-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhamaan shaqaalaha iyo hawl wadeenada shabakada caalmiga ah ee Qarannews, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaan jiray wariye caan ah xiligii lagu jiray halgankii dib u xoraynta Somaliland isaga oo ka hadli jiray idacadii Halgan ee ku hadli jirtay codkii ururkii dhaq dhaqaaqa SNM. Sidoo kalena ahaa qoraa soo bandhigay buugag dhowr ah oo taariikhda gali doona kuwaasi oo uu qaarkood ka qoray abwaano dhowr ah. Marxuukmka waxa aanu Ilahay uga baryaynaa in uu dhamaanteenba samir iyo iimaan inaga siiyo siiba waxa aanu tacsi gaar ah u diraynaa xaaskii iyo caruurtiisii, waxana aanu Ilahay uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo Aamiin Qarannews.com Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Cali Bariise ayaa ka badbaaday qarax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, islamarkaana ahaa nooca dhulka lagu aaso aheyd ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah oo halkaas marayey. Xilliga uu qaraxa dhacay ayaa waxaa goobta marayey gaariga uu la socday taliye ku-xigeenkii hore ahaa kuwa ciidanka saaran yihiin oo aan xabada karin. Sida ay Caasimadda Online u sheegeen goobjoogayaal, gaariga uu la socday Taliye kuxigeenka ayaa ka gudbay goobta miinada ku aasneyd, waxayna kadib haleeshay Bajaaj ay saarnaayeen dad Shacab ah. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay hooyo iyo ilmo ay dhashay oo mootada saarnaa, halka 3 kale ay ku dhaawacantay. Ma jirto weli cid sheegatay qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho, balse waxaa xusid mudan in qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya. Sareeya Guuto Maxamed Cali Bariise oo la hadlay Caasimada Online ayaa xilka uu iska casilay 18-kii Febraayo.
-
Shirkii wada-hadalada ee Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Jabuuti ayaa xalay labada dhinac waxay gaareen heshiis cusub, oo hore. Halkan Ka Aqriso Heshiiska Jabuuti Ku Dhexmaray Soomaaliya Iyo Somaliland Soomaaliya iyo Somaliland: Heshiis Cusub, oo Hore oo Lagu Gaaray Djibouti Halkan Ka Daawo Muuqaal Soo Koobaya Nuxurka Shrika Soomaliya Iyo Somaliland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-shirka.mp4 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen magaalada Muqdisho. Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in 15-kii bishaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo uu magaciisa ku sheegay, Xasan Cabdulllaahi Salaad oo loo yaqaano (Bukhaari), wuxuuna tilmaamay inuu ka tirsanaa jabhado ka soo dagaalamay gobolka Hiiraan. Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Bukhaari uu ka tirsanaa amniyaat-ka Al-Shabaab, islamarkaana lagu qabtay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kadib xog ay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ka heleen dadka shacabka ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dilal qorsheysan ka fuliyey gudaha degmadaasi, balse ugu dambeyn la soo qabtay isaga oo gacanta kula jira fal dambiyeed, isaga iyo laba kale, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Sadiiq oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay burburisay shabakado Shabaab ah oo isku xirnaa, kuwaas oo ku sugnaa degmada Dharkenley iyo isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka ayaa xusay in shabakadahaasi ay lahayeen goob Studio ah oo lagu ciyaaro Jeeska, islamarkaana ay isticmaalayeen maan-dooriyaha noocyadiisa kala duwan. Dhinaca kale wuxuu shaaciyey in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen rag burcad ah oo wade mooto Bajaajle ahaa ku dilay degmada Dharkenley, kuwaas oo tilmaamay in lagu qabtay, iyagoo baxsad ahaa degmada Xamar Jajab ee G/Banaadir. Ugu dambeyn afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo hadal qaaday dhacdadii dhowaan ka dhacday isgoyska Ceel-Gaabta ee lagu dilay Aabe Soomaaliyeed, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu u dilay 2,000 oo shilin Soomaali ah, wuxuuna sheegay in la qabtay askarigaasi, loona heysto dambiyo kale oo uu hore u geystay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu haatan ku jiro gacan amaan ah oo awood leh, inta laga