Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/Sh.-Said-Ahmed-Faarah_SOM_logo.mp4 Source: goobjoog.com
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ay aqbaleen inay ka wada-hadalaan khilaafka haatan u dhexeeya, si xal waara looga gaaro. Guddoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA, Feysal Axmed Warsame ayaa ka warbixiyey kulamo gooni gooni ah oo ay la qaateen Siciid Deni iyo Axmed Karaash, kuwaas oo looga arrinsaday, sidii loo dhameyn lahaa khilaafkooda. Feysal ayaa sheegay in labaduba ay ka codsadeen in wad-hadal lagu dhameeyo xiisada, islamarkaana ay ka aqbaleen in ay is hor fadhiistaan, si ay uga wada-xaajoodaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka dallad ahaan ay iyagu dhameyn doonaan arrinta, islamarkaana ay heystaan damaanad-qaad la xiriira in ay ka aqbaleen dadaalka ay wadaan. Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland oo aad u xoogeystay maalmihii u dambeeyey ayaa salka ku haya awooda maamulkaasi. Waxaa sidoo kale fashilmay isku dayo kala duwan oo horay loo sameeyey, si loo dhex-dhexaadiyo labadaasi mas’uul. Xaaladda Puntland ayaa muuqata mid sii cakirmeysa marba marka ka dambeysa, iyadoo uu saameeyey cudurka Coronavirus oo laga helay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.
  3. A total of 283 journalists and other media workers in Mogadishu have today received from the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) face masks as part of efforts to provide essential protection for the safety of journalists and other media workers who are frontline workers. The union distributed 1415 reusable cloth masks to local journalists and other media practitioners to help them stay safe and guidance was given on how to stay safe from COVID-19. Each of the recipients was handed out five reusable cloth masks. Union organisers distributed the mask kits in the media houses and to freelance journalists. “Ensuring journalists and other workers in the media industry have access to masks is the union’s priority. We are stepping up to the challenge of providing masks to journalists and other workers as key and frontline workers because they are the lowest paid professionals who are working in precarious conditions, many of whom are providing essential services in the fight against COVID-19,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. NUSOJ notes many journalists and their co-workers do not have the option of working from home and have been placed in harm’s way while providing essential services. The union looks to expand this solidarity support to vulnerable journalists in the regions View the full article
  4. Dhiraandhirrin -caqli iyo caqiido– haddaanad soo jeed ku akhriyi karin adiga kuuma qorin walaal. {إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى السَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ} ق:37 Inkasta oo caqligu yahay dheef Alle noolaha wada siiyey, haddana Aadmiga waxa la siiyey garasho ka korran tan la siiyay xayawaannada kale. Asal ahaan caqliga waxa uu Alle u bixiyey in nooluhu noloshiisa ku maareeyo, oo uu waxa waxtarka u leh iyo waxa dhibta u leh ku kala sooco oo ku kala doorto. Aadmiga iyaga oo caqliga la wada siiyey, ayay haddana sii kala garasho roon yihiin. Nebiyadu waa kuwa Aadmiga oo dhan ugu garashada wacan, sidaa awgeed ayaa loogu soo dejiyey Waxyiga si ay dadka kale u tacliimiyaan oo danahooda dhow iyo kuwa fogba ugu hagaan. Sidaa oo kale cidda ugu mudan ee Anbiyada raacday waa dadkii garasho iyo daacad ahaanba ku soo xigay, waxa ay ahaayeen dadkii awood-faham u yeeshay waxa ay Anbiyadu xambaarsanyihiin, iyagana culimada ayaa ugu sii mudan oo dhaxalkii Rususha inoo sida. Sidaa awgeed, ayaad Qur’aanka ku arkaysaa in ay aad ugu badantahay in dadka raacay hanuunku ay yihiin kuwa dhab ahaan caqligooda u adeegsaday ee fahmay ujeeddada nolosha iyo risaalada Anbiyada. Taa hore beddelkeedana Qur’aanka waxa aad ku arkaysaa