Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dadweynaha reer Somaliland waxay ku jireen dabbaal-deg soo bilaabmay maalintii Axadda ee ay taariikhdu ahayd 14 June 2020, taasoo keentay in soo dhawayn ballaadhan loo sameeyo weftiga Madaxweyne Muuse Biixi ee wada-xaajoodka kaga qaybgalay dalka Jabuuti, kuna soo laabtay Caasimadda Hargeysa Khamiista maanta (18 June 2020). Dabbaal-degga ay dadka reer Somaliland sameeyeen iyo farxadda ay dareemayaan waxa ay ka dhasheen guul bilaw ah oo Madaxweynaha Somaliland iyo Guddida farsamo kala soo guryo-noqdeen magaalada Jabuuti. Qaabka uu shirkaasi u qabsoomay, hannaankii loo qabanqaabiyey iyo natiijooyinka ka soo baxayba waxay si dadban iyo si toos ahba guul weyn ugu noqdeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasna waxa laga dheehan karaa dareenka fal-celinta ah ee ay ka bixinayaan siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo dadweynaha reer Soomaaliya oo weftiga Farmaajo iyo Guddidiisa farsamo ku dhaliilay in aannu wax qorshe ah la tegin shirka Jabuuti, halka dhinaca kale ay dadweynaha Somaliland mucaarid iyo muxaafidba la dhacsan yihiin qaabka ay weftiga Somaliland ugu gar-naqsadeen shirka Jabuuti ee ay joogeen Beesha Caalamku. Haddaba, waa muhiim, waana tallaabo fiican in reer Somaliland ay farxad iyo rayn-rayn ku soo dhaweeyaan weftiga Madaxweyne Muuse Biixi iyo natiijada shirkaas ka soo baxdayba, balse waxa ugu muhiimsan sidii looga feejignaan lahaa in guusha aynu ku jirno iyo dabbaal-degga aynu samaynay ay innagu keenaan in aynu is dhiganno, hurdo dheerna iska galno, sababtoo ah sheekadu hadda waa bilaw, shirkuna wuu furmay ee weli muu dhammaan, waxaana dowladda iyo dadweynaha Somaliland u taal oo sugaysa shaqo iyo hawl ka culus, kana miisaan weyn inta yar ee aynu u dabbaal-degayno, shaqadaas oo ah mid mustaqbalka dheer ah iyo mid mustaqbalka dhaw ah, waxaana ugu horeeya sida la isugu diyaarinayo shirarka ay mar kale Jabuuti isugu noqon doonaan Guddi-hoosaadyada farsamo ee loo saaray inay dib iskula eegaan qodobbada khuseeya kaalmada iyo deeqaha laga helo dalalka caalamka, maamulka hawada iyo arrimaha la xidhiidha ammaanka, iyadoo ay Guddiyadaasi laba toddobaad ka dib ay isku arki doonaan Jabuuti Insha allaah, waxaana waajib ah in si culus oo miisaankeedu weyn yahay la isugu diyaariyo shirarkaas soo socda. Madaxweyne Muuse Biixi waxa laga doonayaa inuu guddiyadaas u xulo si heer qaran ah, lagana qaybgeliyo haddii ay suurtogal tahay dad aqoonyahanno ah oo ku jira xisbiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID, sidoo kalena laga soo dhex xusho bulshada rayidka ah, iyadoo dadkaas lagu soo xulayo aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin arrimaha la isla qaatay ee Guddiyada loo saaray, taasina waxay inoo suurtogelin kartaa in aynu mar walba ama shirkasta oo aynu la galno Soomaaliya ka soo hoyno guulo ka waaweyn, kana qiimo badan guusha bilawga ah ee aynu ka helnay shirka Jabuuti. Reer Somaliland waxa ku waajib ah inay mar walba u diyaarsanaadaan gar-naqsi kasta oo aynu la gelayno Soomaaliya, kana fogaano in aynu is dhigano, kuna qannacsanaano guusha yar ee Jabuuti ka soo baxday. Guusha rasmiga ah ee loo socdaa waa in la helo aqoonsi caalami ah iyo in Soomaaliya iyo Caalamkuba aqbalaan xaqiiqda ah in dalka Jamhuuriyadda Somaliland yahay waddan xor ah oo jira, ictiraafna haysta, Ilaahayna sida khayrka leh ha ina waafajiyo. Source
  2. Waa iska caadi in Dowlada Qatar ay kaarka badalato mar alaale markii Doorashada Soomaaliya ay soo dhowdahay. Bishii hore ayay ahayd markii Wasiirka Arimaha Dibada [...] The post Qatar oo Villa Soomaaliya dhabarka u jeedisay appeared first on . Source
