Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Somaliland iyo Taiwan ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo ku saabsan xidhiidhka u bilaabmay labadan dal ee aan haysan aqoonsi caalami ah. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo dhawaan booqday dalka Taiwan iyo dhigiisa ayaa heshiiska kala saxeexday. Taiwan ayaa sheegtay in ay xafiis ka furan doonto Somaliland oo ay ku tilmaantay in uu yahay dal madax-bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika. Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa qoraal ay faafisay ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay aad u kala fog yihiin, balse ay wadaagaan jacayl qoto-dheer oo xorriyadda iyo dumiqraadiyadda ah. Source
  2. Taiwan will establish a representative office in the breakaway African region of Somaliland, Foreign Minister Joseph Wu said on Wednesday, amid an escalating diplomatic tug-of-war between Taipei and Beijing. Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somlailand ayaa Maanta Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe u gudbiyay Xeer ilaalinta Somaliland. Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa shalay shaaciyay in Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay kalsoonidii iyo wadashaqeyntii kala noqdeen Guddoomiye Feysal Waraabe, iyagoo Eedeyn kulul u jeediyay. Garyaqaan Cabdiraxmaan Mowliid oo ka mid ah Garyaqaanadda dhanka sharci ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu u sheegay in Golaha ay Xeer ilaalinta Somaliland u gubiyeen Dacwad ka dhan Eng. Faysal Cali Waraabe. Xildhibaanada Golaha ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka u yaalla Somaliland, isla markaana uu halis ku yahay nabadda iyo midnimada dadka Somaliland. Sidoo kale Eng. Feysal Cali ayaa eedeeymaha loo jeediyay waxaa kamid ah in uu Abuuray kicin dadweyne iyo iska horkeenka Bulshada Somaliland, sidaasina Dacwada looga gudbiyay. Si kastaba Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa shalay si kulul uga Jawaabay eeda loo jeediyay, wuxuuna ku tilmaamay arrintaas kuwo looga been abuuray, isagoo sheegay in aanu jebin Dastuurka, eedeynta noocaas ahna laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah. Source
  4. (SLT-Addis abab)-Waxaa weli kacsan xaaladda Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya, kadib markii shalay halkaas ay ka dhaceen Banaanbaxyo rabshado wata oo loo horjeeday Dil habeen hore halkaas loogu geystay Fanaan lagu Magaacabi jiray Haajaalu Hundeesaa. Addis Ababa ayaa sidoo kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay dad shacab ah. Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Itoobiya Endeshaw Tasew ayaa waxaa uu sheegay in saddex qaraxyada ay ka dhacay Caasimadda dalkaas, ayna ku dhinteen dad shacab ah xubno o ka tirsan dadkii dhigayay qaraxyada, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo la geeyay Xarumaha Caafimaadka. Sidoo kale dhakhaatiir ka howlgasha cisbitaalka weyn ee Addis Aabab ayaa sheegay in cisbitaalka la geeyay dad badan oo dhaawacyo Culus ay soo saareen, kuwaasi oo qaarkood lagu dhuftay Toorey, halka kuwo kalena la garaacay. Ra’iisul Waasare Abiy Axmed oo markale ka hadlay dilka loo geystay fanaankii Haajaalu Hundeesaa ayaa waxaa uu sheegay in falkaas uu ahaa mid shaydaanimo ah, isla markaana ay ka dambeeyeen Dad Cadow ah oo kasoo horjeeda xasiloonida Itoobiya. Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Addis Aabab ayaa sheegaya in Wadooyinka la dhigay Ciidamo badan oo kala duwan, iyadoo laga cabsi qabo in markale halkaas ay ka dhacaan Banaanbaxyo rabshado wata Source
  5. 'He is our icon. He is a father figure,' says a protest leader in St. Paul Source: Hiiraan Online
  6. Ottawa (HOL) - Djibouti marks the 43rd independence anniversary since the country gained its independence from the French in 1977. Source: Hiiraan Online
