Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beijing (Caasimada Online) – Shiinaha oo kamid ah waddamada waa weyn ee dunida, isla-markaana haatan loollan adag kula jira Mareykanka ayaa mar kamid ahaa waddamada taageerada ugu badan siiya Soomaaliya, sidoo kalena la lahaa xiriir ku dhisan wax wada qabsi, kaas oo soo billowday 1960-meeyadii, wuxuuna xilligaas dalka ka fuliyay mashaariic waa wayn. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay isbeddalka haatan ku yimid xiriirka labada dal iyo daneyn la’aanta Shiinaha ee Soomaaliya, xilli haatan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan yahay magaalada Beijing. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Shiinaha ay mar xarun muhiim u ahayd magaalada Muqdisho, isla markaana uu ku lahaa xarunta ugu wayn ee Afrika, sidoo kalena uu dalka ka fulin jiray mashaariic waa wayn oo uu dhaqaale fara badan ku baxayay. Siyaasigan ayaa tilmaamay in hadda dhammaan ay masha ka baxeen waxyaalahaasi, wuxuuna su’aal ka keenay halka uu gaabiska ka jiro Soomaaliya ama dhinaca Shiinaha. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- Dalka Shiinaha lixdameeyadii oo uu Soomaaliya kula beratamayey Midowgii Soofiyeedka wuxuu dalkeena u soo magacowday Zhang Yueh oo ka mid ahaa khubarada dunida Carabta iyo Afrika. Safaaradooda Muqdisho waxay ahayd xarunta ugu wayn ee Afrika, waxaana xiligaa ka shaqaynayey 230 qof oo isugu jira diblomaasiyiin iyo shaqaale. Inkasta uu dhaqaalaha Shiinuhu gaarsiisnayn sida uu maanta yahay, haddana Soomaaliya wuxuu siin jiray kaalmada horumarin ee Afrika ugu badan. Maanta oo uu Shiinaha loollan kula jira Ameerika sidii uma muuqdo oo waa kaa labaatan iyo dhowr milyan ka hadlaya. Haddaba su’aashu waxay tahay, danayn la’aantu ma xaggeenaa mise waa xagooda? The post Daneyn la’aanta Shiinaha ee Soomaaliya ma xaggooda mise waa xaggeenna? appeared first on Caasimada Online.
  2. Qoraalkani halkani hoose yaala waxa faafiyay Jiif Caaqil Rashiid Jaanbiir ee ka mid ah hogaamiyayaasha beelha West Burco Clan kuwa ugu awooda badan xaga dhaqanka iyo taladaba, waxana uu yidhi. “Aniga oo ku hadlaya afka guddida guud ee beelaha West Burco Clan, waxaanu dhiig, dhimasho iyo difaac la garab taaganahay Beelaha East Burco Clan” Jiif Caaqil Rashiid Jambiir. ……… …….. …… “I am speaking on behalf of the general committee of West Burco Clan tribes, we are with the blood, death and defense of East Burco Clan tribes” Jiif Caaqil Rashiid Jambiir Qaran News
  3. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Kaafi Cabdi oo horay dil uga gaystay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi. Maxamed Kaafi ayaa ugu dambeyn maanta laga oofiyay qisaasta Marxuum Duraan Jaamac Maxamed oo uu horay u dilay. Sidoo kale waxaa fagaaraha lagu toogtay goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, maamulka degmada iyo qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq. Horay Maxamed Kaafi oo kasoo muuqday maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa qirtay inuu dilka gaystay, waxaana lagu xukumay toogasho oo maanta lagu fuliyay. “Dilkaa la’igu soo eedeeyay waan gaystay, weliba si kas ah ayaan u gaystay, kolley wuxuu u dhintay ayuu iga qabay” ayuu horay u yiri Maxamed Kaafi. Sidoo kale wuxuu horay u dalbaday in laga oofiyo qisaasta marxuumka, maadaama uu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu si kas ah u dilay “Codsi ahaan waxaan soo jeedinayaa in la’iiga oofiyo xaq i saaran oo la’igu xukumo dil toogasho ah” ayuu mar akle yiri Maxamed Kaafi. Caabudwaaq ayaa horay sidaan oo kale toogasho loogu fuliyay eedeysanayaal kala duwan oo dilal ka gaystay magaaladaasi, waxaana soo dhaweeyay bulshada deegaanka. The post Maxamed Kaafi oo maanta lagu fuliyay dilkii uu codsaday appeared first on Caasimada Online.
