-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka soo saartay xukun ah In Gaadiidkii Lagu Qabtay Jaadka Loo Celiyo Dadkii Lahaa. Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, wax kale oo ay amartay in Muwaadiniintii Gaadiidka iyo Qaadka lagu qabtay ee Maxkamadda Gobolku hore ugu xukuntay xadhigga 3-da sanadood ah iyo Ganaaxa ah lacageed laga khafiifiyo Xukunkaasi. Maxkamadda ayaa amartay in Qofkii ku xukunkaa 3 sano oo xadhig ah, Xadhiggiisa laga dhigo 1 sano iyo badh, sidaana waxa Warbaahinta u sheegay Ururka Qareennada Somaliland. Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Gobollada kale ee dalka ayaa Bil ka hor waxay xukumeen in Boolisku la wareego gaadiid badan oo lagu qabtay Kootarabaan ah, xilligii Guddiga ka hor-tagga Covid_19 hakiyeen Qaadka Itoobiya ka yimaadda, si looga hor-tago Xanuunka Covid_19 oo xillligaa aad ugu faafayey Dunida iyo Somaliland. Markaasi ka dib, waxa Ciidammada Boolisku ay is iskood ah Ranjiga uga beddeleen Gaadiidkii ay Qaadka ku qabteen oo ahaa nooc kasta oo gaadiidka ah, sida Tagaasida, Noohooyin Booyado, Laanguruusallo iyo gaadiid kale oo tiradoodu badnayd. Source
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta ayaa ka digay in kuraasta loo wareejinayo gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay keeni karto in ay lumaan kuraastaasi. “Kuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta aad qaado oo geyso meel aysan deganeyn bulshada iska leh kursigaas, adigana lagaa tira badan yahay,ay suurtogal tahay in lagaaga guuleysto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciladdaasi ay ku soo noqon doonto dadkii kursigaas iska lahaa, taasina ay u baahan tahay in laga fakiro inta aysan dhicin. Mursal oo si gaar ah ula hadlaayey xildhibaanada ayaa ku baaqay in kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada aan loo wareejin gobol aysan degin beeshiishii laheyd kursigaasi. View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in maanta banaan-baxyo rabshada wata ay ka bilowdeen dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogasho xalay loo geystay fanaan Haacaaluu Hundeessaa oo caanka ahaa wadankaasi. Fanaanka oo ka soo jeeday Qowmiyadda Oromada ayaa caan ku ahaa dibad-baxyadii Itobiya ka dhacay sanado ka hor, waxaana toogasho gaadma ah ku dilay rag hubeysan. Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo hareeraheeda ayaa dab qabad-siiyey goobo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo warbaahinta dalkaasi kala hadlay dadweynaha ayaa ka tacsiiyey geerida fanaankaasi, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay dibad-baxayaasha inay is-dajiyaan, islamarkaana ay joojiyaan mudaharaadyada socda. Sidoo kale wuxuu u sheegay dadweynaha inay ka war-sugaan hay’adaha ammaanka iyo kuwa cadaaladda oo ku howlan baaritaanka dilka qorsheysan ee loo geystay fanaanka. Dhankiisa Jawar Maxamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromadam islamarkaana mucaarad ku ah xukuumadda Abiy ayaa ka hadlay rabashadahaasi, wuxuuna shacabka dhigaya dibad-baxyada uu ka dalbaday inay guryahooda ku noqdaan, isna dajiyaan. Xaaladda magaalada Addis Abab iyo sidoo kale deegaanka Oromada ayaa maanta aad u kacsan, iyadoona halkaasi lagu arkayo shacab badan oo ka careysay dilka fanaankaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa samaynaya isku shaandhayn heer wasiirro ah sida ay tilmaameen xogo ay heshay mareegta Somaliland Chronicle. Xogaha ayaa tilmaamay in isku shaandhaynta oo degdeg u soo bixi doonta madaxweyne Biixi birta la dhex qaadi doono Golihiisa Wasiirrada islamarkaana wasiirro door ah meesha ka saari doono. Madaxweyne Biixi ayaa shalay sameeyay isku shaandhayn xil ka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ah oo heer badhasaabadda gobollada ah halka uu sida oo kale magacaabay safiirrada Turkiga iyo Taiwan Cabdirisaaq Gees iyo Maxamed Xaaji. Source
-
Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Dr Cali Khaliif Galaydh
