-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa tusaaleyn usoo qaatay magaalooyinka Muqdisho iyo Baqhdad xilli uu la murugsan yahay rabshadaha maalintii shanaad galay ee ka socda gobolka. Rabshadahan, oo ka socda magaalada Minneapolis iyo magaalooyinka ku dhow, ayaa ka dhashay dilkii George Floyd oo ahaa nin madow ah, kaasi oo uu gaystay askari caddaan ah, oo luqnta jilib ka saaray isaga oo madaxa dhulka u yaallo, ilaa uu ka naf baxay. “Waxa Minneapolis ka socdaa waxay i xusuusisay Muqdisho iyo Baqhdad,” ayuu yiri guddoomiye Tim Walz. Askarigaas, oo lagu magacaabo Derek Chauvin, ayaa maalmo kadib la xiray, balse xaaladda ayaa kasii dareysa. Khasaaro xoog leh ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis tiiyoo ay jirto in magaalooyin badan oo Mareykanka ka tirsan ay ku faafeen rabshadaha. Ku dhawaad 30 magaalo oo Mareykanka ku yaalla ayey saameyn xoog leh ku yeesheen rabshadaha dhawaan bilowday, waxaana lasoo wariyay in Los Angeles lagu gubay gawaarida Booliska. Magaalooyinka Atlanta iyo Philadelphia ayaan xaaladooda fiicneyn maadaama la hakiyay isku socodka dadka. Ciidamo Militari ay ayaa lasoo dhoobay Minneapolis si loo badbaadiyo dadka hantidooda la boobayo, waxaana arrintaan laga cabsi qabaa iney cawaaqib xumo badan dhaliso. Waxaa jira khasaare hantiyeed oo weyn, sida goobo ganacsi oo la bililiqeystay iyo qaar la gubay. Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac balse tirada saxda ah ayaan la hubin.
-
Dilkii uu askari boolis caddaan ah uu u geystay nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd waxay sababtay iney gobollada Mareykanka oo dhan ay ruuxaan muddaharaadyo rabshada wata. Muuqaalka aadka looga argagaxay ee laga duubay ninkan 46 sano jirka ahaa ayaa muujinaya wixi dhexmaray booliska Minneapolis iyo George Floyd qabashadiisa ilaa iyo geeridiisa. George Floyd inta uusan dhiman 30 daqiiqo ka hor maxaa dhacay? Dadkii goob joogga u ahaa dhacdadaas iyo muuqaalladi laga duubay waxaa la ogaaday arrimahan hoos ku xusan. George Floyd dukaan lagu magaacbo Cap Foods ayuu ka iibsaday sigaar. Shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska wacay una sheegay inuu Floyd uu siiyey 20 doolar oo bug ah. George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa Minneapolis. Wuxuu wakhtiyadi ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayey maqaayad inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la’aan ahaa. George wuxuuna in mudda ah uu macamiil u ahaa dukaanka Cup Foods oo uu inta badan wax ka iibsan jiray. Mulkiilaha dukaanka Mick Abumayeleh wuxuu NBC u sheegay inuu dukaankiisa macamiil u ahaa, uuna ahaa nin ixtiraam badan oo dadka aad u soo dhaweysta. Balse maalinta ay dhacadaasi foosha xun dhaceysay mulkiilaha dukaankiisa wuu ka maqnaa. Wiil dhalinyara ah oo dukaanka ka shaqeeya ayaa ka shakiyey 20-ka doolar uu wax kaga iibsaday Floyd kadibna wacay lambarka booliska 911. Sida ay tilmaameyso xogta laga helay diwaanka wicitaanka la duubay ee boolisku keydiyay wiilka yar ayaa booliska u sheegay inuu ka dalbaday Floyd inuu u soo celiya sigaarka, balse Floyd-na uu diiday. Wiilka dukaanka iibinayeyna wuxuu intaa ku daray George Floyd inuu u ekaa qof khamreysan, oo ahaa qof aan iskoontarooli karin. 