-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga adduunka oo ka mid ah bangiyada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya ayaa markale lacag fara badan u ansixiyey dowladda federaalka, si wax looga qabto dhibaatooyinka adag ee xilligan ka jira dalka. Lacagtaan oo bangiga adduunka ugu deeqay Soomaaliya oo gaareysa $55 Milyan ayaa waxaa la sheegay in lagu kaabi doono miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2020-ka. Ujeedada ayaa ah sidii lacagtaasi wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee xilligan ka jira ee Soomaaliya ee uu sababay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in lacagtaasi ay ku kasbadeen maamul wanaag, isaga oo u mahaceliyey bangiga adduunka. “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kambka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag. Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay” ayaa yiri wasiirka maaliyadda dowladda federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga fakiro sidii loo kordhin lahaa dakhliga gudaha, iyadoo la kaashanayo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed. “Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono” ayuu hadalkiisa raaciyay wasiir Beyle. Soomaaliya oo xilligan ku guda jirta marxalad kala guur ah, una diyaar garoobeyso doorashooyin ayaa wajaheysa caqabado badan, sida dhaqaale yari uu sababay xanuunka dunida aafeeyey Covid-19 oo si gaar ah u saameeyey dhammaana ilihii dhaqaalaha dalka oo uu ugu horreeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
-
Gen. Cali Baadiye Taliyihii hore ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa (Cali Baadiye) ayaa saaka oo Arbaco ah ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia. Alle ha u naxariistee, Gen. Cali Baadiye ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia sida ay sheegeen qaar kamid ah eheladiisa. Marxuum Cali Baadiye wuxuu kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Militariga Soomaaliya ee xilligii Dowladdii Kacaanka, waxaana la xiray 1978, kadib inqilaab fashilmay oo hoggaaminayay walaalkiis Maxamuud Sheekh Cismaan (Cirro) isagoo xirnaa ilaa 1990. Marxuum Cali Baadiye ayaa taliyaha Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland loo magacaabay 2007, xilligii Xukuumaddii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse). PUNTLAND POST The post Taliyihii hore ee Daraawiishta Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay sarreeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo taliyaha cusub ee Ciidanka Badda. Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda. Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan faafinta rasmiga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen deegaano hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababar ee Danab iyo kuwa Gorgor oo maalmo ka hor gaaray deegaanada Jilib Marko iyo Gandershe. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegayaan inay haatan taggaasi ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay dib ka faahin faahin natiijada saxda ee baaritaanadooda. Gobolka Sh/ Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo milatari oo ciidamada huwanta ay ka wadaan gobolkaasi.
-
NAIROBI (Xinhua) -- As Kenya continues to record a surge in COVID-19 infections, counties outside the capital Nairobi are emerging as the latest hotspots where the disease is fast spreading. Source: Hiiraan Online
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay taageerro qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta, oo lagu taageeri lahaa mowqifka Masar ee ku aaddan biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile. Qaraarka kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Itoobiya inay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka, illaa inta ay arrintaas heshiis buuxa kala gaareyso dowladaha Masar iyo Sudan oo walaac ka qaba. Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan qaadista ficillo sii xumeyn kara xaaladda, islamarkaana Addis Ababa aysan buuxin biyo-xireenka, ayada oo aanay heshiis la gaarin dalalka uu webiga maro. Qaraarka Jaamacadda Carabta oo ay soo gudbisay Masar islamarkaana ay ansixiyeen wasiirada arrimaha dibedda, marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa waxaa lagu meel-mariyey qaab shir muuqaalka internet-ka ah oo ay codsatay Qaahira. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ku baaqay in saddexda dal ee ay xiisadda webiga ka dhaxeyso ay miiska wada-hadalka ku dhameeyaan khilaafkooda. “Sida aan ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale arrin horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia inay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka, islamarkaana gaaraan heshiis u wada faa’iideynaya Masar, Sudan iyo Ethiopia,” ayuu yiri Cawad. Cawad ayaa ku baaqay in la dhiso guddi ka kooban dalalka Sacuudiga, Cuman, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xal u helo khilaafka ka dhaxeeya saddexda dal. Ethiopia ayaa sheegtay inay bisha July billaabi doonto buuxinta biyo-xireenka. Masar ayaa rumeysan in haddii qaar ka mid ah biyaha Nile loo leexiyo biyo-xireenka ay yareyn doonto biyaha soo gaara, maadaama webiga uu yahay isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda.