  3. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci cunaqabateyn kusoo rogaya Shiinaha sababo la xiriira cadaadiska ay ku hayaan muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaas ee loo yaqaan Uighurs. Sharciga oo uu soo meel-mariyey congress-ka, ayada oo kaliya hal qof uu diiday, ayaa looga gol leeyahay in Shiinaha loogu diro fariin xooggan oo la xiriirta xuquuqda aadanaha, ayada oo la beegsanayo kuwa mas’uulka ka ah xadgudubka lagu hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay. QM ayaa qiyaasta in inka badan hal milyan oo muslimiin ah ay ku xabisan yihiin xirooyin ku yaalla gobolka Xinjiang. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa saraakiisha Shiinaha ku eedeysay inay Muslimiinta u gaystaan jirdil, xadgudub, ayna isku dayaan “inay gebi ahaan tirtiraan dhaqankooda iyo diintooda.” Shiinaha ayaa beeniyey inay si xun ula dhaqmaan Muslimiinta Uighurs waxayna sheegeen in xerooyin ay yihiin xarumo lagu bixiyo tababaro looga dan leeyahay in lagula dagaalo xagjirinimada. Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu ka aargudan doono cunaqabteynta cusub ee Mareykanka kusoo rogyay. “Waxaan ku boorineynaa Mareykanka inay deg deg u saxaan qaladkooda, ayna joojiyaan inay sharcigan la xiriira Xinjiang u adeegsadaan inay ku dhaawacaan danaha Shiinaha, kuna faro-geliyaan arrimaha gudaha Shiinaha,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha. “Haddii kale China waxay qaadi doontaa tallaabooyin jawaab ah, waxaana cawaaqibka ka dhasha xambaari doona Mareykanka,” ayuu bayaanka intaas ku daray, ayada oo aan la bixin faahfaahin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Jabuuti (Caasimadda Online) – Shirkii wada-hadalada ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Jabuuti ayaa xalay labada dhinac waxay gaareen heshiis cusub, oo hore. Arrimaha la isla ogolaaday ee la saxiixay ma aha qaar cusub, oo waa qodobbo horay loogu heshiiyey 2012-kii iyo 2014-kii, waxaana markaad isku eegto heshiisyadii hore iyo kan cusub kusoo baxaya in wax socdaa ay yihiin cayaar soo noq-noqota. Qodobada cusub oo ay Xalay kala saxiixdeen Guddiyada labada dhinac waxay u qorneyd sidaan: 1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan 2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac. 3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti. 4 – Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti. 5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada. Waxaa muuqato inuusan jirin farqi weyn oo u dhaxeeyo heshiiskii ay horey u kala saxiixdeen Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo. Qodobada ay Xasan Shiikh iyo Axmed Siilaanyo horey u kala saxiixdeen ayaa waxay kala ahaayeen: 1 – In la dardar geliyo wadahadalada labada dhinac isla markaasna wakhtiga lagu jaangoonayo. 2 – Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyey oo ah: a) – In laga dhowrsado wixii wadahadalada carqad gelin kara. b) – In aan la sidaasadeyn deeqaha aadminimadda iyo mashaariic dib u dhiska welibana la dhiirageliyo. c) – In la fuliyo heshiiskii hawada iyada oo farsamo lagu saleynayo wixii lagu heshiiyey. 3 -Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Jabuuti laga qeyb geliyo wada-hadallada marka lo baahdo. 4 – Labada dhinac waxay ku heshiiyeen ilaalinta xuquuqul insaanka, Iskaashiga nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada, burcad-badeeda iyo dambiyada abaabulan (Organized Crime). 5 – In Madasha tan ku xigto ee ay kulmayaan ergooyinka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay noqoto 26-27 February ee 2015, laguna qabto Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. 6 – Waxay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland ay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti, Mudane ismaaciil Cumar Geelle, oo marti geliyey wadahadalkaan kadib markii ay labada dhinac sidaas ka codsadeyn. Maxaa macno ah oo ku jira in sanado dhowr ah kadiba la kulmo, oo la saxiixo qodobo aan macno badan lahayn, haddana kaaga daran’e aan ayagiiba la fulin, oo mar kale haddana lagu celiyo?
