-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Soomaaliya ayaa loo ansixiyey Mashruucii ugu horeeyey oo gaar u ah maalgelinta sare u qaadidda Adkeysiga Cimilada Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-makhzoumi iyo wefdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund. Kalfadhigan oo lagu qabtay magaalada incheon songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta lagu ansixiyey $100 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo Adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed. “Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF” ayay tiri Khadiija Maxamed Al-makhzoumi. “Soomaaliya waxa ay la timid ka go”naan wax loogu qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka Cimilada, waxaana naga go’an inaan xoojinno iskaashiga gudaha iyo kan dibadda si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed” ayay sii raacisay Al-makhzoumi. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo loo ansixiyay Mashruuca Maalgelinta adkeysiga Cimilada appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — One day after Puntland Post published a report on a primary school in Eyl where pupils sit on the floor in classrooms without teaching aids, Kaalo Netherlands, an NGO, today donated desks and chairs to the school. “We are donating desks and chairs to the school through the Nugaal Regional Education Authority. Supporting educational institutions means supporting the future of our children. Let us support the Ministry of Education in this endeavour,” Abdisalam Karod, the Chairman of Kaalo Netherlands, wrote on his Facebook page. Kaalo Netherlands Chairman sharing the donation news on his Facebook page earlier today. Photos of pupils at the coeducational primary school in the Badey neighbourhood in Eyl, sitting on the floor, sparked outrage in Puntland. The Puntland Ministry of Education has not commented on the dire educational situation, despite the regional education budget earmarked for the Nugaal Regional Education Authority. © Puntland Post, 2024 The post Kaalo Netherlands Donates Desks and Chairs to Eyl School appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Waddanka Kenya William Ruto ayaa Xarunta Madaxtooyada dalkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ay Kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada dalka Kenya. Qoraalka ka soo baxay Villa Somalia ayaa sido kale lagu sheegay in labada Madaxweyne Kulankooda kaga wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada Waddan ee Soomaaliya iyo Kenya. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Mudane William Ruto oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal” ayaa lagu yiri Warkaasi. Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waddanka Kenya ayaa qeyb ka ah Socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlayo Marxaladda Kala guurka Hawlgalka ATMIS. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo Shir ka yeeshay Xoojinta Iskaashiga labada Waddan appeared first on Puntland Post.
-
Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay dib u celinta afar qof oo qaxooti Turkish ah oo laga masaafuriyey Kenya, kuwaas oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in la afduubay oo si qasab ah loo celiyay, ayada oo la jebinayo sharciga caalamiga ah. Afarta qof — Mustafa Genc, Huseyin Yesilsu, Ozturk Uzun iyo Alparslan Tasci – ayaa dib loogu celiyay Turkiga Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya. Waxay daba socotay warar ay warbaahintu baahisay oo sheegayey in laga afduubtay waddo ku taalla caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaga iyo saddex qof oo kale oo markii dambe la sii daayay. UNHCR, oo ah hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa bayaan ay siisay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegtay “inay aad uga walaacsan tahay dib u celinta afarta qaxooti ee Kenya.” Waxay ugu baaqday dawladda Kenya inay u hoggaansanto waajibaadkeeda sharci ee caalamiga ah iyo gaar ahaan, inay ixtiraamto mabda’a magan-galyo-doonka iyo qaxootiga ka ilaalinaya tallaabo kasta oo u horseedi karta in loo raro meel ay noloshooda ama xorriyaddooda halis ku galeyso. PUNTLAND POST The post Kenya oo si khasab ah dalkooda ugu musaafurisay afar muwaadin oo Turki ah appeared first on Puntland Post.
