Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hooyo Sirad Nuur Yusuf Moxamed Cisman Fadal iyo xaaskiisa Seinab Yusuf X. Adan Siciid Moxamed Cismaan Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Muna Moxamed Cisman Fadal Filsan Moxamed Cisman Fadal Haweya Moxamed Cisman Fadal iyo seygeeda Sirad Moxamed Cisman Fadal Waxay hambalyo iyo duco u dirayaan Yassin Cismaan Fadal iyo Hodo Axmed Moxamoud oo meherkoodu Hargeisa ka dhacay Khamiistii bisha May 27 keedii, 2020 Hambalyo taa la mid ah waxa diraya Amina Cisman Fadal iyo wiilkeeda Yasin Cali Mataan Axmed Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Jamac Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Fosiya Cisman Fadal iyo inanteeda Hodo Ibrahim Ciid Cabdi rizaaq Cisman Fadal, xaaskiisa iyo caruurtiisa Ilma Moxamoud Cisman Fadal iyo hooyadood Ayan Axmed Buluxaar Hooyo Shamis Xamari iyo hooyo Koos Cabdillahi Cabdifatax Cisman Fadal Fadumo Cisman Fadal seygeeda iyo caruurteed Nacima Cisman Fadal seygeeda iyo caruurteeda Khadar Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Axmed Yusuf Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Moxamoud Yusuf Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Roda Yusuf Fadal saygeeda iyo caruurteeda Hodan Moxamed Fadal saygeeda iyo caruurteeda Samiya Mohamood Fadal saygeeda iyo caruurteeda Fardous Moxamed Fadal saygeeda iyo caruurteeda iyo dhammaan qoyska reer Fadal Ismaciil meel kasta oo ay joogaan waxay hambalyo u dirayaan Hodo iyo Yasin waxaanay Ilaahay uga baryayaan inay noqdaan qoyskii hodma isku raaga isku reeya khayr qabana Ilaahay kala siiyo. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay xasuuqii deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe loogu geystay sideed qofood oo sida la sheegay badankood ahaa xir-fadleyaal caafimaad. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad u cambaareyneyso dhacdadaas xanuunka badan. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaarayneysaa ficilka argagaxa leh ee ka dhacay tuulada Gololey oo hoostagta Dagmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, kasoo lagu laayay 8 qof oo rayid ah,” ayaa lagu yiri. Xukuumadda ayaa dhacdadaas ku eedeysay ururka Al-Shabaab, “Ficillada nuucaan oo kale ah oo lagu xasuuqo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaa ku caan baxay kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka. Si kastaba dadka deegaanka iyo odayaasha beesha dhallinyarada la xasuuqay ayaa falkan ku eedeeyey ciidamada militariga Soomaaliya. War-saxaafadeedkan kasoo baxay dowladda federaalka ayaa tacsi loogu diray ehellada dadkii lagu laayey Gololey, iyadoo Allaah looga baryey inuu u naxariisto dadkaas aan waxba galabsan ee la laayey. Ugu dambeyntii waxaa qoraalkan lagu sheegay in dowladdu ay amartay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhacdadaas, isla markaana gacanta lagu soo dhigo dembiilayaashii falkaas geystay. “Dowladdu waxay amartay in baaris deg deg ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo, oo cadaaladda la hor keeno” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan oo goor dhaw kasoo baxay xukuumadda.
