Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Officials from Somalia’s health ministry have delivered much needed medical supplies to Galkayo and Afmadow towns in the regions of Lower Jubba and Mudug respectively. The authorities of Galmudug and Puntland received the package, including face masks, gloves, sanitizers, and other equipment aimed to contain the spread of the COVID 19. Elsewhere, the government health officials reached the Afmadow district under Jubaland state and delivered the same medical aid dispatched from Mogadishu. This comes as Somalia’s health ministry has recorded 60 new cases on Sunday putting the number of positive cases in the country to 1,976 with a death toll of 78 so far. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay masuuliyiinta dowladda u qaabilsan duulimaadka, waxaa todobaadkaan dib loo furi doonaa duulimaadyada diyaraadaha ee gudaha dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii Bishii March waxaa ay si ku-meel gaar ah u joojisay duulimaadyada dalka gudahiisa ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, xilligaas oo kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah laga helay Soomaaliya. Kulan gaar ah oo ay yeesheen sida la sheegay Saraakiisha laanta hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha iyo Mas’uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ayaa waxaa ay isku raaceen in marka la furo duulimaadyada, lagu dhaqmo amaro la xiriira ka hortagga COVID–19 oo horay loo soo saaray. Rakaabka diyaaradaha raaci doona waxey xiran doonaan Gloves (Gacmo gashi) af xir (Mask), sidoo kalana waxey isticmaali doonaan waxyaabaha gacmaha lagu nadiifiyo si looga feejignaado xanuunka COVID 19 oo wali ka jira Soomaaliya. Dabayaaqadii bishii Maarso ayey aheyd markii la joojiyay duulimaadyada gudaha, waxeyn arintaas ka dambeysay markii uu xoogeystay faafitaanka COVID 19, waana habka ay raaceen wadamada kale ee dunida. Dhamaan xafiisyadii duulimaadyada ee ka shaqeynayay magaalada Muqdisho iyo gudaha dalka ayaa albaabada loo laabay maadaama aysan jirin wax shaqo ah oo ay qabanayaan, balse markaan dib ayey u furmi doonaan muddo kadib.
  3. Taliska ciidamada Amisom ee Dowladda Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta deeq raashin ah soo gaarsiiyeen shacabkii ka barakacay Baladweyne , kuwaas oo ay saameyn weyn ku yeesheen fatahaaddii webiga Shabeelle uu dhowaan ka sameeyey magaalada, taas oo sababtay in bulsho badan ay ka barabaxaan Baladweyne. Deeqdaan oo cadadkeedu dhan tahay 90 tan ayaa dowladda Jabuuti waxaa ay u soo wakiilatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka waxaana Maanta lagu wareejiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana la filayaa in ay gaarsiiyo shacabka ku barakacay duleedka magaalada. Korneyl Maxamed Barqad oo kamid Saraakiisha Ciidamada Jabuuti oo loo soo wakiishay Raashiinkan ayaa wuxuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Waare iyo Xubno kamid ah golihiisa wasiirrada, iyada oo ka wada hadley sidii lagu gaarsiin lahaa dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne ee ku sugan inta u dhaxeyso Baladwen iyo Ceeljaale. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dowladda ,shacabka aan waalaha nahay ee Jabuuti iyo saraakiisha ciidanka kaga mahadceliyay deeqdaan iyo sida ay u garab taaga yihiin mar weliba dadka Reer Hiiraan,isaga oo sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ay si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan. Deeqdaan ka timid dowladda Jabuuti ee Maanta la geeyay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli weli ay taagan tahay radadkii fatahaadda webiga sidoo kelena aysan weli helin wax gurmada dadkii u baracay deegaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Beledwyene oo wajahayo duruufo dhanka nolosha ah iyadoo ay xusid mudan tahay in ay jirtay deeq ka timid dowladda Cumaan laakiin aan waxba ka tarin baahida jirtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Fowsiyo Xaaji oo ah guddoomiyaha Xisbiga Hiigsi ahna Xildhihaan Golaha Shacabka ayaa Goobjoog u sheegtay in sharciga Doorashooyin uu Madaxweynaha saxiixay uu yahay mid baal marsan dalka. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/fow.mp4 Source: goobjoog.com