8 daqiiqo marki ay ka soo wareegtay xilliga Booliska la wacay ayey boolisku goobti laga soo wacay soo gaareen. Xilligaasina George Floyd iyo laba qof oo kale ayaa gaari taagan ku wada jiray. Booliska marka ay gaariga ku dhawaadeen waxaa qori la soo baxay askariga lagu magacaabo Thomas Len i Floyd oo ku amray inuu gaariga ka soo dego. Ma cadda sababta askariga ku kalliftay qof aan hubeysneen inuu bistoolad ula soo baxa Thomas Len oo xeer ilaaliyaha uga warramay wixi dhacay wuxuu sheegay “inuu ku yiri gaariga ka soo deg ” intaa kaddibna “George Floyd diidmo ayuu muujiyey taasoo horseeday in gacmaha laga xiro” ayuu yiri. 14 daqiiqo kaddib ayuu Derek Chovin oo ah askeriga dilay Floyd uu goobta soo gaaray. Isaga iyo askari kale xilli ay isku dayayeen iney gaariga booliska saaraan, ayuu Chovin, George Floyd daqiiqaddi 19-aad uu dhulka ku celiyey jilibkana uu qoorta ka saaray. Gabar dhacdadaasi goob joog u ahayd waxay duubidda dhacdada billaawday George Floyd marka u dhulka ku dhacay isaga oo gacmaha ka xiran. George wajigiisa aragagax iyo degganaasha la’aan ayaa laga akhrisanayey. Daqiiqadihi noolashiisa u dambeysayna muuqaalka caalamka oo dhan gaaray ayaa laga dheehanayaa. Muuqaalkana waxaa lagu arkayey George oo leh “waan neefsan la’ahay” mararka qaarna wuxuu ku dhawaaqayey “hooya iga soo gaar”, “fadlan, fadlan, fadlan” isaga oo leh. Xogta laga helay xeer ilaaliyaha kiiska gacanata ku haya waxay sheegeysaa ku dhawaad 9 daqiiqo (8 daqiiqo iyo 46 ilbiriisi) askariga inuu Floyd jilibka qoorta kaga hayey. Askariga dacwadda dilka lagu soo oogay Derek Chovin 6 daqiiqo marka uu askariga jilibka kaga hayo qoorta Floyd ayuu George dhaqdhaqaaqi gabay. Askari ka mid ah ayaa isku dayay inuu gacantiisa midig uu ku fiiriyo garaaca wadnahiisa balse wax dhaqdhaqaaq ah ma lahayn. Hase yeeshee, weli askarti booliska ahayd jirka Floyd kama dul kicin. Daqiiqaddii 27-aad ayuu askarigi jilibka ka qaaday jirka dhaqdhaqaaqa gabay ee George Floyd. George Floyd ambalaas ayaa lagu qaaday waxana la geeyey isbitaal balse saacad kaddib Floyd ayaa la sheegay inuu geeriyooday. Christopher Harris oo ay Floyd saaxibba ahaayeen wuxuu sheegay dhimashada George Floyd maalin ka hor mar ay sheekeysanayeen uu u sheegay inuu raadinayo shaqo ku meel gaar ah. “Dilka loo geystay waa mid arxandarra ah”, ayuu yiri Harris. “In muddo ah wuxuu askarta ka baryayey iney naftiisa badbaadiyaan. Marka aad kalsooni siiso nidaam aan adiga laguugu talagelin natiijadu sidan ayey noqonaysaa. Marka aad caddaalad heli weydo adigoo raacaya sharciga, waxaad billaabeysaa in si bilaa sharci ah aad caddaaladda ku raadsato. Qaran News
-
Minneapolis (Caasimadda Online) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka cad ee mareykanka ayaa weerar aan geed loogu soo gamban ku qaaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xilli magaalada Minneapolis iyo qaar ka mid ah magaalooyinka USA ay kusii fidayaan rabshadaha ka bilowday dilka ninkii madowga ahaa. Ilhaan Cumar oo si ba’an ula dagaashan Trump ayaa ku tilmaamtay qof aan tiisa qabsan karin, waxeyna hadalkeeda kusoo aadisay xilli uu hadal kulul ku cambaareeyay gudoomiyaha magaalada ay dhibaatada ka bilaabatay ee Minneapolis. Ilhaan oo ka xun waxa ka socda Minneapolis iyo magaalooyinka kale ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siisay idaacadda Adduunka la hadasha ee BBC-da, waxeyna aaminsan tahay iney tahay wax aan loo