Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caaismada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolkaas ahna ku-simaha guddoomiyaha Cismaan Nuur Xaaji Macalimu ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa madaxda maamulka Jubbaland. Guddoomiye Macalimu oo gacan saar la leh dowladda federaalka ayaa sheegay inay gobolka Gedo ka suuliyeen qof taageersan maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe, isla markaana ay qabashada Jubbaland uga harsan tahay oo kaliya inay soo xiraan seddax nin oo uu Axmed Madoobe ku jiro. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur oo la hadlay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in guddoomiyeyaashii ay dowladda dhexe u magacawday degmooyinka gobolka Gedo ay si caadi ah u howlgaleen, isla markaana aysan jirin cid ka hor timid markii laga reebo hal nin, kaas oo uu sheegay in aan la xirin, balse laga qaaday degmadii uu isku dhejinayey oo la geeyay magaalo kale. “Qof maanta Axmed Madoobe taageersan oo gobolka Gedo iska daaye Jubbaland ku noolaan kartaa marto, qabashada Jubbaland-na waxaa nooga harsan oo kaliya in lasoo qabto seddax nin oo kala ah, Axmed Madoobe, Xidig iyo Cabdirashiid Janan,” ayuu yiri Cismaan Nur Xaaji Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo. 16-kii bishii Abriil ayey aheyd markii ay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnahii isbedel doonka Jubbaland oo uu ku jiray Cabdirashiid Xidig ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Halkan ka dhageyso codka Cismaan Nuur Xaaji https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/maclimow.mp3
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-14052020-web.mp3 View the full article
  3. The wave of coronavirus pandemic has continued to spread across East African states with Somalia now taking the lead in confirmed cases of COVID-19 in the region. The latest update from the health ministry in Somalia indicates the country has so far recorded 1284 infections, overtaking Tanzania and Kenya which have 509 and 758 cases respectively. According to the updated released on Thursday, May 13, 65 new cases were recorded leading to the upsurge from 1219 to 1284. Fawziya Abikar, Health Minister of Somalia said a patient succumbed to the deadly virus in the latest cases, bringing the total number of fatalities to 53. She said five people recovered from the deadly virus, raising the total number of recoveries to 135. According to the minister, 41 of the latest cases are males while 24 are female patients. She said 13 of the cases were detected in Banadir, an administration area that covers the capital Mogadishu, 24 cases in Southwest region, 14 cases in Somaliland, 13 other cases in Puntland and a case in regional state of Jubaland. The majority of the cases, including the first fatality, have no travel history, signifying local transmission of COVID-19. She added. Despite the high number of infections in the country, the Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. Kenya which has the second highest infection rate in the region at 758 has so far recorded 284 recoveries and 42 deaths. Tanzania with 509 infections has recorded 183 recoveries and 21 fatalities while Uganda with a total of 139 infections has 55 survivors and zero fatalities.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in askar loo xiray isku dhacii degmada Hodan ku dhex maray ciidamo ka kala tirsanaa booliska militeriga Soomaaliya. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isku dhacaas uu ka dhashay ciidamo si qaldan u weeraray ciidamo ku sugan bar koontorool oo lagu ogaa, balse si gaar ah uma uusan carabaabin ciidamada wax weeraray kuwa ay yihiin. “Dhacdadaas waxay aheyd ciidan lagu ogaa bar koontorool iyo ciidan kale oo ka soo baxay xeradii lagu ogaa, ayaa si qaldan oo si faham darro ah iskugu dhacay meeshaasna waxaa ka dhalatay tacshiirad sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,” ayuu yiri Afhayeen Booliska Soomaaliya. Afhayeenka ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya magaca ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya uu raali galin buuxda kasii nayo shaqaaqadii xalay qoysaskii lagu dul dagaalamay. “Waxaan rabaa in aan umada Soomaaliyeed gaarsiiyo, ugana tacsiyeeyo dadkii wax ku noqday tacshiiradii xalay, in aan raali gelin dul dhigo dadkii ka agdhawaa soonka uu xalay dagaalkaas ka dhacay, in aysan aheyn wax munaasab ah, kuna habooneyn dhegaha umadda Soomaaliyeed ay gaaraan xilligan. “Waxaana umadda u balan qaadeynaa, in askartii ku lug laheyd tacshiiradaas la hor keeni doono