-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xarunta Shirkadda SOMTEL ee dabku qabsaday Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dab ka kacay, xarunta weyn ee shirkadda SOMTEL ku leedahay gudaha Boosaaso. Xarunta Boosaaso oo deggan guri dabaq ah, ayaa sida la sheegayo dab qabsaday qol ku yaalla qaybta dhexe ee dabaqaas, inkastoo markiiba la xakameeyay dabka, islamarkaan lagu guulaystay demintiisa. Shaqaale ka tirsan shirkadda SOMTEL qaybta Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in durbadiiba la bakhtiiyay dabka, isagoo xusay in khasaaruhu ku koobanyahay hal qol oo keliya. Balse, faahfaahin kama uu bixin waxa dabkaasi dhaliyay, qolka gubtay waxa yaallay iyo sidoo kale inta uu le’egyahay Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabka. PUNTLAND POST The post Dab ka kacay xarunta shirkadda SOMTEL ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday guddiga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, isla markaana lagu socodsiiyay xaasiifyada hantidhowrka, xisaabiyaha guud iyo wasaaradda maaliyadda, ayaa magdhaw lacageed looga dalbaday mid kamid ah shaqaalaha xaafiiska Madaxweynaha. Yoonis Xasan Xuseen oo ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan xaafiiska Madaxweynaha ayuu guddigan ku eedeeyay inuu mushaar ka qaadan jiray laba xaafiis, sidaas darteedna laga rabo magdhaw lacageed. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Yoonis mushaarka uu ka qaadan jiray xaafiiska madaxtooyada uu u wehliyay mid kale oo uu ka qaadan jiray hey’adda qaxootiga barakacyaasha qaranka, taas oo ay ku tilmaameen sharci darro. Guddiga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ayaa qoraalkan ku sheegay in haatan la go’aamiyey laba qodob oo kala ah. In Yoonis laga joojiyo shaqada xaafiiska madaxtooyada Soomaaliya, si looga fogaado laba mushaar qaadasho kale. Iyo in uu bixiyo lacagtii uu mushaar ahaanta uga qaatay xaafiiska madaxtooyada, taas oo dhan 6,352.8 dollar, (lix kun seddax boqol konton iyo laba dollar iyo sideed sinti). Ugu dambeyntii waxaa lagu yiri qoraalka guddiga, “Waxaan inla socodsiineynaa in uu bixinaayo lacagta uu ka qaatay xaafiiska madaxtooyada 100%, si loogu shubo khasnadda dowladda.”
-
Trump oo shaaciyey in Haddii ay mudaharadaayasha ugu soo geli lahaayeen Guriga Cad inuu Ey u adeegsan lahaa Dibadbaxayaal ku sugan dibedda Aqalka Cad Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku ammaanay ilaaladiisa qaabka ay ula tacaaleen dadkii Jimcihii ku hor mudaaharadaayay Aqalka Cad , dadkaas oo ka careysnaa dilka nin madow ah oo aan hubeysneyn oo uu askeri ka tirsan booliska ku dilay magaalada Minneapolis. Aqalka Cad ayaa si ku meel gaar ah loo xiray markii dibadbaxayaal carreysan ay soo hor dhoobteen. Ilaalada madaxweynaha ayaa xiray albaabada laga gala iyo kuwa laga baxa ee Aqalka Cad. Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay n dibadaxayaasha haddii ay isku dayaan inay soo galaan “laga horkeeni doono eeyo arxan daran iyo hubka ugu xumaa ee aan abidkey arkay” Waa mid ka mid ah hadalladii ugu dambeeyay ee uu Turmp jeediya oo loo arki kara inay sii hurin karaan dibadbaxyada. Jimcihii ayuu sheegay “booka haddii uu billowdo, toogashada ayaa iyadana billaabani”. Mar sii horreysay dibadbaxayaal careysan iyo booliska ayaa isku dhacay magaalooyin badan oo ku yaalla Mareykanka. Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa masiibada dilka George Floyd ku tilmaamay inay isu bedashay “kharbudaad si ula kac ah loo sameynaya” New York, Atlanta iyo deeganno kale ayay xasillooni darrada ku baahday. Masuuliyiinta ayaa shaaca ka qaaday inay xilka ka qaadeen askeriga dilay ninka islamarkaana la xiray, dambi dil ahna si rasmi ah loogu soo oogay. Dibadxyo ayaa ilaa xalay ka socday dibeda hore e Aqalka Cad George Floyd, oo ahaa 46 sano jir ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay boolis caddaan ah oo luqunta jilibka kaga hayay Floyd. Muuqaal 10 daqiiqo soconayay ayuu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa kaas oo uu ka dhex muuqdo Floyd oo ay nafta hayso oo booliska caddaanka ah si ku celcelis ah ku leh “waan neefsan la’ahay” Booliska ayaa sunta dadka ilmeysiisa oodda uga qaaday mudaaharaadayaasha iyadoo la arkayay ganacsiyo la boobayo. Waxaa sidoo kale banaanbaxyo ka dhaceen Chicago, Illinois, Los Angeles, California, iyo Memphis, Tennessee. Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay boolisku u geystaan dadka madow ee reer Mareykan ah. Trump muxuu ka yiri dilka Floyd Madaxweyne Donald Trump ayaa ku tilmaamay “dhacdo daran” waxa uuna sheegay inuu la hadlay qoyska Floyd oo ku tilmaamay “dad cajiib ah” Trump ayaa horay bartiisa Twitter-ka soo dhigay hadal dadka ka si careysiiyay kaas oo u muuqday inuu dhiiragelinaya qalalaasaha. “haddi wax la dhaca, toogasha ayaa xigta” ayuu yiri Trump. Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaasi in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas. Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd. “Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga Maxaa u dambeeyay Minnesota oo ah xudunta dibadbaxyada ayaa waxaa ka taagan xiisad iyadoo bandow habeenkii ah lagu soo rogay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis-Saint Paul. Dibadbaxayaasha ayaa qaadacay bandowga Jimcihii iyadoo gooba badan sida xarun boolis iyo gawaarida booliska dab la qabadsiiyay. Telefishinada ayaa sidoo kale baahinayay muuqaalo tusayay boob iyo dhac ka socda meelaha qaar. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha New York oo isticmaalaya caano si ay isaga dhaqaan sunta dadka ilmada ka keenta Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ciidamada ilaalada qaranka ku daabulay Minneapolis kaddib markii ay maayarada codsadeen in ciidamadaasi la keeno iyadoo xaaladda amniga ay faraha ka baxday. Waxa uu sheegay in boobka ay geysanayaan dibadbaxayasha u sababay in ganacsiyo badan khasaaro loo geysto, oo ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay. ”Geerida George Floyd waa iney nagu hogaamisa dhanka cadaaladda ee ma ahan in ay horseeddo burbur iyo dhimasho hor-leh.” Waxa uuna waxbixin uu soo saaray mudaaharaadyaasha ugu baaqay iney si nabdoon u banaan-baxaan. Aqalka gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa heegan sare geliyay milatariga si ay isugu diyaariyaan suurtagalnimada in la geeya Minneapolis. Gaari ay leeyihiin booliska oo lagu gubay Atlanta, Georgia Gobolka Atlanta, xaalad deg deg ah ayaa lagu soo rogay meelaha qaar ka dib markii ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wato. Dhowr dhismo ayaa la boobay iyadoo sidoo kalana dab la qabadsiiyay gawaawir ay leeyihiin booliska. Magaalada New York, waxaa isku dhacay booliska iyo dibadbaxayaasha oo dhagxaan tuurayay islamarkaana dab qabadsiiyay gawaarida booliska. Dhowr askeri ayaa ku dhaawacantay. Dad badan oo ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa la xiray. Duqa magaalada New York Bill de Blasio ayaa bartiisa Twitter-ka so dhigay ” Ma dooneyna in habeen kan oo kale ah uu na soo mara .” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dadkii ka badnaa 100-ka qof ee habeen hore dalka dib loogu soo celiyay ay ahaayeen dad ay soo tarxiishay boqoratooyada Sacuudi Carabiya. In badan oo kamid ah dadkii la soo celiyay oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in aysan dowladda Somalia ka caawin inay dalka kusoo noqdaan, balse ay ahaayeen tahriibayaal bilo iyo todobaadyo ku xirnaa dalka Sacuudiga. Dowladda Somalia ayaa sheegtay in dalka ay ku soo celisay in kabadan 100 qof oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga kadib markii uu saameen ku yeeshay Covid-19, hase yeeshee waxaa muuqata in warkaas uu ahaa been abuur ay sameysay dowladda Somalia. Qaar kamid ah shaqaalaha safaaradda Somalia ee magaalada Jeddah ayaa sheegay in aysan wax xog ah ka heynin dadkii la soo celiyay islamarkaana aan lagu soo wargelin ama aan la soo marsiinin nidaam sax ah oo la mid ah sidii looga soo celiyay dadkii ku xayirnaa dalalka Kenya, Turkiga, iyo India oo ay hadda socoto basle ay kawar heleen oo kaliya in dad badan dalkii lagu celiyay. Dowladda federaalka Somalia ayaa hore sidaan oo kale lagu eedeeyay iney sheegatay howl aysan qaban, waxaana kamid ah gargaarkii Qaramada Midoobay ay geysay Qardho markii ay daadadka ku dhufteen iyo gargaarkii la gaarsiiyay Kismaayo, kuwaas oo ay Maamulada halkaasi ka jira sheegeen iney deeq uga timid Midowga iyo Qaramada Midoobay.
-
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa waddanka Sacuudi Carabiya ayaa gelinkii dambe ee Shalay dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Muwaadiniintaas ayaa lagu sheegay gabdho Soomaaliyeed oo mudda ku dayacnaa dalka Sacuudi Carabiya kadibna ku xannibmay saamaynta xanuunka COVID-19 kuwaas ugu dambayn ay dowladda Federaalku ku guulaysatay in ay halkaas ka soo daad-gurayso. Sidoo kale maalin ka hor waxaa dalka lagu soo celiyay in ka badan 130 muwaaddin Soomaaliyeed oo mudda ku xannibnaa gudaha Sacuudi Carabiya sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa ku warrantay in soo celinta muwaadiniintaas ay ka dambaysay markii madaxweyne Farmaajo amray in la soo daad-gureeyo dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban waddanka Sacuudiga. PUNTLAND POST The post Gabdho Soomaaliyeed oo ku dayacnaa Sacuudiga oo dalka lagu soo celiyay appeared first on Puntland Post.
-
