-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (PP News Desk) — As the power struggle between Puntland President Said A. Deni and his Vice President Ahmed Elmi continues, members of Puntland civil society are calling for a solution to the constitutional crisis. The Chairman of Puntland Non-state Actors Association Faysal Ahmed Warsame has briefed the media on a meeting civil society members had with Puntland President and Vice President. “The President of Puntland State and Vice President are committed to ending the political deadlock” PUNSAA statement reads. Faysal said political differences between the President and Vice President “are of adminstrative nature but not personal”. He urged people to refrain from exaggerating the constitutional crisis that has brought Puntland institutions to standstill. “Inflammatory remarks that damage cohesion must be avoided” Faysal said. Yesterday Puntland State TV broadcast a meeting of elders in Taleh in which they voiced a support for the controversial Puntland cabinet reshuffles by President Deni. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND NON-STATE ACTORS ISSUE A STATEMENT ON THE POLITICAL DEADLOCK appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi dheer bixiyey ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/21-ka. Ugu horreyn Senator Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey in doorashada baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha lagu qaban doono waqtiga saxda ah ee loo qorsheeyey. Sidoo kale wuxuux tilmaamay in aysan doorashada soo socota saameyn doonin dib u dhigista lagu sameeyey furitaanka kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka iyo sidoo kale warbixinta la filayey in laga dhageysto guddiga doorashooyinka oo iyana dib loo dhigay. Guddoomiyaha golaha aqalka sare ayaa xusay in dalka ay ka jiraan duruufi is-biirsaday oo ugu daran tahay tan cudurka faafa ee Covid-19, islamarkaana taasi ay saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii baarlamaanka federaalka, sida uu hadalka u dhigay. Cabdi Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in mudada kooban ee u harsan ay ku dardar-gelin doonaan howlaha horyaalla, islamarkaana ay gudan doonaan waajibaadka saaran. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo beesha caalamka & xubnaha mucaaradka ay walaac ka muujiyanayaan diyaar-garow la’aanta dowladda federaalka ee doorashada 2020-2021-ka, iyagoona ka digay in muddo kororsi loo sameeyo ha’adaha dastuuriga ah.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo ka hadlayay doorashada la filayo in sanadka soo aaddan ay dalka ka dhacdo ayaa waxa uu ka digay in dib loo dhigo doorashada qaranka. Guddoomiye Sheekh Shariif ayaa carabka ku adkeeyay inay ka digayaan wax kasta iyo si kasta oo dib loogu dhigi karo doorashada dalka waxa uuna madaxda dalka iyaganae uga digay inay kordhistaan muddo xil heyntooda “Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka”. Dhanka kale madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in baarlamaaka Soomaaliya uu muddo bil ah dib u dhigo hadal jeedinta guddigga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo iyagu 27-06-2020 hor tagi doono mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah. “Waxaan aad uga xumahay in hoggaanka baarlamanka uu muddo bil ah dib u dhigay hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku muddeysneyd 27-ka May” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran. Shariif Sheekh Axmed ayaa tallabadaas muddada bisha ah dib loogu dhigay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxa uu ku tilmaamay inay tahay mid baalmarsan dastuurka ku meel gaarka ah ee u yaal dalka iyo sharciga doorashada ee la meel mariyay “Taallabadaas waxay xadgudub ku tahay Dastuurka KMG iyo Sharciga Doorashada Qaranka ee dhawaan la ansixiyey” wuxuu intaas ku daray in wixii ka dhasha arrintaas ay masuuliyadeeda qaadanayaan madaxda dalka. Ugu dambeyn dowladda Farmaajo ayuu ku eedeeyay inay ku fashilantay masuuliyaddii loo dooraty oo ay ugu horeysay inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah “Dowladdan waxay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah. 25-kii bishan guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya ayaa go’aamiyey in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka ah uu furmo 06-06-2020 halka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qarankana ay xildhibaanada hortagi doonaan 27-06-2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa ka hadlay saamaynta uu xanuunka koronuhu ku yeeshay dalka iyo danaha dadweynaha, waxaanu xusay in Xukuumad ahaan mar walba diyaar u yihiin badbaadinta ummadda. Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Koronuhu Adduunkii buu kala xidhay, oo uu kala xayiray, ee dadkeena waxaa looga baahan yahay inuu qof walba iskii isku xilqaamo, oo uu ku dadaalo inuu naftiisa iyo dadka kaleba uu badbaadiyo, qof kasta oo iska shakiya, waxaa looga baahan yahay inuu is baadho, oo uu goobaha caafimaad la soo xidhiidho, maxaa yeelay haddii uu iska shakiyo, isla-markaana uu qarsado xanuunka khatar buu galinayaa dadka”. Mar uu ka hadlayey Xukuumad ahaan iyo doorkeeda ku waajahan badbaadinta ummadda ayaa yidhi “Dawladdu waxay diyaar u tahay inay qaado talaabo kasta oo ay kaga hor tagayso faafidda xanuunka koronaha iyo inay badbaadiso dadkeeda, sidaas darteed ayey u dhiirigelinaysaa inay dadku aad u kala fogadaan, waana sababta xitaa keentay inay Shirarka Dawladda si casriya loo qabto, si ay Dawladdu u tusto dadkeeda inay diyaar u tahay inay hormood ka tahay badbaadintooda, markaas dadku aad ha isku ilaaliyaan, oo aad u kala fogadaan, oo ha la qaato wacyigelinta Dawladdu waddo, oo Dadku yaanay ka baqin shaybaadhka ee ha is baadhaan, oo ha badbaadiyaan dadkooda” Source
-
Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa faahfaahin ka bixisay kulamo ay la qaateen Madaxweyen Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, si loo xalliyo Khilaafka labada mas’uul. PUNSAA ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka labaduba ay u xaqiijiyeen, in ay ka go’antahay Xallinta Khilaafka Maamul ee dhexdooda ka aloosan. PUNSAA ayaa soo saartay baaq ka kooban saddex Qodob oo ku wajahan Shacabka Puntland, si looga fogaado buun-buuninta Khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, loona ilaaliyo Midnimada iyo Wadajirka Puntland. PUNSAA, waxay sheegtay in isfaham-waaga Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku, uu yahay mid Maamul, balse uusan ahayn mid Shakhsi iyo mid khuseeya Hormarka iyo wada-shaqaynta Puntland. Dalladda ayaa sidoo kale Shacabka Puntland ugu baaqday, in la joojiyo buun-buuninta iyo hadallada Xanafta leh oo khatarta gelin kara Dowladnimada iyo Wadajirka Dadweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post PUNSAA oo war ka soo saartay Khilaafka Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa Karaash appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Nairobi)-Mid ka mid ah xarumaha cilmibaarista caafimaadka ee ugu waaweyn dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gacan ka geysaneyso tijaabada tallaalka cusub ee ay Jaamacadda Oxford usoo saartay cudurka Covid-19. Magaalada Kilifi ee ku taalla gobolka Xeebta ee waddanka Kenya ayaa laga billaabi doonaa howlaha tijaabada tallaalka. Mas’uuliyiinta xaruntan oo lagu magacaabo Kemri-Wellcome trust ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan diiwaan galinta 400 oo shaqaale caafimaad ah oo la filayo inay isu xilqaamaan ka qeyb qaadashada tijaabada. Howshan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaalka loogu jiro waxa loogu yeeray “tallaal dadka oo dhan anfaca”. Guud ahaan dunida waxaa ka socda tartan ay cilmibaareyaasha iyo seynisyahannada ugu jiraan sidii dawo loogu heli lahaa cudurka safmarka ah ee faraha ba’an ku haya caalamka, ee Covid-19. Source
-
Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo xalay ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed sida laga soo xigtay maamulka degmada uu shilku ka dhacay. Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari nuuca xamuulka qaada ah kana yimid dhinaca isgoyska Bakaaraha uu soo fariin goostay isaga oo uu ku yimid kaalin shidaal ka dibna waxa uu cagta sii marshay gaadiidka bajaajka loo yaqaan oo tubnaa isgoyska Howlwadaag ee gobalka Banaadir. Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre oo gaaray halka ay mashaqadu ka dhacday ayaa wariyayaasha u sheegay in in ka badan 10 ruux ay shilkaasi ku geeriyoodeen halka tira kalane ay ku dhaawacmeen, waxaana sidoo kale guddoomiyaha uu sheegay in gaariga shilka geystay uusan wadin darawal balse uu waday caawiyaha darwalka. Waxaa halkaasi laga soo saaray dad uu dul maray gaariga dhibka geystay waxaana sidoo kale la soo warinayaa in tirade dhimashada ay intaas ka badan tahay maadaama ay jiraan dad geeriyooday intii loo sii waday cisbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Shilalka mararka qaar ka dhaca caasimadda dal ayaa waxaa loo aaneeyaa darawallada qaar oo aan lahayn khibrad ku filan iyo gaadiidka sida xawliga ah loo saaro shixnadaha kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan hore, Cabdi Barre Jibriil oo ka tirsanaa baarlamaankii 9-aad ee dalka ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Cabdi Barre ayaa sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada ay qaadi doonaan mas’uuliyadeeda guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay dib u dhigeen furitaanka Kalfdhiga 7-aad ee labada aqal ee baarlamaanka iyo sidoo kale hortagistii guddiga doorashooyinka qaranka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Jib.mp3 View the full article
-
Health officials in Masindi district are hunting for two Somali nationals who escaped from Masindi hospital Covid-19 quarantine centre. Source: Hiiraan Online
-
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) iyo Dalladda Xarumaha Warbaahinta ee SIMHA waxay si weyn uga walwalsan yihiin isticmaalka telefoonka gaarka ah ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go’doomin ah tan iyo 7dii Maarso. Maalinimadii Axaddii 24ka May, 2020, abbaare 3:06p.m ayaa telefoonka wariye Abuuja lagu diiwaangaliyay aaladda wada-xiriirka bulshada ee IMO, iyadoo farriimo sheegaya in wariye Abuuja uu khadka internetka isticmaalayo loo diray dad ka mid ah qoyskiisa. Markii xubno ka mid ah qoyska ay dib u weceenna lagama jawaabin wicitaankooda. Wariye Maxamed Abuuja waxaa markii ugu horreysay xiray saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka (NISA) 29kii Febraayo 2020 kaddib markuu daabacay qormo uu ku dhaliilay ciidamada ammaanka. Waxaa la siidaayey 2da Maarso 2020 isagoo wax dembi ah aanan lagu oogin. Markale ayey saraakiil NISA xireen 7dii Maarso, 2020, waxaana tan iyo xilligaas lagu hayey xabsi go’doomin ah oo aan la ogeyn halka uu ku yaallo. Loomana oggolaanin inuu helo qareen iyo in qoyskiisu arkaan illaa waqtigan. Sida uu xaqiijiyay Cabduwahaab Nuur Mahdi, oo ah wariyaha aabihiis, waxaa wariyaha laga qaatay telefoonkiisa maalinkii la xiray. Sidoo kale saraakiil NISA ka tirsan ayaa booqday guriga wariye Abuuja iyagoo kasoo qaatay kombuyuutarkiisa gaarka ah. Annagoo ka walaacsan in xuquuqdiisa xafidnaanta xogtiisa gaarka ah lagu xadgudbay, ayaan sidoo kale waxaan si weyn uga walwalsanahay ujeeddada ka dambeysa falkan lagu isticmaalayo telefoonka wariye Abuuja. Waxaan rumeysanahay in wariye Abuuja uusan xor ahayn sidaa darteedna ma isticmaali karo telefoonkiisa. Ururrada SJS, SOMA iyo SIMHA waxay dalbanayaan in deg deg loo sii daayo wariye Abuuja ama loo oggolaado maxkamad caddaalad ah iyo qareen. Waxaan sidoo kale uga digeynaa suxufiyiinta, saaxiibada iyo xubnaha qoyska wariye Abuuja inay ka digtoonaadaan wax kasta oo xiriir ah oo lagala soo sameeyo telefoonka wariye Abuuja ama barihiisa bushada maadaama hadda uusan xor ahayn. Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in qolooyinkii xiray wariye Abuuja ay hadlaan oo ay deg deg caddeeyaan cidda furatay telefoonka iyo barta IMO ee magaca wariye Abuuja ku qoran iyo ujeeddada laga leeyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa si adag uga hadlay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolkaasi. Guddoomiye Najax ayaa shaaciyey in dagaalka u u dhexeeyey ciidamada Booliska deegaanka Lafoole iyo maleeshiyaad uu sheegay inay ka soo gudbeen dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in maamulka labada gobol inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida. “Shaqaaqada ka dhacday waaxda Jabad-Geelle, deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaan cadeyneynaa inay u dhaxeysay ciidanka Booliska Lafoole iyo maleeshiyaad ka soo gudbay degmada Dayniile, shacabka iyo maamulka labada gobol waa inay nabada ka shaqeyaan oo dowladnimada la hirgeliyo.” ayuu yiri Najax. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin in lagu soo xadgubo gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo xusay in la wada yaqaano sohdinta labada gobol. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Dayniile, kaas oo u dhexeeyey ciidamo boolis ah iyo kuwa milatari ah oo isku qabtay arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaasi.