iyada oo inta badan lagu ceebaynayo kuwa xaqa diiday garasho xumo iyo aragti gaabni iyo weliba in aanay caqligooda adeegsan oo fekerin, ma dhicin mana dhici doonto in caqli badni lagu baadiyoobo, taa beddelkeedase waynnu aragnay. Waxa la yaab leh oo isweyddiin mudan, dhammaan Anbiyada Alle soo diray dadkii sida adag uga horyimi waxa ay ahaayeen dadkii madaxda u ahaa bulshooyinkii Anbiyada loo soo diray ee mudanta bulshada loo yaqaannay, waana kuwa mar walba caqabadda ku ah xaqa! Su’aashu waxa weeye: “Kuwaas ma waxa garasho dhaamay masaakiinta Anbiyad rumeeyey ee raacday”? Waa isweyddiin mudan in aynnu jawaabteeda laba qodob ku soo koobno: 1) Had iyo jeer masaalixda dunida inteeda ugu badan laguma xaqiijiyo garasho badni iyo akhlaaq wanaag- Inteeda ugu badan ayaynnu nidhi- ee waxa lagu gaadhaa xirfad, isdabamarin, makri iyo khiyaano, sidaa awgeed ayuu inta badan Qur’aanku ku sifeeyey madaxyo weyntii xaqa ka horyimi kuwo ku takhasusay dhagarta iyo harowsiga bulshooyinka, Fircoon ayaana tusaale inoogu filan sida uu Qur’aanku inoo tusmeeyey. 2) Dadka madaxda ahi inta badan waxa ay ilaashadaan dano, cidkasta oo ay u arkaan in ay danahoodaas dhantaalayaanna way la collaytamaan, xataa iyaga oo og waxaasi in uu xaq yahay, ayay damacooda gaarka ah u laba dibleeyaan garashadooda, taa macnaheedu waxa weeye garashadoodii fiicnayd waxa wasakheeya oo xumeeya damacooda, kaasoo u diida raacitaanka xaqa iyo dhaqangelinta caddaaladda. Taa waxa la mid ah in dulmi badan oo awood dawladeed ama mid dhaqaale lagu galo aanay sababteedu ahayn oo keliya garasho xumo, ee ay tahay dhaqan xumo, isla weyni iyo dhagar lagu doonayo in dulmiga lagu waardiyeeyo. Gundhigga macnaha aynnu doonaynno in aynnu sugnaa waxa weeye: Dulmi kasta oo caddaaladda laga fogeeyey, diidmo kasta oo xaqa lagu dadafeeyey waxa ka danbeeya oo keliya: 1) Garasho xumo ama 2) Dhaqan xumo damac huwan. Waa labada arrimood ee aayaddani cabbirtay ISLAWEYNI iyo FASAHAADIN. {وَجَحَدُوا بِهَا وَاسْتَيْقَنَتْهَا أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا ۚ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ}النمل 14 “Way ka dhega adeygeen –xaqa-iyaga oo ay nahafoodu yaqiinsanyihiin, isla weyni awgeed, eeg cidhib- xumada- mufsidiinta” Cidda keliya ee darajada sare Aakhiro helaysaana waa cidda labadaa sifo ka badbaadday Adduunyada: {تلْكَ الدَّارُ الْآخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِي الْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا ۚ وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ} القصص:83 “Taasi waa jannadii, waxa aannu siinaynaa kuwa aan dhulka guudkiisa isla weyni iyo fasahaadin la doonayn, dhibibta san ee danbena waxa iska leh kuwa Alle ka cabsada” Musuqa hantida dadweynuhu waa fasahaadin, duridda caqiidada ummadduna waa fasahaadin, kuwa ku hawllanina waa mufsidiin. Alle ha innaga yeelo kuwa isaga keligii ka cabsada, aan xaqa iska weyneynin, dhulkana fasahaadin, ee Jannada sare dhaxla – Aamiin. Dr-Abdulqani Hussein Beder Qaran News
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo nooca miinada ah oo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay. Qaraxyada oo ahaa kuwa is-xigxigay ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi oo ka soo ambabaxay degmada Bardaale, kuna sii jeeday Qansaxdheere. Ma cadda khasaaraha ciidamada Itoobiya ka soo gaaray weeraradaasi qaraxyada ah ee lala eegtay, balse deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen jugta miinooyinkaasi. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weeraradaas, iyadoo qoraalka lagu sheegay in qaraxyadaan ay ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamadaasi, xilli ay marayeen duleedka degmada Bardaale ee gobolka Baay. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, gaar ahaan ciidamada Itoobiya iyo sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Inta badan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobollada Baay iyo Bakool.