  7. ADDIS ABABA (Reuters) - At least 10 people died and more than 80 were wounded when the killing of a popular singer triggered blasts and protests in Ethiopia’s capital and the surrounding Oromiya region on Tuesday, police and a doctor said. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo habeenim,adii xalay ka qeyb galay xuska 1-da Luulyo, 60 sano guuradii ka soo wareegtay madaxbannaaniodii gobolada Koonfureed iyo israacii labada gobol oo lagu qabtay Gaalkacyo ayuu ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay dhowr arrimood. Madaxweyne Deni ayaa ayaa aad ugu dheeraaday ahmiyada magaalada Gaalkacyo ay ugu fadhiso umadda Soomaaliyeed iyo dhaqdhaqaaqii lagui raadiyay dowladnimo Soomaaliyeed, waxaana uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo amniga guud ee magaalda iyo guud ahaan gobolka ” Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo taariikh weyn ku leh, dhaqdhaqaaqii xoriyadda iyo baadigoobkii dhismo qaran Soomaaliyeed. Gobolka Mudug waa hoygii uu ka soo jeeday, maskaxdii ka dambeysay SYL ee Yaasiin Xaaji Cusmaan, waa hoygii ra’iisalwasaarihii ugu horeeyey xiligii Daajiliga ee Cabdullaahi Ciise Maxamuud, waa hoygii ra’iisalwasaarayaashii 1-aad iyo2-aad ee Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waa hoyga kuwii nafta isku huray Cabdullaahi Ciise iyo Buuro, waa hoyga madaxdii horseeday heshiiska Gaalkacyo kadib dagaalladii ahliga ahaa” ayuu yiri Siciid Deni. Sidoo kale isaga oo hadalkiisa siiwato mar uu soo hadal qaaday matalaadda Muqdisho ayuu yiri” Umadda Soomaaliyeed, waxaa ay Muqdisho siisay, wixii ugu wanaagsanaa oo ah in ay magalao madaxdii noqoto. Sidoo kale waxaa ay ku sharfeen, maqaam iyada gaar u ah, oo inta kale aysan ee magaalooyinka Soomaaliyeed la wadaagin. Dhanka kale Siciid Cabdillaahi Deni ayaa baaq u diray madaweyne dowladda federaalka Soomaaliya Farmaajo, isaga oo yiri” Waxaan ugu baaqayaa madaweynaha dowladda federaalka Soomaaliya in uu iska ilaaliyo boor isku qarin, oo si xun uusan wax u doonin, oo shacabka walaalaha ah iyo xildhibaannadii fursadda uu madaxweynaha ku noqday siiyey, uusan iska horkeenin, joojiyana falalka ragadinaya dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed, oo ay ugu horeyso faragelinta qabsoomidda doorashada 2020-2021-ka” ayiri madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni. Ugu dambeyn waxaa baaq u diray hoggaannada kala duwan ee Soomaaliya” Waxaan hoogaanada kala duwan ugu baaqayaa in aysan ku kadsoomin, indhsarcaad kasto oo keeni kara inaan dib uga noqono meeshaan maanta joogno, oo waqti naf iyo maal nooga soo baxay. Waxaan soo dhoweynayaa baaqa ka soo baxay Baarlamaanka Puntlnad 29-6-2020-ka, taladooda ayaan ku shaqeynayaa aniga oo tixgelinaayo hey’adaha dastuuriga ah ee Puntland” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waa 1da Luulyo, waa maalintii xuriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waa xanuun iyo nasiib darro ah in 60 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii! Cadawgii shalay maanta walaal ayuu noqday, qabiilkii ayaa isku badalay qaran, calankii waxaa ka soke maray calammo kale, waxaa is badalay dhadhankii waddaniyadda, inta ay weli ku dambeyso xamaasadda Soomaalinnimo waxaa ay maanta dhahaan“Inta Afka Soomaaliga ku hadasho”. Haddaba, waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta. Halgankii Sayidka: Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL: Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe . Ururka SYL, waxaa madax u ahaa : Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kal-fadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Xuriyaddii Koofurta iyo Midnimadii Labada Gobol: Xririyadii Somaliland 4 maalmood kadib, waxaa xuriyadii qaatay gobollada koofureed ee dalka iyagoo ka xuroobey gumeystaha Talyaaniga. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa ra’isul wasaare ka ahaa Somaliland, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn. Markii xuriyadda la helay 1960-kii, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur, baarlamaanka dalka waxaa uu aqlabiyad ku doortay Aden Cabdulle Cusmaan in uu noqdo madaxweyne muddo hal sano ah, isagoo maalmo kadib July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke. Hadaba su’aasha waxaa ay tahay, Maxaa Isbadalay? Maxaa Keenay in 60 sano uu dalka dhibaato ku jiro? Si aan jawaab u raadiyo ma rabo in aan waqti idiinka qaado, Laakin waxaa qoraalkan kusoo afjarayaa oraah uu hadda ka hor igu yiri Cali Verdura oo ka tirsanaa 13kii SYL taas oo ahey “Adeer Aadami in aan dhaleyno ayaan moodney balse Daayeerro ayaan dhalnay”!! Xigasho: Goobjoog News
