Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Macallimiinta wax ka bara Iskuullada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa ka cabanaya mushaar la’aan dhowr bil ah oo haysata. Macallimiintaan ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan aysan qaadan wax mushaar ah bishii March illaa hadda, islamarkaana aysan fileyn bilaha soo socda. Qaar ka mid ah macallimiinta ayaa Caasimada Online u sheegaya in sababta mushaharka loogu diiday ay tahay kadib markii wasaaradda waxbarashada ay dabayaaqadii bishii March ku dhowaaqday in lasoo sanad dugsiyeedkii xilli ay ka harsan tahay dhowr, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. “Waxaa na loo sheegay in maadaama iskuulladii la xiray aynan lahayn wax mushahar ah,” ayuu yiri Macallin la hadlay Caasimada Online, oo intaas ku daray inay marayaan ciqaabta shaqo aysan ayaga joojin. Tobaneeyo ka mid ah macallimiinta oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay in dadaal badan oo ay sameeyeen ay ku guul darreysteen helida Xuquuqdooda waxayna baaq u direen madaxda dowladda Soomaaliya. “Waa ramadaan, Ciidii ayaa soo dhaw wax mushaar ahna ma helin 3 bilood, waxaan codsaneynaa in xuquuqdeyna nala siiyo,” ayuu yiri mid ka mid ah macallimiinta oo nala hadlay. Barayaashaan oo gaaraya dhowr kun oo ku nool Muqdisho iyo goballada dalka ayaa wajahaya xaalado adag mana ku dhiiran karaan iney warbaahinta si shaacsan uga hadlaan, sababo la xariirta rajo ay ka qabaan shaqadooda. Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya wali kama aysan hadlin qeyla dhaanta macallimiinta, sidoo kalena kama jawaabin xiriir ay la samaysay Caasimada Online.
  2. Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlayay Diyaaradii Shalay ku burburtay Duleedka Bardaale ayaa waxay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay dhoolatus cirka ah sameynayaan Shalay tasoo [...] Source
  3. Jaaliyada Toronto ee Dalka Canada ayaa ilaa hada gacanta ku heysa Aduun gaaraya 24,000 oo Dollar, Walina waxay wadaan Arurinta lacagta, Dhaqaalahaan ayaa maalmaha soo [...] Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Jibriil Xagar oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 05/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay ciidamada iyo dalkaba kana mida ahaa saraakiishii aas-aastay ee seeska u dhigtay dhismaha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, xilal kala duwanna ka soo qabtay, isagoo sannadihii 2005 ilaa 2010-kiina ahaa taliyaha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  5. Sheekaddii Xaraf iyo Ciidamadii Berigii Qaadka la Joojiyey. Berigii Siyaad Barre dalka madaxweynaha ka ahaa ayaa ciidankii Turubutaariyadda iyo ciidankii Booliska ee magaaladda Hargeysa loo dirayaa tuuladda Xaraf ee duleedka magaaladda Hargeysa si ay uga soo baadhaan in Qaadkii oo lagu tuhmayey in halkaasi uu uga soo galo magaaladda gudaheeda. Waa Xiliyaddii Qaadka la joojiyey sanadaddii sideetamaadkii horaantiisii. Kootarabaan bilaa canshuur ah iyo Qaadkaba waa lala dagaalamaayey oo xataa ciidanka milateriga laftiisa ayaabay qaarkood ka falaagoobeen oo gawaadhiddii maqaadiirta ku soo qaadi jireen oo qaar baaba soo gelin jiray. Ciidankii kolkii ay soo galeen Tuuladdii ee ay kolba xaafadihii qaar iyo goobahii meheradaha ahaa baadhbaadhayaan ayaa nin Maqaaxi tuuladda ku haystay kolba raggii magaaladda joogay kolba mid u yeedhayaa iyagoo ciidankii maqlaaya. Raggaasoo naaneyso cajiib iyo cabsiba leh lahaa. Magacayadda waxaa ka mid ahaa Orgome, Israa’iil, Abees, Aakhiro Seben, Taajir Caydh iyo Kabo-caydh. Markii ugu danbeysay isagoo leh “waar Hurgumoow furaha keen iyo mee Aakhiro Seben”. Kolkay ciidankii maqaaxidii uu Qaadku yaalay hortiisii soo istaageen, ayaa nin Kabo Caydh la odhan jiray maqaaxidii ka soo baxay isagoo kor u qaylinaya isagoo leh “ waar Orgame mee? Iyo jawaab kale oo leh waxay is raaceen Aakhiro Seben iyo Taajir Caydh” iyo hadal kale oo leh waar bal soo toosi Arsaa’iil iyo Kawkabana.” Ciidankii dawladda ee la soo diray oo kolba is eegaya oo magacyaddan la yaaban ayaa ninkii watay mar danbe ku odhanayaa ciidankiisii “yaakhii meeshan inaga wada dad oo Jin ah baa jooggee.” Iyagoo hareeraha eegeegaya ayeey baabuurtii fuuleen iyagoo qaar leeyahiin “Bismilaahi Raxmaani Raxiim, waar ma xero jin baynu soo galnay”. Imika malaha sheekaddii oo kale ayaa ka bilaabantay intii Qaadka la joojiyey. Source
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay diyaarad ay leedahay, islamarkaana u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo shalay galab ciidamada Itoobiya ay ku soo rideen agagaarka garoonka degmada Bardaale ee gobolka Baay. Warka soo baxay Kenya ayaa waxaadowladda federaalka looga dalbaday in ay baaritaan dhab ah ku sameyso sababta loo soo diray diyaaraddaasi oo siday shixnad gargaar ah. Sidoo kale Kenya ayaa ka dalbatay beesha caalamka inay qeyb ka noqoto oo ay la socoto baaritaankaasi, si loo ogaado waxa keenay in la soo rido diyaada. Shilkaan diyaaradeed ayaa waxaa ku nafwaayay dhammaan dadkii saarnaa oo lix qof ahaa, kuwaas oo kala ahaa aptan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid C/laahi Maxamed. Dhinaca kale waxaa laha yaabaa in dhacdadaan ay sii hureyso xiisada u dhexeeya wadamada Kenya iyo Itoobiya oo iyadi lagu eedeeyey inay soo riday diyaaddaasi. Raashid Cabdi oo ah falanqeeye ka faalooda arrimaha gobolka, gaar ahaan geeska Afrika ayaa sheegay in suuragal ay in dhacdadaan ay sare xiisada labada dal, maadaama aaga ay diyaaradu ku burburtay ay maamulaan ciidamada Itoobiya ee lagu eedeeyey shilkaasi. “Kenya iyo Itoobiya ayaa u karaar-qaadanaya dagaal. Aag ay maamulaan ciidamo Itoobiyaan ah in ay kusoo dhacdo diyaarad ganacsi oo Kenya laga leeyahay waxay muujineysaa hoos u dhac cusub.” ayuu yiri Raashid qoraal soo dhigay Twitter-kiisa.
