Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu sheegay in been abuur lagu sameeyey, lana bedelay xeerarkii dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka ee Guddiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen, islamarkaana Baarlamaanka la hor geeyey mid aan aheyn midkii ay diyaariyeen, ayaa waxaa lasoo bandhigay liiska qodobada laga badalay sharciga. Wax ka beddelka sharci-darrada ah ee la sameeyey ayaa waxaa caddeynaya in nuqulka saxda ah ee maanta uu soo bandhigay Aqalka Sare uu bog kasta leeyahay saddex shabbad oo kala ah Aqalka Sare, Aqalka Hoose, iyo Guddiga Wadajirka ah. Balse nuqulka la been abuuray uusan lahayn. Qodobada wax badalka lagu sameeyey ayaa gaarayo illaa 27 qodob, waxaana meesha laga saaray qodobo la isku ogaa, taasoo uu Guddoomiye Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid aan sharci aheyn. Qodobada la badalay ayaa waxay inta badan u badan yihiin kuraasta Baarlamaanka oo la dhigay meel aan aheyn meshii markii hore la ansixiyey. Waxaa kamid ah qodobada meesha laga saaray in sharcigaan markii uu ansixiyo Baarlamaanka lasoo marsiiyo madaxweynaha, islamarkaana lagu soo saaro digreeto dowladeed. Sidoo kale qodobada meesha laga saaray ayaa waxaa kamid ah Magaca (Somaliland) oo lagu badalay Gobolada Waqooyi Barri. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa wax ka badalka lagu sameeyey sharcigaas ku eedeeyey inay ka dambeeyaan guddoonka Golaha Shacabka inay arrintaas ka dambeeyaan. “Guddoonka Golaha Shacabka waxay qaateen wax aan ku tilmaami karno go’aan siyaasadeed oo sharciyadda ka dilaya nidaamka doorashada Dalka, isla markaana dhaawacaya nidaamka xeer-dejinta Dalka ee ku qeexan Madaxa Aafraad, Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo xeerinaya habraaca xeer dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri. Halkaan hoose ka akhriso qodobadii saxda ahaa iyo kuwii lagu badalay oo is garab yaalo
  2. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa xil ka qaadis ku sameeyey qaar kamid ah golihiisa wasiirada, halka uu kuwa cusub magacaabay. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka. Sidoo kale Maxdaweynaha Koonfur Galbeed ayaa ayaa magacaabay 8 xubnood oo isugu jira Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal. Hoos ka akhriso wareegtada PUNTLAND POST The post Lafta-gareen oo isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cadi Kaariye ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay Afaafka hore ee Madaxtooyada, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada. Madaxweynaha ayaa waxaa saarkiisa ku wehlinaayey, qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada sida wasiirka Dekadaha iyo kalluumaysiga, iyo wasiirka Bey’ada iyo hormarinta reer miyiga, saraakiil ciidan. Madaxweynaha ayaa maalmahaan safarro ku marayey gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana la filayaa inuu gaaro magaalooyinka Cabudwaaq iyo Xeraaro. Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la dooratay waxaa ay tahay safarkii ugu horeysay uu kula bixiyo deegaannada Galmudug, si uu ugu kuurgalo xaalada ka jiro deegaanada Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Somaliland ayaa xabsiga ka siideysay labo gabdhood oo fannaaniin ah, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xirnaa magaalada Hargeysa, waxaana xabsiga la dhigay ka dib markii ay ka laabteen Muqdisho ay ka qaadeen Heeso. Labada fanaan ayaa lagu kala magacaabaa Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali, iayaga warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa u mahadceliyey cid kasta oo ka qeyb qaadatay in markale ay dib u helaan xoriyaddooda . Somaliland ayaa horay xabsiga uga