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaabilay Prof. Cali Khaliif Galaydh, hoggaamiyaha Khaatumo. Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee ay yeeshaan Muuse Biixi Cabdi inta loo doortay Madaxweynaha Somaliland iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa lagaga wada-hadlay Arrimo kala duwan, sida ay ilo-wareedyo Xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Geeska Afrika. Hoggaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa 2017-kii Magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Heshiiska Galaydh uu la saxeexday Xukuumaddii hore ee Axmed-Siilaanyo oo ka koobnaa Lix Qodob ayaa wuxuu fulintooda ka sugayey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qodobbada heshiiskaasi ku jiray ee Galaydh doonayo in Xukuumadda Madaxweyne Biixi fuliso waxa ka mid ah in ‘Dastuurka Somaliland la furo’ si i loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan.’ Waxa kale oo ka mid ah Qodobbada ku jiray Heshiiska Somaliland iyo Hoggaamiyaha Khaatumo isla-markaana fulintooda laga sugayo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ‘in laga shaqeeyo sidii Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah uga hawl-geli lahaayeen deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle’. Cali Khaliif Galaydh oo tan iyo markii Madaxweyne Biixi la doortay ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa fagaareyaal badan kaga hadlay sida aan loo fulin heshiiskii ay la galeen Somaliland. Qaran News -
Dalka Itoobiya ayaa saacadihii tagay waxaa hareeyey dibax-baxyo waaweyn, iyada oo la hakiyey isu socodka , lana jaray Internet-ka iyo korontada. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib dil loo geystay fannaanka dhalinyarada ah ee reer OromoHachalu Hundessa kaas oo dil qorsheysay lagu sameeyey caasimadda Adis Ababa. Wararkan, oo faah-faahsan, kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaramada Midoobey , xafiiskeeda Soomaaliya ayaa iska fogeysay in Xaliimo Yarey iyo guddigeeda ku bogaadiyeen arrimo doorasho la xiriira. Xafiiska UNSOM oo la soo xiriirtay Goobjoog News ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay in xafiiskoodu uu Xaliimo iyo guddigeeda ay ku ammaaneen wax hannaan doorasho la xiriira iyaga oo intaa raaciyey keliya iney bogaadiyeen hadaljeedinta iyo hortagisteeda golaha, kuna taliyeen in wadahadal iyo heshiis guud laga galo doorashada. Xaliimo Yarey ayaa golaha shacabka ka hor hadashay 27-kii June iyada oo soo badhigtay laba hab doorasho, arrintaas oo la sheegay iney qaramada midoobey soo dhoweysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo lo yaqaano (Xaliimo Yarey) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Shabelle ayaa shaacisay sababta ay weli u dagan yihiin dhismaha Villa Soomaaliya. Xaliimo Yarey ayaa wareysigan ku sheegtay in xarunta Villa Soomaaliya ay tahay meel la wada leeyahay, islamarkaana ka dhexeysa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay u mahadceleyso dowladdii Xasan Maxamuud oo madaxtooyada ka siisay xafiisyada ay hadda ka shaqeeyaan. “Villa Soomaaliya waa meel ay Ummadda Soomaaliyeed leedahay xafiisyo gaar ah ayaa ka daganahay hay’ado kalena waa dagan yihiin, madaxweynahana wuu dagan yahay, ra’iisul wasaarahana wuu dagan yahay, baarlamaankana dhinac ayuu ku hayaa, haddana ma’aha waxa aan degnay dowladdaan dowladdii ka horreysay ayaa uga mahadcelineynaa oo xafiisyada nasiisay.” ayey tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim. Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sababta ay weli u dagan yihiin Villa Soomaaliya ku sheegtay daruufo amni iyo kuwa dhaqaale intaba. Waxa kale oo ay intaasi ku dartay in bisha September ee sanadkan 2020-ka qorshohoodu yahay in ay ka guuraan halkaasi, iyada oo shaacisay inay dagi doonaan xarun cusub oo haatan loo dhisayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. “Dowladaan tii ka horreysay waxay nasiisay dhul fiican oo inagu filan, dhulkiina muddo ayey nagu qaadatay in la dhiso, haddane dhismihiisa si fiican ayuu u socdaa waa-noo dhow-dhow yahay qorshaheynana waxaa waaye, haddii uu Ilaaheyd idmo inuu soo gaba-gaboobo bisha September-na aan ku shaqeyno.” ayey markale tiri Xaliimo Yarey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey walaac iyo shaki looga muujiyey madax banaanida guddiga doorashooyinka qaranka oo muddo ku shaqenayey Villa Soomaaliya.