  7. Hawlgal ay saakay Ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Degmada Awdhiigle iyo deegaanka KM 50. ayaa waxa ay ku burburiyeen Miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen dhul ballaran oo horay looga saaray. Howl-galkaan Lagu bur buriyay Muniiyinka ayaa waxaa sameeyay ciidamo ka tirsan ururka 66-aad ee Guutada 14 octobar ee Ciidanka Xoogga Dalka somaliyeed ee jooga deegaankaas. Taliyaha ururka 66-aad ee Guutada 14-octobar ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Axmed Maslax Xuseen oo la hadlay Warbaahinrta qaranka ayaa faah faahiyay howl-galkaan lagu soo saaray miinooyinka. Ciidanka Xooga dalka ayaa howl-gallo lagu baacsanayo Al-Shabaab ka waday guud ahaan dalka waxaana gobolka shabeellah hoose howl-gallo ay ka sameeyeen ay kala wareegeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi iyagoo qasaaro xoogan gaarsiiyay Al-Shabaab sida ay sheegteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi. Qoraal kooban oo uu la wadaagay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayuu ku sheegay in uu iska casilay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin arrimaha keenay iscasilaaddiisa. “Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inan iskacasilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntland” ayuu ku yiri qoraalkiisa. G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland loo magacaabay, 2-dii bishii Maarso ee sannadkii tegay ee 2019, waxaana uu xafiiska joogay mudda sannad iyo afar bilood ah. PUNTLAND POST The post Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo iscasilay appeared first on Puntland Post.
  9. The High-Level Virtual Meeting on Somalia took place on 29 April 2020, co-chaired by the Federal Government of Somalia (FGS) and the African Union (AU) attended by the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the European Union (EU), United Nations (UN), Turkey, United Kingdom and United States also attended the meeting; 2. The meeting comes at a time when the world including Somalia is battling with the unprecedented challenges posed by COVID-19. The pandemic has claimed lives, disrupted livelihoods increasing the rate of unemployment, exacerbating the risk of food insecurity, hindering the capacity of the Federal Government and Member States to deliver services to the Somali people; 3. The meeting expressed deep concern over the multiple of threats faced by Somalia. In addition to the challenges posed by the novel coronavirus, the country is also dealing with floods caused by heavy rains, the locust invasion as well as the attendant humanitarian crisis, which have displaced many. During these uncertain times, the meeting called for the promotion of a people and partnership centric approach in support of the Somali people. In the same vein, the meeting also called upon all Somalis in positions of political, economic and social responsibility to unite and put the safety of Somali citizens as their primary concern; 4. The meeting took note of the efforts being deployed by the Federal Government (FGS) of Somalia towards promoting inclusive political participation and dialogue with its Federal Member States (FMS) and the articulation of a common vision for Somalia. Participants encouraged the FGS and its FMS to continue to engage in regular political dialogue at all levels and strengthen technical level engagement on security cooperation and development. The meeting also noted that Somalia has committed to building political consensus in order to tackle the threat of Al-Shabaab as well as the other national priorities; 5. The meeting welcomed the noteworthy progress over the course of the last six months made by the FGS in the implementation of its legislative agenda, in particular the signing into law by President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, on 26 December, 2019, of the Public Finance Management and Corporate Legislation Act, as well as the approval by the House of the People of Federal Electoral law and its signing into law by President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, on 20 February 2020; 6. The meeting commended Somalia’s commitment to restoring macroeconomic stability through the strengthening of macroeconomic management, rebuilding financial institutions and improving governance, as part of meeting its requirements under the IMF Monitored Program (SMP) and congratulated the Federal Government on reaching the Decision Point on debt relief, allowing the FGS normalize it ties with international financial institutions, which will facilitate new development financing and boost Somalia’s economy to better address poverty, and ensure sustainable development for its people; 7. The meeting also took note of the reforms in the security sector including the biometric registration of all Somali National Army personnel, the direct payment of regular salaries to soldiers, the establishment of a human resource management system, progress towards the enactment of the implementation of the Pensions and Gratuity bill and the establishment of partner training programs to professionalize military and police personnel. The meeting further welcomed the beginning of the Badhbado security operations that have resulted in the Somalia National Army’s first hold operations. In combination, these reforms are crucial steps to bolster the governance and institutions of Somalia, which in turn strengthens security; 8. The meeting encouraged the FGS and FMS to maintain dialogue and unity of purpose to agree on a common vision of federalism and finalise the constitutional review, and, in preparation for the elections, move forward on the electoral legislation. The meeting participants called on international partners to continue to mobilize resources to supplement the Federal Government’s financing of the multi-party universal elections in 2020/21; 9. The meeting expressed deep concern over the continuous and indiscriminate attacks by the primary threat to security, Al-Shabaab against civilian population and facilities, as well as targeted assassinations of Government personnel, prominent politicians, AMISOM