siideysay wariyaal iyo dad magac ku dhex lahaa bulshada, kuwaas oo kamid ahaa Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo muddo u xirnaa, kadib markii ay ku eedeysayey inuu meel uga dhacay qaranka. Siideynta labadaan fannaan ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo dhowaan dib u bilaabashada wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay la isku raacay in la fasaxo isku socodka dadka, ganacsiga, ciyaaraha iyo Fannka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland ayaa markale sare usii kacday kadib markii hadalo xanaf leh ay warbaahinta isku mariyeen madax ka tirsan labada maamul. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa shalay sheegay inay iska difaaci doonaan daan-daansi kasta oo uga yimaada maamulka Puntland, xili ay ka dhex aloosan-tahay xiisad xoogan oo mararka qaar horseeda dagaal dhex-mara ciidamada kala taabacsan labada dhinac. Wasiir Koore ayaa sidoo kale hadalo qalafsan oo aflagaado u muuqday u adeegsaday madaxweynaha Puntland, taasi oo uu ka jawaab celiyay Wasiirka dhigiisa ah ee maamulka Puntland. Cabdilaahi Timacade, Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa isagoo daba socda hadalka Wasiir Koore luuqad adag ugu soo jawaabay xukuumada Muuse Biixi. Wasiir Cabdilaahi Timacade ayaa ku hanjabay inuu dhiig daadan doono, haddii ay Somaliland iskaga bixi weydo dhul xuduudkeeda ay ku muransan yihiin labada dhinac, kaasi oo uu sheegay inuu yahay dhul ka tirsan maamulka Puntland. Wasiirka ayaa Saleebaan Koore ku tilmaamay nin maqaar saar ah oo dhulkiisa uu ku matalo xukuumada Somaliland lagu guumeysto, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Waxaan rabaa inaan u sheego Saleeban in dhulka madaxweyne Deni ka hadlay uu yahay Puntland haddii ay Somaliland iskaaga bixi weydaana uu dhig ku dadaan doono” ayuu yiri Wasiir Cabdilaahi Timacade. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa saka ku arkayey baraha bulshada ceel-biyood laga qoodayey Sool iyo cayn oo u joojiyey wasiirka biyaha maamulkaas una ku tilmaamey sharci daaro, Taasa saleeban ku filaan gumeysiga lagu haayo dadka reer Sool iyo Cayn. Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan iska dhigo tira baaqyo nabadeed oo laga soo saaro xiisada ka dhex aloosan, iyagoona mararka qaar uu labada dhinac dhex-maro dagaal khasaare badan geysta, kuwaasi oo ku saleysan gacan ku haynta deegaanada xuduudka.
  6. Soomaaliya ayaa saacadihii tagay waxaa ay qaadatay labo go’aan oo ku tusinaya isbadalka xiriirka arrimaha dibadda. ee muddo soojiray. Muqdisho waxaa ay kahortimid qodobbo ku jiray qaraarro ka dhan ah Turkiga iyo Itoobiya oo ay wadatay Masar kuwaas oo ku saabsanaa Libya iyo Biyo-xireenka Nile-ka ee Itoobiya. Jaamacadda Carabta waxaa ka soo baxay qaraarro ay Masar garwadeen ka aheyd oo midka hore looga hadlay xaaladda Libya. Qaraarka xoogga lagu saaray xaaladda Libiya, waxaa uu ku taliyey in arrimaha dalkaasi xal siyaasadeed loo raadiyo, lana dhowro madaxbannaanida iyo midnimada Libya isla markaana la diido faragelinta shisheeye. Qaraarkan oo ka koobnaa 14 qodob ayaa la sheegayaa in dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Tunis ay ka horyimaadeen qaar ka mid ah qodobada. Soomaaliya waxaa ay iska diiday qodobada 7-aad, 8-aad iyo 11-aad , qodobbadan ayaa kala ahaa: Qodobka (7aad). In la diidayo faragelinta shisheeye ee Libya. (8aad). In hawgallada military la joojiyo, xal siyaasi ah la gaaro, oo la wadahadalo, qaramada midoobeyna ay hoggaamiso iyo (11-aad). iney Libya ka baxaan calooshood u shaqeysteyaasha, arrintaas ay xil iska saran qaramada midoobey iyo beesha caalamka. Dhanka kale waxaa jiray qaraar kale, oo Masar ay jaamacadda Carabta keentay