-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI (HOL) - Kenya has closed its international border with Somalia following increased import of COVID19 cases. Source: Hiiraan Online
-
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee BF ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/2021-ka. Dalxa oo u warramay Shabele ayaa sheegay in ka golahaan ay ka dalbanayaan guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yarey) inay cadeyso nooca doorashada, si loogu diyaar garoobo waqtiga yar ee haray. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in baarlamaanka ay la wadaagto warbixinteeda, si loola socda diyaar garowga doorashada 2020/21 oo weli uu muran ka jiro. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/dalxa.mp3 View the full article
-
Agaasimaha cusub Maxamed Cabdirashiid Cali Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland kadib markii uu is casilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada. Wareegto Maanta oo Sabtiya kuna beegan 16-May-20 20 ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland loogu magacaabay Maxamed Cabdirashiid Cali. Wareegtada ayaa lagu sheegay in Agaasimaha cusub loo xushay Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo. Magacaabista ayaa timid bil kadib markii uu iscasilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf oo shaqada ka tegay April 2020. PUNTALND POST The post Agaasime cusub oo loo magacaabay Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dekedda Boosaaso Dowladda Puntland ayaa si rasmiya u mamnuucday soo dejinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka Caagadaha mustacmilka ah ee laga keeno dalka dibaddiisa. Qoraal maanta oo Sabtiya ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu mamnuucay soo dejinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka Caagadaha mustacmilka ah ee laga keeno dalka dibaddiisa Qoraalka ayaa lagu xusay, in dowladda Puntland ay la wareegi doonto dhammaan caagadaha waaweyn ee dhex yaalla dekedda Boosaaso, islamarkaana ay magdhow ka siin doonto cidda iska leh. Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa amray in laga bilaabo maanta, ganaax sharciga waafaqsan laga qaadi doono markabkii ama doontii Puntland ka soo dejiya caagadaha mustacmalka ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo mamnuucday caagadaha mustaqmalka ah appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo dhacay dhanka koonfureed magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. War ka soo baxay taliska Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay gacanta ku hayaan gaarigaasi, islamarkaana ay xogtiisa ay la soo wadaageen dadka shacabka ah. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ha’adaha amniga Puntland iyo Galmudug ay xoojin doonaan wadashaqeynta, si loo xoojiyo amniga magaaladaasi. “Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug, Taliska Booliska waxeey xoojin doonaan wada shaqeeynta laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Puntland. View the full article
-
Wajeer (Caasimadda Online) – Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalo gudaha dalkaas. Saldhigyada la weeraray ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa ay Ciidamada Booliska Kenya ku lahaayeen deegaanka Qorof Xarar ee gobolka Wajeer. Weeraradaas ayaa la rumeysan yahay inay khasaaro kasoo gaartay ciidamada Kenya iyo kuwii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah. Warbaahinta ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkaas khasaaro weyn lagu gaarsiiyey ciidamadii booliska ahaa ee ku sugnaa labada Saldhig ee la weeraray xalay waqti dambe. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen laba saldhig islamarkaana ay gubeen xarun ay laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom. Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay weerarkan waxayna sheegtay in weeraro toos ah iyo qaraxyo lagu beegsaday ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Wajeer. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka geysato gudaha dalka Kenya, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya. Kenya waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, waxayna inta badan ku sugan yihiin deegaanada Jubbaland, waxayna sheegtay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya inta laga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
-