personnel, foreigners as well as humanitarian staff; and further acknowledged that Al-Shabaab still poses an existential threat to the peace, security and stability of Somalia and the region as a whole; 10. The meeting noted that strengthening Somali capacity to defeat the asymmetric threat posed by the organisation, in particular, its use of improvised explosive devices, and to restore State authority over Al-Shabaab-controlled territory is a priority for Somalia and international partners. However, a new parallel approach is required to degrade the terrorist group’s appeal as well as its capacity and capability to adapt. Somalia and its partners must find new ways to respond to this evolution. Renewed efforts to tackle the evolving threats posed by the terrorist group including extortion, financing, logistics, recruitment, alternative governance, communications and commercial enterprises requires a comprehensive security approach including a robust political, socio-economic, stabilisation and reconciliation strategy geared towards supplementing the hard-earned security efforts; 11. The meeting commended the vital work of AMISOM and its Troop Contributing Countries’ vital work in enabling security and stability to allow Somalia to establish political institutions and extend state authority. It recognized that AMISOM’s effort comes at great sacrifice, and commended the bravery and commitment of its personnel, as well as Somali forces, in fighting Al Shabaab. It welcomed the progress in Lower Shabelle and noted the importance of sufficient security and stabilization efforts in the liberated areas to preserve and build on these gains. It called for renewed offensive efforts in coordination with the Somali National Army and FMS security services in all AMISOM sectors, and underlined the need for renewed progress on the Somalia Transition Plan (STP); 12. The meeting further acknowledged that for Somalia and AMISOM to succeed in the implementation of the Somalia Transition Plan (STP) and in the fight against Al-Shabaab, there is a need for a common, coordinated and comprehensive approach among the Somalia stakeholders on the one hand and with AMISOM troop contributors on the other hand, which would enable the FGS to pursue the security sector reforms necessary, including force generation to develop the capability needed to relieve AMISOM. The meeting recognized the need to identify the threats to Somalia’s stability and security in the current context, and to take a fresh look at what steps need to be taken by Somalia and international partners to enable Somalia to assume primary responsibility for security and enable the completion of AMISOM’s mandate. 13. The meeting recognized that there have been delays in the implementation of the STP. As such, the meeting called for the STP to be revised and updated with clear defining roles for all key stakeholders. The meeting further recognized a further reconfiguration of AMISOM is necessary in support of Somalia’s primary role in securing its citizens post-2021. In this regard, the meeting called for an updated Transition Plan with roles and responsibilities clearly defined for all the concerned stakeholders and for the mandate renewal to take into account the realities on the ground. The meeting further called upon the forthcoming UN Security Council Resolution defining the renewed mandate for AMISOM to provide guidance on the direction necessary and recognised by this meeting; 14. The meeting recognised the need to take collective responsibility for sustainable funding for AMISOM in the bridging period and for future international security presence in order to successfully achieve the objectives of the revised Somalia Transition Plan; 15. The meeting underscored the need for continued regional political consensus in support of a Somali-led and owned agenda. As such, as Somalia takes great strides towards the next chapter of its statebuilding agenda, the meeting called on the regional and extra regional players to continue playing a united and cohesive role in supporting Somalia. The meeting welcomed the call for a broader regional engagement. In this regard, the AU in close collaboration with IGAD will continue to engage its Member States to secure a regional consensus in support of Somalia; 16. The meeting commended IGAD, the UN, the EU and other bilateral partners for their financial and material support to AMISOM and their commitment to continue supporting the build-up of Somali security capacity supported by future international security presence in the implementation of a revised Somalia Transition Plan; 17. The meeting further commended IGAD, the UN, EU, UK, USA, Turkey and other bilateral partners for their continued financial and material support to both the FGS and AMISOM. 18. The meeting acknowledged that this is an important platform to forge a collective, unified and coordinated approach in support of UNSC 2472. Participants agreed that they would hold this high level meeting on a quarterly basis to assess progress, challenges and identify concrete steps to address them. View the full article
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow dagaal xoogan uu ka qarxay deegaanka Qalaanqalle oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedk Galmudug. Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaas, kuwaas oo isku haya arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu sii xoogeysanayo Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda deegaankaasi. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona wararka ay sheegayaan in dagaalka ku sii fidiyo tuulooyin ku dhow deegaanka Qalaanqalle ee gobolka Gaduud. Maleeshiyaadka diriraya ayaa maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyey halkaasi, iyadoo ay fashilmeen dadaallo la doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac. Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka oo ku wada sugan gobolkaasi.
