Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 20 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 952. Marwo Fowziya Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka xumuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 14 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 10, Banaadir 3, iyo Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2, 938. Bukaannada cusub 12 ka mid ah waa rag 2-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. aalinnimadii Sabtida, 27-June 2020 waxaa xubnaha Golaha Shacabka hortagtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliimo Yarey’. Xubanaha Baarlamaanka ay mudadiisu gabagabada sii tahay waxay ka horjeedisay khudab la wada sugayay oo ay uga hadashay masiirka doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha waxaa laga sugayay iney kala caddeyso in doorasho dalka ka dhici karto iyo in kale, Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Khudbadii Guddoomiye Xaliimo Yarey https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-yarey.mp4 Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa galabta hadal ka jeediyay munaasabad ay soo qaban qaabisay Madashu oo lagu xusayey maalmaha xorriyadda Soomaaliya. Sheekh Shariif oo inta badan hadal jeedintiisa diiradda ku saaray arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in haatan aysan muuqan hab doorasho heshiis lagu yahay, taas oo sida uu sheegay su’aal gelineysa halka loo socdo. Waxa uu sidoo kale shisheeye in dowladda ay dooneyso in dowlado iyo ciidamo shisheeye ay dadka u qabtaan. “Hadii dowladdu ay ku fekereyso dowlado shisheeye ayaa dadka idiin qabanaaya cid na qaban karta ma jirto, hadii ay ku fekeraayaan ciidamo ayaa idiin tababaran, kuwo kale ayaa idiin imaanaya, AMISOM ayaa joogta, taasi wax dhici kara ma’ahan, anaga sharciga unbaa na qaban kara, sharcigaas qabyada ah aan wada ilaashano, qabiil, qori, iyo dagaal, midna ma rabno, dastuurka unban rabnaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale sheikh Shariif ayaa sheegay in hey’adaha dowladda qaarkood aysan hada wada shaqeyn oo ay u baahan yihiin dib u heshiisiin, isaga oo ku baaqay in miiska la isugu yimaado dib u heshiisiin guud. “Anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin, hey’adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada, talo waxaa heysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa, annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin, ummaddo badan burburay, kuwaa hadda burburaya, maxaa loo burburaa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif. Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Doorasho waxay u baahan tahay jawigeeda in la diyaariyo, jawiga ma diyaarsana, maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto, maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro, waxaa ka soo qaadaa hey’adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen.” Sidoo kale guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday arrimaha guddiga doorashooyinka isagoo sheegay in eed gooni ah uusan saareyn oo inta badan wixii loo diray ay qabteen. “Arrinta guddiga doorashooyinka waa dadaaleen, wixii ay qaban kareen ayey qabteen, anigu ma rabo aad in aan u eedeeyo, laakiin waxaan rabaa in aan dhaho mas’uuliyad aysan laheyney qaateen, tusaale doorashadu waxay u baahantahay, amni, heshiis iyo dhaqaale, guddiga doorashooyinkuna intaas mas’uuliyadi kama saarna, bilaha ay soo bandhigeena macada waxa lagu beys gareeyay, macnaheedu taas waa doorasho goor ay dhaceyso lama yaqaano,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Hoos ka Daawo
  4. Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed oo ka hadlayay munaasabadda 1-da Luulyo oo ka dhacday Mqudisho ayaa sheegay in Dowladda ay cadayso mowfiga doorashooyinka 20201. Halkan Ka Daawo Khudbad Uu Madaxweynihii Hore Soomaaliya Ka Jeediyay Muqdisho Source: goobjoog.com
  5. Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabadda 1-da Luulyo oo kadhacday ayaa sheegay in Dowladda laga rabo in cadayso mowfiga saxda ee doorashada. Halkan Ka Daawo Khudbadii Uu Guddoomiye Sheekh Shariif Ka Jeediyay Munaasabada Source: goobjoog.com
