Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaza (Caasimada Online) – Masuu’liyiinta Isra’il ayaa Axaddii sheegay, in nin hubeysan oo u dhashay dalka Urdun uu saddex qof oo Isra’ili ah ku dilay Marinka Allanby ee ay dadka Urduniyiinta u yaqaannaan Buundada Boqor Xuseen oo ah marin isku xira xadka Urdun iyo Daanta Galbeed ee dhulka la heysto. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay, in ninka hubeysan oo watay baabuur xammuul ah oo ka yimid dhanka Urdun uu ku soo dhawaaday isgoyska Allenby, kaddibna rasaas ku furay ciidamada ammaanka Israa’iil. Waxay kaloo sheegeen in saddex qof ee uu dilay ay ahaayeen rayid ay da’doodu aheyd 50 sano jirro. Ninkan oo la xaqiijiyay in uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidamada Isra’il ee ilaalila marinka laga soo galo Daanta Galbeed. Waa weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca xadka Urdun ay la wadaago Isra’il tan iyo 7-dii October, markaasoo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il. Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay guri ku yaalla magaalada Jabaaliya Axaddii ay ku dileen, Mohammad Morsi, oo ahaa agaasime ku-xigeenkii hay’adda gargaarka deg-degga ah ee Gaza. Weerarkaas ayaa sidoo kale lagu dilay afar xubin oo ka mid ah qoyska Maxammed Mursi. Isra’il wali kama aysan hadlin dilka mas’uulkaasi. Adeegga Gurmadka degdegga ah ee Gaza ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in dilka Morsi uu ka dhigay xubinti 83-aad oo ka mid ah qoyskiisa iyo qaraabadiisa ee lagu dilo Gaza, tan iyo 7-badi bishi October. The post Darawal u dhashay Urdun oo dilay saddex Isra’iliiyin ah, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  2. Hargeisa (HOL) — Somaliland's Parliament has again dismissed charges against MP Mohamed Abiib, sparking renewed political and public backlash over his controversial detention. In a session held on Sunday, 43 out of 47 lawmakers voted to reject the charges, which included allegations of treason, defamation of the military, and aiding the enemy. The vote marked the second time that efforts to strip Abiib of his parliamentary immunity and prosecute him have failed. Source: Hiiraan Online
  3. Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in duqaymaha Israa’iil ay dileen ugu yaraan shan qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan toban kale kadib markii ay ku dhaceen bartamaha dalkaas. Waxay sheegtay in shan goobood la beegsaday, oo ay ku jirto xarun cilmi baaris oo la sheegay inay soo saarto gantaallo sax ah. Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku saabsan warkaasi. Kormeere fadhigiisu yahay UK ayaa sheegay in weerarradu ay ku yimaadeen mowjado, kuwaas oo lala beegsaday goobo ciidan oo ku yaalla magaalada Masyaf, halkaas oo uu sheegay in khubarada horumarinta hubka ee taageersan Iran ay ka shaqaynayeen. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo weerar duqeymo ah ka fulisay bartamaha dalka Suuriya appeared first on Puntland Post.
