Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tigray-ga oo ka horyimid go’aanka Abiy iyo Itoobiya oo xiisad cusub wajaheysa Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu doorashooyin qabto, sida uu sheegay xisbiga maamula, taasi oo horseedi doonta isku dhac dhex mara ayaga iyo dowladda federaalka dalkaas. Itoobiya ayaa bishii March hakisay doorahsooyinka baarlamanka iyo kuwa gobollada ee la qorsheeyey inay dhacaan bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Weli lama go’aamin waqti cusub, islamarkaana baarlamanka ayaa Talaadadii ku guul-darreystay inay isku raacaan waqti kadib kulan ay yeesheen. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sanadkii tegay ka baxday isbhayaiga EPRDF, kadib markii saddexda xisbi kale ee ku jira ay ku midoobeen xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada ama Prosperity Part (PP). Xisbiga TPLF ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, inkasta oo federaalka uu hakiyey. Valueimpression Placeholder “Waxaan u diyaar garoobeynaa inaan qabano doorasho, si xuquuqda dadkeena uga ilaalino qaska,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay TPLF. Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay inaysan TPLF ka helin wax codsi ah oo ku aadan inay qabtaan doorasho, islamarkaana cid aan ayaga ahayn aysan lahayn sharciyad ay ku qabtaan doorasho noocee doonto ha noqotee. Bayaanka TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah. PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka PP Awelu Abdi. Isbahaysiga EPRDF oo awoodda qabsaday 1991-kii ayaa waxaa xooggiisa maamulayey Tigrayga laga tirada badan yahay, waxaana sanado badan ay awood ku daboolayeen xiisadaha qowmiyadaha ku dhisan ee dalkaas, ayaga oo xirayey cid kasta oo mucaarad ah. Hase yeeshee si-beddeladii uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed sanadii 2018 ee dadka siiyey xoriyad ay ku hadlaan, ayaa suurta-geliyey inay banaanka usoo baxaan carrooyinkii sanado badan loo qabay dowladda. Itoobiya waxay hadda qarka u saaran tahay dagaal qowmiyadeed dalku ku hoobto. Dastuurka Itoobiya ayaa xukuumadda siinaya muddo xileed shano sano ah. Muddo xileedka Abiy Ahmed wuxuu dhacayaa bisha September. Qaran News
  2. Khabiir ku dhawaaday helidda daawada coronavirus oo lagu dilay Maraykanka Khabiir dadaal ugu jiray helidda daawada cudurka safmarka ee coronavirus ayaa lagu toogtay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Maraykanka. Bing Liu, khabiir dhanka baaritaannada daawooyinka u qaabilsanaa Jaamacadda Pittsburgh ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh. Jaamacadda ayaa Dr Liu ku tilmaamtay “cilmi baare heer sare ah” oo wax badan sayniska ku soo biiriyay . “wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay.” Ayaa lagu qoray bayaan ay jaamacadda soo saartay. Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaan.. Qaran News
  3. AMISOM oo war ka soo saartay diyaaraddii ku burburtay Bardaale War saxaafadeed ay soo saartay AMISOM, ayey ku sheegtay inay soo dhawaynayso go’aanka ay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ku baarayaan diyaaraddii ku burburtay Bardaale, ee gobolka Baay, Soomaaliya. “Waxaan jeclaan lahayn inaan taageerahennii soo jireenka ahaa aan u muujinno dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana diyaar u nahay inaan ka caawinnno wax walba oo baaritaanka ujeedkiisa ah ee ku aadan dhacdadaan.” Ayuu yiri Madaxa Howlgalka ciidamada AMISOM, Francisco Madeira. Diyaarad sidday agab loogu talagalay ka hortagga coronavirus ayaa ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay, Soomaaliya. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ay diyaaradda u burburtay, waxaa soo baxay warar sheegaya in lasoo riday. Lix qof oo diyaaradda saarneyd ayaa geeriyootay, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Salaad. Dadka dhintay waxay isugu jireen muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo qoysaska dhibbanayaasha “u xaqiijiyay in ay billaabeen baaritaanka oo si rasmi ah ay u hoggaamineyso Wasaaradda Duulista Hawada”. “Madaxweynaha wuxuu sidoo kale soo dhoweynayaa dhammaan hay’adaha iyo dowladaha doonaya in ay ku soo biiraan baaritaanka”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay villa Somalia. “Waxay (dowladda) bixineysaa wada shaqeyn iyo taageero aan xadidneyn oo buuxda”. Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay sare u qaadeyso badqabka diyaaradaha gargaarka iyo adeegyada aasaasiga ah ee xilligan lagu guda jiro saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19. AFRICA Qaran News