  6. Dibedbaxyo rabshado wata ayaa kaas oo ay isku fara-saareen booliska iyo bulshadii dibadbaxeysay kadib markii booliska magaalada Minneapolis ay ceeji ku dileen nin madow ah oo lagu magacaabay George Floyd. Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan booliiska magaaladiisa kuwaas oo ku lug-lahaa dilka ninkan oo kasoo jeeday qowmiyadda madowga ah. Muuqaal laga duubay xilligii ay boolisku qabanayeen ninkan oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya Floyd oo dhulka yaalla islamarkaana uu ku kor fadhiyo askari kaas oo qoorta jilibkiisa kaga haya. Codka marxuum Floyd ayaa laga dhex maqlayaa muuqaalka kaas oo uu ku leeyahay “Qoorta ayaa i xanuuneysa, mana neefsan karo” balse askariga dhag jalaq uma uusan siin. Waxaa lagu dul fadhiyay muddo 5-10 mirir u dhaxeysa, ilaa ay nafta ka baxdo. Floyd oo shaqo ahaan ka shaqeyn jiray waardiyenimo ayaa booliska loogu yeeray xilli looga shakiyay farsameyn kaar ama wax is dabamarin. Dhacdadan ayaa sababtay in ay kacaan qaar ka mid ah shacabka magaalada Minneapolis kuwaas oo uu boolisku u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa. Muddooyinkan dambe ayaa waxaa Mareykanka kusoo badanaya kiisaska boolisku ku lug-leeyahay ee lagu dhibaateynayo dadka aan caddaanka aheyn ee u badan kuwa asal ahaan Afrika kasoo jeeda. Qaran News
  7. Former Somalia President Sharif Sheikh Ahmed warned federal government leadership, the speakers of the two Houses of Parliament against further delays in the holding of elections or extend the terms of the president and parliament, saying the country would plunge into deeper political uncertainty if the elections are delayed. The former president accused the speakers of the two Houses of Parliament of violating the provisional constitution. He also slammed decisions by the leadership of Somali parliament over the postponement of the reopening of parliament session which was scheduled to be tabled on May 27. “That decision is an abuse to the Provisional Constitution and the National Electoral Law which was recently Approved” Sharif said via his official Facebook account. “We warn against any attempt to delay the national election and extend the mandate of the constitutional bodies and that of the national leaders,” Sharif said. “The government has failed in its mandate which they were elected for. Among them holding one man one vote which would be free and fair elections” Sharif added. “Leaders of the federal government will bear the responsibility for the consequences of any attempt of term extension,” Sharif concluded.”
  8. Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen Senetaro ayaa maanta waxa ay kormeer ku sameeyeen baraha Koontorool ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo ka dib markii dhowaan wasaaradda amniga Galmudug ay halkaasi geysay ciidamo boolis ah. Wasiir Fiqi oo dadaalo kawada deegaannada Galmudug ayaa waxa uu dhowaan ku guuleystay inuu si rasmi ah ula wareego maleeshiyaad hubeysnaa iyo gaadiidkoodii, waxaana haatan u suura gashay in baraha Koontorool ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo uu ku wareejiyo ciidamo boolis ah oo si toos ah uga amar qaadan doona wasaaradda amniga Galmudug. Ciidankan booliska ah ayaa hadda ka dib sugi doona amniga Koonfurta Gaalkacyo iyada oo sidoo kale ay dhamaan la wareegeen goobihii lagu qaadi jiran canshuurta, waana tallaabooyin dhinaca horumarka iyo nabad gelyada loo qaaday islamarkaana ay masuuliyadeeda leedahay wasaaradda amniga Galmudug oo uu wasiirka ka yahay Axmed Macallin Fiqi. Wasaaradda amniga Galmudug ayaa sidoo kale waxa ay horey u balan qaadday inay dhisi doonto ciidan daraawiish ah kuwaas oo isugu jiri doona qeybaha kala duwan ee ciidanka, waxaana haatan muuqanaysa ififaalo ciidan xooggan oo tayeysan ay u ku helayso Galmudug. Halkan ka daawo sawirrada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda caafimaad ee ku soo korortay Galmudug. Shirka oo ahaa mid hab Online ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbixin laga dhageystay. Qoor-Qoor ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka Covid-19 oo fara ba’an ku haya maamulkaasi. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amray in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo degmada Cadaado oo ah meesha ugu daran ee uu saameeyey xanuunka. Dhinaca wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaaladaasi uu ku wajahayn madaxeeynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) si u soo qiimeeyo halista caafimaad iyo qalab la’aanta laga soo sheegayo halkaasi. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhowaad 10 qof Covid-19 ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka, waxaana haatan xaalad deg-deg ah lagu soo rogay gudaha magaaladaasi.
