Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenya's High Court on Tuesday rejected an application by the deputy president's lawyers to stop the senate from debating an impeachment motion against him after parliament voted to remove him from office last week. Source: Hiiraan Online
  2. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu weheliyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka dib-u-habeynta Siyaasadda ku jaan go’an Mushaaraadka iyo Darajooyinka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii la is waafajin lahaa hannaanka mushaarka shaqaalaha Dowladda iyada oo lagu qiimaynayo heerka darajada aqooneed ee qofka shaqaalaha ah. Guddiga shirkaan oo laba heer ka kooban (Heer Farsamo iyo Heer Siyaasadeed) ayaa la filayaa in ay soo saaraan siyaasad loo dhan yahay oo lagu saleyn doono hannaan ka guud ee darajada aqooneed ee mushaaraadka shaqaalaha Dowladda Soomaaliya. Kulankan waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimiha Bulshada, Xafiiska Ra’isul Waaaaraha, Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo xubno matalayay Bangiga Adduunka iyo IMF. Source: goobjoog.com
  3. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa howgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Kestitis Lancinskas. Labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ka hortagga qataraha argagixisada iyo kordhinta taageerada midowga Yurub ee Ciidanka Booliiska. Midowga Yurub ayaa Soomaaliya saameyn weyn ku leh, asagoo ka taageera dhinacyada nabad-gelyada, dowlad-dhiska hormarinta dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Source: goobjoog.com
  4. 463177248_2085808258501059_4032532080084142965_n Qaran News
  5. Mogadishu (HOL) — The Somali Ministry of Education, Culture, and Higher Education has announced the opening of scholarships for 30 Sudanese students seeking higher education in Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu qaabilay kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan”ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin Xoojinta Wada-shaqaynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo Xasilinta degaannada laga saaray kooxaha Argagixisada ah. “Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda” ayuu sii raaciyay Qoraalka. Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale sheegay in laga wada-hadlay xasillinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta iyo arrimaha bini’aadanimada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta qaabilay kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa James Swan, Sii-hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobay. Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay dowladda mudnaanta siineyso, kuwaas oo ay kamid yihiin: Xasillinta deegaannada laga xoreeyay Shabaab, si amniga looga adkeeyo. Hirgelinta doorashooyin ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyada oo la diyaarinayo hanaan dimoqraadi ah. Arrimaha bini’aadanimada, iyadoo lala tacaalayo xaaladaha nololeed ee dadka ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha. James Swan ayaa sidoo kale la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii uu kusoo arkay Kismaayo, halkaas oo uu maanta shirar kala duwan kula yeeshay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Kulamadaasi waxay diiradda saareen iskaashiga heer dowlad-goboleed iyo xal u helidda caqabadaha ka jira deegaannada Jubbaland. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda sii wadista taageerada caalamiga ah iyo in wada-hadalladu noqdaan kuwo waxtar leh, si Soomaaliya u gaarto nabad waarta iyo horumar siyaasadeed. Source: goobjoog.com