soo saarayo maxkamad, si cadaaladda loo horkeeno askarigaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Qoraa/Abwaan/Mujaahid Maxamed Baashe Xaaji Xasan saaka ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska. Geerida naxdinta leh ee Marxuun Maxamed Baashe Xaaji ayaa lagu shaaciyay qoraal kooban oo lagu baahiyay barta uu ku lahaa Facebook-ga. Qoraal ayaa u dhignaa sida tan: “Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicoon. annagoo ka raalli ah qadarka eebe waxa aynu idinku war gelinaynaa in saaka rabi oofsaday Maxamed Baashe X Xasan. Ilaahay qabriga ha u nuuro, ilaahay ha dhigo marti laga jecelyahay aakhiro, ilaahay janatul fardowsa ha ku casuumo. amiin. u soo duceeya walaalayaal Maamulka bogga” Maamulka, madaxda iyo hawl-wadeennada warbaahinta Somalilandtoday waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummada Soomaalida ee uu uu ka baxay marxuun Maxamed Baashe Xaaji Xasan Source
-
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Captain Saciid Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen shabakad ka tirsan Al- Shabaab Halkan Ka Daawo Afyeenka Ciidanka Booliska Oo La Hadlay Warbaahinta https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-15.mp4 Source: goobjoog.com
-
Mahadsanid Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ! “ لاَ يَشْكُرُ اللَّهَ مَنْ لاَ يَشْكُرُ النَّاسَ ” . Asalaamu Calaykum Waxaan Mahadnaq balaadhan u dirayaa Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Guud ahaan Shacbiga reer Jabuuti ee aynu Walaalaha nahay oo si Sharaf iyo Milgo leh oo ay Dhex-dhexaadnimo ku dheehan tahay u maamulay una maareeyay Shirkii ay u qabteen labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya. Waxay ahayd 5tii bishii September ee Sanadkii 1993 markii iigu horreysay, iiguna dambeysay ee aan Dalka Jabuuti booqday aniga oo ku sugnaa muddo saddex maalmood ah xiligaasi magaalada Caasimada ah ee Jabuuti. Waxaan xasuustaa maalintii aan ka soo dhoofayay Madaarka Caasimada Hargeysa in Xafiiskii Shirkada Diyaaradaha Hargeysa uu iigu yimi Allah Naxariistii Janno haka waraabiyee Ganacsade reer Jabuuti ahaa laakiin asalkiisu uu Somaliland u dhashay oo la odhan jiray Xaaji Xasan Guuleed qolo ahaana ahaa ( Reer Axmed/Sacad Muuse), waxa uu Xaajigu iga codsaday inaan Jabuuti usii kaxeeyo Wiil yar oo uu dhalay oo da’ahaan aan ku qiyaasi karo inuu Toban jir ahaa, wuxuu ii dhiibay baasaboor uu Xaajigu lahaa oo uu wiilkiisuna kula sawirnaa, waxaanuu igu yidhi Abti Inankani haku sii raaco oo gurigaygii Iyo qoyskaygii Jabuuti u gee anigu Hargeysa ayaan ku hadhayaa oo guryo dumay ayaan dib u dhis ku samaynayaa, waxaan ku idhi hawraar-san, intaan baasaboorkii Xaajiga ka qaaday ayaanu aniga iyo yarkii oo Maxamed la odhan jiray diyaaradii ku soo dhacnay. Markii aanu soo gaadhnay Gegida diyaaradaha ee Jabuuti ayaan Saraakiishii laanta Socdaalka u dhiibay baasaboorkayga oo Soomaali ahaa, waxay iigu dhufteen Shaambadii gelitaanka Dalka waxaanay iga qaadeen lacag dhan Shan Kun oo Faranka Jabuuti ah, ka dibna waxaan u taagay baasaboorkii Xaaji Xasan Guuleed waxaanan ku idhi inankan yari aniga ayuu ila socdaa waana kan baasaboorkii Aabihii oo Hargeysa ku hadhay. Sarkaalkii laanta socdaalka ayaa intuu xoog u yaabay igu yidhi ma waxaad sidataa baasaboor aanad lahayn iyo ilmo qof kale dhalay oo aanad Waalid iyo Masuul midna u ahayn… Heey waad Ruwaayadaynaysaaye intuu yidhi ayuu si yaab leh ii eegay! Aniga seetada ayaa iigu duuban oo maba fahamsani inay sharci darro tahay waxan aan sameeyay ee ah baasaboor qof leeyahay iyo ilmo yar oo aanan dhalin oo aan diyaarad soo saaray, xataa maan fahamsanayn in la Iiga shakiyi karo inaan ilmaha soo xaday, waxaan ahaa Badaw Kibrsan oo cirkaa isla maraya oo aanay arrimahaasi uba bilownay, intaan giir iska kiciyay oo aan afka taagay ayaan weliba sarkaalkii daalac u raacay oo aan ku idhi waar Askari sow aniga baasaboorkaygu sax maaha, inankani waa reer Jabuuti ee ama haysta ama sii daaya laakiin aniga waxaad igu haysataan maan fahmin. Intuu Askarigii yaabay oo uu qoslay, isla markaasna uu arkay inaan ahay qof iska daacad ah oo aanay uba bilownayn oon aan fahamsanayn wuxuu igu haystay