-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray shirka golaha wadatashiga qaranka, wuxuuna sheegay inuu fashilmay, isagoo arrintaan ku tilmaamay fashil siyaasadeed oo heysta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu qorshe halis ah oo xukunka inuu ku sii joogo uu damacsan yahay. Qoraal galabta ka soo baxay Xafiiska R/Wasaare Xamsa ayaa lagu sheegay in shirkaas uu hakad galay, isla markaana uu dib u furmi doono 26-ka bishaan, waxaa xusid mudan in Axmed Madoobe horay uga baxay shirka, halka Saciid Deni inuu yimaado iska daaye uu mar hore xiriirka u jaray dowladda federaalka. Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo: Shirkii uga socday Muqdisho hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda Dowlad-goboleedyada, Labadii Todabaad ee la soo dhaafay, in uu ku soo dhammaaday fashil iyo natiijo la’aan waa mid niyad jab Iyo kala qaybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed, jahwareer iyo hubinti la’aan siyaasadeedna ka abuuraysa dalka. Dowlad-gobeeldayada laga hortaagan yahay in ay qabsadaan doorashada iyadoo la dhaafay wakhtigoodii dastuuriga ahaa, laalidda dastuurka heshiiska lagu yahay, iyo damaca Madaxweynaha ee sii joogista xukunka sifo aan waafaqsanayn sharciga waxa ay caqabad ku noqonayaan dowladnimada, wadajirka iyo midnimada Soomaaliya. Markale waxaan adkeynaynaa baaqyadii aan horey ugu soo jeedinay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa ee ku saabsanaa in uu ku soo laabto xeyndaabka sharciga iyo dowladnimada, gutona waajibaadka qaran ee kaga aaddan hirgelinta hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, lagagana gudbo marxaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay maanta la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed. Natiijo la’aanta Madasha Qaranka oo Madaxdii Dowlad-goboleedyada sii kala qaybisay waxa ay ifafaalo aan wanaagsanayn ka bixinaysaa mustaqbalka siyaasadeed iyo dowladnimo ee dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Xildhibaannada heer Federaal in ay u istaagaan samata-bixinta dalka iyo badbaadinta dowladnimadeenna. Ugu danbeyntii, hirgelinta doorashooyinka qaranka, yagleelidda Guddiyada ka shaqeynaya iyo dhammeystirka dib u eegista dastuurka waa masuuliyad wadareed u wada taalla shacabka, dowladda iyo hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, sidaas awgeed cid gaar ah laga aqbali maayo in ay ku jaan-gooyso danaheeda gaarka ah. The post Farmaajo oo kashifay qorshe sababay ‘fashilka shirka golaha wadatashiga’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyey amniga Muqdisho iyo beegsiga ay Shabaab ku hayaan ganacsatada caasimadda Muqdisho. Yabooh ayaa qiray in amniga Muqdisho uu maalmihii lasoo dhaafay qalqal galay, isla markaana ay Shabaab soo nooleeyeen beegsigii iyo dilalkii ay ka geysa jireen caasimadda, hadana ay wadaan qorshe culus. “Waxaa maanta halkaan ku shiray hey’adaha ka shaqeeya amniga Muqdisho, wax badan ayaan halkaan fadhina waana is warsanay, Khawaarijtii ayaa hadda bilowday inay beegsi ka geystaan Muqdisho, shacabkii ayey ku bilaabeen dil, baad iyo cagajugleyn,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka amniga ayaa shaaciyey in la soo qabtay qaar kamid ah shabakadihii Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan iyo badda shacabka ee Muqdisho ay ka bilaabeen. “Maanta waxaa halkaan lagu soo bandhigay kooxihii Shabaab ka tirsanaa ee falalkaas geystay, wareysiyo ayaa ku socda, waana soo bandhigi doonaa, waa cadow xun oo shacabka iyo dowladaba dagaal kula jira,” ayuu yiri. Guddoomiye Yabooh ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan heynaa xog badan oo codad ay ku jiraan, ganacsatada ayey ku qasbayaan inay xoolo bixiyaan oo kaamirooyinka furaan, hadda qorshahooda oo dhan waan heynaa, shabahadihii falalka qaar fuliyana waa lasoo qabtay.” Wuxuu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay ku dadaasho sugidda amniga caasimadda, isagoo shacabka ka codsaday inay garab istaagaan ciidamada iyo dowladda, si looga guuleysto cadowga. “Waxa dhacaya oo aad aragtaan waxaa ka daran inta laga hortegayo, ragga hada lasoo qabtay iyagoo Muqdisho dhibaatooyin ka geysanaya aad ayey u badan yihiin, kuwo kale ayaan ku raad joognaa oo xogo badan laga hayo, marka shacabku ha ogaadeen inaan u maqanahay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Diiriye Yabooh. