-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xasan Aadan Xasan oo lagu eedeeyey inuu dil bareer ah u geystay laba marxuum oo kala ahaa Madiino Cabdullahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe bishii 4-aad-ee sanadkan 2020-ka ayaa maanta la horgeeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Falka dilka ah ee lagu soo eedeeyey Xasan ayaa ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, horraantii bishii Ramadaan , kaasi oo sababay banaan-bax xooagn oo ay sameeyeen qaar ka mid ah shacabka M/ Muqdisho oo ka carooday falkaasi dilka ah. Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Fiqi oo ahaa baaraha kiiskaasi ee laanta dambi baarista CID-da ayaa maxkamadda u soo gudbiyey cadeymo muujinaya in eedeysanaha uu galay dambiga lagu soo eedeeyey, islamarkaana uu si ku talagal ah uu udilay marxuumiintaasi. Sidoo kale Qareenadii u doodayey eedeysanaha ayaa maxkamadda ka codsaday in loo qafiifiyo ciqaabta uu muteysan karo. Xasan Aadan Xasan. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, G/Sare, Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray dhageysiga dacwadda ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’an kama dameys ka soo gaari doonto kiiskaasi, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonto. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay ansixinta qoondada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo doodda iyo diidmada ay ka keeneen reer Puntland. Guddoomiye Cabdulaahi Shiikh Xasan oo wareysi siiyey Telefishinka Dalsan TV ayaa ugu horeyn Dowladda ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey sidii ay uga soo shaqeysay ansixinta xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir. Cabdulaahi Shiikh Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Maamulka Puntland ee ah inaysan aqbali doonin xaqsiinta Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadalka ay soo saartay Puntland uu yahay mid muujinayo xaasidnimada ay u qabaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa soo baxayey warar lagu diidayo xaqsiinta Gobolka Banaadir, haba u badnaadaan Maamulka Puntland oo diiday, taas waxay muujineysaa xaasidnimada ay u qabaan shacabka Muqdisho, Dadka Muqdisho qabiil gaar maahan, waa lagu kala badnaan karaa balse waa magaalo la wada degan yahay, haddii 13 xubnood loo ansixiyeyna taas kama dhigno in reer gaar ah la siiyey,” ayuu yiri Cabdullaahi. Wuxuu sheegay in Maamulka Puntland uu dagaal ku hayo dadka Muqdisho “Runtii waxaan aragnaa in Maamulka Puntland uu dagaal kula jiro Shacabka Muqdisho, taasna waa mid aan aad uga xunahay”. Cabdullaahi ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta ka yimaado Puntland ay xilal ka qaban jireen Muqdisho sida inay noqdaan madaxweynayaal iyo Ra’isul wasaarayaal, wuxuuna xusay in dadka Muqdisho ay si fiican ula shaqeyn jireen si shuruud la’aan ah. Ugu dambeytii Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay inaysan madaxdooda ku daba kicin qaladkaan ay sameenayaan. Halkaan hoose ka daawo wareysigiisa oo dhameystiran
-
Baarlamaanka Puntland ayaa kasoo horjeestay lamana aqbalaan ku tilmaamay Hadalkii kasoo yeeray Gudiga Doorashada ee ahaa inay soo diyaarinayaan Doorasho Xor ah. Golaha Baarlamaanka Puntland [...] The post Akhriso Go’aamada kasoo baxay Golaha Dhacabka Puntland oo sharci daro ku tilmaamay Go’aamadii Golaha Shacabka Soomaaliya,iyo Wakhti kororsimada Xukuumada appeared first on . Source
-
Dowladda Soomaaliya ayaa billowday dib u dhiska Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo uu dherekeedu yahay 90 KM. Mashruucan waxaa fulineysa Dowladda Qadar oo horay u ballan qaadday dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar. Howsha dib loogu dhisayo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Sh/dhexe oo shalayto billaabatay ayaa waxaa kormeer ku tagay Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, C/xakiin Cumar Cabdille (Jacfaan), Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay howl-wadeennada dhismaha Waddada, wuxuuna kula dar-daarmay in ay muujiyaan dhabar adayg, maaddaama ay ku xeeran yihiin duruufo badan. Inta badan Waddooyinka isku xira Gobollada Dalka ayaa waxaa ku yimid bur-bur xooggan Soddonkii Sano ee ugu dambeysay, iyadoo ay dhibaato kala kulmaan Gaadiidleyda. Hakan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerar ka dhacay Beledweyne
