-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in manata askari ka tirsan ciidamada dowladda uu qof shacab ahaa ku dilay gudaha magaaladaasi. Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee degmadaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey askari ka tirsan ciidamada ammaanka, kaas oo goobta ka baxsaday. Sidoo kale wararka ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay marxuumka iyo askariga dilka geystay. Laamaha amniga ayaa sheegay inay ku raad-joogaan askariga ka dambeeyey falkaasi dilka ah, waxaana haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah. Amniga Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid xasilan, waxaana howlgllo ballaaran ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug. View the full article
-
Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka waxa ay ansixiyeen in Soomaaliya la siiyo dhaqaale dhan 40 million oo Dollar ee Taageeradda Horumarinta Caalamiga, taasi oo qeyb ka ah Maaliyada Degdegga ee Soomaaliya looga taageerayo La-dagaalanka Ayaxa Lama-degaanka. Qoraal la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa lagu muujiyey in ay Taageradaasi qeyb ka tahay Barnaamijka Jawaab-celinta Degdega ee looga hortagayo Khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo Nidaamka U-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo Bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka. Duullaanka Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn xoogan ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 Degmo oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% Dhaqaalaha Somalia Agaasime-Gobaleedka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Carlos Felipe Jaramillo waxa uu sheegay in duullaanka Ayaxu khatar ku hayo sii-socoshada Xaalladda Aadminimo ee haatan ka jirta Somalia iyo inuu horseedo yaraanshaha helitaanka cuntada, khasaaro dhinaca Dakhliga iyo Iska-horimaad ku salaysan Kheyraadka iyo xulashada dhaqdhaqaaqyada guurguuritaanka oo xadidan. Haweeneyda Hoggaamiyaha u ah Kooxda Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Soomaaliya, Afrah Alawi Al-Ahmadi waxay sheegtay in Mashruucan taageeri doono qiyaastii 100,000 oo Qoys, kuwaasi oo laga taageeri doona Lacagaha Kaashka iyo Baahiyayaalka Asaasiga ah, si loo badbaadiyo Noloshooda inta lagu jiro Qalalaasahaasi. Deeqda cusub ee ay Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka shalay anixiyeen ku soo beegmaysaa, hal isbuuc kadib, markii ay ansixiyeen 55 million oo Dollar oo Taageeradda Horumarinta Caalamiga oo lagu taageerayo Dib-u-habaynta Siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanad-maaliyadeedka haatan socda, Maaraynta Maaliyadda, sidii loo xaqiijin lahaa Barnaamijka Dib-u-habaynta ee lagu taageerayo Soomaaliya, Dib-u-hawlgelinta iyo Dib-u-habaynta Maalgelinta Horumarinta Siyaasadda dheeriga iyo in dib loogu eego Miisaaniyadda sanadkan 2020-ka. View the full article
-
Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyey intaba. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Hiiraan, Mudane Maxamed Miiris Isaaq oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab. Waa markii saddexaad oo muddo todobaad ah la weerarayo ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne, waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegtay Al-Shabaab. View the full article -
The World Bank Board of Directors today approved a $40 million International Development Assistance (IDA) grant for Somalia as part of the Emergency Locust Response Program, which seeks to respond to the threat posed by the locust outbreak and strengthen systems for preparedness in affected countries in Africa and the Middle East. The locust invasion has gravely impacted the livelihoods of nearly 2.6 million living in forty-three districts of Somalia. The agriculture sector remains the backbone of the economy and accounts for about 75 percent of GDP. The Shock Responsive Safety Net for Locust Response (SNLRP) will focus on addressing the immediate impact of the locust infestation on poor and vulnerable households by meeting their short-term food security and consumption needs and protecting their livelihoods and human capital assets through emergency cash transfer. The project builds on the new and Government-led “Baxnaano” (meaning uplifting in Somali) national cash transfer program. It also complements the recently approved Somalia Crisis Recovery Project (SCRP), which focuses on measures to control the spread of locusts and to restore the livelihoods of smallholder households by