  10. Joe Biden oo weerar afka ah ku qaaday Donald Trump Biden oo weeraray Trump Musharaxa xilka madaxweynenimo ee Mareykanka, Joe biden ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha xilka haya ee dalkaas, Donald Trump. Joe ayaa Trump ku eedeeyay in si aan wanaagsaneyn uu u maareeyay xanuunka corona. Mar uu ka hadlayay magaalada uu kasoo jeedo ee Wilmington waxaa uu sheegay in dedaalkii ay soo sameeyeen shacabka Mareykanka uu hal bacaad lagu lisay ka dhigay madaxweyne Trump oo uu sheegay in uu iska indha tirayo tallooyinka caafimmaad ee ay soo jeediyeen seynisyahanada. Waxaa kale oo uu sheegay in uusan wax olole ah qabanin doonin inta uu jiro feyraska corona. “Xilligan waa xilli aanan horay loo arag dunida casriga ah,” ayuu yiri Biden oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay. Madaxweyne Trump ayaa isu soo bax uu ku qabtay magaalada Tulsa ee Oklahoma bishii aynu soo dhaafnay waxaa ka qeybgalay dad aad uga yara intii la filayay, waxaana markii dambe kooxdiisa ololaha doorashada ay ku dhawaaqeen in aanay qaban doonin olole dambe. Ra’yi uruurin la sameeyay ayaa muujineysa in Biden uu aad ugu horeeyay dhanka saadaasha doorashada Mareykanka ka dhici doonta dhammaadka sanadkan, waxaase waxwalba ay kala caddaan doonaan marka la gaaro bishan Nofembar ee sanadkan. joe Biden Joe Biden ayaa maalma kahor sheegay in uu raaci doonaa tallooyinka caafimmaad ee ay soo jeediyaan khubarada caafimmaadka, taasina ay sabab u tahay joojinta ololahiisa doorashada. Biden oo soo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee xukuumaddii Barrack Obama ayaa sidoo kale sheegay in wali uusan iska baarin Covid 19, oo dalka Mareykanka ku dilay dad ka badan 130 kun oo qof. Biden ayaa aad u yareeyay kullamada dadka uu la yeelanayo, waxaana hoygiisa uu ka sameystay stuudiyo, halkaas oo uu wareysiyada ka bixiyo, balse qolyaha taabacsan Trump waxay ku tilmaameen “nin dhuuntay”. Biden waxaa kale oo uu sheegay in Trump uu garan waayay wixii ay garteen hogaamiyeyaasha kale ee caalamka. “Bil ba bisha ka dambeysa ,hogaamiyeyaasha caalamka waxay qaadayaan tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka, Donald Trump na waa uu ku guuldarreystay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Biden. Hadalka Joe ayaa imaanaya xilli madaxa cudurrada faafa ee dalka Mareykanka Dr Anthony Fauci uu aqalka sare ee Mareykanka u sheegay in aanay la-yaab noqon doonin haddii maalintiiba dalka Mareykanka lagu arko inkabadan boqol kun oo kiis oo feyraska corona. “Dhab ahaantii hadda wax aan gacanta ku heyno malahan,” ayuu yiri Dr Fauci oo ka digay in dad badan oo shacabka Mareykanka aanay ku dhaqmin tallooyinka caafimmaad ee loo soo jeediyay oo ay kamid tahay kala fogaanshaha iyo maaskarada afka lagu xirto. Talaadadii u dambeysay, inkabadan 40 kun oo kiis ayaa laga soo sheegay dalka Mareykanka. Qaran News
  11. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo, oo Gaalkacyo lagu qabtay, ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay duminayaan Aqalka Sare ee Baarlamanka dalka. Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in sidoo kale Madaxda Dowladda Federaalku ay doonayaan, in ay burburiyaan Nidaamka Federaalka oo ay ku dhisan yihiin Dowlad Goboleedyada Dalka, si meesha looga saaro Maamul Goboleedyadaas. Sidoo kale wuxuu tilmaamay, in Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladdiisu ay rabaan in ay maroorsadaan Awoodda Dalka, kadib markii ay burburiyaan Aqalka Sare oo Wakiil u ah Dowlad Goboleedyada, sidaasna ay ku baabi’iyaan Nidaamka Federaalism-ka. “ ifafaalaha hadda socda waxaad moodaa, in la baabi’inayo Aqalka Sare, in la baabi’inayo Federaalismka, in la maroorsanayo Taladii dalka, waa u yara egtahay wixii Dimoquraaddiyadii Soomaaliya 69-kii lagu maja-xaabiyay” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Halkaan ka daawo