  4. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa Maanta booqasho ku tagay kuliyadda lagu barto wadidda gaadiidka hawadda, gaar ahaan Diyaaradaha noocyadooda kale ee loo yaqaani (Linx Aviation Pilot School in Serbia) xarunteed weyn Belgrade. Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed ayaa la kulamay Milkiilaha Linx Aviation School ATO, ahna Madaxa Akadeemiyada, Captain Mladen Petković. Danjiraha iyo Madaxa Linx ATO. Labada dhinac ayaa isla meel dhigay heshiis ku saabsan in si dhow uga wada shaqeeyaan iskaashiga iyo tababaridda Duuliyeyaal Soomaaliyeed iyo in fursad la siiyo dhallinyaradda Soomaaliyeed, si ay u helaan mustaqbal ifaya, ugana faa’iideystaan fursadaha waxbarasho ee dhanka duuliyenimadda iyo Gaadiidka hawadda. “Waxaa xaqiiq ah in dhallinyaradda Soomaaliyeed ay mudan yihiin in loo raadinayso fursdo ay mar walba ku heli karaan aqoon iyo cilmi si ay u gaaraan hiigsiga fog ee mustaqbalkoodda ‘’ ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia Danjire Mohamed Abdullahi Ahmed. Source: goobjoog.com
  5. Garsoorka wuxuu bixiyaa mid kamida adeegyada ugu muhiimsan ee udub-dhaxaadka u ah nolosha dadweynaha iyo xasilloonida dalka, waxaana si maalinle ah adeeg garsoorid ah ugu doonta boqolaal qof oo qaba dacwado madani iyo ciqaab adagba isugu jira. Fulinta adeegga garsoorka ayaa waxaa u xilsaaran maxkamadaha oo u kala baxa kuwo rayid ah iyo militari oo loo yaqaanno ( maxkamadaha ciidamada qababka sida), kuwaas oo leh derojooyin kala sarreeya. Dacwadaha ay maxkamadaha rayidka ahi qaadaan ayaa isugu jira laba nooc oo kala dacwad madani ah, taas oo ah dooda iyo khilaafaadka ku saabsan lahaanshaha hantida sida dhulalka, gaadiidka, xuquuqda hal-abuurka ( Copyright), arrimaha bulshada sida dhaxalka, guurka iyo wixii lamid ah. Qeybta labaad ee kiisaska maxkamadaha ayaa ayaguna ah dacwadaha ku saabsan dambiyada sida dilalka , dhaca hantida, musuqmaasuqa, xadgudubyada dhinaca jinsiga ah iyo wixii lamid ah, waxayna Leeyihiin heerar kala duwan oo ku xiran sida ay dembiyada ama dacwaduhu u kala culusyihiin. Tusaale haddii laysku haysto dacwad madani ah oo uu ka dhalan karo ganaax ka yar $ 3000 , ama faldembiyeed Cinqaabtiisu ay ka hoosayso 3 sano oo xarig ah waxaa qaadista galdacwadeedkaas awood u leh maxkamad degmo, wixii intaas ka badanna waxaa ku shaqa leh maxkamad gobol, taas oo qaadaysa wixii ka yar 10 sano oo xarig ah ama ganaax ka badan$ 3000 Maxkamadda sare ee dalka ayaa ayaduna qaada dacwadaha ka baxsan awoodaha maxkamadaha gobolka iyo degmada ama racfaan ahaan loogu soo qaado, haddii ay oggolaadaan. Maxkamadaha ciidamada qalabka sida ayaa ayaguna intooda badan waxa ay qaadaan dacwadaha la xariira ciidamada iyo dembiyada ay geystaan kooxaha argagixisada iyo ururrada hubaysani . Lasa soco qeybta labaad ee xogta garsoorka dalka. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Mogadishu Clan oo mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Odayaasha ayaa shirkooda si gaar ah diiradda ugu saaray muranka ka dhashay xildhibaannadii taageerada u muujiyay Itoobiya oo dhalisay carro aad u xoogan. Ugu horreyn waxay ka biyo diideen raalli-gelin la siiyay xildhibaannada Koonfur Galbeed oo ay u tageen xildhibaanno kale oo kasoo jeeda Mogadishu Clan, kuwaas oo raalligelin siiyay, waxaase arrintaas haatan ka horymid oo xiisadda dab kusii shiday odayaasha Beelaha Mogadishu Clan. Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Beelaha Mogadishu Clan oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaannada bixiyay raalligelinta iyo kuwa taageeray Itoobiya ay isku mid yihiin, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa jiro xildhibaanno Beelaha Mogadishu Clan kamid ah oo siyaasadda ku metala ayaa raalli-gelin ugu tegay xildhibaannadii dareenka shacabka Soomaaliyeed geliyay ee Itoobiya ku taageeray baarlamaanka hortiisa, haddaba waxaa isla qaadanay in xildhibaanaddii tegay shalay iyo kuwii hore ay isku mid yihiin” ayuu yiri afhayeenka Beelaha Mogadishu Clan. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Wax lala yaabo oo ugub ah waxaa ah nin xildhibaan ah oo odayaashiisii raalli-gelin ka bixinaya oo xaal ka bixinaya, waa wax aan la arag oo la maqal”. Waxaa kale oo uu Nabadoonku ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, ayna difaacaan madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. “Waxaan rabaa marka ugu horreyso inaan caddeyno in Odayaasha Mogadishu Clan ee Soomaaliyeed aysan cidna colaad, xumaan iyo dagaal midna aysan u qabin, haddana u qabin waan u taaganahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ug baaqeynaa shacabka inay gacmaha is qabsadaan oo wadajirkooda ilaashadaan, dalkooda ayn difaacdaan” ayuu yiri afhayeenku. Dhankiisa Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlay kulanka ayaa yiri “Xildhibaano nooma ahan oo Mogadishu Clan iyo Habar gidir ma mtalaan kuwa ralli galinta u geeyey xildhibaanadii Ethiopia taageeray ku bishaareysta”. The post Odayaasha Mogadishu Clan oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan + Video appeared first on Caasimada Online.
  7. Xi Jinping, the President of the People’s Republic of China, at the Opening Ceremony of the Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation in Beijing. Mogadishu (Commentary) — The People’s Republic of China wields significant diplomatic and economic influence in Africa. Its 21st-century influence in Africa far surpasses the influence Beijing had on the continent during the 20th century. Globalisation is partly the main driver of China’s economic growth and influence. The recently concluded summit in Beijing, which brought together 46 African heads of state, turned out to be a public relations exercise and, as such, a political flop. It was an opportunity for China to present its version of a rules-based system for the Global South. Instead, it offered an economic development package — 50 billion dollars — to promote the developmental state model in Africa, an approach tested in Ethiopia that ultimately led to dictatorship and intra-state ethnic conflicts. The eight-point China-Africa Joint Statement fails to address the geopolitical tensions in Northeast Africa — the conflict in Sudan, and Ethiopia’s attempt to annex a Somali coastal district, violating the sovereignty of the Federal Republic of Somalia. The Red Sea is now the most geopolitically sensitive region in Africa. How can the vision of a greater role for Africa and China in global governance be achieved if China leaves to the West the task of addressing Africa’s geopolitical challenges? Reforming global governance becomes a self-sabotaging goal if it undermines core principles such as the sovereignty of nations. China owes its economic prosperity to its integration into the global trade system. It honours agreements and obligations under the United Nations Charter. Respect for a rules-based system should have been the starting point in any attempt to reform global governance. Respecting colonial borders, territorial integrity and political independence is a key principle that prevents conflicts and geopolitical instability in Africa. The China-Africa Cooperation Summit Forum failed to emphasise this important principle. © Puntland Post, 2024 The post Why China’s Strategy Missed the Mark on Geopolitical Tensions in Africa appeared first on Puntland Post.