oo khuseeyey Nile iyo biyo-xireenka ay Itoobiya dhiseyso, sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ka hortimid qodob kale. Qaraar ka soo baxay golaha jaamacadda carabta, kaba koobnaa 9 qodob ayaa lagu sheegay in amniga biyaha ee dalalka Masar iyo Suudaan uu qeyb ka yahay “amniga qaran” ee dalalka Carabta iyada oo Itoobiya looga digay iney bilowdo buuxinta biyo-xireenka. Qaraarkan waxaa isku raacay golaha Carabta oo dhan, laakin dalalka Soomaaliya iyo Djibouti ayaa iska diiday qodobka 5-aad ee qaraarka kaas oo ah Qodobka 5aad: In dalalka ay ka fogaadaan iney qaadaan talaabo hal dhinac ah, oo ay ku jirto in Itoobiya ay ka fogaato buuxinta biyo-xireenka iyada oo aan heshiis la gaarin dalalka uu webiga biyaha ku shubo, arrintaas oo ka horimaaneysa heshiiskii lagu saxiixay Khurtoum March 13, 2015. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Waxaa goordhow mooshin loo gudbiyey Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal. Mooshinkan oo ay saxiixeen 130 oo golaha ah Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah ayaa lagu dalbaday in tirada aqalka sare ku mataleysa Banaadir laga dhigo 13 Senator. Waxaa golaha ka socota dood la xiriirta sidii matalaad loogu heli lahaa gobolka Banaadir taas oo kulmisa dadka oo dhan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo maalmahaan booqasho ku marayay Deegaanada Galmudug ayaa maanta soo gaaray Magalada Cadaado. Waa markii u horaysay oo Madaxweyne [...] The post Qoorqoor oo gaaray Cadaado (Sawiro) appeared first on . Source
  9. Cabasho laga keenay Sida loo maamulay kursi degaan doorashadiisu ahayd Magaalada Kismaayo . Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Cabashada Laga Keenay Kuraasta https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-18.mp4 Source: goobjoog.com
  10. Is-barbardhig: Awoodaha milateri ee Masar iyo Turkiga Is-barbardhig: Awoodaha milateri ee Masar iyo Turkiga Waxaa bilihii lasoo dhaafay isa soo tarayay xiisadda u dhaxeysa labada dal ee ugu awoodda badan bariga dhexe, Masar iyo Turkiga oo kala taageeraya dhinacyada isku haya dagaalka ka socda dalka Libya. Dowladda Turkiga ayaa ciidamo u dirtay dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee fadhigeedu yahay Tripoli, halka dalal Masar ay kamid tahayna ay taageero u muujiyeen Janeraal Khaliifa Xaftar. Madaxaweynaha dalka Masar Cabdicasiis Al-Sisi ayaa maalmo kahor ku gooddiyay inay suurtagal-tahay in dalkiisa uu qaadi doono tallaabo milatari oo lagu taageerayo janeraal Khaliifa Xaftar. Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu madaxweyne Al- Sisi ku sheegay in magaalada Sirte ay Masar u tahay khad cas. Ciidamada dowladda oo uu Turkiga baritaarayo ayaa ku sii siqaya magaalada Sirte iyagoo horayna ula wareegay magaalooyin muhiim u ah Xaftar. Turkiga ayaa sheegay in haddii Xaftar uu doonayo xabad joojin waarta, marka hore laga doonayo in uu isaga baxo magaalada Sirte. Dadka darsa arrimaha Bariga Dhexe ayaa aaminsan in haddii Masar ay ka dhabeyso hanjabaada madaxweyne Sisi, ay taasi horseedeyso in dalalka Masar iyo Turkiga ay isku farasaaraan dagaalka gudaha Libya. Haddaba labada dhanka awoodda milateri halkee kala taagan yihiin? Awoodda milateri ee Masar Masar waxay kamid tahay dalalka ugu awoodda badan bariga dhexe Dalka Masar ayaa qiimeyntii sanadkan lagu sameeyay dalalka ugu awoodda badan caalamka dhanka milateriga waxaa uu ka galay kaalinta 9-aad, halka Turkiga na uu galay kaalinta 11-aad. Dalka Turkiga ayaa sanadkii lasoo dhaafay kaalinta sagaalaad ka galay dalalka ugu awoodda badan dunida, balse haatan waxaa muuqata in uu hoos uga dhacay. Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka Bariga Dhexe, waxaana kaalinta labaad galay dalka Turkiga oo sanadkii hore wargeyska uu ku qiimeeyay in uu yahay dalka ugu awoodda badan gobolkaas. Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global Fire Power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof. Madaxweyne Sisi oo ciidanka kormeeraya Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwaangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba. Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya. Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda Global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316. Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta. Taangiyada dagaalka ee Masar Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso. Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka. Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara. Awoodda milateri ee dalka Turkiga Gantaalada s-400 Dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad gaaraya sideetan milyan oo qof ayaa dadka shaqeeya waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 42 milyan oo qof, waxaana ciidanka dalka Turkiga guud ahaan tiradooda uu wargeyska ku sheegay 735 kun oo askari. Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa jariiradda The Global Fire Power waxay ku qiyaastay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo aksari. Turkiga ayuu GFP sheegay in ay ka mid yihiin tobanka dowladood ee ugu awoodda badan caalamka, waxaana diyaaradaha ciidanka cirka ee Turkiga lagu sheegay 1,067 diyaaradood, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan. Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207. Diyaaradaha xamuulka ee milateriga Turkiga ayaa gaaraya 87 diyaaradood, halka kuwa lagu tababaro ciidamada cirkana ay gaarayaan 289 diyaaradood. Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka ee milateriga Turkiga ayaa tiradoodu dhan tahay 792, waxaana 94 kamid ay yihiin kuwa wax duqeeya ee weerarada loo adeegsado. Sidoo kale Turkiga ayaa dhawaan dalka Ruushka kasoo iibsaday gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaano S-400, kuwaas oo uu farsameeyay Ruushka, si casri ahna loo farsameeyay. Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka. Taangiyada dagaalka ee Turkiga ayaa gaaraya 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur. Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 1,120, 350 oo ah hubka ay Soomaalidu u taqaano BM-ka iyo noocyo kale oo ah madaafiic casri ah, kuwaas oo iskood u dagaal geli kara, tiradoodudana ay gaareyso 1,272. Ciidanka Turkiga Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa toddobadyo kahor daaha ka rogay gujiskii ugu horeeyay ee lagu farsameeyo gudaha wadankaas, waxaana uu sheegay in kuwa kale oo badanna ay ka shaqeynayaan sameyntooda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa leh 34 marakiib oo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaas, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale leh markab loogu magac daray Peninsula of Anatolia, kaas oo ah markab xambaara diyaaradaha dagaalka. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2022 ay si toos ah u hawlgelin doonaan gujiska lagu farsameeyay gudaha Turkiga. Gujiska ayaa awood u yeelan doona in uu hawgallo ka fuliyo meelo fogfog. Qaran News