  4. Wadadani uu gaadhigu ka galay waa mid uu Muuse balan qaaday in uu dhisaayo xiligii ololahii doorashadii hore. Wax uu cid u qabto iska daaye isagii ayaa kildhi madaxa kula jira VID-20240909-WA0000 Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo Agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ayaa soo saaray bayaan ay ku joojiyeen, dacwana uga gudbiyeen wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo dhowr qodob ka kooban. Wasaaradaha warkaan soo saaray oo wasaaradda caafimaadka Puntland kaliya ay ka maqan tahay ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ay caqabad weyn ku tahay mashaariicda caafimaadka ee dalka ka socota. Wasiirrada ka dacwooday wasiirka caafimaadka dowladda dhexe waxay sheegeen in bishii 3-aad ee sanadkaan ay kula kulmeen Muqdisho, isla markaan tabashadii iyo wadashaqeyn la’aantii ay ka cabanayeen aan ilaa hadda waxaba laga qaban, sidaas darteed ay hadda ku qasbanaadeen inay xiriirka u jaraan wasaaradda caafimaadka heer federaal. Wasiirada dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay ka jawaabayaan warqad cabasho ah oo uga timid agaasimayaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir, waqadaas waxaa ku cad dhamaan caqabadaha taagan, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1- In wasaaradda caafimaadka heer federaal ay hey’adaha ku amartay in aysan la shaqey karin wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. 2- In Mashruuca Damal Caafimaad oo Bangiga Adduunka uu maalgelinayo, qeybtiisa wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada ay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka caqabad ku noqotay in laga faa’iideysto, isla markaana ay khasaareyso lacag dhan 25 milyan oo doolar. 3- In Mashuuca COVID-19 aysan waxaba ka dhaqaaqin oo wasaaradda heer federaal ay xayirtay, isla markaana uu ku egyahay 2025 isagoo wax cusbooneysiin ah aan laheyn, taasi oo ka dhigay inay khasaareyso lacag dhan 48 milyan oo doolar. 4- In mashruuca CCU shaqaalihii loogu tala galay isbitaallada caafimaadka aan la qaadan oo muddo sanad ah uu wasaaradda caafimaadka heer federaal u xayiran yahay, mashruucaas ayaa dhacaya Abriil 2025. Qodobada ay ku xusan yihiin caqabadaha ay wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyadu ku qabaan wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka, waxay gaarayaan 12 qodob oo warqadda aad ka akhrisa kartaan. Sidoo kale waxay dacwo u gudbiyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, iyagoo u sheegay inay wasaaradda caafimaadka heer federaal ay ku heyso caqabado isugu jira kuwo lasoo dhaafay, kuwo hadda taagan iyo kuwo soo wajahan. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka wasiirrada: The post Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka soo dacwooday Wasiir ka tirsan DF appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) — Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has vowed that Ethiopia will never negotiate its sovereignty, warning that any attempt to challenge the nation's independence would be met with strong resistance Source: Hiiraan Online
  7. The University of Minnesota’s new public safety center opened Friday in Dinkytown, a neighborhood where crime has become a major concern over the past few years. Source: Hiiraan Online
  8. Somalia has warned that corporations recognizing Somaliland as an independent state would be met with some penalty. Tensions between Somalia and Somaliland escalated further when Ethiopia signed an MoU with Somaliland, recognizing the country as independent. Since then, Somalia has gone on to repel the deal in an attempt to make it illegitimate. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) —The Supreme Court of the Armed Forces has issued final verdicts today for two soldiers involved in a fatal shooting incident earlier this year. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa galabta wajahay su’aalo adag oo guddiga arrimaha diinta ee golaha shacabka ay ka weydiiyeen waxyaabaha khuseeya wasaaradda ee ka dhex socda dowladda. Mid ka mid ah su’aalihii ugu adkaa waxaa weydiisay xildhibaan Faa’isa Jeyte, waxayna tiri “Waaiir Mukhtaar mid kamid ah culimadii aad ku casuumateen shirka ayaa yiri qofkii dowladda Xasan Sheekh mucaarada hala dilo, marka ma dowladdaa ka dhex bilowdeen?” Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka jawaabay su’aasha Xildhibaan Faa’isa Jeyte ayaa sheegay in hadalkaas qof yiri uusan garaneyn, isla markaana aysan masuul ka aheyn hadal wadaad yiri. “Waa ogtihiin culimo meel isugu timid midba meel ayey mas’aladu la geleysaa, marka anigo ma ogi qof yiri qof kale hala dilo, waxaasna wasaaraddu maauul kama aha,” ayuu yiri Waaiir Mukhtaar oo iska fogeeyey eedeynta xildhibaan Faa’isa Jeyte. Xildhibaanada kale ee guddiga ah ee goobta su’aalo weydiinta ah joogay ayaa Wasiirka si cad ugu sheegay in arrinta ay xikdhibaan Faa’iso sheegtay ay jirto, isla markaana wadaadka ay ka hadlayaan uu si toos ah u yiri hadalkaas. Mukhtaar Roobow oo is jilcinaya ayaa ku jawaabay “in hadalkaas la yiri waa dhici kartaa, balse qorshihii loo qabtay shirkaas kuma jirin dadka in dil loo iclaamiyo, waxaana ka bixineynaa raali gelin, hadii qof aan soo casuumanay uu hadalkaasi ka soo yeeray,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow. Sidoo kale, Wasiirka Diinta Soomaaliya ayaa wajahay su’aalo kale oo u badan kiisas ku saabsan xajka iyo sidii loo maareeyey, iyadoo xildhibaanadu ay si adag u weydiiyeen su’aalo ku saabsan qaabka loo qeybiyey qoondadii reer Puntland ay ku lahaayeen xujeyda. Su’aalo weydiinta ayaa socotay muddo labo saac ah, waxaana Wasiir Mukhtaar Roobow ku wehliyey oo qaar kamid ah su’aalaha ka jawaabayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta Ibraahim Nadaara. Hoos ka daawo The post Daawo: Mukhtaar Roobow oo su’aal adag laga weydiiyey Sheekh dil ku hanjabay appeared first on Caasimada Online.
