Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Shahaadooyinka Waxbarashada Somaliland Ku dartay Liiska Shahaadooyinka Ay aqoonsan Yihiin. Source
  2. Allaah Haw Naxariistee Cabdicasiis Farxaan Jaamac, ayaa Xalay ku Dhintay Magaalada Hargeysa Ka dib Markii Dhalinyaro Shufto Ahi ay ku Damaaciyeen Mobilekiisii Gacanra. Wiilkan ayaa sida Lagu Baahiyay Baraha Bulshada lagu dilay Mindiyo. Magaaladda Hargeysa ayaa dhawrkii sanno ee u Dambeeyay ka nasatay falalka Noocan ah, Hasayeeshee ayaa ah mid abuuraysa baqdin Cusub Oo hor leh. Ciidamada Booliska ayaa U qabqabtay Falkan dhawr Qof. Source
  3. Laba Qof oo cusub ayaa Xanuunka Covid_19 ugu Geeriyooday Somaliland, taasina tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Somaliland ka dhigaysa 17 Qof. Sidoo kale, waxa xanuunka laga helay Xanuunka laga helay 14 Qof oo cusub, taasina waxay tirada Dadka gudaha Somaliland ku sugan ee Xanuunka qaba ka dhigaysaa 217 Qof. Sidaana waxa Goor dhawayd Shaaciyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19 la wadaagay Warbaahinta. Labada Qof ee Xanuunka u dhintay ayaa ku kala sugnaa Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, sida Agaasimuhu sheegay. Source
  4. Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay dagaal saaka ka dhacay duleedka deegaankaasi. Garyare ayaa marka hore beeniyey in dagaalka ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Garasbaaley, kadib markii wararkaasi lagu baahiyey baraha bulshada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka uu ka dhacay meel ka baxsan Garasbaaley oo ah agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ciidan ka amar-qaata guddoomiyaha Dayniile, Maxamed Abuukar Jacfar ay howlo burburin ah ka bilaabeen halkaasi, kadibna ay isku dhaceen askar kale oo ka soo horjeeday burburintaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Gudoomiyaha-garsbaaley-.mp3 View the full article
  5. GALK’AYO (PP News Desk) — Galmudug State Security Minister Ahmed Moalim Fiqi has witnessed the process of integrating South Galka’yon clan militias into Galmudug State security forces. Minister Fiqi has facilitated the transfer of more than sixty fighters and five technicals from Saax Qurun village to Dhuusamareeb, the administrative capital of Galmudug State. Ahmed Fiqi: Militias will undergo a training before being absorbed into Galmudug security forces Fiqi said that militias would undergo a training before being integrated into Galmudug Dervish Forces. Galmudug Security Minister thanked senior officials of Somali Armed Forces particularly Danab commandos for their role in maintaining security in Galmudug State. Danab Commandos disarmed South Galka’yo clan militias On Sunday organised clan militias attempted to release a businessman whom Danab commandos had taken into custody over alleged links with Al-shabaab. Intervention of elders in South Galka’yo led to negotiations that culminated in the surrender of clan militias on terms set out by Galmudug State. © Puntland Post, 2020 The post GALMUDUG ABSORBS CLAN MILITIAS INTO SECURITY FORCES appeared first on Puntland Post.