  11. Feyraska corona oo markale kusoo laba kacleeyay Mareykanka Dr Fauci oo kahor hadlayaa sharci dejiyeyaasha Mareykanka Sarkaalka Dowladda Mareykanka ugu sareeya dhanka cudurada faafa, Dr Anthony Fauci ayaa sharci dajiyeyaasha dalkaas u sheegy in dalka Mareykanka uu haatan markale wajahayo “sare u kac horleh” oo la xiriira feyraska corona, kaas oo laga soo sheegayo qaar kamid ah gobolada Mareykanka. Khubarro caafimmaad oo uu kamid yahay Dr Anthony Fauci, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay noqon doonaan maalma adag oo ay tahay in wax laga qabto faafidda cusub ee xanuunka. Guud ahaan dalka Mareykanka waxaa lagu soo warramayaa in markale ay sare u kaceen tirada kiisaska corona. Khubarradan caafimmaad ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan Madaxweynaha Mareykanka kala hadlin in uu yareeyo tirada dadka laga baarayo xanuunka. Hadalkan ayaa yimid kadib markii madaweyne Trump uu meel fagaara ah ka sheegay in saraakiisha caafimmaadka uu ku amray in aysan baaritaano badan sameynin, si hoos loogu dhigo tirada dadka uu xanuunka ku dhacayo ee maalin walba lasoo sheegayo. “Inta aan ka warqabo, midkeenna looma sheegin in aan hoos u dhigno tirada baaritaanada,” ayuu yiri Dr Fauci, oo ah agaasimaha machadka xanuunka faafa ee Mareykanka oo ka hor hadlayay guddi loo saaray ka sal gaaridda qaabka Dowladda Mareykanka ay uga jawaabtay xanuunka corona. “Dhab ahaantii waa aynu sii kordhin doonaa baaritaanada la xiriira feyraska” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dr Fauci Saraakiisha kale ee ka qeybgalay kullankaas ee katirsan xarunta kahortagga cudurada faafa ayaa sidoo kale ku gacan seyray hadalkii Trump, iyagoona sheegay in marnaba aanan lagu amrin in ay hoos u dhigaan baaritaanada feyraska corona. Brett Giroir, oo ah ku xigeenka xoghayaha wasaaradda caafimmaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay xanuunka ka baaraan 40 iyo 50 milyan oo qof bishii ba. Muxuu Trump ka yiri? Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha ee ku saabsanaa hoos u dhigidda ay ahayd “mid kaftan ah”. Ku dhawaad 2.3 milyan oo Mareykan ah ayuu ku dhacay xanuunka, halka 120 kun oo qofna ay u dhinteen. Waa dalka ugu badan dunida ee dhanka dhimashada feyraska corona. Donald Trump ayaa taageerayaashiisa Arizona u sheegay in uu “hoos u dhacay” dadka uu ku dhacayo xanuunka corona. Arizona oo uu madaxweynaha booqday ayaa isla maalintaas waxaa laga soo warriyay tiradii ugu badneyd ee uu ku dhaco xanuunka. Saraakiisha gobolkaas ayaa sheegay in sideetan boqolkiiba sariiraha isbitaalada haatan la buux dhaafiyay, toddobaadyada soo socdana laga yaabo in aanay xamili karin xaaladda. Dr Fauci ayaa sidoo kale sheegay in dhammaadka sanadkan ay rajeynayaan in uu diyaar noqdo tallaalka feyraska corona. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa loo gudbiyey mooshin xasaasi ah oo ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir. Mooshinka loo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa lagu dalbaday in kuraasta Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir la gaarsiiyo illaa 13 Senator. Mooshinkaan ayaa waxaa saxiixay illa 130 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana guddoomay Gudoomiye Mursal. Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa ku doodayo inay lagama maarmaan tahay in Gobolka Banaadir uu helo saami la mid ah kuwa maamul Goboleedyada maadaama Muqdisho tahay Caasimaddii dalka. Dhawaan ayaa la filayaa in baarlamanka uu cod u qaado mooshinkaan, waxaana jiro olole xooggan oo iska soo horjeedo oo ku saabsan mooshinkaan, waxaana la saadaalinayaa in la ansixin doono maadaama xildhibaanada mooshinka gudbiyey ay wadaan dadaal xooggan. Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay matalaad ku yeelan doona Aqalka Sare ee baarlamanka, sida ay go’aamiyeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Guddigan, oo ka kooban 14 xubnood ayaa go’aamiyey in Gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho 7 xubnood, waxaana ka hor imaaday siyaasiyiinta kasoo jeedo Gobolka Banaadir taasoo keentay in mooshinkaan Maanta la gudbiyo.
