Maayirka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Saleebaan Xasan Xadi. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Ragga weerarka ku qaaday Guriga Maayirka Boorama iyo ilaaladiisa ay dhex-martay Is rasaaseyn socotay muddo daqiiqado ah, wallo markii dambe ay iskeed u istaagtay. Dadka deegaanka ayaa Somalilandtoday u sheegay in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xooggan, isla markaana ay markii dambe ka war heleen in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Guriga Maayirka Boorama. Intaas kadib ragii hubeysnaa ayaa goobta ka baxsaday, waxaana saaka lagu soo warramayaa in xaalada ay degan tahay, sidoo kalena ay howlgallo baadhitaan ay wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ee ku sugan Boorama. Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Boorama, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan degmada Boorama. Source
  19. Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, Guutada 16-aad Ururka 5-naad Ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal Ka fuliyay tuulooyinka Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo qayaastii 50 (KM) dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in howlgalkaasi ciidamadu khasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay la wareegeen Cabdi Dhoore iyo beerxaani, islamarkaana ay soo dhoweeyeen dadka shacabka ah. Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Danab ay fariisimo cusub ka sameysteen tuulooyinkaasi oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo weli ku sugan Kenya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa kulamo ka wada gudaha magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa wuxuu Madaxweynuhu la qaatay xubno ka mid ah beesha caalamka, isagoo kala hadlay qodobo quseeya xaaladda dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online Axmed Madoobe ayaa xubnaha beesha caalamka ee uu la kulmay kala hadlay doorashada 2020/2021-ka, amniga iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxaa kulamadaan lagu soo qaaday sidii ay beesha caalamka Jubbaland uga taageeri laheyd ka hortagga cudurka faafa ee Coronavirus. Axmed Madoobe oo in muddo ah ku sugan gudaha dalka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan iyo madax ka tirsan dalkaasi. Sidoo kale wuxuu heshiis horudhac ah Nairobi kula gaaray xubnaha mucaaradka ku ah maamulkiisa ee Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seerar, kadib gogol ay u dhigtay Kenya. Arrimahaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeyey dowladda goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka soo bilowday doorashadii muranka dhalisay ee lagu qabtay magaalalada Kismaayo.
  21. Cabdullaahi Dheere oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wareysi gaar ah uu siiyey Shabelle kaga hadlay arrimo ku aadan doorashada iyo maqaamka Muqdisho. Siyaasigaan ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka ay uga fadhiyaan doorashada ka hor in la cadeeyo doorka mataalada ee caasimadda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in Muqdisho la siiyo xaqeeda, si la mid ah maamul goboleedyada kale ee ka jira dalka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Maqaamka.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-200420.mp3 View the full article