Taliyaha Cusub ee Madaxtooyada oo xilka kala wareegay Taliyihii hore Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed, ayaa maanta Sabtiya xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf. Munaasibadda xilwareejinta, oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada, waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Ku-simaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacade, Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Cabdisalaam Xasan Ducaale, Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Cabdiqaadir Geedi iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada. Balse, waxaa dib loo dhigay xil-wareejinta Taliye ku xigeenka Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali, oo xilka kala wareegi lahaa G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi, kadib Khilaaf ba’an oo ka dhex aloosmay Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, kaas oo salka ku haya Magacaabista Taliye ku xigeenka cusub ee Madaxtooyada. Mudane Axmed Karaash, ayaa dikreeto uu soo saaray ku sheegay in Magacaabista Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Madaxtooyada aan midkoodna lagala tashan, isagoo ku amray Taliye ku xigeenkii Hore ee Madaxtooyada in uusan wareejin xilkaasi, balse shaqadiisa sii wato. PUNTLAND POST The post Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo xilka la wareegay iyo ku xigeenkiisi oo laga reebay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-16052020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale isku dayeysa in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), sida ku cad dokumentiyo cusub oo ay dirtay. Arrintan ayaa khilaaf hor leh ka dhex-abuurtay labada dal, ayada oo Soomaaliya ay si xooggan uga hor-timid damaca cusub ee Kenya ay uga baxsaneyso inay cadaaladda wajahdo. Mahdi oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ay uga soo horjeesteen dalabka ka yimid Kenya, isagoona difaacay mowqifkooda. “Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xiranyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto,” ayuu ku daray. Sidda laga soo xigtay Guuleed, waxaa jira kiisas dhowr ah oo ICJ ay ku dhageysatay habka fogaan aragga ah ee dunida wada isticmaasho hadda. “Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo,” ayuu hadalkiisu ku daray. Ra’ilwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dhameystiran ka bixiyo cadaadista ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay saareyso dhigeeda Kenya. Gal-dacwadeedka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bilowday bishii August ee sanadkii 2014-kii, waxaana dhinacyadda ay isku hayaan goob hodan ku ah kheyraad oo ku taala xadka labadda wadan. Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda shaaciso go’aankeeda ku aaddan in kiiska uu ku dhacayo waqtigiisa iyo in kale, kaasi oo ah 8-da ilaa 12-ka Bisha June. Maxkamadda ICJ ayaa 5-tii September ee 2019-kii ogolaatay codsi ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo kiiska, waxaana xilligaas ay ballan-qaaday inaan mar kale kiiska dib loo dhigi doonin.
-
Ilaa 200 oo ruux oo isugu jira haween iyo rag ayaa kafa’ideestay deeq gargaar lacageed oo maanta Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen dad danyar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo laga soo dhex xulay kaamam ku yaala magaalada Muqdisho Munaasabad lagu qeybinayay deeqda oo ka dhacday xarunta Dhalinyarada gobolka Banaadir oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka iyo haweenka gobolka Banaadir ayna goobjoog ka ahayeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa daahfuray Rowda Xaashi Yuusuf oo ah xubin katirsan Wasaarada Hameenka. Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir Abdi Kaafi Maxamuud Makaran iyo gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir Jawaahir Baarqab iyo Xildhibaanad Caasha Koos oo iyaguna goobta kahadlay ayaa ku amaanay Hormuud Foundation iyo Salaam Bak dowrka ay uga jiraan bulshada iyaga oo uga mahadceliyay sida mar waliba ay caawinaada ula garabtaaganyihiin dadka danta yar. Madaxa Hormuud foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay barnaamij taxane ah oo ay soo wadeen Hormuud foundation iyo Salaam bank taasi oo ay ku caawinayeen dadka danta yar maadama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan isagoo ugu baaqay shacabiga Soomaaliyeed in ay iscaawiyaan. Dadkii ka faa’ideystay deeqda ayaa dhinocooda ka mahadceliyay gargaarka maanta ay soo gaarsiiyeen Hormuud foundation iyo Salaam bank iyagoo sheegay in wax badan nolooshooda ay katari doonto xiligii ay u baahnaayeena ay kusoo aaday maadaama lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA: View the full article
-
Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Wanwaleyn ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya inay halkaas ka jirto cabsi ku aadan inuu mar kale dagaal Beeleed ku dhexmaro laba Beelood oo dhawaan halkaas ku dagaalamay. Cabsida ayaa timid kadib markii labada dhinac ay bilaabeen hub aruursi, waxayna labada ciidan kala joogaan labada dhinac ee Magaalada Wanlaweyn. Dadweynaha ku dhaqan gudaha Magaalada ayaa bilaabay inay isaga barakaceen si ay dhibaato uga soo gaarin dhinacyada dagaalka isku diyaarinayo. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dagaalka uga daran ay tahay in kooxaha dagaalamayo ay dadka shacabka ah guryaha ugu galayaan isla markaasna ay u dilayaan aano qabiil. Labadaan Beel ayaa bil ka hor ku dagaalamay halkaas, waxaana dagaalkooda ku dhintay 10 qof oo u badnaa Dad Shacab ah iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka qaar la gubay. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dhawaan halkaas tagtay ayaa sheegtay inay dib u heshiisiin dhex dhigtay labada dhinac ee dagaalamay, waxayna ugu hanjabtay ciddii mar kale dagaal bilowdo inay la tiigsan doonto sharciga balse waxaa muuqato in amarkii maxkamadda uusan fulin.
