-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta 1-aad ee Ciidul-Fidriga ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka Covid-19. Ugu horreyn Khayre ayaa sheegay inuu si ballaaran ugu mahadcelinayo dhaqaatiirta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa safka hore uga jira la-dagaalanka Coronavirus. “Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa maalinta ciidda ah. waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed hortooda uga mahad celiyo dadka Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin taagnaa sida dhibaatadu usoo billaabatay. Waxaa ugu horrreeya wasaaradda caafimaadka iyo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee u taagnaa inay dad Sooomaaliyeed badbaadiyaan, aan arkin qoysaskooda aan arkin caruurtooda, ee go’aansaday inay safka hore ka galaan dagaal lamid ah dagaalka xabbadda la’isu dhigo.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda, waxaan leeyahay mahad iyo sharaf ayaad ummadda Soomaaliyeed usoo jiideen. Abaal ayaa ummadda Soomaaliyeed idiin heysaa horumar ayaad gaarteen inta idiin dhimanna waxaan leeyahay dhammeystira”. Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay guryahooda ku Ciidaan, si looga hortago inuu sii fido cudurka saf-marka ah ee Coronavirus Ugu dambeyn wuxuu shacabka xasuusiyey inay feejignaan dheeri ah la yimaadaan, islamarkaana ku dhaqmaan talooyinka caafimaad, qofkii awoodana uu gurigiisa ku Ciideysto.
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay khilaaf weli socda ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, kaasi oo ay ku qeexday mid aan la aqbali karin. Sii-hayaha ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee QM, Cherith Norman Chalet ayaa kulankii Golaha Ammaanka ee arrimaha Soomaaliya ka sheegtay inay arrin walaac leh tahay in madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada aysan muddo kulmin, si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka. Waxay ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu deg deg u qabto kulan uu la yeelanayo madax goboleedyada. “Waxaan ku boorineynaa madaxweyne Farmaajo inuu ku baaqo kulankii Golaha Amniga Qaranka, sida uu qabo dastuurka, sida ugu dhaqsiyaha badan si looga wada-hadlo qorsheynta doorashooyinka, wada-shaqeynta amniga, iyo ahmiyadaha qaranka ee deg degga ah,” waxaa sidaas tiri danjire Chalet. Waxay sidoo kale walaac ka muujisay in ciidamada xoogga dalka loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah. “Waxaan sidoo kale walaacsannahay in kheyraadkii amni ee loo baahnaa in lagula dagaalamo Al-Shabaab si qaldan loogu adeegsanayo xifaaltan siyaasadeed oo ka socda gobollo qaar ah,” ayey tiri danjire Chalet. Danjiraha ayaa dhanka kale sheegtay in dowladda federaalka ay ku guul-darreysaneyso fulinta jadwalkii doorashooyinka qaranka. “Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada ay Soomaaliya weli waddo ee ay ku qabaneyso doorashooyinka la qorsheeyey dhammaadka sanadkan, hase yeeshee waxaan ka walaacsanahay inay ka dib dhaceyso jadwalka,” ayey tiri.
-
Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Xalay ku dhawaaqay in Ramadaan ay ugu dambeysay Jamcadii, Sabtidana ay Ciid tahay kadib Markii Deegaanadaas laga Arkay Bishii. Soomaalida Nairobi [...] The post Caalamka oo idil Soomaaliya qura ayaa laga Ciidey appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-23052020-ok.mp3 View the full article
-
Sawir hore: Talaada 4-June 2019 Amarkii ka soo baxay xukuumadda Puntland ee lagu joojiyay jimaacada Salaadda Ciidda ayaa maanta oo Sabtiya ka dhaqan-galay degaannada Puntland kadib markii xalay guud ahaan Soomaaliya looga dhawaaqay Ciidda Soonfur. Dadweynaha ayaa guryahooda si keli keli ah ugu tukanaya waxaana sidoo kale aad u xaddidan damaashaadka iyo isu soo baxyada shacbiga ee lagu muujinayo Farxadda Ciidda si ka duwan wakhtiyadii hore maadamaa taxaddar laga muujinayo faafidda xanuunka COVID-19. Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa gebi ahaanba saaka maran fagaarayaashii lagu oogi jiray Salaadda Ciidda iyadoo masaajiddana ay ku jiraan dad tiro ahaan kooban kuwaas halkaa ku oogaya salaadda Ciidda. Balse waxaa ciriiri xooggan ka jiraa suuqyada magaalada oo dad badani ka dukaamaysanayaan islamarkaana aysan ka muuqan wax isbedel buuran ah marka loo eego ciidihii tan ka horreeyay iyadoo weli laga digayo faafidda xanuunka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Puntland: Saamaynta Xanuunka COVID-19 ku yeeshay Damaashaadka Ciidda appeared first on Puntland Post.