  6. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/Fayadhowr.mp4 Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Dubai)-Dawladda UAE ayaa la sheegay inay aad uga cadhootay qoraalo uu twitterkiisa ku baahiyay wakiilkii hore ee Somaliland Mr. Xasan Hirad Yaasiin Cabsiiye oo uu eeddo ugu jeediyay qaar ka mid ah madaxda dalka Imaaraadka Carabta. Wakiilkan oo uu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday bishii March ee sannadkii hore ee 2019, ayaa weli degen dalka UAE. Qoraalada uu twitterka ku baahiyay wuxuu Mr. Cabsiiye ku dhaliilay oo uu eeddo ugu jeediyay dawladda Imaaraadka Carabta inuu qawadsanyahay caawimada ay siiyaan dawladda Somaliland, isagoo ku eedeeyay inaanay fulin balanqaadyadii ay hore u sameeyeen oo ay ka mid ahaayeen sida uu sheegay inay UAE cisbitaal ka dhisto Berbera, kaas oo aan weli la dhisin, “Halka nin Imaaraati ahi cisbitaal uu gaar u leeyahay malaayiin dollar lagu bixiyay.” Ayuu yidhi. Waxa kale oo uu eeddo u jeediyay barnaamij dhawaanahan ka hirgalay Hargeysa oo uu nin Imaaraadka u dhashay taageero dhaqaale ku siiyay qoysas baahan oo ku sugan Hargeysa, waxaanu sheegay inuu barnaamijkaasi yahay mid musuqmaasuq oo been abuur ah. Wuxuu wakiilkan hore sheegay in isaga iyo qoyskiisa oo haysta dhalashada dalka Kanada ay farriimo hanjabaad ah ka heleen rag ka tirsan dawladda UAE oo aanu magacaabin. Dawladda UAE ayaa la sheegay inay la soo xidhiidhay dawladda Somaliland, iyadoo wax ka weydiisay farriimaha uu wakiilkan hore ee Somaliland baahinayo iyo inay la ogtahay dawladda Somaliland. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal ay si gaar ah ugu dirtay dawladda UAE waxay raaligelin rasmi ah kaga bixisay qoraalada uu wakilkaas hore ku baahiyay bartiisa twitterka. Qoraal kale oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku baahisay twitterkeeda, oo ku qoran luuqadda Carabiga waxay ku sheegtay inaanu wakiilkas hore metelin dawladda iyo shacabka Somaliland, islamarkaana ay raaligen ka bixinayso farriimahaas oo ay sheegtay inay meel ka dhac ku yihiin nidaamka diblomaasiyadda. Wakiilkan hore ayuu Madaxweyne Biixi magacaabay markii loo doortay hoggaanka Somaliland, waxaanu markaas degenaa dalka UAE, isagoon ka tirsanayn wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Somaliland ayaa waxay wakiiladeeda dibadda u magacowdaa qaab ka duwan dunida, waxaana ay dunidu inta badan wakiilada dibadda u metela kala soo dhex badaa wasaaradda arrimaha dibadda, halka Somaliland ay wakiiladeeda ku magacowdo qaab suuqa laga soo xusho. Source
  8. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay deegaannadooda ay xanuunka Coronavirus ugu geeriyoodeen 2 ruux oo la xanuunsanayay fayraskan, waxaana sidoo kale maanta kiisas cusub oo COVID-19 ah laga helay deegaannadaasi. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay 14 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 21 iyadoo guud ahaan ay xanuunka u geeriyoodeen 17. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 217 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Shirka joogtada ee guddiga la tacaalidda Covid 19 oo R/wasaare Xasan Cali Kheeyre guddoomiyay ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka. Intiisa badan waxaa shirkaan diirada lagu saaray hal qodob oo ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo. “Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda safmarka COVID19 oo uu Ra’iisul Waaaare Hassan Ali Khairere guddoomiyay caawa ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.” ayaa lagu qoraal ka soo baxay xafiiska r/Wasaare Khayre. Sidoo kale xubnaha guddiga la tacaalida Coronavirus ayaa soo jeediyey in deg-deg howshaas loo guda galo, si adeegyada sheybaarka loo gaarsiiyo meel badan oo dalka ah. Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu fara ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Covid-19 ee saameeyey caalamka, waxaana saacadihii ugu dambeeyey dalka laga diiwaan-geliyey illaa 95 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha ka dhigeysa 1,689 ruux. View the full article