  8. Isku day ku aaddan in magaalada Beijing ee dalka Shiinaha lagu kulansiiyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa fashil ku dhammaaday sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay weheliyaan madaxweynaha Mauritania, iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo ayaa la sheegay in ay ku guul-darraysteen isku daygaasi. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iska diiday soojeedinta ku aaddan in lala kulansiiyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, si ay uga wada-hadlaan xal u raadinta xiisadda labada dal. Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhalatay saxiixa is-afgaradkii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi ayaa ka sii dartay, kadib markii dowladda Soomaaliya heshiis iskaashi millitari la saxiixatay Masar, islamarkaana la sheegay in gudaha Soomaaliya la keenayo ciidamo Masaari ah oo qayb ka noqon doona hawlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo diiday in uu magaalada Beijing kula kulmo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan hakad-galay kulamadii Golaha Shacabka Soomaaliya, sababo la xiriira xiisadda hareysay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in uu baaqday kulankii maanta ee Golaha, iyada oo ilaa haatan aanay jirin faah-faahin kasoo baxday guddoonka sare ee baarlamaanka. Kulankan waxaa ka horreeyay fadhiyo kale oo baaqday todoobaadkii hore, waxayna dhammaan dib u dhacydaan muujinayaan inay istaagtay shaqadii baarlamaanka. Sababta ugu wayn waa muranka ka dhashay arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya. Xaaladda ayaa isku rogtay is qab-qabsi iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse waxaa arrinta soo farogeliyay guddoonka sare oo shaaciyay in xa laga gaaray kala aragti duwanaashihii xildhibaannada, kadib kulan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Marka laga tego baaqashada kulanka maanta ee baarlamaanka, haddane waxaa jira go’aan culus oo kasoo baxay guddoonka oo warbaahinta looga mamnuucay inay waraysiyo iyo shirar jaraa’id xildhibaannada uga duubaan gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa. Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu isla go’aankan uu saameynayaa xildhibaannada qudhooda oo farriimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta baarlamaanka, maadaama maanta kadib la mamnuucay. Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan. The post Shaqadii barlamaanka Soomaaliya oo istaagtay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  10. Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday falal nabad-gelyada lid ku ah oo ay wadaan dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo hab qabiil u abaabulan, islamarkaana hayb ahaan u beegsanaya shaqsiyaadka beelaha kale ka soo jeeda ee ay ku tuhmaan inay qof ay ayaga is xigaan dhaliilaan. Falalka noocaas ahi ay socdeen waxaa lagu jir-diley, islamarkaana muuqaallo foolxun looga duubay dhowr qof oo dhallinyaro ah, waxaana sii kordhayay walaaca nabad-gelyo ee ay qabaan dadka Nairobi ku nool, gaar ahaan kuwa baraha bulshada caanka ka ahi. Haddaba dowladda Kenya oo dhowr jeer loogu baaqay inay arrintan wax ka qabato ayaa qaaday tillaabo ay uga hortagayso Falalkan amniga lidka ku ah, waxayna mamnuucda calaamada qabiillada Soomaalida ee kulamada dadweynaha lagu muujiyo, ayadoo la filayo inay sidoo kale joojin doonto hadallada kicinta ah iyo muuqaallada dhiillada leh ee lagu baahinayo baraha bulshada dalkaas, gaar ahaan kuwa Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee falalka maalmihii la soo dhaafay ka socday Nairobi ayaa abuuray qalqal nabad-gelyo iyo kala qeybsanaan bulsho, taas oo ay horseedeen is beegsiga beelaysan iyo dhacdooyinka foosha xun ee halkaas ka socday. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  11. Beijing (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has declined a proposal to meet with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on the sidelines of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) summit in Beijing, according to diplomatic sources. Source: Hiiraan Online
  12. Dowladda Kenya ayaa sheegtay, in ugu yaraan 18 arday ay ku dhinteen 27 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki uu dab qabsaday guri ay daganaayeen ardaydani oo ku dhex yaalla dugsiga hoose ee Hillside Endarasha ee gobolka Nyeri ee dalka Kenya. Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa sheegay in kaliyah 86 arday oo ka mid ah guud ahaan 150 arday oo iskuulka dhex daganeyd la tiriyay, sidaasi daraadeedna laga cabsi qabo in khasaaraha uu intaasi ka bato. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in Kenya la geliyay saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, si loo sharfo carruurta ku go’day masiibada dabka ee Kenya. Weli lama oga waxa sababay dabka oo billowday habeenki uu Jimcaha soo galay, balse booliska ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan cidda sababtay iyo sida ay wax u dhaceen. Afhayeenka booliska deegaanka Nyeri Resila Onyango ayaa sheegay in iskuulka ay wax ka dhigtaan carruur kan ugu weyn uu jiro 14 sano. PUNTLAND POST The post Kenya: Ugu yaraan 18 arday oo ku dhintay dab qabsaday dugsiga hoose ee Hillside Endarasha appeared first on Puntland Post.