-
Taliyayaasha Ciidamada Cirka ee Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa la sheegay inay shir labo maalmood socday oo furmay Isniintii shalay inay ka yeesheen wax ay ugu yeereen daandaabsiga Kuuriyada Waqooyi. kulankan oo la sheegay in ay ku biireen saraakiil sare oo ka mid ah xulufada galbeedka ayaa waxaa isugu yimid ilaa 80 sarkaal oo ay ku jiraan taliyeyaasha hoggaanka hawl-gelinta ciidanka cirka ee Koonfurta iyo taliska ciidanka cirka iyo difaaca gantaallada iyo sidoo kale ururka 7-aad ee ciidanka cirka iyo badda ee Maraykanka. Warsaxaafadeed uu baahiyay taliska guud ee ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay; “Kulanka oo ka dhacay saldhigga Osan Air Base ee Pyeongtaek oo 60 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Seoul, ayaa taliyeyaasha waxa ay ku wadaageen qiimeynta dhanka amniga, iyadoo ay sii socoto daandaansiga ay wadaan Woqooyiga iyo go’aankii ay dhawaan ku gaareen in ay ciidamo u diraan Ruushka si ay u taageeraan dagaalka Moscow ee ka dhanka ah Ukraine.” Xiisadda labada Kuuriya ayaa gaartay meel aysan horey u gaarin, iyadoo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu beddelay dastuurka waxaana lagu qoray Kuuriyada Koonfureed inay tahay dal cadow ah , halka meesha laga saaray wax wada xaajood ah inay labada dhinac geli karaan, tan oo ay xigtay burburinta waddooyinka isku xira labada Kuuriya iyo in Waqooyiga uu ciidamo u diray Ruushka, taa oo ka dhigan inay jirto wax ay Kuuriyada Waqooyi ku beddelatay iyo iskaashiga labada dhinac oo sare maray. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo Shir ka yeeshay Xaaladda Gacanka Kuuriya appeared first on Puntland Post.
-
Cadowgeena waa ka guulaysan doonaa…” ayuu maalin dhaweyd Ex Sheekh Samaale ka yidhi meel fagaare ah. Maalin dhaweyd na, waxa aan dhegaystay hadal dheer oo uu whatsapp group ku duubay nin la gu magacaabo Ibraahin Meecaad oo Canada jooga. Ninkaas oo magaciisa ka horaysiiya title ah ‘Professor’, war badan oo uu sii daayay waxa ka mid ahayd, Muusoow talo haddii aad qaadanayso, doorashadaas inaga jooji oo waddanka ku soo rog xukun ciidan – Marcial Law. Prof ku waxa uu yidhi, koleyba dagaal ayay kuu tahay ee waxa fudud in aad imika qabqabatid shakhsiyaadka fidmo walayaasha ah ee doorashada ku dhex dhuumanaaya, oo ah cadowga gudaha; waxaanu tilmaamay saddex dhinac – madaxda Waddani, ganacsato uu ka mid yahay Dahabshiil iyo koox uu ku sheegay wadaaddo. “…Waa saddexda dhinac ee SL ay ka nuuxsan weyday.” Buu yidhi Prof ku. U fiirso, Cadowgeena waa ka adkaanaynaa; iyo doorashada albaabkeeda soo xid, oo cadowga qabqabo marka hore. Labada hadal waxa sheegay laba qof oo aqoon aduunyo iyo mid diineed ba sheeganaaya, amma la gu sheego. Labadoodaba warkooda waxa ku dhex jirtay kalmadda cadow! Aqooneey waxba ha tarin, kol haddii ay dadkaas oo kale ba ku sheeganayaan, in markan oo kale la dhaho saw waajib ma aha? Alaylehe waa tahay. Geesta kale, hadalada kuwaas ahi waxa ay muujinayaan hal xaqiiqo – in nidaamkii jiray, ee qayb muuqata iyo qayb qarsoon ba lahaa, uu si dhab ah u ciiray, cabsi xoog lihi na soo food saartay. Marka cabsi dhab ahi jirto, macquul u fikirka, iyo macquul u hadalku ba aad ayay u wiiqmaan. Si kastaba, shakhsiyaadkaas iyo cidda la fikir ahba ciddii war la gaadhi kartaa ha u sheegto in aanay cadow iyo cabsiyi toona jirin. Ha loo gu dhaarto haddii ay rumaysan waayaan. MaxamedbHaaruun Biixi Qaran News
-
Laba sarkaal oo ka tirsan Xamaas ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhowaan dooranayaan qofka beddeli doona hoggaamiyaha kooxda Yahya Sinwar, kaas oo dilkiisa la xaqiijiyay Khamiistii. Saraakiisha ayaa sheegay in Khalil al-Hayya, ku xigeenka Sinwar iyo sarkaalka ugu sareeya kooxda ee ka baxsan Gaza, loo arko inuu yahay musharaxa loo badinayo in booskaasi uu buuxiyo. Al-Hayya, oo fadhigiisu yahay dalka Qatar, ayaa hadda hoggaaminaya wafdiga Xamaas ee wadahadallada xabbad-joojinta ah ee u dhexeeya kooxda iyo Israa’iil, wuxuuna aqoon, xidhiidh iyo faham qoto dheer u leeyahay xaaladda