  6. Maalinnimadii Sabtida, 27-June 2020 waxaa xubnaha Golaha Shacabka hortagtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliimo Yarey’. Xubanaha Baarlamaanka ay mudadiisu gabagabada sii tahay waxay ka horjeedisay khudab la wada sugayay oo ay uga hadashay masiirka doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha waxaa laga sugayay iney kala caddeyso in doorasho dalka ka dhici karto iyo in kale, si rasmi ah ayey ugu dhawaaqday iney dalkan doorasho ka dhici Karin waqtigii xukuumadda loo igmaday, isla markaana loo baahan yahay muddo korosi, waa hadal qof walba oo si caqli ah u fakarayaa uu sugayay la iskana ogaa inaan doorasho dalkan ka qabsoomi Karin. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Hadal Jeedintii Xaliimo Yarey Ee Baarlamaanka Halkan Ka Aqriso Warbixin Ay Goobjoog Ka Qortay Hal Jeedintii Guddoomiye Xaliimo Yarey Hadal Jeedintii “Xaliimo Yarey” Marmarsiiyo Ma Looga Dhigan Karaa Muddo Kordhin Dadban… 5 Xaqiiqo Oo Muhiim Ah oo Ay Ka Dhawaajisay Source: goobjoog.com
  7. Dr.Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare Jaamacadaha dalka ayaa sheegay in madaxda Dowladda Soomaaliya laga rabo in ay ilaaliso Dastuurka,isagoo yiri “Dastuurka Waana Halboolaha Qarnimo ” Halkan Ka Daawo DR.Xasan Sheekh Cali Oo Ka Hadlay Munsaabada Kowda Luuliyo Source: goobjoog.com
  8. Madasha Xisbiyada oo munaasabada heer sare oo todobaadka Xorriyadda ku qabtay magaalada Muqdisho Halkan Ka Daawo Warbixin Madasho Xisbiyada Iyo todobaadka Xorriyadda https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Xisbiyada-whats.mp4 Source: goobjoog.com
  9. China has warned Somaliland against establishing ties with Taiwan, the unrecognized region within its territory. The Chinese embassy in Mogadishu has tweeted: “We will never allow anyone, any organization, or any political party to separate any piece of territory from China at any time or in any form.” The warning followed the announcement of new relations between Somaliland and Taiwan by the leaders of the two breakaway regions in East Africa and in East Asia. They have agreed to cooperate on several key areas including setting up diplomatic offices. Somaliland which declared unilateral independence from Somalia in the 1990s is yet to gain international recognition but still considered as part and parcel of Somalia. View the full article
  10. Qoraal ka soo baxay Machadka Heritage ayaa lagu sheegay in si xoogan u aaminsan yahay in ay soo xirmayaan albaabadi oo dhan ayna jirto fursad aad u yar oo lagu xallinkaro xiisaddaha ka jira doorashooyinka waqitigeedi ee aadka u soo dhawaaday, isla markaana ay daruuri tahay in la helo dariiq loo maro xalka. Halkan Ka Daawo Waraysi Ku Saabsan Warbixinta Ka Soo Baxday Machadka Heritage Halkan Ka Aqriso Qoraal Ka Soo Baxay Machadka Heritage Machadka Heritage Oo Ku Taliyey In La Aado Doorasho Dadbab ama Muddo Kordhin Source: goobjoog.com
  11. MOGADISHU (HOL) - Local flights in Somalia will resume on Sunday after two months suspension in response to the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  12. Garowe ( PPM) — Puntland State of Somalia prides itself upon coming up with the federalism project for Somalia. As an idea it sounded appealing compared to the centralist agenda of the first transitional government for Somalia formed in 2000 after the Arta Reconciliation Conference in Djibouti. Puntland facilitated the end of the transition through Garowe I and II conferences that built on the first 2012 Somalia London Conference to enable Somalia to have a permanent government. To Puntland the end of the transition was a strategy to institutionalise federalism. Eight years after the end of the transition Puntland State has demanded abrogation of electoral and resource-sharing laws passed by bicameral legislatures in Mogadishu. Since 2017 Puntland has lost the privilege to issue fishing licenses for