-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE COVID-19 challenges African Civil Society Organisations and opens up new opportunities, says report A new report by EPIC-Africa and @AfricanNGOs confirms that the impact of COVID-19 on African civil society organizations (CSOs) has been widespread and destabilizing DAKAR, Senegal, June 30, 2020/ — More than 1000 African CSOs from 44 countries participated in a major survey on the impact of the COVID -19 pandemic on their organizations. 55.69% of respondents already experienced a loss of funding, while 66.46% expect to lose funding in the next 3-6 months. African CSOs decry exclusion from national responses to COVID-19 and emergency funding mechanisms. Download report: https://bit.ly/3eMw9Gl A new report by EPIC-Africa and @AfricanNGOs confirms that the impact of COVID-19 on African civil society organizations (CSOs) has been widespread and destabilizing. Based on the results of a survey of more than 1000 CSOs in 44 African countries, the report found that 98% of respondents had been adversely affected. The report adds that CSOs have a long tradition of performing crucial developmental, humanitarian and advocacy functions across Africa and highlights the critical challenges that CSOs are experiencing as they respond to the COVID-19 crisis and strive to survive. “COVID-19 further exposes many of the challenges that African CSOs have long grappled with, from unstable funding to exclusion from national policy processes. Yet, CSOs are stepping up to address the challenges that COVID-19 is posing to their work and survival. They are leading community responses and amplifying the voices of the most vulnerable populations, with little or no outside support. Once again CSOs are demonstrating that there cannot be any effective response to national emergencies such as COVID-19 without their involvement”, said Rose Maruru, co-founder of EPIC-Africa. The survey shows that more than half of the respondents (55.69%) have already experienced a loss of funding, while 66.46% expect to lose funding in the next 3-6 months. In addition, 49.87% have introduced measures to reduce costs because of the loss of funding, or the uncertainty about future funding. Looking ahead, 77.97% of respondents indicated that COVID-19 would have a devastating impact on the sustainability of many CSOs. “As a result of COVID-19, African CSOs are confronted with the dual challenge of keeping their organizations afloat while also responding to the needs of the communities in which they operate. The majority of respondents confirmed that they were not prepared to cope with the disruption caused by the pandemic”, stated David Barnard, moderator of @AfricanNGOs. The report also found that not receiving the necessary support from authorities at the national level has added to the challenges facing CSOs. CSOs reported being excluded from emergency funding mechanisms and 71.58% of respondents believed that governments failed to recognize and utilize local CSOs’ skills, experience and networks in response to COVID-19. According to the report, despite the odds, African CSOs are demonstrating resilience and agility as they adapt to the “new normal”. They have identified some key opportunities as they seek to cope with the pandemic including leveraging domestic funding sources, building sector solidarity and accelerating digital transformation. The report concludes that it is still too early to understand the full impact of COVID-19 on African CSOs, noting it will likely be long-lasting as the pandemic has exacerbated historical and ongoing challenges that hamper the sector. At the same time, it added, many CSOs remain optimistic about the future as 45.06% of respondents felt that they would emerge stronger and more agile after the pandemic. Click here (https://bit.ly/3gaj8qA) for a copy of the full report. Distributed by APO Group on behalf of EPIC Africa. View multimedia content Media Contact: Chakera McIntosh cmcintosh@epic-africa.org About the survey: EPIC-Africa and @AfricanNGOs implemented the survey between 29 April and 15 May 2020. A follow-up survey will be implemented in late 2020 to assess the evolving impact of COVID-19 on African CSOs. About @AfricanNGOs : @AfricanNGOs is a Twitter account that covers news and information for and about NGOs in Africa. It is moderated by David Barnard, a development consultant with more than 25 years’ executive and senior management experience in initiating and leading development organizations and programs across Africa. He currently acts as a consultant to various NGOs and foundations in Africa. About EPIC-Africa: Co-founded by Adwoa Agyeman and Rose Maruru in 2015, EPIC-Africa (www.EPIC-Africa.org) is a Senegal-based, pan-African organization that seeks to strengthen the ecosystem for philanthropy in Africa. EPIC-Africa is developing new approaches to help build a robust and resilient civil society sector. The organization’s creative use of data and technology offers African CSOs a unique platform to demonstrate transparency, reinforce legitimacy and build credibility. EPIC-Africa’s services and tools create opportunities for CSOs and their funders to share knowledge, build capacity and scale impact. SOURCE EPIC Africa Qaran News