  11. (SLT-Hargeysa)-Waxa dhawaan dalka Tansaaniya ku geeriyooday Augustine Mahiga oo mar ahaa ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaalida. Augustine Mahiga ayaa safaro badan ku iman jiray magaalada Hargeysa, waxaanu wargeyska Geeska Afrika, halkan akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa khilaaf diblomaasiyadeed oo bishii November ee sannadkii 2012 ka dhex qarxay madaxweynihii xilligaas ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Augustine Mahiga oo markaas ahaa ergayga Qaramada Midoobay. Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigaas wuxuu si adag uga jawaabay dhambaal uu u soo diray Augustine Mahiga, kaas oo uu Mahiga ku soo qoray luuqad quudhsi iyo gef ku ahayd qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa wakhtigaas u suurtogashay inuu arko laba waraaqood oo ay isweydaarsadeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Mahiga. Danjire Mahiga. Augustine Mahiga ayaa Madaxweyne Siilaanyo wuxuu 7 November 2012 u soo diray dhambaal uu kaga codsanayay inuu la kulmo wefti ka socday Qaramada Midoobay oo dib u qiimayn ku samaynayay qaabka ay tahay inay Qaramada midoobay uga hawlgasho gobalka. Sida uu Geeska Afrika wakhtigaas arkay Qoraalkaas uu Mahiga ku dalbanayay inuu Madaxweyne Siilaanyo qaabilo weftigaas, wuxuu ku socodsiiyey “Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya.” Ereygaas oo u muuqda inuu yahay weedha damaqaday madaxweyne Siilaanyo, jawaabtiisana uu halqabsiga uga dhigay, isagoo u tilmaamay inuu yahay erey gef iyo edeb darro ku ah shacabka Somaliland ee sida Dimuqraadiga ah ugu soo doortay madaxweynaha oo aanay Mahiga hortii isticmaalin dawladda Somaliland iyo dunida ay xidhiidhka la leedahay midkoodna. Jawaabtii Madaxweyne Siilaanyo Madaxweyne Siilaanyo wuxuu qoraalkaas Mahiga ka jawaabay 20 November 2012, waxaanu si adag uga jawaabay weedhaas uu ergayga Qaramada midoobay qoraalkiisa ku bilaabay. Sida ku cad dhambaalka Madaxweynaha ee uu Geeska Afrika arkay wakhtigaas, wuxuu Madaxweynuhu ugu hanjabay inuu dib u qiimayn doono in xafiiskiisa Hargeysa oo wakhtigaas loo yaqaanay UNPOS uu u taaganyahay danaha Somaliland iyo in kale. “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland, waxaan jecelahay inaan saxo ereyga gefka ah ee ku jira warqadaada ee igu tilmaamaya Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya, waa erey ay dawladaydu u aragto inaanu ahayn kii haboonaa. Ereygaasi waa gef iyo weliba edeb darro, iyadoo magacani aanay isticmaalin dawladayada iyo dawlad kale oo nala macaamisha toona.” Ayuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku yidhi qoraalkiisa jawaabta ah, waxaanu isagoo ka hadlaya xafiiskii Mahiga ee Hargeysa uu yidhi, “Waxaan hadda dib u eegis ku samaynayaa inuu joogitaanka xafiiskaaga UNIPOS ee Hargeysa uu dan u yahay dalka.” Madaxweynuhu wuxuu diblomaasigan xasuusiyay halganka dheer ee loo soo maray madaxbanaanida Somaliland isagoo ka soo bilaabay wakhtigii gumaysigii Ingiriiska, Midowgii lagu hungoobay ee Somaliya iyo halgankii xorriaydda dib loogu soo celiyay, waxaanu sheegay in madaxbanaanida Somaliland si cad loogu xaqiijiyay aftidii distoorka Somaliland ee sannadkii 2001-kii. Waxaanu xasuusiyay in weedha uu dhambaalkiisa u adeegsaday si cad uga horimanayo shirkii Ingiriiska lagu qabtay bishii Feebarwari ee 2012 oo laga soo saaray baaq lagu dalbanayay wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya. Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqdya mid si farshaxan leh loo qoray, waxa kale oo uu ergaygan geeriyooday ee reer Tansaaniya u tilmaamay in qoraalkiisu si cad uga hor-imanayo dedaalada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo amniga gobalka Geeska Afrika. Source
  12. (SLT-Boorama)-Masaajidka Huda oo kamid ah Masaajidada magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa xalay si rasmiya looga joojiyey ku tukashada salaada Taraawiixda. Culimada masjidkaasi gacanta ku haysa maamulkiisa ayaa sheegay inay markii ay ka tashadeen xaalada taagan, ay go’aansadeen in Masaajidka laga xidho salaada Taraawixdo oo aan lagu tukan. Waxayna ku baaqeen in guryaha lagu tukado salaada Taraawiixda, xiliga uu jiro cudurka faafa ee Covid-19, maadama uu cudurkaasi si fudud ugu dhex faafayo bulshada badan. Sheekh Maxamed Siciid ‘Saaweer’ oo kamida ah maamulka masaajidka Huda, isla markaana ah Imaamka masjidkaasi, ayaa si cad u sheegay in shanta salaadood ee kale sidoodii loogu tukan doono masaajidka, balse laga joojiyo uun salaada Taraawiixda. Go’aankaasi ayaa ku soo beegmaya xili uu cudurka Coronavirus uu ku faafay deegaano ka tirsan Somaliland, iyada oo qofkii u horreeyay ee cudurkaasina ugu geeriyooday magaalada Boorama. Masjidka Huda ee magaalada Boorama ayaa noqonaya masaajidkii u horreeyay ee gudaha Somaliland laga joojiyo ku tukashada salaada Taraawiixda, xili uu hore u fashilmay qorshe ay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku dooneysay inay ku joojiso in salaadaha lagu tukado masaajidada. Source
