-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Health officials in Masindi district are hunting for two Somali nationals who escaped from Masindi hospital Covid-19 quarantine centre. Source: Hiiraan Online
-
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) iyo Dalladda Xarumaha Warbaahinta ee SIMHA waxay si weyn uga walwalsan yihiin isticmaalka telefoonka gaarka ah ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go’doomin ah tan iyo 7dii Maarso. Maalinimadii Axaddii 24ka May, 2020, abbaare 3:06p.m ayaa telefoonka wariye Abuuja lagu diiwaangaliyay aaladda wada-xiriirka bulshada ee IMO, iyadoo farriimo sheegaya in wariye Abuuja uu khadka internetka isticmaalayo loo diray dad ka mid ah qoyskiisa. Markii xubno ka mid ah qoyska ay dib u weceenna lagama jawaabin wicitaankooda. Wariye Maxamed Abuuja waxaa markii ugu horreysay xiray saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka (NISA) 29kii Febraayo 2020 kaddib markuu daabacay qormo uu ku dhaliilay ciidamada ammaanka. Waxaa la siidaayey 2da Maarso 2020 isagoo wax dembi ah aanan lagu oogin. Markale ayey saraakiil NISA xireen 7dii Maarso, 2020, waxaana tan iyo xilligaas lagu hayey xabsi go’doomin ah oo aan la ogeyn halka uu ku yaallo. Loomana oggolaanin inuu helo qareen iyo in qoyskiisu arkaan illaa waqtigan. Sida uu xaqiijiyay Cabduwahaab Nuur Mahdi, oo ah wariyaha aabihiis, waxaa wariyaha laga qaatay telefoonkiisa maalinkii la xiray. Sidoo kale saraakiil NISA ka tirsan ayaa booqday guriga wariye Abuuja iyagoo kasoo qaatay kombuyuutarkiisa gaarka ah. Annagoo ka walaacsan in xuquuqdiisa xafidnaanta xogtiisa gaarka ah lagu xadgudbay, ayaan sidoo kale waxaan si weyn uga walwalsanahay ujeeddada ka dambeysa falkan lagu isticmaalayo telefoonka wariye Abuuja. Waxaan rumeysanahay in wariye Abuuja uusan xor ahayn sidaa darteedna ma isticmaali karo telefoonkiisa. Ururrada SJS, SOMA iyo SIMHA waxay dalbanayaan in deg deg loo sii daayo wariye Abuuja ama loo oggolaado maxkamad caddaalad ah iyo qareen. Waxaan sidoo kale uga digeynaa suxufiyiinta, saaxiibada iyo xubnaha qoyska wariye Abuuja inay ka digtoonaadaan wax kasta oo xiriir ah oo lagala soo sameeyo telefoonka wariye Abuuja ama barihiisa bushada maadaama hadda uusan xor ahayn. Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in qolooyinkii xiray wariye Abuuja ay hadlaan oo ay deg deg caddeeyaan cidda furatay telefoonka iyo barta IMO ee magaca wariye Abuuja ku qoran iyo ujeeddada laga leeyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa si adag uga hadlay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolkaasi. Guddoomiye Najax ayaa shaaciyey in dagaalka u u dhexeeyey ciidamada Booliska deegaanka Lafoole iyo maleeshiyaad uu sheegay inay ka soo gudbeen dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in maamulka labada gobol inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida. “Shaqaaqada ka dhacday waaxda Jabad-Geelle, deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaan cadeyneynaa inay u dhaxeysay ciidanka Booliska Lafoole iyo maleeshiyaad ka soo gudbay degmada Dayniile, shacabka iyo maamulka labada gobol waa inay nabada ka shaqeyaan oo dowladnimada la hirgeliyo.” ayuu yiri Najax. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin in lagu soo xadgubo gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo xusay in la wada yaqaano sohdinta labada gobol. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Dayniile, kaas oo u dhexeeyey ciidamo boolis ah iyo kuwa milatari ah oo isku qabtay arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaasi.