-
Dhamaan ilmo farax xayir iyo Qoyskiisa waxay tacsi tiiraanyo ah la wadaagayaan walalahood Saciid Maxamed Xirsi iyo Fa’isa Axmed Faarax oo Gabadhooda Deeqa Saciid Maxamed [...] The post Tacsi Ku socota Saciid Maxamed Xirsi iyo Faisa Axmed Farax oo ku nool USA Geerida ku timid Gabadhooda appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda. Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda. Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan faafinta rasmiga ah.
-
Appeasement has become a dirty word in the lexicon of the English language and all because of its historical connotations. On 30 September 1938, a former British Prime Minister, Neville Chamberlain, Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia has launched a coronavirus antibody test that could help the government better understand the degree of immunity of those people who recovered from COVID-19 infection. Source: Hiiraan Online
-
The headmaster of Eton College has told the BBC he is "appalled" by the racism experienced by the first black person to complete his studies at the prestigious British public school. Source: Hiiraan Online
-
Labada Taliye Midig Cabbaas Amiin Bidix Cabdixamiid Dirir Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku beddelay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidamada Militariga Soomaaliya. Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Taliyaha Badda loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Militariga Soomaaliya. Dikreetada ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabbaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa labada Taliye ee xilalka loo kala beddelay u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo waajibaadka qaran ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo isku beddelay Taliyaashii Ciidamada Dhulka iyo Badda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya inuu fashilmay shirkii uu ku baaqay guddoomiyaha Aqalka Sare ee loo qaban lahaa madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa 12-kii bishan magacaabay guddiga isku keenista madaxda dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada, kaasi oo ka shaqeyn lahaa qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo. Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas uu fashiliyey shirkii uu madaxweynaha go’aansaday inuu isugu yeeray madax goboleedyada. “Warqaddii madaxweynaha ku casuumay madax goboleedyada ayaa meesha ka saartay qorshihii Cabdi Xaashi, madaxweynaha ma dooneyn inuu Aqalka Sare siiyo awood ay ku hagaan waxa uu sameynayo,” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online. Shirkaasi ayaa kulankiisii hordhaca ahaa uu dhacay Isniintii, ayada oo la filayo inuu xigo kulan kale oo weyn. Sidoo kale, maamul gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed aysan ilaa hadda ka jawaabin baaqii Golaha Aqalka Sare ee ku aadanaa qabsoomida shirka khilaafka dowladda iyo maamul gobaleedyada dalka, kadib markii ay Villa Somalia, oo ay ku xiran yihiin ay ka dalbatay inaysan ka hadal. Xukuumadda Soomaaliya ayaan sidoo kale ilaa hadda ka hadlin baaqa guddoonka Aqalka Sare mana jirto wax dadaal ah oo ay wado islamarkaana ku saabsan ka qeybgalka shirkaasi looga hadlayo khilaafka iyo doorashada Soomaaliya. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in ka hor 25-ka bisha uu qabsoomo shirka arimaha doorashada taasi oo ku beegan berri, waxaana muuqata inuu sidaas meesha uga baxay.
-
The Arab League on Tuesday called for the withdrawal of foreign forces in Libya and urged for talks on ending the conflict in the north African country. Source: Hiiraan Online
-
Minnesota representative Ilhan Omar is the first Somali-American member of Congress and the first woman of color to hold elected office in Minnesota. Since winning her seat in 2018, Omar has bucked the Democratic establishment as an outspoken progressive and has been targeted by Donald Trump for publicly denouncing his child-separation policy, his ban on Muslim immigration, and his equivocation on white-supremacist violence in the U.S. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiday in ay taageerto qaraar ka soo baxay Jaamacadda Carabta, kaas lagu xoojinayay mowqifka Masar ee ku aaddan biyo-xireenka ay Itoobiya ka waddo webiga Nile. Qaraarka kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Itoobiya in ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka, illaa inta ay arrintaas heshiis buuxa kala gaareyso dowladaha Masar iyo Sudan oo ka walaacsan. Qaraarka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan qaadista ficillo sii xumeyn kara xaaladda, islamarkaana Addis Ababa aysan buuxin biyo-xireenka inta Heshiis laga gaarayo. Qaraarka Jaamacadda Carabta oo ay soo gudbisay Masar islamarkaana ay ansixiyeen wasiirada arrimaha dibedda, marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa waxaa lagu meel-mariyey shir ku qabsoomay Khadka Video-ga. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ku baaqay in saddexda dal ee ay xiisadda webiga ka dhexayso ay miiska wada-hadalka ku dhameeyaan khilaafkooda. “Sida aan ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia in ay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Cawad. Cawad ayaa ku baaqay in la dhiso guddi ka kooban dalalka Sacuudiga, Cuman, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xal u helo khilaafka ka dhaxeeya saddexda dal. Ethiopia ayaa sheegtay inay bisha July billaabi doonto buuxinta biyo-xireenka. Masar ayaa rumeysan in haddii qaar ka mid ah biyaha Nile loo leexiyo biyo-xireenka ay yareyn doonto biyaha soo gaara, maadaama webiga uu yahay isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya kula safatay Khilaafka Webiga Niilka appeared first on Puntland Post.