Muuqalka PUNTLAND POST The post Deni: ifafaalaha hadda socda waxaad moodaa in la baabi’inayo Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  12. Cabsi soo wajahday Mareykanka oo qarka u saaran in Maalintiiba xanuunka Coronavirus ku dhaco 100,000 oo Qof Khabiirka ugu sarreeya cudurrada faafa ee waddanka Mareykanka, Anthony Fauci, ayaa waxa uu ka digay in haddii Mareykanku uusan maareyn faafitaanka fayraska korona, uu heerka uu cudurkaasi ku socdo uu maalintii gaari karo 100 kun oo xaaladood. Dr Anthony Fauci ayaa waxa uu u sheegay Aqalka Senate Mareykanka in uusan la yaabi doonin haddii xaaladaha cusub ee cudurkaasi ay maalintiiba gaaraan 100 kun. Tiradii ugu dambeysay ayaa ahayd 45,000 oo qof oo hal maalin laga helo cudurkaasi. Hadalkan ayaa imanaya xilli musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga ee dalkaasi, Joe Biden, uu si kulul Donald Trump ugu weerraray habka uu ula tacaalayo fayraska safmarka ah ee korona. Biden waxa uu sheegay in Trump oo xagal-daaciyay dedaalladii lagula tacaalayay xakameynta faafitaanka cudurkani safmarka ahi. Dr Anthony Fauci waxa uu sheegay in dal ahaan aysan haatan wali u suurtagelin in ay xakameeyaan faafitaanka cudurkaasi, waxa uuna inataasi ku daray in dad badan aysan xiran af-saabka isla markaana aysan u hoggaansamin talooyinka khubarada caafimadka. Shalay oo Talaada ahayd, in kabadan 40,000 oo qof ayaa gudaha dalkaasi Mareykanka hal maalin laga helay cudurkaasi, waana tiradii ugu badnayd muddo shan maalmood oo xiriir ah oo hal maalin dad tiro ahaan intaasi gaarayo laga helo cudurkani. Arrintan ayaa sababtay in ilaa 16 gobol ay dib u dhigaan in ay qaadaan xayiraadihii saarnaa gobolladaasi ee lagula tacaalayay cudurkaasi. Dr Fauci waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay dadka u qeybiso af-saab ama maaskaro. Tan iyo markii ugu horreysay oo cudurkan uu ka dillaacay gudaha dalkaasi Mareykanka, waxa uu soo ritay 2,682,897 oo qof, halka dhimashadu ay haatan mareyso 129,544 oo qof Qaran News
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Axmed Madoobe ayaa sheegay in warbixintii ay soo bandhigtay Xaliimo Yarey ay muujineyso in aysan u diyaarsanayen qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah. Sidoo kale wuxuu uga digay dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) inay sameysato muddo kororsi hor leh, isaga oo tilmaamay inay ka dhalan karto fowdo siyaasadeed iyo qalalaaso xoogan. “Haddii sida maanta wax u jiraan oo aan sidii shalay lagu kala wareegay aan lagu kala wareegin inay dhibaatada sii soconeyso”ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu farrin culus u diray baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka dalbaday inuu garto waajibaadka shaqo ee saaran, si looga hortago xasilooni daro siyaasadeed. “Baarlamaanka Soomaaliya waxaa shardi inuu garto shaqada uu leeyahay xeer dejinta, ma ahan shaqada uu leeyahay midda fulinta iyo waxyaabaha uu maanta ku dhaqmayo, dalkaan xasiloonidiisa waxay ku jirtaa waxa dastuurka uu qorayo in lagu dhaqmo”ayuu yiri markale yiri, Axmed Madoobe. Dhanka kale madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khudbaddisa kaga hadlay matalaadda gobolka Banaadir, isaga oo shaaciyey in hadda qaabka ay wax u socdaan la’isaga horkeenayo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la qeexo maqaamka Muqdisho, sidoo kalena matalaad sax ah la siiyo shacabka ku dhaqan caasimada. “Muqdisho waa caasimadii Qaranka waxaana in badan ku dadaalnay in la qeexo maqaamka caasimadda iyo in la siiyo matalaad shacabka ku dhaqan. Waxay caasimaddu u baahan tahay in ay hesho waxa ay u qalanto mana aha in aan la dooranin madaxda matasha oo mar walba loo soo magacaabo duqa magaalada. In waji qabiileed loo sameeyo su’aasha matalaadda caasimadda waa arrin iska hor keenaya shacabka Soomaaliyeed. Waxa la isku hayo waa in arrinkan loo maro wadada saxda ah iyada oo la ixtiraamayo dastuurka dalka u dagan”ayuu hadalkiis ku soo gabagabeeyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Golaha Shacabka uu meel-mariyey xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono 13 xubnood.