-
Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in ay degaanno kala duwan kala wareegeen ururka Al-shabaab. Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas oo ka dhacay inta u dhexaysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi ay ciidamadu kula wareegeen saddex degaan oo lagu kala magacaabo Afcad Ceel-bacad iyo Abooreey. Dhamme Cabdulqaadir Cali Nuur oo ka tirsan Ciidamada Militariga ee ka hawlgala gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in in ciidamadu ay cagta mariyeen xarumihii Al-shabaab ee ku yaallay degaannadaas. Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalka ay ku dileen ilaa 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay dab qabadsiiyeen gaari ciidan hub iyo raashin ay ka carareen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo Al-shabaab saddex degaan ka qabsaday xubno badana ka laayay appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 41-aad guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxa ay kula wareegeen deegaanno ay gacanta ku hayn jireen dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo u dhexeeya degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobalkaasi. Taliyaha ururka 41-aad dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhaxeysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi ay kula wareegeen deegaanada Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey isagoo sheegay in ay burburiyeen fariisimo Al shabaab ay dadka uga qaadi jireen waxa ay ugu yeeraan sakawaat Dhamme Cabduqaadir ayaa xusay in ay howlgalka ku dileen 13 ka tirsan Al-shabaab dhaawac badane ay u geysteen, wuxuuna intaas ku daray in halkaasi ay ku gubeen gaari Al shabaab ay lahaayeen oo siday, raashin,hub iyo laabtoobyo islamarkaana ay Al shabaab ka carareen sida lagu baahiyay warkaan warbaahinta dowladda. Ma jirto hadal ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadlayaan in dagaalamayaal iyaga ka tirsan looga dilay gobalka Hiiraan sidoo kalane halkaasi lagu gubay gaari u siday shixnado kala duwan. Maalmihii dambe ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay howlgallo qorsheysan ka wadeen deegaanno iyo degmooyin ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Al shabaab kuwaas oo markii dambe lagala wareegay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay isku day walba oo lagu kordhinayo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga, ka dib markii shalay labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay dib u dhigeen kulankoodii. Shariif Sheekh ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka inuu ku xad-gudbay dastuurka KMG iyo sharciga doorashooyinka, kadib tallaabadii muddo bil dib loogu dhigay hor imaanshihii baarlamaanka ee guddiga doorashooyinka qaranka. “Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu yiri Shariif. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda” Ugu dambeyntii Sheekh Shariif ayaa xusay in dowladda federaalka ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday oo ay ugu horreyso qabashada doorasho qof iyo cod ah. View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay xanibaada ka qaadayso inta badan magaalooyinka dalkaas, gaar ahaan magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina. Amar kasoo baxay Boqor Salman Bin Cabdicasiis la faray in bandowga laga qaado magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina dabayaaqada bisha soo socota ee June sida ay baahisay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA Boqorka ayaa sheegay in dadka loo furi doono masaajidda si ay ugu cibaadeystaan. Wixii ka dambeeya 31-ka bishan ayuu Boqorku amray in la fasaxo gaadiidka gudaha Sacuudiga ka shaqeeya, sidoo kalena 21-ka June waxaa si rasmi ah bandowga looga qaadi doonaa magaalooyinka Maka iyo Madiina. Warkan kasoo baxay boqortooyada waxaa lagu sheegay inaan la fasixi doonin Xajka iyo Cumrada sanadkan, sababo la xariira cabsi laga qabo inuu faafo xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus. Sharciyada kala fogaanshaha bulshadda iyo inay mamnuuc tahay in kontomeeyo ruux meel iskugu timaado ayaa sidooda sii ahaan doona, sida warkan lagu sheegay. Dad kor u dhaafaya 75 kun oo qofood ayaa gudaha Sacuudiga laga helay xanuunka COVID-19, halka qiyaastii 400 oo kalena ay ku geeriyoodeen cudurkan. Ka Dib, Bandowgii Kaamilka Ahaa Ee Ayaamaha Ciidda Soonfurka Iyo Bandowgii Labadii Bilood Ee Lasoo Dhaafay, Ayaa Dowladda Sacuudiga Sheegtay Inay Bandowgii Khafiifinayso Ka Dib Markii Wasaaradda Caafimaadka Laga Qaatay Talooyinka Kahortagga Cudurka Koofid-19 Kolkaa Bandowgii Waxaa Loo Khafiifinayaa Heerarka Soo Socda:- Maalinta Khamiista Soo Socota Bisha Shawaal Ahna 05/10/1441H Ilaa 07/10/1441H = 28 May 2020 Ilaa 30 May 2020, Fasaxa Wuxuu Bilaabanaya 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 03:00 PM Duhurnimo, Taasoo Ah Wixii Muhiim Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Waana Magaalooyinka Waddanka Sacuudiga