  5. Siyaasiinta mucaaradka kuwa xilal hore soo qabtay iyo qaar ka mid ah shacabka ayaa soo dhaweeyay go’aankii Raysal wasaaraha Xukuumadda ee ahaa in doorashada Dalka ay waqtigeeda ku qabsoonto https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatsss.mp4 Source: goobjoog.com
  6. Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhoweeyay hadalkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in Doorashooyinka Dalka ay waqtigeeda ku dhacdo https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/wh.mp4 Source: goobjoog.com
  7. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/SH.-Abdirashiid-som_logo.mp4 Source: goobjoog.com
  8. Sida uu dhigayo Dastuurka kumeel gaar ka ah Qodobkiisa 9aad. ee ka hadlaayo Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyo. “Maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” Hadaba arinka xaq iyo xuquuq raadsiga ah ee 3M oo qof muddo sanada ah na soo jiitamaayay Baarlamaanka federal ka ah na loogana fadhiyay inuu kusoo saaro xeer gooni ah ayaa hada muuqata in ayadoon xeerki lasoo saarin arinka loo leexiyay hardanka qabiilka lana siyaasadeeyay. Shaqada dastuurigaa ee baarlamaanka looga fadhiyay ma eheyn 7-da kursi ee aqalka sare Iyo sida loo qeybsanaayo ee waxey aheyd in ay soo saaraan oo kaliya xeerki maqaamsiinta aayaha caasimada halkaana ay ku dhex cadeeyaan sifada maamul Iyo awoodeed ee Caasimada Muqdisho yeelaneyso, canshuurta kasoo xarooto iyo saamiga federalku kulahaanayo iyo cida leh shaqada sugidda amniga caasimada, dhul bixinta caasimada Iyo wixi lamida ee marna dastuurka uguma xusna in Gobolka Banaadir maqaam ubaahanyahay si fiican u aqri qodobka dastuurigaa wuxuu ka hadalyaa waa caasimada kaliya. Mar haduusan jirin xeer Baarlamaan ka kasoo saaray maqaamka Casimada, awooda maamul ee caasimada sida loo soo dooranaayo Iyo sida loo qeybsanaayo canshuurta kasoo xaroota waxaa muuqata in la iska indha tiray waxbadan Muqdishana aanan loo daneyn ee lagu daneystay qeyrul sharci na tahay sida wax loo soo qoray maadaama uusan jirin reer loo raacay ama loo cuskaday lana rabo in arinki Maqaamka meeshaas kusoo dhamaado aysan na waligood isdooran ee mar walba Mayor loo soo magacaabihaayo. Soomaalidu waligeedba alifkey kaboodaa Ya’na uboodaa kuraas qeybsi waxaa ka horeeya Xeerki maqaamka Caasimada ee nakala hagi lahaa Gobol ahaan iyo caasimad ahaan in lasoo saaro Muqdishana ay maamulkeeda soo doorato si ayada gorgortanka Siyaasadeed ugali karto Gobol ahaan na markaa matalaad uhesho. Xeer sameyn Iyo Muqdishoo isa soo doorataa kahor hadaan dhahno aan wax qeybsano su’aalahan ayaa xaq uyeelanaaya inuu kajawaabo: 1- Xubin kasta oo aqalka Sare kamid ah waxaa soo doortay baarlamaanka maamul goboleedka ay xubintu ku abtirsato hadaba xubnahan cusub yaa soo dooranaaya xageese lagu soo dooranaa Muqdisho mise Maamulka Goboleed kale? 2- Hadii ladhoho xubin kasta maamul ka reer qurac oo ay ku abtirsato beel ahaan ayaa soo dooranaaya qofkaa siduu daacad uga noqon karaa danaha isdiidi kara beri ee labada maamul? 3- Maadaama 4.5 lagu qeybiyay soomaaliduna dhamaan qabiilo kuwada abtirsata yaa xaq u leh inuu Muqdisho matalo ma kan kudhashay qabiilkuu doono haka soo jeedee mise kan soo galay ee aanan ku dhalan? 4- Haduusan qofku Muqdisho kudhalan muddo intee la eg ayey tahay inuu Muqdisho daganyahay si uu umatali karo Shacabka Dagan? 5- Sida dastuurku qabo xubnaha aqalka Sare waxey matalaan maamul goboleedyo hadaba xubnahaan cusub ma waxey matali doonaan maamul goboleed awood leh oo isdoorta mise maamul dikreeto lagu soo magacaabo marki larabana laga qaado? 