providing re-engagement farming packages. “The locust invasion risks are aggravating the ongoing humanitarian crisis in Somalia and leading to reduced access to food, loss of income, resource-based conflict and limited migration options,” said World Bank Country Director for Somalia, Felipe Jaramillo. “We are supporting the Federal Government of Somalia to put in place a social protection system under the Baxnaano program that can respond quickly to protect subsistence farmers and pastoralists, from falling into deeper levels of food insecurity, as well as preventing the sale/loss of their productive assets.” After more than two decades of conflict and insecurity, Somalia is gradually establishing the foundations for stability and a new political settlement. However, wide-spread poverty and vulnerability to natural disasters, epidemics and unemployment shocks, threaten this progress and the well-being of millions of Somalis. For example, Somalia has experienced 14 droughts since 1960, averaging one every four years. Today, nearly 70 percent of Somalis live below the international poverty line with poverty being more acute in rural areas, making Somalia the third poorest country in the region. “During crisis, poor and vulnerable households are hit hard because they have the least ability to adapt in times of crisis, so they adapt negative copying mechanisms, such as eating less food or less nutritious food, selling off their productive assets and taking children out of school, in order to meet their short-term needs,” said World Bank Task Team Leader for Somalia, Afrah Alawi Al-Ahmadi. “Such measures have a long-term negative impact on the accumulation of human capital of impacted households. The Project will support around 100,000 households with cash assistance to access food and basic needs and therefore, enable them to protect their human and physical assets during the crisis.” World Bank Group Locust Response: The World Bank Group approved on May 20, 2020 a $500 million multi-phase program of emergency financing, complemented by policy advice and technical assistance, to support countries in Africa and the Middle East affected by the locust outbreak. The Program provides immediate support to affected households through targeted social safety nets like cash transfers, while investing in the medium-term recovery of agriculture and livestock production systems and rural livelihoods in affected countries, as well as strengthen national systems for preparedness and enhancing regional coordination. View the full article
-
The UN mission in Somalia said it welcomes the election of the country’s representative to the world body, Amb. Abukar Baalle as a Vice-President of the UNGA’s 75th session. This is the first time since 1986-87, and a sign of Somalia’s progress since then and its return to international affairs. Somalia’s ambassador to the UN mission Abukar Osman Bale was elected as the Vice President of the 75th session of the UN General Assembly on Monday, June 29. Together with the new UNGA President Volkan Bozkir from Turkey, ambassador Abukar will preside over important affairs at the United Nations [UN]. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Guuleed oo uu wehliyo Wasiirka ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo dayactir ballaaran lagu sameeyay, dhismahaasi oo ka kooban 28 qol. Xaflada xariga loogga jarayey dhimasha wasaaraddaasi, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddidii qaban-qaabada xuska 26-ka Juun, Wasiiro, guddoomiyaha gobalka Banaadir, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan, kaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho. Dayac-tirkan lagu sameeyey Wasaaradda, ayaa waxa qabatay hay’adda UNIDO oo taageero ka helaysa hay’adda dhinaca horumarinta ishkaashiga u qaabilsan dawladda Talyaani. Dhinaca kale, ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Gulled oo uu wehliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sidoo kale xariga ka jaray xarumaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaakhshiid, Jidka laamiga ah ee isku xira Isgoysyada Bakaaraha Iyo Black Sea oo dhamaantood isxilqaan lagu dhisay. Furitaanka dhismaayinka dayactirka lagu sameeyay ayaa waxaa lagu soo aadayay munaasabada 1-da Luulyo oo ku beegan markii xornimada gobolada Koonfur ka haaqen gumeystihii Talyaaniga 1960-kii. Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa isna la filayaa inuu xariga ka jaro dayactirka lagu sameeyay garoonka kubada cagta ee Muqdisho oo si gurux badan loo habeeyay.