-
GNA forces take town of Asaba, which lies on route to Tarhouna, LNA's biggest remaining stronghold in northwest Libya Source: Hiiraan Online
-
The Ethiopian Communications Authority (ECA) on Thursday said it has invited expressions of interests for two telecom licenses. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa waxaa kusoo baxay fadeexad la xiriirta hub laga iibiyey dalalka Sacuudiga iyo Mareykanka, xilli uu diiday congress-ka Mareykanka, balse loo sameeyey qiil aan jirin. Baaris uu wado dambi baaraha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Marykanka oo ku saabsan haddii maamulka Trump uu si sharci darro ah ugu dhawaaqay xaalad “deg deg ah” si u hareer maro mamnuucistii Congress-ka ee in ah hub laga iibiyo Sacuudga iyo Imaaraadka ayaa waxa ay hadda iska cabin kala kulmeeysaa Aqalka Cad. Isaga oo isku dayaya in baarista uu carqaladeeyo, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mike Pompeo axa uu diiday codsi wareysi ah oo uga yimid baareyaasha, waxaana taas beddelkeeda uu dalbaday in uu ka jawaabo su’aalo qoraal ah oo uga yimaada baareyaasha la shaqaynaya dambi baaraha guud Steve A Linick. Linick waxaa eryay Madaxweyne Trump todobaadkii lasoo dhaafay. Waxaa lagu eedeeyay in uu baarayo go’aankii Madaxweynaha ee ku dhawaaqista xaalad deg deg ah oo la xiriirta amniga qaranka, si uu cudurdaar ugu sameeyo in hub dhan $8.1 billion uu u dhoofiyo Sacuudiga. Jariidadda New York Times ayaa warisay in xilliga la eryay Linick iyo diidmada Pompeo ee wareysiga ay muujinayaan in xoghayaha arrimaha dibadda ka warqabay baaritaanka, islamarkaana uu ogaa su’aalaha ku jira ee ku saabsan hubkii laga iibiyay dalalka Khaliijka. Aqalka cad waxaa lagu eedeeyay in uu wax qarinayo. “Waxaa jiri kara in sabab kale loo eryay Linick. Xafiiskiisu waxa uu codsigeyga ku baarayay ku dhawaaqistii xaaladda deg-degga ah ee Trump, si uu hub ugu diro Sacuudiga,” ayuu yiri Eliot Engel oo ah dimoqraadi ka tirsan Congress-ka. “Sawir buuxa ilaa hadda kama hayno, waa wax xun in xoghaye Pompeo uu doonayay in Linick la eryo ka hor inta uusan shaqadiisa dhameysan.” Kilaafka u dhaxeeya Congress-ka iyo Aqalka Cad waxaa uu soo billowday sanadkii lasoo dhaafay. Sharci dejiyeyaashu waxa ay ka careysan yihiin dhimashada badan ee shacabka ee ka dhalatay dagaalka cirka ah ee Sacuudigu uu ka wado Yemen iyo sidoo kale xad gudubyadda xuquuqda aadanaha ee oo ay ka mid tahay dilkii Jamal Khashoggi. Congress-ku waxay ku guul dareysteen in ay hor istaagaan qalabkii militari ee sanadkii lasoo dhaafay laga iibiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ah labada dal ee dagaalka iyo xasuuqa ka wada Yemen. Trump waxaa uu diiday in uu u hogaansamo wicitaankooda waxaana uu iska indho tiray walaacooda. “Iibinta hubku waxaa ay taageeri doontaa xulafadeena, waxayna horumarin doontaa xasiloonida Bariga Dhexe. Wuxuuna dalalkas ka caawinayaa in ay iska difacaan Jamhuuriyadda Iran,” ayuu yiri Pompeo. Talaabada hubka looga iibiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay cambareeyay labada xisbi, xildhibaanadu waxay si cad u diideen sida qorshaha loo sameeyay; waxay talaabadaasi wadada u xaartay in madaxweyneyaasha mustaqbalku ay awoodooda ku xadgudban iyagoo baal maraya walaaca Congress-ka. Pompeo ayaa hadda wajahaya baaritaan ka imanaya congress-ka oo la xiriira arrintan.