Gaza. Isniintii, sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in dhaqdhaqaaqa ay u badan tahay inuu qariyo aqoonsiga hoggaamiyahooda cusub sababo amni dartood. Dhaqdhaqaaqa ayaa sidan oo kale sameeyay sanadkii 2003-dii ka dib markii Israel ay dishay hogaamiyihii Xamaas Sheekh Axmed Yaasiin iyo tii dhaxal sugaha, Dr Abdel Aziz al-Rantisi. Xamaas ayaa ku tala jirta in ay doorato hogaamiye cusub bisha Maarso ee sanadka soo socda balse ilaa iyo waqtigaas waxaa maamuli doona gudi ka kooban 5 xubnood. Guddigan ayaa ka koobnaan doona Khalil al-Hayya, Khaled Meshaal, Zaher Jabarin, Muxammad Darwish, madaxa golaha shuurada iyo shaqsiga shanaad oo aan wali la shaacin aqoonsigiisa. Sarkaalku waxa uu tilmaamay in Khaliil al-Hayya uu la wareegay mas’uuliyadda inta badan siyaasadda arrimaha dibadda marka laga soo tago kormeerkiisa tooska ah ee arrimaha la xiriira Qaza oo uu si hufan u yahay ku-simaha madaxa dhaqdhaqaaqa. Sarlaalka ayaa intaa ku daray in Xamaas ay la yaabtay qaabka loo dilay Yahya Sinwar todobaadkii hore maadaama ay fahansan yihiin in xiliga la dilayay uu ku sugnaa meel aad u amaan badan. Geerida Sinwar ayaa timid labo bilood un kadib markii magaalada Tehran lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Ismaaciil Haniyeh. Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa ku tilmaamay Sinwar inuu ahaa naqshadeeyihii weeraradii 7-dii October, isagoo ku nuux-nuuxsaday in magacaabistiisa looga dan lahaa fariin geesinimo leh oo ka dhan ah Israa’iil. Tan iyo bishii Luulyo, wada xaajoodyadii xabbad joojinta ayaa hakad galay, waxaana dad badan ay aaminsan yihiin in hoggaanka Sinwar uu caqabad weyn ku ahaa heshiis kasta oo xabbad joojin ah. Inkastoo la dilay Sinwar, haddana sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in aysan waxba iska beddelin shuruudihii xarakadu ku ogolaan lahayn xabbad-joojin iyo sii daynta la haystayaasha Israa’iil. Xamaas ayaa wali sii wada dalabka ah in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo Gaza, in la joojiyo colaada, wareejinta gargaarka bini’aadantinimo, iyo dib u dhiska dhulka dagaaladu aafeeyeen – shuruudo ay Israa’iil si cad u diiday, kuna adkaysatay inay Xamaas is dhiibto. Mar wax laga weydiiyay raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku baaqaya in Xamaas ay hubka dhigto oo ay is dhiibto, mas’uuliyiin ka tirsan dhaqdhaqaaqa ayaa ku jawaabay: “Suurtagal maaha inaan is dhiibno. “Waxaan u dagaalamaynaa xorriyadda dadkayaga, mana aqbali doono in la is dhiibo, waan dagaalami doonnaa ilaa inta aan ridi karno xabadda ugu dambeysa iyo askariga ugu dambeeya ayna nafta ku jirto, si la mid ah Sinwar.” Dilkii Sinwar wuxuu ahaa mid ka mid ah khasaarihii ugu waaweynaa ee soo gaaray ururka muddo tobanaan sano ah. Israa’iil ayaa dishay inta badan hoggaamiyayaasha iyo aasaasayaasha Xamaas, haddana xarakadu waxa ay muujisay adkaysi ay u leedahay in ay hesho kuwo cusub. Iyadoo ay xiisadan jirto, ayaa su’aalo la iska weydiinayaa masiirka la haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto Gaza iyo cidda mas’uul ka noqon doonta ammaankooda iyo ilaalintooda. Isniintii sarkaalka Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in kooxdu ay wali awood u leedahay in ay sii hayso dadkii ay ka soo qafaasheen gudaha Israa’. Xaaladdan oo kale, Maxammed Sinwar, Yahya Sinwar walaalkii, ayaa noqday qof muhiim ah. Waxaa la rumeysan yahay in uu hogaaminaayo kooxaha hubeysan ee Xamaas, waxaana laga yaabaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro qaabeynta mustaqbalka dhaqdhaqaaqa Gaza. Source
-