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo ka hadashay dilalkii ganacsatada, rag loo qabtay iyo qorshe deg deg ah oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in mar kale dib la isugu soo laaban doono Shirkii Madasha Wadatashiga Muqdisho ee Natiijo la’aanta ku soo dhammaaday. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in mar kale Shirkaasi dib la isugu soo laaban doono 26 bishan October. Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in ay sii socon doonaan Wada-tashiyo ku saabsan Hannaanka Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Wada-shaqaynta guud ee Dowlad Goboleedyada dalka. Warkani dowladda ayaa imaanaya iyadoo aysan wax natiijo ah ka soo bixin Shirkii Muqdisho uga socday dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada dalka kadib markii Madaxweynaha Jubaland isaga baxay Shirkii oo socda. Halkan ka akhriso Qoraalka dowladda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in mar kale dib la isugu soo laaban doono Shirkii Madasha Muqdisho ee fashilmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaciyay in dib la isugu soo laaban doono shirka golaha wadatashiga qaran, oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho. Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishan October, iyadoo ka horna ay sii socon doonaan wadatashiyada madaxda, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza. “Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho 2-dii bishaan ayaa weli sii wada wada-tashiyadii ku saabsanaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Shirkan oo madaxda qaranku diiradda ku saarayeen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan dagaalka Khawaarijta, dhameystirka hanaanka dimuquraadiyeynta iyo fulinta heshiisyadii hore ee golaha ayaa waxaa sii socon doona wadatashiyada madaxda, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-ka bishan October.” Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa imanaya xilli la filayay inay madaxda soo saaraan war-murtiyeedka shirka, maadaama uu horey u sheegay ra’iisul wasaare Xamza inuu si habsami leh ku socdo shirkaan oo soo bilowday horraantii bishaan. Shirkaan ayaa wajahayay caqabado xoogan, kadib markii la’isku mari waayay qodobada qaar, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana dhawaan isaga baxay Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday in la sameeyo muddo kororsi, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin qof iyo cod ah, wuxuuna ku adkeystay in Jubbaland uu ka qabanayo doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda. The post Xafiiska R/W Xamza oo war cusub kasoo saaray shirka golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
Introduction The democratization of Somalia’s political institutions is central to the country’s long-term stability, peace, and prosperity. As Somalia navigates its path toward establishing inclusive governance, the role of the international community is crucial. The Somali Constitution mandates a transition to a multiparty system and a one-person, one-vote electoral process. However, various challenges—such as political fragmentation, security concerns, and insufficient resources—continue to obstruct this objective. This paper urges the international community to utilize its influence to pressure stakeholders at the federal and state levels to advance Somalia’s democratization agenda. It also calls for a committed provision of financial and technical support to enable free and fair elections at the district, state, and federal levels. The Role of the International Community in Democratization International partners working with the Federal Government of Somalia (FGS) have a unique opportunity to influence the country’s democratic transition. The international community, through multilateral and bilateral cooperation, has invested in peacebuilding, security, and institutional development. However, democratization requires more than good governance frameworks; it necessitates the empowerment of the citizenry through electoral processes that guarantee equal participation and representation. The one-person, one-vote principle is a cornerstone of democracy, ensuring that every citizen’s voice is heard. It stands in stark contrast to the clan-based power-sharing model currently used in Somalia, which undermines inclusive governance and perpetuates elite bargaining at the expense of national unity. A functioning multiparty system, as outlined in the Somali Constitution, would foster political competition, enhance