Oo Dhan Aanan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Sheegay. Maalinta Bisha Shawaal 08/10/1441H Ilaa 29/10/1441H = 31 May 2020 Ilaa 21 June 2020 Fasaxa Wuxuu Bilaabanayaa 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 08:00 PM Fiidnimo, Waxaana La Fasaxay Shaqooyinka Dowladda Iyo Kuwa Gaar Ah, Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Si Aan Cudurku U Faafin Iyo In La Oogo Salaadda Jumcaha Ah Iyo Salaad Wadareedka Iyadoo Shuruudu Tahay Kala Fogaanshaha Iyo Sidoo Kale Waxaa La Fasaxay Isu Gooshidda Dhulka Ee Magaalooyinka Waddanka Iyo Safarka Cirka Ee Gudaha Dalka Sacuudiga, In La Samaysan Karo Jimicsiga Jirdhiska Socodka Iyo Ruclaynta (Daily Exercise) Meelaha Loogu Talagalay Iyo Tegidda Naadiyadda Isbortiga, Fasaxa Furitaanka Nashaadhka Gannacsiga Iyo Dhaqaalaha Magaalooyinka Dalka Sacuudiga Oo Aan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Shaaciyey Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Maalinta Bisha Shawaal 29/10/1441H = 21 June 2020, Bandowgii Ayaa La Qaadayaa Noloshii Ayaa Caadi Ahaan Loo Soo Celinayaa Iyadoo Lays Faray Inayan Kulmi Karin 50 Qafood Wax Ka Badan Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-27052020.mp3 View the full article
-
Madaxweyanaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay ka qeyb galay shirka Guddiga Heer Federaal ee Xakameynta Xanuunka COVID19. Kulankan waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaana ka qeybgalay xubnaha Guddiga Heer Federaal ee xakameynta COVID19 iyada oo si gaar diiradu loogu saaray kiisaska la xiriira Covid 19 ee 24 saac ee lasoo dhaafay laga soo warinayo degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye ayaa Guddiga uga war bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Deegaanada Galmudug ee Cudurka Coronavirus. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo deegaannada Galmudug ee xaaladaha daran ay ka jiraan gaar ahaan Magaalada Cadaado. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayr oo amray in Gurmad Caafimaad la gaarsiiyo Cadaado appeared first on Puntland Post.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa shil ka dhashay gaari nooca xamuulka ah xalay mootooyin badan ku jiiray kaalin shidaal oo ku taalla Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in gaariga uu marka hore ku socday xawaare uuna ka xakameeyn waayay Darawalkii waday, sidaasin auu ku jiiray mootooyinka. In ka badan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen goobta halka dad kalena dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen waxa sidoo kale ka dhashay burbur hantiyeed. PUNTLAND POST The post In ka badan 10 ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
While Somalia and its partners, including the United Nations, focus on the response to the COVID-19 pandemic, other parts of the international organization remain concentrated on supporting the Somali authorities in a range of areas – including the current desert locust infestation. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – António Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ammaanay tallaabadii uu madaxweyne farmaajo ku raali-geliyey reer Somaliland, wuxuuna fariin u diray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, midaasi oo ugu baaqayey inay dib u furaan wada-hadalada labada dhinac ee muddada badan hakadka ku jiray. Guterres ayaa warbixintii uu siiyey kulanka Golaha Ammaanka QM ee arrimaha Soomaaliya, waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raali-gelintii uu Madaxweyne Farmaajo u diray Somaliland, taasi oo ku aadaneyd xasuuqii ay dowladda Maxamaed Siyaad Barre ka geysatay qaar kamid ah deegaanadeeda. Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay kulankii u horeeyay ee dhex-maray Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasi oo ka dhacay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, isla markaana uu soo qaban qaabiyey Abiy Axmed. António Guterres ayaa arrimahaasi kaga hadlay warbixintiisi saddex biloodka aheyd, isagoona dalbaday inay labada madaxweyne ay kobciyaan xiriirka ka dhaxeeya oo hadda u muuqda mid maraya meeshii u xumeyd. “Kulankii dhex maray Farmaajo iyo Biixi wuxuu ahaa talaabo togan. Waanan bogaadinayaa. Farmaajo wuxuu soo saaray warbixin guud oo uu ku qiray xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqal insaanka ee ay dawladii Maxamed Siyaad Barre samaysay, Muudane. Biixina wuu aqbalay talaabadaas,” ayuu yiri António Guterres Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan ugu baaqayaa labada hoggaamiyeba inay ku dul dhisaan xiriirkan si ay ugu kobciyaan xiriirka oo ay uga sameeyaan horumar dib u bilaabista wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland”. Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa mudda badan hakad ku jira, iyada oo muddooyinkii dambe ay sarre usii kaceysay xiisada ka dhaxeysa labada dhinac, midaasi oo god kusii ridaysa inay dib u bilowdaan wada-hadaladaasi.