  10. (SLT-Tel Aviva)-Website-yo laga jabsaday ee Israa’iil, weeraro internet-ka oo laga soo wariyay Iran iyo dagaalka Twitter-ka ee hogaankooda u dhaxeeya: Cadaawadda u dhaxeysay labadan dal ee si weyn u xifaaltama ayaa ka holcaysa Online-ka. Falaadhihii ugu dambeeyay ee ay is-weydaarsadeen Israa’iil iyo Iran waxay ku beegmeen 20 sanno guuradii kasoo wareegtay markii ciidanka Israa’iil ay ka baxeen koourta Lubnaan, taasi oo ay ku khasabeen maleeshiyaadka Iran ay taageerto ee Xisbullah. Iyadoo Israa’iil ay u dabaal degeeyso markii ay qabsatay qaybta bari ee magaaladda barakeysan ee Qudus sanadkii 1967, Iran waa ay xuseysaa maalinkas waxayna ku xuseysaa Falastiiniyiinta iyo isku xidhka muslimiinta iyo sidoo kale Yahuud nacayb. “Waan taageeri doonaa waana caawin doonaa maamul kasta iyo koox kasta oo la dagaalamaysa rajiimka Yahuudda,” waxaa sidaas Twitter-ka ku qoray hogaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei. Waxaa uu ku baaqay in la difaaco dadka Falastiin iyo in xilka laga tuuro Ra’iisul Wasaaare Benjamin Netanyahu. Ra’iisul Wasaaraha Israe ayaa Khamanei Twitter ka ugu jawaabay. “ Waa in uu ogaadaa in rajiim walba oo Israa’iil ugu goodiya xasuuq uu naga heli doono khatar la mid ah,” yuu qoray Netanyahu. Weeraro internet-ka ah Subax kadib markii hogaamiyeyaashu Twitter-ka isku hardiyeen, Israa’iil waxay kusoo kacday weerar Internet-ka ah oo lagu beegsaday website-yo, ganacsi, dowladaha hoose, iyo NGO iyadoo ay la socotay farriin ku qoran luuqadaha Hebrew iyo English oo sheegeysa in “bur-burinta Israa’iil ay bilaabatay muddo ka hor.” Weerarkaas waxaa la socday muuqaal muujinaya Caasimadda dhaqaalaha Israa’iil ee Tel Aviv oo gubaneysa waxaana ku dul qornaa “ u diyaar garooba layaab weyn” Ma jirto faah-faahin laga helay kooxda weerarka sheegatay oo magacooda ku sheegay “Hackers of Saviour”. Horraantii todobaadkaan, Washington Post ayaa werisay in Israel ay qaaday weerar ka dhan ah dekadda Iran ee Shahid Rajae oo ku taalla marinka Hormuz oo muhiim u ah isu socodka saliidda caalamka. Weerarkaasi waxaa la aaminsan yahay in uu aargoosi u ahaa weerar lagu qaaday warshadaha biyaha Israel. Mas’uuliyiinta Israel ma aysan xaqiijin labada weerar midkoodna, hase yeeshee waxay ogolaadeen in tuhunka uu sii jiitamo. “Canaasiirta Iran waxay noo soo dirayaan unugyo dhan kasta naga qabsada,” waxaa sidaas yidhi wasiirka difaaca Israel ee xilka ka degay toddobaadkii tegay Naftali Bennett. “Waa inaan sare u qaadno cadaadiska diblomaasiyadeed, midka dhaqaale, kan militari iyo midka teknoolaji, islamarkaana ka fal-celinaa dhan kasta,” ayuu yidhi. Maalinkii ku xigay, madaxa ciidamada Israa’iil Aviv Kahovi ayaa yidhi “waxaan diyaarineynaa habab kala duwan oo gaar ah iyo xeelado dagaal oo aan maskax ahaan ku dhaawacno cadowga.” Iran iyo Israa’iil, oo ah labada dal ee isugu neceb bariga dhexe weli kuma dhiirin dagaal hubeysan oo toos ah, waxayse hadda ku dagaalamayaan teknoolajiyadda, labadooduna aad ayay ugu wanaagsan yihiin. Source
  11. Marxuumka xalay lagu dilay Hargeysa Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay dil ka gaysteen kooxo Burcad ah oo abaabulan sida laga soo xigtay Booliiska Somaliland. Kooxaha Burcadka ah oo mindiyo ku hubaysnaa ayaa xaafad ka tirsan Hargeysa waxay ku dileen nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Farxaan Jaamac sida ay ku warrantay warbaahinta Somaliland oo xiganaysa saraakiil Booliis ah. Marxuumka ayaa kooxdaasi ku dileen mindi kadib markii sida la sheegay uu isku adkeeyay mobile ay doonayeen in ay ka furtaan waxaana markiiba halkaasi ku geeriyooday marxuumka. Kooxdii Burcadka ahaa ee dilka gaystay ayaan weli gacanta lagu dhigin waxaana haatan socda hawlgal ay Booliiska ku baadi-goobayaan kooxdaasi. PUNTLAND POST The post Dil Xalay ka dhacay magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Washington)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay tijaabooyinka lagu waday dawada malaariyada ee hydroxychloroquine in lagu daweyn karo Coronavirus iyo inkale si ku meel gaadh ah in loo joojiyey sababa la xidhiidha badqabka dawadaasi awgeed. Hay’adda WHO waxay Isniintii sheegtay waddama dhowr ah iney tijaabooyinki ay wadeen ‘si ku meel gaadh ahna’ loo joojiyey. Go’aanka WHO ayaa imanaya kaddib marki daraasad dhawaan la sameeyey ay ku talabixisay dawadaasi iney khatar dhimasho ku sii kordhinesyo bukaannada uu soo ritay Covid-19. Madaxweyne Donald Trump ayaa isna sheegay inuu dawada uu isticmaalay si uu uga hortago faayraska corona. Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan ka dhawaajiyey dawada lagaga hortago cudurka malaariyada in cudurka Corona lagu daweyn karo, balse talooyinka iyo digniinaha ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka waxay ku sheegeen daawadaasi iney khatar dhinaca wadnaha ay keeneyso. Source
  13. Sheekh Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in la Joojiyaa isku imaatinka goobaha dadweynaha si loogu hortago caabuqa Cornavirous https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/SH.-Abdirashiid-som_logo.mp4 Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidan ka amar-qaata guddoomiyaha degmada Dayniile, Maxamed Abuukar Jacfar oo howlo burbirin ka bilaabay halkaaasi iyo askar kale oo ka soo horjeeday burburintaasi, kana yimid, sida la sheegay dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka dhex-mara labada ciidan ku dhintay ugu yaraan illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalkaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la’isku hayo arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaasi. Xaaladda ayaa haatan yare degan, hase’ahaatee ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi.
  15. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo shalay ka hadlay kulankii ay yeesheen guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha la qaban doono muddada u dhaxeysa xilliga uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka iyo waqtiga guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ay hortagayaan xildhibaanada. Guddiga joogtada ayaa isku raacay in 06-06-2020 uu furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka halka guddiga madaxbannaan ee doorashooyinkana ay hor imaan doonaan golaha 27-06-2020, waxaana arrintaan su aalo ka keenay qaar ka mid ah xildhibaanada iyaga oo ku dooday waxa la qabanayo muddadaas balse guddoomiye Abshir ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka aysan u yeeri Karin iyaga oo aysan u diyaarsanayn 4-tii qodob ee loo diray inay soo gudbiyaan guddiga isku dhafka ah ee labada aqal kuwaas oo uu guddoomiyuhu sheegay in qodobadaas qaarkood ay wali guddiga xal u la’yihiin. “In guddigii isku dhafka ahaa 4-tii qodob ee loo xilsaaray oo baarlamaanku ansixiyay in loo gudbiyo iyadoo diyaar ah guddiga uma yeeri karno hadii aysan intaas noo diyaarsanayn si taas loo diyaariyo 4-ta qodob oo loo diray guddiga isku dhafka ah ee baarlamaanka waa 4-qodob oo xasaasi ah o oculus oo ilaa maanta aan dareemayo in qaar ka mid ah ay xal u heli la’yihiin” ayuu yiri guddoomiye Abshir. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka ayaa xildhibaanada u sheegay inay dalban doonaan waqti marka la horkeeno qodobada ay keeni doonaan guddiga isku dhafka ah ee diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka isaga oo cuskaday inay aad u adagtahay asteynta kuraasta waxa uuna intaas ku daray guddoomiye Abshir in xildhibaanada ay geli doonaan dood adag. “Waxaan hubaa markii baarlamaanka la furo 6-da bisha Juun oo la idiin keeno qodobada qodobka ugu horeeya in ay idinku qaadan doonto saddex beri afar beri sababtoo ah waxaan ognahay asteynta kuraasta doodeedu sida ay u culustahay waad ogtihiin laakiin qofkasta oo idinka mid ah waa diidi doonaa aragti cusubna waa keeni doonaa , qoondada