accountability, and reflect the diversity of political interests in the country. However, without consistent pressure from international partners, the transition to these democratic institutions may be stalled by political actors with vested interests in maintaining the status quo. Using Leverage to Advance Democratic Reform The international community wields significant leverage over Somalia through diplomatic relationships, financial assistance, and security support. This influence should be strategically deployed to push the agenda of democratization. Conditionality attached to development aid and diplomatic cooperation could incentivize Somali leaders at both federal and state levels to honor their commitments to democratic reforms. This leverage must be applied consistently to all political actors to ensure transparency and accountability. It is imperative that the international community sends a unified message that adherence to the principles of democracy is non-negotiable. Moreover, diplomatic pressure must target all levels of governance—both the federal government and federal member states. Political fragmentation and disagreements between these levels have historically hindered electoral progress. By facilitating dialogue among stakeholders, international actors can help forge the political consensus necessary for the implementation of one-person, one-vote elections. A neutral but firm approach is essential to overcome resistance and secure cooperation across political factions. Financial and Technical Support for Electoral Implementation While pressure and diplomacy are essential, the successful implementation of democratic elections also requires substantial financial and technical support. Somalia faces significant challenges, including weak institutional capacity, inadequate voter education, and security threats that complicate election logistics. Therefore, the international community must commit to providing targeted assistance that addresses these gaps. First, financial support is critical to establish the infrastructure required for voter registration, polling stations, and election monitoring. A well-functioning electoral system relies on modern technology and trained personnel to guarantee the accuracy and credibility of the voting process. The international community should offer grants and logistical support for building these systems, ensuring that elections are not only fair but also accessible to all eligible voters. Second, technical assistance is vital to strengthen electoral institutions, including support to both Houses of Parliament to swiftly legislate Acts that establish the National Electoral body as per provided by the Constitution. The envisioned Electoral body must have the capacity to oversee elections independently, free from political interference. International partners can assist by providing expertise in electoral management, legal frameworks, and cybersecurity to safeguard the electoral process from manipulation. Training programs targeting election officials and political parties will also enhance their capacity to participate effectively in a multiparty system. Security and Voter Engagement Conducting elections in Somalia is inherently complex due to security challenges posed by ongoing conflicts and the presence of extremist groups. The international community must continue to invest in security sector reform and capacity -building efforts to create a safe environment for elections. Coordination between international peacekeeping missions, such as the mission that will replace African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), and Somali security forces will be essential in ensuring the protection of polling stations, election workers, and voters. In parallel, efforts to increase voter awareness and participation are critical. Many citizens in Somalia have little experience with formal elections, and the transition from a clan-based system to a multiparty democracy requires significant public education. International partners should support civic education campaigns that inform citizens about the importance of voting, the electoral process, and the role of political parties. These campaigns can help foster a sense of ownership among the public and ensure meaningful participation in the democratic process. Conclusion The democratization of Somalia’s political institutions is a shared responsibility that