-
Hargeysa (Caasimada Onlin) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dacwad ka dhan wakiilkii hore ee Somaliland, Xasan Hirad Yaasiin Cabsiiye u gudbisay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Imaaraadka ayaa si weyn uga carootay qoraal uu Xasan Cabsiiye ku baahiyey bartiisa twitter-ka, kaasi oo ku dhaliilayey deeqaha ay dowladda Imaaraadku geyso deegaanada Somaliland. Xasan Cabsiiye ayaa qoraalkiisa eedeyn ugu jeediyey madaxda dalka Imaaraadka Carabta, maadama uu sheegay inaysan fulin balan-qaadyo ay hore ugu sameeyeen Somaliland. Isagoona si gaar ah u xusay in Imaaraadku uusan fulin balan-qaad uu ku sheegay inay ku dhisayeen Isbitaal weyn oo ay yeelato magaalada Berbera, halka ay Malaayiin doolar ku bixiyeen mid gaar ay u leeyihiin, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu Xasan Cabsiiye si weyn uga horyimid barnaamij mucaawino ahaa oo uu dhawaan Nin u dhashay Imaaraadku uu ka fuliyay gudaha Somaliland, kaasi oo dhaqaale lagu siiyey qoysas baahan oo ku sugnaa magaalada Hargeysa. Wuxuuna ku sheegay barnaamijkaasi mid musuq-maasuq ahaa, isagoona ku tilmaamay mid been abuur ah oo lagu indho sarcaadayey bulshada. Dowladda Imaaraadka ayaa ka gubatay eedeymaha uu wakiilkaasi hore u jeediyay, iyada oo Madaxda sare ee Somaliland wax kasoo weydiisay inay arrinkaasi kala socdaan wakiilkoodii hore. Imaaraadka ayaa Somaliland ka dalbay inay cadeeyaan inaysan wax lug ah ku laheyn eedeymaha uu baraha bulshada ku baahiyay Xasan Cabsiiye oo Madaxweynaha Somaliland uu xilkaasi ka cayriyay bishii March ee sanadkii hore ee 2019-ka. Xasan Cabsiiye oo isagana wax laga weydiiyay arrinkaasi, ayaa sheegay inuu la kulmay hanjabaado kala duwan oo uga imaanaya shaqsiyaad uu sheegay inuu aqoonsan waayey, balse uu la xiriiriyey dowlada Imaaraadka oo iyadu si weyn uga carootay eedeymihiisa. Wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland, ayaa qoraal ay iskaga fogeynayso eedeymaha wakiilkeedii hore u dirtay dowladda Imaaraadka, iyadoona ka raali-gelisay arrinkaasi, sida ay ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xiisada ka dhex oogan dowladda Imaaraadka iyo Xasan Cabsiiye ayaa ka horeysay eedeymaha uu ku baahiyay bartiisa twitterka, iyadoo la rumeysan yahay intuu xilka hayey inuusan la dhacsaneyn dhaq-dhaqaaqyada Imaaraadka ee gudaha Somaliland. Xasan Cabsiiye ayaa xilkii uu hore ugu hayey dowladda Somaliland ku waayey xiisada kala dhaxeysa Imaaraadka, oo dhawaan si cad usoo if-baxday.