-
Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in ay degaanno kala duwan kala wareegeen ururka Al-shabaab. Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas oo ka dhacay inta u dhexaysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi ay ciidamadu kula wareegeen saddex degaan oo lagu kala magacaabo Afcad Ceel-bacad iyo Abooreey. Dhamme Cabdulqaadir Cali Nuur oo ka tirsan Ciidamada Militariga ee ka hawlgala gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in in ciidamadu ay cagta mariyeen xarumihii Al-shabaab ee ku yaallay degaannadaas. Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalka ay ku dileen ilaa 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay dab qabadsiiyeen gaari ciidan hub iyo raashin ay ka carareen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo Al-shabaab saddex degaan ka qabsaday xubno badana ka laayay appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 41-aad guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxa ay kula wareegeen deegaanno ay gacanta ku hayn jireen dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo u dhexeeya degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobalkaasi. Taliyaha ururka 41-aad dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhaxeysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi ay kula wareegeen deegaanada Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey isagoo sheegay in ay burburiyeen fariisimo Al shabaab ay dadka uga qaadi jireen waxa ay ugu yeeraan sakawaat Dhamme Cabduqaadir ayaa xusay in ay howlgalka ku dileen 13 ka tirsan Al-shabaab dhaawac badane ay u geysteen, wuxuuna intaas ku daray in halkaasi ay ku gubeen gaari Al shabaab ay lahaayeen oo siday, raashin,hub iyo laabtoobyo islamarkaana ay Al shabaab ka carareen sida lagu baahiyay warkaan warbaahinta dowladda. Ma jirto hadal ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadlayaan in dagaalamayaal iyaga ka tirsan looga dilay gobalka Hiiraan sidoo kalane halkaasi lagu gubay gaari u siday shixnado kala duwan. Maalmihii dambe ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay howlgallo qorsheysan ka wadeen deegaanno iyo degmooyin ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Al shabaab kuwaas oo markii dambe lagala wareegay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay isku day walba oo lagu kordhinayo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga, ka dib markii shalay labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay dib u dhigeen kulankoodii. Shariif Sheekh ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka inuu ku xad-gudbay dastuurka KMG iyo sharciga doorashooyinka, kadib tallaabadii muddo bil dib loogu dhigay hor imaanshihii baarlamaanka ee guddiga doorashooyinka qaranka. “Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu yiri Shariif. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda” Ugu dambeyntii Sheekh Shariif ayaa xusay in dowladda federaalka ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday oo ay ugu horreyso qabashada doorasho qof iyo cod ah. View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay xanibaada ka qaadayso inta badan magaalooyinka dalkaas, gaar ahaan magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina. Amar kasoo baxay Boqor Salman Bin Cabdicasiis la faray in bandowga laga qaado magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina dabayaaqada bisha soo socota ee June sida ay baahisay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA Boqorka ayaa sheegay in dadka loo furi doono masaajidda si ay ugu cibaadeystaan. Wixii ka dambeeya 31-ka bishan ayuu Boqorku amray in la fasaxo gaadiidka gudaha Sacuudiga ka shaqeeya, sidoo kalena 21-ka June waxaa si rasmi ah bandowga looga qaadi doonaa magaalooyinka Maka iyo Madiina. Warkan kasoo baxay boqortooyada waxaa lagu sheegay inaan la fasixi doonin Xajka iyo Cumrada sanadkan, sababo la xariira cabsi laga qabo inuu faafo xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus. Sharciyada kala fogaanshaha bulshadda iyo inay mamnuuc tahay in kontomeeyo ruux meel iskugu timaado ayaa sidooda sii ahaan doona, sida warkan lagu sheegay. Dad kor u dhaafaya 75 kun oo qofood ayaa gudaha Sacuudiga laga helay xanuunka COVID-19, halka qiyaastii 400 oo kalena ay ku geeriyoodeen cudurkan. Ka Dib, Bandowgii Kaamilka Ahaa Ee Ayaamaha Ciidda Soonfurka Iyo Bandowgii Labadii Bilood Ee Lasoo Dhaafay, Ayaa Dowladda Sacuudiga Sheegtay Inay Bandowgii Khafiifinayso Ka Dib Markii Wasaaradda Caafimaadka Laga Qaatay Talooyinka Kahortagga Cudurka Koofid-19 Kolkaa Bandowgii Waxaa Loo Khafiifinayaa Heerarka Soo Socda:- Maalinta Khamiista Soo Socota Bisha Shawaal Ahna 05/10/1441H Ilaa 07/10/1441H = 28 May 2020 Ilaa 30 May 2020, Fasaxa Wuxuu Bilaabanaya 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 03:00 PM Duhurnimo, Taasoo Ah Wixii Muhiim Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Waana Magaalooyinka Waddanka Sacuudiga