6- Kuraastan cusub yeymatalaan ma caasimada Muqdisho mise Gobolka Banaadir, hadey Gobolka tahay xagee dastuurka uga taal, hadii shalay caasimada leyla sheegtay maantana Gobolki miyaaa? Gunaanad: Gobolka Banaadir Iyo Caasimaduba kuraas uma hamuun qabaan ee inay isdoortaan isna xukumaan dhexdooda ayey uhamuun qabaan Abdirahman Adan Osman (Kampala) – Waa madaxii hore ee hab-maamuuska Villa Somalia iyo kaaliyihii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Wargeyska The reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in dedaalkii uu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku doonayay inuu ku dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya uu fashilmay. Wargeyska The reporter oo shalay warbixin ka qoray hub ay dawladda Masar ugu deeqday dawladda Soomaaliya, ayaa warbixintiisa ku soo hadal qaaday wada hadaladii uu Abiye Axmed ka dhex waday Somaliland iyo Soomaaliya oo uu wargeysku sheegay inay fashilmeen, labada dhinacna diideen inay si toos ah isu arkaan. Wuxuu ugu horayn wargeyska xogo ammaan oo uu soo xigtay u sheegeen in hubkaasi khatar ku yahay ammaanka gobalka oo marka horeba culaysyo ammni daro la ciirciiraya. Wuxuu soo hadal qaaday wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye oo qoraal uu ku qoray twitterkiisa ku cambaareeyay hubkan. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa iyaduna diiday inay ka jawaabto aragtida Itoobiya ee hubkan, laakiin xogahan uu wargeysku soo xigtay ayaa sheegay inay tahay inay dawladda Itoobiya dib u qiimayso xidhiidhka ay la leedahay qaar ka mid ah wadamada jaarka oo aanu wargeysku magacaabin. Wargeyska oo ka hadlaya dedaaladii Abiye Axmed ee isu soo dhawaynta Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu ku soo gunaanaday warbixintiisa, “Bilihii u dambeeyay Soomaaliya iyo Somaliland waxay is dhaafsanayeen hadalo kulul, dhexdhexaadintii Abiye Axmed uu sameeyayna way fashilantay, iyadoo ay labada dhinacba diideen inay si toos ah isu arkaan.” Ayuu yidhi Wargeyska The reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa. Masar iyo Itoobiya ayaa si weyn isugu maandhaafsan biyo xidheenka ay Itoobiya dhisatay oo ay doonayso inay buuxiso bilahan, kaas oo ay Masarna u aragto khatar soo waajahaysa nolosha shacabkeeda oo ku tiirsan biyaha webiga Niilka, waxaana labada dal ay ku jiraan dedaalo diblomaasiyadeed oo ay doonayaan inuu midba midka kale ku muquuniyo, wararka qaarna waxay sheegayaan inay muuqato saansaan diyaar garow dagaal. Geeska Qaran News
  10. (SLT-Hargeysa)-Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka deegaanka Tukaraq laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan Deegaanka Tuke-raq waxa in muddo isku hordhiya ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka Puntland. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale dagaallo ay dib uga qarxaan halkaasi. Somaliland iyo Puntland ayaa marar badan ku dagaalamay deegaanka Tukaray. Source
  11. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the UN Children’s Fund (UNICEF) on Sunday in separate statements condemned the abduction and deliberate killing of seven health workers and a civilian at a local health center in southern Somalia. Henrietta Fore, UNICEF executive director said these heinous attacks interfere with fundamental protections of the right to health and the perpetrators must be held accountable. “These health workers were heroes, putting their safety on the line every day to provide lifesaving care to children and families. We will hold their dedication and sacrifice in our hearts as we continue our work to reach vulnerable children across the country,” Fore said in a statement issued on Saturday evening. The eight people were abducted on May 27 from an NGO-run health clinic, about 30 kilometers away from Mogadishu, before their brutal killing. Francois Madeira, AMISOM head of mission, said the health workers continue to provide much-needed quality healthcare as Somalia continues to face the challenge of COVID-19 pandemic. “I am shocked by the senseless killings of civilians. Deliberate attacks against health professionals and facilities are a serious violation of International Humanitarian Law and constitute a war crime in non-international armed conflicts,” said Madeira. He said the health workers are putting their lives on the line to save others in very difficult circumstances. No arrest has so far been made and no group has claimed responsibility for the murder. View the full article