  11. Dab xooggan oo khasaare baaxad leh sababay ayaa qabsaday goob ganacsi oo maqaayad ahayd, taas oo ku taalla degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliiska, waxaana ka dhashay baaba’ hantiyeed oo xoog leh. Haweenayda maqaayaddaas milkiilaha ka ahayd oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in hantidii goobtaas taallay ay dhammaanteed dabka ku basbeeshay dabka, sidoo kale waxay xoguhu tilmaamayaan in qof kamida dadkii goobta ku sugnaa uu dhaawac soo gaaray, islamarkaana la geeyay xarumaha caafimaadka. Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Koranto, waxayna sawirrada iyo muuqaallada maqaayaddaas oo lagu asturan laga soo qaaday muujinayaan burbur xooggan oo goobta gaaray. Source: goobjoog.com
  12. Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Cabasho xooggan ka muujiyay Wada-shaqaynta Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya. War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo aysan ku jirin Puntland ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya caqabad ku noqotay dhammaan Mashaariicdii Caafimaadka ee ka socday dalka. War-murtiyeedka ay soo saareen Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayay ku muujiyeen Cabashadooda ku aaddan caqabadda Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya hor-dhigtay dhammaan Mashaariicdii Caafimaadka ee ka socotay dalka. Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku eedeeyay in ay awaamiir cad u dirtay Hay’adaha kuwaasi oo ku saabsan in au joojiyaan La-shaqaynta Dowlad Goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Caqabad ku noqotay dhammaan Mashaariicdii Caafimaadka ee dalka ka socday appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidmada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed. Labada nin oo ka wada howl-galayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, ayaa lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid kamid ah gaadiidka dadweynaha iyo cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida. 27-kii bisha lixaad ee sanadkaan is-rasaaseyn dhex-martay labada eedeysane ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan. Xafiiska xeer ilaalinta iyo ehellada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa racfaan ka qaatay xukunkii maxkamadda darajada koowaad ay horey ugu riday labada eedeysane 28-kii August, xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa mar kale codsaday qaadista kiiskaan. Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. 1- Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) ayey maxkamada sare ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse. 2- Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay 6 sano oo xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo-guuto Liibaan Cali Yaroow, guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida. The post Go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska askar NISA iyo booliska oo lagu dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
  14. Guddiga baarlamaanka Soomaaliya u aqaabilsan arrimaha diinta iyo awqaafta ayaa su’aalo adag weydiiyay madaxda wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta oo uu ugu horreeyay wasiirka Wasaaraddaaas Shiikh Mukhtaar Roobow Cali. Wasiirka iyo ku xegeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa wax laga weydiiyay qaabka ay u maareeyaan arrimaha xajka, in ay dhexdhaxaad u yihiin dariiqooyinka dalka ka jira, sida ay ku qeybiyaan u adeegidda xujayda ama waxa loo yaqaanno xamlooyinka, iyo hab maamulka guud ee wasaaradda. Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka warcelinayay qaar kamida weydiimaha xildhibaanada ayaa sheegay in xamlooyinka tartan furan loo galo, islamarkaana cid waliba ay ka qeyb-gali karto. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inaan koox diimeedyo kala duwan wasaaraddiisu aqoonsanayn, balse dariiqada culumada Suufiyada ay wada shaqayn feecani ka dhexayso, islamarkaana ay hawlaha ay wadaan hormuud ka yihiin. Wuxuu intaa ku daray inay jiraan shaqsiyaad fakarkooda gaarka ah ku khilaafsan shaqada iyo hab maamulka wasaaradda, asagoo tilmaamay inaan qof goodi ah la qancin karin, hadalkan ayaana u muuqda inuu jawaab u yahay qaar kamida culumada Suufiyada oo wasiir Roobow ku eedeeyay inuu ka eexday. Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) — A group of prominent Somali religious clerics strongly condemned Ethiopia's recent Memorandum of Understanding (MoU) with the breakaway Somaliland region, expressing their support for Somalia's growing relationship with Egypt. Source: Hiiraan Online