  4. With more than 750 confirmed COVID-19 cases in Somalia, the IRC warns that many cases are going untested and undetected. Somalia has faced decades of violence and cycles of drought and floods, leaving its health care system ill equipped to respond to this outbreak. Source: Hiiraan Online
  5. U.S. Africa Command, known as AFRICOM, has been conducting air and ground operations, mainly targeting the al Qaeda affiliate al Shabaab, in Somalia since 2007. In those 13 years it has admitted to four civilian deaths. Source: Hiiraan Online
  6. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaan weli soo magacaabin wakiilkii u joogay caasimadda Hargeysa, ka dib markii ay bishii August ee kal hore bedeshay danjire Shamsudiin Axmed Rooble oo xafiiska Itoobiya ee Hargeysa safiir ka ahaa. Lama garanayo sababta ay dawladda Itoobiya muddo toban bilood ku dhow u soo magacaabi weyday danjrihii u joogay Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Yaasiin Faratoon, oo bishii November ee kal hore u waramay wargeyska The reporter ee ka soo baxa Itoobiya ayaa wuxuu ka hadlay maqnaanshaha qunsulka Itoobiya ee Hargeysa fadhiyay, waxaanu wakhtigaas sheegay in deg deg loo soo magacaabi doono danjiraha cusub, “Waxaan doonayaa inaan cadeeyo in xidhiidhkayaga diblomaasiyadeed uu yahay mid adag waxaana lanoo sheegay in diblomaasigan dhaqso loo soo magacaabi doono. Waxaanu arrintan ka wada xidhiidhnay diblomaasiyiin iyo janalo kaleba.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Faratoon. Hadalkaas Wasiir Faratoon ayaa waxa ka soo wareegay muddo toddoba bilood ah, ilaa wakhtigana lama hayo qunsul cusub oo ay dawladda Itoobiya u soo magacowday caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Inkastoo wakhtigan aynu joogno xafiiska Itoobiya ee Hargeysa uu shaqada u hakiyay xanuunka Covid_19 ee dunida gilgilay, haddana joogitaanka qunsulka Itoobiya ee Hargeysa ayaa muhiim u ahaa xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo nabadgelyo ee labada wadan. Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo xogta uu ka hayo sababta uu ilaa hadda u maqanyahay qunsulka Itoobiya ayaanay noo suurtogelin. Danjire Shamsudiin oo bishii January ee sannadkii 2019 la wareegay shaqada xafiiska Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa, ayaa wuxuu bedelay Brigader General Berehe Tesfaye oo muddo 10 sannadood ku siman ahaa wakiilka Addis Ababa ee Hargeysa. Source
  7. (SLT-Tuka-raq)-Odayaal, madax dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeedda degmadda Tukaraq ee gobolka Sool ayaa cabasho ka muujiyay deegaamayn cusub oo lagu waddo degmadda Tukaraq iyo degaamadda u dhaw-dhaw. Madax dhaqameedkan iyo odayaashan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Tukaraq ayaa waxay ku baaqeen in la joojiyo deegaamayntaasi cusub oo ay sharci darro ku tilmaameen. Waxa kaloo ay sheegeen in la kala rarro ciidamo beeleedyo lagu soo ururinayay deegaamadda Tukaraq muddooyinkii u danbeeyay. Daawo Warka Waxgaradka Tukaraq, Source
  8. Ethiopian forces on Tuesday barred Kenya from accessing the crash site of a light aircraft that killed all six on board. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Naciimo Yuusuf Ibraahim oo ka mid golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay dad shacab ahaa ku dileen deegaanka Kabahirig ee gobolka Sh/Hoose. Senatorada oo wareysi siisay Mustaqbal ayaa sheegtay in dadka la dilay oo ay ku eedeysay inay toogteen ciidanka Danab ay gaarayaan saddex qof, labo kalena ay dhaawaceen, islamarkaana mid kood isagoo dhaawac ah ay horay u wateen. Sidoo kale Senator Naciimo Yuusuf Ibraahim ayaa carabka ku dhuftay in dadkaasi la dilay ay ka mid ahaayeen dhalinyaro deegaanka ah oo is-abaabulay, si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab. “Waa dhacdo aad u foolxun in Ciidamada Dowladda oo isugu jira Danab iyo Bangarafti ay dilaan dad shacab ah, iyada oo ay is dhexmarayaan dhinacyadii dagaalamay, Dowladdu ma mid shacabka u shaqeysaa mise waa mid ku howlan dhibaateynta rayidka, ha inoo sheegto haddii ay yihiin Ciidamo qabiil ama kuwa qaran.”ayay tiri Senator Naciima. Naciimo Yuusuf Ibraahim oo hadalkeeda sii wadata ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka jira halkaasi, islamarkaana ay taageeraan dhalinyaradaasi oo ay tilmaamtay inay la mid yihiin kuwa Macawiisleyda. “Dadkaan waxa ay lamid yihiin Macawuusleyda la dagaalantay Al-Shabaab, waxa la raadinayo waa in xorriyadda dalka dib loo helo, waa in aan la marin sida dadka deegaanka ah ee is xilqaamay Hir-Shabeelle loogu fashilmay oo kale” ayay markale tiri Senator Naciimo. Eedeyntaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan heshiis nabadeed laga gaaray colaad muddo ka taagneyd degmada Wanlaweyn, kadib markii uu degmadaasi gaaray guddoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Xasan Cali Nuur Shuute.
  10. Yemen's Minister of Public Health, Dr. Taha Al-Mutawakil, announced on Tuesday, first confirmed case of a Coronavirus (COVID-19) in the capital Sana'a, in which a Somali immigrant found dead in a hotle. Source: Hiiraan Online
  11. Shabelle Media Network [SMN], a privately-owned radio and TV is celebrating its 18th anniversary of existence to mark the day when the Radio first came to air on 6th May 2002 in Marka, the regional capital of Lower Shabelle region. During the 18 years on air, SMN with its motto “A gateway to accurate news” has broadcasted several unique and quality programs that have revived the hopes of the people, these programs include “Qoomo” which inspired many militiamen to put the gun during the era of the warlords in Somalia. Somalia’s Senate speaker, Abdihashi Abdullahi and Abdinur Mohamed, the Director of Communications, the office of the president sent congratulations to SMN on its 18th anniversary of existence. In addition, General Mahad Abdirahman, the chief of custodial Corps was among the officials who have encouraged Shabelle Media Network to double its tireless efforts of airing unprejudiced news. During the 18 years of service for the public, Shabelle Media Network has expanded to all over the world as Somali people abroad are now able to listen to the news and programs through live stream. View the full article
  12. (SLT-Addis Ababa)-Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu doorashooyin qabto, sida uu sheegay xisbiga maamula, taasi oo horseedi doonta isku dhac dhex mara iyaga iyo dowladda federaalka dalkaas. Itoobiya ayaa bishii March hakisay doorahsooyinka baarlamanka iyo kuwa gobollada ee la qorsheeyey inay dhacaan bisha August, sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus. Weli lama go’aamin waqti cusub, islamarkaana baarlamanka ayaa salaasadii ku guul-darreystay inay isku raacaan waqti kadib kulan ay yeesheen. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sannadkii tegay ka baxday isbhayaiga EPRDF, kadib markii saddexda xisbi kale ee ku jira ay ku midoobeen xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada ama Prosperity Part (PP). Xisbiga TPLF ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, inkasta oo federaalka uu hakiyey. “Waxaan u diyaar garoobeynaa inaan qabano doorasho, si xuquuqda dadkeena uga ilaalino qaska,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay TPLF. Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay inaysan TPLF ka helin wax codsi ah oo ku aadan inay qabtaan doorasho, islamarkaana cid aan ayaga ahayn aysan lahayn sharciyad ay ku qabtaan doorasho noocee doonto ha noqotee. Bayaanka TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah. PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka PP Awelu Abdi. Isbahaysiga EPRDF oo awoodda qabsaday 1991-kii ayaa waxaa xooggiisa maamulayey Tigrayga laga tirada badan yahay, waxaana sanado badan ay awood ku daboolayeen xiisadaha qowmiyadaha ku dhisan ee dalkaas, ayaga oo xirayey cid kasta oo mucaarad ah. Hase yeeshee si-beddeladii uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed sanadii 2018 ee dadka siiyey xoriyad ay ku hadlaan, ayaa suurta-geliyey inay banaanka usoo baxaan carrooyinkii sanado badan loo qabay dowladda. Itoobiya waxay hadda qarka u saaran tahay dagaal qowmiyadeed dalku ku hoobto. Dastuurka Itoobiya ayaa xukuumadda siinaya muddo xileed shano sano ah. Muddo xileedka Abiy Ahmed wuxuu dhacayaa bisha September. Source