  12. The Somali health ministry on Sunday confirmed 60 new cases of COVID-19, bringing the total number of infections to 1,976. Health Minister Fawziya Abikar said 21 patients recovered from COVID-19, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 348. The minister said five patients died of the disease, bringing the total number of fatalities since the pandemic was reported in the country to 78. Somalia has instituted measures to contain the spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddida Ka Hor Tagga Iyo La Tacaalidda Cudurka halista ah ee Koroona Fayras ee Somaliland ayaa hor joogsatay baadhitaan iyo hawlgal ay doonayeen in ay Guddida ku sameeyaan Hay’adda Hanti Dhawrka qaranka Somaliland kadib markii guux iyo fal celin badani ka dhalatay muddooyinkii dambe oo ay shacabku su’aalo badan iska waydiinayeen lacagaha badan ee Guddida lagu wareejiyay iyo hannaanka ay u baxeen oo aan xog badan laga hayn iyo sida ay u liidato xaaladda caafimaad iyo adeegga dawladda ee la xidhiidha dhibaatada cudurkan. Sida ay Ilo Xog-ogaal ahi wargeyska Foore u xaqiijiyeen shalay, Ku Xigeenta Xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka iyo Sarkaal sare oo xafiiskaasi ka tirsan ayaa waxa ay shalay iyaga oo gudanaya waajibkooda dastuuriga ah waxa ay hawlo shaqo ugu tageen Xafiiska ay Guddida heer Qaran ee Koroona Fayras ee Somaliland ku leeyihiin gudaha Wasaaradda Biyaha ee caasimadda Hargeysa, iyaga oo sita warqad shaabbadaysan oo caddaynaysa hawlgalkooda shaqo halkaasi oo ay kula kulmeen Xoghayaha gaarka ah ee Guddida Koroona Fayras Wasiirkii Hore ee Ganacsiga Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), kaasi oo gabi ahaanba is hor taagay gaashaankana ku dhuftay hawsha Saraakiisha Hanti dhawrku u socdeen. Sida aanu xogtan ku helnay Saraakiisha Hanti-dhawrka Qaranku markii ay Xoghaye Xuseen Deyr ku war geliyeen hawsha ay u socdaan oo ah baadhitaan iyo su’aalo ay xafiiska guddida iyo cidda ay khusayso waydiiyaan waxa uu Xuseen Kurdi masuuliyiintan ku war galiyey in aanay guddidu diyaar u ahayn wax su’aalo iyo baadhitaan ah oo lagu sameeyo taasi oo keentay in ay Masuuliyiintii ka socotay Xafiiska Hanti dhawrku halkaasi ka laabtaan iyaga oo ku hanjabay in ay qaadi doonaan tallaabooyinka sharcigda dalku u dhigayo gudashada hawshoodan. Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa isaga oo Hanti-dhawrka loo diiday in ay baadhitaan ku sameeyaan Guddida COVID19 waxa uu yidhi: “Saaka waxaanu tagnay Xafiiska ay guddida heer qaran ee Koroona Fayras ku leeyihiin wasaaradda Biyaha Somaliland. Waxa aanu kula kulanay Masuuliyiinta Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka. Ku Xigeenka Hanti dhawrka iyo sarkaal kale. Waxa ay albaabka xafiiskaasi kula kulmeen Xoghayaha Guddida Xuseen Aadan Cige (Deyr). Sarajoogga ayay ku wada hadleen waxaanay Masuuliyiintaasi Hanti-dhawrku u dhiibeen qoraal ay kaga dalbanayeen xog ay ka helaan hawlaha ay guddidu hayso. Xoghayaha Guddidu Xusen Deyr waxa uu si cad u diiday hawsha ay Hanti dhawrku u socdeen. Way isaga tageen iyaga oo yidhi waxa uu sharcigu na farayo ayaanu qaadi doonaa”. Ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA. Illaa hadda ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan Hanti-dhawrka guud ee qaranku kuwaasi oo la sheegay in ay diyaarinayaan hawlgal ballaadhan oo ay ku galaan ama baadhitaan Hantidhawr ugu sameeyaan Guddida heer qaran ee Koroona Fayras oo la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Malaayiin Doollar oo lacag balse toddobaadkan soo saaray qoraal kooban oo weyd ah oo ay ku sheegeen in ay tahay warbixin ay shacabka ugu sheegayaan wixii soo galay iyo waxa ay ku bixiyeen taasi oo noqotay xog umadda u cuntami wayday. Isku soo duuboo waxa maalmihii ugu dambeeyey isa soo tarayay qaylo dhaan baahsan oo dhinacyo badan oo bulshada ah ka imanaysay oo la xidhiidha baahiyaha culus ee dhinaca Caafimaadka ah ee dalka ka jira iyo sida ay isu qaban la’dahay Malaayiinta iyo Malaayiinta Dollar ee Guddida loo qaadhaamay muddooyinkii ugu dambeeyey. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Coronavirus ayaa dunida si xawli ah ugu soo baahaya mana jirto dawo illaa iyo hadda loo helay. Nasiib darro se taasi ma aysan joojin talooyinkii caafimaadka, oo isugu jira kuwa aan wax tar lahayn iyo xitaa kuwa kaba sii dareen khartar ah. Waxaanu eegeynay qaar ka mid ah sheegashooyinka ugu baahsan ee lagu wadaagay baraha bulshada, iyo waxa ka run ah marka la eega seyniska: TOONTA Qoraallo badan oo ku talinaya cunista toonta, si looga horgato fayraska Korona ayaa lagu wadaagay barta Facebook-ga. Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegeysa in inkasto oo ay tahay “cunto caafimaad leh haddana ma jirto caddeyn muujineysa in cunista toonta ay dadka ka ilaalin karto ama ka daweyn karta cudurkan cusub ee covid19. Inta badan daawooyinka noocan oo kale ah sida toonta ma ahan kuwo waxyeello u leh naftaada, balse mararka qaar khatar badan ayay kuu keeni karaan. Wargayska The South China Morning Post, ayaa daabacay sheeko ah, haweeney lagu daweeyay cisbitaal oo si daran u bakootay , kadib markii ay cuntay 1.5kg oo Toon ceyriin ah. Waxaan ognahay, in guud ahaan, cunista miraha iyo khudaarta iyo cabidda biyaha ay u fiicnaan karaan caafimaadkaaga. Si kastaba ha noqotee, ma jiraan wax caddayn ah oo muujinaya in cuntooyin gaar ah ay kaa caawinayaan la dagaallanka fayraska korona. ‘Macdanta Mucjisada’ Jordan Sather oo leh Youtube, kaasoo kumannaan kun oo taageerayaal ah ku leh baraha bulshada, ayaa ku dooday in “macdan mucjiso ah” oo lagu magacaabo MMS, ay “meesha ka saari karta” cudurkan coronavirus. Waxa ay macdantaasi ka kooban tahay chlorine dioxide. Sather iyo kuwo kalaba waxay buunbuuninayeen macdanta xitaa ka hor inta uusan dilaacin coronavirus. Bishii Janaayo ayuuna bogga Twitter soo dhigay, “keliya ma ahan in chlorine dioxide (loona yaqaan MMS) ay dili karta unugyada kansarka, balse waxay sidoo kale cagta marin kartaa coronavirus”. Sanadkii la soo dhaafay, Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa ka digay halista caafimaad ee cabitaanka MMS. Mas’uuliyiinta caafimaadka ee waddamada kale, ayaa iyaguna soo saaray digniino ku saabsan arrintaas. Cabbida Biyaha 15-Kii Daqiiqaba Hal Mar Qoraal aad loo soo dhigay Facebook-ga oo la sheegay in laga soo xigtay “dhakhtar u dhashay Japan ayaa lagu sheegay inuu ku taliyay inay 15 daqiiqadood kasta la cabbo biya, si fayraska korona jirka looga saara. Qoraalkaas oo xitaa lagu qoray luuqadda Carabiga waxaa la sii wadaagay 250,000 oo jeer. Balse Professor Trudie Lang oo wax ka dhiga jaamacadda Oxford ayaa leh, “Ma jiraan caddeymo taageeraya sheegashadaasi in fayriska ku dhaca habdhiska neefsiga biya lagu xaaqi kara” Si kastaba ha ahaatee cabbida biyaha waaa mid u waangasan caafimaadkada, sida ay dhakhaatiirta ku taliyeen. 4.Kuleylka Iyo Iska Ilaalinta Jalaatada Talooyin kala duwan oo maraka qaar is khilaafsan oo ku saabsan cabidda ama ku qubeysashada biya kulul ayaa dhexyaacaya baraha bulshada. Mid ka mid ah qoraaladaasi oo dalal kala duwan si weyn loogu baahiyay– oo si been abuurhan loogu tiiriyay UNICEF– ayaa ku doodeysa in cabbida biya kulul, qorraxda kulul oo la isu dhiga iyo iska ilaalinta jalaatada lagu daweyn kara fayriska. Charlotte Gornitzka, oo ka tirsan UNICEF ayaa ka digay in arrintaasi ay tahay been abuur oo aysan UNICEF sidaas ku talinin. Wan oganahay in fayraska uusan tusaala ahaan ku noolaaan karin meel ka baxsan jirka muddo dheer xilliga kuleylaha, laakiin ma jirta caddeymo ku saaabsan sida kuleylka uu u saameyn kara fayraska corona. Mar haddii fayraska uu jirkaada gala,na ma jirta qaab aad ku dili karta. Waa in jirkaada uun u la dagalamaa. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka, General Cabdiraxmaan Maxamed (Tuuryare) ayaa ka hadlay dil saaka wiil ay ilmo adeero ahaayeen loogu geystay gudaha suuqa Siinaay ee magaalada Mudisho. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuuryare ayaa waxaa toogtay ciidamo ku sugnaa isgoyska Siinaay, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogyaal ah. Qoraal uuu Genaral Tuuryare soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxaa ku sheegay in geerida Maxamed ay u xanuunjisay sida curadkiisa oo dhintay kale. Sidoo kale wuxuu tilmaamay marxuumka dhalinyaro aha uu isagu soo bar-baariyey, islamarkaana uu qorshihiisu ahaa in sanadkaan uu bilaabo Jaamacadda. “Alaha u naxariisto wiil firfircoon oo aan gacanta ku haayay aana barbaariyay sanadkaana Jaamacada gelaaya ayuu ahaa oo ubax soo baxaaya ah, saaka curudkeygi oo dhintay oo kale ayay ii xanuunjisay geeridiisu ama iiga darantahay, aabihiisna alaha asna u naxariistee qaali ayuu igu ahaa oo jaceylka aan u qabo ayaa halkaas kasoo jeeda oo aan ka shinsanaayay.” ayuu yri taliyihii hore ee ciidamada nabad-sugida Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in marxuumka ay dishay gacan ka xaq-daran oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Alaha u naxariisto walaalkey Maxamed Abuukar Tuuryare oo saakay gacan ka xaqdarani dishay, kuwaas dilay oo ka tirsan ciidanka Dowlada.” ويا حزناه،،،،،،،،، انا لله وانا اليه راجعون…