  5. Wafdigan uu hogaaminayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed oo qeyb ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo mudanayaal ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil, madax dhaqameed iyo ganacsato ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa xusay inay Hobyo u tageen casuumad uu u fidiyay Madaxweynaha Galmudug, lagana wadatashanayo arrimaha horumarinta deegaanka, si loo dhiso gole deegaan. Madaxwaynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalintii 2-aad Hobyo ku sugan ayaa qaabilay wafdigan, waxaana haatan Hobyo ka socda kulamo looga hadlayo dhismaha golaha deegaanka Degmada iyo sidii lo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiranyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaa Qoraa weyn oo Soomaaliyeed. Marxuum Maxamed oo ahaa aqoonyahan ayaa kaalin weyn ku lahaa keydinta taarikhda Ummadda Soomaaliyeed, Guddomiyaha ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan alle ka siiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee ka qayb-galay wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee dalka Jabuuti ka qabsoomay, ayaa maanta kusoo laabtay caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo isagu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimada. Kumannaan ka tirsan qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ay hormuud u yihiin madaxda hay’adaha Somaliland, kuna lebbisan calanka Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kaga hortegay xayndaabka madaarka Cigaal International Airport, waxana ay usoo gelbiyeen dhinaca qasriga madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay dadweynahaasi, isagoona ka xog-warramay shirkii ay wafdigu ka qayb-galeen iyo sidii wada-jir loogu taabbo-gelin lahaa qarannimada ay ku doodo Somaliland. Muuse Biixi ayaa sheegay in shirkii Jabuuti uu ka duwanaa kuwii hore, maadama la helay fagaare caalami ah oo ay kusoo bandhigaan qadiyada gooni goosadka ah ee Somaliland, isla markaana ay beesha caalamka u tabiyaan tabashadooda, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in beesha caalamka uu u sheegay Farriin cad oo aqoon iyo garnaqsi uu ka muuqdo, isaga oo ka codsadayna inaanay marnaba aqbali doonin caddaalad-darrada iyo garsoor la’aanta uu caalamku Somaliland kala hor yimid. Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland, madaxdeeda, wax-garadkeeda, aqoonyahankeeda, madax-dhaqameedkeeda iyo siyaasiyiinteedaba ugu baaqay inay isku duubnaadaan, wax kasta oo qarannimadooda iyo hankooda ka dhan ahna meel uga soo wada jeestaan.