-
The long-chaotic Horn of Africa nation, Somalia is celebrating a big victory after being elected to serve second the deputy president of the UN General Assembly’s 75th session. Somali President Mohamed Farmajo has welcomed the appointment as a milestone showing the country’s growing profile and influence in the international community. “It is clear that Somalia showed up at the international arena with activeness, leadership and impartiality, and readiness to maintain regional stability and work for the common interests of development and cooperation,” the president said. On Monday, Somalia’s ambassador to the UN Abukar Osman Baale took up the position of Vice President of the UN General Assembly on behalf of the country. The election of Baale to deputize the UN General Assembly President is a major diplomatic for Somalia as it re-establishes itself in the global arena following three decades of conflict. View the full article
-
Golaha wakiilada dowlad goboleedka jubbaland ayaa maanta u codeeyey codsi ka yimid madaxweyne Axmed Madoobe uu ku dalbaday in mudoo loo kordhiyo si uu u soo dhiso golihiisa wasiirrada. Golaha ayaa ayaa dood dheer ka dib codsigii ka soo gaaray madaxweynaha ugu codeeyey cod gacantaag ah in la siiyo mudoo 90, cisho ah. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa 22 bishii August 22, 2019 waxaa loo doortay madaxweynaha Jubbaland, waxaana ilaa iyo mudadaas laga sugaayey inuu soo magacaabo golaha wasiirrada Jubbland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha wakiilada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe u kordhiyey muddada uu ku soo dhisayo golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Jubbaland. Xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay ayaa dhammaan u codeeyey in muddo 90 cisho ah loogu daray madaxweynaha, si uu ugu soo magacaabo golaha wasiirada Jubbaland. Sidoo kale xildhibaanada ayaa qaadacay shirka amniga qaranka ee uu dhawaan shaaciyey in Muqdisho lagu qabanayo madaxweynaha Soomaaliya. Golaha ayaa sheegay in Jubbaland aysan gabi ahaanba ka qeyb-gelin doonin shirkaasi oo loo qorsheeyey inuu dhaco bisha soo socota, iyaga oo ku eedeeyey dowladda dhexe in ay ka gaabisay dadaalladii laga sugayey ee u diyaar garowga doorashooyinka 2020/2021. Horey waxaa shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada u diiday Puntland oo ka hortimid hannaanka doorashooyinka Soomaaliya. Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah uu khilaaf kala dhexeeyaa dowladda federaalka, kaas oo saameeyey wada shaqeynta ay la leeyihiin dowladda dhexe. View the full article
-
Hargeisa ( PPM) – The Somaliland Parliamentary Permanent Committee has stripped Faisal Ali Warabe, the leader of UCID, a Somaliland opposition party, of his immunity from prosecution. The Committee accuses Faisal of violating the Somaliland Constitution. “Having seen the applicability if article 2 and 8 of Somaliland Constitution and articles 2 and 18 of Amendment of Political Parties and Associations; the constitutional dignity and responsibility of the Speaker of Somaliland Parliament; the supremacy of the law; and the statement from Chairman of UCID Party Faisal Ali Warabe that he opposes equality of Somaliland citizens and breached the Somali constitution, the Select Committee accepts that Faisal Ali Warabe is incapable of acting responsibly in national matters and is a threat to the peace and security of people of Somaliland” the statement reads. Somaliland Parliamentary Permanent Committee accused UCID Chairman of incendiary remarks for which “he will have to lose immunity from prosecution” The committee resolved “that from today Faisal Ali Warabe will not be regarded as the Chairman of UCID Party and urge Somaliland Government and our partners that support us in the democratic process not to have links with Faisal as a Chairman of a political party”. The Parliamentary Committee has called for Somaliland Committee for Party Registration to strip Faisal of immunity, and the Attorney General to press charges against UCID Chairman for violating the Somaliland Constitution. UCID Chairman has used incendiary remarks to accuse people in Sool region for not paying tax, and egged on Somaliland clans in Eastern regions to fight each other over territories. It was not the first time UCID Chairman used words that make his position as a party leader untenable. UCID Chairman may oppose the decision but charges from Somaliland Attorney General could overwhelm his responses to the decision from Somaliland Parliament and prosecution should the Somaliland judiciary follow the advice of the Somaliland Parliamentary Permanent Committee. UCID is one of the oldest Somaliland political parties. During the 2017 elections the party won less than 5% of votes. Waddani, a political party founded in 2012, won more than 40% of votes. If Faisal resigns or is sent to jail fierce competition on who could succeed him as party chairman will ensue if the party will avoid the fate of UDUB, which was dissolved in 2011 following disagreement over party chairmanship. © Puntland Post Monthly, 2020 The post A SOMALILAND PARTY LEADER TO LOSE IMMUNITY appeared first on Puntland Post.