  14. Maanta waa 1da Luulyo, waa maalintii xuriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waa xanuun iyo nasiib darro ah in 60 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii! Cadawgii shalay maanta walaal ayuu noqday, qabiilkii ayaa isku badalay qaran, calankii waxaa ka soke maray calammo kale, waxaa is badalay dhadhankii waddaniyadda, inta ay weli ku dambeyso xamaasadda Soomaalinnimo waxaa ay maanta dhahaan“Inta Afka Soomaaliga ku hadasho”. Haddaba, waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta. Halgankii Sayidka: Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL: Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe . Ururka SYL, waxaa madax u ahaa : Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kal-fadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Xuriyaddii Koofurta iyo Midnimadii Labada Gobol: Xririyadii Somaliland 4 maalmood kadib, waxaa xuriyadii qaatay gobollada koofureed ee dalka iyagoo ka xuroobey gumeystaha Talyaaniga. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa ra’isul wasaare ka ahaa Somaliland, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn. Markii xuriyadda la helay 1960-kii, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur, baarlamaanka dalka waxaa uu aqlabiyad ku doortay Aden Cabdulle Cusmaan in uu noqdo madaxweyne muddo hal sano ah, isagoo maalmo kadib July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke. Hadaba su’aasha waxaa ay tahay, Maxaa Isbadalay? Maxaa Keenay in 60 sano uu dalka dhibaato ku jiro? Si aan jawaab u raadiyo ma rabo in aan waqti idiinka qaado, Laakin waxaa qoraalkan kusoo afjarayaa oraah uu hadda ka hor igu yiri Cali Verdura oo ka tirsanaa 13kii SYL taas oo ahey “Adeer Aadami in aan dhaleyno ayaan moodney balse Daayeerro ayaan dhalnay”!! Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. From the 2000 Arta Conference in Djibouti, which gave birth to the 4.5-clan system, to the current fledgeling federal government, Somali youth have been systematically excluded from the country’s political system. Source: Hiiraan Online
  16. Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku shaacisay in 11 bisha soo socota uu bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir . Sanadkaan qaadista Imtixaanka waxaa si wadajir ah u qaadi doono wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir . Sidoo kale Wasraadaddu waxaa ay sheegtay in dhawaan ay soo saari doonto jadwalka Imtixaanaadka fasalada 4-aad . Dowladda Soomaaliya ayaa 1-kii sedexaad amartay in la xero goobaha waxbarashada dalka si loo xakameeyo cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo markaasi si xowli ah ugu sii faafayay dalka . Ugu dambeynti qoraalkaan kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada ayaa arday lagu yiri waxaan idin rajeyneynaa guul iyo hormar dhammaan ardayda Soomaaliyeed. View the full article
  17. Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay guddoomiyihii ururka Naafada Koonfur Galbeed lagu dilay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Shariif Mukhtaar Jiis ayaa lagu soo warramayaa in rag hubeysan ay ku dhex-dileen hoy uu ka daganaa xero barakac oo ku taalla halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxdii ka dambeysay falkaasi toogashada ah ay goobta isaga baxsatay. Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo uu ka mid ah yahay wasiirka warfaafinta maamulkaasi ayaa ka tacsiyeeyey geerida mas’uulkaasi. Ma jirto cid sheegatay dilkan, lamana oga sababta ka dambeysay toogashada loo geystay Shariif Jiis oo ka mid ahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Bartamihii 2018-kii ayaa horey loo dhaawacay marxuumka, walow uu ka bogsaday dhaawacaasi, laamaha amniga ayaa dhanka kale haatan wada baaritaano ku aadan dilkiisa. View the full article
  18. Mogadishu (HOL) - The President of Puntland has confirmed that his administration will not be taking part in the upcoming National Security Council meeting between Somalia's Federal Member States and the Federal Government in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo. Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kaddib munaasad Calan-saar ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta jeedin doona, khudbadda munaasabadda 1-da Luuliyo haddii Alle idmo. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha Shacabka,Ra,iisul wasaare ku xigeenka dalka,Guddoomiyaha Maxkamadda sare,Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qeybaha bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  20. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay magaalada Baydhabo loogu geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii ururka Naafada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabi jiray, Shariif Mukhtaar Jiis. Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Wararka ayaa sheegaya in Shariif Mukhtaar Jiis lagu dhex-dilay gurigiisa oo ku yaalla xero barakac oo ku taalla gudaha magaalada Baydhabo. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay marxuumkaasi oo sidoo kale ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Galbeed oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ka hadlay dilkaas ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuumka, waxaana ay shaaciyeen inay socdaan baaritaano dheeraad ah. Si kastaba ha’aatee marxuum Shariif Mukhtaar Jiis oo si weyn looga yaqiinay gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada gobolka Baay ayaa waxaa bartamihii sanadkii 2018-kii dhaawacay kooxo hubeysan, walow uu ka soo bogsaday dhaawacaasi.