  8. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku soo laabtay magaalada Hargaysa, ka dib markii uu dalka Jabuuti kaga qeyb galay shirkii dhab u heshiinta Soomaaliya iyio Somaliland. Halkan Daawo Warbixin Ku Saabsan Sida Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargaysa https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-bixi.mp4 Source: goobjoog.com
  9. Wasiirka Maaliyada Itoobiya oo Booqasho aan la shaacin ku tegay Muqdisho+Ujeedada Safarkiisa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa shalay booqasho aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho, sida ay maanta ku warantay dowladda Itoobiya. Qoraal kasoo baxay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in wasiirka uu siday deeq daawo ah oo dowladda Itoobiya ugu tala gashay ka hortagga cudurka Coronavirus ee Soomaaliya. Axmed Shide ayaa sidoo kale intii uu joogay Muqdisho la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ku qaabilay madaxtooyada, waxaana la sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, hindisaha is dhex galka Geeska Afrika, isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo heshiiska wadajirka ah ee Iskaashiga Amniga labada dal. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooratay inaysan shaacin booqashadan, mana cadda sababta ay sidaas u dooratay, waxaana laga warhelay un markii uu qoraal ku saabsan barta twitter-ka soo dhigay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludin Mustafa. This was indeed a great moment for the two countries bilateral relationship. Fruitful discussions of many bilateral fronts and delivery of critically needed COVID-19 medics and materials is indeed a testament of the growing excellent relationship betewen the two countries. https://t.co/l2U8wWQUXV — Jamaludin Mustafa (@jamaludinmusta1) June 18, 2020 “Tani waxay daqiiqad muhiim ah u ahayd xiriirka labada dal, waxay wada-hadallo miro dhal ah ka yeesheen dhinacyada iskaashiga, iyo wareejinta agabka iyo dawooyinka aadka loogu baahan yahay ee COVID-19, waxay caddeyn u tahay xiriirka wnaaagsan ee sii kordhaya ee labada dal,” ayuu yiri safiir Jamaludin Mustafe. Madaxweynaha Soomaaliya, oo inta aan la dooran aad looga yaqiin nin isu muujiya inuu neceb yahay Itoobiyaanka, kuna sheegi jiray cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed, ayaa markii uu xilka qabtay Itoobiya ka dhigtay saaxiib, isaga oo ra’iisul wasaaraha dalkaas ugu yeera “walaalkey”. Share this: Qaran News
  10. Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayo Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaa Kismayao ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah golaha wasiiradda Jubbaland, iyada oo loo gelbiyay Gudaha Magaalada Kismaayo. intaasi ka dib ayaa wafdiga safiirka waxaa ay kulan la qaateen madaxweynaha dowlad goboleedka Jubland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada waxaana markii uu kulanka soo dhamaaday saxaafada la hadlay safiirka dowlada khadar u fadhiya Soomoaliya Xasan Xamza waxaana uu sheegay in si wadayaan taageerada dadka danyarta iyo adeegyada arrimaha bulshada. Madaxweyne Axmed Maxamed islaam ayaa uga mahadceliyay dowlada qatar mashaariic hormarineed ee ay ka wado Soomaaliya, waxaana mashaaricda maanta ay xariga jareen kamid tahay mashruuc loogu talagalay caruurta agoonta. Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad. Safiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo Magaalada Kismaayo u yimid furitaanka Mashaariic Dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Masuuliyiin sidoo kale kasocda Hay’ada gargaarka Dalka Qatar iyo xubno kale. Waxaa Madaxweynahu uu Safiirka uga mahad celiyay Adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyadoo la isku raacay in la dardar galiyo Mashruucyada dhiman ee mustaqbalka dhow waxaana ugu muhiimsan Adeegyada Caafimaadka Waxbarashada Beeraha iyo garoomada Diyaaradaha. Waxaa jira warar sheegaya ujeedka ugu wayn ee Safiirka uu u tagay Magaalada Kismaayo inay tahay arrimo la xiriira sidii Axmed Madoobe uga dhaadhicin lahaa inuu taageero dowladda Federalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan aqoonsatay Maamulka Jubbaland, sidoo kalena Madaxweynaha Jubbaland u ogolaatay laba sano KMG, balse arrintaasi waxaa ka soo horjeestay Maamulka Jubbaland oo sheegay Dastuurka Maamulkaasi inuusan sidaasi dhigeyn.