-
Guddida Diwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka, ayaa jawaab ka bixiyey qoraal Guddidooda lagu socodsiiyey oo ay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilladdu kaga codsadeen in Guddoomiyaha xisbiga UCID laga qaado xasaannadda, si loogu soo oogo dacwad la xidhiidha eedaymo ay Golaha wakiillada iyo Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ku soo oogeen Faysal Cali-waraabe. Hasayeeshee, Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta qaranka oo soo saaray qoraal jawaab-celin ah, ayaa caddeeyey in aanay Dastuurka iyo xeerarka dalka ku haynin wax xasaannad ah oo ay leeyihiin madaxda xisbiyada qaranku, sidaa darteedna waxay iftiimiyeen in aannu Guddoomiye Faysal Cali-warabe lahayn wax xasaanad ah oo ay waajibtahay in laga qaado. Haddaba, su’aaahu waxay tahay ma mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaan aqoon u lahayn shuruucda ay ansixiyaan, maadaama ay codsadeen in Guddoomiyaha UCID laga qaado xasaannada, ayna aaminsan yihiin inuu xasaanad leeyahay? Mise Guddida Diwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa qardo-jeexay oo waxa jira ay ogyihiin Golaha wakiilladu oo xasaanad siiyey madaxda axsaabta qaranka? Su’aashan iyo mawduucani kolayba fasiraad sharci ayuu u baahan yahay, cidda aynu hubinta arrintan u daba fadhiisanayno waa bahda sharci-yaqaannada dalka. Source
-
Beijing (Caasimada Online) – Digniin hor leh ayaa kasoo baxday seynisyahanada dalka Shiinaha, kadib markii ay ogaadeen in dalkaasi uu ka dilaacay xanuunka feyrus cusub oo ka dhasha xayawaanka Doofaarka. Seynisyahanada ayaa waxay sheegeen in cudurkaan cusub uu la mid noqon karo feyruska safmarka ah ee hadda dunida dhibaatadiisa ka taagan ee COVID-19 oo dunida ku dilay dad gaaraya 500 kun oo qof. Feyruskaan cusub oo laga helay doofaarada ayaa waxay dhaqaatiirtu sheegeen in hadda aysan jirin qatar weyn, balse ay taagan tahay cabsidiisa, loona baahan yahay in muhiimad gaar ah la geliyo sidii looga feejignaan lahaa halistiisa, waxayse ka welwelsan yihiin inuu si fudud ku faafi karo hadii la is dhigto. Seynisyahanada ayaa ugu baaqay shirkaddaha soo saara hilibka doofaarka inay muujiyaan taxadir, shaqaalahooduna lala socdo xaaladaha ay ku sugan yihiin. Prof James Wood oo ka tirsan jaamacadda Cambridge iyo Prof. Kin-Chow Chang oo ka tirsan jaamacadda Nottingham ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u sheegeen in tani ay tahay fariin hor leh, loona baahan yahay in indhaha lagu haayo halista ka imaan karta feyruskaan cusub. Feyruskaan cusub ayaa baaris lagu sameeyay waxay seynisyahanadu sheegeen inuu la mid yahay xanuunkii safmarka ahaa ee Swine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaasoo ka bilawday dalka Mexico. Cudurka Feyruska COVID19 ayaa ah mid asalkiisa ka yimid dalka Shiinaha, dunida oo idilna u gudbay kaasoo galaaftay 500 kun qof.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dib uga laabatay go’aan hore ugula wareegtay gaadiid ay kusoo qabatay qaad/jaad, maadama xiligaasi ay deegaanadeeda ka mamnuucday. Maxkamadda racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta dib ugu celisay dadkii lahaa gaadiidkaasi, iyadoona dul dhigtay ganaax lacageed oo gaaraya labo ilaa afar milyan oo shilinka Somaliland ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxa ay saaka xukuno kala duwan ku riday dadkii lagu soo qab-qabtay qaadkaasi, mudadii ay xukuumada Somaliland ka mamnuucday deegaanadeeda keenista qaadka. Dadkaasi lagu soo qab-qabtay qaadka ayey maxkamadu ku xukuntay 1-sano iyo dhowr bilood oo xarig ah, maadama ay jabiyeen awaamiirtii guddiga ka hortaga iyo u diyaar-garowga cudurka Covid-19 ee Somaliland. Xukunka ay maanta riday maxkamadda rafcaanku ayaa laalaya xukun ay hore maxkamada gobolka Maroodi-jeex ugula wareegtay gaadiidkaasi, iyada oo dhawaana lagu buufiyay astaanta ciidanka. Talaabada ay hore ugula wareegen ciidamadu gaadiidkaasi, ayey qareenada reer Somaliland ku tilmaamen mid lagu deg-degay, isla markaana aan si fiican looga fiirsanin.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, ,kadib markii la soo gebagebeeyey dib u dhis Studiumballaaran oo lagu sameeyey garoonkaasi oo uu saameeyey burburkii dalka muddo ku dhow 3o sano. Munaasabadda furitaanka garoonak waxaa ku wehliyay madaxweynaha mas’uuliyiin isugu jira ra”iisul wasaare kuxigeenka dalka ahna kusimaha ra”iisul wasaaraha ,wasiiro xildhibanno guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa dhanka kale wuxuu ka qeybgalay furitaanka ciyaartii ugu horeysay oo garoonkaasi lagu furay,isagoo laaday kubaddii ugu horeysay,waxaana xubnaha la socda kamid ahaa wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dib u dhiska xaruumo kala duwan oo dan guud ah,kuwaasi oo uu xarigga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya,iyadoo loo dabaal degayo todobaadka