cadaaladda, sida ay qabto shuruucda dalka, waxaan digniin u direynaa ciidamada ka wada tirsan dowladda in aan la aqbali doonin isku dhac dambe oo ciidan, cidii dambe oo ku lug yeelatana sharciga ayaan waafaji doonaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Sidoo kale waxa uu sheegay inay balan qaadayaan in isku dhacyada ciidamada dowladda ku dhex mara magaalada Muqdisho ay wax weyn ka qaban doonaan, isla markaana ay ku dadaalayaan in mar dambe aysan soo laaban tii xalay oo kale. Dagalkii xalay dhex maray labada ciidan waxaa ku dhintay askar iyo sarkaal lagu magacaabi jiray Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha ciidanka xoogga dalka, Qaybta 21aad, waxaana la sheegay in uu kamid ahaa saraakiil goobtaas u tagtay inay kala dhex galaan labadii ciidan ee tirirtu u dhaxeysay. Halkan ka Daawo
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii. Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda. View the full article
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii. Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Galabta waxaa Dagaal waji waji ah uu ka dhacay Buuralayda Galgala, kadib markii ay halkaas howlgal ka bilaabeen Ciidamada Puntland. Wararka aan halkaas ka helayno [...] Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi. Magacaabista madaxweynaha ayaa timid ayada oo dhowaan uu jiray khilaaf u dhaxeeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha maxkamadda gobolka Muuse Maclin Maxamed, kaasi oo keenay in Baashe xilka uu ka qaado Muuse, inkasta oo Muuse uu ku gacan seeray. Si kastaba, waxaa hadda muuqata in loolankii labada guddoomiye uu ku adkaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ka qaaday dad ku dhow 160 qof oo ku xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus. Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain, kuwaasi oo toddobaadyadii tegay ku go’doonsanaa caasimadda Soomaaliya Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka, hase yeeshee waxaa kusoo biiray dalalka Canada iyo UK. Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta 4-ta galabnimo kasoo duushay Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto. Inkasta oo safarka iyo howsha isku xirka ay qabatay safaaradda Mareykanka, haddana dadkan ayaa waxaa lagu war-geliyey inay si iskood ah tiket-ka uga goostaan shirkadda Ethiopia Airlines. Qaar ka mid ah dadkan ayaa Caasimada Online u sheegay in Ethiopian Airlines ay ku dallacday lacag aad uga badan tan caadiga ah ee lagu goosto tickidhada, ayada oo ka faa’iideysaneysa duruufta haysata dadka. Arrintan ayaa sababta in qaar ka mid ah dadki ku xayiran Muqdisho ay goysteen inay kusii nagaadaan, ayaga oo ka biyo diiday inay lacag xad dhaaf ah bixiyaan
  10. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 65 xaaladood oo COVID-19 ah, 5 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo hal bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Koonfur Galbeed 24, Somaliland 14, Puntiland 13, gobalka Banaadir 13 iyo Jubaland hal bukaan. Bukaannada cusub 41 ayaa rag ah 24-na waa haween. 1,284 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, Geeridu waxay mareysaa 53, waxaana guud ahaan ka bogsooday 135 ruux. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 65 xaaladood oo COVID-19 ah, 5 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo hal bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Koonfur Galbeed 24, Somaliland 14, Puntiland 13, gobalka Banaadir 13 iyo Jubaland hal bukaan. Bukaannada cusub 41 ayaa rag ah 24-na waa haween. 1,284 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, Geeridu waxay mareysaa 53, waxaana guud ahaan ka bogsooday 135 ruux. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa galabta soo bandhitay tirada dad hor leh oo laga helay cudurka Coronavirus. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay 24-kii saac ee u dambeeyay gudaha dalka laga diiwaan geliyay 65 qofood oo qaba COVID-19. Tirada ugu badan ee dadkaas ayaa laga diiwaan geliyay deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana laga helay 24- kiis, Somaliland ayaa laga diiwaan geliyay 14 xaaladood, Banaadir ayaa laga helay 13-kiis, Puntland 13-kiis, halka Jubbaland laga helay hal kiis oo COVID-19 ah. Hal qof ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda inuu u dhintay xanuunkaas, halka shan qofoodna ay kasoo bogsadeen. 41 kamid ah dadkaas waa rag, halka 24-ka kale ay dumar yihiin. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,284, bogsashada guud ayaa gaartay 135, halka dhimashada uu sababay xanuunkan ay gaartay 53 qofood, inta la ogyahay.