  8. Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan xarunta weyn ee Shirkadda Hormuud ee Bakaaraha waxaa maanta ka dhacay rabshado ka dhashay markii laba nin oo hubeysan ay gudaha u galeen xarunta Shirkadda. Labada nin waxaa la socotay haweenay sheegtay in la soo afduubtay ee laba nin geeyeen Xarunta Hormuud ee Bakaaraha si mobile gacanta ay uga saarto lacagaha ugu jiray taleefanka loogu bixiyo. Haweenayda ayaa qeylisay markii ay gudaha Shirkadda soo gashay. waxaa xigay in labada Nin ee hubeysan iyo Askarta ilaalada Hormuud ay isku dhacaan. Ciidanka Ilaalada ayaa toogtay mid ka mid ah raggii hubeysanaa oo wararka qaar ay sheegayaan in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Ammaanka. Sidoo kale waxaa baxsaday ninkii kale ee la socday. Ciidanka Ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Haweenayda sheegtay in lasoo afduubtay iyo Sidoo kale Mooto Bajaajle waday nimanka hubeysanaa. Xaaladda ayaa wali ah mid kacsan iyadoo Meydka Ninka ay dileen Ciidanka Hormuud loo soo qaaday Xarunta CID. wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidanka Ammaanka iyo Shirkadda Hormuud oo ku saabsanaa dhacdadaan oo argagax ku riday dad badan oo ku sugnaa Gudaha Xarunta ee Shirkadda Hormuud. Source: goobjoog.com
  9. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deeq waxbarasho siisay Arday u dhashay dalka Suudaan oo ku sugan magaalada Muqdisho. Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siinayso 30 Ardayda Suudaan ee qoysaskoodu ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo bara-kaceen colaadda Suudaan. “Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Arrintani ayay wasaaraddu ku sheegtay mid qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo iskaashiga aqooneed iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan taasi oo wasaaraddu sheegtay in ay fursad cusub siinayso ardayda labada waddan. Suudaan ayaa ka mid aheyd dalalka deeqaha waxbarasho ugu yaboohay Ardayda Soomaaliyeed kaddib burburkii dowladdii dhexe, halkaasoo kumanaan arday ay jaamacadaha dalkaas ku soo waxbarteen wixii ka dambeeyay 1991. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho ugu deeqday Arday u dhashay dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
  10. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay deeq waxbarasho siinayso ardayda dalka Suudaan ee ay saameynta ku yeesheen colaadaha dalkaas ka holcayaahi. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda u dhalatay dalka Suudaan ee ku nool Soomaaliya, maadaama Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadda Soomaaliyeed oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada. “Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dalka Suudaan ayaa muddo dheer ahaa meel ahay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho u tagaan, islamarkaana ay ugu noolaan karaan inta waxbarashadu u socato, ayagoo aan wax caqabado ah la kulmin, balse hadda wax waliba way is badeleen oo dalkaasi wuxuu ku jiraa dagaal sokeeye oo aan la ogeyn meesha uu ku dhammaan doono. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Suudaan ee haatan.ku nool gudah Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadkeenna oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada. “Dowladda Suudaan waxa ay kamid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya. Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda XFS Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa isna maanta la kulmay ku-simaha safiirka Suudaan ee Soomaaliya Amb. Ammar Axmed Babiker. Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal. Labada dhinac ayaa waxay adkeeyeen muhiimadda xiriirka laba geesoodka ah iyo wada-shaqeynta arrimaha labada dal danaynayaan. Sidoo kale waxaa la isla fallan-qeeyey xaaladda gobolka iyo tan caalamka, gaar ahaan xaaladda Suudaan, iyada oo wasiir Fiqi uu muujiyey taageerada buuxda ee Soomaaliya u hayso shacabka Suudaan. The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo loogu abaal gudayo Suudaan – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
  12. Xaaladda degmada Badhan ee Gobolka Sanaag oo ay shalay ka dhaceen iska hor-imaad hubaysan iyo muddaharaadyo rabshado wata ayaa saaka deggan. Magaalada waxaa weli ku sugan Rag sheegtay guddiga Siyaasadda Maakhir oo uu hoggaaminayo xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoorre kuwaasi oo shalay iska caabiyay is hor taag ay ku sameeyeen ciidamo ka tirsan Puntland. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaan hore Dhoorre iyo raggiisa ay u yimaadeen ciidamo gurmad ah kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in xukuumadda Puntland doonayso in la soo qab-qabto. Waxgaradka iyo odayaasha degmada Badhan ayaa dhinaca kale wada waan-waan lagu dejinayo xiisaddii shalay ka dhacday halkaasi islamarkaana lagaga hortagayo in iska hor-imaad iyo rabshado danbe ka dhacaan magaalada. PUNTLAND POST The post Xaaladda degmada Badhan oo saaka deggan iyo odayaasha degaanka oo waan-waan ku hawllan appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) — The Banadir regional administration has suspended the commissioner of Hodan district, along with several members of his administration, for 45 days due to reported negligence. Source: Hiiraan Online
