-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye Saciid Yuusu Cali oo ka tirsanaa talefeshinka Kalsan waxaana dilka wariyaha canbaareeyay ururada u dooda saxaafadda. Dilka wariyaha oo ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hoda ayaa waxaa geystay shaqsi Tooreey ku hubeysnaa kaas oo dhowr jeer toreeyay wariyaha keentay geeridiisa. Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay shaqsigii dilka geystay islamarkaana lagu wareejin doono hay’adaha garsoorka waxaana maamulka talefeshinka uu marxuumka ka shaqeynayay ay sheegeen in wariyaha markiisii ugu dambeeyay uu tabiyay war la xiriira macallin lagu dilay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose. Ururada u dooda saxaafadda ayaa cambaareeyay dilka wariye Saciid Yuusuf Cali xalay loogu geystay magaalada Muqdisho. “Anaga, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Xiriirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ), Ururka Saxaafadda Soomaaliyeed (SOMA) iyo Ururka Madaxa-bannaan ee Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Soomaaliya (SIMHA), waxaan dhalleecaynaynaa dilkii saxafigii aannu wada shaqeyn jirnay Saciid Yuusuf Cali waxaanan tacsi u direynaa qoyskiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kooan oo ka soo baxay ururadaasi. Wariyayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa inta badan wajaha dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dil, xarig, jirdil iyo handadaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Kalsan TV journalist Said Yusuf Ali was stabbed to death Monday evening in Mogadishu as two other journalists were assaulted according to media rights groups. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo weli ku sugan magaalada Qardho ayaa ka hadlay xaalada amaan ee maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Siciid Deni ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen ciidamada ammaanka Puntland la gaaray guullo, islamarkaana lagu burburiyo shabakado ay la haayeen Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Sidoo kale wuxuu timaamay inay nolosha ku qabteen xubno ka tirsan kooxahaasi, oo haatan gacanta ugu jira ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulkaasi. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay inay xoojiyeen amniga magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ee ka dhaca halkaasi. Deni ayaa xusay in maamulkiisu uu ka go’an yahay horumarinta amniga wuxuuna sheegay in isbedal ballaaran lagu sameeyey qorsha amniga ee deegaanada Puntland. Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaanka Taaruge ee gobolka Mudug, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan dadka dhibaada ku ah nabad-gelyada. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/COD.mp3
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo socday in muudo ah ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Xaraakada Al-Shabaab ay weeraro ku ekeeyeen saldhigyo ciidamada milatariga Soomalaiya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ka warbixiyey dagaalkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya View the full article
-
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay war ka soo saarta diyaarad sidday xamuul oo shalay gelinkii dambe ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay lahayd shirkadda Afrcan Express islamarkaana y dowladda Soomaaliya baaritaan ku sameyn doono sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inay diyaaraddaasi soo dhacdo. Sidoo ale dowladda federaalka ah ay ka tacsiyadeysay dadkii shilkaasi ku geeriyooday. Wasiirka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in diyaaradda ay la socdeen 6 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Soomaali gabi’aanba ay geeriyoodeen hadda ay wadaan baaritaanno ku aadan sababaihii ka dambaysay in ay soo dhacdo diyaaradda wixii faahfaahina ay dib ka soo sheegayaan lana wadaagi doonaan warbaahinta natiijada baaritaanka. Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka oo socday in ka badan hal saac ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada milatariga Soomalaiya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo madaafiic ay qeyb ka ah ahaayeen. ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa jug culus, iyaga oo sheegay in madaafiicda adeegsanayeen ciidamada AMISOM ee weerarka lagu qaaday. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay inay ka hortageen weeraradaasi, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen raggii soo qaaday. Ma cadda inta uu la’eg yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Shabaab. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Al-Shabaab ayaa weeraradeeda kordhisay tan iyo markii la gudaha galay bishaan barakeysan ee Ramadaan, waxaana weeraradii ugu dambeeyey ay ka fulisay deegaanada Ceelsaliini iyo Baariire oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa howlwadeenada Kalsan TV. Wariyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Mindi lagu dhuftay, xilli uu kala celinayey haweeney iyo sayigeeda oo dagaalamayey. Marxuumka ayaa Tooreyda waxa ay uga dhacday Wadanaha, waxaana la dhigay isbitaalka Madiina oo uu markii dambe ku dhintay. Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa xabsiga dhigay ninkii Mindida ku dilay wariyaha, waxaana lagu xiray xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana Shabelle uga warbixiyey dhacdadaasi Wariye Maxamed Yuulka oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Siciid, sidoo kalena ay ka wada shaqeynayeen xarunta Kalsan TV ee magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cod-turki.mp3 View the full article
-
Degmada Heliwaa ayaa guul taariikhi ah u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay xalay ka badisay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku baratameen barnaamijka faca weyn ee tartan aqooneedka Idaacadda Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka C ee wareega koowaad, tartanka bisha barakeysan Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan. Heliwaa oo la hoyatay guusha ayaa la timid, 14 dhibcood, halka Balcad ay iyana keensatay 10 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar. Heliwaa oo dadaal badan muujineysa ayaa sidoo kale horay barbaro ula soo gashay dhiggeeda degmada Xamar-Weyne ee gobolkaan Banaadir. Sanadkaan waxaa tartan aqooneedka sanad-laha ah ee Idaacadda Shabelle abaal marin qaali ah ku bixineysa dallada Soomaali Forex Association, halka su’aalahana ay soo diyaarisay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Bardaale. Warka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ay ku howlan-tahay baaritaan daah-furan, natiijada ay la soo deg-dagi doonto. Sidoo kale waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladdu ehellada iyo asaxaabta ay ka baxeen dadkii ku dhintay shilkaasi diyaaradeed. Dhinaca kale laba mas’uul oo la hadlay VOA ayaa u sheegay in diyaaradda ay ku dhaceen wax dhulka laga riday oo mid ka mid ah uu ku tilmaamay gantaal. Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa degmada Bardaale, illaa haatana wax war ah kama soo bixin oo ku aadan dhacdadaasi. Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Muqdisho, iyadoo sii martay magaalada Baydhabo kadibna uga gudubtay magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Guddiga wacyi-gelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa soo saaray warbixinta maalin-laha ah ee Covid-19 ee deegaanada maamulkaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey illaa 22 Ruux, islamarkaana sideed ka mid ah laga helay xanuunka, kuwaas shan ka mid ah ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar. Tirada kiisaska ee illaa iyo hadda laga xaqiijiyey Puntland ayaa gaaraya 38 qof, kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-050520.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay baxay guddiga wacyigelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa waxaa looga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Covid-19 ee maamulkaasi. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey illaa 22 Ruux, islamarkaana 8 ka mid ah laga helay xanuunka, kuwaas oo kala ah 5 rag ah iyo 3 Dumar ah. Sidoo kale guddiga ayaa ugu baaqay shacabka deegaanada Puntland inay qaataan talooyinka caafimaadka, islamarkaana ay u hoggaansamaan amarada maamulkaasi. Tirada kiisaska la xaqiijiyey ee Puntland ayaa gaaraya 38 qof, kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ama go’doon, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad. Cudurka Coronavirus oo markii hore ka soo bilowday Shiinaha, islamarkaana soo gaaray Soomaaliya ayaa waxaa maalin kasto uu soo ridaa dad hor leh, taas oo kordhisay tiirada.
-