-
Ka warran haddii ay Hillary Clinton noqon lahayd madaxweynaha Mareykanka? Hillary Clinton waxay sanadkii 2016 ku dhawaatay in loo doorto madaxweynaha Mareykanka Buugga loogu magac daray Rodham wuxuu male’awaalayaa duni u dhow mid run ah oo wax kastana ay sidan ka duwanaan lahaayeen. Male’awaalka xiisaha leh ma nagu caawin karaa inaan dhisno ‘mustaqbal habboon’ ayey tiri Caryn James, oo ah wariye u dhalatay Mareykanka oo dhaleeceysa filimada. Sanadkii 2016-kii, shacabka Mareykanka waxay ku dhawaadeen inay madaxweyne u doortaan Hillary Clinton, dadka reer Britain iyaguna waxay ku sigteen inay diidaan ka bixitaanka Midowga Yurub. Bal ka warran haddii ay arrimahaas u dhici lahaayeen si ka duwan sidii ay u dhaceen? Qorayaasha mid ka mid ah buugaagtii ugu wanaagsanaa waayadan iyo barnaamijyo ka baxa telefishinnada ayaa sameeyay duni male’awaal ah oo ku dhisan jumladda “ka warran haddii ay sidaas dhici lahayd”. Curtis Sittenfeld, oo ah qoraa u dhalatay dalka Mareykanka ayaa sameysay buug ay ku magacowday Rodhan – oo dad badan ay ku xirmeen – waxayna uga warrameysaa sida ay Hillary Rodham nolosheeda u ekaan lahayd haddii aysan guursan lahayn Bill Clinton. (Waxyaabaha durba la fahmayo waxaa ka mid ah: in xirfaddeeda hammigeeda siyaasadeed uu billaaban lahaa xilli ka horreeya waqtigii uu billowday, maadaama uu seygeeda siyaasi ahaa.) Buugga waxaa lagu sharraxay qaabkii ay nolosha Hillary noqon lahayd haddii aysan guursan lahayn Bill Clinton Shirkadda uu leeyahay ninka ku xeel dheer allifaadda male’awaalka filimada, ee lagu magacaabo William Gibson, ayaa ka qeyb qaadatay diyaarinta Duni ay madaxweyne ka tahay Hillary Clinton, oo sidoo kale Britain aysan ka bixin Midowga Yurub. Qeybta ugu horreysa ee Filimkaas siyaasadeed ee male’awaalka ah, oo lagu magacaabay “The Good Fight=Dagaalka Wanaagsan” ayaa ka baxday telefishinka CBS, waxaana diiradda lagu saaray Hillary Clinton oo madaxweyne ah. Qaabka sheegada loo sameeyay aad baa loo jecleystay ilaa dhammaadka. Waxyaabo kale ayaa male’awaal noocaas ah laga sameeyay. Musalsalka AppleTV+ ee lagu soo qaato wax kasta oo ay bani’aadanka male’awaal ka dhigtaan ayaa isagana lagu eegay waxa dhici lahaa haddii uu Ruushka dayaxa geyn lahaa nin, kaddibna haweeney, ka hor inta uusan sidaas sameynin Mareykanka. Madaxweynihii Mareykanka, ee lagu magacaabi jiray Richard Nixon, oo lagu yaqaannay inuusan wax dan ah ka yeelanin xuquuqda haweenka ayaa dalbaday in sidaas la sameeyo, oo ragga iyo dumarka loo wada diro dayaxa. Akhristeyaasha iyo daawadeyaasha waxaa suurtagal ah inay ku caajiseen waxyaabaha male’awaalka ah, gaar ahaan marka ay u jeedaan xaqiiqda. Laakiin barnaamijyadan cusub waxay dareensiinayaan rajo fiican oo dhici karta. Waliba waxay kusoo aadeen xilli uu cudur safmar ah ka jiro caalamka oo inta badan guryaha la joogo, fursad wax kasta lagu daawadana la heysto. Musalsalka lagu magacaabay “For All Mankind” wuxuu male’awaalayaa duni ka duwan tan hadda jirta, oo imagines an alternative, female-friendly history of the space race Sidaas darteed dadku waxay ka fikirayaan xiisaha ay yeelan lahayd duni ka duwan sida ay hadda tahay. Horayba way jireen waxyaabo lagu fikiri jiray sida ay xaaladdu noqon lahayd haddii aysan dhici