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar saacadihii la soo dhaafay ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay ku garaaceen saldhigga ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi. Ma shaacin Al-Shabaab inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday madaafiicda. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Beledweyne iyo saraakiisha AMISOM oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana lagu soo warramaya ain ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay howl-gallo kooban ka sameeyeen gudaha iyo duleedka Beledweyne. View the full article -
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in guddigooda uusan laheyd wax eed a, islamarkaana ay horey u shaaciyeen inay maqan yihiin waxyaabihii lagu qaban lahaa doorashada. Xaliimo Yarey oo ka jawaabeysay eedeyn uga timid xisbiyada qaar ayaa intaas ku dartay in guddigu uusan laheyn wax dambi ah oo la xariira shaqada loo igmaday, iskuna isku casili karto. “Annaga waxan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo shaqadii naloo diray aan qaban weyno,Feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tiri” Guddoomiye Xaliimo Yarey. Ugu dambeyn Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa soo jeedisay in laga wada shaqeeyo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii loo heli lahaa waxyaabaha aas-aasiga ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-29062020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta bilaabatay dhageysiga dacwadda kiiska Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya kaasoo bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay laba qof oo Shacab ah ku dilay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Dable Xasan Aadan Maxamed oo ah askariga Maanta ay dacwadiisa u fadhiisatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waqtigii Muqdisho lagu soo rogay bandowga sababo la xiriiro COVID19 wuxuu gurigiisa ku hor toogtay Allaha u naxariistee Xasan Cali Cadaawe, iyadoo isla xabadaasi dishay Madiino Cabdullaahi Cabdi. Dilkaas ayaa sababay kacdoon ay sameeyeen shacabka Muqdisho oo lagu gubay sawirrada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna soo riday tabeelooyin ay ku dhegnaayeen. Askarigaan ayaa waqtigaas wuxuu fulinayey amarka Dowladda Soomaaliya ee ahaa in Magaalada ay bandow noqoneyso Hal saac habeenimo iyadoo markii hore uu bandowga ahaa Laba Saac Habeenimo, balse wuxuu adeegsaday rasaasta nool oo mamnuuc ah in loo adeegsado dadka Shacabka ah. Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in Dable Xasan Aadan Maxamed oo ah askariga dilalkaas geystay lagu fuliyo ciqaab u qalanto falka uu geyustay oo ah khisaasta marxuumiintii uu dilay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto kiisaska loo heysto Dable Xasan Aadan Maxamed. Dilalka uu dadkaas shacabka ahaa u geysatay askarigan waxa ay sababaeen dibadbaxyo waaweyn oo gilgilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dadkii dibad baxayey lagu qanciyey inay cadaalad heli doonaan gacantana lagu soo dhigay askarigii geystay falkaas. Sidoo kale waxaa wixii markii ka dambeeyey fashilmay bandowgii Muqdisho saarnaa, waxaana dib usoo noqday isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha ee jidadka Caasimadda.
-
(SLT-Hargeysa)-Sida uu dhigayay heshiiskii Wufuudda Somaliland iyo Soomaaliya ay Jabuuti iskula qaateen, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayay wararku sheegayaan in uu dhammays tiray Liiska magacyada Guddi Hoosaadyada uga qayb gali doona Somaliland wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo in ay maalmaha soo socda wajiyadiisa kale dib u bilaabmaan dalka Jabuuti. Ilo wareedyo Xog-ogaal ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay in Madaxweynuhu diyaariyay xubnaha noqon doona Guddi hoosaadyada farsamo (Technical Sub Committee) ee sii amba qaadi doona wada xaajoodkii aynu la lahayn Somaliland kuwaasi oo dhawaan u safri doona waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qayb galaan wareegga xiga ee guddi hoosaadyada Farsamo ee sii ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee gaar ahaan la xidhiidha arrimaha dib loogu dhigay in kulamadaasi ay guddiyadani ka shawraan. Xubnaha Madaxweyne Muuse Biixi u xushay Liiska Guddiyada wada hadallada Somaliland ee Arrimaha Hawada, Deeqaha Caalamiga ah, siyaasadda iyo waliba Amniga, inkasta oo aanay Madaxtooyadu si rasmi ah u shaacin, haddana wararka hoose ee arrintan la xidhiidhaa waxa ay tibaaxeen in ay ka kooban yihiin xubno xukuumadda xilal ka haya, xubno ka socda Ururrada Bulshada rayidka ah, siyaasiyiin iyo Aqoonyahan kale kuwaasi oo la filayo in magacyadooda dhawaan si rasmi ah madaxtooyadu u shaaciso. Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Iyana sheegaya in Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu isna dhiniciisa ka diyaarsaday guddida u matali doonta wareegyadaasi kale ee dalka Jabuuti ka qabsoomi doona maalmaha soo socda sidii ay ballantu ahayd. Guddiyadan labada dhinac ka kala socda ayaa waxa ay noqon doonaan kuwo ka wada xaajooda saddex Arrimood oo lagu faahfaahiyay qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ee ugu dambeeyey kuwaasi oo kala ah: Guddida wada xaajoodka ee ka wada hadali doonta sida ay Somaliland iyo Soomaaliya u qaybsanayaan kaalmooyinka dhaqaale, iyo gargaarka caalamiga ah ee lagu soo bixiyo magacii Soomaaliya. Guddida ka wada xaajoon doonta Arrimaha Hawada Guddida sidoo kale Iyana ka wada hadli doona Arrimaha Nabad galyada Waxaana xusid mudan in dhammaanba guddiyadaasi la qorsheeyey in ay muddo 15 Maalmood ah kadib kulmaan laga soo bilaabo maalintii war murtiyeedka laga soo saaray shirkii dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay Waddanka Jabuuti. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa ay xaalad walaac leh oo aad looga xumaado ku tilmaameen shaki iyo arrimo qarsoon oo ay sheegeen in uu ka jiro Heshiiska Madaxweyne Muuse Biixi iyo Waftigiisii ay Jabuuti kula soo saxeexdeen dhiggooda Soomaaliya, isaga oo WADDANI sheegay in ugu yaraan laba wasiir iyo Madaxweynuhu siyaalo kala fog oo is burinaya uga hadleen qaar ka mid ah qodobada heshiiskaasi ku jiray, gaar ahaan qodobka la xidhidha is dhex galka. Xisbiga WADDANI waxa uu sidoo kale ka dayriyay xaaladda siyaasadeed ee waddanku wajahay ee la xidhiidha hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku tilmaameen mid masiirkii umadda mugdi galinaya iyaga oo sheegay in aanay umadda Somaliland qaban maanta in lagu yidhaa Xamar baad fiisayaal u qaadanaysaa halkii bay yidhaahdeen laga filayay in Madaxweynuhu qodobada masiiriga ah ee wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya umadda uga caddayn lahaa. Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed Faarax Cabdi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: “Xukuumadda Somaliland saddex hadal oo kala duwan ayaa ka soo baxay. Waxa hadalladaa ka muuqata is burin fara badan. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland waxa uu ka hadlay in la is dhex galayo Somaliland iyo Soomaaliya, isku socodkana la fasaxay. Waxa haddana hadlay wasiirka xanaannada xoolaha Siciid Sulub oo sheegay in aanay jirin wax is dhex gal ahi oo isaguna wax kale halkaa ka soo saaray. Markii ugu dambaysayna Madaxweynaha ayaa hadlay oo isaguna wax kale kasoo saaray oo ka hadlay. Saddex hadal runtii aad bay isu khilaafsanaayeen. Waa hadallo is barbar yaacaya oo aanay umaddu maanta u baahnayn in ay masuuliyiintaasi ka soo baxaan. Waa nasiib darro maanta, Madaxweynaha waxa looga fadhiyay in umadda masiirkeeda uu meel ku hubsado oo ah qaranimada Somaliland. Madaxweynaha waxa laga sugayay khudbad weyn oo hufan oo waxa ay ka tabayaan wixii halkaasi ka soo baxay (Jabuuti) uu ku taabto oo ku caddeeyo. Tiina may dhicin oo Madaxweynuhu waxa uu arrintaa ku soo koobay fiisayaal loo qaadan doono Soomaaliya. Waxa is waydiintu tahay fiisayaasha halkee laga qaadanayaa. Safaaradda Soomaaliya ma guriga madaxtooyada ayaa laga furay?. Ma magaalada Hargeysa ayaa laga furay?, Halkee umaddu ugu hagaagaysaa fiisaha uu sheegayo. Madaxweyne umadda taasi wax qabta ma aha. Umaddani caqli iyo garasho iyo aqoonba way leedahay oo caamo ma aha. Nasiib darro Somaliland soo wajahday weeyaan in aad iska tidhaa dhaqanka iyo ciyaartoygu fiise ayay u qaadan doonaan Xamar iyada oo lagaa sugayay in aad umadda u caddayso qodobada madmadawgu ku jiro ee masiirka umadda taabanaya. Xisbi ahaan waan ka xunnahay waxaanan codsanaynaa in war-murtiyeedka shirkaasi la caddeeyo. Waxbaa huursane in waxaa huursadan umadda loo caddeeyo ayaa muhiim ah. Waxa u daliila arrintaa. Markii Madaxweynuhu arrintaa fiisayaasha ka hadlayay in Madaxweyne Farmaajana uu lahaa Muuse Biixi waa nin isagoo sheegay in ay ku heshiiyeen Midnimo. Marka la isu eego labadaa hadal umaddii wax badan oo werwer ah ayaa galay. Xukuumadda KULMIYE waxa looga fadhiyaa luuqadda uu ku hadlay Farmaajo jawaabteedii baa laga rabaa. Haddii ay ka jawaabi waayaana meeshaa wax badan baa ku jira”. Ugu dambayn xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa ay golaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdii loo yeedho lana waydiiyo faahfaahinta heshiiskaasi si umadda loogu caddeeyo. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo saakay kulan deg deg ah ka yeeshay shirarkii iyo xeerarkii ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ayaa soo saaray go’aano ay ku qaadayacaan xeerarkii ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya. Xildhibaanada Puntland waxay ku hanjabeen inay Puntland qaadayso go’aan ay ku sheegeen in lagu badbaadinaayo jiritaanka iyo masiirka Puntland. Baarlamaanka Puntland ayaa 13 qodob oo uu kasoo saaray go’aankii guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Somalia, xeerkii lagu ansixiyay matelaada gobolka Banaadir ee 13 Kurs ku yeelanayo aqalka sare iyo xeerka qoondadada haweenka ayey ku tilmaameen mid sharci daro ah oo la qaadan karin oo dano shaqsiyayeed laga leeyahay. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayey ugu baaqeen maadaama sharci ilaaliyaha dalka yahay inuusan saxiixin xeerarka baarlamaanka federaalka ansixiyay. Waxay sidoo kale qodobada ay soo saareen ku bogaadiyeen 72 xildhibaan ee diiday xeerka metalaada gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee Puntland u aragto inaysan dan ugu jirin. Qodobka13-aad ee ugu danbeeya ayay ku muujiyeen in iyadoo laga duulayo qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland iyo go’aamadii shirkii wadatashiga Puntland, in ay ku dhaqaaqayaan wax ay ku sheegeen tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland. Halkaan hoose ka aqriso:
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Cawad ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayay Abwaan Shuceyb Yare oo xalay la xidhay. Wasiirka ayaa xadhiga abwaanka ku tilmaamay in uu ahaa mid isfahan-waa ah. Source
-
Puntland oo ka baaqatay shirweynihii Maamul-goboleedyada,kuna dhawaaqeysa go’aamo culculus Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Puntland ay ka baaqatay shirka dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo uu dhowaan shaaciyey madaxweynaha Soomaaliya in lagu qabanayo Muqdisho. Sida ay wararku sheegayaan madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqayo go’aankaasi iyo kuwa oo la xariira arrimaha doorashooyinka oo ay horey uga hortimid Puntland. Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxweyne Siciid Deni ayaa ka baaqsashada shirka ku wargeliyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, iyadoona lagu ballamayo kulamo kale. Sidoo kale waxaa la filayaa in Puntland ay soo saarto warsaxaafadeed ku aadan xiriirka kala dhexeeyay dowladda federaalka iyo arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada. Dhinaca kale waxaa haatan baarlamaanka Puntland ay leeyihiin kulan xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan anisixinta xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. Xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday xeerkan ayaa la filayaa in go’aano ay ka soo saaraan kulankaasi . Wararka qaar ayaa sheegaya in golaha wakiilada Puntland ay soo saari doonaan go’aanno la xariirarrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Qaran News
-
Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha siyaasadda Somaaliya, ayaa soo saaray saddex iyo toban go’aan. Baaralamaanka Puntland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin go’aamadii ay Golaha Shababka Soomaaliya ku ansixiyeen matalaada gobolka Banaadir, qoondada Haweenka iyo doorashada 2020/2021. Sidoo kale Baarlamaanka Puntland ayaa tilmaamay in isaga oo ka duulaya qodobka 4-aad ee Dastuurka Puntland iyo go’aamadii shirkii wadatashiga Puntland, uu qaadayo tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland. Hoos ka akhriso go’aamada ka soo baxay Baarlamaanka Puntland oo dhameystiran. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay kulankii deg dega ahaa ee Baarlamaanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Puntland ay ka baaqatay shirka dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo uu dhowaan shaaciyey madaxweynaha Soomaaliya in lagu qabanayo Muqdisho. Sida ay wararku sheegayaan madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqayo go’aankaasi iyo kuwa oo la xariira arrimaha doorashooyinka oo ay horey uga hortimid Puntland. Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxweyne Siciid Deni ayaa ka baaqsashada shirka ku wargeliyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, iyadoona lagu ballamayo kulamo kale. Sidoo kale waxaa la filayaa in Puntland ay soo saarto warsaxaafadeed ku aadan xiriirka kala dhexeeyay dowladda federaalka iyo arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada. Dhinaca kale waxaa haatan baarlamaanka Puntland ay leeyihiin kulan xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan anisixinta xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. Xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday xeerkan ayaa la filayaa in go’aano ay ka soo saaraan kulankaasi . Wararka qaar ayaa sheegaya in golaha wakiilada Puntland ay soo saari doonaan go’aanno la xariirarrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.