haweenka sida la yeeli doono iyo matalaada Muqdisho doodda ka taagan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay waxa ay go’aamiyeen in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka dalka uu si toos ah u furmo 06-06-2020 islamarkaana 27-06-2020 ay baarlamaanka Soomaaliya hor yimaadaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Wasiirka Amniga dowlad goboleedka GalmudugGalmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay lagu wareejiya dhammaan gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyo beeleed maalmo ka hor weerartay xarunta Ciidanka DANAB ee koonfurta Gaalkacyo. In ka badan 60 malayshiyo iyo 5 gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen ayaa isla xalay wasiir Fiqi geeyay magaalada Dhuusamareeb kadib markii uu ka kexeeyay tuulada Saax Qurun ee gobolka Mudug. Wasiir Fiqi ayaa sheegtay in malayshiyaadka iyo hubkooda la qarameyn doono si ay uga mid noqdaan ciidamada Daraawiishta Galmudug islamarkaana wixii haatan ka dambeeya ay ciidan dowlo noqon doonaan. Wasiirka Amniga Galmudug ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay taliska saraakiisha iyo ciidamada dowladda federaalka ee DANAB oo qayb ka ah sugidda Amniga Galmudug. PUNTLAND POST The post Galmudug oo qaramaysay malayshiyaad dhowaan dagaal ka riday Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  17. Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in heshiis horudhac ah laga gaaray xiisad u dhexeysay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo dhowaan ku dagaalamay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Falagle ayaa sidoo kale tilmaamay inay haatan socdaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaallada ku soo noq-noqday guud ahaan gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo qatar ku ah nabad-gelyada deegaanka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Falagle.mp3 View the full article
  18. Guddoomiyaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa Al-Shaabaab ku eedeeyey inay ka dambeeyeen falkii shalay lagu rasaaseeyey diyaarad siday shixnad gargaar ah oo ku socotay degmadaasi. Mr Cabdirisaaq ayaa sheegay in xilliga la rasaaseynayey diyaaradda ay ku so socotay joog hoose, islamarkaana ay ka timid dhanka magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in rasaastaasi aysan waxyeelo u geysan diyaaradda, islamrkaana ay degtay, kadibna markii dambe ay si nabad ah uga soo duushay halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/www.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Mindi oo xalay saq-dhexe lagu qaaday askari ka tirsan ciidamada Booliska xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka qaaday oo labo ahaa ay abaaro 3:00 habeenimo ay gurigiisa ugu galeen askariga, balse uu iska difaacay, islamarkaana uu toogasho ku dilay mid ka mid ah labadii ruux ee ku hubeysnaa Tooreeyada. Shucuyb Cabdulle oo ah Aabaha askariga la weeraray oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la damacsanaa in wiilkiisa lagu dilay weerar qorsheysan, balse uu iska difaacay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Aabe Shuceyb ayaa tilmaamay in haatan ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Lama oga illaa iyo hadda sababta ka dambeysa weerarkaan iyo u jeedka loo bartilmaameedsaday askarigaasi. Ma jiro sidoo kale weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka, balse dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe magaalada Muqdisho ay ku soo badanayeen kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii ah dhac ka geysta caasimada. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-1.mp3