  16. KISMAYO (HOL) - Jubbaland President Ahmed Madobe has called ok warring clans in the region to end hostilities and embrace dialogue. Source: Hiiraan Online
  17. Somalia will push ahead with plans to hold presidential and parliamentary elections in early 2021, removing doubt that it will delay the vote because of the spread of Covid-19. “Holding a timely election is more important than anything else at this time and it’s one of the primary goals which the public entrusted us,” Prime Minister Hassan Ali Kheyre said in a speech following a cabinet meeting. The Horn-of-Africa nation has endured two decades of civil war, and is contending with the worst desert-locust plague in recent memory and an insurgency by al-Shabaab, an al-Qaeda-linked Islamist group. The government is seeking debt relief as the coronavirus pandemic adds to its woes — it has almost 2,000 cases and a health system ill-equipped to deal with the outbreak. Source: Bloomberg
  18. Waxaa sii kordhaya tirada dadka lagu arkayo caalamadaha Caronavirus sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka Galmudug Waxaana Ilaa 54 sambal oo laga qaaday dad lagu arkay caalamadaha caabuqa COVID19 ayaa wasaarada caafimaadka Galmudug shalay galinkii danbe u dirtay magaalada Muqdisho si baaritaano loogu soo sameeyo. Isku duwaha wasaarada caafimaadka Galmudug Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi ayaa sheegay in ay sii kordhayaan xaaladaha dadka la xaqiijiyay in ay qabaan caabuqa Coronavirus Isagoona xusay ilaa iyo hadda in tirada guud ay gaareeyso 15 ruux. Sidoo kale isku duwaha ayaa sheegay in ay dad badan da’doodu ay aad uweyn tahay ay maalmihii u danbeeyay ay ku geeriyoodeen Gobolka inkastoo aan la xaqiijin karin in ay sababsadeen cudurka caronavirus. Xanuunka COVID-19 ayaa maalmihii ugu dambeeyey saameyntiisa aad looga dareemay deegaannada Galmudug gaar ahaan magaalada Cadado waxaana laga yaabaa in saacad weliba ay soo kordhi karaan dadka lagu arkayo astaamaha caabuqa COVID-19. Source: goobjoog.com
  19. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in madaxwayne Donold Trump loola cararay Jimcihii qol dhufays ah oo dhulka hoose ee aqalka cad ku yaalla si uu gabaad uga dhigto ka dib walaac ku aadanaa halis ka imanaysay dibadbaxayaal mudaaharaad ka dhigayay afaafka hore ee dhismaha aqalka cad. Wararka ayaa sheegaya in Mr Trump uu goobtaasi gabaadka ah ku sugnaa oo kali ah muudo hal saac ah. Madaxwaynaha ayaa dhowr qoraal soo dhigay barta Tweetarka isaga oo eedeeyn u soo soo jeediyay dadka ay siyaasada isku hayaan. Waxaa uu kooxaha garabka bidix ku eedeeyay in ay hurinayaan rabshadaha ka socda dalka Mareykanka. Booliiska ku sugan goobaha ku xeeran aqalka cad ee ku yaalla magaalada Washington ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa u isticmaalay dibadbaxayaal tuurayay dhagxaan. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa horey ugu ammaanay ilaaladiisa qaabka ay ula tacaaleen dadkii Jimcihii ku hor mudaaharadaayay Aqalka Cad , dadkaas oo ka careysnaa dilka nin madow ah oo aan hubeysneyn oo uu askeri ka tirsan booliska ku dilay magaalada Minneapolis. Aqalka Cad ayaa si ku meel gaar ah loo xiray Jimcihii markii dibadbaxayaal carreysan ay soo hor dhoobteen. Ilaalada madaxweynaha ayaa xiray albaabada laga gala iyo kuwa laga baxa ee Aqalka Cad. Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay n dibadaxayaasha haddii ay isku dayaan inay soo galaan “laga horkeeni doono eeyo arxan daran iyo hubka ugu xumaa ee aan abidkey arkay” Ku dhawaad 40 magaalo ayaa Bandow lagu soo rogay, balse dibadbaxayaal badan ayaa bandowga iska indha-tiray taasi oo keentay in booliiska ay isku dhacaan. Geeridii George Floyd ayaa waxaa dhashay dibadbaxyo guud ahaan dalka Mareykanka, iyada oo ay dibadbaxayaasha ay ku baaqayaan in la soo afjaro dhibaatooyiinka ay booliika geystaan. Mr Floyd ayaa ahaa nin madow ah oo aan hubeysnayn islamarkana askari ka tirsan booliiska uu luqunta in ka badan 8 daqiiqo jilibka kaga hayay isaga oo ku qaaylinayay”ma neefsan karo”. Isniintii , ayaa askari lagu magacaabo Derek Chauvin uu jilibka dhulka kula nabay isaga oo lagu eedeeynayo in uu goob dukaan ah uu wax uga iibsanayay 20 doolar oo been abuur ah. Derek Chauvin ayaa xabsiga loo taxaabay, islamarkana lagu soo oogay dacwad ah in uu dil gaystay. Source