foreign companies. The incumbent Federal Government of Somalia instituted the policy to render fishing licenses issued by Federal Member States null and void. The legal challenge that Puntland State mounts against the Federal Parliament and the Upper House is premised on an article Puntland constitution that stipulates “Puntland will have the privileges of an independent state until the Somali draft constitution gets finalised and put to a national referendum.” Puntland has not revised its constitution to avoid an indirect sovereignty claim in a country with a recognised government. In Puntland federalism is still an idea waiting for implementation. President Deni demands abrogation of laws passed by bicameral legislatures in Mogadishu The administration is centralised. That means Puntland has not pounced at the opportunity to decentralise certain powers to the regions and districts. Efforts are under way to conduct pilot local government elections at several districts. More than ten political associations will participate in planned elections. Three political associations will emerge to become political parties twenty two years after the creation of Puntland as an autonomous administration. Puntland lacks clear separation of powers. Its system of government saddles the executive with unaccountable powers. On the sixtieth anniversary of the Somali Union President Said Abdullahi Deni vowed to follow recommendations offered by Puntland Parliament to respond to the rift with the Federal Government. Puntland Parliament is not wholly independent of Puntland Presidency, not an anomaly in Somali politics but a common political aberration delaying the transition to good governance throughout Somalia. Only when Puntland sets a good governance example can its questions about laws passed by federal legislatures make sense. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post PUNTLAND MOUNTS A LEGAL CHALLENGE AGAINST FEDERAL LEGISLATURES appeared first on Puntland Post.
  13. Wararka ka imaanaya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta si weyn loo adkeeyey amniga degmada Guriceel ee gobolkaaasi. Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo warramayaa in la dhigay jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi. Sidoo kale ciidmada oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid ayaa baaraya gaadiidka isaga kala gooshaya halkaasi. Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in beri Guriceel uu booqan doono madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo socdaal ku maraya Galgaduud iyo Mudug. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdiga madaxweynaha ayaa sidoo kale laga dareemayaa halkaasi. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii Khamiis-laha ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeen xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka golaha ayaa maanta waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin duullimaadyada dalka oo mudo hakad ku jiray, kadib markii loo joojiyey khatarta faafitaanka cudurka COVID-19. Golaha wasiirrada ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyey in dib loo furo duullimaadyada gudaha dalka, si loo fududeeyo isu socodka Bulshada, iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xukuumadda. Qoraalka ayaa lagu sheegay in duullimaadyada gudaha dalka dib loo furayo maalinta Axadda ah ee soo socota taariikhduna ku beegantahay 5-ta July, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad. Shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga. “Golaha waxuu sidoo kale ansixiyay Is-afgarad ganacsi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, Is-Afgarad ku Saabsan Samaynta Guddi Sare oo isku dhaf ah, kaas oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad ku Saabsan Machadka Diblomaasiyadda oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad la xiriira wada-tashiga siyaasadeed ee qadiyadaha ay wada danaynayaan labada wadan ee Soomaaliya iyo Qatar” ayaa lagu yiri qoraalka.