-
Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has extended his warm and best wishes to the people of Somalia on the occasion of Eid al-Fitr. Mr. Mohamed also congratulated Muslims in Somalia upon completion of the holy month of Ramadan. The president who commended the act of supporting the needy people urged the public to use the occasion to forgive and help each other. “These holy days are important days for our religion and culture. Today is the day when our people extend support and comfort one another and pray to God for happiness, prosperity and good for all,” the president said. President Farmajo has also commended the Somali people for the patience they observed during the the month of Ramadhan as the government imposed lock-down to stem the spread of coronavirus which has wreaked havoc in the country. The president has also thanked the government troops who ensured Somali people had peace and tranquility during the holy month of Ramadan, across the country, especially in the capital city of Mogadishu.
-
Sacuudiga,Kuwait,UAE,Qatar,Malaysiya,Turkey, Bahrain,Jordan,Egypt,Indonesia,Libya.lubnaan,Suuriya & Dalal kale oo muslimiina oo shaaciyey inay ciidayaan Axadda 24-ka May 2020 Mas’uuliyiinta Sacuudiga,Kuwait,UAE,Qatar,Malaysiya,Bahrain,Turkey, Jordan,Egypt,Indonesia Libya,lubnaan,suuriya & dalal kale oo Islaami ah ayaa ku dhowaaqay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga. Dalka Sacuudiga, dadaal dheer oo loo galay in bisha Shawaal la arko caawa ayaan la guuleysan, waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in 30-ka Ramadan la dhameystirayo maalinta Sabtida ah. Sidoo kale, xarumaha Saadaasha Hawada ee dalalka Indonesia iyo Malaysia ayaa si rasmi ah u sheegay inaysan helin bisha taas oo macnaheedu yahay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga. Sidoo kale, warbixino laga helay Turkiga ayaa sheegaya inaan bisha laga arag, islamarkaana lagu dhowaaqay in maalinta koowaad ee Ciidda ay tahay Axadda, 24-ka May. Guddiga Aragga Bisha ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dalka Qatar ayaa Iyana sheegay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidda, kadib markii caawa la waayey bisha. Qaran News
-
Hambalyada Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland Ee Munaasibadda Ciidul-fidriga- 23/05/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1441-naad. Waxaanu Madaxweynuhu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay inooga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhibbana dhibta Alle ka dulqaado, xanuunkan aduunka sameeyey ee karoona-fayris-na innaga dulqaado culayskiisa. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ee ay ku jireen, nimcadana khayrkeeda inna siiyo, nabad iyo caano, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aana Ilaahay inaga yeelo, Ilaahay idankiina bishan bisheeda aynu ku gaadhno innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna. Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacaladeeda. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
Pakistan jet with 98 aboard crashes in crowded neighborhood
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
KARACHI, Pakistan (AP) — A jetliner carrying 98 people crashed Friday in a crowded neighborhood near the airport in Pakistan’s port city of Karachi after an apparent engine failure during landing. Officials Source: Hiiraan Online -