  14. Golayaasha deegaanka ee Soomaaliya waxay ka ciyaarayaan door muhiim ah horumarinta bulshada iyo maamulka deegaanka. Xilliyada dhaqaale ee wanaagsan, waxay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ku bixiyaan dhaqaale si loo xoojiyo oo loo dhiso golayaashan. Si kastaba ha noqotee, kala dirista golayaasha deegaanka waxay saameyn ku yeelan kartaa maamulka iyo horumarka degmooyinka. Maqaalkani wuxuu falanqeyn doonaa fursadaha jiritaanka golayaasha deegaanka, sababaha shaqo kala dirista, iyo dhibaatooyinka ka dhasha. Fursadaha Ay Leedahay Jiritaanka Golayaasha Deegaanka a. Maamulka Hufan: Golayaasha deegaanka waxay fursad u leeyihiin in ay si hufan u maareeyaan adeegyada aasaasiga ah, sida caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Jiritaanka golayaasha waxay ka caawisaa in la abuuro qorshayaal wax ku ool ah oo ka turjumaya baahiyaha bulshada. b. Ka Qaybgalka Bulshada: Golayaashu waxay fursad siinayaan bulshada in ay ka qaybqaataan go’aan qaadashada, taasoo xoojineysa kalsoonida iyo iskaashiga bulshada. Jiritaanka golayaashan waxay dhiirrigelisaa in dadka deegaanka ay helaan cod iyo fursad ay ku muujin karaan aragtidooda. c. Horumarinta Dhaqaalaha: Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, sida Hay’adda Qaramada Midoobay, UNDP, iyo kuwa kale, ayaa dhaqaale ku bixiya helitaanka golayaasha deegaanka. Tani waxay ka caawisaa in la abuuro fursado shaqo iyo mashaariic horumarineed oo ka faa’ideysta khayraadka deegaanka. Sababaha Shaqo Kala Dirista a. Khilaafaadka Siyaasadeed: Kala dirista golayaasha deegaanka waxay inta badan ka dhalataa khilaafaadka dhexdooda, gaar ahaan marka madaxda degmada ay ka heshiiyaan mashruuc ama khilaaf u dhexeeya xubnaha golaha. Tani waxay keeni kartaa in la burburiyo ama la hakiyo hawlaha maamulka. b. Maamul Goboleedyada oo Aan U Suurin: Dhibaatooyinka maamul goboleedyada ayaa sidoo kale door ka ciyaara shaqo kala dirista golayaasha deegaanka. Mararka qaarkood, maamul goboleedyada ayaa aan si habboon u maareynin hawlaha deegaanka, taasoo keeni karta in golayaasha ay ku jiraan cadaadis iyo dhibaatooyin aan loo baahnayn. c. Dib u Eegista Siyaasadda: Mararka qaar, golayaasha deegaanka waxaa la kala diray si loo sameeyo dib-u-eegis iyo dib-u-habeyn siyaasadeed, iyadoo la raadinayo in la helo golayaal cusub oo wax ku ool ah. Dhibaatooyinka Ka Dhasha Shaqo Kala Dirista a. Horumar La’aan: Kala dirista golayaasha deegaanka waxay sababi kartaa in mashaariicda horumarinta ay istaagaan, taasoo keeni karta hoos u dhac ku yimaada tayada adeegyada bulshada. b. Saameynta Bulshada: Kala dirista golayaasha deegaanka waxay sidoo kale saameyn taban ku yeelan kartaa is-dhexgalka bulshada. Khilaafaadka ka dhasha kala dirista waxay keeni karaan xadgudub iyo muran dhexdooda ah, taasoo hoos u dhigaysa kalsoonida bulshada. c. Dhibaatooyinka Dhaqaale: Shaqo kala dirista waxay keeni kartaa in hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay ka waayaan kalsooni maamulka, taasoo saameyn ku yeelan karta maalgelinta mustaqbalka. Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) — A violent clan conflict broke out on Monday in the Mudug region, resulting in four deaths and leaving 11 others injured, according to local reports. Source: Hiiraan Online