Oo Dhan Aanan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Sheegay. Maalinta Bisha Shawaal 08/10/1441H Ilaa 29/10/1441H = 31 May 2020 Ilaa 21 June 2020 Fasaxa Wuxuu Bilaabanayaa 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 08:00 PM Fiidnimo, Waxaana La Fasaxay Shaqooyinka Dowladda Iyo Kuwa Gaar Ah, Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Si Aan Cudurku U Faafin Iyo In La Oogo Salaadda Jumcaha Ah Iyo Salaad Wadareedka Iyadoo Shuruudu Tahay Kala Fogaanshaha Iyo Sidoo Kale Waxaa La Fasaxay Isu Gooshidda Dhulka Ee Magaalooyinka Waddanka Iyo Safarka Cirka Ee Gudaha Dalka Sacuudiga, In La Samaysan Karo Jimicsiga Jirdhiska Socodka Iyo Ruclaynta (Daily Exercise) Meelaha Loogu Talagalay Iyo Tegidda Naadiyadda Isbortiga, Fasaxa Furitaanka Nashaadhka Gannacsiga Iyo Dhaqaalaha Magaalooyinka Dalka Sacuudiga Oo Aan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Shaaciyey Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Maalinta Bisha Shawaal 29/10/1441H = 21 June 2020, Bandowgii Ayaa La Qaadayaa Noloshii Ayaa Caadi Ahaan Loo Soo Celinayaa Iyadoo Lays Faray Inayan Kulmi Karin 50 Qafood Wax Ka Badan Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-27052020.mp3 View the full article
-
Madaxweyanaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay ka qeyb galay shirka Guddiga Heer Federaal ee Xakameynta Xanuunka COVID19. Kulankan waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaana ka qeybgalay xubnaha Guddiga Heer Federaal ee xakameynta COVID19 iyada oo si gaar diiradu loogu saaray kiisaska la xiriira Covid 19 ee 24 saac ee lasoo dhaafay laga soo warinayo degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye ayaa Guddiga uga war bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Deegaanada Galmudug ee Cudurka Coronavirus. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo deegaannada Galmudug ee xaaladaha daran ay ka jiraan gaar ahaan Magaalada Cadaado. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayr oo amray in Gurmad Caafimaad la gaarsiiyo Cadaado appeared first on Puntland Post.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa shil ka dhashay gaari nooca xamuulka ah xalay mootooyin badan ku jiiray kaalin shidaal oo ku taalla Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in gaariga uu marka hore ku socday xawaare uuna ka xakameeyn waayay Darawalkii waday, sidaasin auu ku jiiray mootooyinka. In ka badan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen goobta halka dad kalena dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen waxa sidoo kale ka dhashay burbur hantiyeed. PUNTLAND POST The post In ka badan 10 ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
While Somalia and its partners, including the United Nations, focus on the response to the COVID-19 pandemic, other parts of the international organization remain concentrated on supporting the Somali authorities in a range of areas – including the current desert locust infestation. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – António Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ammaanay tallaabadii uu madaxweyne farmaajo ku raali-geliyey reer Somaliland, wuxuuna fariin u diray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, midaasi oo ugu baaqayey inay dib u furaan wada-hadalada labada dhinac ee muddada badan hakadka ku jiray. Guterres ayaa warbixintii uu siiyey kulanka Golaha Ammaanka QM ee arrimaha Soomaaliya, waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raali-gelintii uu Madaxweyne Farmaajo u diray Somaliland, taasi oo ku aadaneyd xasuuqii ay dowladda Maxamaed Siyaad Barre ka geysatay qaar kamid ah deegaanadeeda. Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay kulankii u horeeyay ee dhex-maray Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasi oo ka dhacay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, isla markaana uu soo qaban qaabiyey Abiy Axmed. António Guterres ayaa arrimahaasi kaga hadlay warbixintiisi saddex biloodka aheyd, isagoona dalbaday inay labada madaxweyne ay kobciyaan xiriirka ka dhaxeeya oo hadda u muuqda mid maraya meeshii u xumeyd. “Kulankii dhex maray Farmaajo iyo Biixi wuxuu ahaa talaabo togan. Waanan bogaadinayaa. Farmaajo wuxuu soo saaray warbixin guud oo uu ku qiray xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqal insaanka ee ay dawladii Maxamed Siyaad Barre samaysay, Muudane. Biixina wuu aqbalay talaabadaas,” ayuu yiri António Guterres Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan ugu baaqayaa labada hoggaamiyeba inay ku dul dhisaan xiriirkan si ay ugu kobciyaan xiriirka oo ay uga sameeyaan horumar dib u bilaabista wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland”. Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa mudda badan hakad ku jira, iyada oo muddooyinkii dambe ay sarre usii kaceysay xiisada ka dhaxeysa labada dhinac, midaasi oo god kusii ridaysa inay dib u bilowdaan wada-hadaladaasi.