dulqaadan karin iney daawadaan dhibta jirta. “Waxaan ku dadaaleynaa sidi loo ilaalin lahaa dukaamada iyo goobaha kale ee ganacsiga ee magaalada ka jira, Baarasaabka, Maayarka Minneapolis iyo Maayarka Saint pole waxay aad iyo aad uga shaqeyn hayaan oo ay dadaal ugu jiraan sidi badqabka iyo amniga bulshada ay u adkeyn lahaayeen.” “Annaga waxaan ku dadaaleynaa sidii aan bulshada ugu sheegi lahayn iney bulshooyinkooda iyagu ilaaliyaan oo ay fiiriyaan dadka iyaga ka baxsan ee bannaanka ka imanaya ee isku dayaya iney dhibaatooyin ay dadka u geystaan” ayey tiri. Ilhaan waxey sidoo kale BBC-da u sheegtay iney cashar ka baranayaan dhibaatada hadda dhacday iyo dilka ninka madowga ah, waxeyna ogtahay in dhibaatada ay tahay mid soo noq-noqotay. “Wiil miskiin ah ayaa la dilay oo ay boolisku dileen, waxaan ka shaqeyneynaa iney booliisku mardambe ay helin fursad ay sidaas oo kale qof naftisa ku gooyaan, taasina waxaan ka soo gudbin doonnaa sharciya cusub oo sidii booliska ay magaalooyinkeenna uga dhex shaqeyn lahaayeen iyo iyagu haddi ay dambi galaan sharcigi lagu qaadi lahaa.” “Qasaaraha ka soo gaaray ganacsigana waxaa ku dadaaleynaa sidi aan bulshooyinka ganacsatada ee ay qasaaraha soo gaareen taakulo ugu keeni laheen, waan ognahay dad badan ganacsigooda iney gubteen oo dhaqaala badan oo ay ka soo shaqeeyeen ay ku baaba’een, taasina waa shaqa annaga oo dhan aan isku xilsaareyno haddii aynu nahay dadka matalo Minneapolis sidi ay degdeg dakaasi ay taakulo ku heli lahaayeen si ay ganacsiyadooda dib ugu furaan” Ilhaan oo la ogyahay iney garab cadaawad ah u joogto Trump ayaa ku eedeysay eedeynta uu dul dhigay Jacob Frey oo ah duqa magaalada Minneapolis ay tahay wax qalad ah, sidoo kalana waxey sheegtay iney tahay inuu dhibaatadiisa maareeyo. “Trump uma maleynayo inuu qof dadka far ku fiiqi karo yahay, haddii uu ahaan lahaa madaxweyne fiican 100,000 oo qof Covid-19 uma dhinteen, ma dhici laheen iney 40,000,000 oo qof ay shaqa la’aan noqdaan, ma dhici laheen iney magaalo kasta oo weyn oo ku taalla Mareykanka iney hadda gubato, anigu haddaan ahaan lahaa Maayarka magaalada Minneapolis waxaan dhihi lahaa taada ka hadal intaadan dadka kale tooda soo faragashan.” Trump wuxuu sheegay in taageerayaashiisa ay jecel yahiin dadka madowga ah, taasi waxaa loo fasirtay nuucyo badan, dadka qaar ayaa aaminsan inuu cod ka doonayo dadka Madow maadaama doorasho ay soo dhawdahay halka Ilhaan ay aaminsan tahay ineysan dadka madowga ah u codeyn doonin. “Waan ognahay doorashadi la soo dhaafay dadka madow ee Trump u codeeyey iney yihiin 3% oo keli ah, haddana waxaan u maleeynayaa siduu u dhaqmayo iyo shaqada uu hayo iney keeneyso iney dadka madowga oo dhan ay u codeynin”
-
At least six people were killed on Sunday when a minibus struck a roadside bomb near the Somali capital Mogadishu, police and witnesses said. Source: Hiiraan Online
-