lahayn. Waxaa tusaale fiican ah Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Filim ay shirkadda HBO sameysay, oo lagu magacaabo “Qorshihii ka dhanka ahaa Mareykanka”, ayaa lagu daawaday Charles Lindbergh oo madaxweyne ka ah Mareykanka. Filim kale oo musalsal ah, oo laga heli karo Amazon ayaa isagana lagu jilay Yuhuudda Mareykanka ah oo sannadihii 1970-meeyadii ugaarsanaya Naaziyiintii xasuuqay. Hase yeeshee, arrinta ku saabsan 2016-kii waxay ka xiiso badan tahay dhammaan waxyaabaha kale, sababtna waxaa laga yaabaa inay tahay maadaama madaxweynenimada Hillary iyo kusii jiritaanka UK ee Midowga Yurub ay ahaayeen arrimo aad ugu sigtay inay si dhab ah u dhacaan. Xalaqo ka mid ah filimka “The Good Fight” waxaa lagu male’awaalayaa Hillary Clinton oo madaxweyne noqotay Dhacdooyinkan u dhawaaday runta ee laga sameeyay male’awaalka xiisaha badan ma aha kuwo ay suurtagal tahay inay si fudud u rumoobaan. Laakiin haddii ay xitaa dhici lahaayeen, waxaa jiro waxyaabo badan oo aysan ka baddali kari lahayn dunida hadda jirta, sida lagu caddeeyay filimada matalaadda ah. Madaxweynaha male’awaalka ah ee filimka lagu matalay, oo loola jeedo Mrs Clinton, awood uma aysan yeelanin inay nabad kusoo celiso gobolka Bariga Dhexe. Balse waxyaabo kale oo waaweyn ayaa ugu hirgalay sida ka muuqata filimka khiyaaliga ah. Waxaa ka mid ah in maamulka ay madaxweynaha ka tahay Hillary uu daawo u helay cudurka kansarka. Haddaba markii dib loogu soo laabto dunida runta ah, dhammaan taariikhahaas khiyaaliga ah awood uma laha inay dib waqtiga u celiyaan, oo ay mar kale isasaxaan. Kama hortagi karaan inuu dillaaco fayraska hadda dunida oo dhan ku faafay, dibna uma celin karaan ka bixitaanka UK ay macsalaameysay Midowga Yurub. Balse waxaa laga yaabaa in ay fikrad naga siiyaan sameynta mustaqbal ka wanaagsan sidii hore. Qaran News
-
Dawladda Sacuudiga oo khafiifisay Bandowgii ka dhashay cudurka Coronavirus+Go’aan ka soo baxay Xajka & Cumrada 2020 Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay xanibaada ka qaadayso inta badan magaalooyinka dalkaas, gaar ahaan magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina. Amar kasoo baxay Boqor Salman Bin Cabdicasiis la faray in bandowga laga qaado magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina dabayaaqada bisha soo socota ee June sida ay baahisay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA Boqorka ayaa sheegay in dadka loo furi doono masaajidda si ay ugu cibaadeystaan. Wixii ka dambeeya 31-ka bishan ayuu Boqorku amray in la fasaxo gaadiidka gudaha Sacuudiga ka shaqeeya, sidoo kalena 21-ka June waxaa si rasmi ah bandowga looga qaadi doonaa magaalooyinka Maka iyo Madiina. Warkan kasoo baxay boqortooyada waxaa lagu sheegay inaan la fasixi doonin Xajka iyo Cumrada sanadkan, sababo la xariira cabsi laga qabo inuu faafo xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus. Sharciyada kala fogaanshaha bulshadda iyo inay mamnuuc tahay in kontomeeyo ruux meel iskugu timaado ayaa sidooda sii ahaan doona, sida warkan lagu sheegay. Dad kor u dhaafaya 75 kun oo qofood ayaa gudaha Sacuudiga laga helay xanuunka COVID-19, halka qiyaastii 400 oo kalena ay ku geeriyoodeen cudurkan. Halkan hoose ka akhri warkan oo intaa ka faahfaahsan:- Dowladda