  3. Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Amray In la baneeyo xarumaha Danta guud ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo hadda ay haystaan Shaqsiyaad iyo maleeshiyaad kala duwan. Wasiirka ayaa sidoo kale amray in Ciidamada Daraawiishta ka baxaan xarumaha ay kaga sugan yihiin magaalada Gaalkacyo isla markaana tagaan xerada Indha-qaris oo ku taala duleedka degaanka Docol ee gobolka Mudug. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegey Goob ciidamada amniga maamulka Galmudug ay ku soo bandhigayeen Khamri fara badan oo ay ku soo qabteen howgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada iyadoo ciidamada lagu amaray isla goobta in ay burbiriyaan Khamrigaasi. Sidoo kale wasiirka ayaa kulan la yeeshay maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo Isku duwayaasha wasaaradaha caafimaadka, maaliyadda iyo gadiidka waxaana kulankaan diiradda lagu saaray caqabadaha haystay shaqada wasaaradahaan iyo maamuladda. Dhanka kale wasiirka ayaa wuxuu kulan la leeyahay saarkiisha ciidamada daraawiishta Galmudug kuwaas oo uu kala hadlayo dib u haynta ciidamada Galmudug iyo xoraynta degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedka. Ugu dambeyn dhalinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa wasiir ka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi Ku amaantay doorkiisa ku aadan dardar galinta Amniga iyo qaadista isbaarooyinkii yaallay gobolka kuwaas oo caqabad ku ahaa Bulshada ku safarta wadada xiriirisa magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Balcad (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysay dilka sideed dhallinyaro ah oo maanta meydadkooda lasoo dhigay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhallinyarada la laayey, ayaa toddoba ka mid ah waxay u shaqeynayeen xarun caafimaad oo la yiraah Zamzam, waxayna ahaayeen dhallinyaro wax bartay oo jaamacado ka baxay oo deegaanka u tegay inay caawiyaan dadkooda, ayaga oo ka kala tegay Muqdisho iyo Balcad. Inkasta oo baaritaan arrintan ku aadan weli uu socdo, oo aysan si dhab ah u caddeyn cidda gaysatay falkan, ayaa haddana dad dhowr ah oo ka mid ah kuwa deegaanka oo la hadlay Caasimada Online waxay xasuuqa dhallinyaradan ku wada eedeeyeen inay ka dambeeyeen ciidamada militariga Soomaaliya, kuwaas oo, sida ay sheegeen, ayaga oo carreysan shalay kaxeystay kadibna inta ay soo dileen kusoo tuuray laamiga Gololey. Nabaddoon Maxamed Cali Madoobe oo ka mid ah odayaasha deegaanka oo la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada kaxeystay dhallinyarada ay ka tirsanaayeen guutada 27-aad ee militariga Soomaaliya. Nabaddoonka ayaa sheegay in ciidamada xasuuqa gaystay ay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda, balse ay wejiyada soo duubteen, sidoo kalena ay qariyeen astaanta calanka ee ku dheggan tuutaha. Sidoo kale, Nabadoon Muxidiin Xasan Afrax, oo ku beel ah dhallinyarada la laayey, ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay qafaalashada iyo dilka dadkan ay xirnaayeen dareeska ciidamada isla markaana ay isticmaalayeen gaadiidka dagaalka ee ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale xildhibaan Mahad Salaad, oo arrintan ka hadlay ayaa ku eedeeyey ciidamada dowladda, isaga oo qoraal uu soo saaray ku yiri “Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka afduubteen 9 qofood dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo halkaas ku taala kadibna ay xasuuqeen. Waan cambaareynaynaa falkaan argagixiso ee ciidamada dowlada ka geysteen deegaanka Gololey waxaanan ku baaqaynaa in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno ciidamadii iyo saraakiishii xasuuqaan bini-adamnimada ka baxsan geystay.” Si kastaba, afhayeenka maamul goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa beeniyey in ciidamada dowladda ay ka dambeeyeen xasuuqan, wuxuuna ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab. Deegaanka Gololey ayaa waxaa habeen hore ka dhacay qarax lagu dilay sideed ka mid ah ciidamada dowladda, laguna dhaawacay