  13. Masuuliyiinta wasaaradda beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa juhdi badan ku bixiyey sidii Soddon sano kadib ay Soomaaliya u heli laheyd diyaaradahaan loogu talo galay in lagu buufiyo Ayaxa si loo soo afjaro dhibaatada uu ku haya beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay inuu xilliyadii dambe baabi,iyey dalagyo badan. Xaflad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha, islamarkaana ciwaan looga dhigay Daahfurka ololaha buufinta hawada ee Ayaxa waxaa ka qeyb-galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, masuuliyiin ka socday xafiiska Ra,iisul wasaaraha iyo xubno ka socday hay’adda beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO. Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid Ayaa sheegay in ayaxa uu busiibo ku noqday beeraleyda, isla-markaana diyaaradahan oo xambarsan Kiimiko dabiici ah oo an wax dhibaato ah u geysan doonin aadanaha iyo xoolaha ay ugu talogaleyn inay kusoo afjaraan dhibaatada Ayaxa. “Diyaaradahaan iyo daawada ay wadaan wax dhibaato uam geysanayaan dadka iyo duunyada sida xoolaha waana guul usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed oo ka maqneed muddo kabadan 30 sano”sidaas waxaa yiri wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid. Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay qeyb ka noqdaan dadaalada ay wasaaradda beeraha kula dagaalameyso ayaxa oo dhibaato weyn u geystay beeraleysa Soomaaliyeed. “Waan bogaadineynaa shaqada ay heyso wasaaradda beeraha hase ahaatee qeyb-teyna isticmaalka gadiidka hawada waan kala shaqeyneynaa si dalka looga saaro dhibaatada uu ku haayo ayaxa kaasi oo waxyeelo ugeystay dalagyo farabadan oo xoog iyo maalba ka galay beeraleyda Soomaaliya “ayuu yiri wasiir oomaar. Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah guddiga beeraha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in talaabadaan ay qaaday wasaarada beeraha ay guul weyn u tahay beeraleyda Soomaaliyeed oo dhibaato xoogan kala kulmay Ayaxa oo la sheegay inuu yahay kii ugu xumaa oo ay wajahdo muddo Soddon sano ah kadib. “Waa guul weyn oo usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed maxaa yeelay hadiiba qalabkaan la keenay waxa uu waxbadan ka qaban karaa saameynta iyo dhibaatada uu abuuray ayaxa waayo waxa uu waxyeelo u geystay wax soo saaraka dalka anagoo awal hore aheyn dal aan awood badan laheyn” ayuu ku daray xildhibaan Sakeriye xaaji Cabdi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. The Somali community in Europe has lost many lives to the coronavirus. We are significantly over-represented in infection and death figures. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Taliyaha ciidamada ilaaalada Madaxtooyada iyo Taliye ku xigeenkiisa. Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni ayaa G/Sare Cismaan Cumar Maxamed u magacaabay Taliyaha ciidanka Madaxtooyada, halka ku xigeenna looga dhigay G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali. Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu magacaabay Taliyaha iyo ku xigeenkiisa markii uu arkay baahida loo qabo iyadoo horay isku casilay taliyihii ciidamada Madaxtooyada. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen. Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada. 2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-New York)-Hay’adda dambi-baadhista Mareykanka ee FBI ayaa si aan ku talagal ahayn waxaa ay u shaacisay magaca diblamaasi u dhashay Sucuudiga, oo la tuhunsanyahay in uu tageero siiyay dagaal-yahanadii Al-Qacida ee fuliyay weeraradii Maraykanka lagu qaaday September 11, 2001-dii, sidaas waxaa wariyay Yahoo News. Aqoonsiga Sarkaalkan, oo ka tirsanaa Safaaradda Sucuudiga ee Mareykanka, ayaa waxaa si khaldan u sheegay Sarkaal ka tirsan FBI-da oo ka jawaabay dacwad ay gudbiyeen qoysaska dhibaneyaashii weeradii 9/11, kuwaas oo Dowladda Sucuudiga ku eedeeyay in ay ku luglahayd weeradda. Michael Isikoff, oo ah suxufi baadhe ah kana tirsan Yahoo News, ayaa markii ugu horreysay qaladka ogaaday, waxaana uu Al-jazeera u sheegay in uu ogaa qaabka sirta loo shaaciyay in ay ahayd “khalad taxadar la’aan ku dhacay.” “Markii aan ogaaday in shaacinta uu warkani ku jiro, waxaan fal-celin ka raadiyay FBI-da. Sababtoo ah waxaan ogaa in Waaxda Cadaalada iyo maamulka Trump ay si aan caadi ahayn u doonayeen inay arrinta u daboolaan,” yuu hadalkiisa ku daray suxufiga Yahoo News. “Xaqiiqdii xeer ilaaliyaha William Barr iyo sii-hayaha agaasimaha hey’adda sirdoonka Richard Grennell ayaa maxkamadda geeyay mooshin ay ku sheegayaan in warbixin kasta ee la xiriirta sarkaalka safaaradda Sucuudiga iyo dhammaan qoraalada hey’adda FBI-da ay yihiin xasaasi; waxay ahaayeen sir qaranku leeyahay, taas oo micnaheedu yahay haddii shaaca laga qado in ay waxyeelo u geysan karto amniga qaranka.” Ku dhawaaqistaan waxaa sameeyay Jill Sanborn oo ah kaaliyaha Agaasimaha qaybta argagixiso la dirirka ee FBI-da. Mussaed Ahmed al-Jarrah ayaa magaciisa si aan ku talagal ahayn loogu shaaciyay qoraalka la siiyay maxkamadda, Yahoo News ayaa sheegtay in khadalka dhacay uu xaqiijiyay sarkaal Maraykan ah. Al-Jarrah waxaa uu ahaa sarkaal darajada dhexe uga jiray wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Sucuudiga, waxaa safaaradda Washington loo magacaabay intii u dhaxaysay 1999-kii iyo 2000. Waxaa lagu eedeeyay in uu kormeere ka ahaa dhaq-dhaqaaqa shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee joogay masaajid iyo xarumo diinta islaamka lagu dhigo oo ku yaalla Maraykanka, sida wabixinta lagu sheegay. Yahoo News ayaa baahisay in qoraallo ay doonayeen qareenadda qoysaskii dhibaneyaasha 9/11 uu Sanborn ku sheegay in qayb ahaan lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay FBI-da 2012-kii, kadib baritaan ay ku sameysay in xiriir uu ka dhaxayn karo Dowladda Sucuudiga iyo afduubeyaashii Al-Qaacida. Markii hore, baaritaankaas waxaa diiradda lagu saaray laba shaqsi oo kala ah Fahad al-Thumairy oo wadaad ah iyo Omar al-Bayoumi oo ah xubin ka tirsan sirdoonka Sacuudiga. Warbixin ka kooban saddax bog iyo badh oo FBI-du soo saartay October 2012-kii ayey ku sheegtay in sirdoonka FB-du heleen caddeyn muujineeysa in al-Thumairy iyo al-Bayoumi loo xil saaray in ay caawiyaan laba ka mid ahaa Afduubeyaasii Al-Qaacida, waxaana u xil saaray shakhsi magaciisa la qariyay. Waa markii ugu horreeysay oo qofka “sedexaad” loo aqoonsado in uu yahay Diblamasi Sacuudi