  12. Daawo:Caleemo Saarka Suldaanka Guud Ee Beealaha Salamadow Suldaan Xasan Mataan Ayaa Si Balaadhan Looga Dareemaya Magaalada Burco Source
  13. Commentary. The new round of Somalia-Somaliland Talks held in Djibouti last week show the remarkable progress made since 2012, when the former President of Somaliland Hon. Ahmed Mohamed Mohamud introduced the policy to talk to Mogadishu about outstanding political issues of which sovereignty of Somalia over Somaliland is the most salient. What makes the renewed Somalia-Somaliland Talks under the auspices of Djibouti Government more interesting is the political risk President Mohamed Abdullahi Mohamed and President Muse Bihi Abdi have taken to modify their respective positions. Somali Interior Minister Abdi M. Sabriye (left), Djibouti Foreign Minister Mohamud Ali Yusuf (middle) and Somaliland Foreign Minister Yasin Haji Mohamud (right) pose for the camera with “preliminary articles” signed last night in Djibouti In his speech President Bihi explained the rationale for seeking secession from Somalia thus: “Following the failure of the unity government, Republic of Somaliland exercised its inherent right to self-determination which are consistent with the preamble of UN 1948 Universal Declaration of Human Rights. Somaliland has long argued that Somali Republic was two united countries. The Failure of the unity government provided adequate ground for the restoration of the independence of Somaliland Republic.” This argument based on “government failure” reflects a desire on the part of Somaliland to refine its claim that once emphasised “unilateral secession” and “reassertion of independence”. Hargeysa sees parallels between the collapse of the state in Somalia and the break-up of Yugoslavia. President Bihi thanked the Somali Federal Government “for their sincere apology today for the horrors of yesteryear committed in Somaliland.” President Mohamed Abdullahi Mohamed has signalled that Mogadishu will adopt a new approach to Somalia-Somaliland Talks. The Federal Minister for Interior, Abdi Mohamed Sabriye, co-signed preliminary points on which the two technical committees from Mogadishu and Hargeysa agreed. The focus on a common stand on human development projects and humanitarian assistance leaves Somalis in disputed territories, who bear the brunt of underdevelopment and threat of territorial conflicts, in the lurch. Not only is Somaliland in territorial dispute with Puntland but it also questions the sovereignty claim of Mogadishu over disputed territories. Puntland State has issued a statement to the effect that it will not honour any agreement between Somaliland Government and Somali Federal Government. What is the point of talks without addressing the territorial dispute that render parts of Sool and Sanaag conflict-prone? There is no a military stand-off between Somaliland and the Federal Government of Somalia. The possible eruption of territorial conflict between Puntland and Somaliland necessitates inclusion of conflict resolution element in Somalia-Somaliland Talks. Due to absence of commitment to conflict resolution, notables in disputed territories have genuine concerns to express their dissatisfaction about Somalia-Somaliland Talks that relegate their plight to the level of a non-issue. This oversight raises questions about how serious Mogadishu and Hargeisa are about talks that leave crucial issues out in favour of goals from which political leaders can reap political capital in the short term. Somalia-Somaliland Talks will turn out to be talkingshop and a waste of time and resources if Mogadishu and Hargeisa put disputed territories on the backburner. Liban Ahmad libahm@icloud.com The post SOMALIA-SOMALILAND TALKS LEAVE DISPUTED TERRITORIES IN THE LURCH appeared first on Puntland Post.
  14. Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa saaka kulan kula qaatay magaalada Djibouti Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisulwasaaraha ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahad celiyay gogosha uu u fidiyay Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixiyay in wadahadallada ay guul ku soo dhamaadaan. Ra’iisulwasaare Khayre iyo madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda labada dal ee walaalaha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa shalay booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, sida ay maanta ku warantay dowladda Itoobiya. Qoraal kasoo baxay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in wasiirka uu siday deeq daawo ah oo dowladda Itoobiya ugu tala gashay ka hortagga cudurka Coronavirus ee Soomaaliya. Axmed Shide ayaa sidoo kale intii uu joogay Muqdisho la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ku qaabilay madaxtooyada, waxaana la sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, hindisaha is dhex galka Geeska Afrika, isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo heshiiska wadajirka ah ee Iskaashiga Amniga labada dal. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooratay inaysan shaacin booqashadan, mana cadda sababta ay sidaas u dooratay, waxaana laga warhelay un markii uu qoraal ku saabsan barta twitter-ka soo dhigay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludin Mustafa. “Tani waxay daqiiqad muhiim ah u ahayd xiriirka labada dal, waxay wada-hadallo miro dhal ah ka yeesheen dhinacyada iskaashiga, iyo wareejinta agabka iyo dawooyinka aadka loogu baahan yahay ee COVID-19, waxay caddeyn u tahay xiriirka wnaaagsan ee sii kordhaya ee labada dal,” ayuu yiri safiir Jamaludin Mustafe. Madaxweynaha Soomaaliya, oo inta aan la dooran aad looga yaqiin nin isu muujiya inuu neceb yahay Itoobiyaanka, kuna sheegi jiray cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed, ayaa markii uu xilka qabtay Itoobiya ka dhigtay saaxiib, isaga oo ra’iisul wasaaraha dalkaas ugu yeera “walaalkey”.