  10. Soomaaliland ayaa maanta oo ah Arbaco 27-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1003. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay 8 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 23 iyadoo guud ahaan ay xanuunka u geeriyoodeen 17. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 225 kiis. Xanuunka Coronavirus ayaa guud ahaan Soomaaliya waxaa laga helay kiisas gaaraya 1,711 waxaa ka bogsaday 253 halka ay u geeriyoodeen 67 ruux sidaas waxaa laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay wax u qabashada deegaannada ay ka jiraan xaaladaha daran ee xagga bani’aadanimada. Shirkaasi oo ay isugu yimaadeen guddiga qaran ee xakameynta cudurka Covid-19, waxaa kaloo ka qeyb-galay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee saameynta safmarka ee Covid-19. Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo deegaanada ay xaaladaha daran ka jiraan oo Galmudug ay ka mid tahay. View the full article
  12. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee sector 4 ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay sugida amniga iyo wada shaqeynta Maamulka Gobolka Iyo ciidamada AMISOM. Saraakiisha AMISOM ayuu ku booriyay sida ay dagaalka ka dhanka ah Al shabaab uga wadaan deegaannada maamulka Hirshabeelle isaga oo saraakiisha ku sii dhiira geliyay inay wadaan howlahooda la xiriira sugidda amniga. Dhanka kale Madaxweyne Waare oo ay wehlinayay guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Madaxtooyada Abdullahi Mohamed Addow, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, Jama Hashi wasiirka dekadaha Faarax Maxamed wasiirka ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray xarunta logu talagalay latacaalida dadka uu so rito Covid-19. Madaxweynaha ayaa ka xog wareystay Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka xaruntaasi, isagoo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan iyo qalabka ay u baahanyihiin waxaana madaxweynaha uu amray in saacadaha soo socda la dhameystiro qalabka ka dhiman xarunta. Hirshabeelle ayaa ka mid ah meelaha haatan laga soo warinyao in dad qaba calaamadaha COVID-19 ay ugu geeriyoonayaan waxaana saraakiisha caafimaadka magaalada Baladweyne ay Goobjoog News u sheegeen in saacadihii la soo dhaafay ay in kabadan 10 ruux oo qaba caalamaha Corona ay cisbitaallada ku qaabileen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay ee K/Soomaaliya. Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah ciidamadu ay uga fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Xariima oo hoos yimaada degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay iska hor imaad kala kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi lagu dilay illaa labo xubnood ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo Meydadkooda lagu soo bandhigay degmada Diinsoor. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu ku dhaawacmay Abaanduulaha ciidamada Koonfur Galbeed, Taliyow Macalin Ibraahim, kaas oo haatan lagu dabiibayo xarun caafimaad ku taalla gudaha magaaladaasi Diinsoor. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada huwanta ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay weli dha qdhaqaaqyo ciidan ka wadan deegaano ka tirsan gobolka Baay.