Wasiirka Cadaalada Cawil Xaamuud ayaa caawa goor dambe(Jamce) wuxuu ku dhawaaqay in ay Ciid tahay Sabtida. Kadib markii Jubbaland ay ku dhawaaqday in bishii la [...] The post Puntland oo Iyana ku dhawaaqday in Sabtida ay Ciid tahay appeared first on . Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga awgeed, wuxuuna Alle uga baryey inuu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu dulqaateen bandawgii lagu soo rogay dalka ee lagu ilaalinayey badqabka caafimaad ee dadka Soomaaliyeee, gaar ahaan Bisha Ramadaan oo caadi ahaan uu kordho culeyska nololeed. “Waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno la shaqaynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshadeenna.” ayaa yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabadda Ciiddan waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay ciidamada galabka sida ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ku bogaadiyey in ay dardar geliyeen amniga iyo nabadgelyada intii lagu guda jiray bisha barakaysan. “Ciidamadeenna geesiyaasha ah waxa ay xaqiijiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo xasillooni ku gutaan cibaadada iyo acmaashii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, guud ahaan dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo sanaddo badan kaddib ay shacabkeennu ku soomeen kuna afureen nabad.” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaaliua ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in farxadda Ciidul Fidriga awgeed uu qof kasta gacan ka geysto farxad gelinta dadka tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dadka Soomaaliyeed munaasabada Ciidul Fidriga appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in beri oo sabti ah ay Tahay Maalinta Ciida. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed u [...] The post Madaxweyne Farmaajo “Ciid wanaagsan” appeared first on . Source
-
Xili Caalamka Islaamka la isku raacay in Sabtida ay tahay maalin Soon ayaa Shekh Maxamed Cabdi “Sheikh umul” oo kamida Culumada igu Caansan Gayiga Soomaaliya [...] The post Sheikh Umul oo shaaciyey in Sabtida ay Ciid tahay appeared first on . Source
-
Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday in berri ay tahay ciid
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa goor dhow shaacisay in Sabtida 23-ka May ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitri, kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay Soomaaliya Wasiirka Awqaafta iyo Arirmaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xuseen, oo ay wehliyaan culumo uu ka yimid Sheekh Cali Wajiis, ayaa warbaahinta dowladda ka sheegay in deegaano badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya laga arkay bisha. Waxay sheegeen in ugu yaraan 8 qof la dhaariyey islamarkaana ay xaqiijiyeen inay bisha arkeen, ayaga oo jooga deegaano kala duwan. Sidoo kale, ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Soomaalida ugu hambalyeeyey ciidda, isaga oo muuqaal soo dhigay warbaahinta dowladda. Go’aanka dowladda ayaa yimid saacado kadib markii ay shaacisay in bisha la waayey sidaas darteedna ay ciidda tahay Axad, hase yeeshee waxaa kadib aad isu soo taray warka ah in bisha laga arkay meelo badan. Ku dhowaaqisay aragtida bisha ayaa waxaa ku horreeyey maamulka Jubaland iyo Al-Shabaab oo si kala gooni gooni ah u shaaciyey in bisha laga arkay deegaano badan, sidaas darteedna ay ciidu tahay Sabti. Bahda Caasimada Online oo isku duuban waxay idin leeyihiin ciid wanaagsan. -
Wasarada Diinta ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqdey in Sabtida ay ciid tahay, kadib markii ay sheegeen in la arkay Bishii. Mashidyada waxaa Salaadii Cishe la [...] The post Jubbaland oo Sabtida laga ciidayo appeared first on . Source
-
Prof. Ahmed Ismail Samatar, called for a hearing of youth – more than a hundred issued this week. Prof. Samatar sent an e-mail to a large number of people, including an image of the teenager, in English, saying: “A special day is one of the best times to do it. celebration and a wise critique of the past, present and future. This is even more important for the community who are genuinely concerned about the state of public awareness and how central institutions are functioning. These are some of the most inspiring voices for Somaliland youth. I considered it valuable to have a hearing to consider looga reasonable concern. “ Qaran News