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbisay codsi ku aadan ka mid noqshoda xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha 2023-ka. Muuqaal laga duubay wadahadal dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Abuukar Baalle ayuu ninka dambe balanqaaday inuu dadaal ku bixin-doona sidii kurisigaas loo heli lahaa. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu hambalyeynayey Danjire Abuurkar Cismaan oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka golaha ammaanka, ayaa lagu xusay in codsiga kamid ahaanshaha loo gudbiyey golaha. “Madaxweynaha ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaabilay Prof Cali Khaliif Galaydh, hoggaamiyaha Khaatumo. Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee ay yeeshaan Muuse Biixi Cabdi, inta loo doortay Madaxwaynaha Somaliland iyo Prof Cali Khaliif Galaydh,ayaa lagaga wada-hadlay Arrimo kala duwan,sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Geeska Afrika. Hogaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa 2017-kii magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday xukuumadii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxa uu fulintooda ka sugayay xukuumada Madaxwayne Muuse Cabdi. Qodobada heshiiskan ku jiray ee Galaydh doonayo in xukuumada Madaxwayne Biixi fuliso waxa ka mid ah in ”Dastuurka Somaliland la furo” si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaaladda iyo sinaan. Waxa kale oo ka mid ah qodobbada ku jiray heshiiska Somaliland iyo hogaamiyaha Khaatumo isla-markaana fulintooda laga sugayo xukuumada Madaxwayne Biixi in laga shaqeeyo sidii hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah uga hawl-gali lahaayeen Deegaannada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle. Cali Khaliif Galaydh oo tan iyi markii Madaxwayne Biixi la doortay ku sugnaa Magaalada Hargaysa ayaa fagaarayaal badan kaga hadlay sidii aan loo fulin heshiiskii ay la galeen Somaliland. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Hajalu Hundesa oo ka mid ahaa fanaaniinta Oromada ee caanka ah ayaa toogasho lagu dilay xalay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ka dib markii ay rasaas ku fureen rag aan heybtooda la garan. Toogashada fanaankan ayaa ku soo beegantay xili uu Toddobaadkii hore uu waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Tv-ga OMN, waraysigaasoo uu ku weeraray boqorkii hore ee Itoobiya ee Minilik oo ka soo jeeday qowmiyada amxaarada, waxaana ka dhashay hadal heyn badan. Dilka loo geystay Hajalu ayaa sababi kara Khalqal iyo banaanbaxyo waaweyn oo mar kale dalkaas ka dhaca, waxaana jira walaac ku saabsan in falkan uu dib u soo nooleeyo colaadii ka dhexeysay qowmiyadaha Itoobiya qaarkood gaar ahaan Oromada iyo amxaarada. Xalay gelinkii dambe markii uu soo baxay warka ku saabsan dilka fanaankan ayaa banaanbaxyo lagaga soo horjeeda toogashadiisa waxay ja bilowdeen qaybo ka mid ah caasimada Itoobiya iyo Ismaamulka Oromia. Raisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo ka hadlay qalabka warbaahinta dowlada ayaa ka codsaday shacabka cadheysan inay is dajiyaan, kana war sugaan hay’adaha nabadgalyada . Sidoo kale Jawar Mohamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromada oo mucaarad ku ah dowlada Itoobiya ayaa shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan kana war sugaan baadhitaanada la bilaabay. hase ahaatee dadka isku soo baxay ayaan dhag jalaq u siinin hadaladaa kasoo yeeraya dhinacyadaa kala duwan, waxaana xalay gelinkii dambe sii xoogeystay dadka rabshadaha sameynaya, iyadoo laga cabsi qabo in subaxnimadan ay ka sii daraan banaan baxyada iyo rabshadaha. Source