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa salaasadda maanta ah gaadhay Isra’il, halkaas oo uu ka billaabayo booqasho uu ku mari doono dalal ku yaalla Bariga Dhexe. Blinken ayaa isku dayi doona in uu soo nooleeyo wadahadallada xabbad-joojinta Gaza iyo mustaqbalka siyaasadda ee Marinka Gaza, kaddib dilka hogaamiyihi Xamaas Yaxya Sinwaar. Socdaalkan ayaa noqonaya kiisii kow iyo tobnaan ee uu ku tagayo Isra’il, tan iyo marki ay billaabatay colaaddka Isra’il iyo Xamaas todobadi bishi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Isra’il, taasoo kicisay duullaanka wali socda ee ay Isra’il ka waddo Gaza iyo Lubnan. Isra’il ayaa sii xoojisay duqeymaha ay ka waddo Gaza iyo Beyrut todobaadyadi u danbeeyay, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka labada dhinac ay sheegeen in la dilay boqollaal qof. Qorshaha socdaalka Blinken ee Bariga Dhexe oo qaadan doono hal todobaad ayaa waxaa qeyb ka ah, safar uu maalinta Arbacada berrito ah isugu mari doono Urdun iyo Qatar. Source
-
Wadaadka Muslimka ee fadhigiisu ahaa Mareykanka Fethullah Gulen, oo ay Ankara ku eedeysay inuu abaabulay afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii, ayaa isaga 83 jir ah ku geeriyooday Mareykanka oo uu dibad-joog ku ahaa. Gulen oo Turkish ahaa, kuna noolaa Maraykanka tan iyo 1999-kii, waxa uu mar saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka hor inta aysan isku noqon cadow. “Ilaha sirdoonkeena waxay xaqiijinayaan geerida hogaamiyihii ururka FETO,” ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Hakan Fidan oo shir jaraa’id qabtay, isagoo adeegsanaya magaca ay dowladda ugu yeerto dhaq-dhaqaaqa Gulen ee Hizmet. Teleefishinka dowladda Turkiga ee TRT ayaa sheegay in daaciga oo ku noolaa gobolka Pennsylvania rubuc qarni, lagana xayuubiyay dhalashadii Turkiga sanadkii 2017, uu ku dhintay isbitaal xalay. Farriin ay soo dhigtay X, ayey shabakadda Gulen ee Herkul, oo laga mamnuucay Turkiga, ku sheegtay inuu dhintay “October 20”, ayada oo ballan qaaday faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan tacsidiisa. Gulen ayaa u guuray Pennsylvania 1999-kii, iyada oo loo malaynayo arrimo caafimaad dartood, wuxuuna halkaas ka maamulayey Hizmet oo xilligaas lahayd shabakad ballaaran oo dugsiyo dadweyne ah oo ku yaalla qaarad kasta. Sannadkii 2013-kii ayuu khilaaf weyn soo kala dhex-galay Erdogan, saddex sano kaddibna hoggaamiyaha awoodda badan ee Turkiga ayaa ku eedeeyey inuu qorsheynayey inuu afgambiyo, isaga oo u bixiyey Hizmet “Ururka Argagaxisada ee Fethullah” (FETO). Ku dhawaad 250 qof ayaa dhintay July 15, 2016 markii koox milatari oo fallaago ah ay isku dayeen in ay afgambiyaan dowladda Turkiga, ayaga oo adeegsanaya diyaaradaha dagaal iyo taankiyada dowladda, falkaas oo Erdogan uu ku eedeeyay taageerayaasha Gulen ee ka tirsan militariga. “Ururkan wuxuu noqday khatar dhif ah oo lagu arkay taariikhda qarankeena,” ayuu yiri Fidan, isaga oo ku eedeeyay taageerayaasha ururuka “in loo isticmaalo hub ka dhan ah dalkooda”. Inkasta oo uu geeriyooday Gulen, haddana Turkigu waxa uu sii wadi doonaa “dagaalka ka dhanka ah ururkan, kaas oo dhibaato ku ah amniga qaranka”, ayuu wasiirka cadaaladda Yilmaz Tunc ku qoray barta X. Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay gaaray Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi halkaasi oo uu Maanta Shir kula yeelanayo Madaxweynaha Kenya William Ruto. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ayay ku shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Xalay u hoyday magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya halkaasi oo uu Wada-hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi William Ruto. Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada-hadli doonaa Qodoba ay kamid yihiin Xoojinta Iskaashiga labada Waddan ee Arrimaha Gobolka iyo sidoo kale Marxaladda kala guurka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda Soomaaliya. Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waddanka Kenya ayaa qeyb ka ah Socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlayo Marxaladda Kala guurka Hawlgalka ATMIS. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta ka wada-hadlaya Arrimaha Gobolka iyo bixitaanka Hawlgalka ATMIS appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii danbe safar dibadda ah ku maqnaa ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto magaalada Garoowe. Madaxweyne Siciid Deni oo in ka badan laba todobaad safar ku joogay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sida qorshaysan maanta oo Talaado ah dib ugu laabanaya caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha ayaa Sabtida Todobaadka danbe oo ku beegan 26 October waxa uu si rasmi ah u furi doonaa Kal-fadhiga 55-aad ee Baarlamaanka Puntland kaasi oo uu ka jeedin doono Khudbaddiisa dastuuriga ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Deni uu Garoowe ka bilaabayo shirar siyaasadeed oo ku saabsan Arrimaha Federaalka kuwaasi oo salka ku haya Khilaafka isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Maanta dib ugu laabanaya Garoowe kadib safarkiisi Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
A section of Kenya Defence Forces (KDF) soldiers deployed in Somalia under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has returned to Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadada maanta ah gaaray Israa’iil, halkaas oo uu ka billaabayo booqasho uu ku mari doono dalal ku yaalla Bariga Dhexe. Blinken ayaa isku dayi doona in uu soo nooleeyo wadahadallada xabbad-joojinta Gaza iyo mustaqbalka siyaasadda ee Marinka Gaza, kaddib dilka hogaamiyihi Xamaas Yaxya Sinwaar. Socdaalkan ayaa noqonaya kiisii kow iyo tobnaan ee uu ku tagayo Israa’iil, tan iyo marki ay billaabatay colaaddka Israa’iil iyo Xamaas todobadi bishi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Isra’iil, taasoo kicisay duullaanka wali socda ee ay Israa’iil ka waddo Gaza iyo Lubnan. Israa’iil ayaa sii xoojisay duqeymaha ay ka waddo Gaza iyo Beyrut todobaadyadi u danbeeyay, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka labada dhinac ay sheegeen in la dilay boqollaal qof. Qorshaha socdaalka Blinken ee Bariga Dhexe oo qaadan doono hal todobaad ayaa waxaa qeyb ka ah, safar uu maalinta Arbacada berrito ah isugu mari doono Urdun iyo Qatar. PUNTLAND POST The post Antony Blinken oo markii 11-aad booqanaya Israa’iil tan iyo intii uu bilowday dagaalka marinka GAZA appeared first on Puntland Post.
-
The United Nation's Refugee Agency (UNHCR) has said it is "deeply concerned" by news that four refugees were returned to Turkey from Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Saaka ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanada Cinjir iyo Saban Sabley oo u dhow Budbud, Galgaduud. Dagaalka ayaa socday in ka badan saacad, iyadoo ciidamada Macawiisleyda ee deegaanka ay iska caabiyeen weerarka. Saraakiisha Macawiisleyda iyo kuwa xoogga dalka waxay sheegeen inay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab ayna gacanta ku dhigeen aagga lagu dagaalamay. Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidanka deegaanka ay sii baacsanaya Kooxda soo weerartay Saldhigooda. Wali si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan deggan, waxaana ciidamada deegaanka ay weli ku sugan yihiin goobahaas, iyagoo sii wadi doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihi hore ee Peru Alejandro Toledo ayaa Isniinti shalay lagu xakumay 20 sanno iyo lix bil oo xabsi ah, kaddib marki lagu helay eedo la xiriira musuq maasuq. Dacwad-oogayaasha ayaa Toledu ku eedeeyay in uu laaluush gaaraya 35 milyan oo dollar ka aqbalay shirkadda ka shaqeyso dhismaha ee Odebrecht ee laga leeyahay Brazil. Shirkaddaasi ayaa hore lagu eedeeyay in ay lacago badan oo laaluush siisay madax iyo saraakiil sare oo ka tirsan dhawr dowladood oo ku yaalla Latin America. Lacagta ku kaceysa dhismaha jidka ayaa aheyd qiyaasti $507 oo milyan, laakin Peru ayaa marki danbe lagu qasbay in ay bixiso1 bilyan iyo 250 milyan oo dollar. Toledo waxaa lagu eedeeyay in lacagaha laaluushka uu kaga badashay shirkaddan ogolaasha ruqsad ay ku dhiseysay jid weyn oo ku yaalla dalkaasi dhaca koofurta America. Toledo oo soo xakumay Peru inti u dhaxeysay 2001 to 2006, ayaa laga soo xiray Mareykanka sannadki 2019-ki, waxaana dowladda Peru lagu wareejiyay sannadki 2022-ki. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee dalka Peru oo in ka badan 20 sanno oo xabsi ah lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