ah. Laakiin caddeynta ay soo ururisay hay’adda FBI-da ee ku saabsan xiriirka uu Al-Jarrah la sameeyay labada afduube weli wax qarsoon, sida uu shegayo warka Yahoo News. Ma cadda inta ay la egtay awoodda caddeynta ka dhanka ah Al-Jarrah, kaasi oo halka iminka uu joogo aysan weli caddeyn. Laakiin shaacinta sirtaani waxaa ay u muuqaneeysaa in ay su’aal cusub ku dhalineeyso suurta galnimadda in uu jiro xiriir ka dhaxeeyay Sucuudi Carabiya iyo weerarkii 9/11. “Tani waxaa ay muujineysaa in Dowladda Maraykanku ay dabooleyso ku lug lahaanshaha Sacuudiga ee weerarkii,” ayuu yidhi Brett Eagleson oo ah Afhayeenka qoysaska dhacwadda ka gudbiyay Sacuudiga. Yahoo News ayaa werisay in ay la xiriirtay waaxda cadaladda Isniintii, laakiin saraakiil ayaa maxkamadda ogeysiiyay, waxaana qoraalkii FBI-da laga saaray qaybta dadweynaha, si loo qariyo. Toban iyo shan ka mid ah 19-ka dagaalyahan ee qaaday weerarkii 9/11 waxa ay ahaayeen muwaadiniin Sucuudiga u dhashay, waxana weerarkaas ku dhintay 3,000 oo qof. Dowladda Sucuudiga ayaa si isku xig xigtay waxaa ay u diiday in ay ku lug lahayd weerarka ay qaadeen afduubeyashii Al-Qaacida. Waxa ay laba diyaaradood ku garaaceen xaruntii ugu weyneyd ganacsiga aduunka ee magaaladda New York. Diyaaraddii saddaxad waxaa ay ku dhufteen gaashaan dhigga Maraykanka oo ku yaala banaanka Washington, middii afraadna waxay ku dhacday meel banaan oo Gobolka Pennsylvania. Source
  17. Roma (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa ka jawaabay weerarada naceybka ah ee ka dhanka ah Silvia Romano, oo ah gabadhii Al-Shabaab laga soo daayey, ee qaadatay diinta Islaamka lana baxday Caa’isha Romano. Weeraradan iyo ololaha naceybka ayaa waxaa badankood wada kooxaha midigta-fog ee neceb Islaamka iyo dadka madow, iyo warbaahinta taageerta oo ka carreysan in gabadhan ay qaadatay diinta Islaamka Hase yeeshee Conte ayaa ku jees-jeesay kuwa isku dayaya inay siyaasad ahaan uga faa’iideystaan rafaadkii ay soo martan gabadhan yar ee 24 jirka ah. “Cid kasta oo warar aan jirin ka faafineysa, marka hore noqo 23 jir, ha lugugu afduubto Kenya, ha kugu qasbaan kuwa sita qoriga Kalashnikovs inaad maalinkii 9 saac ku socota kaymaha, marka aad soo marto xaaladdan oo kale, kadibna soo laabato bal nasii qiimeyntaada,” ayuu yiri Conte. Giuliana Sgrena, oo ah suxufi Talyaani oo 2005 lagu afduubtay Iraq, ayaa sidoo kale la kulantay naceyb sidan oo kale ah, kadib markii sarkaal sirdoon oo Talyaani ah lagu dilay howl-galkii lagu soo bad-baadinayey. “Sida cad muranada oo dhan waxay billowdaan marka kuwa la afduubtay ay yihiin haween. Cidna kama ashtakooto marka madax-furashada laga bixiyo nin ama meelaha oo kale ay ragga aadaan, balse marka ay tahay haween, waa marka aan ka daba qeylino,” ayey tiri. Wargeyska xarunta Vatican-ka ee L’Osservatore Romano, ayaa sidoo kale cambaareeyey weeraradan aan bani’aadannimada ahayn ee ka dhanka ah Romano, wuxuuna dalbaday in kuwa cambaareynaya ay marka hore ka fakaraan silica ay soo martay. “Xoriyadda Silvia waa inay keentaa farxad, ma ahan wax kale, hase yeeshee go’aan gaarista deg degga ah iyo weerarada xun ee ka imanaya dhinac kasta oo dalka ah ma ahan inay naga weeciyaan wixii ay gabadhan yar soo martay,” ayuu qoray wargeyska Arbacadii.