Askariga loo haysto Dilka Ninkii madoobaa George Flyod oo Burbur Qoys wajahay Dilkaa Dartii Derek Chauvin ayaa la filayaa in la maxkamadeeyo Isniinta Derek Chauvin, oo ah askarigii qoorta uga istaagay George Floyd isla markaana loo haysto dilkiisa, ayaa xaaskiisa waxa ay ka dalbatay furriin, sida ay warbaahinta ABC News kasoo xigatay qareenka haweeneydaasi. War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska qareenkeeda ee Sekula Law Office ayaa lagu sheegay in Kellie Chauvin ay aad uga naxday geerida George Floyd, ayna murugada la qeybsaneyso qoyskiisa. “Waxa ay Derek Chauvin ka dalbatay furriin, maadamaa aysan wax carruur ah isu dhalin, waxa ay Kellie codsaneysaa in gebi ahaanba qoyskeeda la siiyo ammaan xilligan adag,” ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo xigatay warbaahinta ABC News. Chauvin ayaa la xiray gelinkii dambe ee Jimcaha isagoo lagu eedeeyay dilka Floyd. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago Isniinta, isla markaana dad kale loo qabto dilka ninkaasi, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha deegaanka Hennepin, Michael Freeman. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay inuu hayo caddeyn muujinaysa in Chauvin uu ninka dhintay jilibka qoorta uga hayay muddo 8 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi ah, taasoo 2 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi oo kamid ah uusan nuux-nuuxsaneyn Floyd. Dibedbaxyo rabshado wata oo ka dhashay dilka George Floyd ayaa ku baahay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka. New York iyo Los Angeles ayaa kamid ah ilaa labaatan magaalo oo ay hareeyeen dibedbaxyada. Magaalada Detroit, wiil 19 jir ah ayaa ku dhintay rasaas uu gaari wadada marayay ku furay dad mudahaaradayay. Minneapolis dad dibedbaxayay oo jebiyay bandow magaaladaasi la saaray ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal halkaa ku yaal. Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa si aan horay looga baran ku amartay ciidamada dalkaasi inay heegan galiyaan cutubyo ka tirsan booliska milateriga ah, si haddii loo baahdo ay gacanta ugu dhigaan xaaladda Minneapolis. Qaran News
-
Haweeney “ka been sheegtay” hantideeda oo laga saaray liiska maalqabaneedda Caalamka Kylie Jenner ayaa hadda laga saaray liiska bilyaneerrada. Jariiradda Forbes ayaa liiskeeda dadka bilyanneerka ah ka saartay haweeneyda baayacmushtarka ah ee Maraykanka u dhalatay, Kylie Jenner, waxaana ay majaladda ku eedeysay qoyskeeda inay ka badbadiyeen qiimaha ganacsigeeda waxyaabaha la isku qurxiyo. Forbes ayaa sheegtay in qoyskaasi uu “geed dheer iyo mid gaaban u fuulay” sidii uu u muujin lahaa in gabadhooda da’da yar ay leedahay hanti ka badan teeda rasmiga ah. Jenner oo barteeda Twitter-ka ugu jawaabtay jariiradda ayaa ku tilmaamtay “qoraal aan sax ahayn oo ku salaysan malo aan la hubin.” Waxa ay intaa ku dartay in weligeed aanay raadsan mansab aysan lahayn ama aysan ka been sheegin heerkeeda. Forbes ayaa sanadkii hore shaacisay in Kylie Jenner ay tahay bilyaneerka ugu da’da yar adduunka. Jariiradda, oo ku caanbaxday liiska bilyaannarada caalamka, ayaa markaasi sheegtay in Jenner ay hantideeda ugu badan ka heshay shirkad waxyaabaha la isku qurxiyo iibisa oo ay sameysay 2015. Sanadkii hore ayay shaacisay in 51% shirakaddeeda ay uga iibineyso shirkadda magaca leh ee Coty lacag dhan 600 oo milyan oo dollar. Forbes ayaa sheegtay in xisaabiyayaasha qoyska Kylie Jenner ay usoo gudbiyeen canshuur celin muujinaysa in shirkaddeeda ay sanadkii 2016 iibisay alaabo dhan 300 oo milyan oo dollar, halka sanadkii xigeyna ay soo xareysay lacag dhan 330 milyan oo dollar. Kylie Jenner ayaa ka dhalatay qoyska Kardashian Balse macluumaad ay jariiraddu ka heshay shirkadda Coty ayaa muujiyay in shirkadda haweeneydaasi “ay aad uga qiimo hooseyso intaasi, ayna sanado badan buunbuuninayeen qoyskeeda,” sida ay sheegtay Forbes. Qiimeyn ay shirkadda Coty usoo bandhigtay maalgashatada ayaa muujineysa in shirkadda Kylie Jenner ay sanadkii 2018 soo xareysay lacag dhan 125 milyan oo dollar. Weriyayaasha Forbes ayaa horay ugu eedeeyay dad maalqabeenno ah inay ka been sheegeen hantidooda, shakhsiyaadkaasi oo ay kamid yihiin xoghayaha ganacsiga ee Maraykanka, Wilbur Ross iyo Madaxweyne Donald Trump. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markale ka hadashay hub ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya, xili ay saaran tahay cuno-qabateynta hubka ee golaha amaanka qaramada midoobay. Somaliland ayaa dembi iyo xad-gudub sharci ku tilmaamtay hubkaasi loogu deeqay dowladda Masar, oo ay hore uga hiilisay xiisada kala dhaxeysa Itoobiya ee wabiga Nile-ka. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrintaasi ka hadlayey ayaa muujiyey inay rajo weyn ka qabaan in beesha caalamku ay wax ka qabato talaabada loogu deeqay hubka Soomaaliya oo xad-gudub sharci ah, sida uu hadalka u dhigay. Wasiir ayaa si weyn uga horyimid in dowladda Masar ay xiligan hub ugu deeqdo dowladda Soomaaliya, iyada oo lagu eedeynayo inay dagaalo sokeeye ka wado qaar kamid ah gobolada dalka. “In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci, Caalamkuna wuu arkaa ee waxaanu filaynaa inuu wax ka qabto” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland. Somaliland ayaa iyadu qabta inay waxyeelo badan kasoo gaari karto hub ay xiligan hesho dowladda federaalka Soomaaliya, maadama uu kala dhaxeeyo xiisad xoogan oo siyaasadeed.