  13. Muqdisho (Caasamadda Online) – Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan. Warqadda shaqada looga joojiyey agaaasimihii guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Shalay kasoo baxday xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Wasaaradda. Wasiirka ayaa Agaasimihii guud ee shaqada laga joojiyey ku eedeeyey takri fal awoodeed, wax isdaba marin iyo xagal daacin la xiriirta arrimaha dib u habeynta ciidamada, inkasta oo wax caddeyn ah aanu soo bandhigin. Jihaan Cabdullaahi ayaa la sheegaa inay tahay gabar shaqo wanaagsan oo isbeddel weyn oo wanaagsan ku sameysay howlaha wasaaradda muddadii ay xilka haysan, waxaana shaqo joojinta ay noqotay mid lama filaan ah. Horey waxaa u jiray khilaaf ka dhex-oogan Jihaan iyo xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha, mana cadda in shaqo joojintan ay arrintaas ku lug leedahay iyo in kale.
  14. Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare e Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka horyimid xeerar dhowaan ay meelmariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka isaga oo Sharci darro Ku Tilmaamay Sharciyada Horyaalla Golaha. Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in aysan sax aheyn xeerar badan oo haatan hor yaalla xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka kuwaas oo qaar ka mid ah ay weli ka doodayaan Xeerarkaan oo ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee dhameystirka sharciga Doorashooyinka ayuu ku dooday in nuqulka loo qeybiyey golaha shacabka aanu aheyn midkii ay Guddigu keeneen, sidaa darteedna aysan waxba ka jirin xeerarkaan. Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa faray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in aanay u isticmaali karin doorashada 2020/21 go’aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka. Halkaan ka akhriso Qoraalka Guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka horyimid Xeer ay meel-mariyeen Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) oo ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Degaanka Soomaalida. Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) wuxuu kasoo mid noqday Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, burburkii kadib waxaa uu ka qeybgalay Aasaaskii Ciidamada Puntland isagoo markii danbe noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tacsida la wadaagay ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne Deni ayaa Alle “SWC” uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhamman Ciidamada qalabka sida, eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Daraawiishta Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Waxaa meel dhexe soo gaaray tartankii kubbadda cagta ee lagu xusayay xidigihii hore Gobolka Baay,LLP Jeenyo iyo Xulka Qaranka Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) waxaana ciyaaryahan mudooyinkii la soo dhaafay ay la kulmiyeen laacibiintii hore Soomaaliya Sheekh Maxamuud Caddow oo ka mid ah qaban qaabiyaasha tartanka ayaa Goobjoog u sheegay in aad loogu helay tartankan dhawaan ay bilaawi doonaan ciyaaro lagu oo xusayo halyayadii soo maray Soomaaliya. Xasan Xaaji iyo Daa’uud Axamed Dheere oo aqoon wanaagaan u lahaa mudo badan ay kuwada noolaayeen wadanka Canada laacib Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) ayaa u mahad celiyay qaban qaabiyaasha tartanka,iyagoo sheegay in ay qabteen shaqo wanaagsan oo loo baahnaa. Aadam Maxamed Ibaarhim oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii hore Soomaaliya ayaa isna sheegay in tartankan lagu xusayo laacib Maxamed Aadam Uurey xiisihiisa laga dareemay guud ahaan Sooomaaliya iyo qurbaha,taasina ay qeyb ka tahay horomarka iyo dhallinyarada la xusuusiyo taariikhdii hore. Si kastaba kooxda tartankan ku guulaysta ayaa helidoonta abaal marino qaali ah iyo koobkii loogu tala-galay,iyadoo guddiga baabulka ciyaarahan ay sheegeyn in ay xusidoonaan shaqsiyaadkii caanka ahaa ee ka baxay guud ahaan isboortiga Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Kulan Ciyaareed Ka Mid Ah Tartanka Lagu Xusay Laacib Uurey Source: goobjoog.com