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Somaliland,Mudane Cumar Cali Cabdullaahi (Bade) oo goor dhow jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka faafa ee Coronavirus. Wasiir Bade ayaa sheegay inay soo kordheen illaa saddex xaaladood oo cusub oo Covid-19 ah, kuwaas oo uu sheegay inay diiwaan-geliyeen saacadihii la soo dhaafay. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dhammaan saddexadaasi qof ee laga helay xanuunka ay ku sugan yihiin Hargeysa, islamarkaana la geliyey xaalad karantiil ah. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixintiisa ku shaaciyey hal qof oo dhimasho ah, kaas oo noqonaya ruuxii labaad ee uu Somaliland ku dilay Covid-19. Dhinaca kale tirada guud ee deegaanada Somaliland ee laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa haatan mareysa illaa 12 qof. Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa wada dadaallo ballaaran oo lagu xakameynayo fidista cudurkan oo weli fara ba’an ku haya wadamo ku yaall caalamka.
  14. Bandowgii lagusoobrogay Magaalooyinka waaweyn wuu hirgalay laakiin Bandowgii ma gaarsiisan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Wadanka, waxaa sidaas cadeeyay Warbixin soo socota oo Warbaahinta Puntlandi.con ay soo [...] Source
  15. Sadex maalin ka hor waxaa Gobolka ka dhacay Dagaal Beeleed ay Dad ku dhinteen. Maantana Duleedka Magaalada waxaa lagu dilay Qof rayid ah. Dilka maanta [...] Source
  16. Aqalka Cad ayaa qorsheynayaa inuu todobaadyo gudahood uu ku soo afjaro shaqada guddiga ka hortagga Corona, iyadoo dalkaasi uu weli faro ba’an ku haayo xanuunka covid-19. Aqalka Cad ayaa wajahaya cadaadis ku aadan doorashada sanadkan dalkaasi ka dhici doonta iyo dhaqaalaha dhulka galay. Afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay, in kabadan laba-kun iyo saddex boqol oo qof ayaa dhintey. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilli uu booqday warshad Arizona ku taalla oo lagu sameeyo maskaraatiga afka iyo sanka lagu duubto yiri dalkeena dib ayaan u soo celinaynaa. Saraakisha Caafimaadka Mareykanka ayaa ka digay in fayraska uu sii faafo iyadoo dalkaasi laga bilaabay in ganacsiyada qaar dib loo furo. Mareykanka ayaa haatan waxaa laga xaqiijiyay 1.2 milyan oo kiis iyo in ka badan 70,000 oo dhimasha ah sida laga soo xigtay tirakoobka Jaamacadda Hopkins ee ku taal Baltimore. Booqashada madaxweynaha ee warshadda ayaa imaneysa iyadoo uu toddobaadyo uu ku sugnaa Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo. Waxa uuna weriyaasha u sheegay in Guddiga la dagaalanka Coronvirus iyo madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ay shaqo wanaagsan qabteen balse ay haataan tahay in isbedal lagu sameeyo iyadoona markaan laga duulayo badqabka iyo dib u furidda ganacsiyada dalka. Dadka wax dhaleeceya ayaa madaweynaha ku eedeeyay inuu ku qamaarayo caafimaadka dad-weynaha Mareykanka isagoo aad u daneynaya dib u furidda dhaqaalaha Mareykanka iyadoo bisha Novembar lagu wado iney dalkaasi ka dhacdo doorashada madaxtinimada. Gobollo badan oo Mareykanka ka tirsan kuwaasi oo ogolaaday in ganacsiyada qaar dib loo furo, ayaa haatan waxaa lagu arkayaa kiisas cusub oo coronavirus ah, waxaana ka mid ah gobolladaasi Texas, Minnesota, Tennessee, Kansas, Nebraska iyo Indiana. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Federaalkaa in bisha soo socota ay in ka badan 3,000 oo qof ay maalintii u dhiman karto fayraska Corona. Balse Aqalka Cad ayaa gaashaanka u daruuray warbixintaasi isagoo ku tilmaamay mid aan sax ahayn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay saaka kooxo maleeshiyaad ah ka geysteen deegaanka Miiracad hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Maleeshiyada hubeysan oo goobta ka baxsaday ayaa toogasho ku dilay nin shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan agagaarka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sidoo kale dilkaan ayaa daba socda dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka Qalaanqalle oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo lagu dilay illaa shan ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale oo isugu jira dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda maleeshiyaadka labada dhinac ay ka wadaan halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dilka saaka ka dhacay deegaanka Miiracad, balse waxaa socda dadaallo lagu qaboojinayo xiidada ka taagan deegaankaasi oo ay wadaan odayaal dhaqameedyo. Inta badan gobollada Mudug iyo Galgaduud waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo ku wada sugan gobollladaasi.
  18. Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan Alshabaab oo sida la sheegay bam gacmeed ku tuuray bar-koontarool oo ku taalla waaxda Horseed ee degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo xalay kormeer lug ah ku maray xaafadaha Juungal,Towfiiq iyo Horseed ee degmada Yaaqshid ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen shaqsigaan bamba gacmeedka ku tuurayay bartaasi koontarool oo ciidamadu hubinayay gaadiidka ay ku sugnaayeen. Guddoomiyaha ayaa maamulka degmada iyo bulshada ku ammaanay sida ay uga wada shaqeeyaan sugidda amniga isaga oo shacabka degmadaasi ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka. Guddoomiye Tuulax ayaa ciidamada ammaanka ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan u adeegidda shacabka, isagoo ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin har iyo habeen difaaca dalka iyo dadka. Marka laguda galo bisha ramadaan ayaa Al shabaab waxa ay kordhiyaan weerarada qorsheysan oo ay ka fuliyaan caasimadda dalka ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle oo maanta xusaya sanad guurada 18-aad ee ka soo wareegtay aas aaska shabakadda warbaahinta Shabelle. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Shabelle ay tahay hormuudka warbaahinta dalka, maadama dhidibadda loo muday, iyadoo aysan jirin warbaahin badan. Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kula dardaarmay maamulka Shabelle in ay sii wadaan dadaalka ay kor ugu qaadayaan wacyiga bulshada Soomaaliyeed. Shabelle intii ay jirtay waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, daruufo aad u qalafsan oo xittaa la’isku dayey in lagu aamusiyo, balse himiladaasi aysan suurto-gelin. View the full article
  20. Taliyaha ciidamada Asluubta, Sa/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa hambalyo u diray Shabelle oo u dabaal dageyso sanad guuradeeda 18-aad oo maanta ku beegan. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in muddo dheer ay Shabelle u soo shaqeyneysay Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo lagu jiray xilli adag. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Idaacadda Shabelle iyo taliska Asluubta Soomaaliyeed uu ka dhexeeyo xiriir wada shaqeeneed oo aad u wanaagsan. Ugu dambeyn taliyaha ayaa maamulka iyo shaqaalaha Shabelle kula dardaarmay inay xoojiyaan shaqada adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Faadumo-1.mp3 View the full article
  21. Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogga waxa uu uga hadlay tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda iyada oo lagu guda jiro tobaadkii loo dabaa dagayay xorriyatul hadalka. Taabid ayaa waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in xilligaan dil iyo jirdil loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed oo uu sheegay inay marxalad adag ku shaqeeyaan isaga oo ka tacsiyadeeyay dilkii Muqdisho loogu geystay wariye Saciid Yuusuf cali waxaa uuna dhanka kale cambaareeyay falkii jirdilka ahaa ee todobaadkaan loo geystay wariyayaal ka tirsanaa warbaahinta Shabeelle. “Waxaan ku jirnaa toddobaadkii booggaadinta iyo qirashada dadaalka saxaafadda xorta ah ee caalamka, waana nasiib daro weyn in lasoo wariyey dhimashada iyo jirdilka suxufiyiin Soomaaliyeed oo u adeegayay dadkeena iyo dalkeena isla usbuucan. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida wariye Siciid Yuusuf, waxaana si adag u cambaareynayaa tacdigii loo geystay bahda Shabeelle TV” ayuu yiri Taabid Cabdi. Sidoo kale Taabid ayaa sheegay in saxaafada xorta ah ay muddo fog bud dhig u ahayd hannaanka dimuquraadiyadda dalka isaga oo yiri “Saxaafadda xorta ah ee Somalia waxey mudo fog bud-dhig u aheyd hannaanka dimuquraadiyadda, cadaaladda, caawimaadda iyo xog-ogaalnimada dalkeena”. Dowladda Farmaajo ayaa lagu dhaliilaa inay caburiso saxaafadda madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xalay ka badisay dhiggeeda degmada Cabdicasiis ee gobolkan Banaadir, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo ay xalay tartanka ku awood sareysay Marka ayaa ka wada tirsanaa group-ka C, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Cabdicasiis ayaa la timid 4 buundo oo kaliya, halka Marka ay keensatay dhibco gaaraya 18, waana degmadii ugu horreysay oo tiro intaasi la’eg ku badisa, tan iyo markii uu bilowday tartan aqooneedka TV-ga iyo Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale waxaa caawa barnaamijka ku madlan degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamarjajab oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Warta Nabadda ayaa horay uga soo badisay degmada Marka, halka Xamarjajab laga soo badiyey, kadib markii ay isku soo aadeen degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
  23. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa isaga iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender waxa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso doorashada la filayo inay dalka ka qabsoomto. Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay in safiir Ben Fender ay kawada hadleen arrimo ay ka mid yihiin doorashada dalka, saameynta xanuunka COVID-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen Galmudug iyo Jubbaland. “Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay maanta safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender. waxaan ka hadalney diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran. Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in safiirka ay isla soo hadal qaadeen wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland kuwaas oo uu sheegay inay soo bilawdeen xilliggii uu xafiiska joogay. Guddoomiyaha ayaa yiri “Sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii aan xafiiska joogay maantana hakad kujira ayaan isla soo qaadney”. Bilawga sanadka soo aaddan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho aan wali waqtigeeda la sheegin balse madaxda hadda joogta ay qabaan in dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Qoraal ka soo baxaya taliska guud ee booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay afhayeen cusub kaas oo u hadli doona taliska. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya aya dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) u magacaabay inuu noqdo afhayeenka guud ee booliska dalka. Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ciidanka booliska ku soo biiray sanadkii 2007-dii islamarkaana uu soo dhameystay layli sarkaal oo saddxe sanno ah. “Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Afhayenka Ciidanka u magacaabay Dhame;- Sadiiq Adan Cali (Duudishe). Sarkaal ayaa Ku Soo biiray Ciidanka sanadkii 2007-dii. Isla markaana Soo dhameystay Layli Sarkaal mudò dhan 3sano dalka dibadiisa. Afhayenka ayaa Ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi Marka laga reebo afka hooyo. Sarkaalka ayaa Ka Soo shaqeeyay guud ahaan fadhiyada Ciidanka, Soona qabtay xiriiro dowlado Ciidanka taageera, isaga oo Soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya taliska booliska. Taliyaha ciidanka booliska ayaa maalmihii dambe waday magacaabisyo kala duwan kuwaas oo lagu tayeynayo ciidanka booliska Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com