Warbaahinta Qaranka Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaab celisay hadalkii ka soo yeeray xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo kaasi oo tibaaxayay in coronavirus uu ka soo unkamay mid ka mid ah sheybaarada Shiinaha. Wuxuuna shiinaha hadalkaasi ku tilmaamay mid waalli ah oo aan laga fiirsan. Mike Pompeo ayaa Axaddii shalay ahayd sheegay in ay hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii tagay. Warbaahinta CCTV ee Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay hadalka Pompeo iyagoo sheegay in hadalkiisauu yahay mid la iska yiri oo aan loo meel dayin uuna Pompeo sidoo kale been faafinaya. Waa Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Warbixinta CCTV ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Mareykanka ay ku dagdagyaan edeyenta iyagoo utaag la’ xaddidaadda coronavirus oo dadaalkoodii uu noqdayba hal bacaad lagu lisay. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Mareykanka uusan ilaa haatan soo badhigin cadeyn muujineysa hadalkooda ku aaddan in fayraska Corona uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla dalkaasi Shiinaha. Lahaanshaha sawirkaAFP Seynisyahanno badan ayaa aaminsan in coronavirus uu ka soo unkamay xaywaanada duurjoogta ahi ee lagu kala iibsado seyladaha dalkaasi Shiinaha. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in coronavirus lagu sameeyay shaybaar ku yaal waddanka Shiinaha. Hase yeshee xafiiska agaasimaha guud ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegay in ay weli baarayaan sida uu fayraskan ku bilowday balse ay ogaadeen in Covid-19 “uusan ahayn wax uu qof sameeyay ama unugyadiisa la farsameeyay”. Tan iyo markii uu cudurkaasi ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa coronavirus waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay ku dhawaad 3.6 milyan oo qof oo ku nool daafaha dunida halka in ka badan 249,000 oo qofna ay u dhinteen. bbcsomali Qaran News
-
Haweeney ayaa sheegtay inay ka faa’iidday cudurka coronavirus oo ku dhacay, uuna nafteeda badbaadiyay, kaddib markii dhakhaatiirtii Covid-ka ay ogaadeen inay xanuun ku dhaca wadnaha oo halis ah. Angela Schlegel waxaa isbitaalka la dhigay 11 maalmood kaddib markii ay kasoo muuqdeen calaamadaha coronavirus. Xaaladdeeda wadna xanuunka – oo dhakhaatiirtu ay sheegeen inay u dhiman kartay – waxaa la ogaaday markii la geeyay qeybta daryeelka gaarka ah ee loo yaqaanno ICU-da, ee isbitaalka Royal Brompton, oo ku yaalla magaalada London. Gabadhan 36 jirka ah waxay tiri: “Aad baan u argagaxay markii la ii sheegay in wadnaheyga uusan u shaqeyneynin sidii loo baahnaa.” Waxaa horay loo geeyay isbitaallada Chelsea iyo Westminster, 22-kii March, halkaasoo baaritaannadii lagu sameeyay ay muujiyeen cilladda sambabadeeda iyo wadnaheeda. Waxaa durbadiiba loo gudbiyay isbitaalka weyn ee Royal Brompton, waxaana loo billaabay dawooyinka ku haboon xanuunnadeeda halista ah. Cudurka la ogaaday inay qabto – oo dhif ugu dhaca dadka – ayaa sababi kara inay waxyeello burbur ah gaarto unugyada jirka, wadnaha, sambabbada, kalagoysyada iyo neerfayaasha. Angela waxay sheegtay in ICU-da ay khibrad adag kala kulantay Ms Schlegel waxay sheegtay inay muddo 2 sano ah dhakhaatiirta ugu tageysay xanuunka neefta oo ay qabtay, “laakiin waligeed aysan ka warhelin xaaladda khatarta ah ee uu ku sugnaa wadnaheeda”. “Haddii xanuunka aan qabay aan dhakhso la iga daaweyn lahayd waxaan qarna u saarnaa inaan dhinto,” ayey tiri. “Coronavirus ayaa igu abuurayay walwal badan iyo naxdin, wadnaheygana wuxuu dareemayay cadaadis badan, sidaas darteedna dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen inuu sii xoojiyay xanuunkii jirkeyga ku qarsanaa. “Wuxuu badbaadiyay nolosheyda dambe, laakiin hadda coronavirus wuxuu ku dhawaaday inuu i dilo.” In Angela Schlegel ay caafimaaddo waxay dhiirrigalin weyn u noqotay shaqaalaha isbitaalka Ms Schlegel, oo shan isbuuc ku jirtay isbitaalka, waxay howl-wadeennada laanta adeegga caafimaadka ee NHS ku tilmaantay “mid aad u wanaagsan”, maadaama ay ku dadaaleen badbaadinteeda. Mid ka mid ah dhakhaatiirtii ay la kulantay, oo lagu magacaabo Dr Pugan Patel, ayaa BBC-da u sheegay in caafimaadka ay heshay Ms Schlegel uu “saameyn aad u ballaaran” ku yeeshay niyadda shaqaalaha caafimaadka. “Marka aad aragto bukaan lugihiisa ku istaagay oo dhoollacaddeynaya saameyn weyn ayey kugu yeelaneysaa,” ayuu yiri bbcsomali Qaran News
-
Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa soo jeediyay in qaadka lag joojiyo dalka, sidaasi waxa ay u sheegeen shabakada qarannews, oo waraysatay isla markaasina wax ka waydiisay aragtidooda joojinta qaadka. Dad aad u tiro badan oo isugu jira rag iyo dumarba ayaa xukumadda u soo jeedinaaya in aan qaadka la hakin ee gabi ahaanba la joojo, waxana ay sheegeen in mudadii yarayd ee uu maqnaa ibedel dhaqaale oo xaga qoysaska ah la dareemay, dhanka kalana qaar ayaa taageersan in todobaadkii laba cisho uun la ogolaado in uu dalka soo galo. Goobaha ay dadweynahu isugu yimaadaan waxa ayaamahani ugu hadal hayn badan wararka qaadka iyada oo ay dadweynahu aragtiyo badan ka kala bixiyaan Waxana aalhirka la isku raacaa in geedku yahay geed shaydaan oo halis ku ah caafimaadka iyo dhaqaalaha labadaba Qaran News