  13. Madaxa hey’adda difaacda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika Xasan Shire oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxaa uu ka hadlay madax bannaanida saxaafadda iyo xoriyatul qawlka hadalka waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in haddii dowladi xirto ama jirdil u geysato saxfi sabab la xiriirta war uu baahiyay inay tahay dowladdaasi mid xun islamarkaana ay ku tumanayso xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida “Dowlad Wariyaha u xirto ama u jirdisho maxaad warkaas u sheegtay waa dowlad xun wasiir inta meel soo istaago isku dayo inuu marmarsiyo u sameeyo caburrinta saxaafadda waxaa la yiraahdaa dilaa saxafi, waaana la cambaareyaa” ayuu yri Madaxa difaacayaasha. Xasan Shire ayaa dhinaca kale waxa uu walaac ka muujiyay in Soomaaliya ay kaalmaha ugu hoseeya uga jirto xoriyadda hadalka “Soomaaliya 163 ayey uga jirtaa sanadkaan meesha ugu hooseysa xataa gobalka oo Burundi iyo Koonfurta Suudaan wey ka hooseysaa marka la fiiriyo celceliska dhibaatada ku dhacda dadka saxaafadda u olo oleeya iyo kuwa ka shaqeeya” waxa uuna arrinkaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah. Isaga oo sii hadlay ayuu sheegay in hadii la waayo saxaafad madax bannaan aysan jiri doonin xoriyad iyo madax bannaani kale “haddii la waayo saxaafad madax bannaan xoriyad kale iyo madax bannaani kale oo jiri karta ma jirto dimuquraadiyad lama gaari karayo dowlad hufnaan lama gaari karo haddii aysan jirin xoriyad dhab ah oo saxaafaddu leedahay oo ka fog cabsi intaas baa gundhig u ah marka 1-aad”. Sidoo kale Xasan Shire ayaa soo hadal qaaday kaalinta ay ku jirto saxaafadda marka loo eego xoriyaadka kale ee hadalka waxa uuna carabka ku adkeeyay in saxaafadda ay horkacayso dhamaan xoriyayaadka kale ee hadalka. “Saxaafaddu waa tiirka ugu weyn xuquuqaha kale iyo xoriyayaadka kale ee aasaaska ah hadii ay ahaan lahyd tii faafidda fikirka, tii nabadaynta, tii is barbardhiga, tii dowlad wanaaga, tii dib u dhiska wadanka saxaafaddu waa meesha udubka u ah in xoriyaadkaas la gaaro” ayuu yiri Xasan Shire. Dhanka kale madaxa hay’adda difaacayaasha ayaa tilmaamay in dalkasta oo caburiya saxaafadda uu hayo dhabihii burburka isaga oo sheegay in qofka doonayo inuu ku qabto afka uu damacsanyahy inuu fushto dano gaar ah oo uusan doonayn in la soo bandhigo. “Haddii aad aragto wadan saxaafaddu burbursan tahay waa waddan burbur ku socda waa waddan aan xoriyaadkii kale la dhowrayn maxaa yeelay qofka afka ku qabto macnaheeda waxay tahay wuxuu doonayaa wax ka dhan ah xuquuqaadkaaga kale inuu fushto iyada oo aan lala hadlin, wuxuu doonayaa inuu dadka iska dilo ama iska xiro ayadoon la daba galin” ayuu sii raaciyay. “Dowlad diidda ama ka soo horjeesatada in la faafiyo ama la soo bandhigo fikiro kuwa iyada ka duwan ah macnaheedu waxa ay tahay waa dowlad ay u qarsantahay ku takrifal shaqsiyaadka dowladda ee kaca inay caburiyaan ay jahwareeriyaan dadka u dooda saxaafadda waa dad la calaamadeysan doono oo waqti waqtiyada ka mid ah runta la hor keeni doono” Dowladda ayuu ugu baaqay inay aqoonsadaan in saxaafaddu tahay xor isaga oo yiri “Dowladda waxaan farayaa oon u soo jeedinaynaa in saxaafadda xorta ah ay aqoonsadaan inay xortahay u daayaan doorkeeda ah inay tiirka afaraad ee dowladnimada”. Dowladda Farmaajo ayaa lagu dhaliilaa inay caburiso saxaafadda madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinac Skypka Uu Mudan Xasan Shire Siiyay Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi ayaa Axadii weerar siyaasadeed ku qaaday Dr. Cabdi Gaboose, oo uu ku eedeeyay sawir baraha bulshada qabsaday oo ku saabsanaa afur wadareed uu cisbitaalka Haldoor ee Dr. Gabose u sameeyay shaqaalihiisa. Madaxweyne Biixi ayuu hadalkiisu u muuqday mid ku tallo gal ah oo aan gole ka fuul ahayn, waxaanu doonayay inuu Dr. Gaboose farriin hawada u mariyo. Hadalka Madaxweyne Biixi ayay dadka siyaasadda