saddex kale, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada ay ka carroodeen qaraxaas, sidaasna ku kaxeysteen dhallinyarada. Dhallinyarada oo lagala baxay MCH-ka Zamzam, ayaa dad Caasimada Online la hadlay waxay sheegeen in loo jeediyey eedeymo ay ka mid ahaayeen sababta aysan ciidamada ugu soo war-gelin qaraxa loo aasay, iyo inay Al-Shabaab yihiin. Dadka la diley ayaa waxaa rasaas ay uga taal madaxa iyo qeybo badan oo jirkooda ka mid ah, sida ay sheegeen dadkii gaaray halkii laga helay meydadkooda, waxaana hadda meydadka ay yaalaan oo lagu baarayaa CID-da Muqdisho oo la keenay. Dhallinyarada la dilay ayaa magacyadoodu yihiin 1- Cumar Xuuti Maxamud 2- Cabdicasis Cabdulqaadir Cabdulle 3- Cali Axmed Cali 4- C/saaq Cabdulaahi Qooble 5- Maxamed Cumar Boore 6- Abuukar Muuse Maaxi 7- Yuusuf Ayuub 8- Iyo Nuur Xaaji Gaas Hoos ka dhageyso codka Nabaddoon Maxamed Cali Madoobe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Xasuuqa-Balcad.mp3
  5. Garoowe (Wararka PP) — Xubno ka socday urur siyaasadeedka KAAH ee xukuumadda Puntland oo ay weheliyeen qaar kamid ah shaqaalaha dowladda, ayaa maanta oo Khamiis ah mudaharaad kala kulmay degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar. Wafdiga oo hoggaaminayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimmaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa doonayay in ay xafiis cusub halkaas uga furan urur-siyaasadeedka KAAH, balse qaar kamid ah dadka degaanka ayaa muddaharaad kala hor yimid, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Wafdiga ayaa markii dambe ku guulaystay furista xafiiska. Puntland Post ayaa heshay muuqaal laga soo duubay mudaharaadyaasha oo is hor-taag ku samaynaya wefdiga iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah urur siyaasadeedka KAAH. Dhanka kale xubno ka tirsan ururka siyaasadeedka KAAH iyo Madaxtooyada Puntland ayaa qoraalo is burina oo ay arrintan uga hadlayaan ku baahiyey barahooda bulshada. Yacquub Maxamed Cabdalle, oo ah xubin ka tirsan KAAH ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in ururka KAAH, uusan wafdi u dirin degmada Banderbayla. Cabdirashiid Cismaan Shaalico, Agaasime ku xigeenka warfaafinta madaxtooyada oo ka mid ahaa wafdi halkaas tegay, ayaa isna bartiisa Facebook ku baahiyey sawiro iyo qoraal uu ku sheegay in ururka KAAH uu xafiis ka furtay Banderbayla. Dastuurka Puntland qodobkiisa 128 wuxuu farayaa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda in aysan xafiisyada dowladda u isticmaalin ujeeddooyin siyaasadeed. Dowladda Puntland weli war kama soo saarin booqashada muranka dhalisay ee Banderbayla. © Puntland Post, 2020 The post OLOLEYNTA SIYAASADEED EE KAAH OO JEBISAY DASTUURKA PUNTLAND appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaa cod loogu qaaday ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2020-ka. Kulanka ayaa lagu ansixiyey in lagu noqdo miisaaniyadda dowladda ee sanadkan oo dhan $646.9 milyan oo ka kooban kharashaad mashaariic iyo kuwo howl fulineed. Masiinayadda ay maanta ansxiyeen golaha wasaarradu in dib loogu laabto ayaa look ala dhigay kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 million. Kororkan cusub kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaalidda cudurka Coronavirus, doorashooyinka dalka, daadadka iyo xaaladaha bini’aadamnimo ee dalka lasoo dersay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda. Warkan ayaa lagu sheegay in dakhliga guud ee dowladda uu hoos u dhacay sababo la xiriira xanuunka COVID-19, iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 Milyan oo la odorosayay inay dakhilaga gudaha ka soo xerooto ay meesha ka baxayso. Hase yeeshee xukuumaddu waxay aaminsantahay in maadaama dalka deynta laga cafiyay la helayo kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca ku yimaada dakhliga gudaha ee dalka. Kabka miisaaniyaddan oo ah guud ahaan dalka ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Decision Point) Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli uu dalku aad ugu baahan yahay.