requires unwavering commitment from both domestic and international actors. The international community must use its leverage to press for the adoption of the one-person, one-vote principle and the establishment of a multiparty system, in line with the Somali Constitution. Political stakeholders at the federal and state levels must be held accountable for their commitments to democracy, with pressure applied equally and impartially. In addition to diplomatic engagement, international partners should provide the financial and technical resources necessary to support elections at all levels of government. This includes investing in electoral infrastructure, strengthening institutions, and enhancing security to facilitate safe and inclusive elections. Finally, empowering Somali citizens through civic education and voter engagement campaigns will ensure that the democratic transition is sustainable and reflects the will of the people. Through these efforts, the international community can help Somalia build a stable and representative political system that paves the way for lasting peace and development. The road to democracy is not without challenges, but with the right support, Somalia can achieve its constitutional promise of one-person, one-vote elections and a multiparty democracy. By: Mahad Aawed Former Deputy Speaker Member of Parliament House of the People of the Federal Parliament of Somalia Disclaimer:The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Strengthening Somalia’s democratization process: A call to the international community appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho 2-dii bishan ayaa weli sii wada wadatashiyadii ku saabsanaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad gobolleedyada iyo dowladda Federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka. Shirka oo madaxda Qaranku ay diiradda ku saarayeen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab, dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta. Sidoo kale Shirkaan ayaa looga hadlay fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Xukuumadda waxa ay sheegtay in uu sii socon doono wadatashiyada madaxda, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-da bishan Oktoobar. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kusoo wajahan wafdi culus oo ka socda dowladda Masar, sida uu shaaciyay wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. Wasiir Beene-Beene ayaa sheegay in ujeedka wafdigan uu yahay in ay Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn, iyagoo maalgashiyo ku samaysan doona dekedaha dalka. Waxa uu muujiyay sida ay Soomaaliya xiiso ugu qabto maal-gashadayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, taasi oo uu sheegay in loo aqoonsan yahay fursad muhiim ah. Sidoo kale waxa uu caddeeyay in booqashada wafdiga Masar ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu sahaminayo fursadaha maalgashi ee dalka, islamarkaana ay ka dhigan tahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Booqashada wafdigan ayaa imanaya, xilli ay Masar bilowday howl-galkeeda milateri ee Soomaaliya kahor inta aan la gaarin bisha December 31-da oo ku beegan marka ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya. Qaahira waxa ay sidoo kale tababareysaa oo ay taageeraysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab. Masar iyo Soomaaliya, oo xubno ka wada ah ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay magaalada Qaahira, ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah. Masar ayaa tan iyo markaas u soo dirtay Muqdisho hub, la-taliyayaal ciidan, tababarayaal iyo kumaandooska la-dagaalanka argagixisada. Kumanaan ka tirsan ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan howlgalka milatari dhammaadka sanadka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. The post Wafdi culus oo ka socda Masar oo kusoo wajahan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday taageero lacageed oo dhan £7.5 milyan ($10 milyan), taas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa mid muujinaysa sida UK ay uga go’an tahay in la xoojiyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Lacagtan ayaa lagu maalgelin doonaa hawlaha ATMIS, oo diiradda saaraya in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya si buuxda loogu wareejiyo hay’adaha qaran ee amniga. Taageerada lacageed ee UK waxay muhiim u tahay tababarka iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliyeed, iyo