falanqeeyaa u arkeen inay ka dhex muuqatay culays siyaasadeed oo uu Dr. Gabose ku hayo Madaxweyne Biixi balse aan bulshada badankeeda u muuqanin. Inkastoo Dr. Gaboose aanu wakhtigan ka tirsanayn, madaxna u ahayn xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah, haddana waxa suurtogal ah in Madaxweyne Biixi Dr. Gaboose u arko siyaasi mucaarad ah oo ka soo horjeeda hoggaamintiisa, waana sababta uu u doortay inuu bulshada farta ugu fiiqo sawirada laga soo qaaday cisbitaalka Dr. Gabose. Waa suurtogal in Madaxweyne Biixi oo xariif ku ah siyaasadda gudaha iyo muquuninta mucaaradkiisu uu doonayo inuu Dr. Gabose madaxa jebiyo oo uu siyaasad ahaan wiiqo, kana faa’iidaysto fursada sawirkaas uga soo baxday. Dr. Gaboose ayaa ahaa maskaxdii ka dambaysay joojinta jaadka ee qaaday ololaha Madaxweyne Biixi loogu baaqayay inuu joojiyo jaadka, kaas oo ay xukuumadu joojisay balse aan u joogsan sidii la filayay magaalooyinka dalkana ku soo gala isagoo kootarabaan ah. Inkastoo ay bulshadu u sacab tuntay joojinta qaadka, haddana la dagaalanka jaadka Kootarataanka ah ayaa sababay dhimasho iyo khasare hantiyeed, waxaana laga yaabaa inuu mashquliyo hay’addihii ammaanka ee dalka. Marka ay sidaas tahay waxa laga yaabaa inuu Madaxweyne Biixi iska qoomameeyay joojinta qaadka iyo taladaas Dr. Gaboose ee uu qaatay. Waa suurtogal inuu markii dambe u arkay inay ahayd tallo siyaasi oo uu ku deg degay qaadashadeeda. Dad badan ayaa qaba in qodobkani ka mid yahay sababta Madaxweyne Biixi ka keentay inuu eed u jeediyo Gaboose. Idaacadda Radio Hargeysa ee ay dawladu maamusho ayaa shalay ilaa xalay baahisay faallooyin ka dhan ah Dr. Gaboose, kuwaas ahaa weerar lagu beegsanayay Dr. Gaboose iyo cisbitaalkiisa, bulshadana la doonayay in loo tuso inaanay wada socon ficilka iyo qawlka Dr. Gaboose. Faalladda Idaacadda ayaa waxay daba socotaa hadalka Madaxweyne Biixi. Hase yeeshee weerarka uu Madaxweyne Biixi ku duqeeyay Dr. Gaboose ayay dad badani u arkaan inay Dr. Gaboose u tahay faa’iido siyaasadeed, waxaana suurtogal ah in weerarkii Madaxweyne Biixi ee uu doonayay inuu ku wiiqo siyaasiyan dhakhtarka, uu kor u qaado miisaanka siyaasadeed ee Dr. Gabose, iyadoo laga yaabo in Dr. Gaboose ay dad badani u arkaan nin buuxin kara kaalinta mucaaradnimo oo ay bulshadu beryahan dambe tabaysay inay banaantahay. Source
  15. Maalin maalmaha ka mid aheyd, ayaa waxaa isu yimid habar-dugaag oo dhan oo uu Libaax boqor u yahay, waxayna ugaadhsadeen oo disheen neef Geel ah. Libaaxii baa Waraabihii ku amray inuu neefka hilbihiisi qaybiyo. Waraabihi baa yidhi ciidanku waa badan yahay, neefka badhkiis ha qaateen, adigoo Libaax ahna, badhka kaloo dhan wada qaado. Libaaxii oo isagu isla rabay, inuu neefka dhan wada qaato, oo markii uu iskiis uga dhargo inta kale ee hambada iyo lafaha hadha ay habar-dugaagoo dhan wadaagaan. Libaaxii aad buu uga xanaaqay fikirkaa waraabaha oo intuu bahal dhirbaaxo ah waraabihi ku dhuftay, ilna halkaas kaga soo tuuray. Ka dibna dawaco ayuu ku amray inay bal iyaduna, neefki hilibkiisii qaybiso. Dawaco, oo wixii waraabaha ku dhacay cashar weyn ka qaadatay ayaa tidhi ( boqoroow ku wada siiyaye – neefka wada qaado). Libaaxii oo qaybinta dawacada ku qancay ayaa dawacadii ku yidhi (yaa sidaan wax-qaybinta wanaagsan kuu baray?), ka dibna waxay tidhi (isha dhurwaa ka laalaaddaa i bartay). Maalinkii danbe ayaa iyadoo Libaaxii goobti ka maqan yahay oo uu Waraabe meesha u sarreeyo, Dawaco na la joogto ayey neef geel ah disheen. Waraabihii oo xasuusan jawaabtii Dawacada ay Libaaxa hore u siisey iyo qeybintii khilaafka neefkii hore, isagoo waraabihii xanaaqsan ayuu Dawaco ku xukumay in cunida neefkan laga qadiyo, ayna qasab ku daawato neefka hilbihiisa oo la cunayo, oo laga mamnuuco iney ka hadasho baahideeda. Waraabihi oo jawaabtIi ay dawacadu libaaxiI siisay iyo waliba khilaafki ay xagga qaybinta ku khilaaftay ka sii xanaaqsanaa welina xasuusan, ayaa dawacadi maxkamad uu kaligiis xaakim iyo looyarba ka ahaa saaray, wuxuuna ku xukumay in cunidda neefka laga qadiyo Dawacada, ayadoo gaajeysana ay sida neefka hilbahiisa loo cunayo khasab ku daawato, kana mamnuucay inay hadasho ama baahideeda sheegato. Weliba Dawaco, waxa loogu sii daray, [cad baruur ah ayaa afka loo marmariyey oo dufan leh]. Qalinkii Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan [jaafaa] Ankara, Turkiga jaafaa66@gmail.com Qaran News