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19,kaas oo habeen walba si joogta ah u qabsooma. Shirka oo ka qabsoomay Khadka muuqaalka ah ee Internet-ka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Caafimaad ee gobolada dalka gaar ahaan xanuunka COVID-19 iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa degaannada u baahan gurmadka Caafimaad. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu xanuunkaas haleelay loona xakameeyo faafidda COVID-19. Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay gurmad Caafimaad oo kala duwan ay gaarsiisay Gobolada dalka oo laga helay kiisas kamid ah xanuunka Coronavirus,sida Cadaado, Kismaayo, Jowhar iyo degaanno kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo amray in gurmad caafimaad la gaarsiiyo gobollada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Qubanaha-Shabelle-300520-ww.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ilaa hadda ka hadlin dilkii foosha xumaa ee maalmo ka hor ka dhacay degaanka Golaley ee degmada Balcad, kaasi oo lagu xasuuqay sideed dhallinyaro oo ahaa aqoonyahano xirfadleyaal caafimaad ah. Madaxweynaha oo ku sugan Muqdisho islamarkaana ay gaartay xasuuqii dhacay, ayaa ilaa hadda dareenkiisa la wadaagin shacabka waxaana soo baxaya eedeymo loo jeedinayo. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si deg deg ah uga tacsiyeeyo dhibaatooyinka soo gaara dalalka kale muwaadiniintooda ayaa wax culeys ah ka soo qaadin dil wadareedkii dhacay, kaas oo loo geystay dhalinyaro Jaamiciyiin xirfadleyaal caafimaad ahaa. “Madaxweynaha oo ka tacsiyeen jiray shil diyaaradeed iyo dad badda kaga dhintay dowlado shishiye ilaa hadda kama uusan hadlin dhaqaatiirtii la laayay,” ayuu yiri Cabdi Axmed Xuseen oo ka mid ah aqoonyahanada Muqdisho. “Waxay ku tuseysa qalbi iyo damqasho la’aanta madaxweynaha, iyo sida agtiisa aysan qiimo uga lahayn dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waayo dilkan ma ahan dil caadi ah, wuxuu ahaa dad bulshada qiimo weyn ugu fadhiyey oo la xasuuqay” ayuu yiri Cabdi. “Waxaa macquul ah in haddii dhibku ka dhici lahaa gobollada kale ee Soomaaliya qaarkood uu madaxweynaha deg deg uga falcelin lahaa.” Sidoo kale Ururada Bulshada Rayidka ee gobalka Banaadir ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul ku eedeeyay in aysan bulshada la wadaagin dareenkooda ku aadan musiibadii Balcad. “Waa wax laga xumaado in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ilaa hadda ka hadlin musiibadii Golaley ee degmada Balcad,” ayuu yiri Cusmaan Muxudiin Shaatax oo ah guddoomiyaha ururada Bulshada Rayidka oo warbaahinta la hadlay. Caasimada Online oo saraakiisha Villa Somalia wax ka weydiisay sababta madaxweynaha arrintan uga hadli la’yahay iyo eedeymaha loo jeediyey, waa ay ka gaabsadeen inay jawaab ka bixiyaan. Guddiyo ka kala socda dowladda Somalia iyo maamulka HirShabelle ayaa caawa ku hoyana degaanka Golaley waxaana la sheegay in ay maanta la kulmeen dadka degaanka. Golaley waxaa dul hoganaya murugo iyo uur ku taalo xanuun badan.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay falkii lagu xasuuqay dhalinyaradii dhakhaatiirta aheyd ee ka dhacda deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe. Taliye Odawaa ayaa sheegay in dadkaas la laayey aysan wax lug ah ku laheyn ciidanka xoogga dalka, oo haatan eedeynta ugu badan loo jeedinayo, in kastoo ay socdaan baaritaano la xariira sababtii loo dilay iyo cidii dishay dadkaas. Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga ayaa Cadaado caawa ka sheegay in taliska militeriga Soomaaliya uu wado baaritaan iyo hawlgal ku aadan dhacdadaas, dibna ay ka shaacin doonaan wixii kasoo baxa baaritaanada socda. Xubno ka kala tirsan dowladda federaalka, maamulka HirShabeelle, odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin kale ayaa gaaray deegaanka Gololey oo falkaasi uu ka dhacay 28-kii bishan, waxaana halkaas ka socda baaritano ku aadan sababtii loo dilay iyo qoladii dishay dadkaas. Marka laga soo tago in ciidanka xoogga dalka oo iska fogeeyay lagu eedeeyay falkaas dadka lagu dilay, hadana eedeynta xasuuqa dadkaas waxaa kaloo loo jeediyey Al-Shabaab. Hase yeeshee Al-Shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah kasoo saarin dhacdaan. Ma qiran, mana beenin weli eedeynta loo jeediyey eek u aadan xasuuqa sideed qofood oo xirfadleyaal caafimaad ahaa.
-