ayuu igu yidhi ma haysaan Taleefanka reer Xaaji Xasan ee Jabuuti, haa intaan ku idhi ayuu Taleefan u diray reerkii oo uu u sheegay inay Madaarka yimaadaan, waxaa Madaarkii noogu yimi oo gurigii noo kaxeeyay Cabdiraxmaan Xaaji Xasan Guuleed oo imika Dalka Maraykanka ku sugan. Dabcan xiligaas fog wixii ka danbeeyay way isoo mareen fursado badan oo aan Jabuuti ku tagi karayay hawlo shaqo iyo arrimo kaleba, hase yeeshee maan jeclaysan jirin Siyaasada Dawlada Jabuuti ee ku jihaysnayd Jamhuuriyada Somaliland 29 kii sanadood ee ay Somaliland jirtay taasi oo sababtay in dad badan oo dadweynaha reer Somaliland ka mid ahi ay ka gaws-qabsadaan siyaasadaasi. Hadaba waxaa mudan in imika la Hambalyeeyo Kaalinta qiimaha badan iyo Doorkii dhexdhexaadnimadu ay ka muuqatay ee ay Xukuumada Jabuuti ka ciyaartay Shirkan dhex maray labada Dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanan mar kale ku Hambalyaynayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga reer Jabuuti sida qiimaha badan ee ay Walaalnimadu ku dheehan tahay ee ay usoo dhaweeyeen Wafdigii reer Somaliland ee uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo sidii dhexdhexaadnimada lahayd ee ay u maamuleen shirkii ay ku wada hadlayeen labada Dal ee Somaliland Iyo Soomaaliya. Waxaan aad ugu Rejo-weynahay inuu aad u xooggaysan doono Xidhiidhka Iskaashi iyo Walaalnimo ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland Iyo Jabuuti imika ka dib. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK kaysar@diplomats.com Qaran News
-
Qarax saacado kahor ka dhacay agagaarka hoygii iyo madaxtooyadii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad ee degmada Hodan, Muqdisho ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen 3 qof oo ay ku jiraan dhallaan iyo hooyadii. Qaraxan oo miino ahaa oo lala eegtay ciidamo halkaasi marey ayey waxyeellada soo gaartay bajaajle ahaa wade iyo dhallaan iyo hooyadii oo la socday, waxaa sidoo kale dhaawacmay labo kale. Miinadan oo la dhigay jidka dhexdiisa ayaa waxaa ay ciidamadu bilaabeen baaris, lama oga in dad loo qabqabtay iyo in kale. Wararkii soo kordha halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
John R. Bolton, the former national security adviser, says in his new book that the House in its impeachment inquiry should have investigated President Trump not just for pressuring Ukraine but for a variety of instances when he sought to use trade negotiations and criminal investigations to further his political interests. Source: Hiiraan Online
-
Falanqeeye IIbraahim Geedow Cawaale ayaa sheegay in ay ceyb tahay in sanad walba la badalo macallimiinta Xulka Qaranka hogaaminaysa,isagoo Xiriirka kubabdda cagta u sheegay in wax ka badalaan arintan,maadama Soomaaliya ay joogaan tababarayaal xirfad wanaagsan. Halkan Ka Daawo Qeyb Ka Mid Waraysi Dhinac Skyp-ka Uu Falanqeeye Geedow Siiyay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-14.mp4 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyey ugu yaraan illaa afar qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay, seddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax miino maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray hooyo iyo canug yar ay dhashay, kuwaas oo saarnaa Mooto Bajaaj ay la kacday miinadaasi, xilli ay mareysay agagaarka madaxtooyadii hire ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee magaalada Muqdisho. Saddexda qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay inay marayeen wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo lala caaray mid ka mid ah goobaha caafimaadka. Warar qaar ee heleyso caasimada Online ayaa sheegaya in bartilmaameedka qarax uu ahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, walow uusan soo gaarin wax khasaare ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jiro faah faahin ay ka bixiyeen qaraxaasi iyo sidoo kale cid ay u soo qabteen falkaasi. Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weerarada noocan oo kale ah ka fuliso gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, walow aysan weli ka hadlin qaraxaasi uu khasaaraha ka soo gaaray dad rayid ahaa oo aan waxba galabsanin.