At least 10 people died and 12 were wounded when an explosive device ripped through a minibus outside the Somali capital Mogadishu on Sunday, the government said. The deadly explosion occurred near Lafole village along the Afgoye-Mogadishu where the passenger bus was traveling early in the day. ‘At least 10 civilians were killed in an explosion at Lafole area this morning, those who died were all civilians,’ the information ministry said in a statement, adding that the victims were on their way to a funeral. Witnesses said the minibus was completely destroyed, and described a horrific scene with everyone on board either dead or wounded and many bodies ripped apart or burned beyond recognition. ‘This was a horrible incident this morning, the explosive device went off as the bus was passing by the area and destroyed it completely,’ said Daud Doyow, a witness. ‘Bodies of civilians were strewn in pieces and most of the people died,’ he added. ‘There were more than 20 people on board and 10 of them were confirmed dead while the rest are seriously wounded and taken to hospital, this is a horrible scene here,’ said another witness, Abdirisak Adan. No group immediately claimed responsibility for the bombing, but Somalia’s al Qaeda-aligned Shabaab group carries out regular attacks in and around the capital, often killing civilians. View the full article
-
Somalia will push ahead with plans to hold presidential and parliamentary elections in early 2021, removing doubt that it will delay the vote because of the spread of Covid-19. “Holding a timely election is more important than anything else at this time and it’s one of the primary goals which the public entrusted us,” Prime Minister Hassan Ali Kheyre said in a speech following a cabinet meeting. The Horn-of-Africa nation has endured two decades of civil war, and is contending with the worst desert-locust plague in recent memory and an insurgency by al-Shabaab, an al-Qaeda-linked Islamist group. The government is seeking debt relief as the coronavirus pandemic adds to its woes — it has almost 2,000 cases and a health system ill-equipped to deal with the outbreak. View the full article
-
Afgooye (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey howlgallo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoos-yimaada deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dirir ayaa tilmaamay in howlgalladaasi oo ahaa kuwa qorsheysan si gaar ah looga fuliyey tuulooyinka Buulo-Urunji iyo Busley, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Taliyaha ayaa shaaciyey in howlgalladaasi milatari ay ku dileen ugu yaraan illaa 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuun intaasi ku daray inay gubeen doonyo ay isaga kala gudbi jireen webiga Shabelle ee mara Janaale iyo degaanada kale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ay dowladdu sheegatay inay khasaare badan ku gaarsiisay. Maalmihii dambe ciidamada huwanta ee xoojiyey howlgallada ay ka wadaan gobolka Sh/ Hoose oo ka mid ah gobollada ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
-
Guddoomiyaha waaxda Halgan degmada Deyniile ee gobalka Banaadir Cabdulqaadir Fool Dibi ayaa ku geeriyooday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ka dib markii xaaskiisa ay tooreey ku dhishay sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Falkan oo ka dhacay xaafadda Raadeelka ee degmada Deyniile ayaa dhacay saakay arroortii waxaana uu yimid ka dib markii sida la sheegay haweeneyda falka geysatay ay ka maseyrtay seygeeda sidaasina ay nolasha ku dhaafisay guddoomiyihii waaxda Halkan. Wararka qaar ayaa sheegaya inay socdaan baaritaanno kala duwan oo lagu sameynayo haweyneydan oo la sheegay inay baxsatay waxaana sidoo kale haatan meydka marxuumka oo markii hore dhaawac ahaan