-
(SLT-Washington)-Prof David Shinn ayaa hoosta ka xariiqay inaanu is-dhexgalka bulshada sida (dhaqanka, tacliinta, isboortiga, iyo ganacsiga) mushkilad ahayn, laakiin, hadii hogaamiyaha Somaliland u arko dhibaato, wuu joojin karaa. Prof David Shinn oo ah dublamaasi khibrad balaadhan u leh Geeska Afrika, sannado badana dalkiisa u safiir uga ahaa dalka Itoobiya oo khadka fariimaha Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan bahda Horn Tribune waraysi kula yeeshay ayaa soo dhoweeyey warmurtiyeedki wadaxaajoodka Somaliland & Soomaaliya ee Jabuuti, kuna tilmaamay tallaabada u horreysa ee wanaaga loo qaaday. Waraysiga oo dhammaystiran wuxuu u dhacay sidan; S- Sidii lagu soo saaray war-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya? Waa maxay fikirkaagu? Marka la eego sida bulshada reer Somaliland qaarkood shaki uga muujiyeen qodobka isu-socodka bulshada? Waxaan u arkaa Warmurtiyeedka wadajirka ah inuu yahay tallaabada u horreysa ee wanaaga loo qaaday. Sida muuqata ma jirin wax heshiis ah oo la xidhiidha qadiyadaha muhiimka ahaa, balse dariiqii loo mari lahaa xalinta arrimaha. Is-dhexgalka bulshada sida (dhaqanka, tacliinta, isboortiga, iyo ganacsiga) waxaan u arkaa inaanu mushkilad ahayn. S-Waa maxay muhiimada wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, haddii Beesha Caalamku doonayso midnimo dhaxmarta labada dal? Haddii Somaliland ka noqosho la’aan ka go’antahay xornimadu, muhiimad weyn ma laha wada hadal dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland haddii aysan Somaliland ka fikirayn inay ka dhaadhicin karto Soomaaliya aqbalaada madax-bannaanideeda. Ma aaminsani inuu jiro heshiis bulshada caalamku u dhan tahay oo la xidhiidha sida natiijadii ugu dambaysay noqonayso. S-Hadaan Somaaliya diyaar u ahayn aqbalaada madaxbanaanida, waa maxay danta ku jirta wadaxaajoodka? Waxaan had iyo jeer ku dooda, aaminsannahayna in su’aasha aqoonsiga Somaliland ay go’aamiso Midowga Afrika. Isla mar ahaantaana, haddii wadahadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland uu yarayn karo xiisadda ama xitaa xallin karo arrimo yaryar si ku meel gaar ah ama gebi ahaanba, taasi waa wax wanaagsan. S-Hogaamiyaasha Somaliland miyaanay qaadaci karin wadaxaajoodka u dhexeeya Soomaaliya, haddii aanay keenayn rajada shacabka? Mise waxaa jira culays Beesha Caalamka? Waxaan filayaa in dadka reer Somaliland aad u akhrinayaan waxyaabaha ku saabsan isu-socodka bulshada. Hogaamiyaasha Somaliland ayaa go’aamin kara waxa u dan ah iyo waxa aan dantoodu ku jirin. Uma maleynayo in bulshada caalamku joogto mowqif adag oo ay ku khasbi Somaliland siday u dhaqmi lahayd. Is-dhexgalka bulshada mushkilad maaha, hadii Hogaamiyaha Somaliland u arko dhibaato, wuu joojin karaa. Source
-
(SLT-Paris)-Raysal wasaarihii hore ee dalka Faransiiska François Fillon iyo xaaskiisa ayaa lagu riday xukun xadhig ah kaddib markii lagu helay dambi inay ku lug lahaayeen sameynta shaqo been abuur ah. François Fillon oo ahaa siyaasi ka tirsanaa xisbiga conservative-ka ayaa lagu helay dambi ah in xaaskiisa Penelope Fillon uu mushaar ahaan u siin jiray $1.3m kaddib markii la siiyay shaqo ayna weligeed qaban oo ah inay kamid aheyd shaqaalaha baarlamaanka. Waxaana Ra’iisul wasaarihii hore ee Faransiiska lagu riday shan sanno oo xadhig ah, waxaana meesha laga saaray saddex sanno oo kamid ah shantaas sanno. Fadeexaddan waxay horseeday in uu meesha ka baxo damaciisii ahaa in uu tartarmo doorshadii madaxtinimada dalkaas sannadkii 2017-kii. Waxay go’aankan maxkamadda ka qaateen racfaan taas oo