GUDAGALKII GEESIYAASHII SNM EE HARGEYSA AND BURCO BISHII MAY EE SANADKII 1988 image Maalinwalbawaxaanmarnabakaguureynxiskamuwaadinkastaooreer Somaliland ah oodamiirfayowlehgudagalkiiBurcoeeBishii May 27kii iyogudagalkiihargeysaeeBishii May 13 sanadkii 1988. Waxa ay xasuusdheraada u leedahayMujaahidiintiiCiidankaXoreynta SNM khaasahaanqaybaha 12 eeMadiinaiyo 31 eeMakalaguwanqalayooahaakuwiifuliyayhawlgalkiiculsaaeeBurcoiyohargeysalaguxoreeyay. Xuskasanadguurada 32 eekasoowareegtaygud-galkiihargeysaiyoburco…..HadabaxiligaasiookubeegnaaheshiiskiiAfweyne Barre iyoMengistuHayle ay kugaadheendalkajabuutieeuuXasanGuleeddhexdhexaadinaayay, isagooulajeedadauukalahaaxasanguleed ay ahaydkubaabiijabhadiixaq u dirirkaee SNM. Waxabishii April 4dii eesanadkii 1988, bilaabmayfulintaheshiiskaaoodhigaayayin la kala fogeeyociidamadaxuduudahadegen,aynakormeeraanmadaxdaqaybta 26aad ooahaaciidankiifaqashtaeefadhigooduahaahargeysaiyogalbeedkeedaiyosaraakiishaqaybtaharargeeebarigaItoobiya. Waxa u bilowdaylabadiidawladoodeeItoobiya and dawladiifaqshtabooqashooyin, iyodawladiiItoobiyaookuamartayCiidamadii SNM in ay kasoobaxaanjiidahoreeexuduuda, lagunasooceliyoxeryo hub kadhigis ah ookuyaalaygudahadalkaItoobiya.Sidoo kale waxaciidamadii SNM ay kajoojiysaydawladiiItoobiyadhamaantaakulayntiisaanadaiyoshidaalkaee ay Itoobiyahore u siinjirtay SNM. Waxakor u kacayniyadiiCiidamada Somalia amabaAf-wayneookuhamiyay in ciidamadii SNM ay u qaybsamidoonaan wax xuduudakasootalaabaoo is soodhiibaiyo wax xeryahaItoobiyakuabaada. “LakiinAf-wayneiyofaqashkunaydarin in tiiIlaahaymaqantahay, SNM talomeel u taalo”. Waxayciidamadiifaqashtubilabeenhawlgalo ay kunaafaynayaancududaCiidamadii SNM eekusugnaaxuduudahadushooda.Taliyihiiqaybta 26aad ee la odhanjiray Morgan eenaanaystacaanka ahi u baxdayee ah “ Cabdi Bile”, oo la hadlaayaysaraakiishiiiyociidamadiifaqashtaeedulaankakusooqaadayciidankii SNM eefadhigooduahaatuuladaCabdi Yusuf isagoo la dardaarmaayaayaawaxauuyidhi.” Waa tiroyaroogaajoonaysa ma haystaantekniko, mana jirtotaakulaynxagadanbeugaimanysa, shaqolabaadoodhinacagalbeedka ah ayaaiskuwakhtihawlgalkiinubilaabmayaawaa in aadqoortakasoowadaxidhxidhaan, si ay kuwangudahajoogaauguquusqaataan. Dagaalkaasoo ay guushameelsiidhigteenfaqashmay mahadin. Waxauuhawlgalkahargeysasaddexmalmoodkadanbeeyaymarkiiciidamadii SNM eeqaybta 12aad eeMadiina ay weerarculuskuhilaaciyeenmagaladiiBurco, kaasooahaa May 27, 1988, Iyagaoociidamadafaqash ay ka war haysoduulaankaciidamada SNM eek u soomaqan.Faqashwaxaydadwaynihiiburcoiyoharegeysasareenculaysxad-dhaaf ah waxayxasuusaango’ayn u leedahaydadkiixiligaajoogayBurcoiyohargeysa. Waxaciidamadiifaqashta la soosafaywadooyinkaiyoxaafadahahargeysa ,burco, Berbera, ceerigaabo, gabilayiyotuulooyinfarabadan, waxaysuuqyadaiyowadooyinkakaugaadhsanjireendadkashicibka ah eemaraayaiyagoosidiiugaadha u ugaadhsanaaya, waxaymagaalooyinkaasimuquurteenbandooaanhabeeniyomaalinba kala go ahayn. HawlgalkiiBurcoee May 27 iyokiicadaalayee May 29, iyokiihargeysaee May 31, sanadkii 1988, oomaantalagajoogo 32 sanadood Ayaan wax kawaydiiyaymujaahidiinahaaragiihogaaminaayaysaddexdadhacdoqaarka mid ah, balinaysawirkoobanigasiiyaanmaalintaaiyagookajawaabaayawaxayyidhaahdeen: Maalintaasiwaxayahaydmaalinadag, waxayahaydmaalin la kala doortaygeeriiyonolol, waxayahaydmaalinciidamadii SNM iyoshicibkoodiibanoloshanaceen kana door bideen in ay huraannafiyomaalba. Waxayahaydgo’aanshacbikadhiidhiyaydulmi, waanaykamidaysnaayeenshacabkiiiyo SNM gudoiyodibadba.Fulintago’aankasadagwaxakusuntanaaciidamadiixoreynta SNM oosidhiiran u fuliyay, oomidhaheediinanoqdayxoiryada Somaliland eemaanta la wadahadhsanaayo.Ilaahay how naxariistointiikushadiiday, intanoolnacaafimaadiyocimridheerIlaahay ha siiyo….Amiin. ANIIS CABDILLAHI CIISE SOMALILAND ADOCACY GROUP WASHINGTON DC..USA Qaran News
-
image.png Isla kolkii uu dagaalku ka qarxay Burco, xukuumaddu waxay dadka la dhex gashay makarafoonno cod dhaadheer oo shacabka loogu kala soocayo Isaaq iyo Daarood. Waxay ku qaylinayeen: Yaa ka yimid Gaalkacayo? Yaa ka yimid Garoowe? Yaa ka yimid Muqdisho? (oo dhammaantood ah dhulalka aan Isaaqu degin). Ka dib dadkii aan Isaaqa ahayn ayay ka codsadeen inay si degdeg ah uga baxaan magaalada Burco; waxay doonayeen inay gubaan magaaladaas iyo wixii yaallaba. Dadkii ka yimid magaalooyinkaas kale badankoogu waa ay baxeen, dawladda ayaana siisay gaadiidkii lagu daabulayay. Runtu waa inay si la mid ah sida ay u bedbaadiyeen maatida reeraha kale, ayay u bedbaadin karayeen maatida Isaaqa. Xaqiiqada ayaa se ahayd in laga badheedhay in la gummaado maatidaas, iyada oo illaa maanta qiil laga dhigto in SNM ka dhex dagaallantay. Haddii ba ay run tahay in ay shacabka soo dhex gashay SNM, maxaa shacabkii ay sida isku midka ah u dhex gashay qaybna loo bedbaadiyay, qaybna loo gummaaday? 56 qof ee Xeebta Jasiira ee Muqdisho lagu xasuuqay iyagana maxaa loo laayay? Ma waxay odhan doonaan SNM ayaa Muqdisho ka dagaallantay? Waa doodda ugu doqonsan in gummaadkii baaxaddaas lahaa qiil looga dhigto in SNM ay dadka soo dhex gashay. Isla kolkii la daad-gureeyay dadkii aan Isaaqa ahayn, waxa bilaabmay in si aan kala sooc lahayn dadkii loogu furo hubka culus. Warbixintu waxay xustay in aanu farqi u dhexayn hubka ay ciidanku u isticmaalayeen iska caabbinta jabhaddii SNM iyo ka ay u isticmaalayeen dadka rayidka ah ee guriyahooda joogay. Madaafiic, baasuukayaal, qoriyaha darandoorriga u dhaca (Machine gun), bambo gacmeedka, duqaynta cirka ee diyaaradaha iyo hub kasta oo burbur laxaad leh keeni karayayba waa ay adeegsadeen. Cidda hubkaas loo isticmaalayaa ma aha SNM, waa rayidkii. Nooc kasta oo hub ah oo ay heli karayeen waxay u