  7. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in la helay kiisas ku aadan xanuunka COVID-19, waxaana ay sheegtay in maanta laga diiwaan geliyey dalka 97 xaaladood taas oo tirada dadka xanuunka uu ku dhacay dalka ka dhigeyso 1,828 ruux. Wasaaradda ayaa xustay kiisaska la helay 35 ka mid ah laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir waxaa sidoo kale 32 xaaladood laga helay Somaliland halka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed laga soo calaameeyey 22 kiis, iyo dowladda goboleed Puntland oo laga xusay 8 xaaladood kiisaska cusub 69 ka mid waa rag halka 28 kale dumar . Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in maanta xanuunka Coronavirus dalka ay ugu geeriyoodeen 5 taas oo tirada dadka xanuunka ugudaha dalka ugu dhintay ka dhigeyso 72, ruux, hala ay xanuunka dib uga soo bogsoodeen 45 ruux taas oo dadka xanuunka ka soo caafimaaday tan iyo markii uu dilaacay ka dhigeyso 310. Gobjoog News Source: goobjoog.com
  8. MOGADISHU (HOL) - The bodies of nine medical workers who were allegedly abducted by the militant group Al-Shabaab Wednesday were found today in the outskirts of Bal’ad town in Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU (HOL) - A senior economic advisor at the Prime Minister’s office has been appointed to head the newly created National Bureau of Statistics. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalinmadii shalay gaaray magaalda Cadado oo ay ka taagan tahay xaalada caafimaad darri ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay qeybaha kala duwan ee dhalinyarada magaalada Cadaado. Kulankaan ayaa looga arrinsaday doorka dhalinyarada kaga aadan wacyigalinta Bulshada iyo siddii loo xakameyn lahaa qatarta cudurka faafa ee #COVID19 oo fara ba,an ku haya magaalada Cadaado oo tiro dad ah ay ugu geeriyoodeen kuwa kalena ay la jiifaan. Madaxweynaha Galmudug oo ay tahay markii ugu horeysay uu safar ku soo gaaro magaalada Cadado tan iyo markii loogu doortay magaalada Dhuuamareeb Madaxweynaha Galmudug ayaa dhalinyarada magaalada ku dhiiro galiyay inay kaalintooda ka ciyaaraan hanaanka dowlad wanaagga & dhismaha dowlad goboleedka Cusub ee Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gelinkii dambe ee maanta lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanka Lambar 50 iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen sideed kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay ka soo amba-baxeen deegaanka Lambar 50, kuna sii jeedeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Illaa iyo hadda wax faah faahin ah maamulka gobolka Shabeelaha Hoose kama bixin qaraxaasi uu khasaaraha ka soo gaaray ciidamada milatariga Soomaaliya. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala goosha deegaanada gobolkaasi. View the full article
  12. Wararka ka imaanaya duleedka Balcad ayaa sheegaya in halkaasi la soo dhigay meydadka illaa 8 dhalinyaro ah oo shalay laga qafaashay deegaanka Gololey oo ka tirsan degmadaasi. Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in qaarkood ay ka shaqeynayeen xarun caafimaad, halka qaar kalena oo daganaayeen Gololey, balse la watay kadib qarax shalay ka dhacay deegaankaasi. Ma jirto illaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga maamulka Hirshabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka ku nool deegaankaasi oo haatan ay soo wajahday cabsi iyo walaac xoogan. View the full article
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-28052020.mp3 View the full article
  14. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil toogash ah waxa ay ku fulisay askari horey u dilay taliyihii ilalaada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta G/ Bari Marxuum Xasan Shire Amaan. Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyay oo lagu Magacaabi jiray, Axmed Aadan Maxamed (Gaagaale) ayaa 7 bishii December sanadkii 2015-kii waxaa uu dilay taliyihii ilalaada garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana maanta lagu toogtay fagaaro ku yaalla bartamaha magaalada Boosaaso, iyadoo uu dilka fuliyey wiil uu dhalay taliyaha. Fagaaraha toogashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qoyska taliye Xasan Shire Amaan guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aamisay in diyo ahaan loo siiyo askariga dilka maanta lagu fuliyay 67 neef oo geel ah oo ah dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay. View the full article
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si weyn uga hor-timid hub ay sheegtay inay dhawaan dowladda Masar ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya. Cabdiqani Fariid, Wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu aad uga wal-walsan yahay hubkaasi la siiyay dowladda federaalka, xili ay dagaalo kala duwan ka wado gobolada dalka. Cabdiqani ayaa hubkaasi la siiyay dowladda federaalka ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah cuno-qabateynta hubka ee golaha amaanka qaramada midoobay uu saaray Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay dowladda Masar oo iyadu hubkaasi ugu deeqday dowlada dhigeeda ee Soomaaliya, iyada oo dhawaan ay ka hiilisay xiisada kala dhaxeysa dowladda Itoobiya. “Dawladda Somaliland waxay aad uga wer-wersan tahay Dawladda Soomaaliya sida aanay u fulinayn Cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay” ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiirka gaashaandhiga Somaliland. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxaanu cambaareyneynaa Dowladda Masar oo ku xadgudubtay Cuno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Arrintani waxay khatar weyn gelineysaa nabadda iyo xasilloonida Gobolka”. Deeqdaasi hubka ah ayaa kusoo aadeysa xili ay Dowladda Soomaaliya taageero weyn la garab istaagtay dowladda Itoobiya oo xiisada xoogani ay kala dhaxeyso Masar, midaasi oo ku aadan wabiga Nile-ka.