-
Shirkii wada-hadalada ee Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Jabuuti ayaa xalay labada dhinac waxay gaareen heshiis cusub, oo hore. Arrimaha la isla ogolaaday ee la saxiixay ma aha qaar cusub, oo waa qodobbo horay loogu heshiiyey 2012-kii iyo 2014-kii, laakin aan la hirgelin taasi oo keentay in mar kale lagu celiso sida: Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada. Dhamman Saddexdaa guddi shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan Jabuuti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub comment) Guddida guud ee farsamado ee wada-hadalada oo lagu magacaabo (Joint Ministerial Committee), waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntaland oo qararx lala eegtay+Khasaaraha Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qarax oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo ku socdaalayey agagaarka deegaanka Af-Urur oo ka tirsan gobolka Bari. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa la sheegay in lala eegtay gaadhi dagaal oo ay wateen ciidamadaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadhiga uu haleelay qaraxa uu soo gaadhay burbur xoogan, islamarkaana uu jiro khasaare kale oo soo gaadhay ciidamadii saarnaa. Illaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha dhabta ee ciidanka Puntland ka soo gaadhay weerarkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulkaasi. Inta badan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro kala duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Puntland ee ka howlgalka deegaanada kala duwan ee gobolkaasi. Qaran News
-
Warar dheeraada oo ka soo baxaya Qarax Muqdisho ka dhacay & Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Ex-Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa sida aan wararka ku helnay ka dhacay jid cadde aagaasi kuyaala, waxaana qaraxaan lala eegtay gaadhi nuuciisa lagu sheegay Hilux ciidan la socday oo halkaasi marayay. Masuul katirsan maamulka Degmada Hodan ayaa noo sheegay in qaraxa uu ka bad baaday gaadhigii lala eegtay, waxa uuna intaa ku daray in qaraxa uu haleelay mooto ay la socdeen dad shacab ah oo xiligaasi goobta maraysay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay sadex qof oo shacab ah oo la sheegay in ay kala ahaayeen Wade Mooto bajaaj, haweeney mootada saarneyd iyo cunug ay wadatay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale. Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo qaraxan kasoo saareen Qaran News
-
Maamul-Goboleedkii ugu horeeyay oo qaadacay Shirkii Madaxweyne Farmaajo ugu baaqey maamul-goboleedyada Maamul goboleedka Puntland ayaa qaadacay ka qeyb galka Shirka Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyada dalka ka jira. Shirkan oon wali la shaacin xiliga uu dhacayo ayaa looga hadli lahaa Doorashada dalka, waxaana qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu casuumay maamul goboleedyada in shirkaasi kasoo qeyb galaan. Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa meesha ka saaray casuumada Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna xusay in ay taageersan yihiin baaqii aqalka sare ee ahaa in shir isugu yimaadaan Madaxda dalka iyo kuwa maamulada. Maamul goboleedka Puntland oon xiriir wanaagsan la laheyn dowlada federaalka Soomaaliya ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee qaadaca shirka uu maamulada ku casuumay Madaxweyne Farmaajo. Casuumada Madaxweyne Farmaajo u fidiyay maamul goboleedyada ayaa timid xili Aqalka sare ku baaqay in shir deg deg ah isugu yimaadaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada si looga arinsado dooarshada dalka ka dhaceyda. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Cabdulllaahi Cali Xirsi (Timacade) oo warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ayaa qaadacay shirkii uu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya uu ku casuumay madaxda dowladda goboleedyada, si looga arrinsado doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Timacade ayaa shaaciyey in Puntland aysan ka qeyb-geli doonin shirkaasi, islamarkaana ay taageersan tahay baaqii guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulllaahi ee ahaa in la’isugu yimaado shir wadatashi ah oo ku aadan xaaladda dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka maamul ahaan aysan qeyb ka noqon doonin mar-marsiiyo uu sheegay inay wadaan madaxda dowladda dhexe, si dib loogu dhigo doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto dhamaadka sanadkan illaa 2021-ka. Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay inay muhiim tahay in ilaaliyo waqtiga doorashada, islamarkaana laga heshiiyo nooceeda, si ay noqoto doorasho la wada ogol yahay oo ay qeyb ka yihiin saamileyda siyasadeed ee dalka. Puntland oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo Villa Soomaaliya ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee ka hor-yimaad casuumaada uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka, ka hor inta uusan aadin Jabuuti.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan. Wararka ayaa sheegaya in miinada ay la kacday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ku dhowaad 5 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu jiro dhaawac kale oo soo gaaray dad shacab ah, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay. Faah faahinta kala soco:Caasimada.net.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda lagu dilay agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo xirnaa dharka ciidanka Booliska. Dilkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysnaa bistoolado oo goobta isaga baxsaday toogashada kadib. Warar ayaa sheegaya in xilliga uu dilka dhacayey uu mashquul xoogan iyo jaam uu ka jiray isgoyskaasi, iyadoona meydka marxuumka uu muddo yaallay halkaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, iyaga oo qab-qabtay tiro dhalinyaro ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxaa weeraro ku disha kooxda Al-Shabaab oo weeraro qorsheysan ka fulisay caasimada.