isticmaaleen magaalooyinka ay dadku ka buuxaan; iyaga oo xiitaa duqaymaha cirka ah la beegsanayay goobaha ugu saxmadda badan, si ay mar qudha u gummaadaan tirada ugu badan ee suuragalka ah. Wax waliba waa ay dumeen ama rasaas ayaa si isdaba-joog ah ugu dhacaysay, magaaladii Burcana gebi ahaanba waxa qabsaday hillaaca hubka sida aan kala sooca lahayn dadka loogu furayay. Ismaaciil Ducaale, wuxuu sheegay in gees kasta ay rasaasi ka imanaysay. Ciidankii dawladdu, maalintaas iyo maalintii xigtay waxay dhex galeen magaaladii Burco iyaga oo ragga guriyaha ka soo saarayay, isla halkaasna ku tooganayay. Waxa rasaas aan kala sooc lahayn lagu furay dad dibadda u soo baxay oo hubinayay waxa dhacay, iyada oo ay halkaas ku dhinteen dad tiro beelay. Lagama sheekayn karo khasaaraha uu geystay hubkaasi; waa wax Ilaahay uun u qiyaasan. Waxa faraha ka baxay boobka ay ciidanku u geysanayeen hantidii dadweynaha. Waxay jabsanayeen albaabada meheradaha iyo meelaha ay hantidu taallo, iyaga oo dadka qaar ku dul toogtay hantidooda. Salaasadii 27 May, waxa bilaabmatay duqayntii cirka. Daruuraha ayuu isku shareeray madowga qiiqu. Waa aad ku cabbudhsay qiiqaas, waxa aanu xanuun aad u daran kaga tegayay cunahaaga iyada oo indhuhuna qofka ay gubanayeen ayay tidhi Khadiija Sugaal. Dabcan, waa qiiq leh astaamihii sunta; waxay u badan tahay inuu hubkaasi sun ahaa. Inta badan joog hoose ayay diyaaraduhu ku duuli jireen, waayo marnaba cabsi kama ay qabin in la soo rido, maadaama oo cidda ay gummaadayaan aanay ahayn ciidan hubaysan ee uu yahay shacbi fara-madhan. Salaasadaas ka dib, magaaladu waxay u ekayd inay hurushoobayso, goob walbana qiiq ayaa ka baxayay. Qof walib wuxuu ku qasbanaaday inuu qaxo – qof xanuusanayay, qof dhaawac ahaa iyo qof da’ ahaaba si isku mid ah ayay uga qaxeen magaaladii. Arbacadii ku xigtay waxaanu gaadhnay heer aanu quusanno. Gurigayagii waxaan ka tegay aniga oo xiitaa aan malkhabad xidhnayn, kaliya waxa aan haleelay kab kaliya oo aan labadayda cagood mid ahaan galiyay. Waxa aan si habaqle ah ugu dhaqaaqay dhanka bariga, iyaga oo ay I weheliyaan dumar kale. Meel walba iyo dariiq walba maydad ayaa daadsanaa, iyada oo aad moodday dhar gaadhi ka daatay sida ay u rasaysan yihiin ayay tidhi Khadiija Sugaal. Maydadkaas waxa ku jiray walaalkay Saleebaan oo da’aha soddonaadka ku jiray. Isaga oo qaxaya ayuu askari dilay. Waxa kale oo ku jiray carruurtayda awoowgood, Maxamuud Jaamac Oogle oo ay isagana askartu toogteen iyo saaxiibadday Qadiija Xaaji Cabdi oo ahayd gabadh ku jirtay da’aha kontonaadka, waxayna dhimatay ka dib kolkii uu madfac ku dumiyay gurigii ay ku jirtay. Muuna Axmed Yuusuf Qulumbe, waxay sheegtay in guri jaarkooda ahaa oo toddoba qof ka koobnaa ay lix ka mid ahi hal mar wada geeriyoodeen ka dib kolkii uu madfac ku soo dhacay. Gabadh yar oo daqiiqadahaas tukaanka ku maqnayd ayaa ka bedbaadday. Ma jiri karo dambi ka weyn oo qof laga geli karo in hal mar sabab la’aan loo dilo hooyadii, aabbihii, walaalihii iyo idil ahaan xubnihii qoyskiisa, waliba ay disho isla ciddii loo xil saaray inay ilaalisaa. Inantaasi haddiiba ay maanta nooshahay maanta, ma rumaysan kartaa walaalnimada Soomaaliya? Tolow sidee ayay u arki lahayd in kuwii dambiyadaas iyo kuwa ka waaweyn galayba ay xubno ka yihiin xukuumadda Soomaaliya ee maanta? Xigasho: Human Rights Watch; a government at war with its own people, page 127 – 132. Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
Wasaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta shaacisay in 280 kiis oo cusub oo Fayraska Corona ah dalkaasi laga helay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Tiraddaasi ayaa ah mid sarreysa marka loo eego todobaadyadii la soo dhaafay oo uu dalkaasi u muuqday mid guul ka gaaray xakameynta Fayraska. Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay in 26,366 qof oo ay ka baartay cudurka laga helay 3,194 qof, halka 1,286 dadkaasi kamid ah ay ka biskoodeen xanuunka waxaana ugu dhintay dalkaasi hadda dad gaartay 22 qof. Jabuuti oo tirada dadkeeda lagu sheego inay ku dhawdahay milyan qof ayaa waxa ay diiwaangelisay kiisaska ugu badan ee Bariga Afrika. Jabuuti ayaa dhawaan khafiifisay xayiraad ay dalkeeda kusoo rogtay Fayraska Korona awgii, waxaana khubarada caafimaadku ay sheegayaan in shacabka badankood aanay fulin talooyinka caafimaadka ee ay kamidka yihiin gacma dhaqashada iyo kala fogaanshaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa ka muuqata in hadalkii Ra’iisul wasaaraha aysan madaxweynaha iyo asigu isla ogeyn, arintaan uu ku dhawaaqay shalay ee Doorashada oo ay ku kala aragti duwan yihiin, maxaa yeelay warkaan waa war madaxweyne ee ma ahan war Ra’iisul wasaare, sidaas daraadeed haday saas tahay oo aysan isla ogeyn 2 jug oo culus ayaa caawa Madaxweynaha ku dhacday: 1- In hadii doorasho la aadayo libintii laga qaatay, oo waxaa looga abaal heynaa Ra’iisul wasaaraha, hadii xataa Doorasho dhacdo, maxaa yeelay iyada oo la yaaban yahay oo war laga la’yahay madaxweynaha