  16. Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir kormeerkaan oo ahaa mid uu ugu kuur galayay sida uu u hir galay Bandowgo lagu soo rogay Magaalada Muqdisho Gudoomiyaha ayaa dhowr Degmo ee uu kormeweray ayuu ku qiimeeyay Xaaladaha Amniga ,Nadaafada iyo Bandowga kaasi oo looga hortagayo Cudurka Karoona Feyrus iyo sidoo kale in la qiimeeyo hahaanka ay u shaqeeyaan Maamulada Degmooyinka. “Waxaan soo marnay dhowr degmo iyo dhowr wado ee degmooyinka gobolka banaadir si aan ugu kuur galno dhaqan galka bandowga looga hortagayo cudurka dalka kusii faafaya ee Covid-19 iyo sidoo kale amniga guud ahaan Magaalada”sidaas ayuu yiri Guddoomiye Cumar (Filish) Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caafimada mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar (Filish) ayaa shacabka ayaa ugu baaqay in la qaato awaamiirta dowladda ee uu ugu horeeyo bandowga si loo xakameeyo Cudurka qatarta ah ee Karoona Feyruska. “Hadii aan qafiifinay Bandowga kama dhigna in la joojiyay bulshada waxaan u sheegeyna in wali xaaladu ay taagantahay loona baahanyahay in laga fijignaado goobaha laysku yimaado iyo isdhaxgalka badan sidaa daraadeed marka kale waxaan ka codsaneynaa inay nala qaataan dadaalada iyo wacyigalinta saameynta Cudurkaan Covid-19. View the full article
  17. Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare Mudane ayaa habka adeegga casriga ah ee Internet-ka kulan kula qaatay masuuliyiinta Dalladaha Waxbarashada Dalka iyo danjire James Swan. Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Waxa uu warbixin ka siiyay dadaallada ay wasaaradda waxbarasha ugu jirto ka hortagga saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada waxa ayna ka wada hadleen Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay si lamid ah uga tala gelin doonaan dhammaan bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan. “Waxaan maanta habka adeegga casriga ah ee Internet (Zoom) kulan kula qaatay masuuliyiinta Dalladaha Waxbarashada Dalka. Waxaan warbixin ka siiyay dadaallada wasaaradda ugu jirto ka hortagga saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada, waxaan ka wada tashanay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare oo aan si lamid ah uga tala gelin doonno dhammaan bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan”sidaas ayuu yiri Wasiir Goodax Barre Sidoo kale wasiir Goodax ayaa qadka interned-ka kula hadlay wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya danjire James Swan waxayna kawada hadleen qorshada wasaaraddiisu ugu tala gashay ka jawaabista saameynta adage e Coronavirus. “Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan. Waxaan kala hadlay qorshaha wasaaradda ugu tala-gashay in ay kaga jawaabto saameynta cudurka Covid_19 ee xagga waxbarashada, waxaan sidoo kale kawada hadalnay shaqooyinka naga dhexeeya Hay’adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska” ayuu sii raaciyay Goodax Barre. Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa hore u fartay in la xero dhamaan goobaha waxbarshada dalka si looga digtoonaado Qatarta caabuqa Covid-19 ee kusii faafaya waxaana waxan sidoo kale ay dib u dhigtay Imtixaanaadkii dugsiyasa sare ee dalka. Soomaaliya ayaa waxaa saameyn adag ku yeeshay cudurka safmarka ah ee COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku baaqay in wax kasta oo jira in iskaashi iyo wada tashi laga gaadho, lagana digtoonado in la is dhaliilo. Xildhibaan Maxamed Salaax Cige,oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay ‘Maanta Adduunkii go’doon buu ku jiraa, oo isku socodkii iyo xidhiidhkii Waddamada Caalamku meesha way ka baxeen, waxaana sabab u noqday cudurka Coronavirus, oo illaa hadda xal loo waayey, sidaas darteed Waddamadii ugu dhaqaalaha badnaa ayuu saamaynta ugu xooggan ku yeeshay, sidaas awgeed maanta lama joogo wakhtigii aynu is dhaliili lahayn, ee wax walba wada tashi ha lagu dhammeeyo, oo ha lagu dadaalo sidii aynu uga hor tagi lahayn inuu cudurkani dadkeena iyo dalkeena ku faafo, daweeyntana waxaa ka wanaagsan ka hor taga”. Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, ayaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku booriyey kuna dhiirigeliyey inay aad isku ilaaliyaan, waxaanu ku taliyey in bariyada ALLE aan marnaba la joojin, ee la badiyo ALLE ka cabsiga iyo cibaabadada. Source