meesha ka saareyso in si deg deg ah loo xidho Fillon. Ninkan 66 jirka ah, waxaa uu noqonayaa siyaasi hayay xil sare oo Faransiis ah oo lagu rido xukun xadhig ah tan iyo sannadkii 1958-dii. Go’aanka maxkamadda Garsooraha maxkamadda waxaa uu sheegay in Mrs Fillon lagu helay dambi ah in loo sameeyay shaqo been ah, waxaana sidoo kale lagu helay dambi ah in ay lunsatay lacagta dadweynaha. Waxaana François Fillon iyo xaaskiisa lagu ganaaxay $423,000 oo doolar, waxaa sidoo kale lagu amray inay soo celiyaan €1m oo lacagta giniga ah kaddib markii Penelope Fillon la sheegay inay ka shaqeyneysay baarlamaanka laga bilaabo sannadkii 1998-dii ilaa 2003-dii. Seygeeda waxaa laga mamnuucay in muddo 10 sanno ah wax shaqo ah ka qabto xafiis dawladeed. Source
-
(SLT-London)-Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday 14 dal oo muwadiniintooda loo arko inay badqabaaan kuwaas oo loo ogolaan doono inay qaaradaas booqdan wixii ka bilaama kowda July, iyadoo uu jiro cudurka coronavirus. Maraykanka ,Brazil, iyo shiinaha ayaa ka mid ah dalalka laga mamnuucay inay booqdaan yurub. Dalalka la ogolaaday waxaa kamid ah Australia, Canada, Japan, Morocco iyo kuuriyadda koonfureed. Midowga Yurub waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin in Shiinaha ay ku daraan liiska haddii shiinaha ay heshiis kaas la mid ah ay u ogolaadan dadka Yurub, diblumaasiyiinta ayaa sidaasi sheegay. Waxaa xuduudaha la isugu furay muwadiniinta yurub ku nool ee safarada isaga dhex gooshaya, waxaase si gooni ah loola macaamila muwadiniinta UK kadib markii dalkaasi ka baxay yurub. Liiska wadamada badqaba ayaa la filaya in dib u habeyn lagu sameeyo sida dalalka Algeria, Australia, Canada, Georgia, Japan, Montenegro, Morocco, New Zealand, Rwanda, Serbia, Kuuriyada koonfureed, Thailand, Tunisia iyo Uruguay. Source
-
Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah loo doortay madaxweyne ku xigeenka shirka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka. Warkan ayaa lagu shaaciyay bogga safaaradda Soomaaliya ee wadanka Mareykanka, waxaana xilkan Soomaaliya ku matelaya safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle. Xilka madaxweyne ku xigeenka oo markiiba ay qabtaan dalal dhowr ah ayaa dalalka kale ee sanadka Soomaaliya ku wehliya waxaa kamid Cameroon iyo Togo, waxaana matelaad ku yeesha dhammaan shanta qaarad ee adduunka. Soomaaliya ayaa xilkan horay usoo qabatay dhowr jeer oo kala h sandkii 1963-64 oo uu soo qabtay Dr Xasan Nuur Cilmi, 1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed Aadan “Qeybe” iyo Sanadkii 1986-87 oo uu soo qabtay Cabdullaahi Cismaan. Maxay tahay shaqada madaxweyne ku xigeenka shirka golaha guud? Xilkan oo ah mid wareegta ah ayaa waxaa sanadkiiba qabta dalal lagu qiyaasay 21, kuwaas oo ka shaqeeya ajendaha guddiga shirka golaha guud ee Qaramada midoobay oo sanadkiiba mar la qabto. Xilka madaxweynaha ama shir guddoonka guddiga ayaa waxaa sidoo kale loo doortay dalka Turkiga. Sanad walba, guddiga golaha oo ka kooban madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa waxay ka arrinsadaan ajendayaasha ay madaxda caalamka uga hadlan shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay iyo tallooyin ay usoo jeediyaan golaha guud ee Qaramada Midoobay. Sida ku cad bogga rasmiga ah ee Qaramad Midoobay, waxaa sanadihii dambe la sii xoojiyay shaqada ay qabtaan gudidga oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka, waxaana kamid ah shirarka gaargaarka ah iyo in ay u furan yihiin dhamman dalalka xubnaha ka ah Qaramad Midoobay oo ay la kulmi karaan. Madaxweyne ku xigenka ayaa leh door soo jeedin, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha ka caawiyaa dejinta ajendayaasha dhammaan shirarka iyo hab maamuuska shaqo ee kullanka golaha guud ee Qaramada Midoobay. Haseyeeshee wax go’an ah kuma lahan waxwalba oo la xiriira arrimaha siyaasadda. Dalka Nigeria ayaa horay usoo qabtay xilka madaxweynaha, waxaana haatan kala wareegay wadanka Turkiga. Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Soomaaliya tallaabadan ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo Soomaaliya ay kasabatay. Dhanka kale, danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay dedaalo ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah sidii Soomaaliya ay ugu guuleysan lahayd xubinnimada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa ay sheegeen in la gudbiyey. Xigasho: BBC. View the full article
-
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo u warrantay Shabelle ayaa shaacisay xilliga uu guddiga madaxa banaan ee doorashada ka guurayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in sababo la xiriira dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ay keentay inay haatan ku shaqeeyaan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay shaacisay in bisha September ee sanadkan qorshohoodu yahay in ay u guuraan xarun cusub oo dhismeheedu haatan socd. Hadalka Xaliimo Yarey ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ay shaki ka muujiyeen madax banaanida guddiga doorashooyinka qaranka, maadaama uu ku shaqeeyo xarunta looga arrimiyo dalka ee madaxtooyada Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah loo doortay madaxweyne ku xigeenka shirka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka. Warkan ayaa lagu shaaciyay bogga safaaradda Soomaaliya ee wadanka Mareykanka, waxaana xilkan Soomaaliya ku matelaya safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle. Xilka madaxweyne ku xigeenka oo markiiba ay qabtaan dalal dhowr ah ayaa dalalka kale ee sanadka Soomaaliya ku wehliya waxaa kamid Cameroon iyo Togo, waxaana matelaad ku yeesha dhammaan shanta qaarad ee adduunka. Soomaaliya ayaa xilkan horay usoo qabatay dhowr jeer oo kala h sandkii 1963-64 oo uu soo qabtay Dr Xasan Nuur Cilmi, 1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed Aadan “Qeybe” iyo Sanadkii 1986-87 oo uu soo qabtay Cabdullaahi Cismaan. Maxay tahay shaqada madaxweyne ku xigeenka shirka golaha guud? Xilkan oo ah mid wareegta ah ayaa waxaa sanadkiiba qabta dalal lagu qiyaasay 21, kuwaas oo ka shaqeeya ajendaha guddiga shirka golaha guud ee Qaramada midoobay oo sanadkiiba mar la qabto. Xilka madaxweynaha ama shir guddoonka guddiga ayaa waxaa sidoo kale loo doortay dalka Turkiga. Sanad walba, guddiga golaha oo ka kooban madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa waxay ka arrinsadaan ajendayaasha ay madaxda caalamka uga hadlan shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay iyo tallooyin ay usoo jeediyaan golaha guud ee Qaramada Midoobay. Sida ku cad bogga rasmiga ah ee Qaramad Midoobay, waxaa sanadihii dambe la sii xoojiyay shaqada ay qabtaan gudidga oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka, waxaana kamid ah shirarka gaargaarka ah iyo in ay u furan yihiin dhamman dalalka xubnaha ka ah Qaramad Midoobay oo ay la kulmi karaan. Madaxweyne ku xigenka ayaa leh door soo jeedin, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha ka caawiyaa dejinta ajendayaasha dhammaan shirarka iyo hab maamuuska shaqo ee kullanka golaha guud ee Qaramada Midoobay. Haseyeeshee wax go’an ah kuma lahan waxwalba oo la xiriira arrimaha siyaasadda. Dalka Nigeria ayaa horay usoo qabtay xilka madaxweynaha, waxaana haatan kala wareegay wadanka Turkiga. Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Soomaaliya tallaabadan ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo Soomaaliya ay kasabatay. Dhanka kale, danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay dedaalo ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah sidii Soomaaliya ay ugu guuleysan lahayd xubinnimada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa ay sheegeen in la gudbiyey. Xigasho: BBC.