  16. Ottawa (Caasimada Online) – Canada ayaa Isniinti shalay ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada. Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu heyso “caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka. Goor sii horreysay oo shalay aheyd, Hindiya ayaa ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo lix diblamaasi Canadiyan ah oo uu ku jiro sarkaal darajadiisu ay sarreyso. Hindiya waxay kaloo sheegtay in ay u yeeratay danjiraheeda Canada. Muranka dibalamaasiyadeed ee labadan dal ayaa u muuqda in uu kasii darayo. Wuxuu billaabay in uu dabco wixi ka danbeeyay marki uu ra’iuslwasaare Justin Trudeau sannadki hore shaaciyay, in dowladdiisu heyso caddeymo muujinaya in saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Hindiya ay ka danbeeyeen dilki Canada loogu geystay hogaamiyihi bulshada Siingaha Hardeep Singh Nijjar. Hindiya ayaa in muddo ahba diidaneyd eedaha Canada. Iyada oo ku eedeysay ra’isulwasaare Trudeau nin ajandayaal siyaasadeed ka leh Indiya. The post Canada oo ceyrisay diblumaasiyiin sare oo Hindi ah + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) — Egypt and Sudan have doubled down on their opposition to the newly ratified Nile River Basin Cooperative Framework Agreement (CFA), marking a new chapter in the long-standing regional dispute over water resources. Source: Hiiraan Online
  18. Canada ayaa dalkeeda ka ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu heyso “caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka. Goor sii horreysay oo shalay aheyd, Hindiya ayaa ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho a u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo lix diblamaasi Canadiyan ah oo uu ku jiro sarkaal darajadiisu ay sarreyso. Hindiya waxay kaloo sheegtay in ay u yeeratay danjiraheeda Canada. Muranka dibalamaasiyadeed ee labadan dal ayaa u muuqda in uu kasii darayo. Wuxuu billaabay in uu dabco wixi ka danbeeyay marki uu ra’iuslwasaare Justin Trudeau sannadki hore shaaciyay, in dowladdiisu heyso caddeymo muujinaya in saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Hindiya ay ka danbeeyeen dilki Canada loogu geystay hogaamiyihi bulshada Siingaha Hardeep Singh Nijjar. Source: goobjoog.com
  19. Ahmed Issa Awad, has warned that Somalia's recent alliance with Egypt and Eritrea was rushed and is unlikely to last, citing profound differences in governance and regional interests. Source: Hiiraan Online
  20. Jamie Leweling's debut goal against the Netherlands gave Germany a narrow 1-0 win in UEFA Nations League Group A3 on Monday. Source: Hiiraan Online
  21. In recent years, Turkish construction companies have increasingly engaged in projects involving air and sea ports across Africa. Source: Hiiraan Online
  22. (ERGO) – Community leaders are alarmed by the growing misuse of the painkiller Tramadol among rural pastoralists in central Somalia’s Galgadud region. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo. Amarkaan waxaa horay u soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya, waxaana dalka laga joojiyey isticmaalka bacaha. “Iyadoo la tiraacayo warqadda kasoo baxday Xafiiska Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee JFS, kuna taariikhaysaneyd 17/09/2024 Ujeedaduna ahayd wargelin ku saabsan joojin bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, Hay’adaha ay ku socoto warqadaan waxaa lagu wargelinayaa in aan Dalka lasoo gelin karin, lana dhoofin karin bacaha fudud ee halka mar ia isticmaalo laga bilaabo 1-da October 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda dekedaha ka soo baxay. Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, isla markaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah. Maalin ka hor, Afhayeenka ciidanka booliska oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la xiri doono ganacsadihii lagu arko isagoo ka ganacsanaya bacaha, waxaana xusid mudan in lasoo xiray xubno ka ganacsanayey Bacda. “Waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonaa suuq kasta oo lagu iibinayo bac, ganacsigooda ayaa la xiri doonaa, waa la mamnuucay bacda, waxaana awaamiir kale dul dhigeynaa amarkii lagu mamnuucay ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka, waana waajib in loo hogaansamo amarkaas,” ayuu yiri afhayeenka booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan. Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka sii yaraanaya isticmaalka bacda, waxaana lagu bedeshay Seledo iyo Baco kale oo maro ama suuf ka sameysan, kuwaas oo dowladdu ay ogolaatay in la isticmaalo. Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan. The post DF Soomaaliya oo amar culus ku soo rogtay dekedaha dalka appeared first on Caasimada Online.