  19. (SLT-Geneva)-Shir loo adeegsadey fiidiyowga oo ay hoggaamineyso Midowga Yurub ayaa lagu ururiyey 7.4 bilyan oo Euro kaas oo lagu horumarinaayo talaalka Korona Fayras. Shirka waxaa ka qaybgalay hoggaanka dalalka EU,da Japan, Norway iyo Kanada, waxaana ay ku ballan qaadeen in ay dhaqaale badan ku bixinayaan horumarinta talaal si wada jir ah loo soo saaro, kaas oo xitaa loo qaybin karo dalalka soo koroya. Dalalka awooda leh sida Maraykanka, Hindiya iyo Ruushka ayaa diidey in ay ka qaybgalaan shirka Fiidiyowga loo isticmaaley, waxaana ay go’aan ku gaareen in ay mashruucan banaanka ka joogaan. Dalka Shiinaha waxaa u metalaayey Safiirka u fadhiya Midowga Yurub. Madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa soo dhaweeyey natiijada shirka ka soo baxdey. Marka talaalkan soo baxo ee la hormariyo, waxaa loo qaybin oo fursad iyaguna u helaaya dalalka saboolka, si siman. Lacagta ayaa loo adeegsan doonaa in lagu isku dubbarido mashaariic kala duwan oo tallaal ah iyo in la hubiyo in shirkadaha dawooyinka ay u qaybiyaan tallaalka dalalka saboolka ah. Coronavirus oo dilaacay dhamaadkii sanadkii 2019 ayaa gallaaftey nolosha dad kabadan 250 kun oo qof, waxaana uu ku dhacay 3.5 milyan oo qof, Coronavirus ayaa isbeddel aan noociisa horey loo arag ku ridey caalamka. Source
  20. (SLT-China)-Warbaahinta Qaranka Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaab celisay hadalkii ka soo yeeray xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo kaasi oo tibaaxayay in coronavirus uu ka soo unkamay mid ka mid ah sheybaarada Shiinaha. Wuxuuna shiinaha hadalkaasi ku tilmaamay mid waalli ah oo aan laga fiirsan. Mike Pompeo ayaa Axaddii dorrad aheyd sheegay in ay hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii tagay. Warbaahinta CCTV ee Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay hadalka Pompeo iyagoo sheegay in hadalkiisauu yahay mid la iska yiri oo aan loo meel dayin uuna Pompeo sidoo kale been faafinaya. Waa Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Warbixinta CCTV ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Mareykanka ay ku dagdagyaan edeyenta iyagoo utaag la’ xaddidaadda coronavirus oo dadaalkoodii uu noqdayba hal bacaad lagu lisay. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Mareykanka uusan ilaa haatan soo bandhigin cadeyn muujineysa hadalkooda ku aaddan in fayraska Corona uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla dalkaasi Shiinaha. Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday baaritaan ku aadan diyaaraddii shalay galab ku burburtay degmada Bardaale ee gobolka Baay, taas oo ay ku dhinteen illaa lix qof oo saarnaa diyaaraddaasi. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa guddi khuburo ah saaka u dirtay goobta ay ku burburtay diyaadda oo ay laheyd shirkadda African Express. Guddigan ayaa soo baari doono, sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburka diyaaddaasi oo la sheegay inay si ula kac ah u soo rideen ciidamada Itoobiya. Wasaaradda gaadiidka ayaa sidoo kale shaacisay inay si deg-deg ah u shaacin doonto natiijada baaritaankaasi, islamarkaana ay la wadaagi doonto Ummadda Soomaaliyeed. Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa E120 ayaa siday shixnad gargaar daawo ah, waxaana ku nafwaayay dhammaan dadkii saarnaa oo lix qof ahaa. Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay heshay ayaa sidoo kale sheegaya in duulimaadka diyaaraddaasi ay haysatay ogolaansho wasaaradda duulista dowladda federaalka ah ee Soomaaliya , iyadoo horay loo wargeliyay maamulka garoonka Bardaale, lagana war qabay xilliga duulimaadkaasi uu ku soo wajahnaa garoonka. Dadka ku dhintay shilkan ayaa kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid C/laahi Maxamed, sida uu sheegay Xildhibaan Ibbi.
  22. Wariya Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa televisoinka maxa banaan ee Kalsan ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdiso, sida uu xaqiijiyay xoghayah ururka isutagga saxifiyiinta soomaaliya ee NUSOJ maxamed Ibrahim Macalimuu. Dilka wariyaha ayaa ka dhacay xaafadda Seey-Biyaano ee degmada Hodan, waxaana geystay qof ku hubeysnaa toorrey. Dhaawaca wariyaha ayaa waxaa loola cararay mid ka mid ah cisbtaalada magaalada Muqdisho kaasoo uu markii dambe ku u geeriyooday. Xoghayaha ururka isutagga saxifiyiinta Soomaliya ee NUSOJ ayaa sheegay in ayna garaneyn sababta ka dambeysa dilkiisa, waxaana uu sheegay in ay ka war sugayaan hay’adaha ammaanka in ay baadhitaan ku sameeyaan dilka wariyaha oo ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglaha geystay dilka Ma jirto cid sheegatay dilka wariye Siciid Yuusuf Cali Source