  15. Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga dib loo furaayo duullimaadyada dalka, kadib muddo hakad uu kuu jiray, sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee COVID-19. Golaha wasiirada oo maanta kulankkoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay dib loo fasaxo duullimaadyada gudaha dalka 5- July 2020-ka. Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale xusay in maalintii la ogal yahay in hal diyaarad ay u duusho dowlad goboleedyada, halka markii hore maalintii dhowr diyaarado ay tagi jireen. Shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay heshiiska gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha ganacsiga. Duullimaadyada dalka iyo kuwa caalamiga ayaa hakad galay kadib markii dunida uu ka dilaacay xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaas oo kiisaskii ugu horeeyey dalka lagu arkay 16- bishii March 2020-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Shir golaha Wasiirradu maanta ay yeesheen oo uu Guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka Bulshada iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19. Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kaddib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 2020, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad. Shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga. Golaha waxuu sidoo kale ansixiyay Is-afgarad ganacsi oo u Dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, Is-Afgarad Ku Saabsan Samaynta Guddi Sare oo Isku Dhaf ah oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad Ku Saabsan Machadka Diblomaasiyadda oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Is-Afgarad La Xiriira Wada-tashiga Siyaasadeed ee Qadiyadaha ay Wada Danaynayaan Labada Wadan ee Soomaaliya iyo Qatar. View the full article
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-habeen-02072020.mp3 View the full article
  18. Shir Golaha Wasiirada Soomaaliya maanta yeesheen ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadyada gudaha, si loo fududeeyo isu socodka bulshada, iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka Covid-19. Golaha ayaa dood dheer oo ay arrintaas ka yeesheen kadib cod aqlabiyad leh ku ogolaaday in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 202o, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad. Shir Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka oo maanta shir guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale lagu meel mariyay heshiis gaadiidka badda oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar iyo hindise-sharciyeedka summadaha Ganacsiga. Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay is-afgarad ganacsi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, is-afgarad ku saabsan samaynta Guddi Sare oo isku dhaf ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, is-afgarad ku saabsan machadka diblomaasiyadda oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Is-Afgarad la xiriira wada-tashiga siyaasadeed ee qadiyadaha ay wada danaynayaan labada Wadan ee Soomaaliya iyo Qatar. PUNTLAND POST The post Duullimaadka gudaha oo la furayo iyo amar la duldhigay dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa Xeerkii metalaadda Gobolka Banaadir u bedelay Qaraar, una kala diray xukuumadda iyo labada Guddi ee dib u eegista Dastuurka. Qoraal kasoo baxay Guddoomiye Mursal 27-kii June 2020 oo ku socday Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya, Guddiga labada aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan dib u eegista Dastuurka iyo Guddiga kale ee madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka, ayaa Xeerka metelaadda G/Banaadir looga dhigay Qaraar kasoo baxay Baarlamaanka Federaalka. Qoraalka oo sidoo kale la ogeysiiyey Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu caddeeyay inuu dhaqan gelayo marka uu saxiixo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, iyadoo su’aalo sharci iyo shaki badan ka dhasheen sida guddoomiyaha Baarlamaanka arrintan u wajahay. Xeer ka mida dhammeystirka Sharciga Doorashada ayaa qaraar loo bedelay, taasoo aan ku socon qorshihii hore, waxaa kaloo qaraarkan loo diray Wasaarada Dastuurka ee xukuumadda, iyadoo Qaraarrada kasoo baxa Baarlamaanka aan lagu celin xukuumadda ee Aqalka Sare ay ahayd in loo diro ama madaxweynaha si uu u saxiixo. Waxaa qoraalka ku cad inuu qaraarka dhaqan galay markii uu saxiixay guddoomiyaha Baarlamaanka, taasoo ka baxsan awoodda guddoomyaha Baarlamaanka. Arrimahan oo dhan waxay muujinayaan in xeerka metelaadda Gobolka Banaadir iyo xeerarka kale ee Dorashada ay isku qasan yihiin, sharci ahaanna loo duray, iyadoo aanu gudoonka Baarlamaanka ogoleyn in loo gudbiyo Aqalka sare iyo madaxweyaha, balse ay hadda u direen Guddiga dib u eegista Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka halkii ay ogeysiin ka siin lahaayeen. HOOS KA AKHRISO