  20. Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay inay la wareegeen maleeshiyaad dhowaan weerar ka geystay Koonfurta magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen ciidanka DANAB ee ka tirsan xoogga dalka iyada oo wasaaraddu intaas ku dartay in sidoo kale ay si toos ah ula wareegeen gaadiidkii dagaal ee ay maleeshiyaadkaasi wateen. Wasiirka wasaaradda amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayey u suura gashay in maleeshiyaad ku dhow lixdameeyo iyo gaadiidkoodii ay xalay saqdii dhexe soo galeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud, waxaana maleeshiyaadkaasi laga soo kaxeeyay tuulada Saaxo Qurux ee ka tirsan gobalka Mudug. “Ilaahay fadligii dadaal dheer oo ay dhinacyo badan qeyb ka ahaayeen ayaa waxaa wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha u suurtagashay inuu ku guuleysto la wareegista si nabadgalyo ah dhammaan gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyo weerar ka geysatay fariisin ciidanka Danab ee XDS ay ku leeyihiin duleedka Koofurta Gaalkacyo. Ciidamo lixdameeyo ku dhow iyo gaadiid waaweyn oo kuwa dagaalka ah tiradooduna gaarayso 5 gaari, oo wasiirku uu horkacayey ayaa xalay saqdii caasimadda Dh-mareeb soo gaaray kuwaasoo laga soo waday tuulada Saaxo Qurux oo degmada Goldogob ka tirsan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug. Dhanka kale maleeshiyaadkan ayaa lagu biirin doonaa ciidanka daraawiishta Galmudug oo kal sii horeysay uu ku dhawaaqay wasiir Fiqi in ciidan diifaca Galmudug la yagleeli doono, waxaana sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda amniga lagu xusay in baaritaan lagu sameyn doono ciddii ka dambeysay falkii lagu weeraray fariisin ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay ku lahaayeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo. “Ciidamada iyo gaadiidka ayaa ka mid noqon doona ciidamada daraawiishta Galmudug, ayadoo lagala xisaabtami doono, baaritaanna lagu samayn doono ciddii ka mas’uulka ahayd weerarkii iyo falkii lagu weeraray saldhigga ciidanka Danab ee Gaalkacyo ka dhacay Sabti 23 May 2020” ayaa la sii raaciyay qoraalka ka soo baxay wasaaradda. 23-kii May maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday fariisin ay koonfurta Gaalkacyo ku lahaayeen ciidanka DANAB waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare isgu jiray dhimasho iyo dhaawac. Deegaannada Galmudug ayaa waxaa ku soo noqnoqda dagaal beeleedyada iyo weerarada maleeshiyaadka hubeysan ay mararka qaar ka geystaan baraha ay joogaan ciidanka dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. The World Health Organization said Monday that i will temporarily halt the use of hydroxychloroquine — the anti-malarial drug for treating coronavirus patients due to safety concerns. The announcement came after a study published in The Lancet medical journal last week suggested the drug could increase the risk of death among COVID-19 patients, WHO chief Tedros Adhanom Ghebreyesus told a virtual news conference. “The Executive Group has implemented a temporary pause of the hydroxychloroquine arm within the Solidarity Trial while the safety data is reviewed by the Data Safety Monitoring Board,” said WHO Director-General Tedros Adhanom Ghebreyesus. He said the other arms of the trial – a major international initiative to hold clinical tests of potential treatments for the virus – were continuing. Hydroxychloroquine is normally used to treat arthritis but public figures including US President Donald Trump have backed the drug as a virus treatment, prompting governments to bulk buy. Last week, Trump announced he was taking hydroxychloroquine although he has not tested positive for COVID-19. His own administration has warned the drug can have deadly side effects, and both the European Medicines Agency and the U.S. Food and Drug Administration warned health professionals last month that the drug should not be used to treat COVID-19 outside of hospital or research settings due to numerous serious side effects that in some cases can be fatal. In an interview aired on Sunday on Sinclair Broadcasting Trump said he had completed his course. “Finished, just finished,” Trump said. “And by the way, I’m still here. To the best of my knowledge, here