Sacuudiga Oo Bandowgii Khafiifisay! Jeddah Ka Dib, Bandowgii Kaamilka Ahaa Ee Ayaamaha Ciidda Soonfurka Iyo Bandowgii Labadii Bilood Ee Lasoo Dhaafay, Ayaa Dowladda Sacuudiga Sheegtay Inay Bandowgii Khafiifinayso Ka Dib Markii Wasaaradda Caafimaadka Laga Qaatay Talooyinka Kahortagga Cudurka Koofid-19 Kolkaa Bandowgii Waxaa Loo Khafiifinayaa Heerarka Soo Socda:- 1. Maalinta Khamiista Soo Socota Bisha Shawaal Ahna 05/10/1441H Ilaa 07/10/1441H = 28 May 2020 Ilaa 30 May 2020, Fasaxa Wuxuu Bilaabanaya 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 03:00 PM Duhurnimo, Taasoo Ah Wixii Muhiim Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Waana Magaalooyinka Waddanka Sacuudiga Oo Dhan Aanan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Sheegay 2. Maalinta Bisha Shawaal 08/10/1441H Ilaa 29/10/1441H = 31 May 2020 Ilaa 21 June 2020 Fasaxa Wuxuu Bilaabanayaa 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 08:00 PM Fiidnimo, Waxaana La Fasaxay Shaqooyinka Dowladda Iyo Kuwa Gaar Ah, Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Si Aan Cudurku U Faafin Iyo In La Oogo Salaadda Jumcaha Ah Iyo Salaad Wadareedka Iyadoo Shuruudu Tahay Kala Fogaanshaha Iyo Sidoo Kale Waxaa La Fasaxay Isu Gooshidda Dhulka Ee Magaalooyinka Waddanka Iyo Safarka Cirka Ee Gudaha Dalka Sacuudiga, In La Samaysan Karo Jimicsiga Jirdhiska Socodka Iyo Ruclaynta (Daily Exercise) Meelaha Loogu Talagalay Iyo Tegidda Naadiyadda Isbortiga, Fasaxa Furitaanka Nashaadhka Gannacsiga Iyo Dhaqaalaha Magaalooyinka Dalka Sacuudiga Oo Aan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Shaaciyey Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha 3. Maalinta Bisha Shawaal 29/10/1441H = 21 June 2020, Bandowgii Ayaa La Qaadayaa Noloshii Ayaa Caadi Ahaan Loo Soo Celinayaa Iyadoo Lays Faray Inayan Kulmi Karin 50 Qafood Wax Ka Badan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in wakiilo ka socday beesha Habar-gidir ay gaari aan xabada iyo qaraxyadu karin ku wareejiyeen Janaraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab, oo laba jeer ka badbaaday qaraxyo lala beegsaday. Gaariga ayaa la sheegay in uusan aheyn hanti dowladeed balse ay si shaqsi ah ugu soo iibiyeen ehelkiisa, si ay ugu dadaalaan bad qabkiisa maadaama uu halis ugu jiro weeraro ku socda. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in isbadal lagu sameyn doono ilaalada Cali Gaab maadaama inta ugu badan ay dhaawacyo qabaan. Si rasmi ah looma oga cida beegsaneysa Cali Gaab laakiin waxaa la aaminsan yahay in aysan aheyn Al-Shabaab oo kaliya. Wax ka yar toban maalmood gudahood ayaa laba jeer Cali Gaab uu ka bad-baaday qarayxo lagu dili lahaa, waxaana jira shaki ku saabsan in dad isaga ku dhow oo wax ka og dhaq-dhaqaaqiisa ay bixinayaan xogtiisa. Genaraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab, waxa uu ku jiraa saraakiisha fara ku tiriska ah ee ka haray ciidamadii hore ee Soomaaliya, sidoo kale waa nin shaqo oo qeybo badan oo booliska Soomaaliya ah ka soo shaqeeyay. Xubno kamid ah ehalada Cali Gaab ayaa noo sheegay in gaari Baruuf ah looga dalbay dowladda balse ay noqotay mid aan mira dhalin taasina ay sababtay in beeshiisa ay si deg deg ah ugu soo iibiyaan gaari aan xabadda karin.