-
Cairo (AFP) - The Arab League urged Ethiopia on Tuesday to delay its filling of the Nile mega-dam it is constructing until a comprehensive deal is reached with Egypt and Sudan. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata in dhinac kale u leexisay xifaaltanka siyaasadeed ee kala dhaxeyay Turkiga, xili ay si rasmi ah ugala wareegtay dhex-dhexaadinta wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Mareykanka ayaa gebi ahaanba la wareegay doorkii Turkiga ee wada-hadaladaasi oo uu garwadeen ka ahaa muddo ku siman 8-sanadood. Dowladda Turkiga ayaa wax loolan ah kula galin dar-darta waayihii dambe soo if-baxday ee uu Mareykanku ku rabay inuu ku hanto dhex-dhexaadinta wada-hadaladaasi oo todobaadkii tagay ka furmay dalka Jabuuti. Turkiga ayaa si dad-ban uga baxay wada-hadaladaasi, iyada oo uu ergaygii gaar ahaa ee ay u magacowday wada-hadaladaasi uu dib uga gurtay xilkaasi, iyada oo aan si cad loo ogeyn sababta iyo inay ka wada socdaan madaxda u sareysa dalkiisa. Olgan Bekar, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee Turkiga u qaabilsanaa wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa dhawaan bartiisa twitterka ka tir-tiray xilkaasi uu ku magacowna, iyada oo ay hore ugu xusneed bartiisaasi ka hor fara-gelinta Mareykanka. Sawirkan hoose waxaad ka arki kartaa barta twitterka ee danjiraha oo hore ugu qorneyd shaqada uu ku magacowna iyo kadib markii uu meesha ka masaxay. Dowladda Turkiga ayaa hore door weyn uga qaadatay wada-hadalada labada dhinac, iyada oo garwadeen ka aheydna muddo badan, oo la aaminsan-yahay inay qeyb lixaad leh ka qaadatay isku soo dhoweynta labada dhinac. Mareykanka ayaa xiligan gebi ahaanba la wareegay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo gacan ka helaya dowladda Itoobiya oo iyadu si weyn ugu ololeynaysa midnimo dib u dhalata. Dowladaha Itoobiya iyo Mareykanka ayaa dano gaar ah ka leh wada-hadaladaasi, iyada oo ay u gacan galiyeen marti-gelinteeda dowladda Jabuuti, xili uu dalkeeda ka jiro qalaalase siyaasadeed oo uu horseeday duuliye cadaalo daro baahsan ka tirsanayey xukuumada Geelle. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa dowladda Turkiga inay meesha ka baxdo ka shaqeeyay Madaxda ugu sareysa Somaliland oo iyagu aaminsan in Turkigu uu xulufo dhow la yahay dowladda federaalka, oo uu badanaa ka taageero dhanka Ciidamada. Somaliland ayaa Turkiga u aragta inuu si gaar ah ula tacaamulo dowladda federaalka, isagoo gebi ahaanba wiiqaya madax-banaanida ay ku doodo ee aysan weli u helin aqoonsi caalami ah. Ilaa haddana ma jiro war rasmi ah oo Turkigu ku cadeynayo inuu gebi ahaanba faraha kala baxay wada-hadalada labada dhinac, balse waxa si cad u muuqda heerka uu ka taagan yahay dhex-dhexaadinta iyo sida looga tuuray kaalintiisi.
-
Dowladda Turkiga ayaa War kasoo saartay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Akadeemiyada Tababarka Ciidamada Turksom ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa si kulul loogu Cambaareeyay Qaraxaas Ismiidaaminta uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa islamarkaana uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimash iyo dhaawac. Sidoo kale Turkiga ayaa tacsi u diray qoysaska iyo Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee Turksom ee Magaalada Muqdisho. ”Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Turkiga. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo war ka soo saartay Qaraxii ka dhacay Xerada TURKSOM ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