ayuu asigu ku dhawaaqay weliba iyadoo uu jiro Tuhun weyn oo ahaa in Madaxweynuhu ku darsi rabo oo xilka Ra’iisul wasaaraha uu ku gorgortami rabo. 2 – Hadii uu ku fikiraayay xoogaa Extension ah liin ayaa looga dhiijiyay oo hadalka Ra’iisul wasaaruhu waa cadyahay ( waa in 4-tii sanaba doorasho dhacdaa) hadal cad, Ra’iisul wasaaraha intii madaxiisa lagu gorgortami lahaa ayuu ka hor dhacay, wuxuuna Madaxweynaha geliyay baxar siyaasadeed oo madaxweynihii wuxuu u muuqanayaa nin doorasho diidan oo laga soo wada horjeesto, Ra’iisul wasaaraha wuxuu u muuqanayaa nin doorasho raba oo wuxuu helayaa taageerada inta Doorasho rabta, sidoo kale wuxuu helayaa jaanis uu dhoolatus siyaasadeed ku sameeyo. Dhinaca kale waxaa kaloo hadalka Ra’iisul wasaaraha ku jiray erayga ah ” stakeholdrs” oo inta aan ka warqabay aan Madaxtooyada laga jecleyn lagana diidan yahay waana sababtii xildhibaanadi iyo wasiirradii shirki Puntland aaday oo dowladda uga qeyb galay ka dagaalamayeen oo halaga tiro eraygaas ” stakeholders” war murtiyeedka iyo laga tiri maayo buuqu uga dhacay dartii ay shirka uga baxeen. Sababta kalimada “stake holders” ay xasaasiyada uga qabto Madaxtooyadu waxaan isleeyahay waa in Axmed Madoobe iyo Deni soo galayaan iyo xisbiyada mucaaradka ah. Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradiisa, waxaan uga hambalyaynayaa inay gool siyaasadeed ka dhaliyeen madaxtooyada( ضربة معلم ) laakiin muwaajahada soo socota ku tala gala, oo malaha ka bilaaban doonta in “korontada iyo biyaha la iska jarto la isna qaxiyo”! Waa haday jirto in aan leysla socon oo ay u badan tahay sida wax u dhacayaan marka la eego. Siyaasiyiinta mucaaradka ah, maamul gobaleedyada mucaaradka ah iyo kuwa baatiyaasha ahaayba, dhamaan waxaa la gudboon inay taageeraan dhawaqa Ra’iisul wasaaraha, gacana ay ka geystaan sidii ay isugu imaan lahaayeen stakeholderska siyaasadda ee dalka. Waxaa ceeb ah in la arko siyaasiyiinta ku heybta ah Ra’iisul wasaaraha ee shalay ku qeylinayay doorasho ayaan rabnaa in markii Ra’iisul wasaarihii u bareeray khatarta ku dhawaaqideeda ay daba maraan oo xilkiisi raadsadaan. Jufadi Hawiyaha ee xilkaas siyaasigoodaa asigoo u gaatamaya la arko waa in loo aqoonsado jufadaas haday is cesha waayaan” Gun” aan Gabdhaha laga guursan. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaar kamid ah Isimada waaweyn ee Puntland, oo isu taagay xallinta Khilaafka Deni iyo Karaash, oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa galabta xarunta Golaha Wakiilada uga yeeray Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, kadib markii uu saaka u gar-dhiibtay Isimada. Isimada oo ay hoggaaminayaan Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed, ayaa xarunta Golaha Wakiilada kulan kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, waxaana kulanka goob-jooga ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka iyo labadiisa ku xigeen. Isimada ayaa intii kulankaas socday, waxay Madaxweyne ku xigeenka ka dalbadeen in uu Guddoonka Baaarlamaanka hortiisa ka sheego qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne iyo qodobada Dastuuriga ah ee uu cuskanayo, si loo dhex-dhexaadiyo labada mas’uul. Madaxweyne ku xigeenka oo hadalka qaatay, ayaa kulanka ka sheegay in uu Madaxweynaha ka tirsanayo tixgelin la’aan iyo wada-shaqayn xumo ay weheliso jebin Dastuur, wuxuuna si gaar ah u xusay in Madaxweyne Deni uu jebiyay Qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, Fiqraddiisa Labaad oo ku saabsan wada-tashiga Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa. Kadib markii la dhegaystay doodda Madaxweyne ku xigeenka, ayaa Isimada iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waxay soo jeediyeen, in labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka AVV. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo AVV. Ismaaciil Maxamed Warsame ay si sharciyan ah u soo darsaan awoodaha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka uu Dastuurku kala siinayo. Labada Guddoomiye ku xigeenka, ayaa la siiyay in ay muddo kooban ku keenaan hawsha loo xil saaray ee la xiriirta kala saarista Awoodaha Dastuurku siinayo Deni iyo Karaash, si hannaan sharciya loogu kala saaro labada hoggaamiye. Isimada, Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka, ayaa isla gartay in xogta kulankooda aysan bixin ilaa xal rasmiya laga gaaro Khilaafka markaas oo ay war-saxaafadeed ka soo saari doonaan. Sidoo kale, Isimada ayaa xiriir la sameeyay Madaxweyne Deni oo ay maanta waayeen, waxaana ay ku war-geliyeen in uu maalinta berriya Golaha Baarlamanka yimaado, si isna looga dhegaysto qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenkiisa. Madaxweyne Deni oo Isimada la hadlay, ayaa u ballan-qaaday in uu maalinta berriya, haddii Alle idmo imaan doono xarunta Baarlamaanka, si uu gartiisa u naqdo, waxaana caawa lagu kala seexday intaas. PUNTLAND POST The post Deni iyo Karaash oo aqbalay dhex-dhexaadinta Isimada appeared first on Puntland Post.