  16. Garowe (PP News Desk) — Puntland Martial Court has today overseen the execution of Ahmed Adan Mohammed, who was found guilty of intentionally killing Hassan Shire Amaan, the former commander in charge of Bosaso Airport security. The convicted soldier was in jail for almost a year. Ahmed Adan Mohammed killed Hassan Shire Amaan on 7 December 2015 and fled the scene. He had been at large for three years when Puntland security forces apprehended him last year. The family of the slain commander of Bosaso Airport security witnessed the execution. Puntland Martial Court has instructed Puntland State Government to give sixty seven heads of camels to the family of the executed soldier who sustained injuries while being pursued and taken into custody. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND MARTIAL COURT EXECUTES A SOLDIER CONVICTED OF MURDER appeared first on Puntland Post.
  17. Tripoli (Caasimada Online) – Militari-ga Maraykanka ayaa Ruushka ku edeeyay in uu diyaarado dagaal geeyay Libya kuwaas oo “dib astaamo kale loogu buufiyey” si loogu taagero calooshood u shaqayteyaal u dagaalamaya xoogagga uu hogaamiyo dagaal-oogge Khaliifa Xaftar ee jooga bariga Liibiya. Eedeymahaan waxaa ay imaanayaan iyadoo Talaadadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov uu Khaliifa Xaftar u sheegay in xukuumadda Moscow ay taageereyso xabad joojin iyo wada hadal siyaasadeed, taas oo lagu gaari karo Dowlad loo dhanyahay. Eedeynta Marayakanka ee ka dhanka ah Ruushka waxaa ay kordhineysaa in dagaal cusub uu kusoo kordho khilaafka sagaal sano jirsaday ee dalka Libya. “Diyarado militari oo Ruushku leeyahay waxay u dhowdahay in ay taageero cirka ah siiyaan Xaftar,” ayuu war uu soo saaray ku sheegay Taliska Maraykanka ee Qaaradda Africa ee Africom Africom ma sheegin xilliga ay diyaaraduhu u duuleen Libya, balse waxaa uu sheegay in ay “dhowaan ahayd” Wasiirka Difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in aysan “hadda ka hadleynin” warka Africom. Laakiin Andrei Krasov oo ka tirsan guddiga difaaca ee baarlamaanka Ruushka ayaa sheegay in eedeymuhu ay yihiin warar “been abuur ah”. Dagaalka ka socda Libya ayaa isu keenay awoodaha dunida. Ruushka, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa taageraya dagaalka Khalifa Xaftar uu muddo sagaal sano ah ka wado bariga Libya si uu u qabsado caasimadda Tripoli. Si kastaba ha ahaate, todobaadyadii dhowaa, Dowladda Caalamku aqoonsan yahay oo ay taagerayaan militariga Turkiga ayaa dib uga riixay Xaftar meelihii uu heystay.