  14. Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka. Cabdi Xaashi ayaa waresigaan ku sheegay in uusan dib u dhac ku imaan doonin waqtiga loo qorsheeyey in la qabtao doorashada baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan doorashooyinka soo socoda saameyn doonin dib u dhigista lagu sameeyey furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee BF Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/XAASHI.mp3 View the full article
  15. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaare geystay oo xalay fiidkii hore ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Shilka ayaa yimid, kadib markii uu fariin goostay gaari weyn oo is-jiid ah, kaas oo jiiray Bajaajyo ay dad la socdeen, kadibna burburiyey kaalin Shidaal oo ku taalla halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in shilkaasi ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey shilkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/88.mp3 View the full article
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid siyaasiga Cabdi Cabdulle Jini Boqor oo saakay ku geeriyooday magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar. Deni ayaa dhammaan eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumka waxa uu Alle uga baryay inuu samiir buuxa ka siiyo isaga oo marxuumka Alle u weydiiyay dhambi dhaaf waxa uuna intaas raaciyay in tiiraanyada uu la qeybsanayo ummadda reer Puntland. Madaxweynaha Puntland Deni ayaa sheegay in siyaasi Cabdi Cabdulle Jini Boqor uu ka mid ahaa aas aasayaashii dowlad goboleedka Puntland isaga oo intaas ku daray in marxuumku uu ka soo shaqeeyay horumarka dowladnimada Puntland iyo Soomaaliya. Halkan ka akhriso qoraalka tacsida ah ee ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), oo saaka ku geeriyooday Qardho. Alle ha u naxariistee Cabdi Cabdulle Jini Boqor wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarka iyo dowladdnimada isagoo xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliyaba. Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. While Somalia and its partners, including the United Nations, focus on the response to the COVID-19 pandemic, other parts of the international organization remain concentrated on supporting the Somali authorities in a range of areas – including the current desert locust infestation. The pests continue laying eggs and hatching in their breeding grounds in Somalia, and a new generation threatens rural food security and livelihoods. In this Q&A, the Food and Agriculture Organization’s Representative in Somalia, Etienne Peterschmitt, provides an update on its support to the country’s fight against desert locust. Q. Why should the fight to curb the spread of desert locusts remain a top priority in the midst of the COVID-19 response? A. It’s very simple: desert locusts pose a serious threat to Somalia’s food security. We cannot stop the fight or the situation will deteriorate further. We should remember that this is the worst outbreak in 25 years in the country, and it is of an unprecedented scale. It was for this reason that the Federal Government of Somalia declared the desert locust upsurge a national emergency on 2 February. According to our latest food security outlook, the impact of this desert locust outbreak in Somalia could, by September 2020, increase the number of Somalis facing food insecurity or severe hunger by half a million. Q. What is the current desert locust situation in Somalia and the East Africa region? A. On the one hand, we have a second generation of mature adults laying a new batch of eggs, while egg hatching took place in the first half of April. This calls for immediate ground control operations to contain a new bigger generation. On the other hand, we have a new generation of immature adults that have begun to form swarms in Kenya and Ethiopia. These swarms can travel up to 150 kilometres a day, depending on wind conditions, and may reach Somalia during the main Gu season, ravaging young crops and pasture. Good persistent rains across Somalia are ensuring the availability of suitable vegetation to sustain the development of the third generation of desert locust in Somalia. Q. What does that mean in terms of impact for the local population? A. It means that rural areas and populations will unfortunately be most affected by the infestation. This includes riverine farmers, agro-pastoralists, pastoralists and rural internally displaced people. Livelihoods are at immediate risk. Q. How is the United Nations collaborating with the Federal Government of Somalia? A. The Food and Agriculture Organization (FAO) is leading the response for the United Nations. We have been working in coordination with the Ministry of Agriculture and Irrigation of the Federal Government of Somalia since the early stages of the outbreak. Together we have prepared a comprehensive Action Plan, which is aligned with the regional efforts coordinated by FAO – we must not forget that this is a regional endeavour. We have also recently reinforced our partnership to scale up local capacities, surveillance and control operations to combat the desert locust upsurge. We have done so not only with the Federal Government, but also with different government institutions at the state level across the country. We are satisfied with the enhanced cooperation.. Q. In a nutshell, what does the Action Plan consist of? A. The plan has two main components or goals. The first one is to control desert locust. That includes scaling up capacities, control operations on the ground, spraying, surveillance and so on. The second pillar is to protect lives and