isbitaal loo geeyay lagu wadaa in la aaso.. Inta badan dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa waxaa ku kaca dumarka oo iyaga oo maseyrsan falal dil ah u geysta nimankooda waxa ayna u adeegsadaan waxyaabo ay ka midyihiin tooreey iyo inay biyo ama saliid u karkariyaan arrinkan ayaana ah mid ka fog ku dhaqanka diinta Islaamka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta xarunta Baarlamaanka kula ballansanaa Isimada iyo Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa kulankaasi ka cudur-daartay. Madaxweyne Deni ayaa Isimada iyo Guddoonka Baarlamaanka ku wargeliyay in uusan kulanka maanta imaan karin, balse wuxuu ballan-qaaday in uu Isniinta berriya kulan Qado ah Sharaf ah u samayn doono Isimada iyo Guddoonka Baarlamaanka. Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu kulanka berri ku soo bandhigo qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne Ku xigeenkiisa si loo dhex-dhexaadiyo labada mas’uul. Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Deni uusan Isimada iyo Guddoonka Golaha Wakiilada u sheegin goobta uu ku qaban doono kulankaasi qadada ah. Isimada dhex-dhexaadinta wada iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa shalay la kulmay Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka dhegaysteen qaladaadka uu tabanayo ee dhaliyay muranka isaga iyo Madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Kulankii Madaxweyne Deni iyo Isimada oo baaqday appeared first on Puntland Post.
-
Kaddib howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulooyinka Buulo-urunji iyo Busleey oo hoosyimaada deegaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha hoose ayay ku dileen 18 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa dhulka howdka ah ee tuulooyinkaasi, sida lagu baahiyay warkan warbaahinta dowladda. Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii dadka degaanka ay la soo wadaageen xogta dagaalamayashan la dilay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilo 18 kamid ah Al shabaab. Waxaana intaas uu hadalkiisa ku daray taliye Dirir inay gubeen doomo Al shabaab ay isaga kala gudbi jireen Wabiga Shabeelle ee mara Jannaale iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha hoose. Ciidamada huwanta ah ee ku sugan gobalka Shabeellaha hoose ayaa muddooyinkii dambe waday howlgallo ka dhan dagaalamayaasha Al shabaab ee iyaguna gobalkaasi ku xooggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu dilay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabduqaadir Fooldibi, kaas oo ahaa guddoomiyaha laanta ama waaxda Halgan ee degmada Dayniile. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay falkan ayaa waxaa ka dhacay guri ku yaalla degmadaasi oo uu marxuumka deganaa. Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi ay ka dambeysay xaaskiisa oo Mindi ku dhufatay, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray, balse markii dambe uu ku dhintay isbitaalka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka iyo xaaskiisa uu soo kala-dhex-galay muran, islamarkaana ay si gaadma ah ugu dhufatay Tooreyda . Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dilkaasi. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan dhacdo ugub ah ama ku cusub magaalada Muqdisho in haweeneyd ay disho sayigeeda ama ninku uu dilo xaaskiisa.