sidoo kale la dagaalanka kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab. Taageero Muhiim Ah oo Loogu Tala Galay Amniga Soomaaliya Wasiirka Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, Andrew Mitchell, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay taageeradan cusub ee Soomaaliya. “UK waxa ay ku faraxsan tahay in ay garab istaagto Soomaaliya dadaalladeeda ku aaddan dhismaha awood amni oo isku filan. Lacagtan dheeraadka ah waxay muujineysaa sida aan uga go’an tahay inaan hubinno in Soomaaliya iyo ciidamadeedu si buuxda ugu diyaarsan yihiin sugidda mustaqbalka dadkooda,” ayuu yiri Mitchell. ATMIS waxay muhiim u ahayd dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, waxaana la filayaa in taageeradan ay sii xoojin doonto hawlaha muhiimka ah ee la qorsheeyay maadaama hawlgalka ATMIS uu ku jiro wejigiisii ugu dambeeyay. Ujeeddada ugu weyn ee ATMIS ayaa ah in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya si buuxda loogu wareejiyo ciidamada qaran ilaa dhammaadka sanadka 2024. Saameynta Gobolka Amniga Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku leh nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, halkaas oo weli ay ka taagan yihiin khataro ay ka mid yihiin argagixisada iyo burcad-badeedda. Xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya waxay faa’iido weyn u tahay gobolka, iyadoo gacan ka geysaneysa nabadda iyo horumarka dhaqaale ee mandaqadda oo dhan. Taageerada maaliyadeed ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa qayb ka ah iskaashiga caalamiga ah ee muhiimka u ah in la gaaro ujeeddooyinka nabadda iyo xasiloonida gobolka. Soomaaliya ayaa sii wadda dadaalkeeda ku wajahan xasiloonida, iskaashiga ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada caalamiga ah sida UK ayaa fure u noqon doona in la xaqiijiyo guusha hawlaha kala-guurka iyo nabad waarta oo laga dhiso dalka. Source: goobjoog.com
-
Lix masuul oo iska Casilay Xisbigii Kulmiye ee gobolka Awdal iyo Dagmada Boorama oo dhamaantood ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xoghaya ku xigeenka Gobolka Awdal Ibraahim aadan Ibraahim Xoghayaha Dagmada Boorama Dr Abdifataax Maxamed Bulbul Xoghayaha Abaabulka dagmada Boorama ee Kulmiye Maxamed Caynaan Xoghayaha isbootiga dagmada Abdisamada Geesi Cilmi Xoghayihii xidhiidha dagmooyinka Boorama Xuseen Faysal Xuseen Gudoomiyaha Abaabulka Sh.Cali Jawhar Abdixakiin Cismaan. Guud ahaan maanta waxa xisbiga Kulmiye iska casilay 12 xubnood kuwaasi oo ka soo kala jeeda gobolada Awdal, Maroodijeex, Saaxil. Waxana lagu wadaa in ayaamaha soo socda ay is casilaan masuuliyiin ka tirsan xukuumada Muuse Biixi iyo xisbigeeda Kulmiye, Togdheer Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa si toos ah ugu biiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, si ay doorkooda uga qaataan howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidanka Cirka kusoo badhigtay furimaha hore ee dagaalka, waxayna sheegtay inay ka qayb-qaataan halganka xoreynta ah ee haatan socda. Ciidamadan ayaa wata qalab dhameystiran iyo diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca oo ka qayb qaadanaya howlgallada ka socda gobollada dalka. Diyaaradahan ayaa waxaa leh dowladda Soomaaliya, waxayna soo iibsatay markii laga qaaday cunaqabateynta hubka oo ahayd guul wayn oo usoo hoyatay Soomaaliya. Ujeedka ugu wayn ee ciidamada cirka iyo biiristooda dagaalka ayaa ah inay hawada ka taageeraan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab. Tani ayaa ka qayb-qaadaneyso in hormar laga gaaray howlgallada ka socda dalka, waxaana tallaabo kale oo loo qaaday dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka iyo qalabeyntooda. Soomaaliya waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Diyaaradaha dagaalka iyo ciidanka cirka Soomaaliya oo ku soo biiray dagaalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batrolka Macdanta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan qodista ceelka shidaalka ee ku yaalla gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Wasiirka oo faah-faahinayay heshiiska shidaal qodista Soomaaliya ayaa sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Qatar ay kula heshiiyeen ceelka shidaalka ee Hol-Hol, isla markaana ay dhawaan bilaabi doonto shaqada. Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa ka gaabsaday inuu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo sida loo wajaho shidaal qodista, balse wuxuu xaqiijiyay in shirkaddu ay la galeen heshiis rasmi ah. “Waxaan rajeynayaa in Hol-hol shirkadda Qatar ee aan heshiiska la galnay way sameyn doonaan wixii baaris ah, heshiiska ayayna qayb ka tahay intaas ayaa uga baxaa ma rabo inaan faah-faahin kale sii galo, jadwal ay leeyihiin, kaas ayaynka ku soconayaan” ayuu yiri wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta Puntland oo si weyn u diidan, wuxuuna sheegay inay isku dayeen inay qanciyaan, balse ay ka biyo diiday arrimaha shidaalka iyo baaristiisa. “Waa isku deynay in dhanka Puntland aan ka sameyno cabir nasiib darro State-ka Puntland waxaan aargnaa in uusan diyaar u ahayn in cabir loo sameeyo” Wasiirka Batrolka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in heshiiskan aan la horgeyn doonin baarlamaanka, isaga oo ku dooday inuu yahay mid u dhexeeyo kaliya wasaaradda iyo shirkadda Qatar ee la saxiixay ceelka shidalka ee Hol-Hol “Waxaan kale oo aan rabaa inaan sheego heshiisyada aan galnay looma baahna baarlamaanka in la marsiiyo oo ma’aha heshiisyo caalami ah, waa heshiisyo shirkad iyo wasaaradda ka dhexeeya” ayuu sii raaciyay. Soomaaliya ayaa dhowaan qorsheyneysa inay bilowdo shidaal qodista, waxaana tallaabadii ugu horreysay arritaan u qaaday dowladda Turkiga iyo marab baaris ah usoo dirtay Soomaaliya. The post Xog cusub oo ku saabsan qodista ceelka shidaalka Hol-Hol ee laga helay gobolka… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ganaaxay xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, kuwaasi oo haatan si weyn ugu loolamaya doorasooyinka Somaliland. Guddiga anshaxa iyo kormeerka doorashooyinka Somaliland ayaa labada xisbi ku xukumay ganaax lacageed, kadib markii uu sheegay inay jabiyeen xeerka anshaxa iyo hab-dhaqanka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda Somaliland. Labada xisbi ayaa waxaa midkiiba la dul dhigay ganaax lacageed dhan 10 milyan oo lacagta Somaliland ah, iyada oo guddiga uu ku hanjabay in hadii labada xisbi ay u hogaansami waayan xeerarka doorashooyiinka iyo xilliyada loo asteeyay ololaha in laga joojin doono maalmaha ay xaqa u leeyihiin. “Waxaanu ku ganaaxnay labada xisbi ee kala ah Waddani iyo Kulmiye min 10 milyan oo shilinka Somaliland ah, sidoo kale waxaan ka joojinya socdaalada ollolaha u eg ee ay ku jiraan labada xisbi,” ayuu yiri Aadan Xuseen Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga anshaxa. Waxa uu intaas kusii daray ““Cidii aan u hoggaansamin awaamiirtan waxa ay weyn doontaa mid kamid ah maalmeheeda olole ee ay xaqa u leedahay.” Guddiga ayaa sidoo kale waxay maanta soo saareen go’aamo adag oo lagu mamnuucay ololaha iyo isu-soo-baxyada xisbiyada/ururrada ee ka horeeya maalinta loo cayimay in uu bilaabmo Ololaha rasmiga ah oo ku beegan Sabtida 19 October 2024. Sidoo kale waxa uu guddiga mamnuucay in ololaha doorashada loo adeegsado gaadiidka dowladda, iyada oo looga digay shaqaalaha iyo laamaha amniga inay ku lug yeeshaan ololaha doorashada. The post Kulmiye iyo Waddani oo la ganaaxay maanta + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Beesha Arab ee gobolka Saaxil oo ku biirtay xisbiga Waddani
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
463208641_914490823874645_6404673939693613384_n Qaran News -
Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin 31-ka December markaasi oo ku beegan xilliga ay dowladda Soomaaliya u qabatay in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Qaahira waxa ay sidoo kale tababareysaa oo ay taageeraysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab. Masar iyo Soomaaliya, oo xubno ka wada ah Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay magaalada Qaahira, ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah. Masar ayaa tan iyo markaas u soo dirtay Muqdisho hub, la-taliyayaal ciidan, tababarayaal iyo kumaandooska la-dagaalanka argagixisada. Kumanaan ka tirsan ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan howlgalka milatari dhammaadka sanadka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay Soomaaliya ka joogaan ilaa 22,000 oo askari. Ciidamada Itoobiyaanka waxay dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya dhamaadka sanadkan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay. Qaar ka mid ah ciidamada Soomaalida oo ay taageerayaan la-taliyayaal Masaari ah, ayaa ilo-wareedyadu sheegeen, in mar hore loo diray marinnada saadka ciidamada Itoobiya, si ay uga hortagaan, haddii loo baahdo, isku day kasta oo Addis Ababa ay ku doonayso inay ciidamo dheeraad ah ugu soo dirto dalka ka hor inta aan la gaarin wakhtiga kama dambaysta ah ee bixitaanka. Ilo wareedyada ayaa shaaciyey in Itoobiya ay kordhisay ciidamadeeda Soomaaliya oo ay ku dartay 7,000, kana dhigtay 22,000 oo askari maalmo kadib markii ay Masar billowday inay hub iyo ciidan u dirto Soomaaliya. Waxay sidoo kale si dadban u dhaleeceysay doorka milateri ee Masar ay ku leedahay Soomaaliya. Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, oo xilligaas ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in hubka “xoogagga dibadda ay uga sii dari doonto ammaanka jilicsan [Soomaaliya] oo uu ku danbeyn doono gacanta argagixisada”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Itoobiya, isaga oo ula jeeday Al-Shabab. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka jawaabaya hadalkaas ayaa yiri: “Sababta Itoobiya ku qasabtay hadalladan sumcad-xumada ah waa isku day ay ku doonayso in ay ku qariso hubka sharci darrada ah ee laga soo geliyo xudduudaha Soomaaliya, kaas oo gacanta u gala shacabka iyo argagixisada.” Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile. Ficilada Qaahira ee Soomaaliya iyo xiriirka sii kordhaya ee Eritrea ayaa xoojinaya go’aanka sii kordhaya ee Masar ay ku cadaadineyso Itoobiya inay heshiis ka gasho biya xireenka. Soomaaliya iyo Eretria labaduba waxay ku teedsan yihiin konfurta badda cas waxayna Itoobiya ka kala xigaan oo ay deris ka yihiin koonfurta iyo woqooyi siday u kala horreeyaan. Toddobaadki hore, madaxweynaha Masar Cabdifataax El Sisi iyo hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku kulmay magaalada Asmara halkaas oo uu ka dhacay shir madaxeed si weyn loo hadal hayay. El Sisi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea ayaa sheegay in dalkiisu “uu taageero nooc kasta ah u fidin doono dowladda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya si ay u soo celiso ammaankeeda” “Waxaan ka wada hadalnay talooyinka wax ku oolka ah si aan u bixinno caawimaaddan,” ayuu raaciyay. “Masar lama hari doonto wax dadaal ah ama talo ah si aan ugu u adeegno ujeedooyinka dadkeena iyo rabitaanka ummadaheena Geeska Afrika.” The post Xog: Masar oo billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay in ay ka qeyb-qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Kulankan oo uu ka qayb galay Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) ayeey culimadu kusoo bandhigeen talooyin ku aaddan ilaalinta ammaanka dalka, dowlad dhiska iyo la dagaallanka aragtiyada gurracan ee kooxaha Argagixisada ah. Taliyaha ciidanka booliska oo dhowaan xilkaas loo magacaabay ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo masuuliyiinta laamaha nabad-gelyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Source: goobjoog.com
-
Munaasabadda Daah furka Qoraalka qorshaha Isbadalka Qaranka ayaa ka socota Magaalada Muqdisho waxaana goob joog ah munaasabadda Madaxweynaha Qaranka oo isagu si rasmi ah u daah furaya Barnaamijkaan, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda DanQaran iyo ku xigeenkiisa. Golaha Wasiirada Xukuumadda, xildhibaanno, masuuliyiin ka socota Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay ayaa sidoo kale ka qeyb galaya Munaasabadda. Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee Qaranka ayaa kormeeray qeybaha Laababka ee loo qeybiyey Barnaamijka isagoo Warbixin ka dhageystay Masuuliyiinta hormuudka ka ah qeybahaas. Source: goobjoog.com
-
Wefdi ka socda dowladda Masar oo maalgashanaya dekedaha Soomaaliya ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho sida uu shaaciyay wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene. Wasiirka wasaaradda Dekedaha dalka Masar H.E. Kamel El Wazir iyo ganacsato u dhashay dalkaasi Masar oo maalgashanaya dekedaha Soomaaliya ayaa dhawaan imaanaya magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyay wasiir Beene-beene oo la hadlay wakaaladda SONNA. Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa tilmaamamay in ujeeddada safarka wefdigaasi ay tahay in ay dalka Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn islamarkaana maalgashiyo ku samaysan doona dekedaha dalka. Xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kacay sabab la xiriira khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya kaasi oo ka dhashay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo la sheegay in ay maalgashanayso dekedaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.