livelihoods. As I said before, and according to the projections, we are preparing for the shocks that this crisis can trigger at the humanitarian level. With funds received to-date, we will be able to reach 24 000 families with farming inputs, and a further 30 000 households with supplementary animal feed. Q. In practical terms, how is FAO supporting the government-led Action Plan to fight the upsurge of desert locusts? A. FAO is providing technical expertise, mobilizing resources from the international community, procuring key items in the international market – like biopesticides, vehicles and mounted-vehicle sprayers, as well as knapsacks – recruiting desert locust officers, and providing technology like the eLocust3 GPS tracking system, which is coordinated from our headquarters in Rome. We are also coordinating the regional response in East Africa, which is fundamental in a crisis that doesn’t understand borders. Q. How does this translate into concrete actions on the ground? A. Well, we can say that capacity for ground control has been strengthened with the purchase of 18 Land Cruiser vehicles. They complement another 15 vehicles currently on hire for surveillance and control in north and central Somalia. Twelve vehicle-mounted sprayers and ten backpack sprayers have also been delivered in Hargeisa and Mogadishu, in addition to ten vehicle-mounted sprayers triangulated from Morocco and Mali to support control efforts in Somalia. Three helicopters are being mobilized to Somalia to carry out aerial control operations. A new consignment of 2 000 kg of biopesticides has also been delivered. Two Somali desert locust officers have recently been hired by FAO in Somalia to support surveillance and control operations in the main breeding grounds; one is stationed in Garowe, Puntland, and one in Hargeisa, Somaliland. As a result of the concerted efforts between the Government and FAO, by mid-April, some 31 000 hectares had already been covered out of the 360 000 hectares estimated to be affected across the country. Q. In terms of funding, FAO has recently updated its total requirement up to USD 57 million. Why? A. That’s correct. Let me first say that we are very grateful to the international community, which has committed USD 24.2 million so far to support FAO and the government-led Desert Locust 2020 Somalia Action Plan. Our initial appeal did not cover the whole year, and this is why we have now updated it to include all needs through 2020, against a total requirement of USD 57 million. Top contributors so far include the United States and Germany, followed by the United Kingdom, Sweden, the UN Central Emergency Response Fund, the European Union, the Gates Foundation, France and Mastercard, among others. Q. How is Covid-19 hindering FAO and government efforts to tackle this crisis? A. We are experiencing some delays with consignments, for example with biopesticides. International experts cannot travel to breeding grounds and quarantine upon arrival is also a constraint for aerial operations. All in all, it is not optimal, but we are doing our best and remain fully committed to carrying out the response. Source: FAO
  18. Garowe (PP News Desk) — As the power struggle between Puntland President Said A. Deni and his Vice President Ahmed Elmi continues, members of Puntland civil society are calling for a solution to the constitutional crisis. The Chairman of Puntland Non-state Actors Association Faysal Ahmed Warsame has briefed the media on a meeting civil society members had with Puntland President and Vice President. “The President of Puntland State and Vice President are committed to ending the political deadlock” PUNSAA statement reads. Faysal said political differences between the President and Vice President “are of adminstrative nature but not personal”. He urged people to refrain from exaggerating the constitutional crisis that has brought Puntland institutions to standstill. “Inflammatory remarks that damage cohesion must be avoided” Faysal said. Yesterday Puntland State TV broadcast a meeting of elders in Taleh in which they voiced a support for the controversial Puntland cabinet reshuffles by President Deni. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND NON-STATE ACTORS ISSUE A STATEMENT ON THE POLITICAL DEADLOCK appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi dheer bixiyey ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/21-ka. Ugu horreyn Senator Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey in doorashada baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha lagu qaban doono waqtiga saxda ah ee loo qorsheeyey. Sidoo kale wuxuux tilmaamay in aysan doorashada soo socota saameyn doonin dib u dhigista lagu sameeyey furitaanka kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka iyo sidoo kale warbixinta la filayey in laga dhageysto guddiga doorashooyinka oo iyana dib loo dhigay. Guddoomiyaha golaha aqalka sare ayaa xusay in dalka ay ka jiraan duruufi is-biirsaday oo ugu daran tahay tan cudurka faafa ee Covid-19, islamarkaana taasi ay saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii baarlamaanka federaalka, sida uu hadalka u dhigay. Cabdi Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in mudada kooban ee u harsan ay ku dardar-gelin doonaan howlaha horyaalla, islamarkaana ay gudan doonaan waajibaadka saaran. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo beesha caalamka & xubnaha mucaaradka ay walaac ka muujiyanayaan diyaar-garow la’aanta dowladda federaalka ee doorashada 2020-2021-ka, iyagoona ka digay in muddo kororsi loo sameeyo ha’adaha dastuuriga ah.