I am.” Brazil’s health minister also recommended last week using hydroxychloroquine, as well as the anti-malarial chloroquine, to treat even mild COVID-19 cases. The Lancet study found that both drugs could produce potentially serious side effects, particularly heart arrhythmia. And neither drug helped patients hospitalized with COVID-19, according to the study, which looked at the records of 96,000 patients across hundreds of hospitals. Tedros said both drugs were generally safe for patients with autoimmune diseases or malaria. WHO chief scientist Soumya Swaminathan told Monday’s briefing the Solidarity Trial had been looking only at the effects of hydroxychloroquine and not chloroquine. The decision to suspend enrollment for trials using hydroxychloroquine was “a temporary measure”, she said. The COVID-19 pandemic, which began late last year in China, has killed nearly 350,000 people worldwide and infected almost 5.5 million, according to figures compiled by the U.S-based Johns Hopkins University. While there is still no approved treatment or vaccine, drastic measures that at one point saw half of humanity under lockdown have reduced transmission rates in several countries. As many nations begin to gradually lift restrictions, the WHO stressed the need to maintain physical distancing and to scale up efforts to test and detect cases. “All countries need to remain on high alert,” WHO expert Maria Van Kerkhove said. “The virus will take the opportunity to amplify if it can.” WHO emergencies chief Michael Ryan warned against the idea that the pandemic might move in seasonal waves. “Making an assumption that it is on a downward trajectory, and the next danger point is some time in October or November, I think that would be a dangerous assumption,” he said.
  22. Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa in xalay rag ku hubeysnaa Mindiyo ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaalla degmada Warta Nabadda. Ragga weerarka qaaday oo labo ahaa ayaa la sheegay inay gudaha u galeen hoyga askariga, kadibna falcelin uu sameeyey uu ku toogtay mid ka mid ahaa raggaasi. Shuceyb Cabdulle oo ah Aabaha askariga la weeraray ayaa Shabelle uga warramay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna tilmaamay in la doonayey in wiilkiisa la dilo. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/uuu.mp3 View the full article
  23. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa soo saartay warbixinta maalinlaha ah ee COVID19,waxaana at ku sheegtay in la helay kiisas Cusub oo ah Feyruska Karoona . Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in la diiwaan geliyay 95 xaalado cusub oo COVID19 ah, oo kala jooga 72 Somaliland 17 Gobolka Banaadir 4, Koonfur Galbeed 4 halka Galmudug laga helay 2 Ruux,kuwaas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,689. Bukaannada cusub oo 65 kamid ah waa rag, 30-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay waxaa Cudurka COVID19 u geeriyooday 5 Ruux,waxaana ka bogsaday 31 Qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. View the full article
  24. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa kormeer ku gaaray xerada Gaaska 11-aad, guutada 35-aad oo ka mid aheyd xeryihii ilaalinta xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan dib u habeyn lagu wado, si markale ay kaga mid noqoto xeryaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed . Kormeerkan waxaa ku wehliyay taliye Odawaa saraakiil ka tirsan qeybaha 21-aad iyo 27-aad ee Xoogga dalka, sida Janaraal Saalax Yacquub oo ah abaanduulaha qeybta 27-aad iyo gaashaane Aadan Siyaad Cabdi oo isna ah abaanduulaha qeybta 21-aad ee Xoogga dalka. Xeradaan oo dhismeheedu meel dhexe marayo ayaa taliyaha wuxuu ku amaanay saraakiisha qeybta 21-aad iyo reer Caabudwaaq juhdiga ay galiyeen dib u qaabeenteeda oo taliyuhu tilmaamey in ay faa’iido badan u yeelan doonto dib u dhiska ciidanka Xoogga . View the full article