-
Askari la sheegay katirsanaa ciidamada booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qof shacab ah ku dilay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Askariga ayaa qofka shacabka ah ku dilay xaafada Waabari ee magaalada Dhuusamareeb, waxaan lagu magacaabayey marxuumka Axmed Isteeli, oo kamid ahaa dhallinta magaalada. Dilka ayaa yimid ka dib markii marxuumka dhintay iyo askariga ay marmeen. waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan askarigii dilka u geystay ruuxa shacabka ah. Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa kawada howlgallo lagu baadi goobayo askarikii dilka geystay oo la sheegay inuu goobta isaga baxsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka UCID Feysal Cali Waraabe ayaa laga xayuubiyay xasaanadda sida ay maanta ku dhawaaqeeen Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland. Guddiga ayaa hogaamiyaha ku eedeeyay inuu jabiyay qodob dastuuri ah kaas oo ka hor imaanaya midnimada iyo wadajirka Somaliland, waxeyna go’aankaan ku shaaciyeen war qoraal ah oo ay soo saareen. Caasimadda Online ayaa ogaatay in guddiga ay Feysal Cali Waraabe ku eedeeyeen ixtiraam darro uu u muujiyay dastuurka Somaliland, waxeyna guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada ogeysiiyeen iney xasaanadda ka qaadaan si dacwad loogu soo oogo. Guddiga ma carabaabin sabab kale oo ku riixday iney codsigaan gudbiyaan, balse hadalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli hogaamiyaha xisbiga UCID uu meel fagaare ah ku weeraray Baashe Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada. Feysal Cali Waraabe oo lagu yaqaano hadalada xanafta leh ayaa Baashe ku tilmaamay shaqsi aan miisaan ku laheyn Somaliland isla markaana aan qabiilkiisa ka iibin Karin siyaasadda Somaliland. Si kastaba hadalka Feysal waxaa lagu tilmaamay mid aan habooneyn oo kala qeybinaya bulshada guud ee Somaliland, waxaana loo aqoonsaday inuu galay dambi qaran. Xisbiga UCID ayaan ka hadlin eedeymaha ay hogaamiyahooda usoo jeediyeen guddiga joogtada ah ee wakiilada Somaliland.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-30062020.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, ahna Wasiirka arrimadda dibadda dalkaas, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray labada mas’uul looga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga. Dowladda Qadar ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku jooga safar aan horay loo shaacin. PUNTLAND POST The post Dooxa: Khayre oo la kulmay mas’uul sare appeared first on Puntland Post.
-
Bangiga Adduunka oo lacag badan ugu deeqay Soomaaliya Bangiga Adduunka ayaa markale lacag malaayiin Dollar ah ugu deeqay Soomaaliya, taas oo ah taageerada horumarinta caalamiga ah. Lacagtaan oo gaareysa illaa 40 milyan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay guddiga agaasimeyaasha hay’adaha bangiga adduunka, si loogu caawiyo dowladda federaalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan aqeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka. The @WorldBank today approved $40 Million emergency financing to support #Somalia’s desert locust response.@UNinSomalia @FAOSomalia @SNTVSomalia @SomaliPM @MofSomalia @SomaliaMolsa @KalsonAbdi @BahjaAShuriye @HarunMaruf @Goobjoognews @amisomsomalia https://t.co/5xRtKNhZZ1 — mpf1somalia (@mpf1somalia) June 30, 2020 Sidoo kale qoraalkan oo la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu muujiyey in ay taageradaasi qeyb ka tahay barnaamijka jawaab-celinta deg-dega ee looga hortagayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka. Todobaadkii hore ayey aheyd markii Bangiga Adduunka uu Soomaaliya u ansixiyey lacag gaareysa 55 milyan oo Dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee 2020. Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka. Qaran News
-