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan weli bixin lacagtii ay ku amrtay maxkamadda sare ee dalka kadib markii ay kaga guulesyteen kiiska xayiraaddii socdaal ee madaxweyne Shariif loogu diiday inuu ku aado Kismaayo. Sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran oo ay soo xigatay warbaahinta Goobjoog ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan weli kusoo wareejin lacagta la xukumay oo dhan 34,000 oo dollar. Maxkamadda Sare ee dalka ayaa 8-dii April soo saartay natiijada dacwadii xisbiga Himilo Qaran ay ka gudbiyeen hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, waxaana natiijada ay ka koobneed laba qodob oo kala ah:- 1 – In ay qalad aheyd go’aanka lagu hor istaagay safarka madaxdii hore ee Soomaaliya loona baahan yahay in ay si deg deg ah raali gelin uga bixiso hay’adda duulista. 2 – Iyo in hay’adda ay bixiso qarashkii ay galeen mas’uuliyiinta safarka u socday, kaas oo ka yimid hoteelo la kireeyay, gaadiid iyo duulimaadka oo qarash ku baxay islamarkaana iyagoo aan safrin ay waajib ku noqotay in laga qaado. Caasimada Online oo xiriir la sameysay dowladda weli kama aysan helin wax jawaab ah oo ku saabsan sababta ay u bixin la’dahay lacagta lagu xukumay.
  19. Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi, ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in tuulooyin badan oo hoos yimaada uu ku fatahay Webiga Shabeelle. Maamulka deegaanka iyo dadka ayaa bilaabay in ay iska moosaan ama ay xiraan meelaha biyaha ka soo butaacayaan. Wariyaasha ku sugan gobolka , ayaa soo sheegaya in arrinta ugu daran ee hadda ka taagan deegaanka ah tahay in ay dunto buundo muhiim ah oo deegaanka isku xirta. Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Caga-joof ayaa Hirshabeele iyo dowladda dhexe ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle. Googjoog News Source: goobjoog.com
  20. Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka COVID-19 oo korodhay Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho. Labo kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka labo kalena aysan weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covdi19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay. Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degeg ah kusoo aaday Garowe. Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baaritaanka cudurka. Puntland, cudurka covid19 ayaa gaaray 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho. Qaran News
  21. A Somali army officer says at least five militants killed during a military operation against Al-Shabaab in the southern Lower Shabelle region in the past 48 hours. Speaking to the state-run media, General Abdihamid Mohamed, the senior SNA commander confirmed those killed in the offensive include a senior Al-Shabaab commander. Mohamed identified the commander as Abu Bakar, who is been in Al-Shabaab ranks for years and stationed in the restive region, which has been the scene of military operations. Al-Shabaab has carried out deadly attacks in the country, mainly in Mogadishu, the capital as part of its decade-long insurgency aimed to oust the Somali government and expel AU troops. View the full article