  20. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo ka hadlayay doorashada la filayo in sanadka soo aaddan ay dalka ka dhacdo ayaa waxa uu ka digay in dib loo dhigo doorashada qaranka. Guddoomiye Sheekh Shariif ayaa carabka ku adkeeyay inay ka digayaan wax kasta iyo si kasta oo dib loogu dhigi karo doorashada dalka waxa uuna madaxda dalka iyaganae uga digay inay kordhistaan muddo xil heyntooda “Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka”. Dhanka kale madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in baarlamaaka Soomaaliya uu muddo bil ah dib u dhigo hadal jeedinta guddigga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo iyagu 27-06-2020 hor tagi doono mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah. “Waxaan aad uga xumahay in hoggaanka baarlamanka uu muddo bil ah dib u dhigay hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku muddeysneyd 27-ka May” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran. Shariif Sheekh Axmed ayaa tallabadaas muddada bisha ah dib loogu dhigay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxa uu ku tilmaamay inay tahay mid baalmarsan dastuurka ku meel gaarka ah ee u yaal dalka iyo sharciga doorashada ee la meel mariyay “Taallabadaas waxay xadgudub ku tahay Dastuurka KMG iyo Sharciga Doorashada Qaranka ee dhawaan la ansixiyey” wuxuu intaas ku daray in wixii ka dhasha arrintaas ay masuuliyadeeda qaadanayaan madaxda dalka. Ugu dambeyn dowladda Farmaajo ayuu ku eedeeyay inay ku fashilantay masuuliyaddii loo dooraty oo ay ugu horeysay inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah “Dowladdan waxay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah. 25-kii bishan guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya ayaa go’aamiyey in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka ah uu furmo 06-06-2020 halka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qarankana ay xildhibaanada hortagi doonaan 27-06-2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa ka hadlay saamaynta uu xanuunka koronuhu ku yeeshay dalka iyo danaha dadweynaha, waxaanu xusay in Xukuumad ahaan mar walba diyaar u yihiin badbaadinta ummadda. Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Koronuhu Adduunkii buu kala xidhay, oo uu kala xayiray, ee dadkeena waxaa looga baahan yahay inuu qof walba iskii isku xilqaamo, oo uu ku dadaalo inuu naftiisa iyo dadka kaleba uu badbaadiyo, qof kasta oo iska shakiya, waxaa looga baahan yahay inuu is baadho, oo uu goobaha caafimaad la soo xidhiidho, maxaa yeelay haddii uu iska shakiyo, isla-markaana uu qarsado xanuunka khatar buu galinayaa dadka”. Mar uu ka hadlayey Xukuumad ahaan iyo doorkeeda ku waajahan badbaadinta ummadda ayaa yidhi “Dawladdu waxay diyaar u tahay inay qaado talaabo kasta oo ay kaga hor tagayso faafidda xanuunka koronaha iyo inay badbaadiso dadkeeda, sidaas darteed ayey u dhiirigelinaysaa inay dadku aad u kala fogadaan, waana sababta xitaa keentay inay Shirarka Dawladda si casriya loo qabto, si ay Dawladdu u tusto dadkeeda inay diyaar u tahay inay hormood ka tahay badbaadintooda, markaas dadku aad ha isku ilaaliyaan, oo aad u kala fogadaan, oo ha la qaato wacyigelinta Dawladdu waddo, oo Dadku yaanay ka baqin shaybaadhka ee ha is baadhaan, oo ha badbaadiyaan dadkooda” Source