-
WAREEGTO MADAXWEYNE: 29 /06/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: 1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal. 2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag 3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil. 4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd. 5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley. 6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
Guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey iyo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliy ayaa Caawa ka qeeyb galay munaasabadda Xuska 20 guurada dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee Dijbouti sanadkii 2000. Guddoomiye Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa hadal kooban ka jeediyay xaflada waxa uu ugu horeen u mahadcaliyay Madaxweynaha dalka aynu walalaha nahay ee Dijbouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka dowalada Dijbouti oo uu sheegay in ay si weyn ugu qeeb qaateen dib u u yagleelida dowladnimada Soomaliya Shacabka Soomaliyeedna aysan marnaba iloowi doonin abaalka ay ugu galleen walalahooda Dijbouti Ugu danbeeyntii guddoomiyaha ayaa umahadceliyay qabanqaabiyaasha xaflada oo ay ugu horeyaan Wasiirka Wasaarada Warfaafitnta dhaqanka iyo dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayyir Maareeye iyo Wasiirka Wasaarada dhalanyarada iyo ciyaaraha marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guud ahaan inta ka soo qeeb gashay Xuska 20 guurada Dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya Degmada Carta Dijbouti ee Sanadkii 2000. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha gobolada Somaliland. Muuse Biixi ayaa wareegto uu soo saaray xilkii ka qaaday Guddoomiyihii ee gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Guddoomiyihii ee gobolka Hawd ee Somaliland Yaasiin Maxamed Shide, sidoo kale isku baddelay guddoomiyeyaashii gobolada Sanaag, Saaxil, Gabilay iyo Saraar. 1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf ,Guddoomiyaha gobolka Awdal. 2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi, Guddoomiyaha gobolka Sanaag 3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale, Guddoomiyaha gobolka Saaxil. 4. Axmed Cige Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha gobolka Hawd. 5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Guddoomiyaha gobolka Gabiley. 6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, Guddoomiyaha gobolka Saraar. PUNTLAND POST The post Somaliland: Mas’uuliyiin xilalkii laga qaaday iyo kuwo la isku baddelay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxaa uu wareegtooyin madaxweyne u xilalkii kaga qaaday guddoomiyeyaal gobol, halka uu u magacaabay gudoomiyeyaal cusub gobolada qaar ee Somaliland. Halkaa Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ka leh mataaladda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. Kulanka oo ah mid deg-dega ah ayaa goor dhow ka furmay xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe. Xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday xeerkan ayaa la filayaa in go’aano ay ka soo saaraan kulankaasi oo haatan doodiisu bilaabtay. Sidoo kale Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa intooda ku doodaya in hanaan qaldan loo maray xaqsiinta gobolka Banaadir oo 13 xubnoood ku yeelanaya Aqalka Sare. Wararka qaar oo ay heshay caasimada Online ayaa sheegaya in golaha wakiilada Puntland ay soo saari doonaan go’aan xiriirka loogu jarayo dowladda dhexe, laguna qaadacayo arrimaha doorashooyinka la filayo inay la qabto dhamaadka 2020/2021-ka Arrinta mataaladda la siiyey gobolka Banaadir ee Golaha Shacabka waxaa ka soo horjeestay xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