-
Bannaanbaxyo rabshado watay ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah ka dhacay gobolka Minnesota ee wadanka Maraykanka kaas oo ka dhashay caro shacabka magalaada ay ka qaadeen wiil American Modow ah oo askar Booliska magaalada ay u dileen si Banii’adnimada ka baxsan waxaana ka dhashay dibaxyo ruxay magaalada. Dibadbaxan oo watay rabshado ay sameynayaan mudaharaadayaasha ayaa habeenkii xalay sii xoogeystay kaas gilgilay magaalada Minneapolis, halkaas oo ay iskula dhaceen, ciidamada booliska iyo dadka ka careysan dilka Goerge Floyd oo maalinimadii Isniinta ahaa ku baxay gacanta Booliska. Dibadbaxayaasha ka careysan dilka ninka ayaana habeenimadii xalay gubay goobo badan uu ka mid ahaa Bank ku yallo magaalada kaas oo ka mid ahaa goobo dab la qabad siiyey dibad baxa ayaana sii soconaya kuna sii baahayo qeybaha kale magaalada sida ay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan goobaha ay ka socdaan dibadbaxyada. Maamulka magaala oo isku dayey inuu xakameeyo dibadbaxayaasha ayaa shaqada ka joojiyey booliska markii ay u maaro waareen dibadbaxayaasha ayaa waxaa magaalada lagu soo daadiyey ku dhowaad 500 askarta Milatariga keydka wadanka Mareykanka kuwaas oo loo tababaray in ay ka hortagaan rabshada nuucaan oo kale ah waxaana ay u muuqanaya in ay ku guul dareysteen in ay xakameeyaan dibabaxa oo abuuray jahwareer amni ee magaalada. Intii dibad baxyadu ay socdeen waxaa la gubay saldhigii magaalada, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyey goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad American ah iyo Ajaanib deganaa Mareykanka oo ay ku jireen kuwo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, goobaha qaarkood ayaana weli gubanaayo dibadbaxa ayaa ku baahayo goobo kale. Waxaa jira dhallinyaro Sooaaliyeed kuwaas oo iskood isku xilqaamay kuwaas habeenkii sedexaad badbaadinaya goobahooda Ganacsiga oo ka hor istaagaya dibaxayaasha doonaya inn ay gubaan goobaha ganacsiga magaalada waxaana ay VOA u sheegeen in ay jiraan dad ku dhex gabaanayo dibadbaxayaasha oo doonaya in ay wax dhacaan oo ay goobahana gubaan sida ay sheegeen dhallinyadaan oo habeenkii sedexaad badbaadinaya ganacsiyadooda. Dibad baxa ayaa sii saro kacay ka dib markii ciidamu ay xireen wariye ka tirsanaa CNNtv kaas oo goobta uu ku sugnaa maalmaahaan tabimnaayey live ku aadan dibadbaxa oo maalmaahan shaashadaha CNNTV Omar Jimenez ayaa gacmaha laga jeebbeeyey isaga oo subaxa hore ee jimcaha tebin toos ah ku jira sida ay wax uga jiren goobta. Waxaa sida oo kale la xiray sawir qaade iyo soo saare la socday iyada oo xariggiisa loo sababeeyey inuu diiday amarka booliska ay siiyeen ee ahaa inuu meesha ka dhaqaaqo Balse wax yar kaddib ayaa la sii daayey wariyaha iyo raggi lalal xiray iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin wariyaha iyo saaxiibadiisa ka tirsanaa CCNTV. Barasaabka Minnesota Tim Walz ayaa raalli gelin ka bixiyey xarigga wariyaha lagula kacay, isaga oo dhacdada ku tilmaamay waxaana uu dalbaday in deganaan la muujiyo lana soo afjaro dibad baxayaasha ,maamulka CNN waxay sheegtay xariigga loo geystay shaqaalaheeda inuu dastuurka dalka Mareykanka uu ka hor imanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ee xanuunka Coronavirus ku sheegtay in maanta dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub oo gaarayo 88 xaaladood oo COVID-19 ah taas oo tirada guud ka dhigeyso dadka uu ku dhacay xanuunka gudaha dalka 1,916 Qoraalka maalin laha ee ka soo baxa wasaaradda ayaa lagu sheegay in kiisas laga kala helay gobolka Banaadir oo laga diiwaan geliyey 10 xaaladood, Galmudug oo maalmaahan baaritaanno laga waday ayaa laga helay 47 xaalad, Somaliland ayaa laga helay 29 kiis, halka maamulka Puntland laga xusay xaalado gaarayo 2 kiis oo Coronavirus. Wasaaradda ayaa sidoo kale xusay in kaasaska maanta la diiwaan geliyey 71 ka mid ah ay yihiin Rag halka 17 yihiin Haween waxaa xanuunka ugu geeriyooday gudaha dalka 1 ruux taas oo ka dhigeyso dadka Coronavirus dalka ugu geeriyooday 73 ruu, waxaa xanuunka ka soo bogsooday 17 ruux oo tirada guud ka dhigeysa dadka ka kabsaday 327. Xanuunka Coronavrirus ayaa muddooyinkii dambe kiisaskii ugu yaraa waxaa laga diiwaan gelinayey magaala Muqdisho halka ay soo kordhayaan xalaadaha xanuunka ee laga soo sheegayo gobolada dalka taas oo ka dhigan in Feyruska uu ku faafayo gobolada dalka labadii asbuuc ee la soo dhaafay waxaa yaraa kiisaska cusub ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Sucuudiga ayaa laga bilaabo 31-ka bisha May oo ku beegan Axadda Berri Albaabada u furaysa Masaajidka Nebiga ee Magaalada Madiina. Tallaabadan oo qayb ka ah Qorshaha ay Dawladda Sucuudigu ku yaraynayso Xanibaadihii lagaga gaashaamanayey Covid_19 ayaa waxa Shalay Ansixiyey Boqorka Sucuudiga, boqor Salmaan, sida uu Maanta baahiyey Telefiishanka Alcarabiya. Laga bilaabo Salaadda Subax ee Axadda Berri, Dadka doonaya inay ku cibaadaystaan Masaajidka Nebiga ee Magaalada Madiina ayaa awoodi doona inay ugu tukadaan si jamaca, inkasta oo Tirada Dadka ku tukanaya la xadidayo, si looga digtoonaado Xanuunka Covid_19. Masuuliyiinta boqortooyada Sucuudiga u qaabilsan Maamulka Masaajidka Xaramka iyo Masaajidka Nebiga CSW ee Mediina, ayaa qaaday Tallaabooyin lagaga Taxadarayo xanuunka Covid_19, waxaana Tallaabooyinkaa ka mid ah in Masaajidka laga saaray Roogaggii ku goglanaa, si Dadweynuhu ay dhulka ugu tukadaan. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli aan weli la furin Xaramka. Source
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta galinkii dambe soo gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa afaafka hore ee magaalada ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug. Madaxweynaha Galmudug oo hadal ka jeediyay garoonka kubadda cagta Koonfurta Gaalkacyo oo soo dhaweyn diiran loogu saamayay ayaa sheegay in safarkiisu yahay safar nabad iyo iskaashi, islamaarkaana uu Gaalkacyo u yimid in uu dhageysto baahiyaha iyo tabashooyinka reer Gaalkacyo. Madaxweyne Qoorqoor ayaa tilmaamay in Gaalkacyo ay tahay halbowlaha Galmudug uuna mudo joogi doono. Hoos ka daawo hadalkii Madaxweyne Qoorqoor ka jeediyay Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.