  13. Beijing (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Kenyan President William Ruto on Thursday during the sidelines of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) summit in Beijing, focusing on shared challenges and regional cooperation. Source: Hiiraan Online
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa haatan wajahaya xaalad adag oo ku aadan loolanka doorashada kusoo foodka leh, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkiisa. Dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ayaa si weyn uga socda Galmudug, waxaana sidoo kale bilowday olole ay wadaan xubnaha musharixiinta ee kasoo horjeedo, kuwaas oo doonaya inay meesha ka saaraan Qoor Qoor, isla markaana uu isbeddal wayn ka dhaco Galmudug. Arrimaha culeyska kusii badanaya madaxweyne Axmed ayaa waxaa kamid ah in deegaanada qaar ay musharixiinta ka bilaabeen ololahooda, isla markaana si weyn looga taageeray, waxaana kamid ah degmada Xarardheere, inkastoo Qoor Qoor uu tallaabo qaaday, kadibna xilkii uu ka xayuubiyay guddoomiyihii maamulka degmadaas Maxamed Yuusuf Kulmiye oo taageero u muujiyay musharraxa Liibaax Shuluq. Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin saameyn leh oo 5 tii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayay Axmed Qoor Qoor, kuwaas oo hadda banneeyay garabkiisa, xilli uu wajahayo xaalad adag. Siyaasiyiintaas waxaa kamid ah Cumar Shiddo wasiiru dowlihii madaxtooyada Galmudug oo dhowaan is casilay, sababo la xiriira loolanka loogu jiro doorashada ee haatan socda. Waxaa sidoo kale haatan is casilay Axmd Shire Falagle oo la-taliye u ahaa madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena horay usoo noqday wasiirka warfaafinta Galmudug. Falagle oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in sababo isaga u gaar ah uu isku casilay, laakin waxaa la rumeysan in go’aankiisa uu la xiriira arrinta doorashada Galmudug. Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran: Anigoo ah La-taliyeyaha Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) magacaygu yahay Lataliye Axmed Shire Maxamed (Falagle) maanta oo ah Jimco bisha Septembarna Tahay 06/9/2024 waxaa Iska casilay shaqadii Lataliye Madaxweyne ee Galmudug. Waxaa aad iyo aad ugu mahadcelinaa wada shaqayntii 5ta sano Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqor) oo marna Wasiirka Warfaafinta ii igmaday marna Lataliyenimo. Ma jiro khilaaf iyo dhaliil Madaxweynaha iyo Aniga noo dhaxaysa Waa Saaxiibkay Shaqooyin Wax Ku Oola Wada Qabanay Inaa xilka Katago Waa Arimo aniga Ii Gaara. Galmudug waxaan Urajeynayaa Midnimo ,Horumar,Nabad MADAXDII iyo Asxaabtii Aan Wada Shaqaynay ,iyo Shacabka Galmudug Waa Iga Cafis Cidwalba Oo Wax aan katirsanayey Waxaana Cafis Ka Codsanaaya Inay I Cafiyaan intii wax iga tirsanayeay” The post Qoor-Qoor oo xaalad adag wajahaya iyo siyaasigii labaad oo garabkiisa baneeyay appeared first on Caasimada Online.
  15. 458775071_1716308052107046_258968486761130898_n Qaran News
  16. Turkey's spy chief visited Libya as backers of the Tripoli government search for a way out of a political impasse that has shut down Libya's oil exports and jeopardised four years of relative stability. Source: Hiiraan Online
  17. A fire ripped through the dormitory of a boarding school in central Kenya, killing 17 boys who were sleeping and injuring 14 others, police and government officials said. Source: Hiiraan Online
  18. Italy recovered from conceding inside 13 seconds to fight back and beat France 3-1 in their UEFA Nations League clash in Paris on Friday, with Federico Dimarco, Davide Frattesi and Giacomo Raspadori all on target. Source: Hiiraan Online
  19. Chinese President Xi Jinping and Somali President Hassan Sheikh Mohamud announced the elevation of China-Somalia relations to a strategic partnership on Friday. Mohamud is in Beijing for the 2024 Summit of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC). Source: Hiiraan Online