xorriyadda Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Kooramka ama guntanka Kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka oo ku furmay 150-mudane waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaana sidoo kale kulanka joogay guddoomiye kuxigeenadda koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka. Labada Ajende ee kulanka oo kala ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’addaha aan dowliga aheyn iyo sii wadida ka doodista xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacabka,waxaana goluhu uu ku hormaray Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adaha aan dowliga aheyn oo uu goluhu u faah faahiyay Wasiirka Qorsheynta,maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo sharci lagula xisaabtamo hay’ddaha dalka ka howl-gala si xogahooda iyo howlaha ay dalka ka hayaan loo ogaado. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo u mahad celiyay wasaaradda qorsheynta oo sharciga soo diyaarisay ayaa tilmaamay in sharcigan uu aad muhiim ugu yahay dalka, isla markaana uu xoojinaayo Xukuumadda gaar ahaan wasaaradda qorsheynta oo soo diyaarisay. Maadaamaa hindise sharciyeedkan uu maray keliya Akhrintiisa koowaad oo aysan jirin wax ka doodis ah oo xildhibaanadda uga furnaa ayaa waxa ay xildhibaanadda u gudbeen Ajnedaha labaad ee kulankaa oo ahaa xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacbaka,waxaana Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah guddoomiyaha guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee sameynta xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka qaranka uu goluhu ka hor akhriyay qodobo ka mid ah xeerkan oo uu guddigu kusoo daray fikradihii iyo talooyinkii Xildhibaanadda ay ka dhiibteen kulankii kan ka horeeyay,wuxuuna Goluhu ka codsaday in ay ansixiyaan. Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo codgeliyay xeerkan ayaa waxaa haa ku ogolaatay 144-Xildhibaan sida uu natiijadda codeynta ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga ku meel gaar ah ee doorahooyinka Puntland ayaa bilaabay qiimayn kormeer ah,iyagoo booqday Xafiisyada Ururada Siyaasadda ee ku yaala Magaalada Garoowe. Guddiga ku meel gaar ah ee doorahooyinka Puntland ayaa bilaabay qiimayn kormeer https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-garowe.mp4 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afar maalmood kadib markii ugu horreysay maanta ka warbixiyey safarka uu ku joogo magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha, oo Qatar tegay 26-kii June, ayaa tan iyo markaas aan wax war ah laga helin socdaalkiisa, hase yeeshee qoraal maanta kasoo baxay xafiiskiisa ayaa looga warbixiyey kulamadii ugu dambeeyey ee uu Kheyre halkaas ku qaato. Sida lagu sheegay qoraalka , Ra’iisul Wasaaraha, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Xafiiska Kheyre, Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaashiga dhaqaalaha iyo aminga. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedka safarka Kheyre uu yahay sidii uu Kheyre dowladda Qatar uga codsan lahaa inay dib u billowdo taageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo hakad uu ku yimid markii la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, 28-kii Janaayo. Qatar ayaa saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya ayaa ah mid aad u kooban oo aan muuqan, marka loo barbar dhigo Turkiga oo ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya.
-
(SLT-Addis ababa)-Jawaar Maxamed oo ah siyaasi caan ka ah dalka Itoobiya gaar ahaan Qoomiyadda Oromada ayaa xabsiga loo taxaabey. Jawaar waa siyaasi hormuud ka ahaa kacdoonkii Oromada, isagoo ah aas-aasaha shabakadda warbaahinta Oromada ee OMN. Sababta xadhigiisu illaa hadda ma cadda, hase ahaatee waxaa dalkaasi ka taagan xiisad ka dhalatay dilka Fanaan saameyn ku lahaa Oromada. Source
-
Lyon (Caasimada Online) – Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa jawaab rasmi ah kasoo saartay dalabkii Iran ee soo qabashada madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa dhawaan soo saartay waaran lagu xirayo madaxweyne Trump, iyada oo Interpol kaga codsatay inay ka gacan siiso soo qabashada Trump. Interpol ayaa gebi ahaanba ku gacan seyrtay dalabka dowladda Iiraan, iyada oo si cadna u sheegtay inaysan tix-gelin doonin dalabkeeda ee soo xirista madaxweynaha Mareykanka oo xiligan xiisad adag kala dhaxeyso. Dowladda Iiraan ayaa rumeysan in Trump uu yahay maskaxdii ka dambeysay duqeymihii lagu dilay sarkaalkeedii sarre ee Qassem Soleimani. Diidmada Interpol ayaa meesha ka saareysa khatar xarig oo uu wajahi lahaa madaxweynaha Mareykanka oo dowladda Iiraan ay u jartay waaran soo qabasho oo ay ku wehlinayeen xubno kale oo ay Tehran la xiriirisay dilkii sarkaalkeeda. Interpol ayaa diidmada dalabkaasi ku saleysay in waarankaasi yahay mid siyaasadeysan, isla markaana ay mamnuuc ka tahay qawaaniinteeda wax ay ugu yeertay ‘faragelin kasta ama hawlo siyaasadeed’. Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddomeeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagixisanimo. Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.