  20. Bandowgii lagu soo rogay qaar ka mid ah magaalooyiinka Mareykanka ayaa waxaa uu hor istaagi waayay dibadbaxayaasha ka careysan geeridii ninkii madowga ahaa George Floyd, ninkan ayaa ku dhintay magaalada Minneapolis ka dib markii mid ka mid ah booliiska uu qoorta uga joogsaday. Dibadbaxayaal dhigayay mudaaharaad si ammaan ah ku dhacay ayaa isugu soo baxay dhowr magaalo oo bandowga lagu soo rogay mudaharaadka ayaa isku badalay mid rabshado wata ka dib markii ciidamada Booliska ay isku dhaceen mudaharaadayaasha, waxaa sidoo kale jiray dhismooyiin la weeraray iyo dhac dukaamo loo gaystay. Boqolaal qof ayey booliiska ka hortaga rabshadaha ku xireen magaalada Los Angeles, Magaalada New York waxaa dadka careysan dab la qabadsiiyeen 20 gawaarida booliiska ah oo isku dayey in dibaxa ay hor istaagaan ciidama ayaana ku guul dareystay xakameyn mudaharaadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dowlad goboleedka Jubbaland oo faah-faahisay kiisas la xiriira cudurka Coronavirus ee laga helay maamulkaas ayaa sheegtay inuu cudurka ku faafayo deegaanadeeda. Wasiirka caafimaadka Jubbaland, ahna guddoomiyaha guddiga ka hortagga cudurka Covid-19, Mursal Maxamed Khaliif ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay la baaray 74 ruux balse ay diiwaan-geliyeen 34 xaaladood oo la xiriira cudurka Corovid-19. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cudurka uu haatan ku sii faafayo deegaanada Jubbaland, isagoo ugu baaqay dadka shacabka ah inay qaataan talooyinka caafimaadka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-wasiirka-caafimaadka-jubaland-.mp3 View the full article
  22. A Somali government soldier has shot and killed unarmed civilian in Mogadishu, the country’s capital on Monday. The incident took place at Sinai intersection in Mogadishu’s Warta Nabada district. According to an eyewitness, the deceased whose name is identified as Mohamed Abukar Turyare was gunned down by the officer after a quarrel sparked between them killing him instantly. The soldier who committed the crime immediately fled from the scene. Added the witness. Security officers have immediately reached at the scene to carry out investigations though the assailant vanished. Police authorities did not comment on the killing which is the latest in a series of attacks to civilians in Mogadishu, some claimed by the Al-Qaeda-linked Al Shabaab. The incident comes barely a day after a roadside bomb struck a passenger bus in the outskirts of the capital Mogadishu, killing at least ten civilians and left several others wounded. Such killings frequently occur in Somalia and it is mostly carried out by government soldiers and there is no word yet regarding the prosecution of the officers behind the killings.
  23. “Wixii Dhaliilo Ah Ee Jira Waanu Qaadanaynaa, Lakiin’se Dan Gaar Ah Oo Uu Leeyahay Guddoomiyaha Solja Yeeli Mayno ….. “. Xuseen Deyr. (SLT-Hargeysa):Xoghayaha Fulinta Gudida ka hartaga Cudurka Corona Virus Xuseen Aadan Cige ayaa u jawaabay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto), waxaanu ku tilamaay nin dano gaar ah wata. Xuseen dayr oo waraysi gaar ah siiyay telefishanka Bulsho ayaa waxa uu yidhi “Horta isaga oo aan balan samaysan ayuu Xafiiska noogu yimi howlo ayaanu haynay guddida covid19, Guddoomiyuhu War-qada ayuu noo soo diray War-qadaasina waataahortaala 28 bisha ayey na soo gaadhay, balse jawaabteedii horta Maxamuud muu sugin, waxaan doonaynaa ayuu idhi cilmi baadhis cilmi baadhistaasina nooca ay ahayd iyo ujeedada ay lahayd sidda ay isaga la tahay halkan ayey ku qoran tahay , guud ahaanba guddida heer Qaran ee uu Madaxweynaha Somaliland magacaabay Muuse Biixi Cabdi ee uu