  22. Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa faahfaahin ka bixisay kulamo ay la qaateen Madaxweyen Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, si loo xalliyo Khilaafka labada mas’uul. PUNSAA ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka labaduba ay u xaqiijiyeen, in ay ka go’antahay Xallinta Khilaafka Maamul ee dhexdooda ka aloosan. PUNSAA ayaa soo saartay baaq ka kooban saddex Qodob oo ku wajahan Shacabka Puntland, si looga fogaado buun-buuninta Khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, loona ilaaliyo Midnimada iyo Wadajirka Puntland. PUNSAA, waxay sheegtay in isfaham-waaga Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku, uu yahay mid Maamul, balse uusan ahayn mid Shakhsi iyo mid khuseeya Hormarka iyo wada-shaqaynta Puntland. Dalladda ayaa sidoo kale Shacabka Puntland ugu baaqday, in la joojiyo buun-buuninta iyo hadallada Xanafta leh oo khatarta gelin kara Dowladnimada iyo Wadajirka Dadweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post PUNSAA oo war ka soo saartay Khilaafka Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa Karaash appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Nairobi)-Mid ka mid ah xarumaha cilmibaarista caafimaadka ee ugu waaweyn dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gacan ka geysaneyso tijaabada tallaalka cusub ee ay Jaamacadda Oxford usoo saartay cudurka Covid-19. Magaalada Kilifi ee ku taalla gobolka Xeebta ee waddanka Kenya ayaa laga billaabi doonaa howlaha tijaabada tallaalka. Mas’uuliyiinta xaruntan oo lagu magacaabo Kemri-Wellcome trust ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan diiwaan galinta 400 oo shaqaale caafimaad ah oo la filayo inay isu xilqaamaan ka qeyb qaadashada tijaabada. Howshan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaalka loogu jiro waxa loogu yeeray “tallaal dadka oo dhan anfaca”. Guud ahaan dunida waxaa ka socda tartan ay cilmibaareyaasha iyo seynisyahannada ugu jiraan sidii dawo loogu heli lahaa cudurka safmarka ah ee faraha ba’an ku haya caalamka, ee Covid-19. Source
  24. Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo xalay ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed sida laga soo xigtay maamulka degmada uu shilku ka dhacay. Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari nuuca xamuulka qaada ah kana yimid dhinaca isgoyska Bakaaraha uu soo fariin goostay isaga oo uu ku yimid kaalin shidaal ka dibna waxa uu cagta sii marshay gaadiidka bajaajka loo yaqaan oo tubnaa isgoyska Howlwadaag ee gobalka Banaadir. Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre oo gaaray halka ay mashaqadu ka dhacday ayaa wariyayaasha u sheegay in in ka badan 10 ruux ay shilkaasi ku geeriyoodeen halka tira kalane ay ku dhaawacmeen, waxaana sidoo kale guddoomiyaha uu sheegay in gaariga shilka geystay uusan wadin darawal balse uu waday caawiyaha darwalka. Waxaa halkaasi laga soo saaray dad uu dul maray gaariga dhibka geystay waxaana sidoo kale la soo warinayaa in tirade dhimashada ay intaas ka badan tahay maadaama ay jiraan dad geeriyooday intii loo sii waday cisbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Shilalka mararka qaar ka dhaca caasimadda dal ayaa waxaa loo aaneeyaa darawallada qaar oo aan lahayn khibrad ku filan iyo gaadiidka sida xawliga ah loo saaro shixnadaha kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Xildhibaan hore, Cabdi Barre Jibriil oo ka tirsanaa baarlamaankii 9-aad ee dalka ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Cabdi Barre ayaa sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada ay qaadi doonaan mas’uuliyadeeda guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay dib u dhigeen furitaanka Kalfdhiga 7-aad ee labada aqal ee baarlamaanka iyo sidoo kale hortagistii guddiga doorashooyinka qaranka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Jib.mp3 View the full article