  16. A bilateral agreement between the government of Taiwan, the local government of Hargeisa and the Ministry of Transport and Road Development of Somaliland has been signed for the upgrading construction of the road from Hargeisa Airport to Mohamud Ahmed Ali High School. The signing ceremony was held at the Somaliland Ministry of Transport and Road Development, which was attended by the minister, the mayor of Hargeisa, the ambassadors of both Somaliland and Taiwan and other officials. The government of Taiwan, which has a deep relationship with Somaliland, at the same time supports the economic infrastructure and electoral issues, Health has started to support the local government of Hargeisa by supporting the construction of important roads. At the forum where the agreement was signed, the Mayor of Hargeisa Cllr. Abdikarim Ahmed Mooge, spoke about this important main road that is to be supported by the government of Taiwan. He noted that they are grateful to Taiwan for their cooperation in the project, which will focus on its construction and implementation since it is a major road that should reflect the beatification and image of the city and the country especially to visitors. On his part, the Ambassador of Taiwan to Somaliland, Mr. Lee said that it is important to support the local governments to beautify the cities, and he noted that he is very happy with this new partnership with the local government of Hargeisa. He emphasized the importance of the construction of the road that they are planning. In conclusion, the Minister of Transport and Road Development of Somaliland, Hon. Rabi Abdi Mohamed, noted that the government of Taiwan is working with Somaliland on many projects, including the construction of the said main road, and the cooperation is only getting stronger. The minister said that the construction of this road will make a big difference to the beauty of the city, and he thanked the government of Taiwan for always standing by Somaliland and supporting it. Somaliland standard Qaran News
  17. Dhallinyarada baabuurta isku dhigaysa oo muqdisho ku soo badanaysa iyo halista ka dhalan karta. Dhallinyarada gaadiidka socda isku dhigaysa si ay muuqaallo soo jiidasho leh isaga duubaan ayaa muqdisho ku soo badanaya, taas oo ah halis baaxad leh oo dhimasho sababi karta. Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay askar iyo xubnaha kale oo ayagoo hubka fudud ee ciidanka dadka ku cabsi-gelinaya baabuurta jidadka maraysa hortooda kuraas iska dhiganaya, balse dhaqankaas ayaa u muuqda mid sii xoogaysanaya. Saacado ka hor waxaa baraha bulshada qabsaday sawirka wiil dhallinyaro ah oo la sheegay inuu isku dhigay gawaarida ciidamada midowga Afrika ee ATMIS, waxaana warar aan la xaqiijini tilmaamayaan in ciidankii baabuurtaas saarnaa ay ku signeen inay toogtaan. Inkastoo ay dhaqan xumo soo korortay tahay, haddana arrintan haddii aan laamaha nabad-gelyadu wax ka qaban waxay keeni kartaa khasaare nafeed waxaa-yeelay gaadiidka ay dhallinyaradani isku dhigayaan waxaa ku jira qaar bareeg la’aan ah oo aan waduhu si fudud u xakamayn karin iyo kuwo ciidan oo laga duubo inay qofka hor istaagaya moodaan inuu qarax ku xiranyahay ka dibna toogtaan. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo saaray hadal u muuqda hanjabaad ku socoto Soomaaliya iyo Masar, oo dhawaan dhinaca isa-saaray. Itoobiya iyo Masar oo ay ka dhaxeyso cadaawad salka ku haysa biyo xireenka webiga Niilka ayaa xilligaan waxay heshiis difaac wada saxiixdeen Soomaaliya, iyada oo uu socdo qorshe ciidamada Masar lagu keenayo gudaha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in uusan dalkiisa ku duulin waddan kale balse haddii la isku dayo in lasoo weeraro ay iska difaaci doonnaan, ayna taas diyaar u yihiin marwalba. Sidoo kale waxa uu dadkiisa ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo, taasi oo muujineysa in uu ku gubaabinayo dagaal, xilli laga cabsi qabo Soomaaliya inay noqoto furinta dagaal ee Masar iyo Itoobiya. “Itoobiya waligeed dal kale kuma duulin balse kuwa nagu soo duulay waligood guul nagama gaarin, waxa aan iska difaacnay kuwa halista ku ah qarannimadeena,” ayuu yiri Abiy farriin cusub oo uu saaray. Hadalkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu diiday la kulanka Abiy oo billowgii sanadkaan Somaliland la gaaray is-afgarad xad-gudub ku ah midnimada dalka. Sidoo kale wuxuu imaanaya xilli madaxda dowladda Itoobiya ay saacadihii lasoo dhaafay fariimo kala duwan jeediyeen, kuwaas oo intooda badan laga dheehan karaa “diyaargarow dagaal” iyagoo intq badan ku cel-celiyeen isticmaalka ereyga “cadowga”. Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sugayaa in ay jawaab ka bixiso hadallada qalafsan ee kasoo yeeraya madaxda Itoobiya, xilli labada dhinac bartamaha bishaan u ballansan yihiin wada-hadal uu Turkiga garwadeen ka yahay. The post ABIY oo si yaab leh ugu goodiyay Soomaaliya iyo Masar iyo waxa laga filan karo appeared first on Caasimada Online.
  19. Kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen ayaa sheegtay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo Maraykanku ku leeyahay, taas oo dul maraysay hawada dalkaas, sida uu sheegay yahya Saree oo ah Afhayeenka milatariga ee Xuutiyiintu. Muuqaal la soo duulay oo warbaahintu heshay ayaa muujinaya diyaarad nooca MQ-9 Reaper oo ay soo rideen difaacyada cirka ee Marib oo kamida qalabka militariga ee kooxdu haystaan. Diyaaradan ayaa ah tii 8-aad ee noocaan ah oo la soo rido tan iyo markii uu bilowday dagaalka, sida ay sheegeen kooxdu, waxayna sheegeen inay tillaabooyinkan oo ka dhashay maraakiibta ay badda-cas ku beegsanayaan ugu hiillinayaan dadka reer falastiin ee maamulka Israa’iil ku gumaadayo Qasa. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga Itoobiya. Baaqan ayey culimaddu kusoo saaren war-murtiyeed ay kasoo saareen damaca guracan ee Itoobiya, xilli maalmihii u dambeeyay ay culimada ka shirsanayeen, waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay u istaagaan difaaca diinta iyo dalka. Culimada ayaa ugu horeyn bayaanka ay soo saareen ku adkeeyay midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaana qodobada ay soo saareen kamid ah; 1. Culimada Soomaaliyeed waxa ay adkeynayaan midnimada ummadda Soomaaliyeed. 2. Culimada waxa ay bulshada qeybaheeda kala duwan ugu baaqayaan in ay u midoobaan difaaca dalka, kana fogaadaan wax walba oo kala fageyn karo midnimada iyo wadijraka ummadda Soomaaliyeed. 3. Waxa ay culimada ka digayaan dadka ku hoowlan kicnta iyo iska horkeenka bulshada ee faafinayo hadalada aan saxda ahaayn ee lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntiina waxay culimada Soomaaliyeed ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii dalkooda ay uga difaaci lahayeen Itoobiya oo ay ku tilmaameen “cadow” iyo cidkasta oo soo damaacisa dhulkeenna. Bayaankan kasoo baxay culimada ayaa wuxuu xoojinayaa mowqifka dowladda iyo midda shacabka Soomaaliyeed oo iyagu meel adag iska taagay is-afgaradkii Itoobiya ee Somaliland ee Abiy ugu bareeray meel-marinta damaca baddeena. The post Culimada Soomaaliyeed oo soo saaray bayaan culus oo la xiriira damaca Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  21. 458936031_1253139849370010_6840972571241731605_n Qaran News
  22. 458320734_945981567288220_545135365156521760_n Qaran News
  23. Garowe (HOL) — A massive fire broke out at a gas station in Garowe, the capital of Puntland, on Saturday night, causing huge damage and casualties. Source: Hiiraan Online
  24. 459093463_809216484456633_4086392768067572906_n Qaran News