  18. MOGADISHU (HOL) - The number of COVID19 cases in Somalia Thursday rose to 1828 after 97 more people tested positive for the disease in the last 24 hours. Source: Hiiraan Online
  19. Waa hal-ku-dheg laga soo guuriyay xikmadaha ay Somaliidu caanka ku tahay. Oraahda waxay asalkeedu ahayd NINKI ROONI MA RAAGO, taas oo erayga NIN loola jeedo lab iyo dhedig, sida ku xusan xataa Qur’aanka kariimka ah. Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxyadiin Celi wuxuu ahaa ruux aad u qiima badan oo buuxiyay shuruudaha qofka wanaagsan. Haddaba, oraahda nin rooni ma raago micnaheedu ma ahan cimrigiisi aa soo gaabtay, balse waxaa laga yaabaa inuu ka tegay dunida iyadoo weli bulshadu u baahan tahay oo tebeysa hogaankiisa. Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu ahaa ruux aqoon badan oo adeegsan jiray xikmado xambaarsan degganaan iyo dulqaad isagoo si gaar ah u adeegsan jiray maadada Cilmi Nafsiga uu aad ugu dadaali jiray wax bandanna ka bartay. Wuxuu ahaa faahim garan kara qofka hadlaaya xikmadda u qarsan. Kana falceli jiray iyadoon dadku badi aysan garan. Intaas waxaa u dheeraa inuu Ilaahey ugu deqay wax la yiaahdo “leadership quality” oo ah hogaanka bulshada oo ay cid waliba raalli ka tahay…waana arrin aad u adag si loo helo qof si dhab ah u buuxin kasrta booski uu baneeyay. Waxaan Ilaahey uga baryeynaa inuu ka najeeyo cadabul-qabri, ilkiisana u waasiciyo, jannatul firdowsa ka waraabiyo…inti uu ka tegayna Sabar iyo iimaan Ilaahey ka siiyo..Allaahuma AAMIIN. Axmad Calasow – Waxaad kala xiriiri kartaa dr.alasso83@gmail.com
  20. Unidentified gunmen have shot and killed a well known clan elder along with his bodyguard in Somalia’s capital, Mogadishu on Thursday, official said. The clan leader, whose name has been identified as Hussein Mohamed Daud along with his bodyguard Mahad Mohamud Adow were gunned down by young men armed with pistols in Mogadishu’s Yaqshid district. According to officials, the elder, Mohamed was among the Electoral College who elected members of the current Somalia’s Federal parliament from the regional administration of Hirshabelle state in the last election. Reports say that the victims were at a restaurant near the dairy market at “Suuq Bacaad” in Mogadishu’s Yaqshid neighborhood having tea when a group of assailants attacked them killing them on the spot. The assailants escaped from the scene before the arrival of the police authority. Somali police arrived at the area and started an operation over the assassination but no arrests were made over the assassinations. There was no immediate claim of responsibility for Thursday’s killing But, such killings are often carried out by al Qaeda linked Al Shabaab, a group battling Somali army and African Union troops over a decade in the war-ravaged nation of Somalia. Today, At least two people including a senior police officer were killed in a car bomb near the presidential palace in Mogadishu’s Hamarweyne district. Al-Shabaab had claimed responsibility for that attack.