  16. At least four civilians were killed Thursday – including a mother and child – by a roadside bomb in Mogadishu, Somalia’s capital, according to a government official. Source: Hiiraan Online
  17. Dowlad goboleedka Puntland ayaa qaadacday ka qeybgalka shirkii dhowaan uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo in ay isugu yimaadan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, si ay uga wadahadlaan doorashada dalka ee 2021-ka. Wasiir warfaafinta maamulkasi Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-Cadde) ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shairkaas, balse ay taageersan yihiin baaqii aqalka sare ee ahaa in labada dhinac ay ka tashtaan doorashooyinka dalka ku soo wajahan . Lama oga sababta ka dambeysa in dowlad goboleedka Puntland ay ka hor timaado shirka sedex geesoodka ah ee uu ku baaqay madaxweynaha, iyadoo ay xusid mudan tahay in horay Puntland ay u qaadacday wadahadallada dalka Jibouti uga furmay Soomaaliya iyo Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayey ee ka qayb-galay wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi. boqollaal ka tirsan qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga hortegay xayndaabka madaarka Cigaal International Airport. Madaxweyne Biixi ayaa markii uu soo gaaray xarunta madaxtooyada Hargeysa wuxuu halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay wada-hadalladii labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhexmaray waddanka Jabuuti. Halkaan ka daawo Khudbadda oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo faahfaahiyay Wada-hadalkii dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  19. Anigoo soo dhaweynaya dib u bilowga wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo heshiiska isfaham ee lagu gaaray dalka Jabuuti, haddana waxaa wax laga xumaado ah in maanta wadahadadii ay wali marayaan halkii 5 sano hor ay marayeen, dowladda haatan joogto aysan waxba ku darin. pic.twitter.com/WiJHctSAPW — Abdikarim Hussein Guled (@AHGuled) June 18, 2020 Qaran News
  20. Muqdisho:General ka bad-baaday qarax loo dhigay Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka milateriga Somalia Jen. Maxamed Cali Bariise ayaa ka badbaaday qarax maanta ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, islamarkaana ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah oo halkaas marayey. Xilliga uu qaraxa dhacay ayaa waxaa goobta marayey gaadhiga uu la socday taliye ku-xigeenkii hore oo ahaa noocan xabadu karin. Sida ay Warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal, gaadhiga uu la socday Taliye kuxigeenka ayaa ka gudbay goobta miinada ku aasneyd, waxayna ku qaraxday Bajaaj ay saarnaayeen dad Shacab ah. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay hooyo iyo ilmo ay dhashay oo mootada saarnaa, halka 3 kale ay ku dhaawacantay. Ma jirto weli cid sheegatay qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho, Qaran News
  21. Afhayeenka Ciidanka Boliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal maalmihii ugu dambeyay ay Booliisku ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho. Dhame Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay howlgal ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen degmada Dharkenley in ay gacanta kusoo dhigeen xubno ka tirsan maleeyshiyada Alshabaab islamarkaana haatan su’aalo lagu weydiinayo Xarunta C.I.D. Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in 15-kii bishaan in xaafadda Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeyley lagu qabtay nin magaciisa ku sheegay Xasan Cabdullaahi Salaad oo ka tirsanaa Amniyaadka Alshabaab dillal-na ka geystay degmadaasi. Dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in Bishii hore la qabtay Shabakad ka tirsan Al-shabaab oo isku urursanayay EX: Koontarool Afgooye iyo Dharkenley kuwaas oo qorshaynaay qaraxyo ay fuliyaan. PUNTLAND POST The post Booliiska Soomaaliya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  22. Aqalka Cad oo isku dayaya inay horjoogasadaan Daabacaada Buug Laf-jab ku ah Trump Buug uu qoray lataliyihii hore ee ammaanka qaranka Madaxweyne Donald Trump , ayaa buuq badan ka abuuray aqalka Cad , waxaana socda dadaalo aqalka cad ku doonayo in uu uga hortago daabacaada buugaasi. Buuggan oo cinwaan looga dhigay “Qolka ay wax ka dhaceen” ayaa waxaa qoray John Bolton oo soo noqday lataliyihii amaanka Qaranka ee Madaxweyne Trump, waxa uuna buugan soo bandhigayaa xogo badan oo dadka ka qarsoon. Qoraha buugan ayaa soo bandhigaya xogo badan aysan jecleysan Aqalka cad in la baahiyo, waxaana xogahaasi kamid ah codsi Madaxweyne Trump u diray Madaxweynaha Shiinaha uuna ka codsanayay in uu taageero dib u doorashadiisa. Buugga waxaa ku qoran xog xasaasi ah oo aan bulshada loo soo bandhigin, waxaana xoghaaasi walaac badan ka abuureen Madaxweynaha Mareykanka iyo saaxiibada ku dhaw dhaw ee ku sugan Aqalka cad. Aqalka cad ayaa horey u sheegay in buugan lagu faafinayo siro culus ay qalad tahay in bulshada lala wadaago sidaa owgeedna muhiim tahay in buuga meesha laga saaro , hasa ahaatee waxaa dalabka Aqalka cad kasoo horjeestay John Bolton. Buuggan oo si weyn loo wada sugayo xogaha ku qoran ayaa lagu wadaa in la daabaco 23-ka bishan, waxaana aqalka cad wali ku dadaalayaa sidii daabacaadiisa loo joojin lahaa si uusan saameyn ugu yeelan dib u doorashada madaxweyne Trump. Qaran News
  23. Maxaa dhici kara wareegga labaad ee doorashada u dhaxeysa Kenya iyo Jabuuti? Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dalkiisa ku soo dhawaynaya Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Kenya ayaa ku guuldaraysatay inay hanato kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka kaasoo ay kula tartamaysay dalka Jabuuti, kadib markii ay heli weyday codadkii ay u baahneyd. Kenya ayaa waxa ay heshay 113 cod, halka Jabuutina ay heshay 78 cod, sidaas daraadeedna Kenya 15 cod ayey ku weyday kursiga, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in markale lagu celin doono doorashadaasi. Taasi oo ah in cidana aanay helin 128 cod oo ah aqlabiyad saddex meelood ah oo laba meel oo ah. Natiijadaasi waxa ay ka dhigan in Khamiista maanta ah markale ay labada dal tartami doonaan, waxaana hawl adag ay u taallaa diblomaasiyiinta labada dal sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen dalalka caalamka. Haddii Jabuuti iyo Kenya uu midkoodna heli waayo tirada aqlabiyadda ah ee ay u baahan yihiin, waxaa ay aadayaan wareeg saddexaad. Haddii ay isku mari waayaanna, waxaa dhici karta in tartanka loo furi dalal kale oo Afrikaan ah. Qaabka kale ee xalka loogu heli karo arinkan ayaa ah in labada dal ay ku heshiiyaan qeybsiga muddo xileedka kursiga oo dalkiiba uu sanad ku fadhiyo. Labada dalba, kii guulaysata ayaa kamid noqonaya 10-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee aan joogtada ahayn ee la shaqeeya shanta dal ee haysta awoodda qayaxan ama veto-da loo yaqaan, si go’aan ay uga gaaraan arimaha ku aaddan ammaanka caalamka. Codadka ay heshay Kenya ayaa qalbi-qaboojin u ah diblomaasiyiinta dalkaasi ee loo xilsaaray hawsha xasilinta kursigaasi. Jabuuti ayaa diidday go’aankii Midowga Afrika uu Kenya ugu xushay inay si tartan la’aan ah ku qaadato kursigaasi loo asteeyay qaaradda. Waxa ay sheegtay in Kenya aan lagu aamini karin kursigaasi muhiimka ah, maadaama uu khilaaf kala dhexeeyo Soomaaliya. Kenya ayaa dhankeeda ku doodeysa inay mudan tahay xubinnimada Golaha Ammaanka, ayna waxbadan ka tartay xasilloonida caalamka, gaar ahaan Bariga Afrika. Muxuu ku doodayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle? Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu sheegay in dadaalka uu ugu jiro dalkiisa kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu yahay mid ay usoo galeen olole adag. Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti “Tani waxay aheyd olole aad u adag, waxaan soo dhageysanay oo aan diyaarsanay waxyaabaha aad mudnaanta siineysaan ee danaha idiin ah ee aad ka walaacsan tihiin ee aragtiyaha aad ka qabtaan dunida dhibka badan , 27-ka bishan Juun waxaan u dabaal degi doonaa 43 sanno oo xornimo ah, waa 43 sanno oo ay Jabuuti ku caanbaxday nabad iyo dulqaad” Waxaa uu dhanka kale sheegay in Jabuuti ay kaalin weyn ka qaadatay dadaallada nabadda ee gobolka, wuxuu tusaale usoo qaatay shirka wadahadallada ee madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay isugu tageen Jabuuti kaas oo dhawaan ka dhacay Jabuuti. “Waxay si guul ah u dhexdhexaadisay dadaallo badan oo nabdeed oo ka jiray gobolka waxaana kamid ahaa dadaalkii nabadeed ee Soomaaliya horraantii 2000 oo aanu qabanay shirkii Carta kaas oo horseeday in Soomaaliya ay dib ugu soo laabato kursigeeda Qaramada Midoobay iyo saaxadda gobolka labo maalmood kaddib oo ay tahay 20 sanno kaddib shirkaas waxaan ku marti qaaday Jabuuti wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland kaas oo aan rajeynayo in uu sahli karo horumar macno leh iyo faa’idooyin la taaban karo” Muxuu ku doodayaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta? Dhanka kale, Madaxweyanaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay tartanka dalkiisa uu ugu jiro kursigan isla markaana waxaa uu farriin u diray xubnaha ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Uhuru Kenyatta Waxaa uu sheegay in “In Kenya oo loo codeeyo ay ka dhigan tahay in nabadda iyo midnimada adduunka loo codeeya” “waxaan idin sheegaya in Kenya oo loo codeeyo ay tahay mid xitaa horseedi doonto in la tixgeliyo dalalka yar” “Waxaan doonayaa in aan idiin la wadaago sheeko ku saabsan Kenya, waana sheekada ay Kenya aaminsan tahay iyo aaminaadda ina xoojineyso, waa midda rumeysan dimuqraadiyadda iyadoo la qaddarinayo nolosha aadanaha iyada oo loo sii marayo midnimada waa tan arrinta aan wax ku wada qabsaneyno” ayuu yiri Kenyatta. Muhiimadda uu leeyahay kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Kursigan ayaa markii hore waxaa loo qoondeeyay ilaa lix dal balse sannadkii 1965-tii ayaa laga dhigay ilaa 10-ka kursi ee aan joogtada aheyn ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobey. Kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa ah mid saameyn weyn leh maadama dalka ku guulesyta kursigan uu ka qeyb geli doono doodaha ku saabsan amniga. Dalka ku guuleysta kursigan wuxuu muddo labo sanno ah kamid ahaan doonaa 10-ka dal ee ka tirsan kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Jabuuti iyo Kenya waxay sannadihii lasoo dhaafay dadaal ugu dadaal ugu jireen sidii ay u hanan lahaayeen kursigan, waxay taageero ka kala raadsanayeen dalalka ay isku luqadda yihiin ee qaaradda, Kenya waxay taageero u raadsatay dalalka ku hadla luqadda afka Ingiriiska halka Jabuuti ay u habar wacatay dalalka Afrika ee ku hadla luqadaha afka faransiiska iyo Carabiga. Dalka ku guuleysta kursigan waa in uu helaa saddex ka meelood labo meel codadka ay dhiibteen dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey. Qaran News
  24. Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa waxaa ku baratamay Dalalka Kenya iyo Jabuuti. Kenya ayaa heshay codad gaaraya 113 halka wadanka [...] The post Kenya oo dhulka ku jiidey Jabuuti appeared first on . Source