-
The Somali government announced its rejection of any delay of the Somali-Kenya maritime dispute case at the International Criminal Court (ICJ) following request by the Kenyan government to postpone the hearing on the case before the International Court of Justice (ICJ)). The hearing was scheduled to take place in early June, but Kenya has asked the court to postpone it for an undisclosed date. Kenya has used the global spread of Coronavirus as an excuse, saying it has had a strong impact on the lawyers representing them in the case, saying it was impossible for them to prepare. The Kenyan government also pointed to the financial difficulties the world is going through, due to COVID-19 as a hindrance. In a statement, the federal government of Somalia dismissed the claims saying the court process can be conducted online. Mogadishu further accused its neighboring of trying to solve the dispute outside the court for avoiding presence in the court through delays three times before. “Our stand is not to delay the case one day and that is what we have told the court,” Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Guled said, adding, “The process should continue via video or audio conference.” The ICJ on September 5th, 2019, granted a Kenyan request to postpone the case, and at that time, the court pledged it would not postpone the proceedings again. The court is expected to announce its decision in the coming days whether or not the case will be heard on its scheduled date of June 8 to 12, 2020. Both countries claim ownership of an area, almost 150,000 square kilometers (57,915 square miles) off the Indian Ocean coastline, said to be rich with oil, gas and tuna fish. In 2014, Somalia’s government went to court to challenge a 2009 agreement that set its maritime border along latitudinal lines extending 450 nautical miles into the Indian Ocean.
-
Hargeisa (HOL) - A plane carrying emergency COVID-19 supplies sent from Qatar has landed at Egal International Airport on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa Maanta oo sabti waxaa ka soo degtay diyaarad sida qalab Caafimaad oo looga talagalay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameeyn ku yeeshay adduunka oo dhan. Diyaaradaan ayaa waxaa ay ka timid wadanka Qatar, waxaana la sheegay inay wado qalab Caafimaad oo ay Qatar ugu deeqay Somaliland, kuwaas oo iskugu jira kuwo lagaga hortagayo Cudurka Coronavirus iyo kuwo lagula tacaalayo. Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa deeqda Caafimaad kula wareegya Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, iyagoona u mahadceliyay Qatar, sidoo kalena sheegay in Gargaarka uu kusoo aaday xilli loo baahan yahay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ku guuleystay inuu soo saaro daawo loogu talagalay cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya caalamka. Fox News ayaa shaacisay in Saynisyahanno ka tirsan shirkadda ku takhasustay cilmiga bayoolajiga ee California ay soo heleen daawo looga hortagayo cudurka Covid-19. ‘Waxaan dooneynaa inaan carabka ku adkeyno in ay jirto daawo.” ayaa yiri maamulaha Sorrento, Dr Henry Ji, oo la hadlay Fox News. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay soo saari karaan, hadii ay helaan ogolaansho illaa 200,000 bil-weliba. Shirkadda Sorrento ayaa sidoo kale oggolaansho deg-deg ah ka dalbatay maamulka cuntada iyo daawooyinka ee Mareykanka (FDA), balse weli ma helin wax jawaab ah. Mareykanka ayaa ka mid ah wadamada uu sida daran u sameeyey Coronavirus oo ka soo bilowday Shiinaha, islamarkaana ku faafay dalal badan oo Soomaaliya ay ku jirto
-