  21. Fadhigii 59aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici) waxa ay warbiximo kaga dhagaysteen Guddida ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19, guddida nabadaynta shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Fadhi-gaab iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horrayn guddida nabadaynta shaqaaqadii dhexmartay dadka walaalaha ah ee deggan deegaanka Fadhi-gaab ee degmada Gar-adag, ayaa xusay in ay meel wanaagsan u marayso nabadayntii beelaha walaalaha ah, ayna dhawaan soo afjari doonaan, dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida COVID-19, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay ka guddi ahaan isagoo xusay in shaqadii loo igmaday ay meel fiican u marayso ayna qabteen hawlo badan oo muhiim ah. Waxaanu xusay Madaxweyne ku xigeenka inay go’aansadeen inay dadka danyarta ah ee reer Somaliland ay taakuleeyaan, isagoo sheegay in toddobaadka soo socda ay raashin gaadhsiin doonaan qoysas gaadhaya 40,000 oo qoys. Dhinaciisa wasiirka horumarinta caafimaadka ayaa ka warbixiyey in ay dedaal badan ka muujiyeen sidii ay ula tacaali lahaayeen xakamaynta xanuunka COVID-19, waxana uu sheegay in ay gobollada dalka ku diyaariyeen goobihii lagula tacaali lahaa dadka uu xanuunkaasi soo rito, geesta kale wasiirku waxa uu sheegay inay gaadhsiiyeen Cusbitaallada dalka agabka hortagga xanuunka COVID-19 oo ku filan muddo 3 bilood ah, sidoo kalena xarumaha caafimaadka degmooyinka dalka ay u qaybin doonaan agabka loo isticmaalayo ka hortagag xanuunka COVID-19. Waxaanu wasiirku golaha wasiirada ka codsaday inay ka qayb qaataan sidii loo wajihi lahaa la dagaallanka xanuunka COVID-19, sidoo kale waxa uu xusay inay muhiim tahay in shacabka Somaliland ay qaataan talooyinka lagaga hortago xanuunkan. Sidoo kale, wasiirka wasaraadda qorshaynta iyo horumarinta qaranka ayaa golaha uga warbixiyey in Somaliland ay ka socdaan mashaariic ay wadaan hay’adaha caalamiga ah, waxana uu tilmaamay inay jiraan hay’ado dalka si dhuumaalaysiya isugu daya inay ka fuliyaan mashaariic uu ku lammaan yahay magaca Soomaaliya, taasoo xad gudub ku ah qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland dood dheer ka yeesheen qaabka loo wajahayo hirgalinta guud ahaan mashaariicda laga fulinayo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay ay go’amiyeen. • In ay reebban tahay in hay’ad aan dalka ka diiwaan gashanayni ay mashaariic ka fuliso gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. • Waxa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka la faray in ay diiwaan galiso dhammaan mashaariicda dalka ka socda isla markaasna ay hubiso inay waafaqsan yihiin shuruucda iyo habraacyada u degsan Jamhuuriyadda Somaliland. • Dhamman Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda waxa la faray in aanay aqbalin fulinta mashruuc aan waafaqsanayn sharciga iyo habraacyada dalka Jamhuuriyadda Somaliland u degsan. • Golaha Wasiiradu waxa uu go’aamiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qeyb geli karto oo keliya shirarka lagu soo marti-qaado iyadoo ah qaran madax-bannaan oo aan cidna ku lammaanayn. Ugu danbeyn waxa Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland uu beesha caalamka, Midawga Afrika, Urur gobeleedka IGAD iyo dhammaan daneenayaasha nabadda iyo horumarka mandaqada geeska Afrika u caddaynayaa in ay gardarro iyo gabbood-fal tahay waraaqda ka soo baxday Xamar ee lagu xusay waxa loogu yeedhay doorashada Baarlamaanka dadka metalaya degaamada Somaliland. Waxana goluhu caddaynayaa in dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Xamar aanay metelin shacabka iyo Dawladda Somaliland balse ay yihiin dad shaqo iyo nolol si iskood ah uga raadsaday Muqdisho, waxana Jamhuuriyadda Somaliland siyaasad ahaan iyo dawlad ahaanba ay wakiilatay goleyaasha kala duwan ee qaranka kuwaas oo loo igmaday xaqiijinta himilada shacabka Jamuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  22. Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in deegaanka Gololeey oo hoostaga degmadaas galabta la soo dhigay meydadka 8 qof oo dhallinyaro ah. Dhallinyarada, oo qaarkood shaqaale ka ahaa xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka, ayaa waxaa shalay afduubtay rag hubeysan, ayada oo kadibna meydkooda maanta lasoo dhigay laamiga deegaanka. Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhallinyaro ah oo caan ka ahaa degmada Balcad, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil. Illaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dhacadadan naxdinta leh, iyo weliba cidda ka damebysay afduubka iyo dilka dhallinyarada. Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.
  23. Small-scale subsistence farmers in Somalia’s Middle Shabelle region have lost everything to the recent flooding of the river Shabelle River that has destroyed nearly 20,000 hectares of farmland across 21 villages over the past month. Source: Hiiraan Online
  24. Almost two months have gone by since the disappearance of 25-year-old Minneapolis resident Ridwan Dahir. With the help of the local Somali community, his mother is still seeking answers on her son’s whereabouts. Source: Hiiraan Online