  20. A statue of former Ethiopian leader Haile Selassie has been destroyed in a park in Wimbledon, south-west London. Source: Hiiraan Online
  21. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada dowladda oo bishii Ramadaan laba qof oo shacab ahaa ku dilay Boondheere. Dable Boolis Xasan Aadan Xasan oo ka tirsan ciidamada saldhigga degmada Boondheere ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida. Shuute ayaa sheegay in lagu helay dambiga loo heystay oo ahaa dilka marxuuminta Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullahi Cabdi oo uu dilkoodu ka dhashay banaan-bax rabshado watay oo 24-kii bishii Apriil ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Dable Boolis Xasan Aadan Xasan uu heysto fursad kale oo uu ka qaadan karo racfaan, haddii uusan ku qancsaneyn go’aankaasi. Dhageysiga dacwaddaan ayaa soo bilaabatay 28-kii bishii June, iyada oo ay maanta go’aan ka gaartay maxkamadda darjada 1-aad ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. View the full article
  22. Mogadishu ( PPM)— In a meeting held in Mogadishu Banadiri political leaders have urged the Federal Government to have senators in the Upper House. “I thank all those who put effort into seeking a the political representation for Mogadishu, The Banadiri community did have a senator in the Upper House. Now that Mogadishu will have 13 senators we ask for more senators to represent the Banadiri community since we are people who belong to the Banadir region.” Said Nuh Ahmed Omar, a Banadiri politician. Another Banadiri politician at the meeting made a distinction between “ to be born in Mogadishu and to belong in Mogadishu.” “People in Mogadishu a are divided into reer Xamar and Mogadishawi. Reer Xamar was born in and belong to Mogadishu but not everyone who was born in Mogadishu belongs to Mogadishu. One must have a link with Mogadishu dating back to seven generations” said a Banadiri community activist at the meeting. Banaidir community is a part of the Fifth Clan alliance made of clans deemed to be minorities according to the 4.5 power-sharing arrangement. Banadiri community lacks representation in South West State under whose jurisdiction Marka and Barawe districts come under, two distinctively Banadir districts. “Belonging to the Fifth clan in political disadvantage because you will have no little or no political representation in areas where your people predominantly live” says Muridi Hassan, a Banadiri activist. “What is important to know is that the Banadiri community can address their representation rights through the Fifth Clan alliance. The born-in and belong-to criteria diminish the cause of the Fifth Clan whose members face political discrimination based on belonging to a federal member state. The criteria benefits the other four Somalia clans who put themselves above us politically” says Saleh Afrah, a Fifth Clan community organiser. © Puntland Post Monthly, 2020 The post THE BANADIRI COMMUNITY DEMANDS FAIR REPRESENTATION IN THE UPPER HOUSE appeared first on Puntland Post.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa soo saartay go’aan ay uga digayso in gudaha deeganadeeda lagu qabto shirar iyo abaabul ka dhan ah Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Wasiir kuxigeenka Amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, Cabdinaasir Caydiid ayaa weliba si cad ugu digay dadka ajaanibka ah ee ku nool gudaha Somaliland ee kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaasi oo laga cabsi qabo inay qabtaan kulamo ka dhan ah Abiy. Wasiirka ayaa sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin xukuumada Muuse Biixi in gudaha deegaanadeeda, gaar ahaan caasimada Somaliland ee Hargeysa ay abaabul ka bilaaban dadka Ajaanibka ah ee aan u dhalan Somaliland. Cabdinaasir Caydiid ayaa carabka ku adkeeyay in marnaba suurtogali doonin in gudaha Somaliland uu wax ka dhex mucaarido qof ajaanib ah, isla markaana uu warbaahinta uga hadli karin arrimaha siyaasada. “Ajaanibka umaanu ogolaanin inay Fawdo Waddanka ka abuuraan, imika qaar baa la sheegayaa inay Shirar ka shaqaynayaan, waxaanu ballan-qaadaynaa hadday Shirarkaa isugu yimaaddaan oo ay rasmi ah noqoto inaanu ka qaadi doono Tallaabo Sharciga waafaqsan” ayuu yiri Wasiir Caydiid. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu haynaa Magacyadooda, meelaha ay ka shaqeeyaan, Cidda ay yihiin ayaanu garanaynaa, kuwaa iyo kuwa la midka ahba ama Oromo ha noqdaan ama Itoobiyaan oo dhan ha noqdaane”. Talaabadan ay xukuumadu ku mamnuucayso shirarka ay qabsanayaan dadka ajaanibka ah ee ku nool gudaha Somaliland, ayaa si gaar looga dan leeyahay qoomiyada Oromada oo iyadu maalmihii u dambeeyay waday abaabul iyo shirar ka dhan Abiy Axmed. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid si cad u garab istaageysa ra’iisal wasaare Abiy oo dibad baxyo looga soo horjeedo ay ka socdaan dalka Itoobiya, gaar ahaan caasimada dalkaasi ee Addis Ababa. Dibad-baxyada ugu badan ayaa ka socda caasimada iyo gobolka Oromia ee ku hareereysan, halkaasi oo ah xudunta dadka Oromada, oo ah qowmiyad muddo ka cabaneysay inay caburiyeen qowmiyado kale oo ay ka tiro badan yihiin balse dalka maamulayey. Waxaana labo maalmood gudahood rabshadahaasi ku dhintay 81-qof, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaaga caanka ahaa ee kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada
  24. Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Puntland oo ku qabsoomay Aalada maqalka iyo muuqaalka la isaga arko ee (Zoom). Shirka Golaha Wasiirada waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Covid-19, Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland iyo nabadeynta beelaha, qaar kamid wasaaradaha ayaa madaxweynaha la wadaagay howlaha ee qabsoomay wasaarad ahaan. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Puntland ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Amniga guud ee Puntland oo wanaagsan, iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug iyo qorshaha tayeynta ciidamada ee ka socda Gobolka Mudug. Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Covid-19 ee Puntland, waxay wasaaradu sheegtay in uu jiro hoos u dhac dhinaca kiisaska ah, Wasaaradda ayaa soo jeedisay in weli loo baahanyahay in ay sii jirto xaaladda feejignaanta ah oo bulshadu is illaaliso iyagoo raacaya talooyinka caafimaad. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland waxay Golaha la wadaagtay diyaar-garowga ugu danbeeyay Imtixanaadka oo ardeydu u fariisan doonto subaxda sabtida 04 Luulyo 2020. Ardeyda Imtixaanka waxaa u fariisan doona 16,500 oo ardey, 5,447 ardey waa Dugsiga Sare halka 11,053 ardey ay u fariisan doonaan Imtixaanka fasalka 8-aad. Imtixaanaadka oo lagu qaban doono 132 goobood oo ku yaalla deegaanada Puntland, waxaa dhinac socda taxadar ku saabsan cudurka covid-19, iyadoo la diyaariyey in ardeydu ay helaan qalabka ka hortaga covid-19 , dareeraha jeermiska dila iyo in lala socdo heerka xumadooda. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda caafimaad ee xoolaha Puntland, qorshayaasha guuleystay ee lagu talaalay xoolaha iyo in la diyaariyey gaadiid daawooyinka xoolaha ugu geeyo dhulka fogfog si loo hubiyo xaaladda caafimaad ee xoolaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Golaha la wadaagtay shirarka nabadeynta ee ka socda Galdogob iyo Cawsane-Sanaag, kuwaasi oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale waxay Wasaaraddu Golaha la wadaagtay in uu bilowmayo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee (JPLG). Ugu danbeyn Goluhu wuxuu bogaadiyey sida ay u socoto howsha dayactirka wadada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe oo hadda la dhisay 4-tii KM ee ugu horeysay, Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hore u balan qaaday in Dowladdu dayactirayso wadooyinka ku burburay roobabkii sanadka ka da’ay Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Meelo kala duwan oo Soomaaliya iyo dalka dibeddiisa ayaa laga xusay maalinta xorriyadda Soomaaliya ee 1-da Julay,magaalada turkoo ee dalka Finland ayaa qubrajoogta ku nool waxa ay ka dhigeyn munaasada lagu waynaynayay xuska kowda luuliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dabaal Xoriyada Iyo Qurbajoogta Finaland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-upp-finland.mp4 Source: goobjoog.com