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-01072020.mp3 View the full article
  22. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay xalay Munaasabadda Xuska Sanad guurada 60-aad ee Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliyeed. Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo haatan ka tirsan Guddoonka Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland , Saraakiisha Ciidamada , Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacayo, odeyaaasha dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Qurbojoog, kooxaha Fanka ee Puntland iyo dadweyne kale . Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadal jeedintiisii xalaykaga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, wuxuu Madaxweynuhu taageeray go’aankii Baarlamaanka Puntland kasoo baxay 29-kii June ee ku saabsana tallaabooyinka aan sharciga waafaqsaneen uu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland oo calanka saaray saacadu markay gaartay 12-kii habeenimo. Intaasi kadibna waxaa uu ubax dhigay Taalada Calanka ee Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo taageeray Go’aannadii ka soo baxay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  23. Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa kala sixiixday heshiis ay wada gaareen labada dhinac, Qoraal ka soo baxay guddoonka Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur “Gacal”ayaa lagu sharaxay qobo ay labada dhinac ay ku gaareen heshiis sida lagu xusay qoraalka: 1. In labada baarlamaan ee Galmudug iyo Hir-shabelle ay yeeshaan iskaashi iyo wada shaqeyn joogto ah. 2. In si wadajir ah loogu hambalyeeyo lana bogaadiyo shacabka iyo maamulka gobalka Benaadir oo helay xuquuqdii ay ku lahaayeen matalaada Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka, loona mahad-celiyo Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha federaalka oo u galay dadaal dheer, kana mira dhaliyey. 3. In si wadajir ah loo bogaadiyo gacanna lagu siiyo golayaasha federaalka iyo guddiga doorashooyinka Qaranka, dadaalka ay ugu jiraan sidii dadka Soomaaliyeed ay usoo dooran lahaayeen wakiilladooda ku matalaya labada Aqal ee barlamaanka federaalka, loogana gudbi lahaa doorasho dadban oo dambe. 4. In wadajir looga qeyb-galo shirka Madaxweyne Farmaajo ku casuumay Madaxweyne-yaasha dawlad gobaleedyada 5-ta illaa 8-da bishan Luulyo, kana soo baxaan go’aanno dadka iyo dalka Soomaalyeed u aayaan. 5. In lasii wado kulamadii iyo shirarkii is kaashi ee golayaasha xeer-dejinta federaalka iyo dawlad gobaleedyada, lana fuliyo heshiisyadii horay loo wada gaaray. Heshiiska labada guddoon Baarlamaan Hirshabeelle iyo Galmudug oo ah kii ugu horeeyey oo ay yeeshaan ayaa waxaa uu ku qotomay taageero loo fidiyey mataallada gobolka Banaadir ee Aqalka sare Baarlamaanka soo socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. A long 16-year wait has finally came to an end with a sparkling new Stadium Mogadishu reopened in the Somali capital on Tuesday evening. Source: Hiiraan Online
  25. In hundreds of highly classified phone calls with foreign heads of state, U.S. President Donald Trump was so consistently unprepared for discussion of serious issues, so often outplayed in his conversations with powerful leaders like Russian President Vladimir Putin and Turkish President Recep Erdogan, and so abusive to leaders of America's principal allies, that the calls helped convince some senior U.S. officials -- including his former secretaries of state and defence, two national security advisers and his longest-serving chief of staff -- that the president himself posed a danger to the national security of the United States, according to White House and intelligence officials intimately familiar with the contents of the conversations. Source: Hiiraan Online