  17. Soomaaliya & Jabuuti oo diiday Qaraar Masar Walwaaleysay oo ka dhan ah Itoobiya Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xiligan xiriir dhaw la leh dowlada Itoobiya ayaa diiday in ay ansxiyaan qaraar lagu taageerayay Dowlada Masar oo kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira. Jaamacada Carabta Qaraarka kasoo baxay ayaa ku baaqay in dowlada Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee ka sameysay Webiga Nile, inta ay kala heshiineyso dowladaha Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda biyo xireenkan. Qaraarkan waxaa Jaamacada Carabta u gudbisay dowlada Masar, waxaana ansxiyay dhamaan Wasiirada arimaha dibadad wadamada xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta marka laga reebo Wasiirada Soomaaliya iyo Jabuuti. Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise ma sheegin sababta ay Soomaaliya u diiday in ay taageerto qaraarkan, waxa uuna Wasiirka horey u sheegay in dowlada mowqif dhax dhaxaadnimo ah ka qaadatay muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya Wasiir Cawad oo qaab muuqaal online ah hadal uga jeediyay kulanka Jaamacada Carabta, ayaa ugu baaqay dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan inay qaab wada-hadal ah oo faa’iido u wada ah, ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya. Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan ayaa ku guul dareestay in ay heshiisa ka gaaraan xiisada ka dhalatay biyo xireenka itoobiya ku sameeneyso Wabiga Niil, waxaana lagu kala kacay shirar dhoor ah oo sadaxda wadan isugu yimaadeen. Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xireenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto dalka Sudan, xitaa hadii aan heshiis laga gaarin khilaafka jira. Masar, oo webiga Nile u yahay isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool, ayaa diidan in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis laga gaarin. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaca ka qaaday in nuqulka afarta xeer ee dhameystirka doorashooyinka ee la horgeeyey golaha shacabka uusan ahayn kii lagu heshiiyey ee loo soo gudbiyey guddoonka labada Aqal. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in nuqulo been abuur ah oo ku saabsan xeerarka uu soo diyaariyey guddiga loo qebiyey xildhibaanada golaha shacabka. “Waxaa dhacday in dukumiinti ka duwan nuqulkii loo soo gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee BFS ee la xiriira afartii xeer ee ay soo diyaareen Guddiga Wada-jirka ahaa loo qaybiyay mudaneyaasha Golaha Shacabka 17 June 2020, ka doodistiisana ay haatan ka socoto Golaha Shacabka, laguna baahiyay warbaahinta Dalka,” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Cabdi Xaashi ayaa sheegaty in nuqulkii rasmiga ahaa lagu sameeyay ku-takrifal sharci-darro ah, oo aad u baaxad weyn, wuxuuna ku eedeeyey guddoonka Golaha Shacabka inay arrintaas ka dambeeyaan. “Guddoonka Golaha Shacabka waxay qaateen wax aan ku tilmaami karno go’aan siyaasadeed oo sharciyadda ka dilaya nidaamka doorashada Dalka, isla markaana dhaawacaya nidaamka xeer-dejinta Dalka ee ku qeexan Madaxa Aafraad, Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo xeerinaya habraaca xeer dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoonka aqalka sare uu ka digayo cawaaqib xumo ka dhalan karo arrintan, isaga oo dalbadan in si deg deg ah loo joojiyo ka doodista xeerkan. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday guddoonka golaha shacabka inuu si deg-deg ah ugu laabto nuquladii saxda ah ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee labada aqal. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdi Xaashi. Si aad u aragto nuqulka saxda ah ee Cabdi Xaashi soo bandhigay, Halkan dhag sii.