-
MOGADISHU (HOL) - A landmine explosion Sunday killed at least 10 people and injured 13 others after it hit a passenger vehicle in the outskirts of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Soomaaliland ayaa maanta oo ah Axad 31-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1248 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 18 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 7 bukaan, halka 24-kii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux u geeriyooday caabuqan. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 40 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 20ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 304 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Halkan ka daawo heesta wacyigelinta COVID-19 Source: goobjoog.com
-
Wararka aan ka helayno duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in in ka badan 10 ruux ay ku geeriyooden qarax saakay arroortii ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole waxaana xogta qaraxaasi ka soo baxaya warar kala duwan. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah kuwaas oo ku sii jeeday degmada Wanwalweyn ee gobalka Shabeellaha hoose. Gaariga oo dhamaantiis gubtay ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan inay ka badbaadeen saddex qof oo kaliya, ilaa iyo haddana ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga helay dadka dhintay waxa ay ahaayeen marka laga tago inay dad shacab ah oo waddadaasi isticmaalayay ahaayeen. Maamulka deegaanka Lafoole oo aan xiriir la sameynay si aan wax uga weyddino dhacdadaas xanuunka badan aya a diiday inay faahfaahin inaga siiyaan sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay falkaasi ay ku nafwaayeen in ka badan 10 ruux. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas balse Al shabaab ayaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye qaraxyo miino waxa ay kula eegtaan ciidanka dowladda ee halkaasi isaga kala goosha, waxaana sidoo kale wali jirin masuuliyiin dhacdadaasi ka hadashay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in shalay gelinkii dambe nin da’ahaa ay ku toogteen fagaare ku yaalla deegaan hoostaga degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Abuukar Xaaji Cumar ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu Sixiroole ahaa, islamarkaana uu ku shaqeysanayey muddo 5 sano ah. Sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay ninkaasi ku sugnaa qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Marxuumka la toogtay oo caan ka ahaa gobolka Shabeelaha ayaa in muddo ah gacanta ugu jiray kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, iyadoo maxkamad hoostagta ururkaasi ay horey ugu ridday xukun dil toogasho ah oo ugu dambeyn shalay lagu fuliyey. Al-Shabaab ayaa had iyo jeer deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha ka fuliso xukuno u badan dil, waxaana dadka ay toogato u jeedisaa eedyemo kala duwan.
-
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay dhacdadii ka dhacday deegaanka Gololeey ee lagu laayay dhaqaatiir halkaasi ka howlgeli jirtay. Jeneraal Odowaa ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in dadka ku eedeynaya falkaasi ciidanka xoogga ay yihiin dad u adeegaya cadowga sida uu hadalka u dhigay isaga oo intaas raaciyay in ciidanka aysan shacabka dilin balse taas badlkeeda ay dadka shacabka ah u adeegaan. Dhanka kale taliyaha ciidanka xoogga ayaa falkii ka dhacay deegaanka Gololeey ee gobalka Shabeellaha dhexe waxa uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Al shabaab isaga oo tilmaamay in falkaasina uusan ahayn mid ugub ah islamarkaana Al shabaab falalka caynkaas oo kale ah looga bartay. Al shabab iyaguna waa ay iska fogeeyeen inay ka dambeeyeen xasuuqaasi oo haatan la soo warinayo in lagu wado baaritaan natiijada ka soo baxdana laga dhursugayo. Ehelka marxuumiinta lagu xasuugqay Gololeey oo iyagu warbaahinta la hadlay waxa ay falkaas ku eedeeyeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn taliye Odowaa ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan ku aaddan sida dhabta ah oo ay wax u dhaceen islamarkaana gobalka Shabeellaha dhexe laga sameyn doono baaritaan rasmi ah oo la xiriirta dhacdadii Gololeey Halkan ka dhageyso codka taliyaha ciidanka xoogga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Somali National Army chief, General Yusuf Odawa Rage denied accusations leveled against the Somali national army by the locals following the abduction and the killing of 8 health workers in Gololey village, Balad district in Somalia’s Middle Shabelle region. The military chief said authorities will carry out internal investigations to ensure those behind the massacre will be brought to justice. Speaking during a press briefing in Adado town, central Somalia where he is on a mission, the military chief has strongly rejected the accusations saying Somali forces are assigned to protect its citizens and laid the blame on Alshabab reiterating that the group frequently targeted civilians in the country. ” The Somali military has nothing to do with this gruesome killing, it is impossible for a member of the force with a sound mind to carry out such atrocity.” The General said. Unidentified assailants disguised as military abducted the health workers from local dispensary facilities operated by the Zamzam foundation and their bodies seemed tortured were the following day dumped outside the village. The United Nations mission in Somalia and the federal government of Somalia have condemned the killing of the health workers and called Authorities in the region to carry out investigations and bring those involved in the heinous murder to justice.