-
Interpol oo ka jawaabtay dalabkii Iran ee ahaa in la soo xidh Trump Dowlada Iran ayaa warqad ay u dirtay booliiska caalamiga ee Interpol kaga dalbatay in lasoo xiro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xubno kale oo Iran ku eedeesay in ay ka dambeeyeen dilka Jeneraal Qasim Sulemani. Dacwad oogaha guud ee Tehran Cali Alqasimehr ayaa sheegay in Madaxweyne Trump iyo 30 qof oo kale ee ku lug lahaa dilkii Qaasim Sulaymaani ay wajihi doonaan dacwado la xiriira dil , waxa uuna ka dalbaday Interpol in dadkaasi lasoo xiro. Booliska caalamiga ah ee Interpol oo saldhigiisu yahay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska ayaa dhagaha ka fureestay dalabka dowlada Iran, waxaana xubno katirsan Interpol sheegeen in aysan tixgalin doonin codsiga Iran . Interpol ayaa sheegtay in sharciga u yaala uu ka mamnuucayo inay sameeyaan tallaabooyin ku aadan siyaasad, milateri, arrimaha diimaha la xiriira iyo waliba midab takoorka. Warbaahinta caalamka ayaana wali aad u hadal heysa codsiga dowlada Iran u dirtay booliiska Caalamiga ee ku aadan in lasoo xiro Madaxweynaha Mareykanka iyo xubno kale oo katirsan Dowlada Mareykanka. Qaran News
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in lagu aasay agagaarka garoonkaasi, waxaana wararka ay sheegayaan inay soo saareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, balse uu ka qarxay Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya Dhinaca kale waxaa garoonka Stadium Muqdisho haatan ka socota munaasabad ballaaran oo xariga looga jarayo garoonkaasi oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey. Madaxweynaha oo furaya garoonkan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan halkaasi. View the full article
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xeerka astaynta kuraasta golaha shacabka oo maalimihii la soo dhaafay ay ka doodayeen xildhibaanada baarlaamka federaalka Soomaaliya. Xeerkaan oo ah kii ugu dambeeyay afartii xeer ee ay soo gudbiyeen guddiga labada ee aqal ee baarlamaanka u qaabilsanaa xeerarka dhamaystirka doorashooyinka ayaa waxaa ogolaaday 144 mudane, afar xildhibaan ayaa diiday ansixinta, halka 2 mudane ay ka aamustay xeerkaan. Baarlamaanka Soomaaliya kulankoodii 12-aad ee maanta waxaa shir guddoomiyey guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxaana maanta xaadiray 150 mudane oo ka tirsan baarlamaanka. Ajandihii kulankii maanta ayaa ahaa; 1-Sii Wadida Ka Doodista Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka 2-Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn Ugu dambayn gudoomiye Mursal ayaa soo xiray fadhiga maanta ee baarlamaanka, waxa ayna ka dhigan tahay in dhamaan la ansixiyey 4-tii xeer ee ay soo gudbiyeen guddiga labada gole ee baarlamaanka Somalia ee lagu kabaayay xeeraeka doorashooyinka dalka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka deegaameynta kuraasta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in 144 mudane ay ogolaatay xeerka, 2 xildhibaan ayaa diiday halka ay 4 xildhibaan ka aamuseen. Maalmahii lasoo dhaafay ayey cabasho ka timid xeerkaan, waxaana jiray in xildhibaanada qaarkood meel ka baxsan deegaan doorashadooda la geeyay kuraastooda. Maamul goboleedyada ayaa horay u diiday xeerkaan, waxaana jiray shaki badan oo ay qabeen siyaasyiinta kuna aadan tallaabda ay maanta qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka.
-
Ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay ra’iisul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Kulanka dhex maray ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida joogtada ah uga taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka. View the full article