  20. Ciidamada maamulka Isra’il ayaa sii wada duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, iyada oo dhanka kalana ay rabshado khasaaro sababay wali ka socdaan Daanta Galbeed ee dhulka la heysto ee Falastin. Wakaaladda wararka maamulka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa sheegtay Saaka, in ugu yaraan 13 qof lagu dilay 15 kalana ku dhaawacmeen, duqeyn cirka ah oo ay xalay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen iskuul ay ku barakaceen dadka reer Gaza iyo dhismo kale oo ay dad rayid ah daganaayeen oo ku yaalla Gaza. Wakaaladda WAFA waxay kaloo sheegtay, in ugu yaraan 8 ka mid ah dadka lagu dilay duqeynta loo geystay iskuulka Xalima Sacdiya ee Xerada Jabaaliya, ay ahaayeen qaxooti. Bayaan kasoo baxay ciidamada Isra’il ayaa lagu sheegay, in duqeynta Iskuulka Jabaaliya ay aheyd mid loo fuliyay si sugan. Weerar kale oo ay ciidamada Isra’il ku duqeeyeen xerada qaxootiga Nuseeyraat ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 5 Falastiiniyiin ah. Dhinaca Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, ciidamada Isra’il ayaa la sheegay in ay dileen haweeneey Mareykan ah oo ka mid aheyd dadka u dhaq-dhaqaaqo xorriyadda Falastin. Source: goobjoog.com
  21. Booliska Jarmalka ayaa magaalada Munich ku toogtay nin u dhashay dalka Austria, ka dib markii ay rasaas isku weydaarsadeen meel ku dhow Qunsuliyadda Israa’iil ee magaalada Munich. Dhacdadan ayaa keentay in siyaasiyiinta dalkaasi ay caddeeyeen ahmiyadda ay leedahay in la ilaaliyo goobaha Israa’iil ee dalkaasi ku yaalla. Booliska ayaa sheegay in ninkan oo 18 jir ah uu rasaas ka soo tuuray qori kaarabiin duug ahaa, meel aan ka fogeyn qunsuliyadda Israa’iil ee ku taalla degmada Maxvorstadt ee magaalada Munich, ka hor inta aan lagu dilin rasaas ay isweydaarsadeen shan askari. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay sanadguurada weerarkii ay dabley Falastiiniyiin ah sanadkii 1972-ku qaadeen ciyaarihii Olympic-ga ee Munich oo ay ku dileen 11 ciyaartoy oo Israa’iiliyiin ah. PUNTLAND POST The post Nin hubaysan oo weeraray Qunsuliyadda Israa’iil ee magaalada Munich appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay go’aan culus oo saameynaya warbaahinta madaxa bannaan, gaar ahaan wariyeyaasha tega xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Go’aankan ayaa waxaa lagu sheegay in maanta kadib lagu mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa iyo in xittaa wareysiyo lagu qaado hakaasi. Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira Baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu isla go’aankan uu saameynayaa xildhibaannada qudhooda oo farriimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta Baarlamaanka, maadaama maanta kadib la mamnuucay. Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka. Lama oga sababTa rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda xildhibaan ka hadlay xayiraadda lagu soo rogay wariyeyaasha tagta Xarunta Villa Hargaysa oo ay ku shiraan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu yahay go’aan culus oo saameyntiisa leh. Si kastaba, waxaa todobaadkii hore istaagay kulamadii Baarlamaanka, sababo la xiriira kala arati duwanaashaha xildhibaannada, inkastoo haatan xal laga gaaray. The post Guddoonka BF oo soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah WARBAAHINTA appeared first on Caasimada Online.
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha sare ee dalka Kenya ayaa sheegay, in ugu yaraan 18 arday ay ku dhinteen 27 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki uu dab qabsaday guri ay daganaayeen ardaydani oo ku dhex yaallo dugsiga hoose ee Hillside Endarasha ee gobolka Nyeri ee dalka Kenya. Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa Jimcihi sheegay in kaliyah 86 arday oo ka mid ah guud ahaan 150 arday oo iskuulka dhex daganeyd la tiriyay, sidaasi daraadeedna laga cabsi qabo in khasaaraha uu intani ka bato. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in Kenya la geliyay saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, si loo sharfo carruurta ku go’day masiibada dabka ee Kenya. Wali lama oga waxa sababay dabka oo billowday habeenki uu Jimcaha soo galay, balse booliska ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan cidda sababtay iyo sida ay wax u dhaceen. Afhayeenka booliska deegaanka Nyeri Resila Onyango ayaa sheegay in iskuulka ay wax ka dhigtaan carruur kan ugu weyn uu jiro 14 sano. The post Arday badan oo ku dhintay dab ka kacay KENYA appeared first on Caasimada Online.