-
Madaxweyme ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan ammaanka Kismaayo. Sayid Aadan ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid wanaagsan, sida magaalooyinka kale ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ah ay si aad ah dadaal ugu bixiyeen xoojinta nabadgelyada magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa u mahadceliyey shacabka Kismaayo oo uu sheegay inay wada shaqeyn la leeyihiin ciidamada ammaanka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay amniga magaaladaasi uu ahaa mid degan, islamarkaana ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Jubbaland. View the full article
-
Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Federaalka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed, taas oo ah in kuraastoodii Golaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyay gobol ama degmo aysan degin. Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talagal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka Astaynta kuraasta Golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin in ay saxaan. Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira ay la kaashan doonaan Guddoonka Golaha shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan talooyinka ay soo jeediyaan xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka Asteynta kuraasta Baarlamanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, oo ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo hor yaalla golaha ayaa isna sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo war ka soo saaray Kuraasta la wareejiyay Degaan Doorashadooda appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay beelaha qaar, taas oo ah in kuraastoodii goalaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyey gobol ama degmo aysan degin. Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talagal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin inay saxaan. Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira ay la kaashan doonaan guddoonka golaha shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan talooyinka ay soo jeediyaan xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo hor yaalla golaha ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda. “Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay. Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Subax-300620.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda. “Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay. Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa markale weerar ka fuliyeeyey duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xerada ciidamada dowladda ee bacaadaha, taas oo ku taalla agagaarka magaaladaasi. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay weerar gaadma ahaa ay ku qaadeen xeradaasi, kadibna uux iga iska hor imaad ka dhacay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan. Habeen hore ayey aheyd markii Al-Shabaab ay weerar loo adegsaday madaafiic ku qaadeen saldhigga ciidamada Jabuuti ee ku yaalla galbeedka Beledweyne.