Madaxweyne ku-xigeenkuna Guddoomiyaha ka yahay shalay ” doraad”war-baahinta waanu la haddalnay,su’aal kasta oo loo baahnaa haddii ay tahay qaabka aanu u shaqayno , haddii ay tahay wixii Lacag na soo galay , wixii agab la soo galay, sanaaduuqda ay Dowladu doonayso inay ummada ku caawiso , haddii uu yahay sanduuqa Caafimaadka,Sanduuqa Qoyska loogu talo gelay , Sanduuqa dadka ay shaqadu ka istaagtay loogu talogalay,Sanduuqa loogu talogalay guud ahaanbe beeralayda in lagu dhiirigeliyo, Madaxweynaha iyo guddida kalena si toos ah ayey u faah-faahiyeen,guud ahaanba war-baahinta Somaliland ee uu leeyahay ninka Xuuto la yidhaah waan matelaa meesha ayey joogeen 50tan su’aaloodna wey na weydiiyeen , wax kastana waanu uga jawaab-nay , qoraal dheer oo aanu ku soo bandhignay ciddii wax noo dhiibtay intaana war-baahinta ayaanu u gudbinay.” Waxaanu intaasi ku sii daray “Waxa is weydiin leh Guddoomiyaha SOLJA isagu ma dan gaar ah ayuu u socdaa goorma ayuu isagu kursigii uu Hantidhowrku lahaa uu isagu ku fadhiistay,Wax-yaabaha uu Guddoomiyaha Solja doonayo in aanu uga jawaab-no waxa kamid ah:- Dhaqaalaha iyo Agabka Wacyigalineed ee guddida Heer qaran u qoondaysay ololaha Wacyigalineed ee xanuunka COVID-19 iyo siday u baxday.” Ayuu yidhi Dhanka kalena Xoghaye Xuseen Deyr ayaa tilmaamay in aanu xaq u lahayn Guddoomiyaha SOLJA inuu su’aalo noocaas weydiiyo guddida Covide 19 “Su’aalo noocaas ah hadda ayaan ku celinayaa xaq uma laha inuu su’aalo noocaas ah na weydiiyo , wixii war-bixin ah ee kalena dadka ayuu ula siman yahay , haddii uu doonayo isagu marshuuc uu lacag ku soo qaato qaabkii Mashruuca loo qorayey noocan mahaa, guddidu waa gudddi uu Madaxweyne Magacaabay waa guddi uu Guddoomiye ka yahay Madaxweyne ku xigeenku, waa guddi ay golaha wasiiraddu lix wasiir kaga jiraan, waa guddi leh xoghaye guud oo fullineed, waanu naqaanaa shaqadayadda shaqadayaddana Xuuto noo tilmaami maayo,isaga ayaan shaqadiisii garanay ee isagu shaqadiisa ha garto,shalay war-baahintu haddii ay joogtay kuwa uu leeyahay iyo kuwa uu metelo, waxa kale ee uuna weydiinayaan waa gardaro,wac-yigelinta isagu masuul kama aha, ha is weydiiyo isagu doorka uu ka guddoomiye ahaan madaama oo uu yahay Guddoomiyaha SOLJA in ummadiisa uu war-baahinta u nidaamiyo inta uu kale xigsanayo ee uu kale qoqobayo war-baahinta isagu doorkii Guddoomiyaha SOLJA ee ururka suxufiyiinta Somaliland ayuu isku sheegayaaye isagu ha is weydiiyo doorkee ayaad kaga aadan tahay addigu in aad ummadaada ka wac-yigeliso oo aad war-baahinta Qaranka iyo war-baahinta kale ee gaarka loo leeyahayba inta aad meel iskugu keento aad tidhaah-do maxay tahay ujeedadeenu ummaddeena siddeebaynu xanuunkan dilaaga ah aynu uga wac-yigelinaynaa habayaraatee ma jiro wax qorshe ah oo uga meel yaalaa.”Ayuu yidhi Xoghaye Xuseen Deyr Ugu Dambeyn Xoghayaha Guud ee guddida Covide 19 ayaa sheegay in aanay wax-ba ka jirin dhaliilaha uu Guddoomiyaha SOLJA ujeediyey guddidaasi cudurka karoona Fayras,waxaanu sheegay inuu dan gaar ah u socodo Xuuto, balse markii uu ku hugoobay oo miciin biday inuu eedayo guddidaas”Waxay noqotay Guddida Covide 19 iyo dhaliilihii uu usoo jeediyey , waxaan leeyahay dhaliilahaasi waa dhaliilo aan sal iyo raadtoona lahayn, wax ale waxa ka jiraana aanay jirin,shalay ayaanu haddalnay ” dooraad” maanta “shalay” waxa igu kelifay in aanu haddalo saaka “shalay subax” markii uu Xafiiska igu yimi siddii uu yahay Guddoomiyihii Hantidhowrka Qaranka ayuu yidhi waxaanu doonaynaa in aad su’aalahaa nooga jawaabto , su’aalahana waxa weeyaan su’aalo baal marsan nidaamka Dowlad-nimadda , isaga laftiisu wuxuu ku shaqeeyaa miisaaniyadda Dowlada ,siddaa daraadeed waxaan leeyahay dhaliilahaa uu soo jeediyey Guddoomiyaha SOLJA wax-ba kama jiraan,ummadduna markhaati ayey ka tahay in aanu shalay usoo jeedinay oo aanu usoo bandhignay wixii nasoo galay Lacagtu halkii ay ka timi ciddii bixisay , wixii agab na soo gaadhay,waxa ku soo jira jidka, hawlaha shaqo ee guddida Covide 19 si fiican ayey u socdaan wixii dhaliilo ah ee jira waanu qaadanaynaa, lakiin’se dan gaar ah oo uu leeyahay Guddoomiyaha SOLJA ka hor istagi mayso hawlaha mihiimka ah ee uu Madaxweynuhu u xil saaray Guddida Heer-qaran.”Ayuu yidhi Xoghaye Deyr Source