  19. Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ugu yaboohay deeq lacageed oo dhan 55 Milyan oo dollar oo wax looga qaban la talaacidda Covid-19, laguna taageeri doono siyaasadaha dhiirrigelinta ganacsiga gaarka ah isla markaana miisaaniyadda lagu kabayo. Lacagtan ayaa kamid ah deeqaha caalmka bankiga uu siiyo, si wax looga taageero dhaqaalaha dalka iyo siyaasadaha dib u habeynta si loo sameeyo siyaasasado lagu dhiirigelinayo ganacsiga gaarka ah. Lacagta uu Bangiga uu ansixiyey ayaa loogu talo galay in wax looga qabto xaalada caafimaadka ee ku aaddan xanuunka COVID-19, oo Soomaaliya ay kamid tahay goobaha uu saameeyey ku yeeshay wadamada Afrika. Halkan Ka Daawo Bankiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay 55 Milyan Oo Dolar https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-maaliyadda.mp4 Goobjoog Business Source: goobjoog.com
  20. In recent months negotiations have stalled and there has been an escalation of tensions on the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) that impacts, Ethiopia, Egypt, and Sudan. The Congressional Black Caucus (CBC) encourages the continued cooperation and peaceful negotiations of all stakeholders in the construction of the GERD. These negotiations should be based on mutual benefit, good faith, and the principles of international law. The multi-billion-dollar GERD project was announced in 2011, and will have a positive impact in the region by providing Africa’s biggest hydropower dam that will generate approximately 6,000 megawatts of electricity, thus allowing Ethiopia to export power to neighboring countries. The Congressional Black Caucus urges the United States and all other international actors to respect the 2015 Declaration of Principles trilateral agreement signed between Egypt, Sudan, and Ethiopia, and to continue to play an impartial role, only seeking the counsel of the African Union and diplomats on the ground in the region. In particular, the African Union has a pivotal role to play by expressing to all parties that a peaceful negotiated deal benefits all and not just some on the continent. The GERD project directly affects the flow of water, the supply of energy, and the food security of Egypt, Ethiopia, and Sudan. Recently, the region’s agriculture sector has suffered due to abnormal precipitation droughts. With Egypt’s rapidly growing population nearing 100 million, the GERD will help improve water supply and take pressure off the Nile river, which supplies an overwhelming majority of the country’s fresh water. In Ethiopia, the country is currently facing a drought that is expected to directly impact nearly 20 percent of its population combined with a locust outbreak that has eaten more than 80,000 acres of crops in recent months. In Sudan, the GERD dam will contribute to the country’s water regulation and sediment reduction, and expand agricultural projects, increase hydropower production, and provide flood control. The GERD project will have a positive impact on all countries involved and will help combat food security and lack of electricity and power, supply more fresh water to more people, and stabilize and grow the economies in the region. The Congressional Black Caucus supports a peaceful negotiation to the implementation of the GERD project, and stands ready to support the African Union and all stakeholders on peacefully achieving a mutually beneficial agreement. Source: Congressional Black Caucus The post Congressional Black Caucus Statement on the Ethiopian Renaissance Dam appeared first on Puntland Post.
  21. Bangiga Aduunka oo Ansixiyey in 55 malyuun oo dollar la siiyo Somalia Bangiga Aduunka ayaa ansixiyay in dowlada Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 55 milyan Dollar oo Caawimaad , lacagtan ayaana loogu talagalay kabka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag. Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Lacagtaan Deeqda ah Soomaaliya ku mutaystay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee ay ku talaabsatay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay. Xukuumada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay, waxa ayna taasi sahasahy in Soomaaliya loo ogolaado in la siiyo lacago cusub. Qaran News