The Somali regional state of Jubbaland has issued an order that mosques would no longer be open for the customary five daily prayers or Friday congregations, an exceptional move to limit the spread of the coronavirus which has spread in the regional capital Kismayo and other areas of the state. The unprecedented announcement came after the region registered more cases in the past days for the global pandemic which has so far claimed over 300,000 lives worldwide since its outbreak. The regional president Ahmed Madobe also held talks with religious leaders in the region, told them they must close mosques to avoid even more infections. As the perilous COVID-19 pandemic continues to wreak havoc, claim lives, halt global movement and cause economic instability across the world, the virus has also been spreading across Africa. As a precautionary step, many countries have taken the firmest measures to lessen the deadly disease from causing further damage and lower human causalities including implementing total lockdowns, imposing social distancing in public places and giving general guidelines on what to do if you get infected. Somalia announced the first case of COVID-19 mid March in a citizen who returned from China. Since then, the number of people that tested positive has risen to 1284, mostly locals who have not traveled or returned from abroad. Of course, it’s still an early stage, but recent cases indicate that the virus has begun spreading among locals. The Somali federal government with its limited capabilities has taken all necessary precautions to tackle the pandemic and prevent it from spreading. All flights had been canceled locally and internationally, schools and universities were closed, public gatherings were banned and the government urged people to stay home. After emerging in Wuhan, China last December, the virus, officially known as COVID-19, has spread over 200 countries and territories. The global death toll from the virus has surpassed 300,000 with more than 4,500,00 cases confirmed worldwide, according to the World Health Organization. However, a vast majority of those who get infected recover from the illness
-
(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay la gaadhay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) inay codsato kordhinta dhageysiga dacwada muranka xadka badda oo sannado socdey. Dawladda Kenya waxay la gaadhay ICJ inay raadsato waqti dheeri ah iyada oo ay ugu wacan tahay masiibada ‘Covid-19’ inaanay suurto galin Karin in dacwada la qaado. Waraaq ay u direen ICJ, qareennada difaaca Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay qirteen inay shaqadooda saameeysay masiibada covid 19. Sida ay sheegayaan wararka, dowladda Soomaaliya ayaa si xoogan uga soo horjeesatay qorshayaasha Kenya ee ah inay dib u dhigto dacwadda badda waxayna ku eedeeysay Kenya inay raadineyso xal ka baxsan maxkamadda. Saxaafaddu waxay sheegtey in bayaanka ay dowladda Soomaaliya u dirtay ICJ ay ku codsatay in dhageysiga loo qaato qaab muuqaal ah iyadoo la adeegsanayo tikniyoolajiyad casri ah si loo diido cudurdaarka Kenya. Soomaaliya ayaa ku dooday in dacwadihii waaweynaa ee caalamiga ahaa ee la keenay ICJ ay horay u maqleen oo go’aan looga gaadhey qaab maqal iyo muuqaal ah, waxayna ugu baaqday ICJ in ayna waligood dib u dhigin dhageysiga kiiskaan. ICJ bishii Nofeembar 2019, waxay oggolaatay inay hore ugu sii dhaqaaqdo dhageysiga muranka badda ee u dhexeeya labada dal ka dib markii ay labada waddan soo gudbiyeen dacwadahooda. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), waaxda garsoorka ee ugu sarreysa Qaramada Midoobay, waxay go’aansatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiskaan illaa laga gaaro 8-da Juun 2020. Source