Fayras kale oo ka dillaacay Shiinaha oo laga cabsi qabo inuu dunida ku faafo Seynisyahano u dhashay dalka Shiinaha ayaa ogaaday in waddankaas uu ka jiro xanuun horleh oo lamid ah feyraska corona, kaas oo noqon karo cudur safmar ah sida feyraska hadda dunida ay la daala dhaceyso. Xanuunkan ayaa dhowaan lagu arkay xayawaanka doofaarka, waxaana sidoo kale ay seynisyahandu sheegeen in uu ku dhici karo ban’iaadamka. Cilmi-baarayaasha ayaa ka walaacsan in xanuunka uu si sahlan ku faafi karo, dadkana ay is-qaadsiin karaan, lagana yaabo in dunida oo dhan uu ku faafo. Inkastoo hadda dhibaato taagan uusan ahayn, haddana khubarada caafimmaad ee ogaaday xanuunkan waxay shegeen in uu leeyahay calaamado badan oo muujinaya in dadka ay qaadi karaan. Waxay intaa ku dareen in loo baahan yahay in si dhaw loola socdo cudurkan. Walow uu cusub yahay haddana waxay dhaqaatiirta seyniska ka digayaan khatarta uu leeyahay, waxayna ku baaqayaan in loo baahan yahay tallaabooyin lagu xadidayo faafidda cudurkan. Waxay shegeen in shaqaalaha shirkadaha ka shaqeeya hagaajinta hilibka doofaarka looga baahan yahay in ay taxadaraan, xaaladooduna aad loola socdo. Khatarta xanuunnada safmarka Hargabka shimbiraha ayaa ka mid ah cudurada khatarta ugu badan leh ee ay khubarada caafimmaadka isha ku hayaan xilli dunida ay isku dayeyso xakameynta feyraska corona. xanuunkii safmarka ahaa ee ugu dambeeyay ee dunida soo mara wuxuu ahaa Swine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaas oo ka bilawday dalka Mexico. Inkastoo xanuunkaas uusan noqonin sidii loo maleynayay, saameyntiisana ay yareyd – dadka da’da ah waxaa la ogaaday in jirkooda uu iska difaaci karay in kastoo uu la mid ahaa cuduro dunida horay usoo maray. Xanuunkaas oo loogu magaca daray A/H1N1pdm09, waxyaabaha looga hortagayo waxaa ka mid ah tallaalka sannadlaha ah, kaas oo dadka ka difaaco hargabkaas. Midka hadda laga soo shegayo dalka Shiinaha waxay isku calaamad yihiin isla kaas la arkay sannadkii 2009-kii, waxaase khubaradu ay shegeen in xoogaa uu ka yara duwan yahay. Illaa iyo hadda ma jirto khatart muuqata balse barfsoor Kin-Chow Chang iyo khubarada kale ee la shaqeysa, waxay in muddo ah darsayeen xanuunkan, waxaana ay ku baaqayaan in isha lagu hayo. Feyraas lamid ah corona oo lagu arkay dalka Shiinaha Feyraska oo seynisyahannada ay ugu magac dareen G4 EA H1N1 wuxuu si dhakhso ah ugu faafi karaa xubnaha jirka iyo neef-mareennada. Waxay heleen caddeymo muujinaya in xanuunka uu haleelay dad ka shaqeeya kawaanada iyo warshadaha lagu qalo hilibka doofaarka. Prof Kin-Chow Chang, oo ka hawlgala jaamacadda Nottingham ee dalka Briatin ayaa BBC-da u sheegay: “Hadda waxaan ku mashquulnay fayraska corona, balse yaanan indhaha ka qaadin khatarta ka imaan karta feyraskan cusub.” Wuxuu intaa raaciyay in inkastoo xanuunkan uusan ahayn khatar hadda taagan, haddana loo baahan yahay in aanan indhaha laga qaadin. Prof James Wood, madaxa wakaaladda xanaanada xoolaha ee jaamacadda Cambridge, waxaa uu sidoo kale sheegay in tani ay tahay xasuusin muujineysa in marwalba aan khatar ugu jirna cuduro. Xoolaha la dhaqdo ee dadka bani’aadamka ay aadka ugu dhaw yihiin waxay sababi karaan xanuuno safmar ah, sida uu sheegay Khabiirkas. Qaran News
-
NAIROBI (HOL) - Somalia’s war on desert locusts which have devasted thousands of acres of land has got a boost with $40 million grant from the World Bank. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa aqbalay codsigii madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Madoobe ee ahaa in loo dhorhiyo muddada uu ku soo dhisayo golihiisa wasiirada. Golaha wakiilada Jubbaland ayaa ka guddoomay codsigaasi Axmed Madoobe, iyaga oo ugu daray muddo 90 cisho, si uu ugu soo magacaabo wasiirada cusub ee Jubbaland. Xildhibaanada kulanka ka qeybgalay oo gaarayey illaa 43 mudane ayaa dhammaan isku raacay in waqti loogu daro madaxweynaha Jubbaland. Dhinaca kale kulanka baarlamaanka ayaa ah mid sii socdo, waxaana looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ka mid ah yihiin:- 1- Ilaalinta dastuurka dowlada federaalka soomaaliya. 2- kuraasta degaan doorashadooda la badalay oo ay gollaha ka horyimaadeen. 3- waxay sido kale golaha ka hadlayaan shirka amniga qaranka ee uu ku baaqay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bisha soo socto 5 ilaa 7 ka dhici doono muqdisho iyago gabi ahaanba qaadacay shirkaasi. Jubbaland ayaa tan markii dib loo doortay Axmed Madoobe wajaheysay caqabado badan oo uga imaanayey dhinaca dowladda dhexe, inkastoo ay hadda u aqoonsatay si KMG ah.