-
Xasaasi:Xukumada Farmaajo oo lacag ku bixineysa xiisada ka aloosan Puntland+Siciid Deni oo sida Fiinta uga qayliyey…. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay lacag badan ku bixineyso khilaafka iyo bur-burinta maamulka Puntland. Dhowaan ayaa Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay dhibaato iyo faro-gelin ku hayso arrimaha Puntland, waxaana dhaliishiisa ay gaadhay heer uu si dadban ugu eedeeyo qaraxyo ka dhacay Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhawaan BBC-da ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaawday iney la macaamisho dadka hoose ee Puntland, sida odayaasha, ganacsatada iyo siyaasiinta halkii ay aheyd iney maamulka la shaqeyso. Warbaahinta ayaa ogaatay in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed uu dowladda Soomaaliya wakiil uga yahay abaabulka kacdoon ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale waxaa arintaan qeyb ka ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda khilaaf culus kala dhaxeeyo Deni, ganacsato, odayaal iyo siyaasiin kale. Ujeedka ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya arintaan ka leedahay ayaa lagu sheegay in la fashilo Madaxweyne Deni si loogu eedeeyo inuu isku wadi waayay Puntland kadibna la gaadhsiiyo baarlamaanka si ay Kalsoonida ugala noqdaan. Dowladda federaalka ayaa sidan oo kale waxay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Camey ugu kicisay madaxweyne Cabdiweli Gaas, kadibna ku abaal-marisay xilka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ayaa ayaa mar kale ku celiyay taageerada wadankiisu uu u fidinayo Falastiin iyadoo dunida Muslimku ay u dabaal degeeysay munaasabadda Ciiddul Fidriga. “Ma ogaan doono in dhulka Falastiin cid kale la siiyo,” ayuu Recep Tayyip Erdogan ku yiri farriin muuqaal ah oo uu ku daabacay Twitter-ka. “Waxaan jeclaan lahaa in aan ku celiyo oo wacad ku maro in magaaladda Qudus, oo meel barakeysan u ah sedax diimood, ahna qibladeenii ugu horeysay ay qad cas u tahay dunida muslimka ah,” ayuu yiri Erdogan. Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waa ay caddahay in dunidu ku guul darreysatay in ay soo saarto cadaalad, nabad, amni iyo kala dambeyn.” “Todobaadkii lasoo dhaafay waxaan marqaati ka ahayn dhul qabsi iyo dhul goosi cusub, taasi oo aan tixgelineyn Madaxbanaanida Falastiin iyo xeerka caalamiga ah ayna fulineyso Israel.” Israel waxa ay sheegtay in ay goosan doonto qaybo ka mid ah daanta Galbeed 1-da July, sida ay ku heshiiyeen Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo Benny Gant oo madax ka ah xisbiga Blue and White. Qorshahaas waxa laga cambaareeyay dunida dhan, gaar ahanna Turkiga, ayada oo dalalka Carabta badankood ay ka aamuseen. Daanta Galbeed oo ay ku jiro bariga Qudus waxaa loo arkaa dhul la qabsaday markii loo eego sharciga caalamiga ah, taasi oo degenaanshaha Yahuuda ee hadda iyo dhul goosiga qorsheysanba ka dhigeysa sharci darro.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay lacag badan ku bixineyso khilaafka iyo bur-burinta maamulka Puntland. Dhowaan ayaa Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay dhibaato iyo faro-gelin ku hayso arrimaha Puntland, waxaana dhaliishiisa ay gaartay heer uu si dadban ugu eedeeyo qaraxyo ka dhacay Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhawaan BBC-da ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaawday iney la macaamisho dadka hoose ee Puntland, sida odayaasha, ganacsatada iyo siyaasiinta halkii ay aheyd iney maamulka la shaqeyso. Caasimada Online ayaa ogaatay in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed uu dowladda Soomaaliya wakiil uga yahay abaabulka kacdoon ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale waxaa arintaan qeyb ka ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda khilaaf culus kala dhaxeeyo Deni, ganacsato, odayaal iyo siyaasiin kale. Ujeedka ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya arintaan ka leedahay ayaa lagu sheegay in la fashilo Madaxweyne Deni si loogu eedeeyo inuu isku wadi waayay Puntland kadibna la gaarsiiyo baarlamaanka si ay Kalsoonida ugala noqdaan. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale sidan oo kale waxay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Camey ugu kicisay madaxweyne Cabdiweli Gaas, kadibna ku abaal-marisay xilka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya. Xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa hore dhowr jeer dowladda Soomaaliya ku eedeeyay iney bur burineyso maamul gobaleedyada, si ay u geysato kuwa ku xiran Villa Somalia.