-
Burburka diyaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo war ka soo saartay diyaarad shalay ku burburtay degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa sheegtay in ay baaritaan deg deg ah ku samayn doonto sababta keentay Shilkaasi. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa faahfaahin looga bixiyay diyaaradda burburtay oo ay lahayd shirkadda African Express, islamarkaana ahayd Embraer 120 oo nooca Xamuulka qaada ah. Qoraalka wasaaradda, ayaa lagu sheegay in diyaaradda burburtay oo ka timid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ay ku socotay degmada Bardaale oo ay Xamuul u sidday, halkaasna ay ku burburtay 3:30PM ee saacadda Bariga Afrika. Diyaaradda oo ku diiwaan-gashanayd 5Y-AXO, oo ay samaysay Shirkadda Embraer Numberkeeduna yahay 259, waxay duullimaad gashay 27-July 1983, sida ku xusan qoraalka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya, waxay sheegtay in ay baaritaan daah-furan oo deg deg ah ku samayn doonto shilkaas, waxaana ay ballan-qaadday in ay si dhakhso ah u shaacin doonto natiijada baaritaanka. Sidoo kale, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay, ehelada iyo asxaabta dhammaan dadkii ku geeriyooday diyaaradda, inkastoo dowladdu aysan sheegin tirada dadka ku geeriyooday shilkaas. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay diyaarad ku burburtay degmada Bardaale appeared first on Puntland Post.
-
Bardaale (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya diyaaraddii African Airways ee shalay si ula kac ah loo soo riday, iyadoo wararku sheegayaan in lagu soo riday qoriga lidka diyaaradaha xili masaafo 5km ugu harsaneyd inay kusoo degto garoonka Bardaale. Diyaaradda oo nooceedu ahaa E120 ayaa siday shixnad gargaar daawo ah, waxaana ku nafwaayay lixdii qof ee saarnaa diyaaradda. Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in duulimaadka diyaaraddaasi ay haysatay ogolaansho wasaaradda duulista DF, iyadoo horay loo wargeliyay maamulka garoonka diyaaraddaha Bardaale, lagana war qabay xiliga duulimaadkaasi uu kusoo wajahnaa garoonka. Garoonka oo saldhig milateri ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa xiligaasi waxaa ka socday dabrid ay ciidanka ku sugnaa xeradaasi sameynayeen, waxaana hawada xiligaasi soo gashay diyaaradda oo soo wargelisay maamulka hawada. Hase ahaatee si shaki la’aan ah qoriga Zuuga ee lidka diyaaraddaha ay ciidamadii Itoobiyaanka ku rideen iyadoo si sharciga DF waafaqsan u duuleysay. Dood ayaa ka taagan sababta ay ciidamadii Itoobiyaanka ee dab ridka sameynayay ay si ku talagal ah usoo ridaan diyaarad si sharciga waafaqsan oo ogolaansho ka haysato DF haddane gargaar siday ay usoo ridaan. Waxaa isweydiinta mudan, yaa qaadanaya eeda iyo mas’uuliyada sababta ay u dhinteen shaqaalihii diyaaraddaasi ku talagalka loo soo eiday, ma Dowladda Itoobiya, mise waxaa dusha u ridan doona AMISOM oo ay ciidamadaasi ka tirsan yihiin mise dowladda federaalka ayaa lagula xisaabtami doonaa maadaama iyado dalka ka taliso, ciidamada Itoobiyana gacan saar aad u fog la leh madaxdeena?.
-
Facebook CEO Mark Zuckerberg likes to sing the praises of his platform as a champion for freedom of expression, but this rings hollow for many journalists in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
'We can't thank Turkey enough' for aid to fight coronavirus, says Somali foreign minister Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, May 4 (Xinhua) -- Somali army confirmed on Monday that its forces killed 10 al-Shabab fighters on Sunday at one of its military bases in southern region. Source: Hiiraan Online
-
Coronavirus could kill, but hunger kills many more people' Source: Hiiraan Online
-
'Coronavirus could kill, but hunger kills many more people' Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta xanuunka Coronavirus waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay diiwaan gelisay 34 kiis oo COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 26 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 8-da kale ay yihiin haween.. Tirada guud ee bukaannada laga helay COVID-19 ee wasaaraddu diiwaan gelisay ayaa gaartay 756 waxaa bogsootay 61 Ruux. 35 ruux oo kale ayaana u geeriyooday. Wasiir Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in ay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo khatarta cudurka. PUNTLAND POST The post Tirada dadka qaba COVID-19 ee laga helay Soomaaliya oo gaartay 756 kiis appeared first on Puntland Post.