-
Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta ugu baaqay dhammaan hey’adaha maxaliga ah iyo caalamka in ay joojiyaan wada shaqeynta guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe. Guddiga oo war qoraal ah soo saaray ayaa xusay in laga bilaabo maanta aan guddoomiye Faysal aan loola dhaqmin sida ma’uul xasaanad leh, iyaga oo xeer ilaalinta ka dalbaday in Faysal lagu soo oogo dacwad la xiriirta hadal uu yiri. Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ayaa wuxuu awood u leedahay in uu sii wado shaqadii golaha, maadama labadii gole ee wakiillada iyo guurtida ay ku jiraan fasax, oo aan weli dib loogu soo laaban kulamadii goloyaasha. Guddoomiye Enjineer Faysal Cali Waraabe ayaa lagu wadaa in uu goor dhow shir ku qabto magaalada Hargeysa, kaas oo uu uga hadlaayo, xasaanad qaaditaanka maanta uu ku sameeyey guddiga golaha joogtada ah ee Somaliland. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida joogta ah ee golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in golaha Wakiillada Somaliland ay Kalsoonidii iyo wadashaqayntii kala noqdeen guddoomiyaha xisbiga UCID. Gudigu Waxay ka dalbadeen xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland inuu kusoo oogo eedaymo salka ku haya Kicin dadweyne oo ay sheegeen inuu ka dhalan karo xadhig u dhexeeya 6 Bilood ilaa 5 sano oo uu wajihi karo Gudoomiyaha xisbiga UCID. Akhriso go’aanka Golaha wakiillada Somaliland ay ka soo saareen Faysal Cali Waraabe. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada ammaanka qof shacab ahaa ugu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee Dhuusamnareeb ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada Booliska ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in askariga geystay falkaasi dilka ah uu goobta isaga baxsaday, balse haatan lagu raad-joogo, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee Galmudug. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay askariga iyo Allaha u naxariistee marxuumka geeriyooday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo weli baadi-goob ugu jira askariga fakaday, si loo horkeeno cadaaladda. Ma’ahan dilkii ugu horreeyey ee qof shacab ah loogu geystay Dhuusamareeb, tan iyo markii magaaladaasi lagu daabulay ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho.
-
Baarlamaanka Jubbaland waxay 90 Cisho siiyeen Madaxweyne Axmed Madoobe inuu kusoo dhiso Xukuumad Cusub. Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka dalbadey in wakhti dheer la siiyo, waana [...] The post MadaxweyneAxmeMadoobe oo Sanad kadib aan wali Xukuumad soo dhicin, Wakhti dheeraa la siiyay maanta appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka ayaa markale lacag malaayiin Dollar ah ugu deeqay Soomaaliya, taas oo ah taageerada horumarinta caalamiga ah. Lacagtaan oo gaareysa illaa 40 milyan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay guddiga agaasimeyaasha hay’adaha bangiga adduunka, si loogu caawiyo dowladda federaalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan aqeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka. Sidoo kale qoraalkan oo la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu muujiyey in ay taageradaasi qeyb ka tahay barnaamijka jawaab-celinta deg-dega ee looga hortagayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka. Todobaadkii hore ayey aheyd markii Bangiga Adduunka uu Soomaaliya u ansixiyey lacag gaareysa 55 milyan oo Dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee 2020. Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka.
